You are on page 1of 142

Kumbiyuutarka iyo taariikhdiisa Waxaan casharkeenna koowaad ee taxanaha barashada kumbiyuutarka ku soo qaadan doonnaa qodobbada soo socda:

y y y

Waa maxay kumbiyuutar? Taariikh kooban. Noocyada Kumbiyuutarka.

Waa maxay kumbiyuutar? Haddii aan adiga ku weydiinno, muxuu yahay waxa maskaxdaada ku soo dhacaya markaad maqasho ereyga kumbiyuutar? Waxaan filayaa inay jawaabtaadu noqonayso, waa aaladda aan hadda muraayaddeeda wax ka akhrinaayo ee xafiisyada iskuullda iyo guryahaba taalla loona isticmaalo keydinta qoraallada iyo akhbaaraha kala duwan. Ma khaldana jawaabtaadu haddii aad sidaan u qiyaasay u fikirtay. Laakiin ereyga kumbiyuutar wuxuu xambaarsan yahay micne intaas ka ballaaran. Waxaan maalin walba si joogta ah ula kulannaa adeegsiga farsamada kumbiyuutarka oo wajiyo kala duwan nagu soo marta isuguna jirta mid aan garanayno in ay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso iyo mid aynaan garanayn intaba. Farsamada kumbiyuutarku waxay afartankii sano ee ugu dambaysay door lixaad leh ku yeelatay dhammaan waxyaabaha naga soo gaaro warshadaha casriga ah. Waxay farsamadaasi ka mid noqotay waxyaabaha ay nolosha casriga ahi sida joogtada ah ugu baahan tahay ee ay ka mid yihiin korontada, taleefoonka iwm. Waxaa laga yaabaa in marka aan lacag kala baxayno darbiyada (Bank automat) ama aan kaararka bangiyada wax ku iibsanayno aan garnayno ama aan tuhunsannahay in ay farsamadda

kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawshaas. Laakiin marka aan taleefoon ka jawaabaynno ama aan isticmaalaynno mishiinnada dharka lagu dhaqdo ama aan fiidiyawga ku amraynno inuu noo duubo program TV-ga ka soo geli daana annagoo maqan, waxaa laga yaabaa in aynaan ka fikirayn inay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawlahaas. Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa fulintooda ka dambeeya nooc ka mid ah farsamada kumbiyuutarka oo ku dhex dhisan hadba aaladda aan markaas adeegsanayno. Sidaa darteed kumyuutarku wuu ka ballaaran yahay inta ka muuqatay jawaabtii aan ku soo marnay billowgii casharkan. Haddii aan meel dhaw ka soo qabanno kumbiyuutar waxaa la oran karaa waa aalad kasta oo koronto ku shaqaysa islamarkaana maamuli karta waxa loo yaqaan DATA oo ah akhbaar si gaar ah loo nidaamiyay. Aaladdaas oo leh xusuus laguna hagi karo program.

Taariikh kooban Kumbiyuutarkii ugu horreeyay waxaa la soo saaray sanadkii 1946, Waxaana la oran jiray ENIAC. Wuxuu ka koobnaa in ka badan 18 000 (Siddeed iyo toban kun) oo waayarro waaweyn ah. Sida aad qiyaasi karto kumbiyuutarkaasi aad ayuu u weynaa wuxuuna keligiis buuxin jiray guri weyn. Miisaankiisu wuxuu ahaa 30 tan oo u dhiganta ilaa 30 baabuur oo yar yar. Kumbiyuutarkaas waxaa la isticmaalayay muddo toban sano ah laakiin haba weynaadee ma uusan qaban karin wax ka badan inta uu maanta qabto xisaabiyaha yar ee jeebka lagu qaato (calculator). Sanadkii 1975 ayaa waxaa la soo saaray kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee loogu tala galay isticmaalka guryaha iyo xafiisyada. Shirkadihii ugu horreeyay soo saaridda kumbiyuutarradaasna

waxaa ka mid ahaa Apple, Commodore, Tandy, MITS iyo Atari. Sanadkii 1981 ayaa shirkadda IBM oo caan ku ahayd kumbiyuutarrada waaweyn waxay soo saartay kumbiyuutarkeedii ugu horreeyay oo loogu tala galay inuu qofka caadiga ahi isticmaalo. Sanadkaas wixii ka dambeeyay wuxuu horumarka kumbiyuutarku ku socday xawli aad u dheereeya taasoo keenatay in ay kumbiyuutarrada maanta la isticmaalaa ka dheereeyaan, ka awood badan yihiin kana miisaan fudud yihiin isla markaana uu qiimahahoodu aad iyo aad uga jaban yahay kii ay IBM soo saartay 1981. Shirkado fara badan oo adduunka ku kala baahsan ayaa qaatay qaabdhismeedkii IBM, taasoo keentay in kumbiyuutarrada noocaas u dhisani ay suuqa qabsadaan. Waxaa kumbiyuutarrada noocaas u dhisan loo yaqaannaa Personal Computers(PC), waxaana soo baxay noocyo fara badan oo wata magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: XT, AT, PS/2 iyo taxanaha 8086 oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan 286, 386, 486 iyo Pentium. Noocyadaas waxaan si faahfaahsan uga hadli doonnaa casharradeena dambe.

Noocyada kumbiyuutarka Kumbiyuutarka waxaa maanta loo qeybiyaa afar nooc oo kala ah:
y y y y

Super Computers Big Computers Mini Computers Personal Computers

Super Computers iyo Big Computers Aad bay u waaweyn yihiin waxaana uu qiimahoodu gaarayaa malaayiin doollar. Noocayadaan waxaa isticmaala shirkadaha

aadka u waaweyn, hey'adaha dawladaha iyo jaamacadaha waaweyn, waxayna hal mar fulin karaan hawlo fara badan mana aha wax lala yaabo in boqolaal qof ay isku mar hal kumbiyuutar u diraan shaqooyin kala duwan uuna isku wakhti ugu wada fuliyo hawlahooda oo dhan. Kumbiyuutarrada noocaan ah waxaa ka shaqeeya dad si gaar ah loogu tababaray oo la yiraahdo operators. Waxay kaloo u baahan yihiin xannaano gaar ah oo ah xagga cimilada taasoo micnaheedu yahay in laga ilaaliyo kulaylka iyo qabowga badan labaddaba. Mini Computers Mini Computers waxay la dhismo yihiin labada nooc ee hore laakiin wey ka baaxad yar yihiin. Waxaana loo isticmaalaa hawlaha warshadaha sida xisaabinta iyo hagidda hawl qabadkooda. Sida badan waxay isku mar qaban karaan ilaa konton arrimood. Noocaani labada nooc ee hore wuu uga adkaysi badan yahay xagga cimilada umana baahna operator joogto ah. Personal Computers (PC) Noocani waa nooca ugu yar inta badanna laga isticmaalo xafiisyada, iskoollada iyo guryahaba. Noocaan oo loo soo gaabiyo PC aad buu u yar yahay marka loo eego kuwii aan horay uga soo hadalnay, waxaa loogu tala galay in la saaro miis dushiis, iwm. PC waa nooca ugu badan xagga soo saaridda uguna jaban xagga qiimaha. Noocaan waxaa markii hore loogu tala galay in qofka isticmaalyaa uu markiiba isticmaalo hal program haddase waxaa caadi ah in la isku xiro kumbiyuutarro badan (Computer Network) halkaasna ay dad fara badani isku mar ku wada isticmaalaan hal program ama in ka badan. Qeybaha dambe ee cashareedeena waxaan kaliya oo aan haddii rabbi idmo uga hadli doonnaa noocaan dambe ee PC annagoo qeyb

qeyb u soo qaadan doonna qeybaha uu ka kooban yahay iyo program-yada uu ku shaqeeyo. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved Personal Computers (PC) Waxaan casharkeenii koobaad ku soo qeexnay waxa uu yahay kumbiyuutarku, inta nooc ee guud ahaan loo qaybiyo iyo nooc walba meelaha ama waxa inta badan loo isticmaalo. Casharkaan oo ah kii labaad waxaan si faahfaahsan ugaga hadli doonaa Personal Computers (PC) oo ah mid ka mid ah noocyaddii aan u soo kala qaybinay kumbiyuutarka. Personal Computers oo loo soo gaabiyo PC waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah: 1. PC 2. Macintosh Haddaba inta aanan sii dhexgalin dhismaha iyo qeybaha uu ka kooban yahay personal Computer-ku waxaan dib ugu yara noqonaynaa taariikhda noocaan kumbiyuutarrada ah iyo siday ku billowdeen: Taariikhda Personal Computers Sanadkii 1975 ayaa waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa sanadkii uu noocaani dhashay oo soo saaristiisa la bilaabay. Joornaal la oran jiray Popular Electronics ayaa wuxuu sanadkaas soo bandhigay kumbiyuutar magiciisa loo bixiyey Altair 8800 oo ay soo saartay shirkad la oran jiray MITS. Kumbiyuutyarkaas oo ahaa PC-gii ugu horeeyay wuxuu qiimihiisu ahaa $397 doollar. Sanadkii 1976 ayaa shirkadda Apple waxay soo saartay kumbiyuutar loo bixiyey Apple I. Processor-kiisa (maskaxda kumbiyuutarka) oo loo bixiyey 6502 waxaa lahaa shirkadda

Motorola. Sannadkii 1977ayaa waxaa soo baxay Apple II oo isagu noqday fikrad lagu guulaystay muddo sanado badan ahna haystay suuqa PC-ga. Sanadkii 1981 ayaa waxaa soo baxay kumbiyuutar aad wax uga beddelay taariikhda Personal Computers-ka. Kumbiyuutarkaas oo loo bixiyey IBM PC waxaa sida magiciisa ka muuqata soo saaray shirkadda IBM processor-kiisa oo ahaa 8088 waxaa lahaa shirkadda ilaa iyo maanta hormuudka u ah samaynta processoradda ee la yiraahdo Intel. Program-ka kumbiyuutarka ka shaqaysiiya (Operating system) waxay IBM u dooratay MS-DOS oo ay soo saartay shirkad aan markaas aad loo aqoonin laakiin maanta haysata suuqa program-yada oo la yiraahdo Micrsoft (waa shirkadda samaysay Windows, Word, Excel, Powepoint, Internet Explorer iyo program-yo kale oo fara badan). IBM PC ma aysan lahayn Hard Drive oo ah halka lagu kaydiyo wixii kumbiyuutarka la galiyo. Waxayse lahayd Diskette (Cajaladda yar ee kumbiyuutarka loo isticmaalo) uu qaadkeedu ahaa 360 KB. IBM PC wuxuu noqday nooc si dhakhso ah suuqo ugu fiday muddo yar kadibna waxaa suuqa Personal Computers-ka qabsaday IBM PC iyo MS-DOS. Sanadkii 1983 waxay IBM soo saartay IBM PC/XT. Noocaas oo lahaa Hard Drive qaaday 10 MB wuxuuna aad kor ugu qaaday isticmaalka Personal Computers-ka. Sanadkii 1984 waxay Intel soo saartay processor cusub oo loo bixiyey 80286 inta baddanna loo soo gaabiyo 286. Halkaasna waxaa ka billowday nambar taxane ah oo magac looga dhigay processor-adda ay soo saarto Intel. Taasina waxay keentay inay IBM soo saarto kumbiyuutar la oran jiray AT oo wata processor-ka 80286 iyo Diskette uu qaadkeedu ahaa 1,2 MB. Sanadkii 1984 ayaa shirkadda Apple waxay soo saartay kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay Macintosh.

Noocaasi wuxuu keenay in shirkadda Apple ay suuqa ku soo noqoto. IBM waxay dooratay inay u bandhigto una fasaxdo cid kasta oo xiisaynaysa inay isticmaalaan farsamada ay kumbyuutarradeedu ku salaysan yihiin, halka ay Apple ka dooratay inay farsamadeeda gacanta ku haysato oo aysan cid kale u ogalaan. Arrintaasi waxay keentay inay shirkado fara badani qaataan farsamada IBM oo ay sameeyaan kumbiyuutarro ku salaysan habkii loo sameeyay IBM PC. Shirkadaha qaatay farsamada IBM waxaa ka mid ah Compaq, Dell, HP iyo kuwa fara badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Shirkadahaasi waxay ilaa maanta soo saaraan kumbuyuutarro loo yaqaan IBM Compatibles oo micnaheedu yahay inay ku salaysan yihiin farsamadii IBM. Sanadkii 1985 waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan 80386 loona soo gaabiyo 386. 386 wuxuu ahaa processor-kii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay 32-bit. Taasina waxay keentay inay shirkado badani sameeyaan kumbiyuutarro wata processorkaas. 1987-kii waxay Apple soo saartay Mac II oo watay processor loo bixiyey 68020. 1988-kiina waxa soo baxay Mac IIx oo wadatay processor-ka 68030 waxaana ku xigay processor-ka 68040. 1984 waxay Apple soo saartay Power Mac oo watay processor ay ka wada shaqeeyeen IBM, Apple iyo Motorola oo loo yaqaan PowerPC. Sanadkii 1989 waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan 80486 loona soo gaabiyo 486. Processor-kaasi aad ayuu suuqa u qabsatay oo waxaa soo baxay kubiyuutarro aad u fara badan oo wata processor-kaas isla markaana si aad ah ayaa loo gatay. Markaa ayaa waxaa dhacday in shirkado kale oo aan ahayn Intel ayna ka mid yihiin Cyrix iyo AMD ay sameeyaan processor wata magaca 486. Taasi waxay keentay in Intel ay ka xumaato islamarkaana ay ku dacwooto in shirkadahaasi ay ku xad gudbeen

xuquuqda Copyright-ka Intel. Waxayse maxkamaddii arrintaas la hor keenay go'aamisay in maadaamaa 486 ay tahay tiro, aanay cidina gaar u sheegan karin. Intel halkaas ayaa dacwadii looga adkaaday oo way weyday wax ay ku difaacdo magaca 486. Sanadkii 1993 waxay Intel soo saartay processor-kii ku xigay 486. Laakiin halkii laga filaayay inuu magaciisu noqon doono 586 waxay u bixisay Pentium. Taasna waxay u yeeshay si ay ugu suurtowdo in ay sharci ahaan Copyright uga difaacdo shirkadaha kale inay magcaas la baxaan. Kadibna waxaa si isdaba joog ah u soo baxay Pentium MMX, Pentium Pro, Pentium II iyo Pentium III oo hadda ugu dambaysay. Itaas ayaan casharkaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa dhismaha guud iyo qeybaha ay PC ka kooban tahay. Ka dibna casharrada ku sii xigaa ayaan mid mid ugu soo qaadan doonnaa mid kasta oo ka mid ah qeybahaas. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com Waxaad tahay akhristihii 26349-aad laga soo bilaabo 01-06-2000 Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

Fikradda akhristeyaasha casharkaan Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa fikaradaha dadka cashirkaan akhriyay ay ka dhiibteen cashirkaan haddii ay jiraan dad fikraddooda ka dhiibtay. Waxaa kale oo aad halkaan ku soo gudbin kartaa waxa ay adiga kula tahay iyo sida aad u aragto casharkaan. Inuu adag yahay, inuu ku fiican yahay sida uu yahay iyo in aad Dhismaha Personal Computer (PC)

Sida aan ku soo sheegnay Casharka 2-aad, Personal Computers waxaa loo kala qeybiyaa laba qeybood oo kala ah PC iyo Macintosh. Kumbiyuutarrada noocaan ah ee maanta la isticmaalo 95% (boqolkiiba sagaashan iyo shan) waa PC. 5% (boqolkiiba shan) waa Macintosh. In kasta oo ay PC iyo Macintosh iskaga mid yihiin wax badan oo aan uga hadlayno casharkaan iyo casharradeena dambeeyaba haddana waxaa jira wax badan oo ay ku kala duwan yihiin. Sidaa darteed ayaan casharradeenna inta ka hartay waxaaan uga hadli doonnaa oo ay si gaar ah ugu saabsanasan doonaan nooca PC, maadaama uu yahay nooca ugu badan ee maanta la isticmaalo. Dhismaha guud ee PC PC waxay ka kooban tahay qeybo kala madax bannaan oo la iksu xiriiriyay. Qeybahaas waxaa guud ahaan loo sii kala qeybiyaa 4 (afar) qeybood oo waa weyn oo kala ah: 1. Computer Case oo ah qeybta u taagan kumbiyuutarka. 2. In Devices oo loo adeegsado in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo. 3. Out Devices oo loo adeegsado in akhbaar kumbiyuutarka ku jirta lagula soo baxo. 4. In and Out Devices oo loo adeegsado in kumbiyuutarka wax lagu galiyo iyo in wax lagula soo baxo labadaba.

Afartaas qeybood ayaan mid mid u soo qaadanaynaa innagoo mid walba sheegayna waxna ka taabnayna qeybaha soo hoos gala iyo mid walba waxa loo adeegsado. Casharradeenna xiga ayaan qeybahaas si faafaahfaasan uga hadli doonnaa hadduu rabi idmo. Casharkaan waxaan ugu tala galnay inuu sawir guud ka bixiyo dhismaha PC. 1. Computer Case Computer Case waa santuukha birta iyo balaastiga isku jira ka samaysan ee ay fiilooyinku xagga dambe kaga jiraan. Dadka badankiisu qeybtaan muhiim uma arkaan laakiin waa qeybta saldhigga u ah kumbiyuutarka iyo qeybaha uu ka kooban yahay. Run ahaantii kumbuutarku waa qeybtaan. Computer Case waxay u kala baxdaa laba nooc oo kala ah Tower iyo Desktop. Tower oo ah nooca kaaga muuqda sawirka waa nooca ugu badan ee la isticmaalo. Tower waxaa loogu tala galay in la dhigo dhulka miiska hoostiisa ah, wuuna ka waasacsan yahay oo ka qaad badan yahay Desktop. Desktop waa nooc jiifa waxaana loogu talagalay in la saaro miiska dushiisa. Screen-ka ayaana inta badan dusha laga sii saaraa. Cumputer Case waxaa ku jira qeybaha kumbiyuutarka ugu muhiimsan uguna xasaasisan, waxayna qeybahaas u tahay

gaashaan ka ilaaliya inay wax gaaraan. Waxaa kale oo ay kumbiyuutarka ka ilaalisaa kulaylka oo waxaa ku rakiban marwaxad qaboojisa oo hoos u dhigta heerkulka kumbiyuutarka si uusan u guban. Qeybaha muhiimka ah ee ku dhexjira Combuter Case waxaa ka mid ah: Motherboard ama Mainboard oo ah sagxadda ay ku fadhiyaan waxa loo yaqaanno Cards oo aan uga hadli doonno casharrada dambe. Motherboard wuxuu xiriiriyaa oo uu korontada iyo akhbaarta u kala gudbiyaa dhammaan qeybaha kale ee kumbiyuutarka waana qeybta ugu muhiimsan kumbiyuutarka. Processor oo ah qeybta hagta ee maskaxda u ah kumbiyuutarka, xawaaraha kumbiyuutarkuna iyada ayuu ku xiran yahay. Hard Drive waa halka lagu kaydiyo wixii akhbaar ah ee kumbiyuutarka la galiyo. Memory waxaa si ku meelgaar ah loogu kaydiyaa wixii akhbaar ah ee diyaarinteeda gacanta lagu hayo inta aan la dooran in si rasmi ah loo kaydiyo. Wixii halkaas lagu kaydiyo waxaad heli kartaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay. Haddiise kumbiyuutka la damiyo wey lumayaan. Memory waxaa kale oo isticmaala hadba program-yada markaas shidan. Floppy Disk Drive waa halka kumyuutarka laga galiyo cajaladda yar ee kumbiyuutarrada lagu isticmaalo. CD-ROM waa halka kumbiyuutarka laga galiyo nooca cajaladda ah ee loo yaqaan CD. Cards waxaa la isku yiraahdaa kaarar loo isticmaalo hawlo kala duwan. Kaararkaas waxaa ka mid ah Sound Card, Graphic Card, Network Card, Video Card iwm. Mid kasta oo ka mid ah qeybhaas cashar u gaar ah ayaan ku soo qaadan doonnaa markaa ayaanan si faahfaahsan uga hadli

doonnaa. Waxaa aad muhiim u ah in Computer Case-ku ay waasac tahay waayo waxay taasi fududaynaysaa qulqulka hawada ka soo baxaysa marwaxadda. Waxaa kale oo ay taasi kuu suurto galinaysaa inaad kumbiyuutarkaaga sii dhisto oo aad ku sii kordhiso qeybo kale. 2. In devices In devices waxaa sidaan soo sheegnay la isku yiraahdaa aaladaha loo adeegsado in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo. Aaladahaas waxaa ka mid ah:
o

Keyboard

Waxaa loo adeegsadaa in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo. Xarfaha Keyboard-ka ka muuqda iyo sida ay u safan yihiin labadaba waxay ku xiran yihiin hadba waddanka loogu tala galay in laga isticmaalo. Laakiin waxaa caadi ah inuu yeesho 101 ama 102 batoon iyo wixii ka badan. Nooca ka muuqda sawirka waa nooca caadiga ah laakiin waxaa jira noocyo qalqalloocan oo ay qolyaha samayay yiraahdaan waxaan u qaabaynay si gacmaha u roon.
o

Mouse

Mouse wuxuu noqday aalad aan laga maarmin marka ay soo baxeen operative systems ku salaysan graphic sida Windows. Waxa kale oo isticmaalkiisa sii badiyay internet oo inta badan lagu saleeyo in mouse-ka lagu taabto qoraal iyo sawirro kala duwan. Inta badan wuxuu leeyahay 2 ilaa 3 batoon. Waxaa jira qaar ay intaas u sii dheer tahay garaangar yar oo batoommada dhexdooda ku taalla oo loogu talgalay in bogga kor iyo hoos loogu socodsiiyo. Waxa kale oo uu sida

caadiga ah dhanka hoose ku leeyahay kuul yar oo ku dul wareegata hadba meesha la dul saaro. Kuushaasi waxay suurto galisaa in fallaarta mouse-ka loo dhaqaajiyo hadba dhinacii la doono.
o

Scanner

Waxaa loo isticmaalaa in sawir ama qoraal buug ama warqad ku yaalla lagu akhriyo si kumbiyuutarka loo galiyo. Scanner waxaa ugu badan nooca loo yaqaan flat Scanner oo ah nooc u eg mishiinka loo isticmaalo koobiyeynta waraaqaha waana kan sawirka ka muuqda. Sida daabacaha ayuu scanner-ku wuxuu ku kala duwan yahay xagga xawaaraha iyo tayada waxa uu koobiyeeyo. Waxaa jira noocyo yaryar oo gacanta lagu qabto oo la dul mariyo waxa la koobiyeynayo. Noocaan waxaa inta badan lagu arkaa dukaammada waaweyn oo waxaa lagu akhriyaa kood ku dhaggan shayga aad gadatay oo sheegaya nooca iyo qiimaha shaygaas.
o

Makarafoon (Microphone)

Makrafoon inta badan gaar ayaa loo soo gataa oo lama socdo kumbiyuutarka waayo waxaa loo baahdaa marka aad adigu rabto inaad kumbiyuutarka cod ku duubto. Arrintaasna dadka intiisa badan waxaa laga yaabaa inaysan u baahan. Joysticks

Waxaa loo isticmaalaa ciyaaraha kumbiyuutarka lagu ciyaaro sida kuwa dagaallada ee xabbadaha la rido, diyaarada, baabuurta iwm. Joystik wuxuu leeyahay gacan taagan oo dhinaca hore ku leh batoommo loo adeegsado hawlo kala duwan sida in xabbad la rido, in meel laga boodo, in la dhabacdo iwm. Gacan-ka laftiisa waxaa loo adeegsadaa in

diyaarad, baabuur ama qof lagu hago sida in marba dhinac loo leexiyo, in horay ama gadaal loo socdo iyo in la joojiyo.
o

Gamepad

Gamepads waxaa inta badan loo isticmaalaa ciyaaraha baabuurta. Waxay inta badan u kala baxaan laba nooc. Nooc yar oo fidsan oo leh batoommo fara badan oo loogu tala galay hawlo kala duwan. Nooc ka kooban isteerin u eg kan baabuurta oo leh batoommo fara badan iyo qeyb dhulka la dhigo oo shabahda fariinka iyo sheelaraha baabuurta. Taasi waxay keentaa in qofka ciyaarayaa uu dareemo sidii inuu baabuur rasmi ah wado oo kale. 3. Out devices Out devices waxaa iyagana sidaan soo sheegnay la isku yiraahdaa aaladaha loo adeegsado in akhbaar kumbiyuutarka ku jirta lagula soo baxo. Aaladahaas waxaa ka mid ah:
o

Monitor (Screen)

Monitor ama Screen waa muraayadda aad ka aragto waxa kumbiyuutarka ku jira. Monitor-ku waa qeyb muhiim ah waayo waa halka lagala xiriiro kumbiyuutarka. Monitor wuxuu leeyahay noocyo iyo cabirro kala duwan wuxuuna la shaqeeyaa oo isaga iyo kumbiyuutarka u kala turjuma kaar loo yaqaan Graphic Card oo ka mid ah kaararka ku jira sanduuqa kumbiyuutarka. Haddii monitor-kaaga ama Graphic Card-kaagu uu duq yahay waxay keenysaa in uu sawirka monitor-ka ka muuqdaa uu yara gargariiro oo uu indhahaaga wax u dhimo. Sidaa darteed waa muhiim in kumbiyuutarku uu leeyahay Monitor iyo Graphic

Card casri ah oo ay tayadoodu fiican tahay. Monitor-ka waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan 'tum' oo ay astaan u tahay (") una dhigma 2,5 cm. Waxaa tusaale ahaan la cabbiraa fogaanta u dhaxaysa muraayadda geeskeeda bidixe ee hoose iyo geeskeeda midige ee sare. Cabbirrada monitor-ka waxaa ka mid ah 14", 15", 17", 19, 20", iyo 21". Kumbiyuutarrada cusub ee maanta suuqa yaallaa waxay u badan yihiin cabbirka 15" 17", iyo 19". Mar kasta oo uu cabbirka Monitor-ku sii weynaadaba waxaa sii kordha qiimihiisa.
o

Daabace (Printer)

Daabace waxaa loo isticmaalaa in akhbaar kumbiyuutarka ku jirta warqad lagu daabaco. Daabuhu inta badan lama socdo kumbiyuutarka laakiin gaar ayaa loo soo gataa. Daabucuhu wuu noocyo badan yahay oo wuxuu ku kala duwan yahay samayska farsamo ahaan, xawaaraha uu wax ku daabaco, tayada waxa uu daabaco iyo isticmaalkiisa oo kala fudud. Xagga farsamada waxaa loo kala qeybiyaa saddex qeybood oo waa weyn. Matrix Printer ama Dot Printer waa nooc duq ah oo aan inta badan maanta suuqa laga helin. Wuxuu adeegsadaa farsamo laga tagey oo adeegsnaysa irbado xarfaha dhibic dhic u qora. Noocaani aad ayuu u gaabiyaa waxa uu qorana aad ayay tayadoodu u hoosaysaa markuu wax qoraayana aad ayuu u qeyliyaa. Inkjet Printer waa nooca dadka caadiga ahi ay u badan yihiin wuxuuna adeegsadaa khad shubmaysa oo warqadda lagu cadaadiyo. Daabacahaani noocyo badan ayuu u sii kala baxaa wuxuuna ku sii kala duwan yahay xawaaraha, tayada iyo midabka waxa uu qoro iyo isticmaalka. Xagga tayada

wuu ka fiican yahay nooca hore laakiin haddii tusaale ahaan qoyaan uu gaaro warqadda uu wax ku qoray waxaa dhacaysa in ay khaddu dhaqanto oo ay xarfuhu isku dardarsamaan. Sidaa darteed noocaan looma isticmaalo wixii qoraal ah ee la rabo in muddo badan la keydiyo. Laser Printer waa nooca ugu dheereeya uguna tayo fiican waxaana inta badan laga isticmaalaa xafiisyada dawliga ah, ururrada iyo shirkadaha waaweyn. Noocani wuxuu xagga farsamada, qaabka iyo cabbirkaba shabahaa mishiinnada loo isticmaalo koobiyeynta waraaqaha.
o

Samaacado (Speakers)

Kumbiyuutarrada maanta suuqa yaalla intooda badan waxaa la socda oo lagu soo gataa kaarka codka (sound Card) iyo samaacado. Samaacaduhu wey kala nooc iyo cabbir duwan yihiin. Laakiin inta badan waxtarkoodu qofka caadiga ah uma kala duwana. Samaacadaha waxaa loo adeegsadaa in lagu dhagaysto codka ka soo baxa program-yada kala duwan ee kumbiyuutarka lagu isticmaalo. Program-yada codka leh waxaa ugu badan kuwa ciyaaraha ah laakiin waxaa jira kuwo waxbarasho ah oo dhageysi ku salaysan. Xataa waxaa kale oo jira CD-yo uu ku duuban yahay quraanka oo dhan oo cod ahaan loo dhagaysto. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in haddii aad kumbiyuutar gadanayso aad iska fiiriso inuu wato kaarka codka iyo samaacado. 4. In and Out devices In and out Devices waa aaladaha loo adeegsado in akhbaar lagu galiyo loogalana soo baxo kumbiyuutarka. Aaladaha noocaas ah waxaa ka mid ah:
y

Modem

Waa aaladda suurto galisa in ay laba kumbiyuutar ama in ka badni xiriiraan iyagoo adeegsanaya laynka telefon-ka. Modem hawshiisa waxaa lagu soo koobi karaa in uu hadal qoraal ah u rogo cod si loogu diro laynka telefon-ka. Iyo inuu codka telefon-ka u rogo qoraal uu kubiyuutarku fahmi karo. Modem waa aaladda hadda kuu suurto galisay inaad timaaddo halkaan oo aad casharkaad akhriso. Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharrada xiga waxaan hadduu rabbi idmo mid mid ugu soo qaadanaynaa qeybaha aan halkaan ku dulmarnay anagoo si faahfaahsan oo technically ah u dhex galayna. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com Waxaad tahay akhristihii 35471-aad laga soo bilaabo 10-06-2000 Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga Motherboard Si aad ula socoto una fahamto casharkaan iyo casharrada ka dambeeya, waxaan kugula talinaynaa in haddaad kumbiyuutar leedahay aad casharka warqad ku daabacdo ka dibna aad santuukha kumbiyuurtakaaga furto oo aad fiiriso waxa gudihiisa ku jira adigoo isku dayaya inaad hesho hadba qeybta uu markaas casharku ku saabsan yahay. Waxaan inta badan adeegsan doonnaa sawirro si toos ah looga soo qaaday qeybaha ay casharradu ka hadlayaan sidaa darteed way kuu fududaan doontaa inaad hesho qeybta aad raadinayso. Inta aadan kumbiyuutarka kala furin iska hubi inuu dansan yahay oo marna ha furin kumbiyuutarka isagoo shidan.

Muxuu yahay Motherboard? Motherboard waa qeybta ugu muhiimsan qeybaha uu kumbiyuutarku ka kooban yahay. Magacyada kale ee qeybtaan loo yaqaan waxaa ka mid ah Mainboard iyo Systemboard. Dhammaan magacyadaasi waxay kuu muujinayaan muhimadda ay qeybtaani leedahay. Waayo waa qeybta aasaaska u ah ayna ku dul rakiban yihiin qeybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka islamarkaasna xiriirisa oo korontada iyo akhbaarta u kala gudbisaa dhammaan qeybaha kale ee kumbiyuutarka.

Motherboard uu noociisu yahay ATX oo dusha laga sawiray isagoo keligii ah oo aysan waxba ku dul rakibnayn Motherboard-yada caasriga ah ee maanta la isticmaalaa waxay u muuqdaan sida sawirka kaaga muuqata. Waxaa laga yaabaa in fiilooyin fara badan iyo qeybo kale ay ka soo sokeeyaan oo uu kuu wada muuqan waayo. Haddii nooca santuukha kumbiyuutarkaagu uu yahay Tower wuxuu Motherboard-ku ku rakiban yahay dhinaca midige ama bidixe ee santuukha. Haddiise uu nooca santuukhaagu yahay Desktop wuxuu Motherboard-ku fadhiyaa sagxadda santuukha. Si aad u hesho sharaxaad ku saabsan Tower iyo Desktop fiiri Casharka 3-aad.

Noocyada Motherboard-ka Motherboard-ku wuu kala dhismo iyo cabbir duwan yahay. Taasina waxay keentay in santuukha kumbiyuutarka loo dhiso si waafaqsan hadba Motherboard-ka santuukhaas loogu tala galay. Haddaba iyadoo la fiirinayo qaabka iyo cabbirka Motherboard-ka ayaa waxaa loo kala qaadaa dhowr nooc oo ay ka mid yihiin: 1. 2. 3. 4. 5. Baby-AT Full-size AT LPX ATX NLX

Shantaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadanaynaa. 1. Baby-AT Sida aan ku soo sheegnay Casharka 2-aad shirkadda IBM waxay sanadkii 1983-kii soo saartay kumbiyuutar la oran jiray IBM PC/XT. Kumbiyuutarkaasi wuxuu watay Motherboard uu magiciisu ahaa XT. Motherboard-kaasi aad ayuu caan u noqday wuxuuna keenay in shirkado badan ay koobiyeeyaan oo ay soo saaraan Motherboard-yo la mid ah XT. Muddo ka dib ayaa IBM waxay soo saartay Motherboard la oran jiray AT oo ka cabbir weynaa XT islamarkaana lagu soo daray qeybo hor leh oo aan la socon XT. Shirkadihii koobiyeeyay XT waxay go'aansadeen in aysan cabbirka Motherboard-yadooda waxba ka beddelin laakiin ay qeybaha cusub ee AT lagu soo daray boos uga helaan kuna soo daraan Motherboard-yadooda ku salaysnaa qaab dhismeedkii XT, taasna wey ku guulaysteen waxaana Motherboard-kii halkaa ka soo baxay loo bixiyey Baby-AT. Maadaama Baby-AT isagoo ka cabbir yar AT uu watay dhammaan qeybihii la socday AT ayaa taasi waxay keentay in Baby-AT uu beddeli karo AT islamarkaana uu qaadan karo

santuukha loogu tala galay AT. Sidaa darteed laga soo billaabo 1983 ilaa 1996 wuxuu Baby-AT ahaa Motherboardka ugu caansan uguna badan suuqa. Laakiin laga soo billaabo bartamihii 1996 waxaa Baby-AT beddelay oo suuqa ka saaray Motherboard-ka sida aadka u caan baxay ee la yiraahdo ATX oo aan ka hadli doonno. Welise waa la helaa kumbiyuutarro wata Motherboard-ka Baby-AT. Sida ugu fudud ee aad ku garan karto Baby-AT adigoo aan kumbiyuutarka furin waa inaad fiirso santuukha dhiniciisa dambe. Baby-AT waxaa kaliya oo si toos ugu xiriirsan Keyboard-ka. Qeybaha kale oo dhan waxay ku xiriirsan yihiin kaarar kala duwan oo Baby-AT ku sii xiriirsan. Waxaa kale oo laga yaabaa in Mouse-kuna uu Motherboard-ka toos ugu xiriirsan yahay laakiin taasi ma badna. Kaararka BabyAT ku xiriisan waxay Motherboard-ka ugu fadhiyaan si toosan oo ah xagal 90 digrii ah. 2. Full-size AT Full-size AT waa Motherboard-kii ay IBM gadaal ka soo saartay ee aan horey uga soo hadalnay. Full-size AT aad ayuu u weyn yahay oo wuxuu dhererkiisu gaarayaa qiyaastii 35 cm, ballaciisuna wuxuu gaarayaa 30 cm. IBM waxay cabbirkaas weyn ugu baahatay si ay boos ugu hesho qeybaha ay ku soo kordhisay Motherboard-ka markii ay ka wareegtay nidaamka uu PC/XT ku dhisnaa oo ahaa 8-bit oo ay u wareegtay 16-bit. Maadaama uu cabirkiisu aad u weynaa IBM waxay goosatay inay yarayso. Dhawr jeer ayay marba xoogaa ka dhintay ugu dambayntiina waxay gaarsiisay cabbir le'eg kii XT waxayna u bixisay XT-286. Shirkado badan oo kumbiyuutarrada sameeya ayaa kumbiyuutarradooda ku saleeyay XT-286 wuxuuse qaatay oo uu ku caan baxay magaca Baby-AT oo ah midka aan kor uga soo hadalnay.

3. LPX Noocaan wuxuu soo baxay 1987-kii waxaana asalkiisa lahaa oo soo saaray shirkadda Western Digital. In kasta oo shirkaddaasi ay mar hore joojisay samaynta kumbiyuutarrada haddana noocaan weli wuu nool yahay oo shirkado kale ayaa qaatay oo soo saara. Nasiib darro Western Digital ma aysan wada fasixin dukument-gii sharxaayay qaabdhismeedka LPX. Taasi waxay keentay in shirkad kastaa ay samayskiisa dhinac la aaddo. Sidaa darteed Motherboard-yada noocaan ah ee ay shirkadaha kala duwani sameeyeen isma qaataan. Taas micnaheedu wuxuu yahay haddii aad haysato kumbiyuutar uu Motherboard-kiisu yahay LPX kuuma suurtoobayso inaad sii dhisto ama aad Motherboard-ka ka beddesho. Taasina waa arrin aan fiicnayn. Shirkadaha sameeya kumbiyuutarrada uu Motherboardkoodu noocaan yahay waxaa ka mid ah Compaq iyo Packard Bell iyo kuwo kale. Kumbiyuutarrada noocaan ah badanaa waxay wataan santuukh desktop ah oo aad u dhumuc yar laakiin xataa iyagoo Tower ah waa la helaa. Maadamaa aan la sii dhisi karin waxaa wanaagsan in aad ka digtoonaato gadashada kumbiyuutarrada noocaan ah. Kumbiyuutarka noocaan ah waxaa lagu gartaa oo uu leeyahay kaar u dhexeeya Motherboard-ka iyo kaararka kale. Kaarkaasi wuxuu ku dul fadhiyaa Motherboard-ka, kaararka kale oo dhanna isaga ayay ku sii dul fadhiyaan iyagoo si parallel ah ula safan Motherboard-ka. In ay kaararku si parallel ah ula safan yihiin Motherboard-ka iyo in kale waxaad kala garan kartaa xataa adigoo aan kumbiyuutarka furin. Haddaad fiiriso dhinaca dambe ee santuukha kumbiyuutarka noocaan ah waxaad arkaysaa in afka kaararka fiilooyinka looga xiriiriyo uu si parallel ah ula safan yahay Motherboarka, taas ayaana ku filan inaad garato in nooca Motherboad-ku uu yahay LPX. Haddaad kumbiyuutarka furtana kaba sii fiican oo waxaad arkaysaa kararka iyo

Motherboard-ka oo isku dhinac u jeeda. 4. ATX Nooca ATX waa nooca ugu caansan noocayada Motherboard-yada caasriga ah ee maanta la isticmaalo. ATX waxaa laga sameeyay Baby-AT iyo LPX oo la isu geeyay, iyadoo mid kasta laga soo qaatay qeybaha ugu fiican. Kadibna qeybo hor leh ayaa lagu sii kordhiyay. Laakiin xagga cabbirka wuu kaga duwan yahay labadaba oo midkoodna isma qaadan karaan. Taasoo micnaheedu yahay santuukh loogu tala galay Baby-AT ama LPX looma istcimaali karo ATX. ATX waxaa 1995-kii soo bandhigay shirkadda Intel iyadoo isla markaana u fasaxday in ay cid kastaa samayn karto. ATX wuxuu si xoog leh suuqa u soo galay bartamihii sanadkii 1996-kii. Intel waxay soo saartay dokumenti si tifaftiran u sharxaya samayska ATX si ay shirkadaha kale ugu fududaato inay qaataan noocaan. ATX waa nooca ugu fiican noocyada Motherboard-ka ee maanta jira waayo wuxuu kuu ogolaanayaa in aad sii dhisto oo aad hadba wax ka beddesho si aad ula socoto isbeddelka suuqa kumbiyuutarrada. Sida ugu fudud ee aad ku garan karto in Motherboard-ka kumbiyuutarkaagu uu yahay ATX iyo in kale waa inaad fiiriso santuukha kumbiyuutarka dhiniciisa dambe. Haddii uu Motherboard-kaagu yahay ATX waxaad markaa arki doontaa in afka kaararka fiilooyinka looga xiriiriyo uu Motherboardka la samaynayo xagal toosan oo 90 digrii ah. Taasina waxay kuu caddaynaysaa in kaararku ay si toos ah ugu fadhiyaan Motherboard-ka oo uusan jirin kaar u sii dhexeeya Motherboard-ka iyo kaararka kale. 5. NLX NLX waa nooca ugu dambeeyay Motherboard-yada loogu

tala galay santuukhyada uu noocoodu yahay Desktop. Kumbiyuutarrada wata Motherboard-ka noocaan ah waxay u badan yihiin kuwa loogu tala galay in qiimo jaban lagu iibiyo. NLX waa nooca PLX oo la sii horumariyay. Horumarka lagu soo kordhiyey waxaa ka mid ah in Motherboard-yada noocoodu yahay NLX ee ay sameeyaan shirkadaha kala duwani ay is qaataan oo la isku beddeli karo taasoo aanan suurtogal ka ahayn LPX. Waxaa si aad ah loo fududeeyay isticmaalikiisa oo xataa waxaa suurtogal laga dhigay in adiga oo aan kumbiyuutarka oo dhan kala furfurin aad Motherboard-ka beddesho. Waxaa kale oo xoogga la saaray in uu qaadkiisu weynaado oo kumbiyuutarka gudihiisu uu nafis ahaado. Welise waxaan sidii la rabay ahayn xagga sii dhisidda waxaana yar tirada boosaska loogu talagalay kaararka dheeriga ah. Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan mid mid ugu soo qaadan doonnaa qeybaha ugu muhiimsan ee uu Motherboard-ku ka kooban yahay. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com Waxaad tahay akhristihii 35268-aad laga soo bilaabo 19-06-2000 Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

Fikradda akhristeyaasha casharkaan Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa fikaradaha dadka cashirkaan akhriyay ay ka dhiibteen cashirkaan haddii ay jiraan dad fikraddooda ka dhiibtay. Waxaa kale oo aad halkaan ku soo gudbin kartaa waxa ay adiga kula tahay iyo sida aad u aragto casharkaan.

Inuu adag yahay, inuu ku fiican yahay sida uu yahay iyo in aad jeclaan lahayd in wax laga beddelo iyo in kale

Qeybaha Motherboard-ka

Motherboard uu noociisu yahay ATX. Motherboard-ku wuxuu ka kooban yahay dhowr qeybood oo mid walbaa hawl gooni ah qabato. Qaybaha ugu muhiimsan ee ay Motherboard-yada casriga ah ee maanta la isticmaalaa ka kooban yihiin waxaa ka mid ah: 1. 2. 3. 4. 5. 6. 7. 8. 9. Processor Socket ama Slot (sawirka nr 4) Chipset (sawirka nr 1) BIOS (sawirka nr 10) Battery (sawirka nr 9) Memory SIMM/DIM sockets (sawirka nr 8) Bus Slots (sawirka nr 2 iyo 3) Processor Voltage Regulator Storage Device Interfaces (Swirka nr 11) Serial Ports (Sawirka nr 6)

10. 11.

Parallel Ports (Sawirka nr 5) Mouse and Keyboard connectors (Sawirka nr 7)

Qaybahaas ayaana casharkaan iyo qaar ka mid ah casharradeena danbaba mid mid ugu soo qaadanaynaa. 1. Processor Socket ama Slot Processor Socket ama Slot waa meesha processor-ka looga xiriiriyo Motherboard-ka. Processor-ka Pentium Pro iyo wixii ka horreeyey waxay isticmaalaan Sockets. Pentium II iyo wixii ka dambeeyeyna waxay isticmaalaan Slot. Noocyada processor-rada waxaan uga hadali doonnaa casharradeenna dambe. Socket wuxuu qaab ahaan u samaysan yahay sida bareesada darbiga ee ay raadiyayaasha, TV-yada, video-yada iwm ay korontada ka qaataan. Laakiin halka ay bareesadaasi ka leedahay laba duleel, Socket-ku wuxuu leeyahay 169 ilaa 387 duleel oo aad u yar yar. Processor-ka loogu tala galay inuu galo Socket gaar ah waa inuu yeeshaa ilko tiro ahaan le'eg duleellada Socket-kaas islamarkaasna u safan sida ay duleellada Socket-ku u safan yihiin. Haddii kale isma galayaan. Processor-radii ka horreeyey 486 way adkayd in la isku beddelo. Taasina waxay keenaysay in haddii aad u baahato processor ka dheereeya midka aad markaas haysato aad Motherboard cusub soo gadato. Hase yeeshee laga soo billaabo processor-ka 486 iyo wixii ka dambeeyay shirkadda Intel waxay processor-ka ka dhigtay qayb Motherboard-ka lagu xiriiriyo oo markii la doono la beddeli karo. Si ay arrintaasi u suurtowdo waxay soo saartay nidaam keenay in hal Socket uu qaato processor-ro uu model-koodu kala duwan yahay laakiin asal ahaan isku nooc ah. Socket-yadu waxay leeyihiin nambar taxane ah oo loogu tala galay in lagu garto nooca processor-rada uu socket kastaa qaadan karo. Nambarkaas taxanaha ahi wuxuu ka billawdaa Socket 1 ilaa Socket 8. Taxanaha Socket-yadaasi wuxuu joogsaday markii uu soo baxay Pentium II oo qaab ahaan aad uga duwan processor-radii ka

horreeyay waxaana markaa billawday Slots oo iyaguna ka billawday Slot1. Shaxanka hoose waxaad ka arki kartaa Socket ama Slot kasta iyo nooca processor-rada uu qaato. Socket Tirada Nooca processor-rada uu qaato nr duleellada Socket 169 486 SX/SX2, DX/DX2, DX4 Overdrive 1 Socket 486 SX/SX2, DX/DX2, DX4 Overdrive, 238 2 486 Pentium Overdrive Socket 486 SX/SX2, DX/DX2, DX4 Overdrive, 237 3 5x86 Socket 273 Pentium 60/66, Overdrive 4 Socket 320 Pentium 75 - 133, Overdrive 5 Socket 235 486 DX, 486 Pentium Overdrive 6 Socket Pentuim 75 - 266, MMX, Overdrive, 321 7 6x86, K6 Socket 387 Pentium Pro 8 Slot 1 242 Pentuim II MMX, Pentium II Celeron Slot 2 Pentium II Xeon 1. Chipset Motherboard-yadii ugu horreeyay ee loogu tala galay PC ee ay IBM soo saartay waxay lahaayeen qeybo yar yar oo fara badan oo loo yaqaanay Chips oo loogu talagalay in ay qabtaan hawlo kala duwan. Chips-yada oo dhan (marka laga reebo CMOS/Clock chip oo ay samayn jirtay shirkadda Motortola) waxaa samayn jirtay Shirkadda Intel ama shirkad fasax ka haysata Intel. Chips-yada Motherboard-kaas oo kor u dhaafayay 100 waxay kor u qaadeen

qiimaha Motherboard-ka waxayna keeneen in boosaska ka bannaan Motherboard-ku ay aad u yaraadaan. Sanadkii 1986-kii ayaa shirkad la oran jiray Chips and Technologies waxay soo saartay Chip wax weyn ka beddelay taariikhda Motherboard-yada oo loo bixiyey 82C206. Chip-kaasi wuxuu beddelay oo uu hal meel isugu keenay dhammaan hawlihii ay qaban jireen Chips-yadii ugu muhiimsanaa Motherboard-ka IBM iyo kuwii la midka ahaa. Marka laga reebo Processor-ka waxaa soo haray afar chip oo kaliya. Taasi waxay keentay in Motherboard-ka oo dhan uu ka koobnaado 5 chip oo kaliya. Halkaas waxaa ka dhashay waxa loo yaqaan Chipset oo micnaheedu yahay koox chips-yo ah oo hal meel la isugu geeyay. Muddo ka dibna waxaa dhacday in xataa afartii chip ee soo hartay ay meesha ka baxaan kadib markii uu soo baxay Chipset loo bixiyey 82C836 Single Chip AT (SCAT) kaas oo hal meel isugu geeyey dhammaan Chips-yadii uu Motherboard-ku ka koobnaa. Taasi waxay aad u fududaysay samaynta Motherboard-ka islamarkaana waxay aad u yaraysay kharashka ku baxa samayntiisa taasoo hoos u dhigtay qiimihiisa. Waxa kale oo ay keentay in ay boosas fara badan u bannaanaadaan kaararka iyo qeybaha kale ee Motherboard-ka lagu sii kordhiyo. Fikradda Chipset-ku aad ayay suuqa ugu faaftay waxaana soo baxay shirkado fara badan oo shaqo ka dhigtay samaynta Chipsetka Motherboard-ka. Laakiin laga soo billaabo 1993-kii waxaa suuqa Chipset-ka soo galay shirkadda Intel oo ah shirkadda samaysa processor-rada ugu caansan suuqa ee ay ka mid yihiin Pentium, Pentium II iyo Pentium III. Muddo sanad guhiis ah ayay Intel suuqa Chipset-ka ku qabsatay dhammaan shirkadihii soo saari jiray Chipset-kana suuqa ayay ka saartay oo waxay u kala baxeen qaar baaba'ay iyo qaar ciriiri baddan ku nool. Shirkaddii lahayd fikradda Chipset-ka ee la oran jiray Chips and Technologies waxay si aysan u baabi'in u wareegatay samaynta chips-yada loogu tala

galay monitor-rada computer-rada portable-ka ah, ugu dambayntiina waxaa 1998-kii gatay Intel. Intel waxay maanta haysataa 90% suuqa Chipset-ka iyo 100% suuqa Chipset-ka Motherboard-yada Pentium II iyo wixii ka dambeeyay. Maxaa keenay in Intel ay soo gasho suuqa Chipset-ka? Intel marka ay soo saarto processor waxay qaadan jirtay sanad iyo in ka badan inta aan la soo saarin kumbiyuutar wata processor-ka cusub. Waayo Shirkadaha sameeya Chipset-yadu waxay u baahnaayeen wakhti ay ku sameeyaan Chipset qaadan kara processor-ka ay markaa Intel soo saartay. Taasina waxay keenaysay in ay sii daahdo soo saaridda Motherboard qaadan kara processor-ka cusub. Intel arrintaas aad ayay u dhibsatay waxayna arrintaas aad u dareentay markii ay soo saaratay processor-ka 486. Waayo isagoo processor-ku diyaar ah ayay haddana suurtoobi weyday in si xoog ah loo gado waayo ma jirin Motherboard diyaar ah oo qaadan karay 486. Taasi waxay Intel ku dhalisay in marka ay soo saarayso processor cusub uu la socdo Chipset ay Intel soo saartay oo loogu tala galay processor-kaas iyadoo labadoodaba isku mar la soo saarayo. Si taasi ay u yarayso wakhtiga ay shirkadaha kale ku qaadanayso inay soo saaraan Motherboard qaadan kara processor-ka cusub. Sanadkii 1993-kii markii uu soo baxay processor-kii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay Pentium waxaa la socday Chipset ay Intel samaysay isku maalin ayayna labadoodaba soo bandhigtay. Ka dibna waxay qaadatay dhowr bilood si loo soo saaro Motherboard qaadan kara procesor-kaas. Sidaas ayay Intel ku soo gashay suuqa Chipset-ka iyadoo mar kasta oo ay Processor cusub soo saartaba soo saaraysay Chipset-kiisa oo la socda. Maadaama ay taasi aad u yaraysay wakhtiga ay qaadan jirtay in la soo saaro Motherboard qaadan kara Processor-ka cusub ayaa

waxay keentay in Intel ay xataa samayso Motherboard-ka si ay meesha uga saarto wakhtiga ay qaadanayso samaynta Motherboard-ka. Maanta Intel waxay isku mar isla soo saartaa Processor iyo Motherboard dhamaystiran oo horay laga gadi karo iyadoo aan loo baahnayn in xataa hal maalin la sugo. 90% kumbiyuutarrada uu processor-koodu yahay Pentium, Pentium Pro, Pentium II iyo Pentium III waxay aad ugu badan tahay inay wataan Chipset iyo Motherboard ay samaysay Intel. Noocyada Chipset-yada Intel Intel waxay Chipset-yadeeda u samaysay nambarro lagu kala garto. Shaxanka hoose wuxuu si kooban kuu tusayaa nambarrada Chipset-yada kala duwan ee ay Intel samaysay iyo nooca Processor-ka mid kasta loogu tala galay. Chipset Nr 420xx 430xx 440xx Processor Family

486 Pentium Pentium Pro, Pentium II, Peintium III Pentium Pro, Pentium II Xeon, Peintium III Xeon (P6 450xx Server)

Nambarrada Chipset-yada ee aan halkaan ku soo qaadannay waa nambar la soo gaabyey oo u taagan nambarka rasmiga ah ee ku dul dhaggan Chipset-ka. xx waxay u taagan tahay xarfo kala duwan. Tusaale ahaan Chipset-yada caanka ah ee hadda socda waxaa ka mid ah 440BX oo loogu tala galay Pentium II. Marka uu nambarkaasi ku dul qoran yahay Chipset-ka wuxuu noqon karaa 82443BX laakiin wuxuu caan ku yahay 440BX. Si aad u garato nooca Chipset-ka waxaad u fiirsataa shanta nambar ee ugu dambeeya nambarka ku dul qoran Chipset-ka. Haddii ay shantaas nambar ka bilawdaan 42 Chipset-kaas noociisu 486. Haddii ay ka billawdaan 43 Chipset-kaas noociisu waa Pentium. Haddii ay ka

billawdaan 44 ama 45 nooca Chipset-kaasi waa Pentium Pro, Pentium II ama Pentium III. Si aad u sii kala saarto Pentium Pro, Pentium II iyo Pentium III fiiri shaxanka hoose oo ku tusaya Chipset-yada oo mid kasta loo qoray magaca uu caanka ku yahay. Processor Family 486 Chipset Numbers 420TX, 420EX, 420ZX 430LX, 430NX, 430FX, 430MX, Pentium 430HX, 430VX, 430TX Pentium II, Peintium III 440FX, 440LX, 440EX, 440BX Pentium Pro 450KX, 450GX, 440FX Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan ku soo qaadanaynaa qeybaha Motherboard-ka inta ka hartay wixii aan ka gaarno. Ka dibna casharrada xiga ayaan ku dhammaystiri doonnaa wixii ka sii hara qaybaha motherboard-ka. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com Waxaad tahay akhristihii 25456-aad laga soo bilaabo 26-06-2000 Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

Qeybaha Motherboard-ka

Motherboard uu noociisu yahay ATX. Motherboard-ku wuxuu ka kooban yahay dhowr qeybood oo mid walbaa hawl gooni ah qabato. Qaybaha ugu muhiimsan ee ay Motherboard-yada casriga ah ee maanta la isticmaalaa ka kooban yihiin waxaa ka mid ah: 1. 2. 3. 4. 5. 6. 7. 8. 9. Processor Socket ama Slot (sawirka nr 4) Chipset (sawirka nr 1) BIOS (sawirka nr 10) Battery (sawirka nr 9) Memory SIMM/DIM sockets (sawirka nr 8) Bus Slots (sawirka nr 2 iyo 3) Processor Voltage Regulator Storage Device Interfaces (Swirka nr 11) Serial Ports (Sawirka nr 6)

10. 11.

Parallel Ports (Sawirka nr 5) Mouse and Keyboard connectors (Sawirka nr 7)

Qaybahaas ayaana casharkaan iyo qaar ka mid ah casharradeena danbaba mid mid ugu soo qaadanaynaa. 1. Processor Socket ama Slot Processor Socket ama Slot waa meesha processor-ka looga xiriiriyo Motherboard-ka. Processor-ka Pentium Pro iyo wixii ka horreeyey waxay isticmaalaan Sockets. Pentium II iyo wixii ka dambeeyeyna waxay isticmaalaan Slot. Noocyada processor-rada waxaan uga hadali doonnaa casharradeenna dambe. Socket wuxuu qaab ahaan u samaysan yahay sida bareesada darbiga ee ay raadiyayaasha, TV-yada, video-yada iwm ay korontada ka qaataan. Laakiin halka ay bareesadaasi ka leedahay laba duleel, Socket-ku wuxuu leeyahay 169 ilaa 387 duleel oo aad u yar yar. Processor-ka loogu tala galay inuu galo Socket gaar ah waa inuu yeeshaa ilko tiro ahaan le'eg duleellada Socket-kaas islamarkaasna u safan sida ay duleellada Socket-ku u safan yihiin. Haddii kale isma galayaan. Processor-radii ka horreeyey 486 way adkayd in la isku beddelo. Taasina waxay keenaysay in haddii aad u baahato processor ka dheereeya midka aad markaas haysato aad Motherboard cusub soo gadato. Hase yeeshee laga soo billaabo processor-ka 486 iyo wixii ka dambeeyay shirkadda Intel waxay processor-ka ka dhigtay qayb Motherboard-ka lagu xiriiriyo oo markii la doono la beddeli karo. Si ay arrintaasi u suurtowdo waxay soo saartay nidaam keenay in hal Socket uu qaato processor-ro uu model-koodu kala duwan yahay laakiin asal ahaan isku nooc ah. Socket-yadu waxay leeyihiin nambar taxane ah oo loogu tala galay in lagu garto nooca processor-rada uu socket kastaa qaadan karo. Nambarkaas taxanaha ahi wuxuu ka billawdaa Socket 1 ilaa Socket 8. Taxanaha Socket-yadaasi wuxuu joogsaday markii uu soo baxay Pentium II oo qaab ahaan aad uga duwan processor-radii ka

horreeyay waxaana markaa billawday Slots oo iyaguna ka billawday Slot1. Shaxanka hoose waxaad ka arki kartaa Socket ama Slot kasta iyo nooca processor-rada uu qaato. Socket Tirada Nooca processor-rada uu qaato nr duleellada Socket 169 486 SX/SX2, DX/DX2, DX4 Overdrive 1 Socket 486 SX/SX2, DX/DX2, DX4 Overdrive, 238 2 486 Pentium Overdrive Socket 486 SX/SX2, DX/DX2, DX4 Overdrive, 237 3 5x86 Socket 273 Pentium 60/66, Overdrive 4 Socket 320 Pentium 75 - 133, Overdrive 5 Socket 235 486 DX, 486 Pentium Overdrive 6 Socket Pentuim 75 - 266, MMX, Overdrive, 321 7 6x86, K6 Socket 387 Pentium Pro 8 Slot 1 242 Pentuim II MMX, Pentium II Celeron Slot 2 Pentium II Xeon 1. Chipset Motherboard-yadii ugu horreeyay ee loogu tala galay PC ee ay IBM soo saartay waxay lahaayeen qeybo yar yar oo fara badan oo loo yaqaanay Chips oo loogu talagalay in ay qabtaan hawlo kala duwan. Chips-yada oo dhan (marka laga reebo CMOS/Clock chip oo ay samayn jirtay shirkadda Motortola) waxaa samayn jirtay Shirkadda Intel ama shirkad fasax ka haysata Intel. Chips-yada Motherboard-kaas oo kor u dhaafayay 100 waxay kor u qaadeen

qiimaha Motherboard-ka waxayna keeneen in boosaska ka bannaan Motherboard-ku ay aad u yaraadaan. Sanadkii 1986-kii ayaa shirkad la oran jiray Chips and Technologies waxay soo saartay Chip wax weyn ka beddelay taariikhda Motherboard-yada oo loo bixiyey 82C206. Chip-kaasi wuxuu beddelay oo uu hal meel isugu keenay dhammaan hawlihii ay qaban jireen Chips-yadii ugu muhiimsanaa Motherboard-ka IBM iyo kuwii la midka ahaa. Marka laga reebo Processor-ka waxaa soo haray afar chip oo kaliya. Taasi waxay keentay in Motherboard-ka oo dhan uu ka koobnaado 5 chip oo kaliya. Halkaas waxaa ka dhashay waxa loo yaqaan Chipset oo micnaheedu yahay koox chips-yo ah oo hal meel la isugu geeyay. Muddo ka dibna waxaa dhacday in xataa afartii chip ee soo hartay ay meesha ka baxaan kadib markii uu soo baxay Chipset loo bixiyey 82C836 Single Chip AT (SCAT) kaas oo hal meel isugu geeyey dhammaan Chips-yadii uu Motherboard-ku ka koobnaa. Taasi waxay aad u fududaysay samaynta Motherboard-ka islamarkaana waxay aad u yaraysay kharashka ku baxa samayntiisa taasoo hoos u dhigtay qiimihiisa. Waxa kale oo ay keentay in ay boosas fara badan u bannaanaadaan kaararka iyo qeybaha kale ee Motherboard-ka lagu sii kordhiyo. Fikradda Chipset-ku aad ayay suuqa ugu faaftay waxaana soo baxay shirkado fara badan oo shaqo ka dhigtay samaynta Chipsetka Motherboard-ka. Laakiin laga soo billaabo 1993-kii waxaa suuqa Chipset-ka soo galay shirkadda Intel oo ah shirkadda samaysa processor-rada ugu caansan suuqa ee ay ka mid yihiin Pentium, Pentium II iyo Pentium III. Muddo sanad guhiis ah ayay Intel suuqa Chipset-ka ku qabsatay dhammaan shirkadihii soo saari jiray Chipset-kana suuqa ayay ka saartay oo waxay u kala baxeen qaar baaba'ay iyo qaar ciriiri baddan ku nool. Shirkaddii lahayd fikradda Chipset-ka ee la oran jiray Chips and Technologies waxay si aysan u baabi'in u wareegatay samaynta chips-yada loogu tala

galay monitor-rada computer-rada portable-ka ah, ugu dambayntiina waxaa 1998-kii gatay Intel. Intel waxay maanta haysataa 90% suuqa Chipset-ka iyo 100% suuqa Chipset-ka Motherboard-yada Pentium II iyo wixii ka dambeeyay. Maxaa keenay in Intel ay soo gasho suuqa Chipset-ka? Intel marka ay soo saarto processor waxay qaadan jirtay sanad iyo in ka badan inta aan la soo saarin kumbiyuutar wata processor-ka cusub. Waayo Shirkadaha sameeya Chipset-yadu waxay u baahnaayeen wakhti ay ku sameeyaan Chipset qaadan kara processor-ka ay markaa Intel soo saartay. Taasina waxay keenaysay in ay sii daahdo soo saaridda Motherboard qaadan kara processor-ka cusub. Intel arrintaas aad ayay u dhibsatay waxayna arrintaas aad u dareentay markii ay soo saaratay processor-ka 486. Waayo isagoo processor-ku diyaar ah ayay haddana suurtoobi weyday in si xoog ah loo gado waayo ma jirin Motherboard diyaar ah oo qaadan karay 486. Taasi waxay Intel ku dhalisay in marka ay soo saarayso processor cusub uu la socdo Chipset ay Intel soo saartay oo loogu tala galay processor-kaas iyadoo labadoodaba isku mar la soo saarayo. Si taasi ay u yarayso wakhtiga ay shirkadaha kale ku qaadanayso inay soo saaraan Motherboard qaadan kara processor-ka cusub. Sanadkii 1993-kii markii uu soo baxay processor-kii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay Pentium waxaa la socday Chipset ay Intel samaysay isku maalin ayayna labadoodaba soo bandhigtay. Ka dibna waxay qaadatay dhowr bilood si loo soo saaro Motherboard qaadan kara procesor-kaas. Sidaas ayay Intel ku soo gashay suuqa Chipset-ka iyadoo mar kasta oo ay Processor cusub soo saartaba soo saaraysay Chipset-kiisa oo la socda. Maadaama ay taasi aad u yaraysay wakhtiga ay qaadan jirtay in la soo saaro Motherboard qaadan kara Processor-ka cusub ayaa

waxay keentay in Intel ay xataa samayso Motherboard-ka si ay meesha uga saarto wakhtiga ay qaadanayso samaynta Motherboard-ka. Maanta Intel waxay isku mar isla soo saartaa Processor iyo Motherboard dhamaystiran oo horay laga gadi karo iyadoo aan loo baahnayn in xataa hal maalin la sugo. 90% kumbiyuutarrada uu processor-koodu yahay Pentium, Pentium Pro, Pentium II iyo Pentium III waxay aad ugu badan tahay inay wataan Chipset iyo Motherboard ay samaysay Intel. Noocyada Chipset-yada Intel Intel waxay Chipset-yadeeda u samaysay nambarro lagu kala garto. Shaxanka hoose wuxuu si kooban kuu tusayaa nambarrada Chipset-yada kala duwan ee ay Intel samaysay iyo nooca Processor-ka mid kasta loogu tala galay. Chipset Nr 420xx 430xx 440xx Processor Family

486 Pentium Pentium Pro, Pentium II, Peintium III Pentium Pro, Pentium II Xeon, Peintium III Xeon (P6 450xx Server)

Nambarrada Chipset-yada ee aan halkaan ku soo qaadannay waa nambar la soo gaabyey oo u taagan nambarka rasmiga ah ee ku dul dhaggan Chipset-ka. xx waxay u taagan tahay xarfo kala duwan. Tusaale ahaan Chipset-yada caanka ah ee hadda socda waxaa ka mid ah 440BX oo loogu tala galay Pentium II. Marka uu nambarkaasi ku dul qoran yahay Chipset-ka wuxuu noqon karaa 82443BX laakiin wuxuu caan ku yahay 440BX. Si aad u garato nooca Chipset-ka waxaad u fiirsataa shanta nambar ee ugu dambeeya nambarka ku dul qoran Chipset-ka. Haddii ay shantaas nambar ka bilawdaan 42 Chipset-kaas noociisu 486. Haddii ay ka billawdaan 43 Chipset-kaas noociisu waa Pentium. Haddii ay ka

billawdaan 44 ama 45 nooca Chipset-kaasi waa Pentium Pro, Pentium II ama Pentium III. Si aad u sii kala saarto Pentium Pro, Pentium II iyo Pentium III fiiri shaxanka hoose oo ku tusaya Chipset-yada oo mid kasta loo qoray magaca uu caanka ku yahay. Processor Family 486 Chipset Numbers 420TX, 420EX, 420ZX 430LX, 430NX, 430FX, 430MX, Pentium 430HX, 430VX, 430TX Pentium II, Peintium III 440FX, 440LX, 440EX, 440BX Pentium Pro 450KX, 450GX, 440FX Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan ku soo qaadanaynaa qeybaha Motherboard-ka inta ka hartay wixii aan ka gaarno. Ka dibna casharrada xiga ayaan ku dhammaystiri doonnaa wixii ka sii hara qaybaha motherboard-ka. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com Waxaad tahay akhristihii 25456-aad laga soo bilaabo 26-06-2000 Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga Qeybaha Motherboard-ka

Motherboard uu noociisu yahay ATX. Motherboard-ku wuxuu ka kooban yahay dhowr qeybood oo mid walbaa hawl gooni ah qabato. Qaybaha ugu muhiimsan ee ay Motherboard-yada casriga ah ee maanta la isticmaalaa ka kooban yihiin waxaa ka mid ah: 1. Processor Socket ama Slot (sawirka nr 4) 2. Chipset (sawirka nr 1) 3. BIOS (sawirka nr 10) 4. Battery (sawirka nr 9) 5. Memory SIMM/DIM sockets (sawirka nr 8) 6. Bus Slots (sawirka nr 2 iyo 3) 7. Processor Voltage Regulator 8. Storage Device Interfaces (Swirka nr 11) 9. Serial Ports (Sawirka nr 6) 10. Parallel Ports (Sawirka nr 5) 11. Mouse and Keyboard connectors (Sawirka nr 7) Qaybahaas ayaana casharkaan iyo qaar ka mid ah casharradeena danbaba mid mid ugu soo qaadanaynaa. 1. Processor Socket ama Slot

Processor Socket ama Slot waa meesha processor-ka looga xiriiriyo Motherboard-ka. Processor-ka Pentium Pro iyo wixii ka horreeyey waxay isticmaalaan Sockets. Pentium II iyo wixii ka dambeeyeyna waxay isticmaalaan Slot. Noocyada processor-rada waxaan uga hadali doonnaa casharradeenna dambe. Socket wuxuu qaab ahaan u samaysan yahay sida bareesada darbiga ee ay raadiyayaasha, TV-yada, video-yada iwm ay korontada ka qaataan. Laakiin halka ay bareesadaasi ka leedahay laba duleel, Socket-ku wuxuu leeyahay 169 ilaa 387 duleel oo aad u yar yar. Processor-ka loogu tala galay inuu galo Socket gaar ah waa inuu yeeshaa ilko tiro ahaan le'eg duleellada Socket-kaas islamarkaasna u safan sida ay duleellada Socket-ku u safan yihiin. Haddii kale isma galayaan. Processor-radii ka horreeyey 486 way adkayd in la isku beddelo. Taasina waxay keenaysay in haddii aad u baahato processor ka dheereeya midka aad markaas haysato aad Motherboard cusub soo gadato. Hase yeeshee laga soo billaabo processor-ka 486 iyo wixii ka dambeeyay shirkadda Intel waxay processor-ka ka dhigtay qayb Motherboard-ka lagu xiriiriyo oo markii la doono la beddeli karo. Si ay arrintaasi u suurtowdo waxay soo saartay nidaam keenay in hal Socket uu qaato processor-ro uu model-koodu kala duwan yahay laakiin asal ahaan isku nooc ah. Socket-yadu waxay leeyihiin nambar taxane ah oo loogu tala galay in lagu garto nooca processor-rada uu socket kastaa qaadan karo. Nambarkaas taxanaha ahi wuxuu ka billawdaa Socket 1 ilaa Socket 8. Taxanaha Socket-yadaasi wuxuu joogsaday markii uu soo baxay Pentium II oo qaab ahaan aad uga duwan processor-radii ka horreeyay waxaana markaa billawday Slots oo iyaguna ka billawday Slot1. Shaxanka hoose waxaad ka arki kartaa Socket ama Slot kasta iyo nooca processor-rada uu qaato. Socket Tirada Nooca processor-rada uu qaato nr duleellada Socket 169 486 SX/SX2, DX/DX2, DX4 Overdrive

1 Socket 2 Socket 3 Socket 4 Socket 5 Socket 6 Socket 7 Socket 8 Slot 1 Slot 2

238 237 273 320 235 321 387 242 -

486 SX/SX2, DX/DX2, DX4 Overdrive, 486 Pentium Overdrive 486 SX/SX2, DX/DX2, DX4 Overdrive, 5x86 Pentium 60/66, Overdrive Pentium 75 - 133, Overdrive 486 DX, 486 Pentium Overdrive Pentuim 75 - 266, MMX, Overdrive, 6x86, K6 Pentium Pro Pentuim II MMX, Pentium II Celeron Pentium II Xeon

1. Chipset Motherboard-yadii ugu horreeyay ee loogu tala galay PC ee ay IBM soo saartay waxay lahaayeen qeybo yar yar oo fara badan oo loo yaqaanay Chips oo loogu talagalay in ay qabtaan hawlo kala duwan. Chips-yada oo dhan (marka laga reebo CMOS/Clock chip oo ay samayn jirtay shirkadda Motortola) waxaa samayn jirtay Shirkadda Intel ama shirkad fasax ka haysata Intel. Chips-yada Motherboard-kaas oo kor u dhaafayay 100 waxay kor u qaadeen qiimaha Motherboard-ka waxayna keeneen in boosaska ka bannaan Motherboard-ku ay aad u yaraadaan. Sanadkii 1986-kii ayaa shirkad la oran jiray Chips and Technologies waxay soo saartay Chip wax weyn ka beddelay taariikhda Motherboard-yada oo loo bixiyey 82C206. Chip-kaasi wuxuu beddelay oo uu hal meel isugu keenay dhammaan hawlihii

ay qaban jireen Chips-yadii ugu muhiimsanaa Motherboard-ka IBM iyo kuwii la midka ahaa. Marka laga reebo Processor-ka waxaa soo haray afar chip oo kaliya. Taasi waxay keentay in Motherboard-ka oo dhan uu ka koobnaado 5 chip oo kaliya. Halkaas waxaa ka dhashay waxa loo yaqaan Chipset oo micnaheedu yahay koox chips-yo ah oo hal meel la isugu geeyay. Muddo ka dibna waxaa dhacday in xataa afartii chip ee soo hartay ay meesha ka baxaan kadib markii uu soo baxay Chipset loo bixiyey 82C836 Single Chip AT (SCAT) kaas oo hal meel isugu geeyey dhammaan Chips-yadii uu Motherboard-ku ka koobnaa. Taasi waxay aad u fududaysay samaynta Motherboard-ka islamarkaana waxay aad u yaraysay kharashka ku baxa samayntiisa taasoo hoos u dhigtay qiimihiisa. Waxa kale oo ay keentay in ay boosas fara badan u bannaanaadaan kaararka iyo qeybaha kale ee Motherboard-ka lagu sii kordhiyo. Fikradda Chipset-ku aad ayay suuqa ugu faaftay waxaana soo baxay shirkado fara badan oo shaqo ka dhigtay samaynta Chipsetka Motherboard-ka. Laakiin laga soo billaabo 1993-kii waxaa suuqa Chipset-ka soo galay shirkadda Intel oo ah shirkadda samaysa processor-rada ugu caansan suuqa ee ay ka mid yihiin Pentium, Pentium II iyo Pentium III. Muddo sanad guhiis ah ayay Intel suuqa Chipset-ka ku qabsatay dhammaan shirkadihii soo saari jiray Chipset-kana suuqa ayay ka saartay oo waxay u kala baxeen qaar baaba'ay iyo qaar ciriiri baddan ku nool. Shirkaddii lahayd fikradda Chipset-ka ee la oran jiray Chips and Technologies waxay si aysan u baabi'in u wareegatay samaynta chips-yada loogu tala galay monitor-rada computer-rada portable-ka ah, ugu dambayntiina waxaa 1998-kii gatay Intel. Intel waxay maanta haysataa 90% suuqa Chipset-ka iyo 100% suuqa Chipset-ka Motherboard-yada Pentium II iyo wixii ka dambeeyay. Maxaa keenay in Intel ay soo gasho suuqa Chipset-ka?

Intel marka ay soo saarto processor waxay qaadan jirtay sanad iyo in ka badan inta aan la soo saarin kumbiyuutar wata processor-ka cusub. Waayo Shirkadaha sameeya Chipset-yadu waxay u baahnaayeen wakhti ay ku sameeyaan Chipset qaadan kara processor-ka ay markaa Intel soo saartay. Taasina waxay keenaysay in ay sii daahdo soo saaridda Motherboard qaadan kara processor-ka cusub. Intel arrintaas aad ayay u dhibsatay waxayna arrintaas aad u dareentay markii ay soo saaratay processor-ka 486. Waayo isagoo processor-ku diyaar ah ayay haddana suurtoobi weyday in si xoog ah loo gado waayo ma jirin Motherboard diyaar ah oo qaadan karay 486. Taasi waxay Intel ku dhalisay in marka ay soo saarayso processor cusub uu la socdo Chipset ay Intel soo saartay oo loogu tala galay processor-kaas iyadoo labadoodaba isku mar la soo saarayo. Si taasi ay u yarayso wakhtiga ay shirkadaha kale ku qaadanayso inay soo saaraan Motherboard qaadan kara processor-ka cusub. Sanadkii 1993-kii markii uu soo baxay processor-kii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay Pentium waxaa la socday Chipset ay Intel samaysay isku maalin ayayna labadoodaba soo bandhigtay. Ka dibna waxay qaadatay dhowr bilood si loo soo saaro Motherboard qaadan kara procesor-kaas. Sidaas ayay Intel ku soo gashay suuqa Chipset-ka iyadoo mar kasta oo ay Processor cusub soo saartaba soo saaraysay Chipset-kiisa oo la socda. Maadaama ay taasi aad u yaraysay wakhtiga ay qaadan jirtay in la soo saaro Motherboard qaadan kara Processor-ka cusub ayaa waxay keentay in Intel ay xataa samayso Motherboard-ka si ay meesha uga saarto wakhtiga ay qaadanayso samaynta Motherboard-ka. Maanta Intel waxay isku mar isla soo saartaa Processor iyo Motherboard dhamaystiran oo horay laga gadi karo iyadoo aan loo baahnayn in xataa hal maalin la sugo. 90% kumbiyuutarrada uu processor-koodu yahay Pentium, Pentium Pro, Pentium II iyo Pentium III waxay aad ugu badan tahay inay wataan Chipset iyo Motherboard ay samaysay Intel.

Noocyada Chipset-yada Intel Intel waxay Chipset-yadeeda u samaysay nambarro lagu kala garto. Shaxanka hoose wuxuu si kooban kuu tusayaa nambarrada Chipset-yada kala duwan ee ay Intel samaysay iyo nooca Processor-ka mid kasta loogu tala galay. Chipset Nr 420xx 430xx 440xx Processor Family

486 Pentium Pentium Pro, Pentium II, Peintium III Pentium Pro, Pentium II Xeon, Peintium III Xeon (P6 450xx Server)

Nambarrada Chipset-yada ee aan halkaan ku soo qaadannay waa nambar la soo gaabyey oo u taagan nambarka rasmiga ah ee ku dul dhaggan Chipset-ka. xx waxay u taagan tahay xarfo kala duwan. Tusaale ahaan Chipset-yada caanka ah ee hadda socda waxaa ka mid ah 440BX oo loogu tala galay Pentium II. Marka uu nambarkaasi ku dul qoran yahay Chipset-ka wuxuu noqon karaa 82443BX laakiin wuxuu caan ku yahay 440BX. Si aad u garato nooca Chipset-ka waxaad u fiirsataa shanta nambar ee ugu dambeeya nambarka ku dul qoran Chipset-ka. Haddii ay shantaas nambar ka bilawdaan 42 Chipset-kaas noociisu 486. Haddii ay ka billawdaan 43 Chipset-kaas noociisu waa Pentium. Haddii ay ka billawdaan 44 ama 45 nooca Chipset-kaasi waa Pentium Pro, Pentium II ama Pentium III. Si aad u sii kala saarto Pentium Pro, Pentium II iyo Pentium III fiiri shaxanka hoose oo ku tusaya Chipset-yada oo mid kasta loo qoray magaca uu caanka ku yahay. Processor Family 486 Chipset Numbers 420TX, 420EX, 420ZX

430LX, 430NX, 430FX, 430MX, 430HX, 430VX, 430TX Pentium II, Peintium III 440FX, 440LX, 440EX, 440BX Pentium Pro 450KX, 450GX, 440FX Pentium Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan ku soo qaadanaynaa qeybaha Motherboard-ka inta ka hartay wixii aan ka gaarno. Ka dibna casharrada xiga ayaan ku dhammaystiri doonnaa wixii ka sii hara qaybaha motherboard-ka. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com Waxaad tahay akhristihii 25456-aad laga soo bilaabo 26-06-2000 Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

Qaybaha Motherboard-ka (Way socotaa...) Sidaan ku soo aragnay Casharka 5aad iyo Casharka 6aad waxaan Motherboard-ka u qaybinay 11 qeybood oo kala ah:

1. Processor Socket ama Slot (sawirka nr 4) 2. Chipset (sawirka nr 1) 3. BIOS (sawirka nr 10) 4. Battery (sawirka nr 9) 5. Memory SIMM/DIM sockets (sawirka nr 8) 6. Bus Slots (sawirka nr 2 iyo 3) 7. Processor Voltage Regulator 8. Storage Device Interfaces (sawirka nr 11) 9. Serial Ports (sawirka nr 6) 10. Parallel Ports (sawirka nr 5) 11. Mouse and Keyboard connectors (sawirka nr 7) Casharka 5-aad iyo Casharka 6-aad waxaan ku soo qaadannay qaybaha kala ah Processor Socket ama Slot, Chipset, BIOS iyo Battery. Casharkaan waxaan ku soo qaadanaynaa saddexda qaybood ee kala ah Memory SIMM/DIM sockets, Bus Slots iyo Processor Voltage Regulator . 5. Memory SIMM/DIM sockets Memory Sockets waa halka Memory-du ay kaga xiranto Motherboardka (fiiri sawirka nr 8). Sidaan ku soo aragnay Casharka 3-aad Memory-du waa halka si ku meelgaar ah loogu kaydiyo wixii akhbaar ah ee diyaarinteeda gacanta lagu hayo inta aan si rasmi ah loo kaydin. Wixii halkaas lagu kaydiyo waxaad heli kartaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay. Memory-da waxaa kale oo isticmaala hadba programyada markaas shidan. Memory-du waxay samays ahaan ka kooban tahay Chip-yo yar yar oo mad madow oo ku dul rakiban kaar yar oo loo yaqaan Memory Module. Memory Module-yadu waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah SIMM (Single Inline Memory Module) iyo DIM (Dual Inline Memory Module) waxayna muuqaal ahaan u eg yihiin sida kaaga muuqata sawirka hoose.

Memory-da iyo noocyadeeda cashar u gaar ah ayaan ku soo qaadan doonnaa hadduu rabbi idmo. 6. Bus Slots Sidaan hore u soo sheegnay Motherboard-ku wuxuu xiriiriyaa oo uu akhbaarta u kala gudbiyaa dhammaan qeybaha kale ee kumbiyuutarka. Akhbaarta uu Motherboardku u kala gudbiyo qaybaha kumbiyuutarku waxay martaa oo ay ku qulqushaa waddoonyin ku dhex dhisan Motherboardka. Waddoonyinkaas ay akhbaartu ku qulqusho ayaa waxaa loo yaqaannaa Buses. Xawaaraha ay akhbaartu ku soconayso wuxuu ku xiran yahay hadba Bus-ka (waddada) ay akhbaartu marayso. Waayo Bus kastaa wuxuu leeyahay xawaare u go'an oo aan la dhaafi karin. Kumbiyuutarku wuxuu leeyahay dhawr Bus oo kala xawaare dheereeya. Qayb kasta oo kumbiyuutarka ka mid ah waxay ku xiriirsan tahay mid ka mid ah Buses-kaas. Qaar ka mid ah qaybaha kumbiyuutarka oo uu ka mid yahay Chipset-ku ayaa waxay u shaqeeyaan sidii buundo isku xirta Buses-ka kala duwan. Buses-ka ugu muhiimsan Motherboard-yada casriga ah waxaa ka mid ah:
o

Processor Bus Processor Bus-ku waa bus-ka ugu muhiimsan uguna dheereeya Buses-ka Motherboard-ka. Bus-kaani waa Bus-ka uu Processor-ku isticmaalo si uu akhbaar ugu gudbiyo ama uga soo qaato Memory-da ama Chipsetka. Xawaaraha Processor Bus-ka Motherboard-yada casriga ahi waa 66 Mhz ama 100 Mhz. Taasi waxay keenaysaa in xataa haddii uu xaawaaraha Processor-ku

yahay dhawr boqol oo Mhz uu Processor-ku ku khasban yahay inuu xawaarihiisa ka dhigo mid la mid ah xaawaaraha Processor Bus-ka kumbiyuutarka si uu waddadaas akhbaar ugu diro ama uga soo qaato. Processor-ku waa maskaxda Kumbiyuutarka ee kala socodsiisa hawlaha uu kumbiyuutarku qabto, casharradeena dambe ayaanan si faahfaahsan uga hadli doonnaa noocyada iyo wax qabadka Porcessor-ka.
o

AGP Bus AGP (Accelerated Graphics Port) waa Bus dheereeya oo uu xawarihiisu yahay 66 Mhz wuxuuna gaar u yahay oo isticmaala kaarka loo yaqaan Graphic Card ama Video Card oo ah kaarka ka shaqaysiiya Monitor-ka (Muraaydda) kumbiyuutarka. Bus-kaani wuxuu ku xiriirsan yahay Chipset-ka wuxuuna leeyahay Slot loo yaqaan AGP Slot oo ah halka uu Graphic Card-ku ka galo AGP Bus-ka. Monitor-ka iyo Graphic Card-kaba waxaan si faafaahsan uga hadli doonnaa casharradeenna dambe.

PCI Bus PCI (Peripheral Component Interconnect) waa Bus uu xawaarihiisu yahay 33 Mhz waxaana laga helaa dhammaan kumbiyuutarrada uu processor-koodu yahay 486 iyo wixii ka dambeeyay. Bus-kaan waxaa maamula oo koontroola qeyb ka mid ah Chipset-ka. PCI Bus-ku wuxuu sida caadiga ah leeyahay afar Slot oo ay kaararka kumbiyuutarku galaan. Slot-yadaasi waxay u muuqdaan sida kaaga muuqata sawirka kore nambarka 3. Kaararka Slot-yadaas gala waxaa ka mid ah Network Cards, SCSI Cards iyo qaar ka mid ah Graphic Cards.

ISA Bus

ISA (Industry Standard Architecture) xawaarihiisu waa 8Mhz waana Bus-ka ugu gaabiya Buses-ka Motherboard-ka, waxaana isticmaala kaararka ama qaybaha duqa ah ee aan xammili karin xawaaraha Buses-ka kale. Labada shirkadood ee kala ah Intel iyo Microsoft ayaa waxay in badan isku dayeen in ay suuqa Kumbiyuutarrada ku cadaadiyaan in ISA Bus-ka laga takhaluso oo kaararka iyo qaybaha kale ee isticmaala Bus-kaan loo wareejiyo Buses-ka kale laakiin arrintaasi uma suurtoobin. ISA Bus-ka waxaa maamula oo koontaroola qayb ka mid ah Chipset-ka qaybtaas ayaana ISA Bus-ka ku xiriirisa PCI Bus-ka oo aad uga dheereeya. Motherboard-yada casriga aha waxay leeyihiin 3 ilaa 4 ISA Slots oo ah halka ay kaararku ka galaan ISA Bus-ka. ISA Slots-ku waxay u muuqdaan sida kaaga muuqata sawirka kore nambarka 2. Kaararka isticmaala ISA Bus-ka waxaa ka mid ah Modem-yada internal-ka ah iyo Sound Cards. Chipset-ka ayaa koontaroola isticmaalka Buses-ka Motherboard-ka. Chipset-ku wuxuu qaybaha kale ee kumbiyuutarka ugu taagan yahay sidii nalalka waddooyinka baabuurta kala haga, oo wuxuu marba qayb u fasaxaa inay akhbaarteeda ku dirto Bus-ka ay codsato isagoo qaybaha kalena ka xayiraaya inay isla waddadaas wax ku diraan. Qayb walbaa waxay sugaysaa kalkeeda oo marka uu Chipsetku u oggolaado ayay akhbaarteeda ku diraysaa Bus-ka loo fasaxay. 7. Processor Voltage Regulator Processor-ku wuxuu korontada ka qaataa Motherboard-ka. Laakiin Processor-ku ma xammili karo quwadda korontada ka timaadda Motherboard-ka. Sidaa darteed waxaa loo baahday qayb processor-ka korontada ka yaraysa oo u

gudbisa inta uu xammili karo. Qaybtaas ayaa la yiraahdaa Processor Voltage Regulator. Qaybtaani waxay waayihii hore ku dhex dhisnaan jirtay Motherboard-ka laakiin wakhtiyadaan dambe waxaa soo baxay waxa loo yaqaan VRM (Voltage Regulator Module) oo ah qayb Motherboardka ka madax bannaan oo markii la doono laga bixin karo oo la beddeli karo. VRM waxaa loo baahday markii ay Intel billawday inay soo saarto Processor-ro uu noocoodu yahay Pentium oo xaddiga korontada ee ay qaadtaan uu kala duwan yahay. VRM wuxuu keenay in Motherboard-ka loogu tala galay Pentium uu qaato procrssor-ro ay kala duwan tahay awoodooda korontada ay qaataan. Si Motherboard loogu isticmaalo Processor ka mid ah Processor-rada noocaas ah waxaa Motherboard-ka lagu rakibayaa VRM loogu tala galay Processor-kaas. Motherboard-yada casriga ah ee ugu dambeeyay waxay leeyihiin Socket loogu tala galay in VRM la galiyo ama waxay leehiin VMR ku dhex dhisan Motherboard-ka kaasoo awoodda korontada ee uu Processorka u gudbiyo la bed beddeli karo. Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa qaybaha ka haray Motherboard-ka. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com Waxaad tahay akhristihii 18809-aad laga soo bilaabo 19-07-2000 Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

Qaybaha Motherboard-ka (Way socotaa...)

Sidaan ku soo aragnay Casharka 5-aad , Casharka 6-aad iyo Casharka 7-aad waxaan Motherboard-ka u qaybinay 11 qeybood oo kala ah: 1. Processor Socket ama Slot (sawirka nr 4) 2. Chipset (sawirka nr 1) 3. BIOS (sawirka nr 10) 4. Battery (sawirka nr 9) 5. Memory SIMM/DIM sockets (sawirka nr 8) 6. Bus Slots (sawirka nr 2 iyo 3) 7. Processor Voltage Regulator 8. Storage Device Interfaces (sawirka nr 11) 9. Serial Ports (sawirka nr 6) 10. Parallel Ports (sawirka nr 5) 11. Mouse and Keyboard connectors (sawirka nr 7) Casharka 5-aad , Casharka 6-aad iyo Casharka 7-aad waxaan ku soo qaadannay qaybaha 1-aad ilaa 7-aad. Casharkaan waxaan ku soo qaadanaynaa inta ka hartay qaybaha Motherboard-ka innagoo ka billaabayna qeybta 8-aad. 8. Storage Device Interfaces Storage Device Interfaces waa meelaha Hard disk-ga, Floppy disk-ga (ama Diskette Station), CD-ROM-ka iwm ay kaga xirmaan Motherboardka (fiiri sawirka nr 11). Sidaan ku soo aragnay Casharka 3-aad ,Hard disk-gu waa halka si joogto ah loogu kaydiyo akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutar-ka ku jira. Floppy disk-guna waa halka kumbiyuutarka laga geliyo diskette-ka (cajaladda yar ee kumbiyuutarka lagu

isticmaalo). CD-ROM-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo cajaladda CD-ga. Hard disk-ga, Diskette-ka iyo CDROM-ka iyo noocyadooda waxaan midba uga hadli doonnaa cashar u gaar ah. Storage Device Interfaces-ka Motherboard-yada casriga ah waxaa ugu caansan oo maanta la isticmaalaa laba nooc oo la kala yiraahdo IDE iyo SCSI. Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadanaynaa.
o

IDE IDE (Integrated Drive Electronics) waa nooca ugu caansan uguna badan ee maanta la isticmaalo. IDE-ga waxaa markiisii hore loogu talagalay Hard disk-ga oo keliya, maantase waxaa loo isticmaalaa oo ku xirma CD-ROM (reader), CD-RW (Writer), Zip drives, Tape devices iyo noocyo kale oo fara badan. IDE-gu wuxuu ku caan baxay xagga fudaydka isticmaalkiisa, nooca sawirka kore kaaga muuqdana waa isaga. IDE waxaan si fiican uga hadli doonnaa casharrada dambe ee aan kaga hadli doonno Hard disk-yada iyo noocyadooda.

SCSI SCSI oo loogu dhawaaqo "iskaasi" waxay u taagan tahay (Small Computer System Interface). SCSI inta badan kuma samaysna Motherboard-ka laakiin waa kaar ka gaar ah Motherboard-ka oo la geliyo mid ka mid ah Buses-ka Motherboard-ka. SCSI wuxuu caan ku yahay tirada disk-yada iyo qalabka kale ee ku xirmi kara oo aad uga fara badan inta IDE ku xirmi karta. SCSI run ahaantii ma aha Disk interface ee waa Bus gaar ah oo ay ku xirmi karaan ilaa 15 qaybood. Kumbiyuutarrada badankoodu waxay qaadan karaan ilaa afar kaar oo SCSI ah oo kiiba ay ku xirmi karaan

15 qaybood. Isu geyn waxay isku noqonayaan 60. SCSI xagga isticmaalka wuu ka adag yahay IDE taasina waxay keentay in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay inta badan ka door bidaan IDE. SCSI waxaan si faahfaahsan uga hadli doonnaa casharrada dambe ee aan kaga hali doonno Hard disk-yada iyo noocyadooda. 9. Serial Ports Serial Ports waxay ka mid yihiin meelaha asaasiga ah ee kumbiyuutarka looga xiriiriyo qalabka ay ka mid yihiin Modem-yada, Mouse-yada, Scanner-yada iyo qaybaha kale ee kumbiyuutarka la sameeya xiriir laba dhinacle ah oo micnihiisu yahay inay kumbyuutarka akhbaarna u gudbiyaan, midna ka soo qaataan. Serial Ports-ku waxay ka mid yihiin afafka ka muuqda kumbiyuutarka xaggiisa dambe ee fiilooyinka la galiyo (fiiri sawirka nr 6). Serial Ports-ka waxaa loogu tala galay inuu kumbiyuutarku kula xiriiro qalabka dibedda looga xiriiriyo ama uu xataa kula xiriiro kumbiyuutar kale. Serial Ports-ku waxay u shaqeeyaan sida fiilada laynka telefoonka. Akhbaarta laga soo akhriyo kumbiyuutarku waxay raacdaa fiilo u gaar ah, akhbaarta kumbiyuutarka loo gudbinayana waxay raacdaa fiilo kale oo iyada u gaar ah. Akhbaarta waxaa fiilada loogu diraa si unug unug (bits) ah islamarkaana isdabajoog ah. Taas ayaana keentay in lagu magacaabo Serial Port. Motherboard-yada casriga ahi waxay leeyihiin 1 (hal) ilaa 2 (laba) Serial Ports oo Motherboard-ka ku dhex dhisan. Waxaase jira Serial Ports ku dul samaysan kaarar si gaar ah loo soo gadan karo oo kumbiyuutarka lagu xiriirin karo si aad u hesho in ka badan laba Serial Ports. 10. Parallel Ports

Parallel Ports-ku waxay iyaguna ka mid yihiin meelaha asaasiga ah ee kumbiyuutarka looga xiriiriyo qalabka kala duwan. Parallel Port-ku waxay ka kooban yihiin siddeed fiilo oo is garab socoto. Akhbaarta la diraayana waxaa loo diraa si unug unug (bits) ah iyadoo unugyada uu hal xaraf ka kooban yahay (8 bits) mar kaliya si barbarro ah loogu diraayo siddeedaas fiilo. Taas ayaana keentay in lagu magacaabo Parallel Port. Parallel Ports-ku way ka dheereeyaan Serial Ports-ka waxaana markiisii hore loogu tala galay in loo isticmaalo daabacayaasha (Printers) oo kaliya. Laakiin muddo kadib waxaa si aad ah u batay qalabka isticmaala Parallel Port-ga. Maanta waxaad heli kartaa LAN adapters, CD-ROM-yo iyo Modem-yo kumbiyuutarka kaga xirma Parallel Ports-ka. Waxaa kale oo jira program-yo loogu tala galay inay laba kumbyuutar akhbaar u kala gudbiyaan. Program-yadaasi waxay isticmaalaan oo ay akhbaarta ku diraan Parallel Ports. Program-yadaas waxaa ka mid ah program-ka la yiraahdo Interlnk ee ka mid ah MS-DOS (Fiiri program-ka ISBARDOS qeybta seddexaad). Waxaa kale oo program-yadaas ka mid ah program-ka la socda Windows 95/98 ee la yiraahdi "Direct Cable Connection" oo aad ka heli karto Start Program - Accessories. Dokumentiga la socda Windows ama Help-giisa ayaad ka heli kartaa sida loo isticmaalo program-kaas. Si program-yadaas iyo kuwa la midka ahi ay laba kumbiyuutar akhbaar ugu kala gudbiyaan waxaa loo baahan yahay fiilo gaar ah oo loo yaqaan "Null Modem Cable". 11. Mouse and Keyboard connectors

Waa halka Motherboard-ka looga xiriiriyo Keyboard-ka iyo Mouse-ka. Connectors-kaani waxay qaab ahaan leeyihiin af wareegsan oo leh duleello yar yar.

Connector-ka Keyboard-ku wuxuu u kala baxdaa laba nooc:


o

DIN Connector wuxuu leeyahay 5 duleel oo yar yar oo loogu tala galay inay galaan ilkaha fiilada Keyboard-ka waxaana laga helaa Motherboard-yada uu qaab dhismeedkoodu yahay Baby-AT (Fiiri Casharka 4-aad). Mini DIN Connector wuxuu leeyahay 6 duleel waxaana laga helaa Motherboard-yada uu qaab dhismeedkoodu yahay LPX, ATX iyo NLX (Fiiri Casharka 4-aad). Mini DIN Connector-ku aad buu uga dhumuc yar yahay DIN Connector-ka laakiin wuu ka duleello badan yahay.

Connector-ka Mouse-ku wuxuu isaguna isticmaalaa nooca dambe ee Mini DIN Connector oo leh lix duleel. Taasi waxay keenaysaa in Mouse-ku uu geli karo Connector-ka loogu tala galay Keyboard-ka iyo in Keyboard-ku uu gali karo Connector-ka loogu tala galay Mouse-ka maadaamaa ay isku duleello iyo cabbirba yihiin. Laakiin si kasta oo uu Mouse-ku u galo halka Keyboard-ka loogu tala galay haddana kuma shaqaynayo. Sidoo kale Keyboard-kuna kuma shaqaynayo Connector-ka loogu tala galay Mouse-ka. Sidaa darteed shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa waxay inta badan Connectors-kaas u yeelaan astaamo lagu kala garto si aan la isugu khaldin. Qaar waxay isticmaalaan sawir muujinaya Keyboard ama Mouse hadba kii Connector-kaas loogu tala galay. Qaarna waxay isticmaalaan midab iyagoo Connectorka iyo fiilada galaysa isku midab ka dhiga. Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa Processor-ka iyo noocyadiisa. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com Waxaad tahay akhristihii 11841-aad laga soo bilaabo 24-07-2000

Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

Waa Maxay Processor? Processor-ku waa maskaxda ama matoorka kala socodsiiya hawlaha kumbiyuutarka. Magacyada kale ee processorka loo yaqaano waxaa ka mid ah Microprocessor iyo CPU (Central Processing Unit). Processor-ku wuxuu ka mid yahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka waana halka laga cabbiro xawaaraha kumbiyuuutarka, wuxuuna inta badan tilmaan u noqdaa kumbiyuutarka oo dhan. Waxaa laga yaabaa inaad maqasho qof leh "Kumbiyuutarkaygu waa Pentuim II 450" iwm. Taas micneheedu waa in nooca processor-ka kumbiyuutarkaasi uu yahay Pentium II, xawaarihiisuna uu yahay 450 Mhz. Noocayada processor-ka dib ayaan uga hadli doonnaa hadduu rabbi idmo.

Processor uu noociisu yahay Pentium MMX oo marna hoos laga sawiray (sawirka bidixe) marna dusha laga sawiray (sawirka midige). Xawaaraha processor-ka waxaa lagu cabbiraa inta wareeg ee uu sameeyo halkii ilbiriqsi (seken) waxaana lagu sheegaa waxa loo yaqaan megahertz (Mhz) oo u taagan ilbiriqsigiiba hal milyan oo wareeg. Haddii lagu yiraahdo processor ayuu xawaarihiisu yahay 450 Mhz, waxaa looga jeegdaa in processor-kaasi uu halkii ilbiriqsi sameeyo 450 milyan oo wareeg. Hal wareeg waa cabbirka ugu yar ee wakhtiga processor-ka. Hawl kasta oo uu processor-ku

qabtaa waxay ku qaadan kartaa ugu yaraan hal wareeg, laakiin caadi ahaan waxay hawl kastaa qaadataa wareegyo fara badan. Si uu processor-ku u fuliyo hawl gaar ah wuxuu raacaa oo uu mid mid u fuliyaa waxa loo yaqaan Instructions oo ah tilmaamo ku saabsan tillaabooyinka ay hawshaasi ka kooban tahay. Inta wareeg ee ay processor-ka ku qaadato inuu fuliyo hal instruction ayaa lagu cabbiraa xawaaraha dhabta ah ee processor-ka. Taasina waxay ku xiran tahay nooca processor-ka. Tusaale ahaan processor-radii ugu horreeyay (8086 iyo 8088) wuxuu halkii instruction ku qaadan jiray celcelis ahaan 12 (laba iyo toban) wareeg. Halka maanta processor-rada carsiga ah (Pentium II iyo wixii ka dambeeyay) ay hal wareeg ku fulin karaan saddex instructions iyo wax ka badan. Taasi waxay keenaysaa in laba processor oo uu xawaarahoodu yahay 200 Mhz laakiin uu noocoodu kala duwan yahay ay aad u kala dheereeyaan iyadoo ay ku xiran tahay inta instruction ee uu processor walbaa fulin karo halkii wareeg. Processor walbaa processor-kii uu ka dambeeyay wuu ka dheereeyaa maadaama ay had iyo jeer sii yaraanaysay tirada wareegyada ay processor-ka ku qaadanayso fulinta halkii instruction. Waxaa jira dhawr arrimood oo saamayn ku leh xawaaraha processor-ka. Arrimahaas kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah: 1. Xawaaraha Motherboard-ka Xawaaraha Motherboard-ku saamayn weyn ayuu ku leeyahay xawaaraha processor-ka . Sidaan ku soo aragnay Casharka 7aad (qeybta Bus Slots) Motherboard-yada maanta la isticmaalo wuxuu xawaarahoodu u dhexeeyaa 66 Mhz ilaa 100 Mhz. Halka uu xawaaraha Processor-rada maanta la isticmaalaa u dhexeeyo 100 Mhz ilaa 800 Mhz iyo ka badan. Taasi waxay keenaysaa in si kasta oo uu Processor-ku u dheereeyo uu mar kasta ku khasban yahay inuu sugo Motherboard-ka. Waayo marka uu Processor-ku dhammeeyo hawsha loo diray wuxuu si uu natiijada hawsha ugu gudbiyo

qaybaha kale ee kumbiyuutarka isticmaalaa Buses-ka Motherboard-ka. Sidoo kale si uu akhbaarta hawsha loo diray u soo akhristo wuxuu isticmaalaa Buses-kaas. Processor-ku wuxuu markaa ku khasban yahay inuu akhbaarta ku diro ama ku soo akhristo xawaare la mid ah xawaaraha Bus-ka uu akhbaarta ku diraayo ama ka soo akhrinaayo. 2. Data Bus Data Bus-ku waa waddada ay marto akhbaarta ka timaadda iyo tan u socota processor-ka labadaba. Waxaa xawaaraha processor-ka saamayn weyn ku leh ballaca Data Bus-ka. Waayo taasi waxay goynaysaa xaddiga akhbaarta uu Processor-ku Bus-kaas ku diri karo halkii marba. Akhbaarta kumbiyuutarku uu diro waxaa lagu diraa nidaamka loo yaqaan Digital. Nidaamkaasi wuxuu akhbaarta u qaybiyaa xaraf xaraf. Xaraf kasta waxaa inta badan loo sii kala qeybiyaa siddeed qaybood oo yar yar oo loo yaqaan bits. Halkii bit wuxuu noqon karaa 1 (hal) ama 0 (eber). Data Buska iyo dhammaan Buses-ka Kumbiyuutarka ee ay akhbaartu marto waxay ka kooban yihiin fiilooyin yar yar oo si saf ballaaran ah isu garab socda. Halkii fiilo waxay halkii marba qaadi kartaa hal bit oo noqon karta 1 (hal) ama 0 (eber). Si 1 iyo 0 loogu sheego koronto ahaan waxaa halkii fiilo ay markiiba qaaddaa koronto uu xooggeedu yahay 5v (shan Volt) ama 0v (eber). 5v waxay u taagan tahay 1(hal). Halka ay 0v u taagan tahay 0. Si hal xaraf loo diro waxaa loo baahan yahay siddeed fiilo oo lagu kala diro siddeeda bit ee uu xarafkaasi ka kooban yahay. Haddii ballaarka Data Bus-ku uu yahay 8 fiilo (8-bit) waxa markaa halkii marba lagu diri karaa hal xaraf. Haddiise uu ballaarkiisu yahay 16 fiilo (16-bit) waxaa halkii marba lagu diri karaa laba xaraf. Haduu ballaarkiisu yahay 32 fiilo (32bit) waxaa halkii marba lagu diri karaa afar xaraf. Mar kasta

oo uu ballaarka Data Bus-ku sii bataba waxaa sii badanaya xaddiga akhbaarta lagu diri karo taasoo yaraynaysa wakhtiga ay qaadanayso in akhbaartaas la diro. Processor-rada casriga ah sida taxanaha loo yaqaan Pentium waxay leeyihiin Data Bus uu ballaarkiisu yahay 64-bit taasoo keenaysa inay halkii marba diri karaan ama soo akhrisan karaan 64-bit ama 8 xaraf. Haddii uu xawaaraha Motherboard-ku yahay 66 Mhz waxay Processor-radaasi halkii ilbiriqsi Memory-da u diri karaan ama ay ka soo akhrisan karaan 8 x 66 miljan oo xaraf (528 milyan). Haddiise uu xawaaraha Motherboard-ku yahay 100 Mhz waxay halkii ilbiriqsi Memory-da u diri karaan ama ay ka soo akhrisan karaan 8 x 100 milyan oo xaraf (800 oo milyan). 3. Address Bus Address Bus-ku waa halka ay marto akhbaarta Processor-ka u sheegaysa address-ka Memory-da ee akhbaarta laga soo akhrinayo ama loo dirayo. Address Bus-ku wuxuu sida Data Bus-ka ka kooban yahay fiilooyin si saf ballaan ah isu garab socda. Mar kasta oo uu ballaarkiisu sii batana waxa badata akhbaarta lagu diri karo. Inta address ee uu Bus-kaasi halkii mar qaadi karaa waxay ku xiran tahay inta uu Ballaarkiisu dhan yahay. Address Bus-ku wuu ka madax bannaan yahay Data Bus-ka sidaa darteed ballaarkiisu wuu ka duwan yahay kan Data Bus-ka. Maadaama uusan Address Bus-ku qaadayn akhbaarta lafteeda ee uu qaadayo tilmaan ku saabsan halka akhbaarta laga heli karo ama la geynayo wuu ka ballaar yar yahay Data Bus-ka. Laakiin inta badan markuu ballaarka Data Bus-ku sii weynaadaba waxaa isna sii weynaada ballaarka Address Bus-ka. 4. Internal Cache (L1) Hawlaha Processor-ka iyo guud ahaanba kumbiyuutarku uu qabto waxay u badan yihiin kuwo isku mid ah oo soo

noqnoqda. Tusaale ahaan mar kasta oo aad rabto inaad wax qorato waxaad horta soo furtaa program-ka loogu tala galay qoraalka sida Word iwm. Soo furidda program-kaasi waa hawl soo noqnoqota oo mar kasta si isku mid ah loo sameeyo. Si uu Processor-ku Program-kaas u soo furo wuxuu akhbaar ku saabsan sida program-kaas loo soo furaayo iyo halka uu yaallo labadaba ka soo akhriyaa Memory-da oo xawaare ahaan aad uga gaabisa Processor-ka. Taasi waxay keentaa inuu processor-ku xawaarihiisa ka dhigo mid la mid ah Memory-da si uu u soo akhriyo akhbaartaas. Halkaana waxaa ku luma wakhti uu Processor-ku hawlo kale ku qaban lahaa. Si loo yareeyo wakhtiga arrintaas ku baxa ayaa waxa la soo saaray farsamo loo yaqaan Caching. Farsamadaasi waxay u shaqaysaa sidaan: Haddaan sii daba soconno tusaalihii wax qorashada, marka ugu horraysa ee aad program-ka qoraalka (sida Word) soo furto wuxuu Processor-ku kaydinayaa akhbaarta ku saabsan sida program-kaas loo soo furo iyo halka uu yaallo. Akhbaartaas wuxuu Processor-ku intii muddo ah ku kaydiyaa Memory gaar ah oo processor-ka ku dhex dhisan oo la yiraahdo Internal Cache loona soo gaabiyo L1. Marka dambe ee aad u baahato inaad soo furto program-ka Word wuxuu processor-ku akhbaarta program-kaas ka soo akhrinayaa Internal Cache-ka oo uu xawaaraheedu la mid yahay kan processor-ka. Halkaana waxaa ku baaqanaya wakhtigii ku bixi lahaa soo akhrinta akhbaartaas. Sidaa iyo si la mid ah ayaa loo kaydiyaa akhbaarta hawlaha soo noqnoqda, si marka dambe ee hawshaas loo baahdo akhbaarteeda looga soo akhriyo Internal Cache-ka. Haddaba mar kasta oo baaxadda Internal Cache-ka Processor-ku ay sii badataba waxaa badanaya akhbaarta halkaas lagu kaydin karo. Taasina waxay keenaysaa in hawlo badan oo soo noqnoqda uu Processor-ku u qabto si aad u dhakhso badan.

Samayska Processor-ka Processor-ka waxaa intiisa badan laga sameeyaa maaddada loo yaqaan Silicon oo lagu tilmaamo inay tahay maaddada ugu badan ee dhulka laga helo. Silicon waxa laga helaa ciidda xeebaha badda waana maaddada ugu badan maaddooyinka ay ciiddaasi ka kooban tahay. Ciiddaas ayaa la nadiifiyaa oo la dhalaaliyaa ka dibna waxaa lagu shubaa weelal dhuudhuuban oo ka samaysan dhalo leh qaabka dhululubada. Halkaas ayaana loo daayaa ilaa ay ka dhagaxowdo. Intaa kadib waa la jar jaraa iyadoo la adeegsanaayo miinshaar dheemman ah, waxaana laga dhigaa qeybo aad u yar yar oo ay dhumucdoodu ka yar tahay hal millimeter. Ka dibna waa la buraashaa oo sidii muraayaddii loo dhalaaliyaa. Qeybahaas yaryar ayaa Processor-ka laga sameeyaa iyadoo la adeegsanayo nidaam loo yaqaan Photolithography. Bal ka warran haddii wixii bacaad Jasiira iyo Shalanbood yaallay Processor-ro laga wada sameeyo soo soomaaliya dhakalka cayrta ma jabiseen?? :-) Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa Noocyada Processor-ka iyo shirkadaha sameeya. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com

Noocyada Processor-ka Waxaa jira dhowr shirkadood oo ku tartama samaynta Processorrada. Shirkadahaas waxaa ugu caansan suuqa Processor-radana si aad ah u haysta shirkadda Intel. Shirkadaha kale ee Intel soo raaca waxaa ugu caansan laba shirkadood oo la kala yiraahdo AMD

(Advanced Micro Devices) iyo Cyrix. Suuqa Processor-rada waxaa haga Intel, AMD iyo Cyrix-na waxay inta badan soo saaraan Processor-ro u dhigma oo ay kula tartamayaan hadba kan ay Intel soo saarto. Guud ahaan Processor-rada waxaa loo kala qaadaa dhawr jiil (Generations) oo is daba jooga iyadoo la fiirinayo sidii ay u kala dambeeyeen. Jiilalkaas ayaan mid mid u soo qaadanaynaa annagoo sheegi doonna waxa uu jiil kastaa uga duwan yahay jiilkii ka horreeyay iyo noocyada Processor-rada jiilkaas ka tirsan iyo nooc kasta ciddii samaysay. 1. First Generation (8086 & 8088) Bishii June ee sanadkii 1978-kii ayaa shirkadda Intel waxay soo saartay Processor cusub oo 16-bit ah halka ay processorrada wakhtigaas jiray ka ahaayeen 8-bit. Processor-kaas waxaa loo bixiyey 8086 wuxuuna lahaa Data Bus iyo Internal Register uu ballacoodu ahaa 16-bit iyo Address Bus uu balliciisu ahaa 20-bit. Nasiib darro kumbiyuutarrada xilligaas jiray waxay isticmaali jireen processor-ro 8-bit ah sidaa darteed 8086 waxaa ku adkaatay in uu suuqa soo galo maadaamaa aysan jirin Motherboard-yo isticmaali karay processor 16-bit ah. Si ay arrintaas wax uga qabato ayaa Intel waxay soo saartay processor inta kale kala mid ah 8086 laakiin uu Data Bus-kiisu yahay 8-bit oo loo bixiyey 8088. Taasi waxay keentay in 8088 uu ku shaqeeyo Motherboardyadii xilligaas jiray. 8088 waa processor-kii ay IBM u dooratay Personal Computer-kii ugu horreeyay ee ay IBM soo saartay ee loo yaqaannay IBM PC. Processor-kaas wuxuu xawaarahiisu ahaa 4.77 Mhz, halkii instruction-na wuxuu ku qaadan jiray celcelis ahaa 12 wareeg. Waxaa kale oo 8086 iyo 8088 wehliyey oo la socday Math Processor oo ah Processor loogu talgalay inuu si dhakhso badan u xalliyo xisaabaadka uu heerkoodu sarreeyo. Math Processor-kaas

waxaa la oran jiray 8087. Kadib waxay Intel soo saartay laba Processor oo ay u kala bixisay 80186 iyo 80188 oo ahaa 8086 iyo 8088 oo wax yar la sii wanaajiyey waxayse noqdeen kuwo ay Intel ku guul darraysatay. Dhammaan processor-radaas aan kor ku soo sheegnay waxaa la isku yiraahdaa First Generation Processors (Jiilka 1-aad). 2. Second Generation (80286) Sanadkii 1981-kii waxay Intel soo saartay processor loo bixiyey 80286 inta badanna loo soo gaabiyo 286, oo dhawr jeer ka dheereeya processor-radii jiilka koowaad. 286 wuxuu ku soo baxay xawaare ah 6 Mhz wuxuuna halkii instruction ku qaadan jiray 4 wareeg iyo bar islamarkaana wuxuu lahaa Data Bus iyo Address Bus uu ballacoodu ahaa 16-bit. Taasi waxay keentay inuu 5 jeer ka dheereeyo 8088. 286 waxaa wehliyey oo la socday Math Processor la oran jiray 80287 oo inta badan loo soo gaabiyo 287 oo dhismo ahaan la mid ahaa Math Processor-ka 8087 ee aan horay u soo sheegnay. 286 iyo 287 waxaa la isku yiraahdaa Second Generation Processors (Jiilka 2-aad). 3. Third Generation (80386) Sanadkii 1985-kii ayaa waxay Intel soo saartay Processor aad wax uga beddelay suuqa Processor-rada. Processor-kaas oo loo bixiyey 80386 inta badanna loo soo gaabiyo 386 wuxuu xagga hawlqabadka (Performance) uga fiicnaa dhammaan Processor-radii ka horreeyay sida 8086, 8088 iyo 286. 386 wuxuu dhan kasta ka ahaa 32-bit wuxuuna halkii instruction ku qaadan jiray 4 iyo bar (4.5) wareeg taasoo ah halka keliya ee uu kala mid yahay 286. 386 waxaa gaar ahaan loogu tala galay Operating System-yada ku shaqeeya waxa loo yaqaan Multitasking oo ah in hawlo badan si barbarro ah isku mar loo fuliyo iyadoo aan la isku qasin oo la kala soocayo. 386

aad ayuu suuqa ugu faafay wuxuuna suuqa haystay ilaa 1991kii. 386 wuxuu u kala baxaa dhawr nooc oo midba loogu tala galay baahi gaar ah. Noocyadaas xawaarahoodu wuxuu u dhexeeyay 16 Mhz ilaa 33 Mhz waxaana ka mid ah:
o

386 DX oo ah kii ugu horreeyay Processor-rada noocaan ah wuxuu lahaa Data Bus, Address Bus iyo Internal Register uu ballacoodu ahaa 32-bit. 386 SX oo ah nooc loogu tala galay in lagu gado qiimo jaban oo la mid ah kii lagu gadi jiray 286. Noocani wuxuu sida 286 lahaa Data Bus uu ballaciisu ahaa 16bit iyo Address Bus uu ballaciisu ahaa 24-bit. Wuxuuse lahaa Internal Register ay baaxaddiisu ahayd 32-bit sidaa darteed waxaa isticmaali karay oo ku shaqayn karay Operating System-yada iyo program-yada loogu tala galay 386 DX. Tusaale ahaan Windows 3.1wuxuu 386 SX ugu shaqayn jiray si la mid ah 386 DX. Noocani wuxuu si rasmi ah suuqa uga saaray wixii 286 ka harsanaa. 386 SL oo loogu tala galay kumbiyuutarrada Portableka ah ee batariga ku shaqeeya. Noocaan waxaa loogu tala galay inuu aad u dhaqaaleeyo korontada ama awoodda batariga ee uu kumbiyuutarku isticmaalo 387 oo ah Math Processor-kii ku lammaansanaa noocyada 386.

Dhammaan noocyada 386 waxaa la isku yiraahdaa Third Generation Processors (Jiilka 3-aad) 4. Fourth Generation (80486) Bishii April 10-keedii sanadkii 1989-kii ayaa Intel waxay soo saartay Processor loo bixiyey 80486 oo inta badan loo soo gaabiyo 486. Processor-kaasi wuxuu noqday tillaabo weyn

oo ay Intel u qaadday xagga samaynta Processor-ro aad u dheereeya, wuxuuna keenay in ay si aad ah u kordhaan soo saaridda iyo gadashada program-yada siiba Operating system-yada graphics-ka ah ee ay ka mid yihiin Windows iyo OS/2. Windows oo keliya waxaa ka gadantay tobanaan milyan oo koobi taasna waxaa sabab u ahaa xawaaraha 486 oo suurto geliyay in si fudud oo aan sugitaan badan lahayn loo isticmaalo Windows iyo program-yada la midka ah. 486 wuxuu lahaa Data Bus, Address Bus iyo Internal Register uu ballaarkoodu ahaa 32-bit, halkii instruction-na wuxuu ku qaadan jiray 2 (laba) wareeg. Waxyaabaha uu 486 uga fiicnaa 386 iyo Processor-radii ka horreeyay waxaa ka mid ah:
o

486 wuxuu halkii instruction ku qaataa laba wareeg oo kaliya halka 386 ay ku qaadan jirtay 4.5 wareeg. Taasi waxay keentay in 486 uu in ka badan laba laab ka dheereeyo 386. Tusaale ahaan 386 uu xawarihiisu yahay 40 Mhz waxaa ka dheereeya 486 uu xawaarihiisu yahay 20 Mhz. 486 waxaa loo sameeyay Internal Cache ku dhex dhisan Processor-ka taasoo keentay in akhbaarta hawlaha soo noqnoqda uu ka soo akhristo Internal Cache-ka halkaasna uu ku baaqdo wakhtigii ku bixi jiray soo akhrinta akhbaartaas Waxaa 486 lagu dhex dhisay Math Processor xagga hawl qabadka (Performance) saddex jeer kaga fiican 387 (Math Processor-kii garab socday 386). Taasi waxay keentay in hawlaha xisaabaadka uu 486 ku qabto xawaare aad u dheereeya. In badan oo ka mid ah Motherboard-yada loogu tala galay 486 waxay lahaayeen External Cache (L2) oo ah Memory dheeraysa oo ku samaysan Motherboard-ka looguna tala galay in lagu kaydiyo akhbaarta hawlaha

soo noqnoqda wixii ka bata Internal Cache-ka, si marka dambe ee loo baahdo halkaas looga soo akhristo. 486 wuxuu u kala baxaa dhawr nooc oo kala dambeeyay xawaare ahaanna kala dheereeya. Noocyadaas xawaarahoodu wuxuu u dhexeeyay 16 Mhz ilaa 120 Mhz waxaana ka mid ah:
o

486 DX waa noocii ugu horreeyay 486 xawaarihiisuna wuxuu u dhexeeyay 25 Mhz ilaa 50 Mhz. 486 SX oo soo baxay sanadkii 1991-kii bishii April waa nooc loogu tala galay in lagu iibiyo qiimo jaban oo la mid ah ama u dhaw qiimihii 386. Noocani wuxuu la mid ahaa 486 DX laakiin waxaa laga saaray Math Processor-kii ku dhex dhisnaa 486 DX. Xawaarihiisu wuxuu u dhexeeyay 16 Mhz ilaa 33 Mhz. Waxa kale oo jiray 486 SX/2 uu xawaarihiisu gaarayay 50 Mhz ilaa 60 Mhz. 486 SL oo ah nooc loogu talagalay kumbiyuutarrada yar yar ee Portable-ka ah batarigana ku shaqeeya. Noocaan waxaa loogu tala galay inuu aad u dhaqaaleeyo korontada ama awoodda batariga ee uu kumbiyuutarku isticmaalo 486 DX2 oo soo baxay sanadkii 1992 bishii March waa nooc loogu tala galay inuu ku shaqeeyo xawaare laba jeer ka dheereeya xawaaraha Motherboard-ka. Tusaale ahaan haddii xawaaraha Motherboard-ku uu yahay 25 Mhz, 486 DX2 wuxuu xawaarihiisu noqonayaa 50 Mhz. Haddii uu xawaaraha Motherboard-ku yahay 33 Mhz, 486 DX2 wuxuu xawaarihiisu noqonayaa 66 Mhz. 486 DX2 xawaarihiisu wuxuu u kala baxay saddex nooc oo kala ah: 1. 40 Mhz oo loogu tala galay Motherboard-yada uu xawaarahoodu yahay 16 Mhz ama 20 Mhz.

2. 50 Mhz oo loogu tala galay Motherboard-yada uu xawaarahoodu yahay 25 Mhz. 3. 66 Mhz oo loogu tala galay Motherboard-yada uu xawaarahoodu yahay 33 Mhz. 486 DX4 oo ah nooc loogu tala galay inuu ku shaqeeyo xawaare 2, 2.5 ilaa saddex jeer ka dheereeya xawaaraha Motherboard-ka. Tusaale ahaan haddii xawaaraha Motherboard-ku uu yahay 33 Mhz, 486 DX4 wuxuu xawaarihiisu noqon karaa 66 Mhz ilaa 100 Mhz. Haddii uu xawaaraha Motherboard-ku yahay 40 Mhz, 486 DX4 wuxuu xawaarihiisu noqon karaa 80Mhz, 100Mhz ama 120 Mhz. DX4 waxaa la socday adapter loogu tala galay inuu ka yareeyo korontada Motherboard-ka oo ay awooddeedu ahayd 5.5 Volt. Adapter-kaasi wuxuu korontadaas ka dhigi jiray 3.3 Volt oo ah inta uu DX4 xammili karo. Adapter-kaasi waxa kale oo uu lahaa waxa loo yaqaan Jumpers oo ah ilko yaryar oo maar ah. Jumpers-kaas waxaa loo isticmaali jiray in laga doorto hadba xawaaraha la rabo inuu Processor-ku ku shaqeeyo. AMD 486 (5x86) oo ah nooc ay soo saartay shirkadda AMD. Shirkadda AMD waxay soo saartay dhowr nooc oo processor-ro ah oo la mid ah 486-kii ay Intel soo saartay. Waxay xataa samaysay 486-kii ugu dheereeyay oo ay u bixsay Am5x86 oo uu xawaarihiisu ahaa 133 Mhz. Processor-rada kale ee uu noocoodu ahaa 486 ee ay AMD soo saartay waxa ka mid ah A80486DX280SV8B oo uu xawaarihiisu ahaa 80 Mhz, A80486DX4-100SV8B oo uu xawaarihiisu ahaa 100 Mhz iyo A80486DX4-120SV8B oo uu xawaarihiisu ahaa 120 Mhz. Cyrix 486. Shirkadda Cyrix waxay iyaduna soo saartay dhawr nooc oo processor-ro ah oo la mid ahaa 486-kii ay Intel. Cyrix waxay soo saartay 486 DX2 iyo DX4 la

mid ahaa kuwii ay Intel soo saartay xawaarahooduna uu ahaa 50 Mhz, 66 Mhz, 75 Mhz, 80 Mhz ama 100 Mhz. 486 wuxuu noqday Processor si aad ah suuqa ugu faafay wuxuuna si dhib yar suuqa uga saaray 386. 486 wuxuu ku caan baxay xagga sii dhisidda oo aad uga fududaa Processorradii ka horreeyay. Taas micneheedu wuxuu yahay haddii aad haysato kumbiyuutar uu ku jiro Processor ah 486 SX 25 waxaad soo gadan kartaa oo aad ku beddeli kartaa 486 DX 66 iwm. (& maanta suuqa wuu ka baxay laakiin haddaad fiiriso joornaallada lagu gado kumbiyuutarrada gacan labaadka ah waxaad weli ka heli kartaa dad iska gadaya kumbiyuutarro wata Processor uu noociisu yahay 486. Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa Processor-rada jiilka 5-aad oo loo yaqaan Pentium. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com Waxaad tahay akhristihii 11766-aad laga soo bilaabo 27-08-2000 Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga

Noocyada Processor-ka (Way socotaa...) Sidaan ku soo aragnay Casharka 10-aad waxaa processor-rada loo qaybiyaa dhawr jiil. Casharka 10-aad waxaan ku soo qaadanay jiilalka 1-aad ilaa 4-aad. Casharkaanna waxaan ku soo qaadan doonnaa jiilalka 5-aad.

5. Fifth Generation (Pentium) Processor-ka 486 wuxuu noqday mid aad loogu guulaystay taasina waxay keentay in shirkado kale oo aan Intel ahayn ay sameeyaan processor-ro xagga magaca iyo dhismahaba kala mid ah kuwa ay Intel samaysay. Intel arrintaas way ka carootay dacwad ayayna shirkadahaas ku soo oogtay iyadoo ku eedaynaysa inay ku xad gudbeen xuquuqda loo yaqaan "Copy right" ee ay Intel u arkaysay inay ku leedahay magaca 486. Laakiin maxkamaddii arrintaas la hor keenay waxay xukuntay in magaca 486 uu yahay tiro, sidaa darteedna aysan cidna gaar u sheegan karin. Halkaas ayaana Intel looga helay dacwadii ay shirkadaha kale ku soo oogtay. Bishii March ee sanadkii 1993-kii ayaa Intel waxay soo saartay Processor-kii ku xigay 486. Laakiin halkii laga filaayay in Processor-kaas magiciisu uu noqon doono 586 waxay Intel u bixisay Pentium. Sidaas waxay u yeeshay si ay magaca processor-ka uga difaacdo shirkadaha kale ee processor-rada sameeya. Pentium wuxuu halkii wareeg ku fulin karaa celcelis ahaan laba instruction halka 486 uu halkii instruction ku qaadan jiray 2 wareeg, wuxuuna leeyahay Data Bus uu balliciisu yahay 64-bit iyo Address Bus iyo Internal Register ah 32-bit. Waxa kale oo Pentium ku dhex dhisan Math Processor qiyaas ahaan 2 ilaa 10 jeer ka dheereeya Math Processor-kii ku dhexdhisnaa 486. Sidaa darteed Pentium dhowr jeer ayuu ka dheereeyaa 486. Pentium waxa uu u sii kala baxaa dhowr nooc oo kala dambeeyay oo uu xawaarahoodu u dhexeeyo 60 MHZ ilaa 266 MHZ. Noocyada Pentium waxay kala yihiin:
o

First Genaration Pentium Processor (60 Mhz, 66 Mhz)

Noocani waa noocii ugu horreeyay noocyada Pentium maantana suuqa wuu ka baxay oo lama helo. Noocani wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 60 Mhz iyo 66 Mhz wuxuuna la xawaare ahaa Motherboard-ka. Magac ahaan waxaa noocaan loo yaqaannay Pentium 60 ama Pentium 66 taasoo ku xirnayd xawaaraha processor-ka. Noocani cabbir ahaan wuu ka weynaa noocayada kale ee Pentium, samayskiisuna farsamo ahaan aad ayuu u adkaa. Taasina waxay keentay in ay Intel lafteeda ku adkaato inay xawaaraha processor-ka kor u qaaddo. Intaas waxaa u sii dheeraa isagoo isticmaali jiray koronto aad u fara badan taasoo iyaduna keentay inuu processor-ku aad u kululaado. Arrimahaas ayaa waxay keeneen in noocani uu suuqa ku faafi waayo.
o

Second Genaration Pentium Processor (75 Mhz 200 Mhz) Bishii March 7-dii sanadkii 1994-kii ayay Intel soo saartay nooc kale oo Pentium ah oo cabbir ahaan ka yar farsamo ahaanna ka fudud nooca aan horay u soo aragnay. Noocani wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 75 Mhz, 90 Mhz iyo 100 Mhz. Muddo kadibna waxaa si isdabajoog ah u soo baxay xawaareyaasha kala ah: 120 Mhz, 133 Mhz, 150 Mhz, 166 Mhz iyo 200 Mhz. Dhammaan xawaareyaashaas waxaad ka hor marin kartaa Pentium si aad u hesho magaca loo yaqaano processor-kaas sida Pentium 75, Pentium 90, Pentium 100 iwm. Noocani si aad ah ayuu suuqa ugu faafay taasna waxaa keenay xawaarihiisa oo si fudud oo dhakhso ah kor ugu kacay, farsamada samayskiisa oo fudud iyo korontada uu cuno oo aad uga yarayd noocyadii ka horreeyay.

Noocan xawaarihiisu inta badan dhawr jeer ayuu ka dheereeyaa xawaaraha Motherboard-ka. Tusaale ahaan Pentium 150 Mhz wuxuu ku shaqayn karaa xawaare 2.5 (laba iyo bar) jeer ka dheereeya Motherboard-ka oo uu xawaarihiisu inta badan ah 60 Mhz. Pentium 200 Mhz wuxuu isaguna ku shaqayn karaa xawaare 3 jeer ka dheereeya Motherboard uu xawaarihiisu yahay 66 Mhz. Dhammaan Motherboard-yada casriga ah ee loogu tala galay Pentium waxay kuu ogolaanayaan inaad kala doorato saddexda xawaare ee kala ah 50 Mhz, 60 Mhz iyo 66 Mhz. Taasoo keenaysa inuu Motherbord-ku ku shaqeeyo hadba xawaaraha aad doorato. Akhbaar faahfaahsan oo ku saabsan sida aad arrintaas u samaynayso waxaad ka helaysaa buugga la socda kumbiyuutarkaas. Shaxanka hoose waxaad ka arki kartaa xiriirka ka dhexeeya xawaaraha processor-rada noocaan ah iyo Motherboard-yada loogu tala galay: Processorka Pentium 75 Pentium 90 Pentium 100 Pentium 120 Pentium 133 Pentium 150 Pentium 166 Pentium 200
o

Xawaaraha Motherboard-ka 50 Mhz 60 Mhz 66 Mhz 60 Mhz 66 Mhz 50 Mhz 66 Mhz 66 Mhz

Inta uu Motherboard-ka ka dheereeyo 1.5 jeer 1.5 jeer 1.5 jeer 2 jeer 2 jeer 2.5 jeer 2.5 jeer 3 jeer

Pentium-MMX (Third Generation Pentium) Bishii January ee sanadkii 1997-kii ayaa waxay Intel soo saartay jiilkii saddexaad ee Pentium oo loo bixiyey

Pentium MMX. Noocani wuxuu in badan kala mid yahay nooca aan kor ku soo aragnay ee Second Generation Pentium laakiin wuxuu farsamadii noocaas ku sii kordhiyay farsamo ay Intel u bixisay MMX Technology oo ah farsamo si gaar ah loogu tala galay inay awood dheeraad ah siiso program-yada uu noocoodu yahay Multimedia oo ah program-yada adeegsada maqalka iyo muuqaalka (audio, video, graphics iwm) kuwaas oo si aad ah loo isticmaalo. Pentium MMX wuxuu u kala baxaa xawaareyaasha kala ah 166 Mhz, 200 Mhz iyo 233 Mhz. Waxaa intaas soo raaca nooc uu xawaarihiisu yahay 266 Mhz oo loogu tala galay kumbiyuutarrada yar yar ee gacanta lagu qaato (portable). Dhammaan noocayada Pentium MMX waxay adeegsadaan Motherboard uu xawaarihiisu yahay 66 Mhz.
o

AMD-K5 Shirkadda AMD waxay soo saartay processor loo bixiyey AMD-K5 oo la mid ah islamarkaan ay is qaataan Pentium. AMD-K5 waxaa loogu tala galay in ay cabbir ahaan iyo farsamo haanba isqaataan Processor-rada uu noocoodu yahay Pentium. Sidaa darteed Motherboard kasta oo loogu tala galay Pentium wuxuu qaadan karaa oo si toos ah loogu isticmaali karaa AMD-K5, inkastoo laga yaabo inaad u baahato inaad BIOS-ka casriyayso (upgrade). Sidaa darteed waxaa AMD-K5 lagu tiriyaa processor-rada jillka 5aad. AMD-K5 wuxuu u kala baxaa noocayada kala ah: PR-75, PR-90, PR-100, PR-120, PR-133 iyo PR-166. Nambarka ka dambeeya PR waxaa dhacda inuusan ka turjumin xawaaraha dhabta ah ee processor-ka

waxaadse xawaaraha dhabta ah ee nooc kasta oo ka mid ah noocyada AMD-K5 ka arki kartaa shaxanka hoose: Processor- Xawaaraha ka dhabta ah PR-75 PR-90 PR-100 PR-120 PR-133 PR-166 75 Mhz 90 Mhz 100 Mhz 90 Mhz 100 Mhz 117 Mhz Inta uu Xawaaraha MotherboardMotherboardka ka ka dheereeyo 50 Mhz 1.5 jeer 60 Mhz 1.5 jeer 66 Mhz 1.5 jeer 60 Mhz 1.5 jeer 66 Mhz 1.5 jeer 66 Mhz 1.75 jeer

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan ku soo qaadan doonnaa Processor-rada jiilka 6-aad oo ah Pentium Pro iyo Pentium II iyo jiilka 7-aad oo ah Pentium III. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com

Noocyada Processor-ka (Way socotaa...) Sidaan ku soo aragnay Casharka 10-aad waxaa processor-rada loo qaybiyaa dhawr jiil. Casharka 10-aad waxaan ku soo qaadanay jiilalka 1-aad ilaa 4-aad. Casharka 11-aad na waxaan ku soo qaadanay jiilka 5-aad. Casharkaanna waxaan ku soo qaadan doonnaa jiilka 6-aad. 6. Sexth Generation (P6)

Bishii September ee sanadkii 1995-kii ayay Intel soo bandhigtay processor-kii ugu horeeyay processor-rada jiilka 6-aad. Jiilkaani wuxuu noqday jiilkii ugu horreeyay ee gilgilay shirkadda Intel islamarkaana wax weyn ka beddelay haysashadii ay Intel haysatay suuqa processor-rada. Waxaa si xoog leh u kordhay tartanka ay shirkadaha processor-rada sameeya oo ay ka mid tahay AMD ku hayaan Intel. Jiilkana wuxuu farsamadii jiilka 5-aad ku sii kordhiyay arrimo dhawr ah oo sii kordhiyay xawaaraha iyo hawl qabadka processor-ka. Farsamooyinka uu jiilkaan soo kordhiyay waxaa ka mid ah farsamada loo yaqaan Dynamic Excution oo surtogal ka dhigtay in dhawr instruction si barbarro ah isku mar loo fuliyo taasoo keentay in xawaaraha hawl qabad ee processor uu kor u kaco. Waxa kale oo uu jiilkaani soo krodhiyay Data Bus hor leh oo loogu tala galay in uu processor-ku kula xiriiro Memory-da loo yaqaan L2 Cache (Level 2). Sidaan hore u soo aragnay xawaaraha Data Bus-ka caadiga ahi wuxuu la mid yahay kan Motherboar-ka. Laakiin Data Bus-ka labaad ee uu jiilkani soo kordhiyay wuxuu xawaarihiisu la mid yahay xawaaraha Processor-ka oo la kala baray. Taasina waxay keenaysaa inuu processor-ku akhbaarta ku kaydsan L2 Cache-ka ku soo akhristo xawaare aad uga dheereeya kan Motherbord-ka. Halkii wareeg wuxuu jiilkani ku fulin karaa ilaa saddex instruction. Intaas waxaa u sii dheer xawaaraha Processor-ka oo si aad ah kor loogu qaaday. Processor-rada jiilka 6-aad waxay kala yihiin:
o

Pentium Pro Noocani waa noocii ugu horreeyay jiilkaan waxaan la soo bandhigay bishii September ee sanadkii 1995, laakiin wuxuu suuqa si fii can u soo galay bartamihii sandkii 1996-

kii. Pentuim Pro wuxuu qaataa Motherboard leh Socket 8 sidaa darteed Pentium Pro ma qaato Motherboard loogu tala galay Pentium. Noocani wuxuu uga duwan yahay noocyada kale ee jiilkaan isagoo leh L2 Cache ku dhex dhisan qolofka processor-ka, baaxaddiisu ay u dhaxayso 256 K ilaa 1M. Bartamaha sawirka midige waxaad ka aragtaa laba afar gees oo isku dhinac yaalla. Labdaas midkood waa Processor-ka laftiisa kan kalena waa L2 Cache. Maadaama uu L2 Cache-kaasi ku dhex dhisan yahay qolofka processor-ka wuxuu xawaarihiisu la mid yahay kan processor-ka. Pentium Pro wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah 150, 166, 180 iyo 200 Mhz. Wuxuu leeyahay Internal Register ay baaxaddiisu tahay 32-bit, laba Data Bus oo uu kiiba balliciisu yahay 64-bit, Address Bus uu balliciisu yahay 36-bit. Pentium Pro way ku adkaatay inuu ku faafo suuqa caadiga ee PC-ga ay dadka caadiga ahi isticmaalaan taasna waxaa sababay isagoo qaali ahaa taasna waxaa keenay L2 Cache-ka lagu dhex dhisay. Laakiin wuxuu suuq ka helay oo si aad ah loogu isticmaalaa kumbiyuutarrada loo yaqaan File Servers-ka oo ah kuwa lagu kaydiyo dokumentiga iyo program-yada ay isla isticmaalaan dadka isku meel ka shaqeeya siiba dadka u shaqeeyay hay'adaha dawliga ah iyo shirkadaha waaweyn.
o

Pentium II Bishii May ee sanadkii 1997-kii ayay Intel soo saartay processor-ka Pentium II oo loogu dhawaaqo (Pentium 2). Pentium II wuxuu aad wax uga beddelay muuqaalkii processor-rada lagu yaqaanay. Halka processor-radii ka

horreeyay ay lahaayeen qaab afar gees ah oo si ballaar ah ugu xirma Motherboard-ka wuxuu Pentium II ku dul samaysan yahay kaar yar oo u eg kararka PCI iyo ISA. Wuxuuna Motherbord-ka kaga xirmaa Slot u qaab eg Slot-yada PCI iyo ISA isagoo Motherbord-ka la samaynaya xagal toosan oo 90 digrii ah (Fiiri sawirka Midige). Kaarkaas waxaa kale oo ku dul rakiban L2 Cache iyo Data Bus-ka labaad ee xiriiriya Processor-ka iyo L2 Cache-ka oo sida caadiga ah 512 K. Taasi waxay keentay in qiimaha samayska ee processor-ku uu ka jabnaado kii Pentium Pro maadaama ay processor-ka iyo L2 Cache-ku kala madax bannaan yihiin oo aysan isku qolof ku jirin sidii Pentium Pro. Waxa kale oo ay taasi suurto gal ka dhigtay in Intel ay isticmaasho L2 Cache ay sameeyeen shirkado kale iyo in xawaaraha L2 Cache-ku uu la mid noqdo xawaaraha processor-ka barkii. Taasoo keentay in Pentium II uu isticmaalo L2 Cache uu qiimaheedu jaban yahay maadaama uu xawaareheedu hooseeyo. Pentium II wuxuu farsamadii Pentium Pro ku daray farsamada loo yaqaan MMX oo sidaan ku soo aragnay Cashar-ka 10-aad ah farsamo si gaar ah loogu tala galay program-yada uu noocoodu yahay Multimedia. Sidaa darteed Pentium II wuxuu ka samaysan yahay Pentium Pro iyo Pentium MMX oo la isu geeyay. Pentium II wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah 233, 266, 300, 333, 350, 400 iyo 450 Mhz. Xawaareyaasha 233, 266, 300 iyo 333 waxay isticmaalaan Motherboard uu xawaarihiisu yahay 66 Mhz. 350, 400 iyo 450 na waxay isticmaalaan Motherboard uu xawaarihiisu yahay 100 Mhz.
o

Celeron

Bishii April ee sanadkii 1998-kii ayaa waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan Celeron oo asal ahaan ah Pentium II oo wax laga beddelay si qiimo jaban loogu gado. Celeron wuxuu ku soo baxay isagoo inta kale kala mid ah Pentium II laakiin laga reebay L2 Cache-kii iyo Data Bus-kii labaad ee la socday Pentium II iyo Pentium Pro, wuxuuna ku soo baxxay xawaareyaasha kala ah 266 iyo 300 Mhz. Celeron waxaa loogu tala galay in lagu isticmaalo kumbiyuutarrada qiimaha jaban lagu gado. Laakiin arrintaas Intel way ku guul darraysatay maadaama uu Celeron sida Pentium II u baahnaa Motherboard cusub oo leh Slot 1. Sidaa darteed waxay Intel go'aansatay inay L2 Cache-kii dib ugu soo celiso. Bishii august ee 1998-kii ayaa waxay Intel soo saartay Celeron wata L2 Cache uu xaddigiisu yahay 128 K. Magiiciisana waxay markaas u beddeshay Celeron A. Celeron A wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 300 iyo 333 Mhz. Bishii december ee 1998 ayaa waxay intel beddeshay samayskii Celeron A iyadoo daba socota fikraddeedii ahayd in Celeron uu noqdo processor qiimo jaban. Waxay soo saartay Socket cusub oo loo bixiyay Socket 370 kaasoo qiimo ahaan ka jabnaa Slot 1. Taasna waxay keentay in magaca processor-ku uu mar kale isbeddelo oo uu noqdo Celeron A 370. Noocani wuxuu isna ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 366 iyo 400 Mhz.
o

Pentium III Bishii March ee 1999 ayaa Intel waxay soo saartay Processor ay u bixisay Pentium III. Magaca Pentium III waa la filaayay laakiin waxay dad badan u haysteen run ahaantiina Intel lafteeda markii hore u qorshaysnayd in magacaas loo kaydinayo Processor-ka ugu horreeya

Jiilka 7-aad oo aan weli soo bixin. Laakiin Intel way isbeddeshay waxayna dooratay in Processor-kaan oo ka mid ah processor-rada jiilka 6-aad ay u bixiso Pentium III. Pentium III wuxuu farsamadii Pentium II ku sii kordhiyay awood dheeraad ah oo loogu tala galay inay kor u qaaddo hawl qabadka program-yada isticmaala waxa loo yaqaan 3D-graphics iyo Multimedia. Waxa kale oo processor-rada noocaan ah loo sameeyay nambar taxane ah (serialnumber) oo aqoonsi u ah processor kasta. Nambarkaas processor-ka ayuu farsamo ahaan ku dhex samaysan yahay waxayna kumbiyuutarradu isugu gudbin karaan tusaale ahaan Internet. Nambarkaas waxaa loo yaqaanaa PSN (Personal SerialNumber) waxaana loogu tala galay in kumbiyuutarka lagu aqoonsado marka tusaale ahaan Internet wax lagu kala gadanayo. Maadaama kumbiyuutarka laga rabo inuu is caddeeyo oo uu soo gudbiyo PSN-ka processor-kiisa waxaa adkaanaysa in qof kale oo isticmaalaya kumbiyuutar kale uu adeegsado magacaaga oo uu wax ku iibsado. Waxa kale oo loo adeegsan karaa ayay Intel leedahay cod bixinta doorashooyinka baarlamaanka iyo wixii la mid ah in lagu qabto Internet oo uu qofku isagoo gurigiisa fadhiya codkiisa dhiibto. Islamarkaana laga badbaado in uu qof magac uusan lahayn adeegsado. Waxayse taasi khasab ka dhigaysaa in kumbyuutarka aad adeegsanayso aad adigu leedahay isla markaana uu magac ahaan adiga kugu qoran yahay. Taasi waxay keenaysaa inaadan isticmaali karin kumbiyuutarrada yaalla shaqada, Maktabadda iwm. Waxa kale oo jirta cabsi laga muujiyay in taasi ay keento in xad gudub ah in aysan qofka waxba u qarsoomin oo hadduuba

Internet galo uu kashifan yahay. Iyo weliba in PSN-ka ay haddii ay helaan isticmaali karaan dadka loo yaqaan Hackers-ka oo ay sidaas ku maamulan karaan kumbiyuutarkaaga. Eedahaasi waxay keeneen in Intel ay processor-ka soo saarto isagoo PSN-ku xayiran yahay iyadoo islmarkaa processor kasta soo raacisay program qofka gatay hadduu doonayo u suurto galinaya inuu nambarkaas fasaxdo. Pentium III wuxuu leeyahay xawaareyaal u dhexeeya 450 Mhz ilaa 1.13 Ghz (1130 Mhz). Dadka farsamo yaqaannada ahi waxay ka cawdaan nooca ugu dheereeya ee uu xawaarihiisu yahay 1.13 Ghz oo ay yiraahdaan wuu cillado badan yahay oo sidii loogu tala galay uma shaqeeyo.
o

AMD-K6 Bishii November ee sanadkii 1996-kii ayaa shirkadda AMD waxay soo saartay processor loo bixiyey AMD K6 oo noqday processor ay AMD aad ugu guulaysatay run ahaantiina muddo gaaban hogaaminayay processorrada jiilka lixaad ilaa ay Intel ka soo saartay Pentium II. AMD-K6 waxaa ku dhex dhisan farsamada MMX oo ay AMD ka gadatay Intel wuxuuna isticmaalaa L2 Cache uu xawaarihiisu la mid yahay kan Motherboardka. AMD waxay Intel kula tartartaa xagga qiimaha oo ay mar kasta kaga hoosayso sidaa darteed K6 qiimo ahaan wuu ka jaban yahay processor-rada jiilka 6-aad ee ay Intel samayso laakiin xagga tayada waa looga fiican yahay. K6 wuxuu ku soo baxay xawaareyaasha kala ah 166 iyo 200 Mhz. Bishii April 1997-kii ayaa wuxuu K6 ku soo baxay xawaaraha 233 Mhz. Bishii April 1998-kiina waxa soo baxay xawaareyaasha kala ah: 266 iyo 300 Mhz.

AMD K6-2

Bishii May ee sanadkii 1998-kii ayaa AMD waxay soo saartay K6-2 oo ay ugu tala gashay inay kula tartanto Pentium II oo K6 si fiican uga adkaaday. Taasna way ku guulaysatay oo K6-2 wuxuu noqday mid si fiican ula tartama Pentium II. K6-2 wuxuu lahaa farsamo ay AMD u bixisay 3D-NOW oo loogu tala galay program-yada isticmaala farsamada loo yaqaan 3D graphics. Wuxuuse lahaa L2 Cache ay baaxaddiisu ahayd 512 oo uu xawaarihiisu la mid ahaa kan Motherboard-ka. Taas ayaana ugu dambayntii culaab ku noqotay keentayna in tartankii uu Pentium II ku guulaysto maadaama uu leeyahay L2 Cache uu xawaarihiisu la mid yahay xawaaraha processor-ka barkii. Laakiin maadaama uu xagga qiimaha kaga jabnaa Pentium II wuxuu helay qeyb lixaad leh oo suuqa ka mid ah. K6-2 wuxuu leeyahay xawaarayaasha kala ah: 266, 300, 333 Mhz oo soo baxay 28/05/98 iyo 350 iyo 400 Mhz oo soo kala baxay 27/08/98.
o

AMD K6-3 Billawgii sanadkii 1999-kii ayaa AMD waxay soo saartay K6-3 oo ay ugu tala gashay inay kaga adkaato Pentium II islamarkaana ay kula tartanto Pentium III. K6-3 Wuxuu la mid yahay K6-2 laakiin waxaa lagu soo kordhiyay L2 Cache ku dhexdhisan qolofka processorka oo uu xawaarihiisuna la mid yahay kan processor-ka. Cilladda ugu weyn ee uu Pentium II uga adkaaday K6-2 waxay ahayd L2 Cache-ka K6-2 oo uu xawaarihiisu la mid ahaa kan Motherboard-ka. Sidaa darteed ayay AMD u go'aansatay inay L2 Cache-ka ku dhexdhisto Processor-ka. Taasi waxa weyn ayay ku kordhisay xawaaraha hawlqabadka ee K6-3 laakiin weli Pentium III ayaa ka dheereeya taasna waxa keenay Math processor-ka ku dhexdhisan Pentium II iyo Pentium III

oo ka dheereeya kan ku dhexdhisan K6-2 iyo K6-3. K63 wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah: 350, 400 iyo 450 Mhz.
o

AMD Athlon Ka dib markii uu K6-3 sidii la rabay ula tartami waayay Pentium III ayaa AMD waxay soo saartay Athlon si ay uga adkaato Pentium III. AMD aad ayay ugu guulaysatay ula jeeddadii ay ka lahayd Athlon waayo waxaa dhacaday inuu xataa ka hor maray Pentium III oo uu xawaare ahaan iyo tayo ahaanba kaga adkaaday Pentium III. Maanta waxaa la sugayaa in Intel ay soo saarto Processor iska dhicin kara Ethlon maadaama uu Pentium III si fiican uga adkaaday. Intel waxay mar hore sheegtay inay soo waddo processor la yiraahdo Prntium 4 oo ugu horrayn doona processor-rada jiilka lixaad ee Intel. Laakiin nasiib darro waxaa dhacday in dhawr jeer uu dib u dhac ku yimid soo saaridda Pentium 4. Athlon wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah: 850, 900, 950, 1000 iyo 1200 Mhz1.2GHz(1200MHz), 1100, 1000, 950, 900, and 850MHz.

Casharkaana oo ah kii ugu dambeeyay casharradii aan uga hadlaynay Processor-rada halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa Memoryda loo yaqaan RAM (Random Access Memory) iyo noocyadeeda.

Memory-da

Memory-du waxay u kala baxdaa laba nooc oo kala ah: ROM (Read Only Memory) iyo RAM (Random Access Memory). Casharkeenaan waxaa kaliya oo aan kaga hadli doonnaa nooca dambe ee RAM. Mar kasta oo aan casharkaan ku soo qaadno Memory waxaan ula jeednaa nooca RAM oo kaliya. Waa Maxay RAM? RAM (Random Access Memory) waa halka si ku meelgaar ah loogu kaydiyo akhbaarta uu processor-ku markaas gacanta ku hayo iyo program-yada markaa shidan (running programs). Tusaale ahaan haddaad rabto inaad wax qorato waxaad horta shiddaa program-ka aad wax ku qorato sida Word. Markaad program-kaas shiddo waxaa Memory-da lagu kaydiyaa koobi ah program-kaas, koobigaas ayaana lagu tusaa si aad wax ugu qorato. Muddada aad wax qorayso waxaa akhbaarta aad qorto lagu kadiyaa Memory-da, waxaana halkaa lagu haynayaa ilaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay ama aad program-ka Word ka xirayso. Haddiise kumbiyuutarka la damiyo ka hor inta aadan kaydin akhbaartaasi way lumaysaa. Tusaalaha ugu caansan ee la soo qaato marka la sharxayo sida uu kumbiyuutarku wax u kaydiyo waa iyadoo kumbiyuutarka lagu matalo xafiis yar oo ay yaallaan miis iyo armaajo lagu kaydiyo dukumentiga xafiiska. Armaajadu waxay u taagan tahay Hard Disk-ga oo ah halka sida joogtada ah loogu kaydiyo akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka ku jira. Miiskuna wuxuu u taagan yahay Memory-da. Qofka xafiiska ka shaqaynaya (oo u taagan Processor-ka) wuxuu armaajada kala soo baxaa hadba dukumentiga uu rabo inuu wax ka qabto wuxuuna ku kala fidiyaa miiska dushiisa. Waxaa caadi ah in qofka xafiis ka shaqaynayaa uu dukumentiyo fara badan ku haysto miiska dushiisa. Mar kasta oo baaxadda miisku ay sii weynaataba waxaa badanaya tirada dukumentiyada dushiisa la saari karo. Sidaa si la mid ah ayuu kumbiyuutarku program-yada iyo hawlaha uu markaas gacanta ku

hayo ugu kaydsadaa Memory-da. Mar kasta oo ay baaxadda Memory-du sii weynaataba waxaa badanaya akhbaarta lagu keydin karo iyo tirada program-yada isku mar kuu furnaan karo. Memoryda la'aanteed kumbiyuutarku wax hawl ah ma qaban karo. Sidaa darteed Memory-du waxay ka mid tahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka. Baaxadda Memory-da waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan "Byte" oo u dhigma hal xaraf. 1024-kii byte waxay noqdaan hal KiloByte (KB). Kunkii KB waxay noqdaan hal MegaByte (MB). Kunkii MB-na waxay noqdaan hal GigaByte (GB). Memory-du waxay ku dul rakiban tahay kaarar yar yar oo uu dhererkoodu qiyaas ahaan le'eg yahay 10 ilaa 15 cm (Fiiri sawirka). Kaararkaasi waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah SIM (Single Inline Memory Module) iyo DIM (Dual Inline Memory Module). Kaararkaas waxaa la gadaa iyagoo baaxadda Memory-da ku dul rakibani ay tahay 1 MB, 2 MB, 4 MB, 8 MB, 16 MB, 32 MB, 64 MB ama 128 MB. Haddaan dib ugu noqonno tusaalihii xafiiska, mar kasta oo uu miiska xafiisku sii weynaadaba waxaa badanaya tirada dokumentyada isku mar dushiisa la saari karo islamarkaana waxaa fududaanaya helitaanka dokumenti ka mid ah dokumentiyada saaran miiska dushiisa, maadaama uu miisku waasac yahay oo aan loo baahanayn in dokumentiyada la is kor saaro oo ay markaa is qariyaan. Sidaa si le'eg ayaa mar kasta oo ay baaxadda Memory-da kumbiyuutarku sii weynaataba waxaa bata tirada porgamyada isku mar kuu furnaan kara iyo xaddiga akhbaarta Memory-da lagu kaydin karo. Waxaa kale oo fududaanaya helitaanka wixii akhbaar ah ee Memory-da looga baahdo. Taasina waxay kor u qaadaysaa xawaaraha hawl qabadka kumbiyuutarka. Xawaaraha Memory-da (RAM) Xawaaraha Memory-du wuxuu muhiim u yahay guud ahaan xawaarha kumbiyuutarka. Mar kasta oo uu processor-ku u baahdo

inuu qabto hawl gaar ah wuxuu inta badan u baahdaa inuu akhbaar ka soo akhristo Memory-da. Markaa wuxuu processor-ku ku khasban yahay inuu sugo Memory-da oo uu wax uga soo akhristo xawaare la mid ah kan Memory-da. Haddaba mar kasta oo uu xawaaraha Memory-du hoos u dhacaba waxaa sii badanaya wakhtiga processor-ka uga luma sugitaanka Memory-da. Xawaaraha Memory-da waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan nanoseconds (ns). Halkii ns wuxuu u dhigmaa hal seken (ilbiriqsi) oo loo qaybiyay bilyan qeybood qeyb ahaan. Memory-da maanta la isticmaalo wuxuu xawaareheedu u dhexeeyaa 60ns ilaa 8ns. Madaama uu xawaaraha Memory-du ku salaysan yahay wakhti, mar kasta oo uu wakhtigu sii yaraadaba waxaa kor u kaca xawaarha Memory-da. Tusaale ahaan Memory uu xawaaraheedu yahay 8ns waxay in ka badan 7 jeer ka dheeraysaa Memory uu xawaaraheedu yahay 60ns. Memory uu xawaaraheedu yahay 60ns waxay la xawaare tahay processor uu xawaarihiisu yahay 16.7Mhz. 8ns waxay iyaduna u dhigantaa 125Mhz. Haddaba waad qiyaasi kartaa wakhtiga processor uu xawaarihiisu yahay 650 Mhz iyo ka sii badan uga lumaya inuu la shaqeeyo Memory uu xawaaraheedu yahay 16.7 Mhz. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Memory gadanayso aad ka fikirto kuna xisaabtanto xawaaraha Memory-da. Noocyada Memory-da (RAM) RAM-ku wuxuu guud ahaan u kala baxaa laba nooc oo asaasi ah oo kala ah: 1. DRAM (Dinamic RAM) 2. SRAM (Static RAM) Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadnaynaa. 1. DRAM

Noocani waa nooca ugu badan ee ay isticmaalaan kumbiyuutyarrada uu noocoodu yahay PC (Personal Computers). Noocani xawaare ahaan aad ayuu uga gaabiyaa nooca SRAM, laakiin qiimihiisa ayaa aad uga jaban, cabbir ahaanna wuu ka yar yahay. Taas ayaana keentay in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay noocaan u doortaan kumbiyuutarradooda. DRAM wuxuu u sii kala baxaa dhawr nooc oo ay ka mid yihiin:
o

FPM DRAM Noocani wuxuu farsamadii DRAM ku kordhiyay farsamo loo yaqaan Fast Page Mode (FPM). Farsamadaasi waxay fududaysay raadinta iyo helitaanka akhbaarta Memory-da ku kaydsan. Kumbiyuutarrada uu noocoodu ahaa 486 wixii ka dambeeyay waxay isticmaalaan Memory noocaan ah wixii ka horreeyayna waxay isticmaali jireen DRAM caadi ah oo aan lahayn farsamada FPM-ka. Si aad u isticmaasho Memory-da noocaan ah waxaa khasab ah in kaararka Memory-da (SIMM/DIMM) noocaan ah ay laba laba ahaandaan. Taas oo uu micneheedu yahay in haddaad rabto inaad kumbiyuutarka ku kordhiso Memory ay baaxaddeedu tahay 64 MB waxaad ku khasban tahay inaad soo gadato ugu yaraan laba kaar oo min 32 MB ah (ama afar kaar oo min 16 MB ah ama ka sii badan). Haddaad soo gadato hal kaar oo 64 MB ah, ma isticmaali kartid kaarkaas ilaa aad u hesho kaar labaad oo ah 64 MB. Taasina waxay keenaysaa inay marka dambe kugu yaraadaan boosaska loogu tala galay Memory-da ee ka bannaan Motherboard-ka, maadaama uu noocani mar kasta Motherboard-ka ka qaadanayo ugu yaraan laba boos.

EDO RAM

Billawgii sannadkii 1995-kii ayaa waxa soo baxay noocaan oo luugu tala kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay Pentium. EDO (Extended Data Out) waa FPM DRAM oo wax laga beddelay. EDO wuxuu xawaaraha Memory-da kor u qaaday 5% si dhakhso ah ayuuna suuqa ugu faafay. EDO wuxuu si gaar ah ugu fiican yahay kumbiyuutarrada uu xawaaraha Motherboardkoodu yahay 66Mhz.
o

SDRAM SDRAM oo u taagan Synchronous DRAM aad ayuu uga dheereeya EDO iyo noocyadii ka sii horreeyayba. Wixii ka dambeeyay 1997-kii wuxuu noocani ahaa nooca ugu caansan uguna badan noocyada Memory-da ee loo isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga. SDRAM wuxuu si gaar ah ugu sii fiican yahay Pentium II iyo wixii ka dambeeya.

2. SRAM Nooca labaad ee noocayada asaasiga ah ee Memory-da loo qaybiyo waxa la yiraahdaa SRAM (Static RAM). SRAM aad ayuu uga dheereeyaa dhammaan noocyada DRAM. Waxaa la helaa SRAM uu xawaarahoodu gaarayo 2ns iyo ka sii hoose, taasoo xawaare ahaan la socon karta processor uu xawaarihiisu yahay 500 Mhz iyo ka badan. Laakiin SRAM waxay leedahay laba cilladood oo kala ah: Cabbir ahaan way ka weyn tahay DRAM taasna waxay keenaysaa inay boos weyn kumbiyuutarka ka qaadato. Tan labaadna aad ayay qaali u tahay kumbiyuutarkii iyada loo doortaana sidoo kale ayuu qaali u noqonayaa. Labadaas arrimood ayaa waxay keeneen in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay ka door bidaan DRAM gaabisa. Maadaama ay SRAM aad qaali u tahay waxaa loo isticmaala oo kaliya Cache Memory ahaan.

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa Hard Disk-ga iyo noocyadiisa. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com

Hard Disk Drive (HDD)

Hard Disk dusha laga sawiray isagoo marna qolofkii kore wata (bidix) marna laga furay (Midig) oo ay calooshiisii muuqato Sida aan ku soo aragnay Casharka 2-aad Hard Disk-gu waa halka sida joogtada ah loogu kaydiyo dhammaan program-yada iyo akhbaarta kale ee kumbiyuutarka ku jirta. Hard Disk-gu waa qaybta ugu muhiimsan qaybaha uu kumbiyuutarku u isticmaalo kaydinta akhbaarta. Wixii akhbaar ama program-yo ah ee Hard Disk-ga lagu kaydiyaa waxay halkaa ku jirayaan ilaa inta aad adigu ka tirtirto. Taasi waa haddii uu Hard Disk-gu bed qabo oo aysan ku iman cillad farsamo oo keenta inuu kharribmo halkaana ay ku lumaan dhammaan wixii ku jiray. Hard Disk-gu wuxuu ka mid yahay qaybaha muhiimka ah ee ku dhex jira santuukha kumbiyuutarka. Halkii kumbiyuutar wuxuu yeelan karaa hal ama

in ka badan oo Hard Disk-yo ah, iyadoo taasi ay mar kasta ku xiran tahay baahida qofka kumbiyuutarka iska leh. Baaxadda Hard Disk-ga Maadaama ay dhammaan program-yada iyo akhbaarta kale ee kumbiyuutarka ku jira lagu kaydiyo Hard Disk-ga, waxaad garan kartaa in baaxadda Hard Disk-gu ay aad muhiim u tahay. Waayo xaddiga akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka la gelin karaa waxay ku xiran tahay baaxadda Hard Disk-ga. Mar kasta oo ay baaxadda Hard Disk-gu sii weynaataba waxaa badanaya tirada program-yada kumbiyuutarka la gelin karo. Baaxadda Hard Disk-ga waxaa, sida Memory-da oo kale, lagu cabbiraa waxa loo yaqaan "Byte" oo u dhigma hal xaraf. 1024-kii byte waxay noqdaan hal kilobyte (KB). Kunkii KB-na waxay noqdaan hal megabyte (MB). Kunkii MB-na waxay noqdaan hal gegabyte (GB). Hard Disk-gii ugu horreeyay ee loogu tala galay kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga, baaxaddiisu waxay ahayd 10 MB. Hard Disk-yada maanta la isticmaalo baaxaddoodu waxay gaaraysaa ilaa 60 GB iyo ka sii badan. Kumbiyuutarrada ay dadka caadiga ah isticmaalaan waxaa caadi ah inay wataan Hard Disk-yo ay baaxaddoodu u dhaxayso 6 - 20 GB. Muhimmadda Hard Disk-ga Hard Disk-gu wuxuu ka mid yahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka. Taas waxaan filayaa inaad si dhib yar u fahmi karto maadaama aad fahamsan tahay in dhammaan program-yada iyo akhbaarta kale ee kumbiyuutarka ku jirtaa ay ku Hard Disk-ga ku kaydsan yihiin oo haddii uu kharribmo ay lumayaan. Waxaase intaas sii dheer oo laga yaabaa in aysan si fudud kuugu muuqan in Hard Disk-gu uu muhiim u yahay guud ahaanba tayada wax qabadka ee kumbiyuutarka. Xawaaraha uu kumbiyuutarku ku kaco marka la shido waxay si toos ah ugu xiran tahay xawaaraha Hard Disk-ga. Sidoo kale xawaaraha uu program kasta oo aad shiddaa

ku kaco wuxuu isaguna si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha Hard Disk-ga. Program-yada adeegsada nooc Database ah waxay had iyo jeer wax ku qora waxna ka soo akhriyaan Hard Disk-ga, taasoo keenaysa in xawaaraha hawl qabadkoodu uu iyaguna si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha Hard Disk-ga. Haddaba si aan u fahamno tayada iyo xawaaraha Hard Disk-ga waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno dhismaha Hard Diskga iyo sida uu akhbaarta u kaydiyo. Sidaa darteed inta aynaan ka hadlin xawaaraha Hard Disk-ga waxaan ku hor maraynaa dhismihiisa iyo sida uu u shaqeeyo. Dhismaha Hard Disk-ga

Sida kaaga muuqata sawirka kore, Hard Disk-gu wuxuu ka kooban yahay dhowr qaybood iyadoo qayb kastaa ay qabato hawl gaar ah.

Halkaan waxaan ku soo qaadanaynaa qaybaha ugu muhiimsan oo ay ka mid yihiin (fiiri sawirka qaybaha ay nambarradu ku hor qoran yihiin): 1. 2. 3. 4. 5. 6. Platers Heads Spindle Actuator Interface connector Power connector

Lixdaas qaybood ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadaynaa 1. Platters

Sawir ah hal Platter oo kaligeed gaar loo soo furay Hard Disk-gu wuxuu akhbaarta ku kaydiyaa saxammo wareegsan oo xagga muuqaalka u eg saxammada CDROM-ka. Saxammadaas ayaa la yiraahdaa Platters waxayna ka samaysan yihiin shay sida birta u adag oo aan la qalloocin karin. Halkaas ayuuna ka yimid magaca Hard Disk oo loo turjumi karo "saxan adag". Platters-ku waa qeybta ugu muhiimsan qaybaha Hard Disk-ga waayo waa halka ay wax kastaa ku kaydsan yihiin, hawshaas oo ah hawsha ugu muhiimsan ee uu Hard Disk-gu qabto. Platters-ku waxay leeyihiin laba dhinac oo labadaba akhbaar lagu qoro, halka saxammada CDROM-ka dhinac kaliya wax looga qoro. Hard Disk kastaa wuxuu yeelan karaa hal Platter iyo wixii ka badan, waxayse kuwa maanta la isticmaalaa inta badan leeyihiin 1 - 5 Platters.

Si akhbaarta Platters-ka ku qoran loo nidaamiyo loona fududeeyo wax ku qoridda iyo wax ka soo akhrinta Platters-ka ayaa waxaa Platter-ka loo sii kala qaybiyaa qaybo yar yar oo la kala yiraahdo Tracks iyo Sectors.

Sawir tusaale ah oo muujinaya sida Platter-ka Hard Disk-ga loo kala qaybiyo Sida sawirka kaaga muuqata Platter-ku wuxuu leeyahay wareegyo isku dhex jira ama kala korreeya. Halkii wareeg ayaa lagu magacaabaa Track. Halkii Track waxaa loo sii kala qaybiyaa qaybo yar yar oo la yiraahdo Sectors. Waxaa sawirka kaaga muuqda hal Sector oo lagu calaamadeeyay midab buluug ah. Platter-ka sawirka kaaga muuqda oo ah mid aan dhab ahayn laakiin tusaale ahaan loo sameeyay wuxuu leeyahay 20 Track oo halkii Track-ba uu leeyahay 16 Sectors. Hard Disk-yada casriga ee maanta la isticmaalaa waxay leeyihiin kumanaan Tracks. Halkii Sector wuxuu qaadaa 512 byte (xaraf) waana inta ugu yar ee

ay akhbaar kasta Hard Disk-ga ka qaadan karto. Tusaale ahaan haddaad qorto warqad ka kooban 100 xaraf oo aad kaydiso waxay Hard Disk-ga ka qaadanaysaa hal Sector oo ah 512 xaraf. Haddiise ay warqaddaadu gaarto kun xaraf waxay qaadanaysaa laba Sector oo ah 512 + 512 = 1024. Sawirkaasi wuxuu muujinayaa hal dhinac oo ka mid ah labada dhinac ee Platter-ka. Dhinaca kelana wuxuu leeyahay Tracks iyo Sectors tiro ahaan iyo cabbir ahaanba la mid ah kuwa halkaan kaaga muuqda. Track kastaa wuxuu leeyahay nambar u gaar ah oo lagaga garto Track-yada ay isku dhinaca ku yaallaan. Nabarrada Tracks-ka waxaa laga billaabaa eber (0) iyadoo kan ugu hooseeya ama ugu xiga xagga bartamaha Platter-ku uu leeyahay nambar eber, kan ka korreeyana uu qaadanayo hal (1), kan kaas ka sii korreeyana uu qaadanayo labo (2) ilaa laga gaaro kan ugu korreeya oo ugu xiga xagga darafka Platter-ka oo qaadanaya nambarka ugu dambeeya. Labda dhinac ee Platter-ku waxay kala leeyihiin laba nambar oo kala ah eber (0) iyo hal (1). Platter kasta oo ka mid ah Platter-rada uu Hard Disk-gu ka kooban yahay wuxuu leeyahay nambar u gaar ah. Haddaba marka la rabo in Hard Disk-ga laga soo akhriyo akhbaar ku qoran Sector gaar ah waxaa akhbaartaas lagu raadiyaa iyadoo la sheegayo nambarka Platter-ka , nambarka dhinaca ay kaga qoran tahay, nambarka Track-ga iyo nambarka Sector-ka ay akhbaartaasi ku qoran tahay. Tusaale ahaan Platter 1, Side 1, Track 9 iyo Sector 16. Waxa kale oo jira waxa loo yaqaano Cylinder oo micno ahaan la mid ah Track lakiin la isticmaalo marka la sheegayo adreeska akhbaarta la raadinayo. Haddaba si aan u fahamno Cylinder iyo waxa uu yahay waxaan adeegsanaynaa sawirka hoose:

Platters-ka uu Hard Disk ka kooban yahay waa isku cabbir waxayna leeyihiin tiro Tracks ah oo is le'eg isla markaana way isku dul aaddan yihiin. Tusaale ahaan haddii uu Hard Disk-gu leeyahay 4 Platters wuxuu yeelanayaa 8 dhinac oo dhinac kastaa uu leeyahay tiro Tracks ah oo ka billawda eber. Haddaba Track-yada uu nambarkoodu yahay eber ee ku yaalla dhinac kasta oo ka mid ah siddeedaas dhinac way isku dul addan yihiin waxayna isku noqonayaan hal Cylinder oo uu nambarkiisu yahay eber. Taasna wuxuu sawirku kuugu muujinayaa xarriiqa taagan oo buluugga ah. Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo halkaas ka sii wadi doonnaa qaybaha kale ee Hard Disk-ga. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com

Waxaad tahay akhristihii 33899-aad laga soo bilaabo 25-02-2001

Dhismaha Hard Disk-ga

Sawir muujinaya qaybaha Hard Disk-ga Casharka 14-aad waxaan kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay. Qaybahaas waxaan sheegnay inaan ka soo qaadan doonno kuwa ugu muhiimsan oo ah kuwa sawirka kore ka muuqda ee ay nambarradu ku ag qoran yihiin. Waxaan ka soo hadalnay qaybta 1-aad oo ah Platters-ka, casharkaanna waxaan kaga hadli doonna inta ka hartay qaybahaas innagoo u soo qaadan doonna sida ay nambar ahaan u soo kala horreeyaan.

Qaybaha aan halkaan ku soo qaadan doono waxay kala yihiin: (fiiri sawirka qaybaha ay nambarradu ku ag qoran yihiin): 2. 3. 4. 5. 6. Heads Spindle Actuator Interface connector Power connector

2. Heads (Read/Write) Heads-ku waa qaybta wax ku qorta waxna ka soo akhrisa Platters-ka Hard Disk-ga. Sidaa darteed ayaa waxaa loo yaqaanaa oo ay caan ku yihiin magaca Read/Write Heads. Dhinac kasta oo ka mid ah labada dhinac ee Platter-ka waxa ku dul rakiban hal Head oo u qaybsan inuu wax ku qoro waxna ka soo akhriyo dhinacaas. Tusaale ahaan haddii uu Hard Disk-gu leeyahay saddex Platters, wuxuu markaa yeelanayaa lix Heads oo mid kastaa uu wax ku qoro waxna ka soo akhriyo mid ka mid ah lixda dhinac ee saddexdaas Platters-ka. Heads-ku waxay qaab ahaan u eg yihiin isku sina u shaqeeyaan saxanka jiiro-digsiga (stereo) madaxa ku dul rakiban ee ka akhriya soona saara wixii cod ah ee ku duuban. Platters-ku waxay u wareegaan sida saxanka jiiro-digsiga in kastoo ay ku socdaan xawaare aad u dheereeya. Platter kastaa wuxuu ku wareegaa inta i dhexaysa labada Head ee kor iyo hoos uga rakiban. Halka ay Platters-ku ka wareegaan Headsku waxay u socdaan midig ama bidix si ay marba u tagaan Track-ga iyo Sector-ka markaas la rabo in wax laga soo akhriyo ama wax lagu qoro (fiiri sawirka kore).

Sawir aad loo weyneeyay oo muujinaya laba Head oo laga dhex saaray Platter-kii u dhexeeyey Heads-ku waxay ka mid yihiin qaybaha Hard Disk-ga ugu muhiimsan uguna qaalisan xagga samaynta, waxayna door weyn ka cayaaraan xawaaraha iyo tayada hawlqabadka guud ee Hard Disk-ga. Xawaaraha uu Hard Disk-gu akhbaar ku soo akhriyo ama uu ku kaydiyo wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha ay Heads-ku wax ku qoraan waxna ku soo akhriyaan. Marka uu Hard Disk-gu dansan yahay ama uu fadhiyo oo uusan wax shaqo ah haynin Head kastaa wuxuu dul saaran yahay oo uu ku dhaggan yahay oogada (seface) Platter-ka uu ku dul rakiban yahay. Laakiin marka uu Hard Disk-gu kaco si uu hawl u qabto Heads-ku in yar ayay kor u kacaan oo oogada Platter-ka ma taabtaan. Waayo haddii ay Heads-ku taabtaan oogada Platter-ka iyadoo uu Hard Disk-gu shaqaynayo waxay taasi keeni kartaa in uu dhaawac gaaro Platter-ka ama Heads-ka laftooda ama labadaba. Taasoo keeni karta in Hard Disk-gu uu guud ahaanba kharribmo halkaasna ay ku lumaan wax kasta oo ku kaydsanaa. Sida keliya ee hadday taasi dhacdo looga soo kaban karo waa inuu jiro koobi (Backup) aad horay akhbaarta uga samaysay oo ama Diskette ama Hard Disk kale ku kaydsan. Waayo Hard Disk-gaasi waa ku daayay oo isaga iyo wixii ku kaydsanaaba waa tuuris. Haddii uu Hard Disk-gaasi ahaa midka kaliya ee uu Kumbiyuutarkaagu lahaa, markaa waxaad ku khasban

tahay inaad Hard Disk cusub soo gadato, haddii kale kuuma suurtoobayso inaad kumbiyuutarka isticmaasho. Dhaawaca noocaan ah waxaa keeni kara dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin:
o

Iyadoo si uun uu qashin u galo inta u dhaxaysa Headska iyo Platters-ka inkastoo maanta ay adag tahay in ay taasi dhacdo oo shirkadaha Hard Disk-yada sameeyaa ay aad uga taxadaraan. Iyadoo kumbiyuutarka oo shidan ay gaarto jug keenta in Heads-ku ay gariiraan ama ay qalloocdaan oo ay markaa taabtaan islamarkaana xoqaan oogada Platterska.

Sidaa darteed aad ayay muhiim u tahay in aadan kumbiyuutarka xoog u dhaqdhaqaajinin isagoo shidan. Haddaad isagoo dansan qaadaysana aad si taxadar leh u qaaddaa si uusan kaaga fakan waayo taasi waxay keeni kartaa in Heads-ku ay qalloocsamaan oo marka dambe ee kumbiyuutarka la shido ay xoqaan Platters-ka. Arrintaan waxay si gaar ah muhiim ugu tahay kumbiyuutarrada yar yar ee gacanta lagu qaato (Portable Combuters) oo iyagu si fudud kaaga dhici kara. Waxaa kale oo iyaduna aad muhiim u ah in inta uu Hard Disk-gu caafimaad qabo aad had iyo jeer koobi (Backup) ka samaysatid akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka kuugu jirta si aad ugu baxsato marka ay baahideedu timaaddo. 3. Spindle Spindle-ku waa matoorka wareejiya ee ay Platters-ku ku dul rakiban yihiin (fiiri sawirka kore ee muujinaaya qaybaha Hard Disk-ga). Spindle-ku wuxuu, sida sawirka kaaga muuqata, tiir dhexaad u yahay oo uu isku hayaa dhammaan Platters-ka Hard Disk-ga, wuxuuna Platters-ka ku wareejiyaa xawaare aad u dheereeya si uu ula shaqeeyo ulana qabsado

xawaaraha Heads-ka. Sidaa darteed xawaaraha Spindle-ku wuxuu muhiim u yahay xaawaaraha hawlqabadka guud ee Hard Disk-ga. 4. Actuator Heads-ka Hard Disk-gu waxay fiidda hore uga rakiban yihiin gacmo dhaadheer oo loo yaqaan Head Arms. Gacmahaasi waxay iyaguna ku sii rakiban yihiin oo isku haya qaybta loo yaqaan Actuator (fiiri sawirka kore ee muujinaaya qaybaha Hard Disk-ga). Actuator-ka shaqadiisu waa inuu isku mar dhaqaajiyo gacmaha ay Heads-ku ku rakiban yihiin si ay Heads-ku hadba u tagaan Track-ga iyo Sector-ka ay akhbaarta markaas loo baahan yahay ku kaydsan tahay. Sida aan hore u soo sheegnay xawaaraha ay Heads-ku wax ku soo akhriyaan ama wax ku qoraan wuxuu aad muhiim ugu yahay xawaaraha hawlqabadka guud ee Hard Disk-ga. Laakiin Heads-ku iskood uma dhaqaaqaan ee waxaa dhaqaajiya Actuator-ka. Sidaa darteed xawaaraha Heads-ku wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha Actuator-ka. Taasina waxay Actuator-ka ka dhigaysaa qayb kale oo iyaduna aad muhiim ugu ah xawaaraha howlqabadka guud ee Hard Diskga. 5. Interface connector Interface Connector-ku waa halka ay Hard Disk-ga kaga xiranto fiilada isku xirta ee akhbaarta u kala gudbisa Hard Disk-ga iyo kumbiyuutarka intiisa kale (fiiri sawirka kore ee muujinaya qaybaha Hard Disk-ga). Fiiladaasi waa fiilo ballaran oo u eg sidii suunka dhexda lagu xirto waxayna u muuqataa sida aad ka arki karto sawirka hoose.

Fiilada akhbaarta u kala gudbisa Hard Disk-ga kumbiyuutarka oo uu nooceedu yahay IDE Sida sawirka kaaga muuqata fiiladaasi waxay dhinaca ku leedahay diillin guduudan (cas). Diillintaasi waxay muujinaysaa dhinaca ay fiiladu Hard Disk-ga u galayso. Inkastoo Hard Disk-yada casriga ah ay fiiladaasi hal dhinac oo kaliya u gali karto haddana waxaa jiray xilli ay labada dhinacba u gali jirtay oo ay aad u sahlanayd in si khaldan loo galiyo. Sidaa darteed diillintaas waxaa loogu tala galay in looga hor tago khaladkaas. Marka fiilada si sax ah loo galiyo Hard Disk-ga waxay diillintaasi maraysaa dhinaca xiga Power Connector-ka oo ah halka uu Hard Disk-gu korontada ka qaato. Interface Connectors-ku waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah IDE iyo SCSI. Labadaas nooc iyo wax ay ku kala duwan yihiin waxaan ku soo qaadan doonnaa casharkeenna kan xiga. 6. Power connector Sida aan horay u soo sheegnay Power connector-ku waa halka uu Hard Disk-gu korontada ka qaato (fiiri sawirka kore

ee muujinaya qaybaha Hard Disk-ga). Sida kaaga muuqata sawirka uu casharkani ku billawdo Power Connector-ku wuxuu leeyahay afar ilig oo fiilada korontada waddaa ay ku xaranto. Fiilada Hard Disk-ga korontada siisaa waxay iyaduna leedahay afar duleel oo ay afarta ilig ee Power Connector-ku kala galaan, sida kaaga muuqata sawirka hoose.

Fiiladaas dhinaceeda kore ee halka af leh wuxuu ku xirmaa kumbiyuutarka qaybta ugu qaabilsan qaybinta korontada ee la yiraahdo Power Supply. Dhinaca hoose ee labada af leh wuxuu afkiiba ku xirmaa Hard Disk-ga, CDROM-ka iwm. Taasoo uu micneheedu yahay in Hard Disk-gu uu ku xirmo mid ka mid ah labda af ee dhinaca hoose. Labada af waa isku mid oo kii lagu xiraaba wuu ku shaqaynayaa. Fiiladaan waxaad iyadana aragtaa inay leedahay dhinac guduudan (cas). Dhinacaas waxaa isagana loogu tala galay in looga hor tago khaladkii aan kor ku soo sheegnay. Laakiin Hard Diskyada maanta la isticmaalo hal dhinac oo kaliya ayay fiiladaasi u gali kartaa oo maba dhici karto in si khaladan loo galiyo. Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa xawaaraha Hard Disk-ga

Xawaaraha Hard Disk-ga

Sawir muujinaya qaybaha Hard Disk-ga Casharka 14-aad iyo Casharka 15-aad waxaan kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay oo aan ka soo qaadannay kuwa ugu muhiimsan oo ah kuwa sawirka kore ka muuqda ee ay nambarradu ku ag qoran yihiin. Casharkaana waxaan ku soo qaadan doonnaa xawaaraha Hard Disk-ga. Waxaan ka hadli doonnaa qaybaha saamaynta ku leh xawaaraha Hard Disk-ga. Si aan qaybahaas u tilmaanno waxaan

adeegsan doonnaa sawirka kor kaaga muuqda oo aan casharkaan ugu soo darnay arrintaas darteed. Xawaaraha Hard Disk-ga waxaa loo kala qaadaa dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin: 1. Seek Time 2. Latency 3. Access Time Saddexdaas qodob ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan doonaa.

1. Seek Time Si Heads-ku ay akhbaar uga soo akhriyaan ama ugu qoraan Platters-ka Hard Disk-ga, waa inay horta tagaan Track-ga markaas la rabo in wax laga soo akhriyo ama wax lagu qoro. Wakhtiga ay arrintaasi qaadataa wuxuu ku xiran yahay inta ay le'eg tahay fogaanta u dhexaysa Track-ga la raadinayo iyo Track-ga ay markaas Heads-ku taagan yihiin. Wakhtiga celcelis ahaan ay Heads-ka ku qaadato inay tagaan hadba Track-ga loo baahan yahay ayaa la yiraahdaa Seek Time. Seek Time-ku wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha Actuator-ka oo ah qaybta isku haysa isla markaana dhaqaajisa Heads-ka (Fiiri sawirka kore qaybta uu nambarkeedu yahay 4). Seek Time-ka waxaa lagu cabiraa waxa loo yaqaan milliseconds oo loo soo gaabiyo "ms" una dhigma hal ilbiriqsi (second) oo loo qaybiyay milyan qaybood qayb ahaan. Seek Time-ka Hard Disk-yada casriga ah ee maanta la isticmaalaa wuxuu celcelis ahaan u dhexeeyaa 4 ilaa 10 ms. Arrintaa Waxaad garab dhigtaa xawaaraha Memory-da oo sidaan Casharka 13-aad ku soo sheegnay lagu cabiro nanoseconds (ns) oo u dhigma hal ilbiriqsi oo loo qaybiyay bilyan qaybood qayb ahaan.

Horeyna waxaan u soo sheegnay in Memory-du ay aad uga gaabiso Processor-ka. Halkaa waxaad ka garan kartaa in Hard Disk-gu uu ka mid yahay qaybaha kumbiyuutarka kuwa xawaare ahaan ugu gaabiya. Waxaa in badan dhacda in qaybaha kale ee kumbiyuutarku ay iska fadhiyaan oo ay sugaan in Hard Diskgu uu hawsha qaybta kaga aaddan soo dhammeeyo. Seek Time-ku wuxuu ka mid yahay uguna horreeyaa waxyaabaha Hard Disk-ga wakhtiga ugu badan ka qaata, mar kasta oo uu Seek Time-ku sii yaraadana waxaa kor u kaca xawaaraha Hard Disk-ga taasoo iyaduna kor u qaadda xawaaraha hawl qabadka guud ee kumbiyuutarka. Sidaa darteed shirkadaha Hard Disk-yada sameeyaa waxay ku tartamaan xoogna ay saaraan in ay had iyo jeer hoos u dhigaan Seek Time-ka Hard Disk-ga. Waxaa suuqa Hard Disk-yada caadi ka noqotay in Seek Time-ka laga dhigo xawaaraha Hard Disk-ga oo dhan. Waxaad meelaha Hard Disk-yada lagu gado inta badan ka maqlaysaa iyadoo tusaale ahaan la oranayo xawaaraha Hard Disk-gaani yahay 9 ms, taasoo inta badan lagu saleeyo Seek Time-ka Hard Disk-gaas. Taasina waxay kuu caddaynaysaa sida uu Seek Time-ku muhiim ugu yahay xawaaraha Hard Disk-ga. 2. Latency Sida aan hore uga soo hadalnay marka Platters-ka waxa laga soo akhrinayo ama wax lagu qorayo waxaa loo baahan yahay in Heads-ku ay horta tagaan Track-ga markaas loo baahan yahay. Marka ay Heads-ku halkaa tagaan waxay sugaan inta Sector-ka ay akhbaartu ku qoran tahay uu ka imaanayo halka ay Heads-ku markaa taagan yihiin. Wakhtiga ay taasi qaadato wuxuu ku xiran yahay fogaanta uu Sector-ka la rabaa u jiro halka ay Heads-ku markaa taagan yihiin. Celceliska wakhtiga ay qaadato in Sector-ka la rabaa uu ku yimaado halka ay

Heads-ku joogaan ayaa la yiraahdaa Latency. Latency-ga Hard Disk-gu wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha uu ku wareego Spindle-ka Hard Disk-ga oo ah tiir dhexaadka ay Platters-ku ku dul rakiban yihiin ee wareejiya (Fiiri sawirka kore qaybta uu nambarkeedu yahay 3). Xawaaraha Spindle-ka waxaa lagu cabiraa waxa loo yaqaan RPM (Revolutions Per Minute) oo u taagan inta wareeg ee uu Spindle-ku sameeyo halkii daqiiqo. Xawaaraha Spindle-ka Hard Disk-yada maanta la isticmalo wuxuu u dhexeeyaa 4200 RPM ilaa 15000 RPM. Latency-ga waxaa sida Seek Time-ka lagu cabiraa Milliseconds (ms) waxaana xisaab ahaan lagu helaa 30000 (soddon kun) oo loo qaybiyey xawaaraha Spindle-ka. Tusaale ahaan haddii xawaaraha Spindle-ku uu yahay 4200 RPM, markaa wuxuu Latency-gu noqonayaa 30000/4200 = 7.1 ms. Haddiise uu xawaaraha Spindle-ku yahay 15000 (Shan iyo tobon kun) RPM, markaa Latency-gu wuxuu noqonayaa 30000/15000 = 2 ms. Marka laga hadlayo xawaaraha Hard Disk-ga waxaa sidaan hore u soo sheegnay inta badan aad looga hadlaa Seek Timeka, waxaadse halkan ka aragtaa in Latency-gu uu door weyn ka cayaaro xawaaraha Hard Disk-ga oo uusan Seek Time-ka kaligiis ku filnayn cabirridda xawaaraha rasmiga ah ee Hard Disk-ga. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Hard Disk gadanayso aad ogaato Latency-gu inta uu yahay ama ugu yaraan xawaaraha Spindle-ku inta uu yahay si aad markaa iskaa ugula soo baxdo Latency-ga. 3. Access Time Qodobada saamaynta ku leh xawaaraha Hard Disk-ga oo la isu geeyay ayaa waxaa la isku yiraahdaa Access Time. Qodobada uu Access Time-ku ka kooban yahay waxaa ugu muhiimsan labada qodob ee aan kor uga soo hadalnay ee kala

ah Seek Time iyo Latency. Haddii uu tusaale ahaan Hard Disk-ga Seek Time-kiisu uu yahay 8 ms, Latency-giisuna uu yahay 5 ms, markaa wuxuu Access Time-ka Hard Disk-gaasi noqonayaa 8 + 5 = 13 ms. Access Time-ku waa qodobka ugu muhiimsan ee lagu cabbiro xawaaraha dhabta ah ee Hard Disk-ga waayo wuxuu sheegayaa wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato inuu akhbaar ka soo akhriyo ama uu ku qoro Platters-ka. Inkastoo uu Access Time-ku yahay qodobka ugu muhiimsan xaqiiqadana ugu dhow ee lagu cabbiro xawaaraha Hard Diskga, haddana waxaa la yaab leh in ay yar tahay inta la isticmaalo oo shirkada Hard Disk-yada sameeyaa waxay had iyo jeer ka door bidaan qodobada kale sida Seek Time-ka. Waayo qodobada oo la kala qaado ama xataa mid keliya laga soo qaataa waxay Hard Disk-ga u muujinaysaa sidii inuu ka dheereeyo xawaarihiisa dhabta. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Hard Disk gadanayso ama aad is barbar dhigayso laba Hard Disk aad ogaato Access Time-ka Hard Disk-ga si aad u ogaato xawaaraha dhabta ah ee Hard Disk-gaas. Haddii aysan kuu suurtoobayn inaad ogaato Access Time-ka waxaad ugu yaraan codsataa inaad hesho Seek Time-ka iyo Latencyga. Waayo labadaas qodob oo la isu geeyay waxay ku siinayaan qiime aad iyo aad ugu dhow Access Time-ka Hard Disk-gaas. Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa noocyada Hard Disk-ga (IDE ama SCSI).

Noocyada Hard Disk-ga

Casharrada 14-aad, 15-aad iyo 16-aad waxaan kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay oo aan ka soo qaadannay kuwa ugu muhiimsan. Casharkaana waxaan ku soo qaadan doonnaa noocyada Hard Diskga. Habka uu Hard Disk-gu ugu xirmo akhbaartana ugu gudbiyo kumbiyuutarka intiisa kale waxaa loo yaqaan "Hard Disk Interface" aad ayuuna muhiim u yahay. Haddaba marka laga eego xagga Interface-ka Hard Disk-ga waxaa Hard Disk-yada maanta la isticmaalo loo kala qaadaa laba nooc oo kala ah: 1. IDE 2. SCSI Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan doonaa.

1. IDE Hard Disk-yada isticmaala Interface-ka loo yaqaan IDE (Integrated Drive Electronics) waxaa lagu magacaabaa IDE Hard Drives, waana nooca ugu caansan uguna badan ee lagu isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga. Magacyada kale ee Interface-kaan loo yaqaan waxaa ka mid ah ATA, ATA/ATAPI, EIDE, ATA-2, Fast ATA, ATA-3, Ultra ATA iyo Ultra DMA. Magacyadaasi waxay ka turjumayaan marxaladihii uu Interface-ka IDE-gu soo maray iyadoo marka uu cillad weyn ka gudbo ama uu tallaabo weyn hore u qaadaba magac cusub loo bixinayay. Markuu noocaani soo baxay wuxuu kor u qaaday xawaaraha, adkaysiga iyo is afgaradka Hard Disk-yada. Noocaan waxaa inta badan lagu isticmaalaa Kumbiyuutarrada loogu tala galay dadka caadiga ah iyo shaqaalaha kumbiyuutarka u

isticmaala howl maalmeedkooda. Taasna waxaa u sabab ah qiimihiisa oo jaban iyo isticmaalkiisa oo fudud. Markii ay shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa arkeen in kumbiyuutarrada ugu badan ee la gataa ay yihiin nooca loogu tala galay dadka caadiga ah iyo shaqaalaha ayaa waxay go'aansadeen inay soo saaraan kumbiyuutarro qiimahoodu jaban yahay oo uu Motherboard-kooda ku dhex dhisan yahay Interface-ka IDE-ga (fiiri Casharka 8-aad) islamarkaana uu la socdo ugu yaraan hal Hard Disk oo uu noociisu yahay IDE. Taasi waxay keentay in noocaani uu suuqa qabsado. Sidaan hore u soo sheegnay Interface-ka IDE-gu wuxuu soo maray marxalado badan oo marba marka ka dambeeya waa la sii casriyaynayay. Billawgii waxaa inteface-ka IDE-ga loogu tala galay Hard Disk-yada oo kaliya, tiro ahaanna wuxuu qaadan jiray oo ku xirmi karay laba Hard Disk oo kaliya. Waayo wuxuu lahaa hal kanaal (waddada uu Hard Disk-gu akhbaarta u mariyo kumbiyuutarka intiisa kale) oo ay ku xirmi kareen laba Hard Disk oo keliya. Waxaa intaas sii dheeraa iyadoo Hard Disk-ga adeegsanaya Interface-ka IDEga uu qaadkiisu (size) ku koobnaa ugu badnaan 504 MB oo keliya. Waayo Interace-ka IDE-ga iyo BIOS-ka midna awood uma lahayn inuu maamulo Hard Disk uu qaadkiisu ka weyn yahay 504 MB. Billawgii 1990-meeyadii ayaa waxaa la garawsaday baahida loo qabo in Interface-ka IDE-ga loo isticmaalo qalab kale oo aan Hard Disk ahayn. Taasina waxay keentay in wax laga beddelo sidii uu IDE-gu u shaqayn jiray si uu u aqbalo qalab aan ahayn Hard Disk-gii markii hore loogu tala galay. Interface-ka IDE-ga waxaa maanta Hard Disk-yada la wadaaga qalab kale oo ay ka mid yihiin CD-ROM (reader), CD-RW (Writer), Zip drives, Tape devices iwm, wuxuuna sida caadiga ah leeyahay laba kanaal oo ay kiiba ku xirmi karaan laba ka mid ah qalabka aan kor ku soo sheegnay.

Guud ahaan waxay labada kanaal qaadan karaan 4 qalab oo isugu jira Hard Disk-yo, CD-ROM, Zip Drive iyo Tape device. Waxaa kale oo meesha ka baxay xadkii qaadka Hard Disk-gu uu ku xaddidnaa 504 MB oo waxaa maanta IDE adeegsada Hard Disk-yo uu qaadkoodu kor u dhaafayo 30 GB.
o

IDE Channels Waddooyinka uu Hard Disk-gu akhbaarta u mariyo kumbiyuutarka intiisa kale ayaa waxaa loo yaqaannaa Channels. Sidaan hore u soo sheegnay Interface-ka IDE-gu wuxuu sida caadiga ah leeyahay laba kanaal. Labadaas kanaal oo sidaan hore u soo sheegnay ku dhex dhisan Motherboard-ka waxay kala yihiin: 1. Primary Channel 2. Secondary Channel Mid kasta oo ka mid ah labadaas kanaal waxaa gala ama ku xirma fiilo ballaaran oo muuqaalka guud uga eg suunka ay askartu dhexda ku xirato (fiiri sawirka hoose).

Fiiladaasi waxay sida saawirka kaaga muuqata leedahay saddex af oo midkood ku xirmo Motherboard-ka. Labada kale waxaa ku xirmi kara mid ka mid ah qalabka isticmaala Interface-ka IDE-ga ee aan kor ku soo sheegnay. Qalabka labada af ee dambe ee fiiladaas ku xirmayaa waxay tusaale ahaan noqon karaan laba Hard Disk ama hal Hard Disk iyo hal CD-ROM iwm. Khasab ma aha in labada afba wax lagu xiro oo taasi waxay ku xiran tahay hadba tirada qalabka aad haysato. Tusaale ahaan haddaad haysato hal Hard Disk oo kaliya islamarkaana aadan haysan CD-ROM, markaa wuxuu Hard Disk-gaasi ku xirmayaa mid ka mid ah labada af ee Primary Channel-ka. Afka kale ee Primary Channelka iyo labada af ee Secondary Channel-kuba way iska banaanaanayaan oo waxba kuma xiraysid, illeen waxaad ku xirtaba ma hayside. Haddaadse haysato hal Hard Disk iyo hal CD-ROM markaa Hard Disk-ga waxaad ku xiraysa mid ka mid ah labada af ee Primary Channel-ka, CD-ROM-kana waxaad ku xiri kartaa afka kale ee Primary Channel-ka ama mid ka mid ah labada af ee Secondary Channel-ka. Sidaa iyo si la mid ah ayaad u isticmaalaysaa labada kanaal iyo afafkoodaba.
o

Master / Slave Mid kasta oo ka mid ah kanaallada IDE-ga waxaa, sidaan hore u soo sheegnay, ku xirmi kara hal ilaa laba ka mid ah qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga. Haddaba si ay u suurto gasho in hal kanaal ay wada adeegsadaan laba shay, waxaa muhiim ah in la helo nidaam lagu kala garto ama lagu kala sooco labadaas shay. Sidaa darteed ayaa waxa la soo saaray nidaam faraya in labada shay midkood laga dhigo Master kan kalena laga dhigo Slave. Si mid ka mid ah labada shay looga dhigo Master ama Slave waxaa la adeegsadaa

waxa loo yaqaan Jumper oo ah qolof yar oo madaw oo lagu daboolo laba ka mid ah ilko yar yar oo bir ah oo ku samaysan qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga (fiiri sawirka hoose).

Sawirkaas waxaa kaaga muuqda laba ilkood oo lagu daboolay Jumper islamarkaana ay labada dhinac ka kala xigaan min laba ilkood oo aan wax dabool ahi saarnayn. Sawirkaas oo muujinaya qaar ka mid ah Jumpers-ka Motherboad-ka waxaan ugu tala galnay oo keliya inaad ku fahamto waxa uu Jumper-ku yahay. Qalabka adeegsada Interface-ka IDE-ga waxaa inta badan la socda akhbaar kuu sheegaysa sida qalabkaas looga dhigo Master ama Slave. Akhbaartaas waxaad had iyo jeer ka heli kartaa buugga yar ee la socda qalabkaas. Waxaa kale oo ay shirkadaha qaarkood akhbaartaas ku qoraan qalabka dushiisa ama warqad dusha looga sii dhejiyo qalabkaas. Sawirka hoose wuxuu muujinayaa Hard Disk lagu dul qoray akhbaarta sheegaysa sida Hard Disk-gaas looga dhigo Master ama Slave.

Sawirkaas waxaa kaaga muuqda lix ilkood oo laba laba isugu aaddan. Labada ilkood ee xiga dhanka bidixe waxaa ku hoos qoran xarfaha "MA" oo u taagan Master, taasoo micneheedu yahay in si Hard Disk-gaas looga dhigo Master Jumper-ka lagu daboolo labada ilkood ee bidixda xiga. Labada ilkood ee dhexe waxaa iyagana ku hoos qoran xarfaha "SL" oo u taagan Slave, taasoo uu micneheedu yahay in si Hard Disk-gaas looga dhigo Slave Jumper-ka lagu daboolo labada ilkood ee dhexe. Labada ilkood ee midigta xiga waxaa iyagana ku hoos qoran xarfaha "CS" oo u taagan Cable Select, taasoo uu micneheedu yahay in Hard Disk-gaasi uu adeegsanayo fiilo gaar ah oo iyadu awood u leh inay iskeed u kala garato Master iyo Slave iyadoo aan si cad loogu sheegin.
o

Xawaaraha IDE-ga Hard Disk-yada uu noocoodu yahay IDE-gu xawaare ahaan way ka gaabiyaan nooca kale ee loo yaqaan SCSI oo aan ka hadli doono. Seek Time-ka Hard Disk-yada IDE-gu wuxuu u dhexeeyaa 8 ms ilaa 10 ms. Latencygooduna wuxuu u dhexeeyaa 3 ms ilaa 5.6 ms. Celcelis ahaan xawaarahooda rasmiga ahi wuxuu markaa noqonayaa inta u dhexaysa 11 ms ilaa 15.6 ms. Xusuusnow in waxa la cabirayo uu yahay wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato in uu akhbaar ka soo akhriyo ama ku qoro Platters-ka. Taasi waxay keenaysaa in

marka uu wakhtigu sii yaraadaba uu xawaaraha Hard Disk-gu sii kordho. Sidaa darteed Hard Disk-ga uu xawaarihiisu yahay 11 ms wuu ka dheereeyaa kan uu xawaarihiisu yahay 15.6 ms. 2. SCSI Nooca labaad ee Hard Disk-yadu waa kuwa adeegsada Interface-ka loo yaqaan SCSI (Small Computers System Interface) oo loogu dhawaaqo "iskaasi". Interface-ka SCSIgu wuu ka heer sarreeyaa, xawaare ahaana ka dheereeyaa Interface-ka IDE-ga ee aan hore uga soo hadalnay, waxaana jira dhinacyo dhawr ah oo SCSI-gu uu kaga fiican yahay IDE-ga. Sidaa darteed ayaa SCSI waxaa inta badan loo isticmaalaa kumbiyuutarrada loo yaqaan Servers-ka ee loo isticmaalo inay xarun u noqdaan islamarkaana ay kala hagaan akhbaar ama howlo ay dad badani isla isticmaalaan. Kumbiyuutarrada noocaas loo isticmaalo waxaa tusaale ahaan ka mid ah Web Hosts (oo ah kuwa xarunta u ah Homepage-yada Internet-ka) iyo kuwa loo yaqaan Mail Servers (oo ah kuwa xarunta u ah E-mail-ka la isu diro) iyo kuwo kale. Hard Disk-yada uu noocoodu yahay SCSI-gu way ku yar yihiin suuqa kumbiyuutarrada ay dadka caadiga ahi isticmaalaan, waayo qiimahooda ayaa ka sarreeya kan IDEga islamarkaana dhinacyada uu SCSI-gu kaga fiican yahay IDE-ga waa kuwo aan faa'iido sidaas ah oo la dareemi karo u lahayn dadka caadiga ah. Intaas waxaa dheer iyada oo SCSI uu xagga isticmaalka ka adag yahay IDE. Taasi waxay keentay in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay inta badan kumbiyuutarradooda u doortaan IDE. Interface-ka SCSI-gu inta badan kuma dhex dhisna Motherboard-ka laakiin waa kaar ka gaar ah Motherboard-ka oo loo yaqaan SCSI Host Adapter oo la geliyo mid ka mid ah

Buses-ka Motherboard-ka. SCSI wuxuu caan ku yahay tirada disk-yada iyo qalabka kale ee ku xirmi kara oo aad uga badan inta IDE ku xirmi karta. SCSI run ahaantii ma aha Disk Interface ee waa Bus gaar ah oo ay ku xirmi karaan ilaa 15 nooc oo ka mid ah noocyada qalabka kala duwan ee kumbiyuutarka lagu xiriiriyo. Kumbiyuutarrada badankoodu waxay qaadan karaan ilaa afar kaar oo SCSI ah oo kiiba ay ku xirmi karaan 15 ah qalab kala duwan. Laakiin sida xaqiiqada ah way adag tahay in hal kumbiyuutar lagu xiro tiro intaas le'eg oo ah qalab kala duwan, waayo waxaa jira dhawr arrimood oo arrintaas ka dhigaya mid aan munaasab ama suurtogal ahayn. Si loo kala sooco qalabka ku xirmaya Interface-ka SCSI-ga waxaa mid kasta oo qalabkaas ka mid ah la siiyaa nambar u gaar ah oo lagu garto. Nambarkaas waxaa loo yaqaan SCSI ID wuxuuna ka billawdaa 0 (eber) iyadoo mar kasta lagu darayo hal, sida 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7 ... iwm. Hal nambar islama qaadan karaan laba shay ama wax ka badan, waayo haddii ay taasi dhacdo waxaa imaanaysa in labada shay ee isku nambarka ahi ay isku dhacaan oo la kala garan waayo. Sidaa darteed aad ayay muhiim u tahay in shay kastaa uu qaato hal nambar oo isaga u gaar ah. Qalabka adeegsada Interface-ka SCSI-gu wuxuu u kala baxaa laba nooc oo kala ah: 1. Internal Devices: Oo ah qalabka la galiyo oo lagu rakibo santuukha kumbiyuutarka dhexdiisa sid Hard Disk-yada, CD-ROM, CD-WR, Tape Drives iyo kuwo kale. 2. External Devices: Oo ah qalabka xagga dambe kaga xirma santuukha kumbiyuutarka iyagoo bannaanka yaalla sida Printers-ka, Scaners-ka iyo Hard Disk-yada iyo CD-ROM-yada ku xirma santuukha kumbiyuutarka

iyagoo bannaanka ka yalla (External Hard Drivers / External CD-ROM Drives) iyo kuwo kale. Halka IDE markiisii hore loogu tala galay Hard Disk-yada oo keliya, SCSI waxaa markiisii horeba loogu talagalay inay isticmaalaan qalabka kala duwan ee kumbiyuutarka lagu xiriiriyo iyadoo aan Hard Disk-yada la siinin mudnaan gaar ah oo laga duulayay in Har Disk-yadu ka mid noqdaan noocyada qalabka kala duwan ee adeegsanaya Interface-ka SCSI. Taasi waxay keentay in SCSI uu xagga xawaaraha, tirada noocyada qalabka ku xirmi karaba kaga horreeyo nooc kasta oo ka mid ah noocyada Interfaceyada loo isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay PC-ga.
y

Xawaaraha SCSI-ga Hard Disk-yada uu noocoodu yahay SCSI-gu xawaare ahaan way ka dheereeyaan nooca kale ee loo yaqaan IDE-ga. Seek Time-ka Hard Disk-yada SCSI-gu wuxuu u dhexeeyaa 4 ms ilaa 8 ms. Latency-gooduna wuxuu u dhexeeyaa 2 ms ilaa 3 ms. Celcelis ahaan xawaarahooda rasmiga ahi wuxuu markaa noqonayaa inta u dhexaysa 6 ms ilaa 12 ms. Xusuusnow in waxa la cabirayo uu yahay wakhtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato in uu akhbaar ka soo akhriyo ama ku qoro Platters-ka. Taasi waxay keenaysaa in marka uu wakhtigu sii yaraadaba uu xawaaraha Hard Disk-gu sii kordho. Sidaa darteed Hard Disk-ga uu xawaarihiisu yahay 6 ms wuu ka dheereeyaa kan uu xawaarihiisu yahay 12 ms.

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa Floppy Disk Drive-ka. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com

CD-ROM Drives (Compact Disk-Read Only Memory)

_ Sawir muujinaya CD-ROM Drive (bidix) iyo saxanka CD-ga (midig) CD-ROM Drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo saxanka wareegsan ee loo yaqaan CD-ga ee kumbiyuutarrada lagu isticmaalo. Ereyga CD-ROM wuxuu u taagan yahay "Compact disk - Read Only Memory" taasoo muujinaysa samayska iyo isticmaalka saxanka CD-ga. "Compact Disk" waxay muujinaysaa in saxanka CD-gu uu samays ahaan yahay mid adag oo isku cufan oo aan si fudud loo qalloocin karin iyadoo aan dhibaato loo gaysan. "Read Only Memory" waxay muujinaysaa in saxanka loogu talagalay in wixii akhbaar ah ee ku jira laga soo akhristo oo kaliya ee aan wax lagu qori karin. CD-ROM-ku muddo dheer ayuu sidaa u shqayn jiray oo isticmaalkiisu uu ku koobnaa oo in wax laga soo akhristo oo kaliya, laakiin arrintaasi waxay wax weyn iska beddeleen markii ay soo baxeen noocyada CD-R iyo CD-RW oo ah saxammo loogu talagalay in wax lagu qoro waxna laga soo akhriyo. Noocyadaas waan ka hadli doonnaa hadduu rabi idmo. Marka la eego Windows, CD-ROM Drive-ku ma laha xaraf go'an oo si joogto ah astaan ugu ah, laakiin waxaa astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa inaad aragto CD-ROM uu astaan u yahay xarafka D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay xarafka E: ama F: iwm. Baaxadda iyo cabbirka CD-ROM-ka

Baaxadda CD-ROM-ka waxaa, sida Hard Disk-ga iyo Floppy Disk-ga, lagu cabbiraa Byte, KB (kilobyte) iyo MB (megabyte). Haddaad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cabirradaas iyo waxa ay kala yihiin fadlan fiiri Casharka 14-aad gaar ahaan qaybta "Baaxadda Hard Disk-ga". Saxanka CD-ROM-ka cabbirkiisu (dhexroorka) waa 4.72 inch (4.72") oo u dhaganta 12 cm, dhumucdiisuna waa 1.2 mm. Xagga baaxadda waxay CD-ROM-yada caadiga ahi qaadaan 650 MB, waxaase jira qaar ay baaxaddoodu intaa ka badan tahay oo qaada 750 MB in kastoo kuwaas isticmaalkoodu uusan badnayn. Muhiimadda CD-ROM Drive-ka CD-ROM Drive-ka muddo yar oo sanado ah ayay ku qaadatay in uu ka mid noqdo qaybaha asaasiga ah ee inta badan kumbiyuutar kasta la socda. Sidaan ku soo aragnay Casharka 18-aad CD-ROMku wuxuu xataa la wareegay inta badan hawlihii uu Floppy Disk Drive-ku qaban jiray taasna waxaa keenay qiimaha CD-ROM-ka oo aad hoos ugu dhacay iyo samayntiisa oo iyaduna aad fudud. Intaa waxaa sii dheer baaxadda program-yada kumbiyuutarka la geliyo oo aad sare ugu kacday tasoo keentay in CD-ROM-ku uu la wareego hawsha program gelinta kumbiyuutarka (Software Installation). Waayo halkii CD-ROM oo nooca caadiga ahi wuxuu la qaad yahay qiyaas ahaan 451 Diskette. Tusaale ahaan programka "Windows 98 Second Edition" oo laga reebay dhammaan waxyaabaha dheeriga ah ee la socda ayaa baaxaddiisu waxay tahay 120 MB wuxuuna u baahanayaa 84 Diskette. Si program-kaas oo Diskette-yo ku jira aad kumbiyuutar u geliso waxaad u baahan tahay inaad 84 Diskette marba mid geliso, taasoo sida aad garan karto ah arrin aad u adag. Sidaa darteed shirkadaha program-yada sameeyaa waxay program-yadooda iibiyaan iyagoo ku jira CDROM. Taasi waxay CD-ROM-ka ka dhigtay qayb asaasi ah oo aad muhiim ugu isticmaalka kumbiyuutarka. CD-ROM-ka hawlaha loo isticmaalo ka mid ah:

1. Kumbiyuutar gelinta program-yada cusub (Software Instalation) Arrinta ugu muhiimsan ee CD-ROM-ka ka dhigtay qayb lagama maarmaan u ah kumbiyuutarka waa program-yada cusub oo intooda badan la iibiyo iyagoo ku jira CD-ROM oo kaliya. Haddii kumbiyuutarkaagu uusan lahayn CD-ROM kuuma suurtoobayso inaad isticmaasho inta badan programyada ganacsiga ah ee maanta isticmaalo. Waa dhif iyo naadir in la arko program-yo cusub oo Diskette-yo ku jira, hadddii ay jiraanna waa kuwo aad u yar yar. 2. Kumbiyuutar gelinta program-yada ka shaqaysiiya qalabka kumbiyuutarka lagu xiriiriyo (Driver installation) Inta badan qalabka kumbiyuutarka lagu xiriiriyo waxay adeegsadaan CD-ROM si ay kumbiyuutarka u geliyaan program-yada la socda ee qalabkaas ka shaqaysiiya ee loo yaqaan Drivers-ka. Qalabka CD-ROM-ka noocaan u adeegsado waxaa tusaale ahaan ka mid ah daabaceyaasha (Printers), Monitors-ka, Scanners-ka, Sound Cards-ka, Joysticks-ka, Gamepads-ka iwm. 3. Kaydinta iyo xafidaadda program-yada iyo akhbaaraha muhiimka ah (Backup) Markii ay soo baxeen noocyada CD-R iyo CD-RW oo suurtogal ka dhigay in CD-ga wax lagu qoro, ayaa waxaa billaabatay in noocyadaas CD-ga ah loo adeegsado in lagu keydsado koobi ka mid ah program-yada iyo akhbaarta muhiimka ah, iyadoo arrintaas loo adeegsanayo qalabka loo yaqaan "CD Burner". Dhismaha CD-ROM Drive-ka CD-ROM-ku wuxuu xagga dhismaha asaasiga ah ka shaabahaa Hard Disk-ga iyo Floppy Disk Drive-ka wuxuuse uga duwan yahay habka saxanka akhbaarta loogu qoro iyo habka looga soo akhriyo. Qaybaha uu CD-ROM Drive-ku dhismo ahaan ka kooban yahay waxaa ka mid ah:

1. 2. 3. 4.

Head Assembly Head Actuator Mechanism Spindle Motor Connectors

Qaybahaas ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan doonnaa. 1. Head Assembly Sida aad la socoto CD-ga hal dhinac ayaa akhbaarta looga qoraa, sidaa darteed CD-ROM Drive-ku wuxuu leeyahay hal Head oo wax ka soo akhriya dhinaca ay CD-ga akhbaartu uga qoran tahay. Head-ka CD-ROM Drive-ku wuxuu ka kooban yahay qaybo la isku dhisay (Assembly) wuxuuna u shaqeeyaa si ka duwan sida ay u shaqeeyaan kuwa Hard Disk-ga iyo FDD-ka. Taasna waxaa u sabab ah farsamada uu CD-ROM Drive-ku adeegsado si CD-ga akhbaar loogu qoro ama looga soo akhriyo oo ka duwan tan Hard Diska-ga iyo FDD-ka. Si akhbaar loogu qoro CD-ga waxaa la adeegsadaa ilays xooggan (laser) oo lagu gubo hadba meesha la rabo in wax lagu qoro. Si CD-ga akhbaar looga soo akhriyo waxaa oogada CD-ga lagu shidaa iftiin lagu toosiyo hadba meesha la rabo in akhbaarta laga soo akhriyo. Marka uu iftiinkaasi ku dhaco oogada CD-ga, wuxuu CD-gu dib u soo celiyaa qayb ka mid ah iftiinkaas. Xaddiga iftiinka ee uu CD-gu soo celiyaa waxay ku xiran tahay hadba meesha uu iftiinku ku dhaco. Iftiinka uu CD-gu soo celiyo ayaa waxaa loo rogaa awood koronto, taasoo loo sii turjumo akhbaartii loo baahnaa. Head-ka CD-ROM-ku ma taabto oogada CD-ga ee kor ayuu uga kacsan yahay, maadaama uu CD-ROM Drive-ku adeegsado iftiin marka uu CD-ga wax ka soo akhrinayo. CDga oo wareeganaya ayuu Head-ku dul socdaa oo uu ilayska ku shidaa isagoo u soconaya horay iyo gadaal. Wareegga CD-ga iyo socodka Head-ka ayaa waxay keenayaan in

ilaysku uu ku dhaco hadba meel cusub oo ka mid ah oogada CD-ga. 2. Head Actuator Head Actuator-ku waa qaybta dhaqaajisa Head-ka oo geysa hadba meesha la rabo in wax lagu qoro ama wax laga soo akhriyo. Head Actuator-ka CD-ROM Drive-ku wuu gaabiyaa marka la garab dhigo Head Actuator-ka Hard Disk-ga, arrintaas waxaan uga hadli doonaa casharrada dambe ee aan uga hadli doono xawaaraha CD-ROM Drive-ka. 3. Spindle Motor Spindle Motor-ku waa qaybta wareejisa saxanka CD-ga ee markaa ku jira CD-ROM Drive-ka. Akhbaarta CD-ga ku keydsani waxay ku qoran tahay wareegyo aanay ishu arki karin oo loo yaqaan Tracks, sida kaaga muuqata sawirka tusaalaha ah ee hoose:

Sida sawirka kaaga muuqata Track-yadu waxay u kala weyn yihiin sida ay u kala korreeyaan. Sidaa darteed akhbaarta ku qorani waxay u kala badan tahay sida ay u kala weyn yihiin. Haddaba si Head-ku uu akhbaar uga soo akhriyo Track-ga ugu weyn, wuxuu u baahan yahay wakhti ka badan inta ay ku qaadato Tracka-ga ugu yar. Taasi waxay keentay in xawaaraha Spindle-ku uu isla beddelo cabbirka Track-ga

markaas wax laga soo akhrinayo. Mar kasta oo cabbirka Track-gu uu sii weynaadaba waxaa yaraanaya xawaaraha uu Spindle-ku ku wareego, si Head-ka loo siiyo wakhti uu akhbaarta ku soo akhriyo. Nidaamka noocaas ah waxaa loo yaqaan CLV (Constant Linear Velocity). Ujeeddada ugu muhiimsan ee nidaamka CLV-gu waa in xaddiga akhbaarta uu Head-ku soo akhriyo halkii ilbiriqsi (second) ay isku mid noqoto. Nidaamka CLV-ga waxaa isticmaala laga soo billaabo CD-ROM-yadii ugu horreeyay ilaa kuwa uu xawaarahoodu yahay 12X (xawaaraha CD-ROM-ka waan ka hadli doonnaa). Marka la eego Hard Disk-ga iyo FDD-ka, Spindle-koodu wuxuu had iyo jeer ku wareegaa xawaare isku mid ah oo aan isbeddelin, cabbirka Track-guna wax saamayn ah kuma laha xawaaraha Spindle-kooda. Nidaamka noocaas ah ee uu ku shaqeeyo Spindle-ka Hard Disk-ga iyo FDD-ka waxaa loo yaqaan CAV (Constant Angular Velocity). Nidaamka CAVgu wuxuu isaguna xoogga saaraa in xawaaraha Spindle-ku uu had iyo jeer isku mid ahaado, tasoo keenaysa in akhbaarta uu Head-ku halkii ilbiriqsi ku soo akhriyaa ay sii yaraato mar kasta oo cabbirka Track-gu uu sii weynaadaba. Markii xawaaraha CD-ROM-ku uu aad kor ugu kacay ayaa waxaa farsamo ahaan adkaatay in xawaaraha Spindle-ku uu isla bedbeddelo cabbirka Track-ga, waayo taasi waxay wax weyn u dhintay xawaaraha guud ee CD-ROM-ka. Sidaa darteed CD-ROM-yada uu xawaarhoodu yahay 16X iyo wixii ka dambeeyay waxay qaateen nidaamka CAV (Constant Angular Velocity) oo ah midka ay Hard Disk-ga iyo FDD-ku isticmaalaan ee aan kor uga soo hadalnay. Nidaamka CAVgu wuxuu keenayaa in CD-gu uu had iyo jeer ku wareego xawaare isku mid ah, laakiin akhbaarta uu Head-ku soo akhriyo halkii ilbiriqsi (second) ayaa is bedbeddesha. Waxaa kale oo jira qaar ka mid ah CD-ROM-yada oo

isticmaala labda nidaam ee CLV iyo CAV oo la isku daray la iskuna celceliyey. 4. Connectors CD-ROM Drive-ku wuxuu xagga fiilooyinka kala mid yahay Hard Disk-ga oo waxay run ahaantii isticmaalaan fiilooyin isku mid ah. CD-ROM Drive-ka waxaa sida Hard Disk-ga ku xirma oo kumbiyuutarka ku xiriiriya laba fiilo oo kala ah: o Power Connector oo ah fiilada uu CD-ROM Drive-ku korontada ka qaato.

Fiiladaasi waxay sida sawirka kaaga muuqata la mid tahay fiilada uu Hard Disk-gu korontada ka qaato waxaana isticmaala CD-ROM-yada ku dhex dhisan santuukha kumbiyuutarka (Internal CD-ROM). Data interface Cable Fiilada labaad ee CD-ROM Drive-ka ku xiranta waa fiilada akhbaarta u kala gudbisa CD-ROM Drive-ka iyo kumbiyuutarka intiisa kale. Fiiladaasi waxay la mid tahay fiilada Hard Disk-ga akhbaarta u gudbisa ee aan ku soo aragnay Casharka 15-aad.

Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa xawaaraha CDROM-ka.

Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com

Xawaaraha CD-ROM Drive-ka Marka la cabirayo xawaaraha CD-ROM Drive-ka waxaa la fiiriyaa xaddiga akhbaarta ee uu CD-ROM-ku soo akhriyo halkii ilbiriqsi (second). CD-ROM-ka waxaa suuqa uga horreeyay oo la isticmaali jiray ilaa iyo maantana la isticmaalaa qalabka loo yaqaan stereo-ga ee lagu dhegaysto saxammada CD-ga ee ay ku duuban yihiin heesaha iyo wixii la mid ah. Run ahaantii qalabkaasi wuxuu asaas u noqday samaynta CD-ROM-ka oo CD-ROM-yadii ugu horreeyay waxa farsamo ahaan u shaqayn jireen sida Stereo-ga. Xawaare ahaan Stereo-gu wuxuu halkii ilbiriqsiba soo akhriyaa 150 KB, CD-ROM-yadii ugu horreeyayna wuxuu xawaarahoodu la mid ahaa kan Stereo-ga oo waxay iyaguna halkii ilbiriqsi soo akhrin jireen akhbaar dhan 150 KB. Xawaaraha Stereo-ga oo loo yaqaan "Single Speed" wuxuuna qiyaas asaasi ah u noqday guud ahaan xawaaraha CD-ROM-yada oo ilaa iyo maanta waxaa xawaaraha CD-ROM-ka looga qiyaas qaataa kan Stereo-ga. Xawaaraha CD-ROM-ka waxaa lagu muujiyaa tiro ay ka dambayso calaamadda ku dhufada (X) sida: 24X, 32X, 40X iwm. Tiradaasi waxay sheegaysaa inta jeer ee uu CD-ROM-kaasi ka dheereeyo xawaaraha Stereo-ga oo loo soo gaabiyo 1X. Tusaale ahaan tirada 24X waxay sheegaysaa in CDROM-kaas uu xawaarihiisu yahay 24 X 150 KB = 3600 KB (3.6 MB), taasoo uu micneheedu yahay inuu halkii ilbiriqsiba soo akhriyo akhbaar dhan 3.6 MB. Tirada 32X waxay sheegaysaa inuu xawaaruhu yahay 32 X 150 KB = 4800 KB (4.8 MB). 40X waxay iyaduna u dhigantaa 40 X 150 KB = 6000 KB (6 MB).

Xawaaraha CD-ROM-ka ee sidaas loo sheego waxaa si aad ah u isticmaala shirkadaha sameeya CD-ROM-yada iyagoo arrintaaas u adeegsada xayaysiin ahaan iyo suuq geynta qalabkooda. Shirkadahaasi waxay tiradaas ku dul qoraan baakadda uu CDROM-ku ku jiro iyo xataa inta badan CD-ROM-ka laftiisa. Laakiin sida aan casharkaan ku arki doonno tiradaasi ma sheegto xawaaraha dhabta ah ee CD-ROM-ka ee waxaa kaliya ee ay sheegaysaa xawaaraha ugu badan ee macquulka ah. Haddaba si loo ogaado xawaaraha dhabta ah ee CD-ROM-ka waxaa la fiiriyaa qodobbo ay ka mid yihiin kuwa soo socda: 1. 2. 3. 4. 5. Transfer Rate Speed Change Time Seek Time Latency Access Time

Shantaas qodob ayaan halkaan mid mid ugu soo qaadan doonaa.

1. Transfer Rate Transfer Rate-ku wuxuu sheegaa xaddiga akhbaarta ah ee uu CD-ROM-ku halkii ilbiriqsi soo akhriyo. Sida aan ku soo aragnay Casharka 19-aad akhbaarta CD-ga ku keydsani waxay ku qoran tahay wareegyo aanay ishu arki karin oo loo yaqaan Tracks oo u kala weyn sida ay u kala korreeyaan, fiiri sawirka tusaalaha ah ee hoose.

Maadaama Tracks-ka CD-gu ay cabbir ahaan kala weyn yihiin, akhbaarta ku qorani waxay u kala badan tahay sida ay u kala weyn yihiin. Tusaale ahaan akhbaarta ku qoran Trackga ugu korreeya cabbir ahaana ugu weyn dhawr jeer ayay ka badan tahay tan ku qoran Track-ga ugu hooseeya ee cabbir ahaan ugu yar. Arrintaasi waxay saamayn weyn ku leedahay xaddiga akhbaarta ah ee uu Head-ka CD-ROM-ku soo akhrin karo halkii ilbiriqsi (Transfer Rate). Marka uu CD-ROM-ku akhbaar soo akhrinayo waxaa saxanka CD-ga wareejiya qaybta loo yaqaan Spindle Motorka. Saxanka CD-ga oo wareeganaya ayuu Head-ka CDROM-ku akhbaarta ka soo akhriyaa isagoo u soconayo horey iyo gadaal. Socodka Head-ku uu horay iyo gadaal u soconayo ayaa wuxuu keenayaa in uu marba tago Track hor leh oo uu akhbaarta ka soo akhriyo. Haddii saxanka CD-gu uu had iyo jeer ku wareego xawaare isku mid ah, waxaa markaa dhacaysa in xawaaraha ay ku socoto akhbaarta maraysa Head-ka hoostiisa uu kor u kaco mar kasta oo cabbirka Track-gu uu sii kordhaba. Taasi waxay keenaysaa in marka Head-ku uu wax ka soo akhrinayo Track-yada waaweyn uu ka gaari waayo inuu halkii ilbiriqsi ku soo akhriyo akhbaar xaddi ahaan la mid ah tan uu ka soo akhriyo Track-yada yar yar. Si arrintaas loo xalliyo ayaa waxaa la soo saaray nidaamka loo yaqaan CLV (Constant Linear Velocity). Nidaamkaasi

wuxuu sheegayaa in xawaaraha Spindle-ku (oo ah xawaaraha uu saxanka CD-gu ku wareego) uu isla beddelo cabbirka Track-ga markaas wax laga soo akhrinayo. Mar kasta oo cabbirka Track-gu uu sii weynaadaba waxaa yaraanaya xawaaraha Spindle-ka. Mar kasta oo cabbirka Track-gu uu sii yaraadana waxaa kor u sii kacaya xawaaraha Spindle-ka. Taasi waxay keenaysaa in xaddiga akhbaarta ee uu Head-ku halkii ilbiriqsi soo akhriyaa ay had iyo jeer isku mid noqoto. CD-ROM-yada uu xawaarahoodu yahay 12X iyo wixii ka horreeyay waxay ku shaqeeyaan nidaamka CLV-ga. Markii xawaaraha CD-ROM-ku uu aad kor ugu kacay ayaa waxaa farsamo ahaan adkaatay in xawaaraha Spindle-ku uu isla bedbeddelo cabbirka Track-ga, waxayna taasi wax weyn u dhintay xawaaraha guud ee CD-ROM-ka. Waayo mar kasta oo loo baahdo in xawaaraha Spindle-ka hoos loo dhigo ama kor loo qaado waxay qaadanaysaa wakhti dheeri ah oo hawl kale lagu qaban kari lahaa. Sidaa darteed CD-ROM-yada uu xawaarhoodu yahay 16X iyo wixii ka dambeeyay waxay qaateen nidaamka CAV (Constant Angular Velocity) oo ah midka ay Hard Disk-ga iyo FDD-ku shaqeeyaan. Nidaamka CAV-gu wuxuu keenayaa in CD-gu uu had iyo jeer ku wareego xawaare isku mid ah, laakiin akhbaarta uu Head-ku soo akhriyo halkii ilbiriqsi ama Transfer Rate-ka ayaa is bedbeddela. CD-ROM-yada nidaamkaan ku shaqeeya waxaa xawaaraha Head-kooda lagu saleeyaa xawaaraha Track-ga ugu sarreeyaa uu ku socdo, sidaa darteed waxay akhbaarta ugu badan soo akhriyaan marka ay wax ka soo akhrinayaan Track-ga ugu weyn. Mar kasta oo cabbirka Track-gu sii yaraadaba waxaa sii yaraanaysa xaddiga akhbaarta ee uu Head-ku soo akhriyo halkii ilbiriqsi. Sidaa darteed xawaaraha ku qoran CD-ROM-yada ku shaqeeya nidaamka CAV-ga (sida 24X, 40X iwm) wuxuu sheegayaa Transfer Rate-ka Track-ga ugu weyn.

Waxaa kale oo jira qaar ka mid ah CD-ROM-yada oo isticmaala labada nidaam ee CLV iyo CAV oo la isku daray la iskuna celceliyey. CD-ROM-yada noocaan u shaqeeyaa marka ay wax ka soo akhrinayaan Track-yada waaweyn waxay adeegsadaan nidaamka CAV-ga, marka ay wax ka soo akhrinyaan Track-yada yar yarna waxay u adeegsadaan nidaanka CLV-ga. Xawaaraha CD-ROM-yada noocaan ah waxaa loo qoraa CLV/CAV sida 12X/20X. Transfer Rate-ku waa qodobka ugu muhiimsan ee lagu cabbiro xawaaraha CD-ROM-ka, hase yeeshee waxa jira qodobo kale oo aan ka hadli doonno oo samayn ku leh Transfer Rate-ka CD-ROM-ka iyo guud ahaan xawaarhiisaba. 2. Speed Change Time Sida aan kor ku soo sheegnay xawaaraha Spindle-ka ee CDROM-yada ku shaqeeya nidaamka CLV-gu wuxuu isla beddelaa cabbirka Track-ga oo marka uu cabbirka Track-gu sii weynaadaba xawaaraha Spindle-ku hoos ayuu u dhacaa. Wakhtiga ay qaadato in xawaaraha Spindle-ka la beddelo oo ama hoos loo dhigo ama kor loo qaado ayaa la yiraahdaa Speed Change Time. Beddelidda xawaaraha Spindle-ku waxay qaadan kartaa muddo ilbiriqsiyo ah, muddadaasna Head-ku waxba ma soo akhriyo oo Transfer Rate-ku waa 0 (eber). Shirkadaha CD-ROM-yada sameeyaa inta badan qodobkaan gaar uma sheegaan ee waxay ku dhex daraan Access Time-ka oo aan ka hadli doonno. Haddii akhbaarta uu CD-ROM-ku soo akhrinayaa aysan hal meel ah ku urursanayn ee ay ku kala baahsan tahay oogada CD-ga, markaa Head-ku wuxuu u shaqeeyaa si bood bood ah oo markuu qayb akhbaarta ka mid ah soo akhriyaba wuxuu u boodaa Track-ga ay ku qoran tahay qaybta xigta ilaa uu soo wada akhriyo dhammaan akhbaartii loo baahnaa. Arrintaas

waxaa loo yaqaan Random Access. Marka CD-ROM-yada ku shaqeeya nidaamka CLV-gu ay soo akhrinayaan akhbaar sidaa u kala firirsan, waxay mararka qaarkood bixiyaan guux aad maqli karto oo marna kor u kaca marna hoos u dhaca. Guuxaasi wuxuu astaan u yahay isbeddelka ku dhacaya xawaaraha Spindle-ka ee marna kor u kacaya marna hoos u dhacaya. CD-ROM-yada ku shaqeeya nidaamka CAV-ga sidaan hore u soo sheegnay xawaaraha Spindle-koodu isma beddelo, sidaa darteed Speed Change Time-ku iyaga ma khuseeyo kamana mid aha qodobbada xawaarahooda lagu cabbiro. 3. Seek Time Si Head-ku uu akhbaar uga soo akhriyo saxanka CD-ga waa inuu horta tagaa Track-ga markaas la rabo in wax laga soo akhriyo. Wakhtiga ay arrintaasi qaadataa wuxuu ku xiran yahay inta ay le'eg tahay fogaanta u dhexaysa Track-ga la raadinayo iyo Track-ga uu markaas Head-ku taagan yahay. Wakhtiga celcelis ahaan ay Head-ka ku qaadato inuu tago hadba Track-ga loo baahan yahay ayaa la yiraahdaa Seek Time. Mar kasta oo uu Seek Time-ku sii yaraadaba waxaa kor u kaca xawaaraha CD-ROM Drive-ka. Seek Time-ka CD-ROM-ka inta badan gaar looma sheego ee waxaa inta badan la sheegaa Access Time-ka oo uu Seek Time-ku qayb ka yahay. Guud ahaan Seek Time-ka CDROM-yadu aad ayuu u liitaa oo wakhti badan ayuu qaataa marka la garab dhigo Hard Disk-ga. 4. Latency Sida aan hore uga soo sheegnay, Head-ka CD-ROM-ku si uu akhbaar u soo akhriyo wuxuu u baahan yahay in inuu horta tago Track-ga markaas la rabo in wax laga soo akhriyo. Marka uu Head-ku halkaa tago wuxuu sugaa inta akhbaarta loo baahan yahay ay ka imanayso halka uu Head-ku markaa

taagan yihiin. Wakhtiga ay taasi qaadato wuxuu ku xiran yahay fogaanta ay akhbaarta la rabaa u jirto halka uu Headku markaa taagan yahay. Celceliska wakhtiga ay qaadato in akhbaarta la rabaa ay ku timaado halka uu Head-ku joogo ayaa la yiraahdaa Latency. Muddada uu Head-ku sugaayo akhbaarta waxba lama soo akhriyo oo Transfer Rate waa 0 (eber). Latency-ga CD-ROM-ku wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha uu ku wareego Spindle-ka CD-ROM-ka oo ah qaybta wareejisa saxanka CD-ga. Mar kasta oo xawaarha Spindle-ku uu kor u kacaba waxaa yaraada Latency-ga CDROM-ka taasoo keenaysa in xawaaraha CD-ROM-ku uu kor u kaco. Xawaaraha Spindle-ka CD-ROM-ku wuxuu u kala badan yahay sida ay u kala bdan tahay tirada ka horraysa xarafka "X" ee sheegaysa xawaaraha CD-ROM-ka sida 24X, 32X, 40X iwm. Latency-ga CD-ROM-ka inta badan gaar looma sheego, waxaase inta badan la sheegaa Access Time-ka, Latencyguna waa qayb ka mid ah Access Time-ka. 5. Access Time Access Time-ku waa qodobka ugu caansan ee inta badan lagu cabbiro xawaaraha CD-ROM-ka wuxuuna ka kooban yahay qodobada kala ah Speed Change Time-ka, Seek Time-ka iyo Latency-ga oo la isu geeyay. Access Time-ku wuxuu u taagan yahay wakhtiga ay CD-ROM-ka ku qaadato inuu billaabo akhrinta akhbaar ku qoran Track aan ahayn kan uu Head-ku markaa taagan yahay. Taas waxaa soo hoos galaya wakhtiga ay Head-ka ku qaadato inuu tago Track-ga ay akhbaartu ku qoran tahay (Seek Time), beddelidda xawaaraha Spindle-ka (Speed Change Time) iyo sugidda la sugo inta ay akhbaarta la rabaa ka imanayso halka uu Headku taagan yahay (Latency). Access Time-ku wuxuu billawdaa marka Head-ka la dhaqaajiyo, wuxuuna

dhammaadaa marka ay billaabato akhrinta akhbaartii loo baahnaa. Sida aad halkaa ka garan karto wuxuu Access Time-ku cabbir ahaan faa'iido leeyahay oo la isticmalaa marka CD-ROM-ku uu samaynayo waxa loo yaqaan Random Access oo ah marka uu CD-ROM-ku soo akhrinayo akhbaar ku kala firirsan oogada CD-ga. Haddiise akhbaarta la soo akhrinayaa ay si isdba joog ah ugu qoran tahay oogada CDga (sequentially) markaa waxaa la adeegsadaa Transfer Rateka. Access Time-ka CD-ROM-ku wuxuu si toos ah ugu xiran yahay tirada ka horraysa xarafka "X" ee lagu sheego xawaaraha CD-ROM-ka. Mar kasta oo ay tiradaasi kor u kacdaba waxaa hoos u dhaca Access Time-ka CD-ROM-ka. Tusaale ahaan CD-ROM-yadii ugu horreeyay ee uu xawaarahoodu ahaa 1X wuxuu Access Time-koodu gaari jiray ilaa 300 ms. Maantana Access Time-ka CD-ROM-yada dheereeyaa wuxuu ka hooseeyaa 100 ms. In kasta oo xawaaraha CD-ROM-ku uu aad kor ugu kacay haddana CD-ROM-ka ugu dheereeyaa wax badan ayuu ka gaabiyaa Hard Disk-ga ugu gaabiya. Taasna waxaa u sabab ah CD-ROM-ka oo farsamo ahaan markiisii hore lagu saleeyay qalabka Stereo-ga. Qalabkaas oo marka la adeegsanayo ay aad dhif u tahay in Random Access loo baahdo, oo wuxuu raaca hal Track wuxuuna soo akhriyaa akhbaar si is dabajoog ah ugu kaydsan saxanka CD-ga. Teeda kale Track-yada saxanka CD-gu qaab ahaan way ka duwan yihiin kuwa Platters-ka Hard Disk-ga. Halka Trackyada Platters-ku ay ka yihiin wareegyo kala go'an oo uu midba goonidiisa u taagan yahay, Track-yada CD-gu waxay ka kooban yihiin hal xarriiq oo la wareejiyay oo billaw ilaa dhammaan isku xiriirsan, fiiri sawirka kore. Sidaa darteed CD-gu ma laha Cylinders sida kuwa Platters-ka Hard Diskga. Taasi waxay sii adkaysaa in akhbaarta loo baahan yahay si fudud loo helo.

Xawaaraha CD-ROM-ku wuxuu guud ahaan u dhexeeyaa kan Hard Disk-ga iyo Floppy Disk Drive-ka, taasoo uu micnaheedu yahay in CD-ROM-ku uu xawaare ahaan ka dheereeyo Floppy Disk Drive-ka islamarkaan uu ka gaabiyo Hard Disk-ga. Guud ahaan marka la eego xawaaraha lagu sheego xarafka X, waxaa la oran karaa CD-ROM kastaa kan uu xagga tirada ka horraysa xarafkaas kaga badan yahay wuu ka dheereeyaa , laakiin inta uu ka dheereeyo tiradaas toos looga garan karo. Tusaale ahaan 24X wuu ka dheereeyaa 12X, laakiin lama oran karo laba laab ayuu ka dheereeyaa. Taas waxaa u sabab ah in sida aan kor ku soo aragnay ay jiraan qodobbo kale oo arrintaas saamayn weyn ku leh, kuwaasoo keeni kara in 24X xawaarihiisa dhabta ahi uu celcelis ahaan noqdo 18X iwm. Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa CD Burner-ka (CD-R / CD-RW). Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com CD Burner-ka (CD-R / CD-RW Drivers)

Sawir muujinaya nooc ka mid ah CD Burner-yada jira iyo saxammada CD-ga ee uu qaato CD Burner-ku ama CD-R / CD-RW Drive-ku waa qalabka la adeegsado marka la rabo in CD akhbaar lagu kaydiyo ama akhbaar

CD ku jirta wax laga beddelo ama lagaba tirtiro. Run ahaantii magaca rasmiga ah ee CD Burner-ku waa "CD-R Drive" ama "CDRW Drive" oo ah labada nooc ee uu u kala baxo, laakiin wuxuu ku caan baxay oo ay dad badani u yaqaanaan magaca "CD Burner" oo wax ka tilmaamaya hawsha uu qabto. Sidaa darteed waxaan doorbidnay in casharkaan aan ku isticmaalno magaca "CD Burner". CD Burner-ku wuxuu xagga muuqaalka, cabbirka iyo dhismahaba kala mid yahay CD-ROM Drive-ka oo aan uga soo hadalnay Casharka 19-aad iyo Casharka 20-aad. Sida aan casharradaas ku soo aragnay saxanka CD-ROM-ka in wax laga soo akhriyo ma ogiye wax laguma qori karo. Arrintaasi waxay wax weyn iska beddeleen markii uu soo baxay CD Burner-ka iyo saxammada CDR iyo CD-RW oo ah saxammo loogu talagalay in wax lagu qoro waxna laga soo akhriyo. CD Burner-ku wuxuu kumbiyuutarka ugu xirmaa sida CD-ROM Drive-ka wuxuuna santuukha kumbiyuutarka ka galaa halka uu CD-ROM Drive-ku ka galo. Marka la eego Windows, waxaa CD Burner-ka astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa inaad aragto CD Burner uu astaan u yahay xarafka D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay xarafka E: ama F: iwm. CD Burner-ku wuxuu in badan kala mid yahay CD-ROM Drive-ka sidaa darteed waxaad akhbaar badan oo ku saabsan CD Burner-ka ka helaysaa casharrada ka hadlaya CD-ROM-ka. Haddaba mar kasta oo aan ka hadlayno dhinacyada ay isaga midka yihiin waxaan kuu tilmaami doonaa casharradaas. Baaxadda iyo cabbirka saxammada CD Burner-ka Saxammada CD Burner-ku waxay xagga baaxadda iyo cabbirkaba kala mid yihiin kuwa CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan fiiri Casharka 19-aad gaar ahaan qaybta uu ciwaankeedu yahay "Baaxadda iyo Cabbirka CD-ROM-ka". Muhiimadda CD Burner-ka

Haddaan dib ugu yara noqonno CD-ROM-ka, wuxuu sida aan hore u soo sheegnay la wareegay oo uu fududeeyay in badan oo ka mid ah howlihii loo isticmaali jiray diskette-ka. Waxaan soo sheegnay in CD-ROM-ku uu aad uga qaad weyn yahay Diskette-ka oo hal CD ayaa wuxuu qaadaa akhbaar qiyaas ahaan u dhiganta inta ay qaadaan 451 diskette. Arrintaasi waxay si gaar ah faa'iido weyn u noqotay shirkadaha sameeya program-yada kumbiyuutarka, waayo waxaa u suurtogashay in hal CD ay ku kaydiyaan program ama program-yo ay baaxaddoodu gaarayso boqolaal MB. Si kastaba ha ahaatee dadka caadiga ah suurtogal uma aysan ahayn in arrintaas ay si buuxda uga faa'iidaystaan, waayo si CD-ROM-ka caadiga ha akhbaar loogu kaydiyo waxaa loo bahan yahay qalab gaar ah oo loo yaqaan "CD Press". Qalabkaas waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay warshad yar, waayo waxaa loogu talagalay inuu halkii mar soo saaro boqolaal kun ama in ka badan oo CD ah oo ay isku akhbaar ku keydsan tahay. Sidaa darteed qalabkaasi ma aha mid ay dadka caadiga ahi isticmaali karaan. CD Burner-ku wuxuu faa'iidooyinka CD-ROM-ka ee aan hore u soo sheegnay ku sii kordhiyay isagoo dadka caadiga ah suurtogal uga dhigay inay saxanka CD-ga akhbaar ku kaydsadaan iyadoo kharash iyo wakhti badan toona uusan uga bixin. Taasi waxay dadka caadiga ah suurtogal uga dhigtay in ay hal CD ku kaydsadaan dhammaan (ama inta badan) akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka ku jirta iyo in ay hal CD ka samaystaan dhowr koobi si haddii uu mid dhaawacmo ay kuwa kale ugu baxsadaan. Faa'iidooyinka kale ee uu CD burner-ku leeyahay waxay la mid yihiin kuwa CD-ROM-ka, sidaa darteed fiiri Cashar-ka 19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Muhiimadda CD-ROMka". Dhismaha CD Burner-ka CD Burner-ku wuxuu xagga dhismaha guud kala mid yahay CDROM Drive-ka, sidaa darteed fadlan fiiri Cashar-ka 19-aad gaar

ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Dhismaha CD-ROM Driveka". Waxaase jira laba dhinac oo muhiim ah oo CD Burner-ku uu kaga duwan yahay CD-ROM-ka. Labadaas waxay kala yihiin: 1. Head-ka CD-Burner-ku wuxuu adeegsadaa iftiin ah nooca loo yaqaan Laser-ka oo aad uga xoog badan kan CD-ROMka, iftiinkaas oo suurtogaliya in saxanka CD-ga wax lagu qoro. 2. CD-Burner-ku wuxuu u baahan yahay saxammo gaar ah oo samays ahaan loogu tala galay in wax lagu qoro oo ka duwan kuwa CD-ROM-ka caadiga ah. Saxammadaasi waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah CD-R (CD-Recordable) iyo CDRW (CD-Rewriteable). Labadaas nooc waxay ku kala duwan yihiin dhinacyada soo socda: Nooca hore ee CD-R-ka waxaa loogu talagalay in meel kasta oo oogada CD-ga ka mid ah hal mar wax lagu qoro, meeshii wax lagu qorana lagama tirtiri karo. Noocaan magacyada loo yaqaan waxaa ka mid ah CD-WO (Write Once) oo loo fasiri karo "hal mar wax ku qor" iyo CD-WORM (Write Once Read Many) oo loo fasiri karo "hal mar wax ku qor oo in badan wax ka soo akhri". Nooca labaad ee CD-RW-ka waxaa loogu tala galay in waxa lagu qoro lagana tirtiro, qiime ahaanna aad ayuu uga qaalisan yahay nooca CD-R-ka. Waxaa kale oo noocaan loo yaqaannaa CD-E (CD-Erasable) oo tilmaamaysa in CD-ga wax laga tirtiri karo. Marka laga reebo in saxanka CD-ga akhbaar lagu qoro, waxaa kale oo CD Burner-ka loo adeegsadaa in lagu soo akhriyo wixii akhbaar ah ee CD-ga ku jira. Markaa wuxuu CD Burner-ku u shaqeeyaa sida CD-ROM-ka caadiga ah oo wuxuu wax ka soo akhrin karaa saxammada CD-ROM-ka iyo xataa kuwa Audio Drive-yada (Stereo-ga). Taas micnaheedu wuxuu yahay in CD Burner-ku uu qaban karo dhammaan howlaha uu CD-ROM-ku qabto iyo in kale oo lagu sii kordhiyay.

Noocyada CD Burner-ka CD Burner-ku sida saxammadiisa ayuu wuxuu u kala baxaa laba nooc oo kala ah CD-R Drive iyo CD-RW Drive. 1. CD-R Drive (Recordable CD) CD-R Drive-ku wuxuu adeegsadaa oo uu wax ku qori karaa nooca saxammada loo yaqaan CD-R-ka ee aan hore uga soo hadalnay. CD-R Drive-ku wuxuu CD-ga wax ugu qori karaa laba siyood oo kala ah: Single Session oo keenaya in dhammaan akhbaarta la rabo hal mar lagu wada qoro saxanka CD-ga wax kalena aan gadaal looga dari karin xataa haddii ay CD-ga qayb ka bannaan tahay. Iyo Multi Session oo keenaya in saxanka CD-ga lagu qoro qayb ka mid ah akhbaarta, kadibna marba qaar gadaal looga daro ilaa uu CDgu buuxsamo. Akhbaarta uu CD-R drive-ku ku qoro saxammada CD-R-ka isagoo adeegsanaya nidaamka Single Session-ka waxaa lagu soo akhrin karaa dhamman noocyada CD Drive-yada sida CD-ROM-ka, CD-R-ka, CD-RW-ka iyo xataa Audio Drive-ka (stereo-ga iwm). Laakiin akhbaarta uu CD-R drive-ku ku qoro saxanka CD-Rka isagoo adeegsanaya nidamka Multi Session-ka waxaa lagu soo akhrin karaa oo kaliya CD Drive-yada af garan kara nidaamkaas sida CD-ROM-yada casriga ah, CD-R iyo CDRW. Saxanka CD-R-ka wixii lagu qoro kas iyo kama' toona loogama tirtiri karo, sidaa darteed marka la rabo in akbaarta aan wax laga beddelin waxaa la door bidaa in la adeegsado saxan uu noociisu yahay CD-R. Arrintaasi waxay si gaar ah xiiso ugu leedahay dadka sameeya program-yada la iibsado, waayo dadkaasi ma rabaan in program-ayadooda la tirtiro ama wax kale lagu dul qoro.Waxaa kale oo ay arrintaasi xiiso leedahay marka aad CD-ga ku kaydsato akhbaarta muhiimka

ah ee kumbiyuutarka kuugu jirta si haddii ay akhbaarta kumbiyuutarka kuugu jirtaa kaa kharribanto aad ugu baxsato midda aad CD-ga ku kaydsatay (backup). Markaa waxaad ku xisaabmi kartaa in akhbaartii aad CD-ga ku kaydsatay aad ka helayso maadaamaa aan sina loo tirtiri karin. Arrintaasi waxay isla mar ahaantaas ka mid tahay waxayaabaha uu CDR-ku ku xun yahay, waayo waxaa laga yaabaa inaad CD-R akhbaar ku kaydiso ka dibna muddo kadib aad u aragto in akhbaartaas aadan u baahnayn. Markaa waxaad ku khasban tahay inaad CD-gaas iska tuurto ama aad akhbaartaas iska haysato adigoo aan u baahnayn, waayo CD-gaas wax kale uma isticmaali kartid. Haddaba waxay arrintaasi guud ahaan ku xiran tahay hadba akhbaarta aad kaydinayso iyo sida aad mustaqbalka ka yeelayso. 2. CD-RW Drive (Rewriteable CD) CD-RW Drive-ku wuxuu adeegsadaa oo uu wax ku qori karaa saxammada CD-R-ka iyo kuwa CD-RW-ka labadaba. Taasi waxay keenaysaa in CD-RW Drive-ku uu qaban karo dhammaan howlaha uu CD-R Drive-ku qabto iyo in kale oo uu ku sii kordhiyay oo ah in uu saxammada CD-RW wax ku qoro waxna ka tirtiro. Sidaa darteed marka dhankaas laga eego CD-RW Drive-ku xagga isticmaalka wuu ka fudud yahay CD-R Drive-ka, waayo haddii ay wax kaa khaldamaan waad iska tiritiri kartaa ama akhbaar kale ayaad ku dul qori kartaa. Waxaa kale oo uu kuu suurto galinayaa in saxan aad hore u isticmaashay aad wixii ku jiray oo dhan ka tirtirto kadibna aad akhbaar hor leh ku kaydsato. CD-RW Drive-ku marka uu CD-ga wax ku qorayo wuxuu had iyo jeer adeegsadaa nidaamka Multi Session-ka ee aan kor uga soo hadalnay, sidaa darteed CD-yada uu CD-RW drive-ku qoro waxaa lagu soo akhrin karaa oo kaliya CD Drive-yada af garan kara nidaamka Multi Session-ka sida

CD-ROM-yada casriga ah, CD-R iyo CD-RW. Intaa waxaa sii dheer iyada oo iftiinka ay soo celiyaan saxammada CDRW-ka marka wax laga soo akhrinayo awooddiisu ay ka yar tahay awoodda iftiinka ay soo celiyaan saxammada CDROM-ka, taasna waxay keentay in CD-ROM-yada duqa ahi aysan saxammadaas wax ka soo akhrin karin. Marka la fiiriyo xagga qiimaha CD-RW Drive-ku wuu ka qaalisan yahay CD-R Drive-ka. Xawaaraha CD Burner-ka Xawaaraha CD burner-ka waxaa loo cabbiraa sida CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan fiiri Cashar-ka 20-aad oo ku saabsan xawaaraha CD-ROM-ka. Si kastaba ha ahaatee xawaaraha CD burner-ku wuxuu ku xiran yahay hadba hawsha uu markaa qabanayo. Marka uu wax qorayo ama uu wax tirtirayo wuxuu inta badan adeegsadaa xawaare ka hooseeya kan uu wax ku soo akhriyo. Marka la sheegayo xawaaraha CD-R drive-ka waxaa la sheegaa xawaaraha wax akhriska iyo kan wax qoridda. Marka la sheegayo xawaaraha CD-RW drive-kana waxaa la sheegaa xawaaraha wax akhriska, kan wax qoridda iyo kan wax tirtirka ama ku dul qoridda. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa inaad aragto CD-RW drive ay ku qoran tahay 32X/10X/40X. Taasoo u taagan in xawaaraha wax qoriddu uu yahay 32X, kan ku dul qoridduna uu yahay 10X halka kan wax soo akhrintuna uu ka yahay 40X. Waxaad halkaa ka garan kartaa in uu farqi weyn u dhexeeyo xawaaraha akhrinta iyo kan ku dul qoridda. CD-R drive-ka isaga waxaa lagu qoraa laba tiro sida 32X/40X oo sheegaysa in xawaaraha wax qoriddu uu yahay 32X kan wax soo akhrintuna uu yahay 40X. Program-yada CD burner-ka CD burner-ka waxaa inta badan la socda program loogu tala in lagu hago lagana maamulo hawlaha uu CD burner-ku qabto. Program-kaas waxaa loo adeegsadaa in lagu diyaariyo akhbaarta la

rabo inta aan CD-ga lagu qorin. Tusaale ahaan haddaad rabto in akhbaarta muhiimka ah ee kumbiyuutarka kuugu jirta aad CD ku kaydsato wuxuu program-kaasi kuu suurto galinayaa in akhbaartaas aad isu soo ururiso oo aad nidaamiso inta aadan CD-ga ku qorin. Marka aad go'aansato in akhbaarta aad CD-ga ku qortana isla program-kaas dhexdiisa ayaad CD burner-ka ka amraysaa inuu akhbaarta CD-ga ku qoro. Waxa kale oo program-kaasi uu kuu suurto gelinayaa inaad doorato nidaamka CD-ga wax loogu qorayo sida Single Session ama Multi Session iyo nooca akhbaarta CD-ga lagu qorayo sida Data ama Audio. Sida aad halkaa ka garan karto program-kaasi wuxuu fududeeyaa hawsha koobiyaynta iyo wax ku qoridda CD-yada iyo guud ahaan isticmaalka CD burner-ka. Sidaa darteed waa muhiim in haddii aad CD burner gadaynayso aad iska hubiso in uu wato program hawlahaas loogu tala galay iyo weliba dukumenti sharraxaad fiican ka bixinaya sida program-kaas loo isticmaalo. Program-yada noocaan ahi way fara badan yihiin waxaase kuwa ugu caansan ka mid ah Nero, Clone CD, Easy CD Creator, Roxio iyo kuwo kale. Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa DVD Drive-ka. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com

Waxaad tahay akhristihii 7743-aad laga soo bilaabo 2003-03

DVD Drive-ka

Sawir muujinaya nooc ka mid ah DVD Drive-yada suuqa ka jira DVD drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo saxammada DVD-ga ee lagu daawado filammada iwm. Waxa kale oo DVD drive-ka loo adeegsadaa in saxammada DVD-ga akhbaar lagu kaydiyo ama akhbaar ku jirta wax laga beddelo ama lagaba tirtiro. Saddexda xaraf ee DVD-ga waxaa la sheegaa in ay u taagan yihiin "Digital Video Disc" ama "Digital Versatile Disc", hase yeeshee

dadka qaar ayaa waxay ku doodaan in saddexdaas xaraf la iska doortay oo aysan wax micne leh u taagnayn. DVD drive-ku sida CD Burner-ka ayuu xagga muuqaalka, cabbirka iyo dhismahaba wuxuu kala mid yahay CD-ROM Driveka oo aan uga soo hadalnay Casharka 19-aad iyo Casharka 20-aad. DVD drive-ku wuxuu kumbiyuutarka ugu xirmaa sida CD-ROM Drive-ka wuxuuna santuukha kumbiyuutarka ka galaa halka uu CD-ROM Drive-ku ka galo. Marka la eego Windows, waxaa DVD drive-ka astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa inaad aragto DVD drive uu astaan u yahay xarafka D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay xarafka E: ama F: iwm. DVD Drive-ku wuxuu in badan kala mid yahay CD-ROM Driveka iyo CD Burner-ka sidaa darteed waxaad akhbaar badan oo ku saabsan DVD Drive-ka ka helaysaa casharrada ka hadlaya CDROM-ka iyo CD Burner-ka. Haddaba mar kasta oo aan ka hadlayno dhinacyada ay isaga midka yihiin waxaan kuu tilmaami doonaa casharradaas. Baaxadda iyo cabbirka saxammada DVD Drive-ka Baaxadda saxammada DVD-gu aad ayay uga weyn tahay kuwa CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka waxayna baaxaddoodu gaaraysaa inta u dhexeysa 4.7 GB ilaa 17 GB (xusuusnow in halkii GB uu u dhigmo 1000 MB). Kordhinta baaxadda DVD-ga waxaa keenay arrimaha soo socda:

1. Marka saxammada DVD-ga iyo CD-ga akhbaar lagu qorayo waxaa oogada saxanka lagu gubaa dhibco aad u yar yar oo ili ma aragtay ah. Haddaba si loo kordhiyo baaxadda saxanka DVD-ga waxaa la yareeyay dhumucda dhibcaha lagu gubo oogada DVD-ga iyadoo halkii dhibicba dhumucdeeda laga dhigay ugu yaraan 0.4 microns (0,001 mm) halka dhumucda dhibicaha lagu gubo oogada CD-gu ay ka tahay ugu yaraan 0.83 microns. Teeda kale waxa la yareeyay fogaanta u dhaxaysa Track-yada saxanka DVD-ga oo fogaantaas waxaa laga dhigay 0.74 microns halka fogaanta u dhaxaysa Trackyada CD-gu ay ka tahay 1.6 microns. Halkaa waxaa ka dhashay in akhbaarta lagu qoro DVD-gu ay aad isugu cufnaato, taasoo keentay in saxanka DVD-gu uu qaado akhbaar gaaraysa ilaa 4,7 GB. Fadlan fiiri labada sawir ee midigta ka muuqda kuwaas oo muujinaya farqiga xagga cufnaanta akhbaarta ee u dhexeeya CD-ga iyo DVD-ga. 2. Waxaa la suurto galiyay in akhbaarta saxanka DVD-ga lagu qoro laba lakab (layers) oo is dul saaran iyadoo halkii lakabba uu qaado 4.7 GB, taasoo keentay in DVD-gu uu qaado akhbaar gaari karta ilaa 8.5 GB. 3. Waxaa kale oo la suurto galiyay in saxanka DVD-ga labada dhinacba wax looga qoro taasoo iyaduna keentay in hal saxan uu qaado akhbaar gaari karta ilaa 17 GB. Marka laga eego xagga baaxadda waxaa guud ahaan saxammada DVD-ga loo kala qaadaa afar nooc oo kala ah:

1. Single sided / single layer oo micneheedu yahay in saxanka akhbaarta hal dhinac looga qoro, islamarkaana akhbaarta lagu qoro hal lakab oo kaliya. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta 4.7 GB. 2. Single sided / Double layer oo micneheedu yahay in saxanka akhbaarta hal dhinac looga qoro, islamarkaana akhbaarta lagu qoro laba lakab oo is dul saaran. Saxammada noocaan ahi waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa 8.5 GB. 3. Double sided / Single layer oo micneheedu yahay in saxanka labada dhinacba akhbaarta looga qoro, laakiin dhinac kasta akhbaarta lagu qoro hal lakab. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa 9.4 GB. 4. Double sided / Double layer oo micneheedu yahay in saxanka labada dhinacba akhbaarta looga qoro, islamarkaana dhinac kasta akhbaarta lagu qoro laba lakab. Saxammada noocaan ah waxay qaadaan akhbaar gaari karta ilaa 17 GB. Saxammada DVD-gu waxay xagga cabbirka kala mid yihiin kuwa CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan fiiri Casharka 19-aad gaar ahaan qaybta uu ciwaankeedu yahay "Baaxadda iyo Cabbirka CD-ROMka". Muhiimadda DVD Drive-ka DVD Drive-ku wuxuu faa'iidooyinka CD-ROM-ka iyo CD Burnerka ee aan hore u soo sheegnay ku sii kordhiyay iyadoo baaxadda saxammada DVD-gu ay aad uga weyn tahay tan saxammada CDROM-ka iyo kuwa CD-Burner-ka. Hal saxan oo DVD ah ayaa waxaa lagu kaydin karaa akhbaar la mid ah inta ay qaadaan 7 ilaa 26 saxan oo ah CD-ROM-ka caadiga ah. Taasi waxay keentay in hal saxan oo DVD ah lagu kaydiyo:
y y

dhamaan akhbaarta ku jirta kumbiyuutarka (Full Backup). filin dheer oo soconaya ilaa 3 saacadood islamarkaana tayada sawirradiisu aad u sarrayso iyo in weliba filinka la raaciyo akhbaar dheeri ah oo filinka barbar socota oo dadkii filinka

sameeyay ay sharraxaad uga bixinayaan sida filinka loo sameeyay iyo micnaha iyo ula jeeddada ka dambaysa qayb kasta oo filinka ka mid ah. Tiro ciyaaro ah (games) oo ay tayada sawirradoodu (Graphics) ay aad u sarrayso. dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay mid ka mid ah buugaagta loo yaqaan encyclopedia ee ka hadla taariikhda iyo dhacdooyinka adduunka, waddammada, dadka, xayawaanka, cayayaanka, dhirta, macdanta iyo dhammaan laamaha culuunta kala duwan. heeso fara badan oo marka la isu geeyo socon kara ilaa 16 saacadood.

Faa'iidooyinka kale ee uu DVD Drive-ku leeyahay waxay la mid yihiin kuwa CD-ROM-ka, sidaa darteed fiiri Cashar-ka 19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Muhiimadda CD-ROMka". Dhismaha DVD Drive-ka DVD Drive-ku wuxuu xagga dhismaha guud kala mid yahay CDROM Drive-ka iyo CD buirner-ka, sidaa darteed fadlan fiiri Cashar-ka 19-aad gaar ahaan qeybta uu ciwaankeedu yahay "Dhismaha CD-ROM Drive-ka". Si kastaba ha ahaatee waxaa jira dhinacyo uu DVD Drive-ku kaga duwan yahay CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka. Dhinacyadaas waxaa ka mid ah: 1. Head-ka DVD drive-ku wuxuu adeegsadaa farsamo u suurto galinaysa in uu iftiinka Laser-ka ku beego hadba dhinaca saxanka iyo lakabka uu rabo inuu wax ku qoro ama wax ka soo akhriyo. Taasoo micneheedu yahay in DVD drive-ku uu awood u leeyahay in iftiinka uu saxanka uga shido dhinaca hoose islamarkaana uu ku beego oo uu wax ka soo akhriyo dhinaca kore lakabka ugu sarreeya. Haddii tusaale ahaan uu saxanku yahay Double-sided / Double layer wuxuu markaa iftiinku ka gudbayaa saddex lakab oo akhbaar ah si uu u soo

akhriyo akhbaarta ku qoran lakabka ugu sarreeya isagoo aan akhbaarta isku khaldayn. 2. DVD Drive-ku wuxuu u baahan yahay saxammo gaar ah oo samays ahaan isaga loogu tala galay saxammadaas oo u kala baxa sida aan kor ku soo sheegnay. Marka laga reebo in saxanka DVD-ga akhbaar lagu qoro, waxaa kale oo DVD Drive-ka loo adeegsadaa in lagu soo akhriyo wixii akhbaar ah ee ku jira saxammada DVD-ga, CD-ROM-ka, Audio Drive-ka (Stereo) iyo kuwa CD-R iyo CD-RW oo ay DVD driveyada badankoodu wax ka soo akhrin karaan. Markaa wuxuu DVD Drive-ku u shaqeeyaa sida CD-ROM-ka caadiga ah. Taas micnaheedu wuxuu yahay in DVD Drive-ku uu qaban karo dhammaan howlaha ay qabtaan CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka iyo in kale oo lagu sii kordhiyay. Haddaba sida aad halkaa ka garan karto DVD Drive-ku wuxuu ku socdaa in mustaqbalka uu suuqa ka saaro CD-ROM-ka iyo CD Burner-ka labadaba. Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa noocyada iyo xawaaraha DVD Drive-ka. Copyright 2000 Somali Software. All rights reserved. www.somalisoftware.com

Waxaad tahay akhristihii 12625-aad laga soo bilaabo 2003-06-01 Casharkii Hore | SomaliSoftware.com | Casharka Xiga .

You might also like