1

Somaaliya iyo Itoobiya maxaa kala haysta? Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow) “Istrateejiyada Itoobiya ee ku wajahan Somaaliya waxey ku dhisantahay in laga niyad jebiyo Somaalida iney dawald noqn karaan ayada oo nabad iyo xasilooni loo diidayo, lana fashilinayo isku day kasta”. Somaaliya iyo Itoobiya waxaa ku nool labo shacab oo ku abtirsada diin kasoo jeedda Nabi Ibraahiin (CS) oo ah Islaamka iyo Kiristaanka. Waxaa ka dhexeeya taariikhda soo gelitaanka Islaamka ee Geeska Afrika. Itoobiya waxey aheed meesha kaliya oo badbaadisay Islaamka markii reer Qureysh cadaadis weyn saareen. Waxaa taariikhda Islaamka meel weyn uga yaalla hijradii asaaxaabta ee dalka Itoobiya iyo habsamidda uu usoo dhaweeyay boqorka Itoobiya al-Najaashi. Sidaas darteed, labada shacbi, in kasta oo dawladahoodu coloobeen, ma aha dad cadaw isku noqon kara, waana walaalo daris ah, isku dan ah, iney wada noolaadaanna waa ku qasbanyihiin. Colaadaha dawalduhu waa soo jireen, laakiin waxaa ugu caansan dagaaladdi Axmad Gurey iyo boqoradii Itoobiya ee 1529-43. Waxaa kale oo sii kobciyay colladda markii boqortooyada Itoobiya qarnigii 19aad ay qabsatay dhulka Somaaliyeed qeybo ka mid ah. Itoobiya waxey ku taameysay iney qabsato xeebaha Somaalida, laakiin dawaldihii reer yurub oo ayagu ku dirisanaa qeybsashada xeebaha Somaaliya ayaa arinkaas ka horjoogsaday. Waxaa intaas la jirta, in gobanimada Somaaliya ee 1960 iyo baaddigoobka “Somali weyn” ay colaad cusub soo kordhisay. Waxaa soo if-baxay iska horimaadka labo mabd’a oo caalami ah oo mid ka mid ah Somaalidu qabsatay, kan kalena Itoobiyaanku ku dhegeen. Midka Somaalidu ku qabsatay wuxuu ahaa “aayo ka-talinta shucuubta” (self-determination). Midka kale oo Itoobiya ku dhegtay wuxuu ahaa qodobka dhawridda xuduudaha dawliga ah”(territorial integrity). Qodobkaan dambe waxaa sii xoojiyay in dawladaha Afrika ku heshiiyeen Qahira 1964 inaan xuduudihii isticmaarku sameeyay aan la isku-fara-fareyn. Arintaas Somaalidu waa ku qanci waysay, waxeyna ku doodeen in Itoobiya dhulkooda qayb ka mid ah xoog ku qabsadeen, lana qeybsadeen isticmaarkii reer Yurub. Sidaas darteed, arinku ma aha xuduudii isticaamku dhigay ee waa isticmaar Afrikaan ah oo loo baahanyahay inuu gobonimo siiyo dadkii uu gumeystay sida reer Yurub u siiyeen. Dhanka kale, Itoobiya waxey ku dooday, iney ka koobantahay qawmiyado badan oo xoog la isku keenay, haddii hal qawmiyad la sii daayo,

2
waa kala go’goaysaa. Doodahaas marki la isku mari waayay, ayaa dawlad kasta waxey ku talaabsatay xaqiijinta himilladeeda. Waxaa la isku gurtay hubka, waxaa la dhisay ciidamo lixaad leh, waxaana afka la iska daray dagaallo 1964 iyo 1977/78. Dagaalkii ugu dambeeyay markii Somaalidu guulo kaso hoysay, waxaa usoo gurmaday Itoobiya dalaka Ruushka, Jarmaalka Bari, Yaman, Kuuba iyo Liibiya. Sidaas ayaa Somaaliya looga adkaaday dagaalka. Fashalka dagaalka waxaa la bilowday burbur aan xad laheyn iyo qaran-jabkii Somaaliya. Waxaa intaas la raacsiin karaa, in labada dawladood doonteen dawlad weyn ay ku tiirsadaan: Ruushka iyo Marekanka oo iyaguna dagaalkii qabowbaa (Cold War) ku marqaansanaa. Waxaa dawlad kasta gacan siisay mucaaradka hubeysan ee dawladda kale. Somaaliya waxey taageertay, jabhadaha hubeyan ee qawmiyadaha Itoobiya sida Jabhadda Tegreega (EPRDF), tan Somaalida (WSLF), tan Oromada (OLF) iyo tan Eriteriyaanka (EPLF). Sidoo kale, Itoobiya waxey taageertay Jabhadaha qabaa’ilka sida Jabhadda Majeertaynka (SSDF), tan Issaqa (SNM), tan Hawiyaha (USC) iyo tan Ogaadeenka (SPM). Jabhadaha Somaaliyeed ee Itoobiya tageeri jirtay waxey rideen dawaldnimada Somaliyeed 1991 ee ma ridin nidaamka xukunka haystay, mana ku bedelin xukumaddii hore mid kale oo shaqeysa. Laakiin, Jabhadihii Itoobiya ee Somaalidu taageri jirtay waxey rideen nidaamkii xukunka haystay ee ma burburin dawladnimadii Itoobiya. Sidaa ayaa Itoobiya waxaa xukunka la wareegay dawlad madaxdeeda abaal weyn ku leedahay Somaalidu. Dhanka Somaalidana waxaa la sameyn waayay dawlad dhexe oo shaqeysa 1991, waxaana bilawday waqtigii jabhadeynta, dagaallada sokeeye iyo kala qeybsanaanta. Colaadii Somaaliya iyo Itoobiya waxey sababtay in Somaaliya burburto, Itoobiyana dhaawac halis ah soo gaaro. Itoobiya waxaa isbdelay qaabka xukunka iyo qawmiyada xukunka haysatay. Xukunkii boqortooyada ahaa iyo qawmiyadii Amharada ee xukumi jirtay waa la bedlay oo waxaa talada dalka la wareegay qawmiyadda Tegreey. Waxaa kale oo Itoobiya noqotay dawlad aan xeeb laheen markii ay ka go’aday Eritereeya. Waxaa intaas uga sii daran colladda weyn ee ayaga iyo Eritereeya u dhexeysa iyo dagalka leebka iyo qaansadu isku-saarantahay. Hadaba, burburka Somaaliya muxuu dhib iyo dheef uu ukeenay labada dal? burburka Somaaliya iyo furfurnaashaha Itoobiya, waxey keentay isdhexgal iyo isbarasho aan hore loo arag, waxaana xoogeysaty xiriirka labada shacab. Laakiin, dawladda Itoobiya oo waliba ay madax uyihiin ragg Somaaliya soo kaalmeysay kama faa’ideysan marxaladda cusub, waxeyna sii wadeen

3
“istritaateejiyadii dawladaha Itoobiya ee soo jireenka aheed ee ku wajahneed Somaaliya”. Madaxda cusub ee Itoobiya waxey ku fashilmeen in bog cusub oo callaaqaad ah sameeyaan oo Geeska Afrika u horseeddaan nabad iyo hurumar. Istrateejiyada Itoobiya ee ku wajahan Somaaliya waxey ku dhisantahay in laga niyad jebiyo Somaalida iney dawald noqn karaan ayada oo nabad iyo xasilooni loo diidayo, laguna mashquulinayo dhismaha dawlado goboleedyo iyo maamul deegaameedyo. Itoobiya waxey ka faa’ideysataa mashruuca la dagaalnka argagixisada iyo in ayan jirin dawlad kale oo tartan kula jirta arimaha Somaaliya. Waxaa arinkaas markhaati u ah fashilinta joogtada ah ee dawlad kasta oo la soo dhiso. Itoobiya waxey kasoo horjeedaa dhismaha dawlad dhexe ee Somaaliya, waxeyna mar kasta ushaaqaleysaa god, waxeyna hordhigeysaa turanturooyin ay ku fashiliyaan. Haseyeeshee, arinkaasu kama cafineyso Somaalida madaxda noqotay iyo aqoonyahaannadooda masuuliyadda weyn ee ka saarn qaranka iyo dawadnimada. Fashilinta joogtada ah ay Somaaliya la daba joogto waxey ukeentay Itoobiya fashil siyaasi ah iyo mid militeri ah. Fashalkii ugu weynaa wuxuu uga yimid Itoobiya burburkii dawladii jabhadaha oo ay Kenya ku dhistay 2004. Dawladaas, in kasta oo ujeedada dhabta ah laga lahaa aheed in dawladii Carta lagu dumiyo, hadana waxey noqotay fashalka Itoobiya markii ay fadhiid noqotay. Waxaa fashilka Itoobiya sii kordhiyay soo gelitaanka ciidankooda ee Somaaliya iyo dagaalkii ayan guusha kasoo hoyn. Taallo-xumida Itoobiyaanka iyo tashi-la’aanta iyo tabar-daridda Somaalidu waxey sii kobcisay colaadihii taariikhiga ahaa. Itoobiya maxey ka baratay arimahaas, Somaalida maxaa uga kordhay? Siyaasiyiinta labada dal waxey kala barteen waxyaabo badan, laakiin waxaan ka sheegaya hal qodob oo ah iney kala barteen sida uusan joogtada u aheen saaxibnimda siyaasiyiinta. Madaxdi saaxibada tariikhiga ah la ahaa Itoobiya sida Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Raisul-wasaarihiisa Cali Maxamed Geedi waa ay kala tageen. Madax kale oo shalay loo haystay iney colyihiin Itoobiya, maanta waa saaxiibo far iyo faraati ah. Waxaa kale oo hadda Itoobiyaanku raadinayaan saaxibo cusub oo ay ku bedeshaan kuwa hadda jooga marka ay colobaan. Sidaas darteed, siyaasiyiinta Somaalida iyo Itoobiyaanku waxey kala barteen in la isku meel gaaro. Siyaasadoodu waxey ku dhisantahay“ dano joogto ah ayaa jira ee saaxiibo joogta ah ma jiraan”. Waxaa faragelinta arimaha Somaaliya ku dhiirigelinaya Itoobiya in suuqa siyaasadda ee Somaaliya uu la ciir-ciiraayo siyaasiyiin naq-raac ah oo “far u jawin kaliya sugaaya” oo magaca

4
reeraha ama diinta ku hoos gabanaya. Siyaasiyiintaasu wax dan ah kama laha maslaxada, sharafta iyo karaamada dadkooda iyo dalkooda. Waxaa Itoobiya ku guuleystay in siyaasiyiinta noocaas ah in “ruux aan Itoobiya saaxiib la aheen inuusan madax ka noqon karin Somaaliya”. Waxaa fikirkaas rumeysan koox niyad jabsan oo xukun doon ah. Laakiin, waxaa la hubaa in ruuxii cunto dhacday raqiisnimo ugata inuu dhuban iyo calool xanuun ka qaadayo. sidaaso kale ayaa Itoobiya haysata oo saxibadeeda iyo ayadu waa “isku yaac iyo kala yaac, isku daneysi iyo kala daneysi”. Waa sida aroos beeneed in la isku meelgaarayo oo la isfuridoono la hubo. Gunaanadkii, maslaxada shacbiga Itoobiya kuma jirto sii socoshada dawlad la’aanta Somaaliya, waxaana labada shacbi u baahanyihiin daris-wanaag, iskaashi iyo is-qadarin . Laakiin, siyaasadda dawladda Itoobiya sida ay hadda tahay ma horseedeyso xaqiijinta himilooyinkaas. Sidaad darteed, Itoobiya waa iney bedeshaa siyaasadeeda. Rabitanka laba shacbi ee Itoobiya iyo Somaaliya ee nabadda, nolosha iyo hurumarka waxey ku imaneysaa oo kaliya dawaldnimo hufan, demoqraadi ah oo ka dhalata laba dal oo himladda nabadda horseed ka noqota.

Sign up to vote on this title
UsefulNot useful