Welcome to Scribd. Sign in or start your free trial to enjoy unlimited e-books, audiobooks & documents.Find out more
Download
Standard view
Full view
of .
Look up keyword
Like this
1Activity
0 of .
Results for:
No results containing your search query
P. 1
Ma Muqdishaa Ma Dagaalaa

Ma Muqdishaa Ma Dagaalaa

Ratings: (0)|Views: 18|Likes:
This article is about the fighting between the government and the armed opposition in Mogadishu. It requests both parties to immediately stop fighting.
This article is about the fighting between the government and the armed opposition in Mogadishu. It requests both parties to immediately stop fighting.

More info:

Published by: Dr. Abdurahman M. Abdullahi ( baadiyow) on May 24, 2009
Copyright:Attribution Non-commercial

Availability:

Read on Scribd mobile: iPhone, iPad and Android.
download as DOC, PDF, TXT or read online from Scribd
See more
See less

06/16/2009

pdf

text

original

 
Ma Dagaalaa! Ma Muqdishaa! Ma Dil iyo Qixitaanaa!
W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow)
Hadal badan kama furna masiibada ka socota magaalada Muqdisho iyo dalkaintiisa kale, lagamana aamusi karo oo damiirka ayaa na damqaaya. Waa dhiigdaadanaya, meed la guraayo, dhaawac la dhayaayo, bara-kac aan xad laheyn,oohin, riin, aadaar, taah, habaar iyo qaylo dhaan. Waa kala orod, isku habaarwacasho, isgargaarsi iyo Alle bari. Waa dagaal lagu tooganayo mar kalewadnaha Somaaliya, maskaxda Somaaliya, sumadda dawladnimada -caasimada Somaaliya ee Muqdisho. Waa dagaal ay ku niyad-jabayaan dadkaSomaaliyeed oo rajada ka lahaa culimda hor-boodeysa dawladda iyomucaaradka. Waa dagaal ay ku hoobanyaan dad aan waxba galabsan oo isugu jira caruur, haween, waayeel iyo waxgarad. Waa dagaal ay ku barakacayaakumanaan qoys, laguna burburinayo adeegyadii bulshada sida dhibka badanlagu sameysay 19 sano ee lasoo dhaafay. Waa masiibo kasii masiibo, waa
dab dhaxamooday ee maxaa lagu diiriyaa! waa dawo bukootay ee maxaalagu dabiibaa”!
Waa dhiig xaq-daro iyo dulmi lagu daadinayo! Waa naar lootartamayo iyo balaayo la hor-boodayo. Aaway diintii Islaamka oo magaceedalagu dirirayo? Away Alle ka cabsigii lagu celcelinjiray, qur’aankii la aqrin jirayiyo axaadiistii la daliilin jiray?Dagaallada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho iyo goobaha kale eeSomaaliya looma fiirinaayo yaa gardaran iyo yaa gar leh. Haddii gar iyogardaro la qaadanaayo, waa la xaajoon lahaa, geed hoostiis ayaa la fadhiisanlahaa, markii la hadlana waa la heshiin lahaa. Arinka ah “yaa gar leh iyo yaagardaran” waxaan ka baqayaa inaan ku heshiin weynno ama garteynna ladiido. Waxaan ka cabsanayaa in hadalkeynu ku soo gunaanadmo “
Cali Mahdigar leh Ceydiidna gar leh” 
. Erayadaas ku saleysan go’aan qaadasho xumida,waxey sabab u noqdeen dagaaladii lagu hoobtay oo ka dhacay magaaladaMuqdisho 1991-92. Hadaba, ma ka fiirinaa dagaallada Muqdisho iyo meelaha
1
 
kale xagga dhibaatada uu keenayo iyo khasaaraha uu sababayo. Ma iskuraacnaa inaan dhahno, Dawladda KMG iyo xooggagga hubeysan eemucaaradka ah xaq uma laha, waxeyna ku tahay khalad, iney ku duldagaalamaan maatada. Haa! dawladda KMG ah waxaa laga rabaa iney sooceliso kala dambeynta iyo qaanuunka. Waxaa laga rabaa iney damaanadqaado nabadda muwaadiniinta, laakiin sidey ku gaareysaa sidaas? Farsamofiican oo sax ah ayaa looga fadhiyaa dawladda, lagamana sugaayo ineyudhaqanto sida jabhad. Waxaa laga sugaya waa dhaqan dawladnimo iyoilaalinta xuquuda aadamiga. Dhanka kale, mucaaradka hubeysan haddii uutalo qaadanayo, waxaa haboon iney wada hadal shuruud la’aan ah la furaandawladda. Laakiin, arinkaas haddii ay diideen, waxaan leenahay haku kordagaalaminna maatada, gabaadna haka dhigana.Run ahaantii, dadka Somaaliyeed waa fahmi la’yihiin sabata ay ugu kor-dagaalamayaan culimadii shalay ka wacdin jirtay masaajiddada, ugu baaqi jirtay Alle ka cabsi, bari jirtay diinta Islaamka.
Culumadaan kuwaan arki jirnay ma aha oo waa kuwa la yaab leh, waa kaa qur’aan badayihiin, kaaaftahasanyihiin, hadana waa dagaal oogayaal, dhiigga muslimka xaq-daro kudaadinaya”,
sidaas waxaa igu tiri gabar Somaaliyeed oo ka mid ah Somaalidayaaban.
 
Culimadaas waxey cambaareyn jireen daglaaladda qab-qablayaashadagaalka, faragelinta shisheeye iyo dhibaatada dabada dheeraatay eeSomaaliya. Culimadaas waxey sheegayeen, weligoodna dhihi jireen
 Xalkuwaa Islaamka
”. Waa run oo xalku waa Islaamka, laakiin ma la hubaan in kuwamaanta magaca diinta sheeganayaa ay yihiin xalka? Kuwa maanta isladhacaya madaafiicda ayaga oo magaca Islaamka wata ma yihiin xalka? DiintaIslaamka kuma xirna aadamiga khaldamaya oo waa saafi, barax-tiran ootusaaleysa sida Eebbe rabo inaan ugu dhaqanno dhulka dushiisa. DiintaIslaamka laguma cabiro, lagumana garto ficilka dadka sheeganaaya ee waxaalagu gartaa sida ay ugu qorantahay Qur’aanka, Axaadiista oo ay fasireenculumada Islaamku. Hadaba, bulshada Somaaliyeedmeel kasata oo ay joogaan iyo dadka degan magaalada Muqdisho waxey af-buuxa ku leeyihiin
2
 
dagaalka naga joojiya ! Xukunka aad isku haysataan ka xaajooda, waacadaatay inaadan diin isku haysanee!” 
Dhab ahaantii, maxaa muddo dheer muuqatay in caqliga siyaasadeed eeSomaaliya uu welli ku jiro marxaladda qaan-gaarnimada, dhaqanna ka dhigtayinuu dulsha ka saaro dhibaatadeyna xooggaga shisheeye. Arinka sidaas makabedelnaa oo ma isla garannaa in dhibaatada Somaaliya ka jirta Somaalidumasuul ka tahay? Ma aragnaa in dawladaha shisheeye ay gacan siiyaan kooxoSomaaliyeed oo dantooda difaacaya? Inta isla garano sidaas, maka tashanaasidii aan uxallin laheyn dhibaatadeynna? Nasiib darro, ma tashanaa waa lagawaayay siyaasiyiinta Somaaliyeed (
wadaadkooda iyo waran-lahooda
), xoogayaa la rabaa in lagu gaaro ujeedooyinka siyaasadeed. Magaalada Muqdishooo ah caasimadda Somaaliyeed waxaa lagu burbuuriyay, dadkeedii lagu dilay,laguna barakiciyay dagaalladdi dhacayay 1991-2 iyo intii ka dameysay. Waxaalagu dagaalamayay magaalada dhexdeeda muddo ka badan 19 sanno. Waxaalaga qaxayay muddo 19 sanno ah. Ujeedada lagu dagaalamayo waa xukunkaiyo awoodda qaranka in la boobo, waxaana la deegsadaa waa “
qabyaalad iyodiin isku jirta ama kala jirta
”.Dagaalka maanta ka socda Magaalada Muqdisho, sida la arki jiray laguma kalaadkaanayo, wuxuuna u egyahay jug-jug ee meeshaada Joog. Sidaas ayaatariikhdu na bartay. Faragelin kasta oo hubeysanna hadda ka hor ma xallindhibka Somaaliyeed, hadana lama hubo. Dagaalka hadda socda wuxuuleeyahay calaamdihii dagaalkii 1991 ee u dhexeeyay labada garab ee USC ooay kala hogaaminayeen madaxweyne Cali Mahdi iyo General Moxamed FaraxCaydiid. Sidaas oo klae, dagaalka maata waxaa kala hogaaminayamadaxweyne Sheikh Sharif iyo Korneel Sheikh Xassan Dahir Aweys oo kalamatilaya labada garab ee Isbaheysiga Dib-uxoreynta. Mar haddii ladagaalamayo, dhan kasta wuxuu aadayaa meel kasta uu kaalmo ka heli karo.Dhan kasta wuxuu adeegsanayaa qabiil, diin iyo Somaalino. Somaalidu lacagiyo hub ay ku dagaalamaan ma haystaan, mana bixin karaan kharaj dagaal
3

You're Reading a Free Preview

Download
scribd
/*********** DO NOT ALTER ANYTHING BELOW THIS LINE ! ************/ var s_code=s.t();if(s_code)document.write(s_code)//-->