You are on page 1of 4

1

Ma Dagaalaa! Ma Muqdishaa! Ma Dil iyo Qixitaanaa!


W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow)

Hadal badan kama furna masiibada ka socota magaalada Muqdisho iyo dalka
intiisa kale, lagamana aamusi karo oo damiirka ayaa na damqaaya. Waa dhiig
daadanaya, meed la guraayo, dhaawac la dhayaayo, bara-kac aan xad laheyn,
oohin, riin, aadaar, taah, habaar iyo qaylo dhaan. Waa kala orod, isku habaar
wacasho, isgargaarsi iyo Alle bari. Waa dagaal lagu tooganayo mar kale
wadnaha Somaaliya, maskaxda Somaaliya, sumadda dawladnimada -
caasimada Somaaliya ee Muqdisho. Waa dagaal ay ku niyad-jabayaan dadka
Somaaliyeed oo rajada ka lahaa culimda hor-boodeysa dawladda iyo
mucaaradka. Waa dagaal ay ku hoobanyaan dad aan waxba galabsan oo isugu
jira caruur, haween, waayeel iyo waxgarad. Waa dagaal ay ku barakacayaa
kumanaan qoys, laguna burburinayo adeegyadii bulshada sida dhibka badan
lagu sameysay 19 sano ee lasoo dhaafay. Waa masiibo kasii masiibo, waa
“dab dhaxamooday ee maxaa lagu diiriyaa! waa dawo bukootay ee maxaa
lagu dabiibaa”! Waa dhiig xaq-daro iyo dulmi lagu daadinayo! Waa naar loo
tartamayo iyo balaayo la hor-boodayo. Aaway diintii Islaamka oo magaceeda
lagu dirirayo? Away Alle ka cabsigii lagu celcelinjiray, qur’aankii la aqrin jiray
iyo axaadiistii la daliilin jiray?

Dagaallada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee


Somaaliya looma fiirinaayo yaa gardaran iyo yaa gar leh. Haddii gar iyo
gardaro la qaadanaayo, waa la xaajoon lahaa, geed hoostiis ayaa la fadhiisan
lahaa, markii la hadlana waa la heshiin lahaa. Arinka ah “yaa gar leh iyo yaa
gardaran” waxaan ka baqayaa inaan ku heshiin weynno ama garteynna la
diido. Waxaan ka cabsanayaa in hadalkeynu ku soo gunaanadmo “Cali Mahdi
gar leh Ceydiidna gar leh”. Erayadaas ku saleysan go’aan qaadasho xumida,
waxey sabab u noqdeen dagaaladii lagu hoobtay oo ka dhacay magaalada
Muqdisho 1991-92. Hadaba, ma ka fiirinaa dagaallada Muqdisho iyo meelaha
2

kale xagga dhibaatada uu keenayo iyo khasaaraha uu sababayo. Ma isku


raacnaa inaan dhahno, Dawladda KMG iyo xooggagga hubeysan ee
mucaaradka ah xaq uma laha, waxeyna ku tahay khalad, iney ku dul
dagaalamaan maatada. Haa! dawladda KMG ah waxaa laga rabaa iney soo
celiso kala dambeynta iyo qaanuunka. Waxaa laga rabaa iney damaanad
qaado nabadda muwaadiniinta, laakiin sidey ku gaareysaa sidaas? Farsamo
fiican oo sax ah ayaa looga fadhiyaa dawladda, lagamana sugaayo iney
udhaqanto sida jabhad. Waxaa laga sugaya waa dhaqan dawladnimo iyo
ilaalinta xuquuda aadamiga. Dhanka kale, mucaaradka hubeysan haddii uu
talo qaadanayo, waxaa haboon iney wada hadal shuruud la’aan ah la furaan
dawladda. Laakiin, arinkaas haddii ay diideen, waxaan leenahay haku kor
dagaalaminna maatada, gabaadna haka dhigana.

Run ahaantii, dadka Somaaliyeed waa fahmi la’yihiin sabata ay ugu kor-
dagaalamayaan culimadii shalay ka wacdin jirtay masaajiddada, ugu baaqi
jirtay Alle ka cabsi, bari jirtay diinta Islaamka. “ Culumadaan kuwaan arki
jirnay ma aha oo waa kuwa la yaab leh, waa kaa qur’aan badayihiin, kaa
aftahasanyihiin, hadana waa dagaal oogayaal, dhiigga muslimka xaq-daro ku
daadinaya”, sidaas waxaa igu tiri gabar Somaaliyeed oo ka mid ah Somaalida
yaaban. Culimadaas waxey cambaareyn jireen daglaaladda qab-qablayaasha
dagaalka, faragelinta shisheeye iyo dhibaatada dabada dheeraatay ee
Somaaliya. Culimadaas waxey sheegayeen, weligoodna dhihi jireen “Xalku
waa Islaamka”. Waa run oo xalku waa Islaamka, laakiin ma la hubaan in kuwa
maanta magaca diinta sheeganayaa ay yihiin xalka? Kuwa maanta isla
dhacaya madaafiicda ayaga oo magaca Islaamka wata ma yihiin xalka? Diinta
Islaamka kuma xirna aadamiga khaldamaya oo waa saafi, barax-tiran oo
tusaaleysa sida Eebbe rabo inaan ugu dhaqanno dhulka dushiisa. Diinta
Islaamka laguma cabiro, lagumana garto ficilka dadka sheeganaaya ee waxaa
lagu gartaa sida ay ugu qorantahay Qur’aanka, Axaadiista oo ay fasireen
culumada Islaamku. Hadaba, bulshada Somaaliyeedmeel kasata oo ay
joogaan iyo dadka degan magaalada Muqdisho waxey af-buuxa ku leeyihiin
3

“dagaalka naga joojiya ! Xukunka aad isku haysataan ka xaajooda, waa


cadaatay inaadan diin isku haysanee!”

Dhab ahaantii, maxaa muddo dheer muuqatay in caqliga siyaasadeed ee


Somaaliya uu welli ku jiro marxaladda qaan-gaarnimada, dhaqanna ka dhigtay
inuu dulsha ka saaro dhibaatadeyna xooggaga shisheeye. Arinka sidaas maka
bedelnaa oo ma isla garannaa in dhibaatada Somaaliya ka jirta Somaalidu
masuul ka tahay? Ma aragnaa in dawladaha shisheeye ay gacan siiyaan kooxo
Somaaliyeed oo dantooda difaacaya? Inta isla garano sidaas, maka tashanaa
sidii aan uxallin laheyn dhibaatadeynna? Nasiib darro, ma tashanaa waa laga
waayay siyaasiyiinta Somaaliyeed (wadaadkooda iyo waran-lahooda), xoog
ayaa la rabaa in lagu gaaro ujeedooyinka siyaasadeed. Magaalada Muqdisho
oo ah caasimadda Somaaliyeed waxaa lagu burbuuriyay, dadkeedii lagu dilay,
laguna barakiciyay dagaalladdi dhacayay 1991-2 iyo intii ka dameysay. Waxaa
lagu dagaalamayay magaalada dhexdeeda muddo ka badan 19 sanno. Waxaa
laga qaxayay muddo 19 sanno ah. Ujeedada lagu dagaalamayo waa xukunka
iyo awoodda qaranka in la boobo, waxaana la deegsadaa waa “qabyaalad iyo
diin isku jirta ama kala jirta”.

Dagaalka maanta ka socda Magaalada Muqdisho, sida la arki jiray laguma kala
adkaanayo, wuxuuna u egyahay jug-jug ee meeshaada Joog. Sidaas ayaa
tariikhdu na bartay. Faragelin kasta oo hubeysanna hadda ka hor ma xallin
dhibka Somaaliyeed, hadana lama hubo. Dagaalka hadda socda wuxuu
leeyahay calaamdihii dagaalkii 1991 ee u dhexeeyay labada garab ee USC oo
ay kala hogaaminayeen madaxweyne Cali Mahdi iyo General Moxamed Farax
Caydiid. Sidaas oo klae, dagaalka maata waxaa kala hogaaminaya
madaxweyne Sheikh Sharif iyo Korneel Sheikh Xassan Dahir Aweys oo kala
matilaya labada garab ee Isbaheysiga Dib-uxoreynta. Mar haddii la
dagaalamayo, dhan kasta wuxuu aadayaa meel kasta uu kaalmo ka heli karo.
Dhan kasta wuxuu adeegsanayaa qabiil, diin iyo Somaalino. Somaalidu lacag
iyo hub ay ku dagaalamaan ma haystaan, mana bixin karaan kharaj dagaal
4

muddo dheer soconaya. Waxa lagu dagaalamayaa waa kaalmooyinka dibadda


oo ay bixiyaan ururo, shaqsiyaad iyo dawlado shisheeye. Haseyeeshee, waxaa
ka fiican dagaalka, nabadda. Waxaa ka fiican dawlad la’aanta dawlad xun.
Waxaa ka fiican ku xirnaasho shisheeye inaad walaalkaa la heshiiso, gar iyo
gar-darro.

Ugu dambeyntii, caqli saxda wuxuu sheegayaa in la isku dulqaato oo


dawladda KMG-ka ah la siiyo fursad ay ku gudato hawlaheeda. Caqliga
saliimka ah wuxuu sheegayaa in xabadda la joojiyo oo wada hadal loo
fadhiisto. Caqliga saxda ah wuxuu sheegyaa inaan diinta aan la iska saarin oo
aan la isgaaleysiin. Caqliga saliimka ah wuxuu sheegayaa inaan lagu kor
dagaalamin maatada. Laakiin, sida muuqata caqli looma baahna! diin looma
baahna! Aduuyo looma baahna! Aakhiro looma baahna! Waa waalli xukun,
waa wareer caqli iyo garaad-xumo! Waa aafo iyo musiibo. Ilaahow adiga ayaan
kaa magan galnay fitnada muuqata iyo midda qarsoon! Ilaahow adiga ayaan
kuu sheeganay ee gaargaarkaaga nala soo gaar! Aamiin… Aamiin..

You might also like