You are on page 1of 2

Taariikh Nololeedkii maxamed siyad bare iyo

xiligii uu ku so biray ciidanka


Taariq nololeedkii Maxamed Siyaad Bare iyo xiligii uu ku soo biiray Ciidanka
Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo yaraantiisii ahaa wiil yar oo reer baadiye ah ayaa markii
ugu horeysay waxuu yimid Degmada Dhuuso Mareeb, wuxuuna uga sii gudbay magaalada
Beledweyne, wuxuuna nasiib wanaag la kulmay askar halkaa lagu qoraayay oo uu ka mid noqday
dadkii ciidamadii dhibowga 1936-dii ku galay xerada tababarada ee Beledwenye.
Maxed Siyaad Bare Markii tababarki uu dhamaaday waxaa loo soo bedelay Magaalada Muqdisho,
waxaana la keenay si uu tababaro dheeri ah oo ciidanimo ugu sii qaato Xeradii Ciidamada ee ku
taalay degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho. Maxed Siyaad Bare wuxuu ka tagay
howshii ciidanimada 1939-kii, kaddib markii loo soo sheegay geeridii laba adeeradiis ah oo kale
ahaa Jaamac Bare iyo Maxamed Bare wuxuuna aaday deegaanka Ulasan ee ka tirsan Degmada
Dhuuso Mareeb oo cidiisu degenaayeen.
Maxed Siyaad Bare miyiga ayuu degey wuxuuna ku guursaday Xaaskiisii ugu horeeysay oo lagu
magacaabo jiray Faadumo Aw-Muse Sanadkii 1941-dii markaas oo uu Ingiriisku kala wareegay
awoodii dalka Soomaaliya Taliskii Talyaaniga oo dagaalkii aduunweynaha labaad looga itaal
roonaaday. Maxed Siyaad Bare isla sanadkaas wuxuu ku biiray Ciidamada Ingiriiska, wuxuuna
dalacaadii ugu horeysay oo aheyd Alifle helay Sanadkii 1941-dii, Alifkii labaadna wuxuu qaatay
Sanadkii 1944tii, waxaana waxbarasho loogu diray Magaalada Nairobi Dugsiga la yiraahdo
Gin School waxaana tababarkaas kaddib uu noqday kormeere Koowaad 1950-kii. Markii
Talyaaniga Dalka uu ku soo noqday, Maxed Siyaad Bare oo saddex xarigle ah waxaa loo qaaday
dalka Talyaaniga sanadkii 1952-dii .
16-kii October, 1954-tii ayuu Siyaad Bare qaatay Xidigtii ugu horeesay uuna noqday Sarkaal. Siyaad
Bare wuxuu laba xidigle u dalacay sanadii 1955-tii asigoo sanadki 1957-dii noqday kabtan ama
Dhamme kaddib 1958-dii waxaa uu Maxed Siyaad Bare noqday Dhamme ka tirsan Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed. waxaana loo magacaabay Xafiiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
1960-kii, waxaa la dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya uuna hogaaminaayay Generaalkii sida
aadka ah loo jeclaa Generaal Daauud C/laahi Xersi oo markii uu geeriyooday sanadkii 1965tii uu
bedelay oo jagadiisii qabtay General Maxed Siyaad Bare asigoo noqday taliyihii Xooga Dalka
Soomaaliya (XDS) isagoo xukunka hayay mudo 21 sano ah, wuxuuna ku geeriyooday Dalka Nigeria
oo uu magangalyo ku joogay ilaa iyo sanadkii 1995-tii.
Lama yaqaan waqti cayiman oo uu dhashay General Maxed Siyaad Bare, sababtoo ah wuxuu ku
dhashay MIYI, xataa waxaa dood ka taagan tahay halka uu ku dhashay inkastoo warbaahinta
rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu ku dhashay deegaanka Baardheere. Waxaa la
qiyaasayaa in Maxed Siyaad Bare uu dhashay sanadkii 1912-kii in kastoo wargeysyada rasmiga ah
ee Kacaanku ay qori jireen inuu dhashay sanadkii 1920kii.
Maxed Siyaad Bare hooyadiis waxaa la oran jiray Shaqlan Warfaa, waxeyna geeriyootay asagoo
sideed jir ah, aabihiisna wuxuu geeriyooday 2 sano kaddib Maxed Siyaad Bare oo 10 jir ah,
waxaana soo koriyay aderkiis Xirsi Bare iyo ayeeydiis Sacdiyo, wuxuuna ahaa curudka aabihiis
Siyaad Bare oo lagu naaneesi jiray Siyaad Garba Weyne, inkastoo ay dadkii yaqaanay Maxed
Siyaad Bare ay sheegeen in aabihiis Siyaad Bare lagu dilay dagaal qabiil uuna ahaa abaanduulihii
colkaas. Waxaa Radio Muqdisho iyo Wargeysyada Kacaankuba ay qori jireen in uu Siyaad Bare
ahaa halgamaa weyn uuna ka mid ahaa Ciidamadii uu hogaaminaayay Cumar Samatar oo
gumeysigii Talyaanigu la dagaalamayay una ku shahiiday aagga Ceel Mirikh oo ku yaalo deegaanka
Dhuuso Mareeb 1930-kii .

Xersi Bare oo ahaaa Maxed Siyaad Bare adeerkiis, ahana ninkii gacanta ku haayay waxaa la dilay
3 sano ka dib dhimashaddii Siyaad Bare abaarihii sanadkii 1933-dii .
Sanadkii 1936-dii ayaa Maxed Siyaad Bare ka soo tagay Xoolihii MIYIGA oo uu xanaaneyn jiray
iyadoo xilgaas cidahooda ay degenaayeen aaga Ceel-gaab.