• Embed Doc
  • Readcast
  • Collections
  • CommentGo Back
Download
 
 1
G U D U U D A N ESheeko Gaaban
Abdisalam M Issa-Salwe
Shankaroon Cilmi qalbigeedu ma fadhiyin tan iyo goortuu macallku amray inaysan fasalka kabixin markay ardaydu quraacda aadaan. Waxay is-waydiinaysay dembiga ay gashay. Nus saacwaqti ku dhaw dersiga Macallin Guduudane lama aysan socon. Intuu fasiraadda xisaabta wadayhadba mar ayuu soo dhuganayay xageeda. Indhihiisu tash ayay ku abuurayeen ardayadda. Marbawaxay eegaysay daqiiqadaha ka harsan tobanka. Waxay ahayd tobankii oo lix mirir la'.Daqiiqaduhu way sii gurmayeen. Inuu waqtigu istaago jeclaan lahaydaa! Saacadeedii ayay iskafurtay; waxay ku cadaadisay jeebka surweelka. Hadba dhinac ayay kursiga uga fariisanaysay.Saacad ay xirnayd gabar ag fadhiday ayay qooraansatay. Waxay sheegaysay tobankii oo shandaqiiqadood la'."Daqiiqad bay horraysaa;" ayay ku tiri. Gabadhii ayaa soo eegtay. Iyadoo la yaaban aysanfahminna waxa ay Shankaroon sheegayso ayay u jeesatay tafsiirka macallinka.Cabbaar yar ka dib ayay saacaddii la soo baxday. Waxaa harsanaa saddex mirir. Dhafooradaayay sacabada saartay. Waxay la dhakafaarsanayd inuu waqtigu socday intay saacaddu jeebkaugu jirtay.Tobankii oo daqiiqad la' ayuu dawankii yeeray. Ardaydu waxay bilaabeen inay quraacda udareeraan. Cabbaar yar ka dib keligeed ayaa ku hartay fasalka.'Bismillaahi Raxmaani Raxiim',iyadoo hoos u leh ayay hor istaagtay macallinkii."Ma ogtahay inaan nebcahay qofkii neceb maadadayda?" Ayuu macallinku waydiiyay. Wax jawaab ah ma uma ay celin."Naa maxaad isu qalqaloocinaysaa, su'aasha maad ka jawaabtid," isagoo leh ayuu indhaha kugubay. Waxay taagnayd albaabka agtiisa."Macallin, ani... aniga ..., ma aqaan." Waxaa dhib ku ahayd intay hor taagan tahay. Waxay kabaqaysay inuu maqlo quraanka ay qalbiga ka akhrinaysay."Maxaadan aqoon?" Ayuu waydiiyay isagoo su'aasha ku xoojinayey farta murugsatada midig."Macallin, nasiib uma lihi xisaabta iyo sayniska...", hadalka way la gariiraysay mana aysan jawaabi karin. Waxaa saaqay kulayl. Garbasaar ay ka dul huwanayd shaarka iyo surweelkadugsiga ayay bilowday inay isku babiso. Hug-hugta wadnaheeda waxay ka dhex maqlaysaysaabka hoostiisa isagoo dhiigga si xowli badan ugu qaybinaya jirkoo idil."Maxaad tiri?" Indhaha ayuu ka dhex dusinayay. "Naa waa inaad jeclaataa xisaabta iyosayniskaba. 'Nasiib uma lihi' iyo 'ma aqaan' war aan maqli karo ma aha. Haday daacad kaa tahaymaad aniga i waydiisid."Waxay ku jawaabaysay hadba mar inay madaxa kor iyo hoos u ruxdo."Yaah? Maxaad leedahay? Diyaar ma u tahay inaad baratid xisaabta iyo sayniska, haa amamaya?" Ayuu si xanaaqsan u waydiiyay."Haa, macallin," ayay tiri."Hadii aad rajo ka leedahay inaad gudubtid imtixaanka dugsiga dhexe ee sannadkaan waa inaadtimaaddaa duruusta galab waliba aan ka baxsho aqalka." Intuu kursiga ka istaagay ayuu xageedau dhaqaaqay. Wuxuu gashanaa kabo cirba dhaadheer. Kor isagoo u eegaya ayuu labada gacmooddhexda ku qabsaday wuxuu ku amray, "Dersiga berrito waa inaad ka soo qayb gashaa. Hadiiaadan doonayn inaad noqotid geed ka baxay fasalka toddobaad ee dugsiga 21ka Oktoobar.Shanta galabnimo waa inaad timaaddaa. Furaha hor-u-markaaga warqaddaan ayay ku qorantahay. Soco."
 
 2"Haye, macallin," iyadoo leh ayay ka sii baxday fasalka.'Macallinkaan waa i neceb yahay. ' Iyadoo qalbiga ka leh ayay sii dhex maraysay dhismayaashafasallada taxan ee dugsiga.Kulaylka qorraxda waxaa mar mar qarinaayay daruuro yar yar oo ay dabeyshu cayrinaysay.Dabaysha dayrtu waxay ka soo dhacdaa dhinaca xeebta. Bilaha Oktoobar iyo NofeemberBenaadir waxaa ka dhaca dabaylo xoog badan oo loo yaqaan Istaaq-Furulow.Shankaroon waxay u gudubtay qaybta dugsiga hoose, si ay uga sii kaxayso saddex walaalaheedah. Aqalku wuxuu u jiray, labaatan ilaa shan iyo labaatan mirir oo lug ah. Isbataalka caruurta(UNICEF) ee degamada Xamar Jajab ayuu in yar ka dambeeyay.Dhismaha gurigooda wax yar ayaa laga beddelay tan iyo maalintay Shankaroon dhalatay, 8diiLuulyo 1966dii. Waqtigaas gurigoodu wuxuu ahaa cariish saddex qol ka kooban. Isla sannadkaasdhammadkiisa ayuu aabeheed Cilmi kala bar ka dhigay dhagax. Aabeheed wuxuu ka sheekayn jiray inay curadiisa u ahayd falxad. Sababaha uu ku aaminay waxaa ka mid ahayd maalinta aydhalatay baayac-mushtarigiisu kor ayuu u kacay. Cawo ayuu u baxshay. Hase yeeshee, magaciiabtigeed Yuusuf ayaa u hir galay. Aabeheed wuxuu damacsanaa inuu sannadihii ku xigaydhamaystiro dhismaha harsanaa ee guriga. Nasiib darrose, taladiisa tii Alle ayaa kaga sokamartay. Jug madaxa ka gaartay kadib kolkuu gaari kula qallibmay agagaarka Afgooye ayuu afarsano kadib u geeriyooday.Shankaroon iyo walaalaheed kolkay aqalka tageen hooyadood waxay ka salaama-noqsanaysaysalaadda duhur."Maandhey, caruurta u gur qadada. Waxay ku jirtaa digsiga girgirraha agtiisa yaal," Ay-MadiinaXasan ayaa ku amartay gabadheeda iyadoo weli dul taagan salliga. Waxay u diyaar garowdayinay xirato salaad sunne.IIShankaroon waxay ka mid ahayd ardayda dhex dhexaadka ah ee dugsiga. Haday kuwanaagsanaan lahayd maadooyinka xisaabta iyo sayniska laasum waxay noqon lahayd ardaydadalka ugu dhibca sarreeya. Nasiib darro, halkii ay ka raadin lahayd inay ku dadaashomaadooyinkaas, waxay u ekayd inay sii nacaysay."Naa maxaad uga soo qayb geli wayday waxbarashada?" Macallin Guduudane ayaa waydiiyay.Waxay ahayd laba iyo tobankii duhurnimo, waqtigay ardaydu ka rawaxdo dugsiga."Waan imaadaa, macallin," ayay ku jawaabtay Shankaroon iyadoo indhaha ka mirig mirigsiinaysa. Dhuuxa hoostiisa waxay ka dareemaysay mowjado maskaxda ka soo burqamayay.Luguhu ma aysan sidi karin miisaankeeda."Naa, ma anigaa beenlow ah?" Ayuu si xanaaqsan u waydiiyay. Caradii ka muuqatay waxay isusoo uruurisay firiirixiyo uu ku lahaa wejiga oo ka dhaldhalaayay saliid uu subaxdaas kudhaashaday."Wallaahi, macallin, xataa maalin ma aan maqnaan." Hadalkeedu wuxuu lahaa xabeeb qallalan."Ma waxaad iga dhaadhicinaysaa inaad dorraad timi aqalka? Yaah?""Macallin, maalintaas hooyaday ayaaa shaqo ii dirtay; waan soo bixi waayay;" waxay wejigiisaka dareentay inuusan rumaysanayn hadalladeeda. Suu u aamino ayay u raacisay, "Ilaahow, intaaan jeclahay iga qaad, macallin..." intaysan dhammayn ayuu ku yiri,"Gabar yahay, uma ekid qof waxbarasha doonaya. Indhahaaga ayaan ka arkaa. Hooyadaa hadiiaysan doonayn inaad wax baratid, orod muufada u dub. Adigoo kale dugsigu wuu ka maarmaa.Qarankana khasaare ayaad ku tahay.""Macallin..." hadalka ma'aysan dhamaystiri karin. Qallaylka dhuuntu xabeeb culus ayuu uyeelay; hadba carrabka intay rog-rogto ayay candhuufa qallalan liqaysay si ay dhuunta u qoyso."Ma aqaan hooyaday ayaa ii diiday iyo been kale. Ama hooyadaa la joog ama waxbarashada
 
 3dooro;" isagoo weli sii hadlaya ayuu dhinaca albaabka sii aaday. Intuu dib u soo eegay ayuu kuyiri, "Berri galab waa inaad waxbarashada ka soo qayb gashaa. Fursaddii ugu dambaysay ayaanku siinayaa ..." isagoo weli u sii hanjabaya ayuu albaabka ka sii baxay.IIIMacallin Guduudane wuxuu degganaa degmada Waaberi. Waddada Maka Al-Mukarrama dariiqyar oo ka baxa hortiisa guri ku yaal ayuu ijaar ugu jiray. Shankaroon oo nafteeda hiifaysa ayaa iswaydiinaysay inay dib u noqoto iyo in kale. Waxay ku lugaynaysay dalcad yar oo bacaad badankana sokeeyay aqalkuu u tilmaamay macallinku.'Waa markii afaraad. Maalin kasto kaalay. Muxuu iga rabaa aniga?' Ayay is-waydiisay. Wayistaagtay. Cabbaar ayay fekertay. Baqdin iyo walwal ayaa dhinacyada u kala dhufanayaytaladeeda. Horay ayay u socotay. Cabbaar kolkay lugaysay ayay misna istaagtay. Baqdintii ayaaku badatay. Mar keliya ayay dib u jeesatay. Kolkay dhawr tillabo qaaday ayay maqashay qof magaceeda u yeeraya. Way shakiday. Tooskeeda ayay u sii socotay iyadoo aan dib u jeesan."Hey, Shankaroon. Shankaroonay;" codka u yeeraya wax yar ayuu ka dambeeyay.Waxay istaagtay iyadoo aan weli dib u jeesan. Iyadoo sidii u taagan ayuu qofkii u yeerayay soogaaray. Intuu garabka ka qabtay ayuu ku yiri,"Maxaa kugu dhacay? Ma waxaad garan wayday guriga?" Sidii geed baxay oo kale ayay utognayd. "Bal eeg sida ay kuugu dhaw dahay meesha aad ka luntay;" ayuu u raaciyay macallinGuduudane. Dib intuu u dhaqaaqay isagoo tallabada gaabinaya ayuu yiri, "Ina mari." Wuxuugashana macawis iyo funaanad ay midabadoodu wada casaayeen. Iyadoo u jirta shan tillaaboayay daba gashay.***"Kursigaan soo fariiso," ayuu u tilmaamay kolkay qolkiisa soo gashay. Kursi kuwa fadhiga ah oooollaa dhinaca midigta ee albaabka ayay ku fariisatay. Gabadha horteeda waxaa yiillay miis yaroo uu dul saarnaayeen ubax caag ah. Dhinacyada waxaa ka oollaa laba kursi oo yar yar. Ka soohor jeedkeedaa waxaa uga muuqday sariir weyn oo ay dhinacyadeedu kor u dheer yihiin iyagoohaya maro guduudan oo ku daahnayd kala bar sariirta. Waxaa isheedu qabatay derbiga ka soohor jeedkeeda oo ay surnaayeen sawirro naago qaawanaan ku dhaw. Hoos ayay madaxa udhigtay iyadoo ka baqaysa inay mar kale indhaheedu qabtaan sawirrada. Qolka waxaa ka buuxayhawo culus oo uu ku reebay qiiq sigaar lagu cabay. Hawadu meel ay ka soo gasho ma uusanlahayn."Waxaan kaa ballan qaaday inaan kaa dhigo gabadha ugu sarraysa dugsiga. Sidii caanihii oo kaleayaan kuu qurqursiin doonaa xisaabta iyo sayniska. Qalbigaaga ii ballaq, Indhadeeraleeyeey,"isagoo leh ayuu soo dhinac fariistay. Hadalladiisu waxay ka soo dhex dusayeen qiiqa sigaar uucabayay. Garbasaarteedii ayay isaga babisay qiiq indhaha ka galay."Muhiimku waa inaaad kalsooni isa siisaa inaad maadooyinkaan baran kartid. Shuruudaha uguhorreeya waa inaad fahamtid sharciyadooda. Xisaabta la yiraahdo jajab ayaan kuu bilaabayaa."Wuxuu bilaabay inuu ugu qeexo dersiga warqado hortiisa yiil. Indhaha oo keliya ayay ku jawaabaysay iyadoo weli hagoogan garbasaarteeda.***"Saaca bisaaca. Waqtina waa waxbarasho waqtiga kalena waa in la madadaashaa. Maskaxdahadii aan nafis la siin dersiga si fiican uma qaban karto," isagoo leh ayuu istaagay. Daqiiqad kadib dhegteeda waxaa ku soo dhacayay muusik macaan iyo heeso Soomaali ah. Waxay ka sooburqamayeen sameecado surnaa afarta dhinac ee qolka. Wuxuu miiska saaray dhalooyin kookakoola ah oo wada furan. Wuxuu mid hor dhigay gabadha; tan kalena isaga ayaa hadba markabanayay.Tan iyo goortay soo gashay qolka Shankaroon indhaha ayay ka mirig mirig siinaysay. Dhinacnaugama aysan dhaqaaqin siday u fadhiday. Waxay sii argagaxday markay arday kale meesha ka
of 00

Leave a Comment

You must be to leave a comment.
Submit
Characters: ...
You must be to leave a comment.
Submit
Characters: ...