You are on page 1of 3

.

Goormee (Taariikhde) Ayuu Dhashay Nabi Muxamed ,


Calayhi Salatu wasalam.
J= Maalin Isniin-12-Rabiicul-awal(Mowliid u Naqaan).
2. Sheeg Magaca Hooyada Rasuul-ka(NNKH) oo sadexan /
J= Aamina Bint Wahab.
3. Halkeeba Lagu Dhalay Suubanaha Nabi Muxamed(csw).
J= Makka Al mukarama.
4. Qoladee Buu Ka Dhashay Nabiga NNKH.
J= Quraysh oo Reer Cadnan .
5. Abtirka(tiriska) Nabiga Xagee Buu Galaa ..
J= Nabi Ismaaciil oo ah wiilka Nabi Ibraahim (c.s).
6. Nabiga Asigoo Uurka Lagu sido Ayaa Aabihi Geeriyooday Hadaba Yaa Kafaalad Qaaday
oo Barbaariyay .
J= Awoowgiis Cabdul-mudalib.
7. sheeg Magacyada Haweenka Nuujiyay Rasuulka C.SW.
J= Thuweyba iyo Xaliimatu-Sacdiya.
8. Suubanaha(csw) Muxuu ka shaqeeyay Kadib Kolkay Hooyadiis la Ooofsaday
J= Ari Raacid Ayuu ka shaqaynayay.
9. Da'diisa imisey Ahayd Safarkisi ugu Horeeyay Markuu u raacay Adeerkisa Abaa
dhaalib dhulkaas Shaam ee dhanka Qudus.
J= Da'diisu waxay ahayd 12.sano.
10. waa Maxay Magaca Raahibka Arkay(Gartay) Khaatimu Nubuwaha Nabigena Isagoo
Yar.
J= waa Buxayraa.

11. NayNaasta ama Laqabka Nabiga sheeg/


J= RunLowga La Aaminay. (SaadiqulAmiin).
12. Muxuu ka shaqeeyay Nabigu Dhalinyaranimadiisa.
J= Ganacsi .
13. sheeg Xaaskisa 1-aad Nabiga Salla Allahu Calayhi waSallam.
J= waa Sayida khadiija Bintu khuwaylad, Allah ka Raali Noqde.
14. Waa Qofma Ruuxa uga Faalooda Amaanada iyo Dabeecad wanaaga(Akhlaawda)
Nabiga Sayida khadiija RC.
J= waa Maysara.
15. Meeqa Sanuu Jiray Rasuulka SCW . Markuu Guursanayay
J= wuxuu jiray 25 sano.
16. imisaa ayay jirtay Sayida khadiija Markuu suubanaha Guursanayay.
J= 40 sano.
17. Caruurta Nabiga waa Meeqo. Rag iyo Dumarba.
J= waa Todobo.
18. sheeg Magacyada wiilasha.
J= Qasim , Cabdullahi(Tayib..dhahir) , Ibrahim.
19. sheeg Magacyada Caruurta Rasuulka ee Hablaha.
J= Fatima, Zaynab , Ruqaya, umu Kalthom.
20. sheeg Magaca Hashi uu watay Nabiga Markuu u soo Hajiray Madina
J= Magaceedu waa Quswaa' .
21. meeqo Sanuu jiray Markuu Nabiga Waxyiga Sayid Jibril ku so dajiyay.
J= wuxuu jiray 40 sano.
22. sheeg Magaca Godka uu ku Cibaadaysan jiray Nabiga CS.
J= Qaaru Xiraa Ayaa La Oran jiray.
23. Sheeg Buurta uu ku Yaal Gaaru Xiraa.
J= Jabalu Nuur.
24. Nabiga Yaa loo soo Saaray (loo soo diray) umadee
J= dhamaan Dadka Aduunka ayaa loo soo bixiyay.
25. Qaabkee Ahayd Dacwada ugu yeerida Diinka Bilowgiisa.
J= Qaab sir ah ayay ahayd .
26. Bilowgii Diinku Xagee kula kulmi jiray NabigaCS Saxabada. Rc
J= Guri La Yiraahdo ; Daarul-Arqam.
27. Muddo intee La Eg ayaa diinta Sir lagu Faafinayay
J= 3 sanadood.
28- sheeg Ruuxa ka difaci jiray Gaalada Reer Makka Nabigana Calayhi Salatu wasalam.
iyo Qofka ugu Darna Xagga dhibka Rasuulka NNKH.
J= Adeer-kiisa Abaa Daalib (Difaci jiray) iyo Adeerkisa Abaa Lahab. (Dhibi Jiray)
29- Sanadii Shanaad ee ka Soo waregatay SooSaarista Nabigena , Saxabadu way
jihroodeen
ee Xagay u Haajireen , Muxuuse Suubanaha ku xushay(doortay) meesha inay Saxaabadu u
Haajiraan/
J= Waxay u Hijroodeen Xabasha . waxaa Ka talin Jiray Boqor Caadila .
30- Sanadii 10-naad ee laga Joogo Bictha-da Nabigeena
Waxaa Suubanaha ka Baxay(oo Geriyoday) 2-shakhsi oo Daafici Jiray waa Ayo
Sanadaasna Maxa loogu Magac Daray /
J= waa Adeer-kisa Abaa Daalib iyo Xaaskiisa Sayida Khadiija RC.

32- sheeg Safarkii weynaa ee Rasuul-ka Aaday iyo Magaca Daabada uu u Raacay/
J= waa Al-israa Wal-micraaj , waxana uu ku Tagay ila Masjid Al Aqsa ; Buraaq.
33- Maxay ka Koobneed Rixlada (Socdaalka) Nabigena ee Israha , Qaabkeese Ahaa/
J= wuxuu ka koobna Safar Dhulkaa oo uu ku Socdaalay laga Bilaabo Xaramka Kacbada
ilaa Masjid Al-aqsa ee Falastin meesha Hada lo Yaqan ku Yaal .
Tankale = Koritaan ka bilowday Al-aqsa ila Samada Kore uu ku tagay .
34- Ma sheegi Kartaa Godka uu ka Galay Nabiga Markuu Haajirayay Gaalada Yaase
Wehlinayay/
J= waa 'Gaaru Thowr ' waxna La socday Saxiibkiisa ; Abaa Bakr Al-sadiiq.
35- Abaal Marin inte La eg ayay ugu Talo Galeen gaalada Ruuxa Nabiga u soo Qabta /
J= waxay u Ballan Qaadeen Ruuxa Soo Qabta Subanaha NNKH ; 100 Neef oo Geela.
36- Caruurta Rasuul-ka waxa kala dhalay 2-hooyo sheeg Magacyadooda/
J= waa Khadiija bintu khuwelad iyo Maariya al-qibdhiya . Allah ka Raali Ahade.
37- waa Qofma Xaaska ugu Danbeeyay ee Suubanaha Guursado/
J= waa Maymuuna Bintu-Xaarith. Radiya-allahu Canha.
38.meeqaa (imisa) Gazwa "dagal" ayuu ka Dagaalamay Suubanaha CSws.
J= waa 9 Gazwa .
39. sheeg Tirada Dagaal (Gazwa ) uu GoobJoog Ahaa(Xaadiray) Nabigu SCWsalam.
J= 27 Gazwa.
40. sheeg intee Jeer Ayuu Xajiyay Rasuulka iyo Intee Jeer Ayuu Cimreystay .
sidoo kale imisaa Ramadaan Ayuu Soomay Suubanaha Naxariis iyo Nabad Gal dushisa Ha
Ahate.
J= 1 mar ayuu Xajiyay oo Ahayd Xajatul-widaac , 4-jeerna waa Cimreystay. 9-Ramadana
Wa Somay

You might also like