You are on page 1of 3

IDIL Waa gabay u warramay carruurta qurbaha ku dhalatay una sheegaya sabata iyo dhulkii ay joogi lahaayeen waxa

ka taagan (2001).Asaga oo maqal ah ka gal halkan hoose: http://www.suugaantakayd.com/GABAYO/IDIL.mp3 Idileey amuur baa dhacdoo aabbo kaa dedane Arxan malaha Soomaalidaa ehel wadaagtaane Asaaggaa markay wada dhinteen uurka maad geline Odayada dhashoodii cunaa oodda noo rogaye Arrinkoodu waa taagan yahay kama ajoodaane waa uumanaa xaajadaan kuu alimayaaye Dayaxaa ilays laga helaa nuurka oogta ahe Oogada haddii uu ka tago madow ku aafeeye Xiddigaha iftiimaa marbay aragga muujaane Afdiinlaha markii laysku riday ololka duulaaya Eebada markay wada ganeen aana kor u yeedhay Afarqaadka socodkii ku nimi meel awow degine Ayaxii markay kala tageen aade meel kale e Uugaabadii gaaladay weli ag joogaane Ilmihii kacaayiyo kuwaan orodka rooraynin Waxa ay ku ababshaan dhallaan aanadii hore e Alifkii quraankiyo intaan edebta loo sheegin Abtirsiimadaa kala gurtaa uurka loo dhigiye Utin buu la korayaa filkaa aarna sugayaaye Abasadu markay nagu dhacdaan eegay taan degaye Amxaar iyo hadday kala yihiin Irish iyo Gaana Eeshiya kuwii degi jiriyo belo aguugaysa Irbaddaynu kala qaadanaa Urubba kii yaalle Ingiriiskan aan wada degnaa nama ikbaaraane Albaabada markay noo fureen noo asxaan fale e Alle ruux yaqaaniyo ninkii aayadaha diiday Eedaanka kii yeedhiyiyo gaalka iman waayey Asluubtiyo sharciga loo dhigay wada ilaashaane Awrkaaga raro waa qurbaha aadka uu yahaye Amuurtii haddaan lagu sallidin aradka Soomaali Ololaha qabiiladu ku dhicin eelka nagu raagay Ilihii Hargeysiyo Burciyo Awdal madaxeeda Agagarka Laas qoray Togdheer idhanka Gaaroodi Afka Ceel berdaaliyo toggaa bad u arooraaya Aburiin agteediyo Gadhyogol aaggaa Faraweyne Afmadow ishii Baydhabiyo webiga awleeya Miduun baad ku soo ababilayd kuna ekaan layde Ma og tahay Allaa kuu qadaray oolinkaad timiye Illimaa haddaad joogi leyd odda Cali Aadan Haddaad adhi ku racdiyo haddaad eyro celinayso Oo aad ardaa seexatoo edeggu kuu muuqdo Sidaasaa awowgaa ahaa kuna abuuraaye Istareex ayaad joogi layd aaya nololeede Urugaa i qabatoo halkani waa agoonnimo e Arligii haddaad joogi layd obocda Xaabaale Uubaale baad degi lahayd ila xidh doogweyne Aqliyo waxaad taagi layd udub dhexaadkiiye

Alool baad ka soo xeeri layd uufta siigada e Haddii ay abaaruhu dhacaan omos la daaqaayo Oo oomanaan lagu jiroo roobku iman waayo Aroorkiyo waxaad raaci layd awrta dhaanka ahe Abeesaley biyaa laga cabbaad aayar dhuri layde Markuu geelu uugabayee odda jebinaayo Maqashaad ka soo ururinlayd aarankaa diliye Irmaantaa laguu reebi laa adhaxda jiilaale Aagaanta kaa kala go'daad unug samayn layde Asal baad u soo diiri layd wuu udgoon yahaye Ubbadiyo waxaad dhawri layd eeri kaa jaba e Idihii dhalaayiyo haddaad adhi la maalaynin Iniinyaha ayaad beerilayd soo awaal baxa e Abaqaalka midhihii baxaad aayar jari layde Arabikhi kolaad quudatoo aale kala jeexdo Anfaaciga ma weydeen kolaad iibisaa xadhige Iskuulkiyo haddaan lagugu darin alif la taagaayo Itaalkaaga waad gadan lahayd aayadaa jira e Adeegooyinkaad noqon lahayd waa adoo kale e Ibtilada dhulkeennii jirtaa axan la feentaaye Iyagoo afkoodii qalalay oonna socon waayey Adhaxday ku qaadaan rasaas kuna adkeeyaane Aakeega ay weheshadaan oofta kala gooye Isirkii walaalaha noqdee oodda wada yaallay Ololaha qabiil kama hadhaan ab iyo sheegsheege Isu ure agoontii hadhee aabbahood dilaye Idaajaa haddii lagu akhriyo Alamtaroo raacda Adeerow ka joog kuma hakado awrka qooqaniye Uurkaan ka ooyaa dadkani waa Allawsahale Alhuumada kuwaa lagu salliday malaha iimaane Ilxayiigtu way madhanayaan aayaatiin maleh e Eedaadka Soomaalidiyo urur la'aantooda Ugaadh bay yihiin meel cid la'a aar ku weeraraye Ibta qoriga eebada la ganay oohin galabtiiya Udahooda waa kaa dhurwaa cunay unuunkiiye Ilbax waxay u haystaan markay ubadka laayaane Imtixaanka noloshay beryahan la alwanaysaaye Lama oga ujeedada wakhtiga ururso mooyaane Ha irkigin adduunyada dhammaan iniba waa cayne Meeshaan ugbaadiyo lahayn uriyo geed laaca Abaar lama dugsado meel haddaan ini magoolayne Abtirsiimo reer hebel markii iniba meel raacday Naftu orodbay kugu aamintaa kuna itaashaaye Abris halaqa iyo good intuu oodda miranaayo Abaanduulihii ciidamada amarka siinaayo Araaryaale goodiyo maskii aburka saydhaayo Abees guda ukuli soo baxdiyo uurcadduhu jiifo Aarkii dabooliyo shabeel ayda miranaayo Ee uu ugaas talinayee ina ayay joogto Indheer garatadii laga tegee adhigu faalloodo Uf la yidhi aqoontii jirtiyo aragti tii fiican

Illinkay ka booddoo midnimo oohow laga waaye Arooskaa qabiiladu gashee odayga loo guurshay Ummushaa la sugayaa waxay eegga dhalilayde Kol haddii dhulkaagii in yari eber ka siinayso Aflagaaddo joogta ah dagaal arami reebaayo Amikaarka Ruushkii ka tegey inan yar loo dhiibay Ufadiyo colaaddii madfaca aydin socon waayey Intay kugu adaadurin lahayd qolo orgooneysey Ammaankaaga joog meeshanaa uunku wada yaalle.