You are on page 1of 6

Isku dubaride: Abuukar Hiraabe (hirabe8@hotmail.

com)

BAAQ KA SOO BAXAY BEELWEYNTA MUDULLOOD OO KU SOCDA


DHAMMAAN QABAA’ILKA SOOMAALIYEED IYO XUKUMADA CUSUB.

Baaqani waa mid mideynaya baaqyo isku ujeeda ah


oo ka soo kala baxay Mudulloodka ku nool
Magaalooyin , wadamo iyo qaraada kala duwan .

Beelweynta Mudullood oo ah beel ballaaran waxay muddo dheer isha ku haysay xaaladaha
Soomaaliya ka dhacaya oo markasta isbedbedelaaya. Bulshada Mudullood ee ku nool
Qaaradaha Waqooyiga Ameerika, Yurup , Aasiya, Austraaliya, Afrika iyo kuwa dalka
gudihiisa ku nool waxay aad ula yaaban yihiin sida loogu taraxtegay burburinta
masiirkaUmmadda Soomaaliyeed. Inta badan qabaa’ilka Soomaaliyeed waxay noqdeen kuwa
qoriga u sita oo dhiigooda u daadinayaa iney majaaxaabiyaan dawlad kasta oo kumeelgaar ah
oo la isku dayo in loo dhiso dalka Soomaaliya. Badidood waxba ugama gelin nabadgelyo
Soomaaliya ay gaarto haddaysan ka helin jagooyinka ugu waaweyn dawlada.

Taariikhda fog iyo midda dhaw ee Beelweynta Mudullood waxa ku cad in Mudullood si joogta
ah u siiyey taageero buuxda dawlad kasta oo kumeelgaar ahaan loogu soo dhisay dalka
Soomaaliya iyagoon ku xirin wax shuruud ah haba yaraatee. Mudullood wuxu taageero
ufidiyay dawladahi dibadda lagu soo dhisay oo kala ahaa:

 Xukumadi Cali Mahadi Maxamed ee Jabuuti lagu dhisay 1991


 Xukumadi Dr. Cabdiqaasim Salaad oo iyadana lagu dhisay Jabuuti
 Xukumadi Kornayl Cabdullaahi Yuusuf oo Keenya lagu dhisay 2004
 Xukumada cusub ee Sh. Shariif Sh. Axmed oo mar dhaw lagu soo dhisay Jabuuti

Mudullood sharaftooda ayaa kala weynaatay inay ku gorgortamaan masiirka ummada


Soomaaliyeed oo mudada 20 sano ah dawlad la’aanta la silicsan. Mudullood wuxu rumaysan
yahay in dawlad kasta oo daciif ah oo la dhiso ay ka fiicantahay dawlad la’aan ayna tahay
midda saldhiga u noqon karta dawlad wanaagsan oo mustaqbalka la helo. Inti la soo dhisaayey
dawladihi kumeelgaar ahaa ee lagu dhisay Jabuuti, Keenya, Jabuuti, marna ma aysan dhicin
in Beesha Mudullood buuqday oo ay qoriga qaadatay, kuna dhawaaqday inay dawlada kala
noqotay taageeradi. Maadaama qabaa’ilka Soomaaliyeed fara badan yihiin, Mudullood wuxu
garowsanyahay fahansanyahayna inaysan suuraagal noqon karin in qabiil kasta loo helo jago
weyn; bal waxaaba suurageli karta in aan xataa jago yar loo helin. Waa astaanta lagu kala
qiimeeyo qabiilka iimaan leh iyo kan u dhaqmaaya sidi qabiil dalka cadaw ku ah oo markasta
qoriga sita. Taariikhda ayaa xusi doonta sida qabaa’ilka Soomaaliyeed u kala wadanisanyihiin.

Waxa kale oo sida iftiinka qoraxda u cad in Mudullood uu yahay Beel jecel caddaalada iyo
nabadgelyada. Iyadoo taasi marag ma doonto tahay ayaa hadana Beeshu isweydiineysaa
su’aasha ah: Jaceylka Nabadgelyada iyo caddaaladu ma wadada caddaalad xumada lagu
gaaraa; mase waa wadada lagu gaaro isjaceylka, is’ixtiraamka, wax wada qaybsiga,
nabadgelyo iyo caddaalad ummadeed? Ujeedada su’aashu waxay tahay: Mudullood markuu
ku sifoobay nabadgelyo jaceyl, dawlad taageerid, derisnimo wanaag iyo caddaalad jeceyl, ma
waxay sababtay inay ku waayaan qaybti ay ka heli lahaayeen wasiirada dawlada? Waxaad
muudaa inay leeyihiin: Madaxweynaha ayaa ka dhashay Mudullood. Runtu waxay tahay in
Madaxweynuhu uusan ku imaanin loolan Mudullood ee uu so baxay tartan uu shaqsi ahaan u
galay. Arrinta qaybsashada Golah Wasiirada iyo jagooyinka waaweyn waxa la isku ogaa iney
in lagu saleeyo nidaamka 4.5 , hadaba taasi ma dhicin, waayo Mudullood kama uusan helin
xataa hal wasiir, iyadoo weliba la ogyahay in Mudullood yahay Beesha sida weyn u deggan
Caasimada Soomaaliya iyo hareeraheeda. Dadka maalin kast keena Xamar caanaha,
xoolaha la qasho, qoryaha iyo cawska intooda badan waa Mudullood.

Haddi Beesha hesha Madaxweynaha ay weyneyso xubnaha wasiirada, sidoo kale Beelaha hela
Raisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waa in aan la siinin ayagana jagooyinka
wasiirada. Markaas cadaaladu waxay noqoneysaa in xubnaha golaha wasiirada loo qaybiyo
qabaa’ilka kale.

Mudullood waa Beel ay niyad ka tahay oo dooneysaa in la soo celsho qarannimadi iyo
sharaftii Ummada Soomaaliyeed waxayna halkaan ku caddeynayaa in aysan marnaba kala
noqon doonin taageeradi ay dawlada cusub siiyay sidi ay horayba u taageri jirtay dawlad kasta
oo kumeelgaar ahaan loo soo dhisay. Sharaftiisa ayaa ka weyn in ballaan ay qaaday jebiso .
Habase ahaatee, Mudullood wuxu weli indhaha ku sii haynayaa bal beesha la siin doono dhawr
jago oo ay ka mid yihiin Labada Jinan ee labada ciidan - Booliska iyo Meliteriga.

Iyado horay u noqotay qasan in cadada xildhibaanada Baarlamaanka la gaarasiiyo 550


xildhibaan, oo ay hadana noqotay qasab in la magacaabo gole wasaaradeed oo gaaraya 36
wasaaradood si qabiil kasta loo laaluusho oo looga helo taageero dawladeed, waxa looga
fadhaa in qabaa’ilka lagu raray wasiirada ay si deg-deg ah u keenaan taageero muruq, maal iyo
maskaxba ah oo lagu daafaco dawlada cusub. Ilaa haatan ma muuqato wax taageero ah oo
micno leh oo ay keeneen qabaa’ilada loogu roonaaday wasaaradaha. Waa inay muujiyaan
awood ay uga saari karaan dadkooda ku jira dagaalada micno la’aanta ah oo lagu diidaayo in
dawladu shaqayso. Haddey taas sameey waayaan, waxay noqonaysa in wasiiradaasu yihiin
shaqsiyaad iska soo shaqo doontay oo wax tixgelis ah iyo awood aan dhex lahayn qabaa’ilada
ay kala yimaadeen.

Dhanka Dawladda oo ka kooban Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha, Gudoomiyaha


Baarlamaanka iyo dhammaan xubnaha Xildhibaanada gaaraaya 550 xildhibaan waa in ay
caddaalada ku fara adaygaan. Waxay dhammaantood ku dhaarteen kitaabka Illaahey. Waa
ogyihiin in aan Illaahey qofna ka dhuuman karin oo uu Illaahey ku cadaabaayo hadday
cadaalada ku fulin waayaan sidey ugu dhaarteen. Waa in si aan leex leexsho la ahayn u
caddeeyaan oo ay warbaahinta dawlada ku sheegaan qabiilki diidan iyo kooxdi diidan in
Soomaliya soo ceshato haybadeedi qaranimo. Kooxdi diidan in nabagelyo Soomaliya ka
aslaaxdo waa in la magacaabo shaqsiyadka ka madaxda ah qabiilkooda si loola xisaabtamo.

Hoos waxa ku tixan dhammaan xubnihi Beesha Mudullood ee baaqaan soo saaray iyo meelaha
ay ku kala noolyihiin:

Gobolka Alberta ee dalka Kanada

1) Axmed A. Omar
2) Axmed Hiraabe
3) Abdi Farah
4) Cali Xasan
5) Cumar Cali
6) Saciid Jimcaale
7) Xuseen Maxamed
8) Cabdi Cali
9) Said Suudi
10) Yaasin Sheekh M. Wardheere
11) Abdulahi Hussen Sheekh
12) Maxamed Muqtar
13) Sheekh Cali Xaaji Dufle
14) Siidi Isaaq IIdow
15) Abukar Hirabe
16) Abdulqadir Hirabe
17) Muse Xasan
18) Abdiweli Xirsi
19) Cabdi Cali Dheeere
20) Cumar Xuseen
21) Cabdulahi Sheekh Axmed Gabale
22) Cabdulaahi A. Maxamed
23) Cabdirizaaq Muudey
24) Xuseen Sheekh Cabdulaahi
25) Maxamed Gurey
26) Axmed Cabdiraxmaan Baadiyow
27) Xasan yare
28) Cabdirashiid Xuseen
29) Cabdulaahi Xaaji Cali
30) Maxamed Xasan Baraawi
31) Xasan Islaw
32) Cabdiraxmaan Sheekh Cali
33) Cabdicasiis Cabdule Nuur
34) Cabdirisaq Muuse
35) Xasan Maxamed (Dukade)
36) Dr. Axmed Calas
37) Cali Islaw
38) Cali Xuseen
39) Xasan Cumar Jimcaale
40) Maxamed Cabdiraxmaan (Ajow)
41) Bashiir Dheerre
42) Xasan Muudey
43) Cabdulahi Hilowle
44) Cabdiwahaab Sheekh Axmed
45) Yuusuf A. Gare
46) Qadar Wiliq Wiliq
47) Yuusuf dhegafiiq
48) Cumar Jayte (Pilote)
49) Xasan Raaage
50) Aways Xaraare
51) Maxamed Cali Mire
52) Xuseen Maxamed ( Joovane)
53) Xasan Cali (Xasan Taata)
54) Maryam Cali Falaax
55) Ifraax Cabdi Xaashi
56) Sucdi Basay
57) Maana Cali Odasuge
58) Sahra Cali Hagarey
59) Mahado Maxamed Yalaxow
60) Wiilo Shucayb Jimcaale
61) Fowsiya Cabdulahi Cali Shire
62) Mulki Baadiyow
63) Drs. Saciida Cali Axmed Xayle
64) Casey Cumar Faarax
65) Saynab Sheekh

You might also like