You are on page 1of 5

KARAAMO-BEEL

Wuxuu ahaa oday miskiin ah oo ku soo koray kuna qanacsan nolosha miyiga ee uu
markaa ku dhex jiray. Shaqadiisu kamay badnayn inuu subaxdii salaada hore kaco si
uu geela u liso ka dibna inta uu foofiyo uu inamada uu dhalay raaciyo si maalinta inta
ka hadhay ay u jiraan waxoogaaga geela ah ee uu leeyahay. Haweenka laftoodu
kamay liidan oo marka xaynta yare e adhiga ah laga dhiijiyo caanaha subaxdii ayaa
lagu sii daayaa naqda markaa reerka ku xeeran oo cagaar ah. Odaygu marka uu intaa
isku dubbarido inta uu caday dheer la soo baxo ayuu soo fadhiistaa ardaagiisii lagu
yaqaanay isagoo candhuufta iyo xaakada hadba dhina u tufaya oo inta uu waysadiisa
yar la soo baxo ku luqluqanaya. Inta kildhiga shaaha ah ay islaantu u bigaynayso
wuxuu wuxuu fiirfiiriyaa wixii baylah ah ee reerka ka jira si uu ugu mashquulo ha
noqoto muska oo god-daloolooyin yeesha, oodda xerada xoolaha oo uu inta uu laamo
dheeraad ah soo jaro ku gufeeyo meelaha banaan iyo cawska ardaaga oo uu yara
giigiijiyo.

Waxa yimaada shaahii oo inta ay islaantu si fiican u soo bigaysay xawaash iyo
sonkorna ka soo buuxisay caanihii riyaha lagu soo cadeeyay oo noocii dhako-fujiyaha
la odhan jiray ee xaraaradda loo cabbi jiray ah. Inta uu salka dhigo oo uu koob weyn
oo galaan le’eg ku shubto ayuu inta aanu kabbanin dhafoorka laba goor iska saaraa ka
dibna si baahiyi ku mirto uu u furruqsadaa. Kaasi oo keliya maaha ee sidaas buu ku
wadaa ilaa uu hubsado inuu kildhiga guntiisii arki karo oo dhibicda ugu dambaysa ka
gororsado. Intaasi marka ay dhacdo ayuu inta uu in yar oo buuri ah jeebka kala soo
baxo oo uu halkii loogu talagalay ku gufeeyo ka dibna dhankaa iyo tuulada u
dhaqaaqaa isagoo laalaadinaya caagad caano ah oo uu saaka geela ka lisay.

Halkaas waxa ay ku kulmaan odayaasha kele ee deegaanka waxaana inta maqaaxi la


dooyaysto la is waydaarsadaa wararka guud iyo kuwa gaarka ah ee markaa laga hadal
hayo deegaanka. Wuxuu ku jiraa odayaasha wax laga dhegeysto dhowaana reerkiisu
waxay u caleemo saareen inuu u noqdo caaqil si uu u furdaamiyo arrimo badan oo
iska galay jilibada kele ee la nool oo markaa loo arkayay inuu wax ka qaban karo.
Marka tuulada la joogo wuxuu ka mudan yahay ixtiraam oo marka garta la isa soo hor
fadhiisto weedhiihiisu inta badan waa qaar dhaxal gal ah. Inta uu tuulada joogo
shaahiisu waa bilaash oo kolba waxa bixiya cidda markaa uu la fadhiyo iyadoo lagu
ixtiraamayo kaalinta uu kaga jiro deegaanka waxaana inta badan loogu yeedhaa
Caaqil oo aad moodo inuu kaba xoog roonaaday magaciisii caadiga ahaa.

Maalintii dambe waxa uu go’aansaday inuu xagaa iyo caasimada u kaco bal si uu u
soo indha indheeyo kiisas la sheegay inay saldhiga bilayska yaalaan oo khuseeya dad
isagu markaa uu caaqil u yahay. Taas oo keliya maahee waxa uu u xiisooday bal inuu
sidoo kele isha soo mariyo xaalada guud ee magaalka iyo hadiiba ay dhacdo sidii
loogu noolaan lahaa. Maalintii uu magaalada soo galayba wuxuu la kulmay wax
aanuu noloshiisa filanaynin. Odaygii yaraa ee dharka cawlnaa waxaaba lagala hor
yimid caleemo qoyan, baabuur iyo boqolaal dad ah oo u taagan soo dhowayntiisa.
Boodhadh baaba la sitaa waxaana si isku mid ah loogu dhawaaqayaa magaciisa. Firka
nax, indhuhuu taagtaagay dhowr goorna waabuu is dhirbaaxay oo is yidhi malaa waad
riyoonaysaa bal toos. Ha sheegin, walee waaba run. Mise waxaaba loo walwaalay
xagaa iyo hudheel ka mid ah kuwa ugu caansan magaalada oo qado aanuu noocyo ka
mid ah weligiiba maqal loogu diyaariyay. Odaygii yaryaa weli waa cawlan yahay oo
waxa ka muuqata diiftii uu kala soo hayaamay miyiga lakin meesha waxaa dhooban
tobanaan qof oo ka socda warbaahin kala duwan. Kamarado ayaaba lagala daalay oo
markii uu walac-walacdoodii adkaysan waayay uu ka codsaday inay ka daayaan.
Waxaaba meesha ka hadlaya niman aanuu weligii maqal mooyaane wejigooda arag oo
siyaasiyiin iyo aqoon yahan ah. Xataa eraybixintan lagu hadlayo badankeedu way ku
cusub tahay oo waa tii magaalada ilayn isagu jaraa’idna ma akhriyee. Waxay ugu
darnayd markii microphone ka lagu soo dhoweeyay ee laga codsaday inuu kelmed ku
soo gebogabeeyo qado sharaftan la isku arkay. Dee wuxuu yidhaahdo garan maayo oo
wuu ka dhacsan yahaye intuu yara xabeebtirtay, oo uu indhaha ka wilic-wilic siiyay
buu hadalkii oo joogjoogisiga iyo haghagadu ku badan tahay ku bilaabay:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Allahuma Salli Calaa Nebiyinaa Muxammad,


Asalaamu Calaykum. Een waad ku mahadsan tihiin casuumadan iyada ah iyo sida
fiican ee aad ii soo dhowayseen. Runtii aad baan ugu faraxsanahay. Anaguna sidaa si
leeg baanu idiin soo dhowayn doonaa markaad xagaa noogu timaadaan. Wasalaamu
Calaykum”.

Waxa u dhacay sacab aad u wanaagsan halkaas baana lagu kala dareeray isla markiina
waxa loo qaaday dhinacaa iyo mafrish oo uu yaalay qaad xalayba la sii balamiyay.
Odaygu hore sidan oo kele umuu qayilin marka laga reebo marar aan badnayn oo ay
tuulada wada fadhiisteen odayaal mar ay arrin mag iyo badhigooyo ahayd ka wada
hadlayeen. Laakiin halkani way ka duwan tahay, waa madal aad looga shaqeeyay oo
qayilaad uun loogu talagalay. Gogoshu indhaha ayay ku daraaandarinaysaa, biyaha
qof walba waxa hor yaala caagad dheer oo mooyasixo ah, shaahu waa muush, waxa
intaa dheer badeecad ama shiishad iyo weliba quraarado dhaadheer oo Coca-Cola ah.
Miyuu soodhahaa odaygu weli isku dayayba lakin mar haduu magaalada joogo maant
wuu ku khasban yahay inuu indhaha isku qabto oo uu kulaylka soodhaha u adkaysto
xataa haday indhuhu casaadaan. Inkasta oo uu isagu badeecadda iska diiday hadana
meeshii jilbaha ayaa la laabtay oo markiiba la gudagalay falanqaynta siyaasada iyo
sidii reerku uu kaalin buuxda ugu yeelan lahaa. Waxa laga hadlaa xisbiyo,
doorashooyin, dastuur, baarlamaan, guurti, boolis, iwm. Weligiiba waxaas muu maqal
oo inta yar ee tuulada lagu hayay kamay badnayn reeraha, qiimaha adhiga iyo wixii la
halmaala. Odaygii dhegaha ayaa balaadhay laakiin isma muujin ee hadana wuu is
daad raaciyay oo inta badan afkiisa ayuu xidhay.

Cabbaar ka dib waxa madashii soo galay nin afmiinshaar ah oo dilaal siyaasadeed ah
wuxuuna u sheegay inuu waxoogaa kuus ah ka soo qaaday mid ka mid ah dhinacyada
siyaasada si reerku u taageero mawqifkooda. Wuxuu farraqay shilimaantii odaygiina
kuus weyn baa loo jaray oo la yidhi adigaa iska leh. Mabuu filaynin weligiina intan oo
wada socotaa soomay gelin. Markii saqdii dhexe ay marayso ee odayguna saani u
marqaamay baa inta uu kuuskii lacagta ahaa laalaabtay waxa loo qaaday xagaa iyo qol
yar oo hudheel ah oo markaa loo sii kireeyay. Miyuu weligiiba hudheel galay hadana
daalkii safarka iyo buuqii maanta wuu u baahnaa meel uu keligii niyadda ku yara
nasiyo. Ilayn kiiloo abu musbaar ah baa ku tegaye mar alla markuu sariirtii yarayd
jiifsaday buu odaygii cirkaa maray oo hurdo iska daaye uu galgalasho bilaabay. Malaa
20 goor way ka badnayd intuu suuliga kaadi u galay lacagtii yarayd ee loo dhiibayna
siduu kolba u tirinayay bay gacmihii daaleen.

Mar alla markuu is yidhi alaylehe imikaad lulootay oo ay labadii indhood isku soo
dhaceen baa eedaankii subax lagu dhuftay. Wuu soo booday oo naxay isagoo is leh
iska waysayso oo masaajidka u bax hadana goor ay la tagtay mooyaane wuxuu
indhaha kala qaaday goor barqo ah oo hoonkii baabuurta iyo buuqii dadka uu ku soo
naxay. Mise albaabkaaba la garaacayaa. Wuu soo booday oo macawista haabhaabtay
oo isagoo kala dhantaalan uu albaabkii furay. Mise waa qoladii odayaasha ahayd ee
shalay,

“Waar hebel, oo weli miyaad hurudaa. Hahahaha. Waar ina keen waa duhure” ayay
markiiba kula soo boodeen.

“Xilligaa salaadiiba maan tukane, Acuudubillaahi mina shaydaani rajiim” ayuu


markiiba la soo booday.

Inta ay aad u qosleen bay yidhaahdeen berriba waad tukane gaadhi baa inoo taagane
soo dhaqso. Intuu suuliga galay oo biyo isku soo yara rusheeyay buu hore ka soo
booday oo xagaa iyo maqaaxida loo kacay. Shaah baa la fiiqayay waxaana la
falanqaynayay wararka maanta ee dhinaca siyaasada. Inkastoo aanuu wax badan ka
fahmayn hadana meesha wuu dhex fadhiyay oo kolba mid afkiisa eegayay. Dirqi buu
wax ku arkaa oo indhuhu way kala dheer yihiin. Cabbaar ka dib waxa loo qaaday
xagaa mid wasiir ah oo loo sheegay inuu reerka yahay si loo soo baro. Inkastoo
xilligaa dadku isku badnaayeen hadana isaga iyo afar kele ayaa wasiirka ugu soo
galay xafiiskiisa xilligaa oo dad badani shaqo ugu hor tubnaayeen. Hadana wax kele
oo uu yeelaa ma jirtee si fiican buu u qaabilay oo ilaa mudo 20 daqiiqo ah uu xafiiska
Kula jiray waxaana loo balamay in mar la wada fadhiisto. Odaygu dee dadka ma kala
yaqaanee waa la wadaa oo qolo magaalada ku af baratay baa hor boodaysa oo kolba
cid hor geyneysa.

Marqii ay qadadii gaadhay buu ka codsaday inuu rabo inuu soo qadeeyo, oo inta uu
tukado uu yara seexanayo. Aad bay ugu qosleen qoladii markaa odayga wadday
waxaanay u sheegeen inaan waxaa laga aqoon magaalada oo qadadii ay balansan
tahayba hadhowna ay la fadhiisan donaan nin reerka ah oo ka mid ah nimanka sida
weyn dowlada ugu kacsan. Sidii baa lagu kexeeyay oo inta hudheel la geeyay hilib
iyo bariis la isla dhacay ka dibna xagaa iyo marfishkii loo jihaystay. Maalintii oo dhan
waxa laga hadlayay sida ay dastuurka dowladu ugu tumatay iyo in madaxweynuhu
aanu sharci ahayn. Odaygu waxan lagu hadlayo garan maayee Degahaa
dhaadheeraaday. Weligii muu akhriyin dastuur oo dee waxna ma akhriyo waxna ma
qoro. Qodobadan la jebiyay ma garanayo. Wuxuuse la sii yaabban yahayba
madaxweyne aan sharci ahayn oo wuxuu leeyahay waaba madaxweyne ee maxaa
bilaa sharciga ka dhigay. Waabuu la yaaban yahay dadkan Isagu. Hadana iska fadhi oo
markii meesha lagu kala kacayayna inta uu ninkii siyaasiga ahaa odayga kuus u labay
buu weliba gaadhigiisii ku qaaday oo ilaa hudheelkii uu degganaa gaadhsiiyay.

Odaygii labadii kuus intuu isu geeyay buu inta uu in yar ka saaray Inti kelena uu
cumaamad bacdiisa ugu jirtay ku guntay uu subaxii dambe xagaa iyo istaanka intuu
tegey uu reerkii waxoogaa raashin ah u diray fariina u faray ah inuu beryahaa
maqnaan doono oo aanuu dhaqso u imanayn. Reerkii inkasta oo ay raashinka ku
farxeen una baahnaayeen hadana weligood may arag odayga oo intaa in le’eg ka
maqan reerka. Xataa muu waraysan xoolihii uu weligiiba ku werweri jiray inay
caafimaad qabaan iyo in kele. Waxay ka shakiyeen inuu xanuunsaday laakiin waa loo
sheegay inuu caafimaad qabay oo uu iska lugaynayay.
Sidii bay ku socotay. Sidii uu magaalada u yimid odaygu salaad xataa muu tukan oo
dee fursadba looma siinin marka laga reebo maalinta jimcaha oo inta khamiisyo la
xidho xagaa iyo masaajidka la tago ka dibna looga sii gudbo qadadii iyo meeshii lagu
qayili lahaa. Waxay ugu darnayd maalintii ay koox niman ah oo debedda ka yimid ay
odayga casumeen oo inta ay la barjeeyeen ka dibna ku wareejiyeen gaadhi ay
sheegeen inay jaalliyada debedu u qaadhaantay iyo darawalkii u wadi lahaa. Waabuu
is kala garan waayay maalintii ugu horaysay markuu shidhka u soo fadhiistay gaadhi
land-cruser ah oo darawal u wado. Magaalada ayuu marba dhinac u qaaday mana
waayo cid shidaalka ugu Shubta. Wuxuu jaraa’idka subixii ku arkaa sawirkiisa iyo
isaga oo la hadal hayo lakin wax ma akhriyo e inta uu yarka darawalka u ah u dhiibo
buu yidhaahdaa adeer ii akhri ka dibna inta uu duuduubo buu bac u taala qolka uu
degan yahay ku ridaa. Durba waxa u muuqatay inuu muhiim yahay oo meeshan uu
kaga qiimo badan yahayba miyigii uu ka soo hangagaaray.

Dharkii wuu bedelay dhowr macawisood oo abu-sarande ah, koofiyad dusha u


dhuuban oo dheer, cumaamad weyn oo nooca suldaanadu catan ah iyo go’yaal shaal
ah baa u buuxa wax hadiyad loo siiyay iyo wax uu iibsadayba. Wuu naaxay oo
hilibkan joogtada ah, quraacdan bilaashka ah iyo casuumadahan aan kala go’a lahayn
ayaaba miisaankiisii kordhiyay oo sii jeedkiisa maba moodid kii salía miyiga ka yimid
ee waxa uu u ekaaday odayaashii janaalayaasha la odhan jiray ee dhankaa iyo carabta
ka iman jiray sanadihii sideetameeyadii. Wuu casaaday oo diiftii miyiga iyo bacadkii
buu ka raystay ilayn waakan marna fadhiya marka gaadhiga saarane, habeenkiina
malaa xabbad dhan oo saabuun ah buu isku dhameeyaa siduu isu xoqayo.

Markiiba magaaladii wuu la qabsaday, luuqluuqyadii buu kala bartay, siyaasadii buu
si fiican u fahmay wax imika wareerinayaana ma jiraanba. Wuxuu noqday
afmiinshaar. Gaadhigiisu ma fadhiisto oo hadaad saqda dhexe soo baxdo isagoo
xiimaya oo muraayaduhu u dallacan yihiin buu meelahaa suuqa kugu dhaafayaa
subixiina waxaabad is odhanaysaa malaa dadka isagaa ugu soo hor toosa. Iska daa
inuu salaad tukado oo xataa faataxada ayuu qayb ka mid ah iloobay waxaanuu weliba
la yaabaa dadkan odhanaya salaaadii bay gaadhaye aanu soo tukano. Wuxuu kala
bartay dowladii, wuxuu mid mid u bartay mucaaridkii waxaanuu bartay sida
shilimaanta lagu helo. Odaygii noloshii miyiga maba rabo waxaanuu ka fekerayaa
inuu reerka sooba raro waxoogaagii geela iyo adhiga ahaana iib u quudhi maayee uu
ku wareejiyo mid ay ilmaadeer ahaayeen oo ay abaartu la degtay. Hudheelkii mar hore
ayaa ugu dambaysay oo waxa u kiraysan guri weyn oo fiillo ah waardiyena u joogo.
Waxa uu sitaa tlifoonka gacanta oo ay yar tahayba inta uu aamusaa. Iska daa wax kele
oo xataa wuxuu bartay wax shir jaraa’id la yidhaahdo oo marka uu u baahdo
waxoogaa kharasha ay tahay meesha keliya ee uu dadka ku xodxoto.

Waxaanad arag odaygii oo inta uu shir jaraa’id qabtay xukuumadda dhaleecaynaya oo


khudbadda uu jeedinayo aad yaabayso. Tolow goormuu dastuurkii akhriyay, iga walla
waxaabad modaa inuu dusha ka wada xafiday. Qodob hebel, qodob hebel iyo aartikal
hebel. Mise subaxa dambe jaraa’idku sheeko kele oo aan shirkiisii jaraa’id ahaynba
ma hayaan. Qosol buu ku dhuftaa markuu sawirkiisa ku arko bogga hore ee jaraa’idka
markaasuu inta uu koob shaah ah dalbado dhegeystaa sida loo qoray hadalkiisii.
Shaahu waa kee ma kii berigii uu cusbaa uu cabbi jiray, imika wuxuuba bartay wax
BUN la yidhaa oo subaxa aanuu cabbin uu Madax xanuun la joogi waayo. Waxa uu
marmar gaadhaa tuuladii uu markii horeba ka yimid mise kiiba maaha. Gaadhi uu
Isagu iska leeyahay baaba lagu wadaa, cirkuu eegayaa oo lacagtana sidaasuu u
farraqayaa. Masaajidkii aan looga horayn jirin markay salaada gaadho waabuu iska ag
marayaa oo wuxuu ku ag sugayaa dadka ku tukanaya qaar ka mid ah inay is raacaan
marka ay ka soo baxaan. Maba qajilayo.

Maalin buu shir isugu yeedhay odayaashii deegaanka. Waxan uu ka hadlayo cid
fahmaysaaba ma jirto. Golayaal, axsaab, qodobo dastuur iyo siyaasadda geeska África
ayaaba la faaqidayaa. Dadkii yaabe oo inta ay hoosta iska eegeen bay leeyihiin
odaygii goormuu siyaasiga noqday. Laakiin iyadoon xataa su’aal la waydiin baa
meeshii lagu kala dareeray. Waayo waxa laga fahmay baaba iska yarayd.

Maalin maalmaha ka mid ahayd ayuu buuq ka dhashay arin siyaasadeed oo la isku
mari waayay. Dowlada iyo mucaaridka ayaa aad ugu Murmay waxaanay xaaladu
gaadhay meel xun oo wax xal ah la isla gaadhi waayay. Wax qaaday mooyaane
odaygii waxaabuu qabtay shir jaraa’id. Waxaabuu ku hanjabay hadii dowladu ay sidaa
yeeli waydo mudo laba maalmood ah inuu xoog arinkaa ku fulani doono.

HANJABAAD ¡ ¡ ¡ ¡ ¡ ….. Galabtiina BBCda ayaabuu ka hadlayaa oo weliba ismuu


odhan wax yara dejiye ilayn hore waxanoo kele umuu arag oo malaa wuxuu is
leeyahay magaalo keliya baa lagaa dhegeysanayaaye oo halkii ka miisay bahal
hanjabaad ah. Qoladii tuulada oo markaa maqaaxida isugu soo ururay si ay warka u
dhegeystaan waxay u qaadan waayeen waxa ay dhegahoodu maqlayaan. Waxa la isku
qabtay waa isagii iyo maaha ee waa mid ay isku magac yihiin.

Subixii dambena isagoo ka tuuraya baabuu soo galay tuuladii oo cumaamada ruxaya
oo leh tolaayeey ka kacaay meesha dowladi ma jirtee ha la iska celiyooy. Qaylaabuu
afka gacanta geliyay. Dadka badankoodii waxay u qaateen inuu odaygii ku dhuftay oo
uu waashay. Qosol bay qaarkood la dheceen qaar kelena waxay u kaceen xagaa iyo
odaygii masaajidka imaamka ka ahaa oo ay ka codsadeen inuu bal odaygan quraan
saaro.

Weli wuu qaylinayaa ,,,, weli cumaamaduu ruxayaa ,,, colaad buu u yeedhayaa ,,,,

Waa odaygii miskiinka ahaa shalay ,,, waa kii siyaasiga isu bedelay beri dhowayd
maantana wuxuuba u eg yahay dagaal ooge.

HAYAAY ….. WAA DAGAAL OOGE

By: Rooble Mohamed


Hargeisa, Somaliland
rooble2009@yahoo.com

You might also like