You are on page 1of 3

Golaha Nabadda & Midnimada Ee Gobollada Jubba

Forum for Peace and Unity Of Jubba Regions

Ref:

Date: 06 / 04 / 2014

Ku: Ra'iisulwasaaraha Xukuumadda Jam. fed. Soomaaliya Mudane Cabdiwali Shiikh axmed Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku: Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramadoobay Ku: Wakiilka Midowga Afrika Ku: Wakiilka Urur-goboleedka IGAD Ku: Dhammaan Waddammada Daneeya Arrimaha Soomaaliya Og. Madaxweynaha Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya Og. Guddoomiyaha Golaha Shacbiga Qaranka

Ujeeddo: Baaq

Sida la wada og yahay, Heshiiska Addis Ababa ee Dowladda Jam. Federaalka Soomaaliya iyo Axmed Maxamed Islaan oo matalaya kooxda Raaskambooni ku dhexmaray 27/8/2013kii magaalada Addis Ababa, waxaa ujeeddadiisu ahayd in lagu xasiliyo Gobollada Jubba, dadweynaha degaanadaasina ay nabad ku wada noolaadaan. Waxaa Heshiiska ku cad geedi-socod nabadeed oo la filayey in si wadajir ah loo dhaqangeliyo. Waxaan ka xunahay in aan halkan ka sheegno in waqtigan magaalada Kismaayo ay tahay meesha ugu ammaan xun dalka Soomaaliya. Waxaa halkaas si joogto ah uga dhaca gabood-fal dhinaca xuquuqda aadanaha ah. Waxaa muddada ay kooxda Raaskambooni magaaladu gacanta ugu jirtay, laga soo bilaabo 26/5/2013kii ilaa waqtigan ka dhacay gaboodfal isugu jira:

Golaha Nabadda & Midnimada Ee Gobollada Jubba

Dil 146 qof Dhaawac 47 qof Kufsi 49 haween ah Boob hantiyeed oo gaaraya U$1175000(hal malyan, boqol toddobaatan iyo shan kun) Barakacin; dumin guryo gaaraya 103 guri Xabsi aan sharci ku salaysnayn oo joogto ah Ka ganacsiga dadka (xiridda iyo iibsiga dadka) Waxaa nasiibdarro iyo wax laga xumaado ah in Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya, aysan hal marna ka hadlin waxa ku dhacaya dadweynaha ku nool Kismaayo. Golaha Nabadda iyo Midnimada Gobollada Jubba, isaga oo si weyn uga xun, waxa uu halkan ka caddeynayaa: 1) In Axmed Maxamed Islaan uu si cad ugu xadgudbay, ugana baxay Heshiiska Addis Ababa (eeg qodobbada 9aad, 14aad, iyo 21aad); 2) In Heshiiska Addis Ababa uu gebi ahaan burburay; 3) In Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah awoodda keliya ee sharci ahaan mas'uulka ka ah dalka iyo dadk Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Dimoqraadiga ah ee Itoobiya oo ah damaanad-qaadaha Heshiiska, ay si buuxda ugu guuldarreysteen dhaqangelinta Heshiiska Addis Ababa; 4) In Beesha Caalamka, gaar ahaan Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo aysan waxba ka qaban, balse ay ku fiirsadaan gaboodfallada bulshadaas ku dhacaya; magaalada

Golaha Nabadda & Midnimada Ee Gobollada Jubba

Sidaas darteed, waxaan ku baaqaynaa: Si loo joojiyo gaboodfalka ka socda magaalada Kismaayo; loona baaro caddaaladana loo horkeeno cidda mas'uulka ka ahayd kuwa dhacay ee kor ku xusan; in Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamku ay si dhakhso leh halkaas ugu diraan Guddi wadajir ah oo ay ka mid yihiin ururrada xuquuqda aadanaha oo soo baara gaboodfalka dhacay; In aan Beesha Caalamku aqbalin in dhaqaalahooda loo adeegsado ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, aysanna wax dhaqaale ah siinin Axmed Maxamed iyo Kooxdiisa ilaa iyo inta laga baarayo caddaaladana la horkeenayo cidda mas'uulka ka ahayd gaboodfalka ku xusan faqradda kore; In Shacbiga Soomaaliyeed uu Dowladda si kula xisaabtamo mas'uuliyaddii ay u igmadeen, wixii wanaag aha ay ku taageeraa, wixii xumaan ah ay ku dhaliilaan; In dadweynaha ku nool Gobollada Jubba ay adkeeyaan midnimada iyo walaaltinimadooda; ayna aamminaan in mar walba uu xaqu adkaanayo, guushuna ay dhawdahay.

Wadahadal, Is-afgarad, Nabad, iyo Horumar

Mahadsanidin

Barre Aden Shire (Guddoomiye)

Golaha Nabadda & Midnimada Ee Gobollada Jubba

You might also like