You are on page 1of 1

Ka: Abuukar Hiraabe Caddaan

Ku: Bahweynta Caligaaf

Ujeedo: Baaq labaad: - caligaafow maxa dhacay oo loo aamusay?

Maalmihi 17 & 18 ee bishaan Juun 2008, waxan ku firdhiyey Aqyaarta


Caligaaf Baaq aan ka rajeynaayey iney si deg-deg ah uga soo
jawaabaan. Marki aan gudbiyey baaqaas ilaa haatan waxan markasta
isha ku haayey kumbiyuutarka si aan uga helo jawaabo ey soo direen
bahweynta Caligaaf.
Walaalayaal, anigu waxan jiraa 65 sano, dan aan ahayn wanaaga
Caligaafna ma qabo. Wax damac ah oo aniga iiqaas ma jiraan. Waxan
islahaa waa lagu qadarinaa, waxaase iisoo baxaysaa wax aad uga
duwan wixi aan malaynaayey. Waxa iga qaylisiinayaa oo aan aad uga
xumahay waa DADAALKA aad uqiimaha badan ee uu walaalkeen
Maxamed Xaaji Cali muddaba weday oo iigu muuqda mid aan la
kulmin gacan siintiin iyo derajadii uu mudnaa. Maxamed Xaaji Cali
waqti ayaa ku socda sida iiga muuqata IImeylki ugu dambeeyey ee uu
cinwaankiisu ahaa “Goglo Wacaysle iyo Cayr”. Sida uu umuddeeyey
waa Juun 23/08 Wacaysle, Juun 26/08 waa Cayr. Wuxu weydiistay in
dhaqaalihi lagu qaban lahaa labadaas goglood si deg-deg ah loo
uruursho. Maanta waa Juun 19/8, xagee arrintaasi Caligaaf ka
mareysaa? Ma walaalkeen Maxamed Xaaji Cali ayaa wadaanta lala
deeyey mase Caligaafki uu magacooda ku shaqeynaayey waxbey
gacanta ku hayaan?
Rag aan aad ugu hanweynaa ayaan baaqa u diray, wax dhaqdhaaqaq
ahna ma arko. Sidee wax u jiraan? Waxan u oomanahay aqbaar.
Walaalayaal, ila soo hadla, yaan laga aamusin. Illaahey hanoo
gargaaro. Mahadsanidiin

You might also like