You are on page 1of 4

SH.

MAXAMED IDIRIS OO SOO BOOQDAY JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE


SUDAN MUXAADAROOYIN WAYNA USOO JEEDSHAY
Waxaa habeen nimadii arbacada ee taariikhdu ahayd 20/10/2010 dalka Sudan booqasho
gaaban ku soo gaaray fadiilatu Sh.MAXMED IDIRIS AXMED, sheekha oo sudan ay ku marti
qaaday kuna soo dhawaysay Raabidada Ardada Soomaaliyeed ee Caalamiga ah ayaa wuxuu
durbaba bilaabay nashaadaad dacwi ah oo lagu tawjiihinayo jaaliyadda soomaaliyeed, sheekha
ayaa habeen nimadii Sabtida 22/10/2010 muxaadaro wayn oo siwayn loogu riyaaqay kasoo
jeedshay hoolka shirarka ee jaamacadda ifriiqiya, muxaadarada oo si wayn loo soo agaasimay
ayaa waxaa kasoo qayb galay dad aad u fara badan oo boqolaal gaaraya isuguna jira rag iyo
dumarba, kasoo qayb galayaasha oo aad ufara badnaa ayaa waxaa kadhex muuqanayay
dhamaan qaybaha kala duwan ee jaaliyadda suudan sida ardada, ducaada, odayaasha,
ganacsatada, iyo madaxda rawaabida ardayda.

Muxaadarada oo cinwaan looga dhigay (Aragtida Islaamiga ah ee Qadiyada Soomaaliyeed)


ayaa sheekhu wuxuu kulafa guray qodobo badan oo tabanaya xaalada soomaaliya, sheekha
ayaa ugu horayn wuxuu tibaaxay ahmiyadda nidaamka iyo kaldanbayntu leedahay, asagoo ka
eegay dhinac sharci ah iyo dhinac caqli ahba, wuxuuna tilmaamay in nidaamka iyo
dawladnimadu daruuri utahay nolasha binu aadamka, wax walba oo daruuri u ah nolasha
aadanahana ay diintu doonayso kana shaqaynayso, sidoo kale ayuu sheekhu tilmaamay caqli
ahaan in binu aadamku uu yahay ijtimaaci amaba bulshaawi oo nafta insaanku dabcigeedu
yahay inay bulsha ku dhex noolaato, bulshaduna ubaahantahay waxkala nidaamiya ookala
wajihiya.
sheekha ayaa mushkilada baahday ee soomaaliya sabab uga dhigay sadex qodob oo muhiima
oo kala ah :

1.dulmiga noocyadiisa kala duwan ee soomaalida kadhex dhacay 2.khilaafka iyo kalataga iyo
wax isla ogolaansho la aanta

3.qabaliyada kusalaysan casabiyada iyo anaaniyada (qolo walba ama qof walba sigaara ay wax
isula rabto).

sheekha ayaa wuxuu tibaaxay in mushkilada soomaaliya badideed ay tahay mushkilad


daakhili ah soomaaliduna haday is gacan qabsanlahayd xalna wada gaari lahayd uusan cadaw
dibadda ah wax u dhimeen. gabagabdii sheekha ayaa wuxuu kutilmaamay dhibaatada
soomaaliya kataagan mid aan sharcigu ogolayn, loona baahan yahay inay soomaalidu isku
tashato, sheekha ayaa kasoo qayb galayaasha udardaarmay inay ilaah kabqaan oo gacmaha is
qabsadaan kana fakaraan siday dalkoodii wax ugu qaban lahaayeen, asagoo sigaara ugula
dardaarmay ardada inay aqoontooda kudadaalaan kana mira dhaliyaan kadibna dalkooda ugu
adeegaan.

kadib muxaadrada sheekha ayaa fursad waxaa lasiiyay kasoo qaybgalayaasha bal inay
afkaartooda dhiibtaan wixii su aala ahna sheekha waydiiyaan, kasoo qaybgalayaasha ayaa
cabiray sida ay ugu mabsuudeen muxaadarada iyo waliba sheekha booqashadiisa.
isku soo wada duuduuboo muxaadarda ayaa waxay kudhamaatay jawi dagan oo farxadi ku
dheehantay.

Sheekha ayaa casarkii Sabtida Muxaadarada Hoolka yar ee Jaamacadda Afriiqiya oo ardada
Soomaalidu ugu badantahay Gabdhaha Ardada Soomaaliyeed Muxaadaro u gaara ugu qabtay
kagana hadlay Masuuliyadda Gabadha Muslimadda ah, Xuquuqdeeda iyo Waxyaabaha ka
reebban.

Isla Habeenimadaas ayuu sheekhu la Kulmay Indheed garadka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee


Suudaan oo isugu Jira, Madaxda Ururada Ardayda, Xarakaadka, Macalimiinta Jaamacadaha,
Ganacsatada iyo Xubna ka mida ardayda, Halkaasoo ay Sheekha iyo Xulka Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Suudaan ay ku wada falan qayeen horumarinta, isku xidhnaanta iyo
wadashaqaynta Jaaliyadda Soomaaliyeed, Halkaasoo Shekhu Kelmada dhaadheer uga Jeedshey
kasoo qayb galayaasha shirka kuna dhiiri geliyey wax wada qabsiga, midnimada, iyo
horumarinta danohooda aakhiro iyo adduu, Isla mar ahaantaasna wuxuu sheekhu ka
sheekeeyey Jaaliyadaha Soomaaliyeed eek ala duwan yurub iyo Maraykan iyo Afrika, iyo wax
yaabaha ay ku guulaysteen iyo meelaha loo baahan yahay in layska jiro, khibradaha ay tahay in
laga faaiidaysto, waaya aragnimada ummadaha iyo adduunka lala noolyahay oo wixii
wanaagsan laga faaiidaysto, layskuna xidhnaado. Isagoo sheekhu sheegay Bulshada
Soomaaliyeed sifooyin badan oo wanaagsan iney leedahay oo keeni kara horumar weyn iney
gaaraan xag diin iyo xag adduunyo, isla mar ahaantaasna ay leeyin, sida bani aadamka, sifooyin
kale oo aan fiicnayn oo bur burin kara wixii wanaag ay samaysteen, xikmaduna tahay in kuwa
wanaagsanna la xoojiyo, kuwa aan fiicnayna layska daaweeyo, iyadoo sabir iyto Alla ka cabsi la
kaalmaysanayo.

Shirkaas oo ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan oo qiira leh, iyo niyad fiican iyo yididiilo ka
muuqatey aqoon yahanada goobta joogey sidey u adkayn lahaayeen wada shaqaynta iyo
horumarinta arrimaha jaaliyadda.

Wuxuu kaloo sheekho qabtay dawrooyin koo kooban oo cilmiya oo dhawrkan maalmoodba
dhacayey gelin hor iyo gelin dambeba, iyo kulamo goos goos ah oo uu la yeeshay qaybaha kala
duwan ee Jaaliyadda, iyadoo la filayo in Booqashadiisa ay soo gaba gabowdo Maalin nimada
axadda kadibna habeenimadaas uu ka dhoofo dalka Suudaan.

Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaanna ardayda Jaamacadaha ee sheekhu la kulmay ayaa


xiisa wen u muujiyey Booqashada sheekha iyo Muxaadaraadkiisa, kana codsanayey in
Booqashadu intaa ka dheeraato ama uu marar kale kusoo noq noqdo, taasoo sheekhu Ilaahay
ka baryey inuu marar kale u suurta geliyo.

Wixii faah faahina kala soo xiriir

c/laahi cali ugaas

Gudoomiyaha Raabidada Caalamiga Ardayda Soomaaliyeed - Suudaan

ibnucabbaas2005@hotmail.com

00249922753529

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2010

You might also like