You are on page 1of 3

OTTAWA 20/20 WARAAQDA WADA XAAJOODKA QORSHAHA

CUSBOONEYSIINTA FARSHAXANKA IYO HIDAHA

CODADKA DHAQAMADA SOO KORAYA (Fanaaniinta soo baxaysa, Guurayaasha, Dhaqanada kala
duwan)

Codadka dhaqamada soo korayaa waa kuwo MUHIIM ah. Waxay isku dheeli tiraan, la tartamaan iyo cagaha
dhulka uga qaadaan dhaqanadii horay u jiray. Mararka qaarkood, waxay ilaaliyaan dib u dhalashada iyo soo
noqoshada. Badanaana, waxay qaadaan talaabooyin qatar badan. Biloowga si loo barto – codadka soo
baxaaya (shaqsi ahaan iyo koooxba) waxayna sameeyn karaan hab cusub oo wax loo qabto, iyo codadka u
baahan in wax laga badalo.

Fanaaniinta cusubi waxay si aad ah uga shaqeeyaan sidii ay xirfadoodu u soo bixi lahayd, iyagoo marka horaba
si cad u qabanaya waxyaalaha muhiimka ah ee looga baahan yahay inay soo buuxiyaan si ay u sameeyaan iyo u
helaan nolol maalmeedkooda. Fanaaniinta soo baxaysa ee Ottowa oo nooc walba lahi waa kuwo MUHIIM u
ah wanaaga iyo koritaanka muuqaalka dhaqanada degaanka.

Ottawa waa meel ay doorteen dad soo galootil iyo qaxootiga ah; hasa ahaatee, waxaa jira arin weyn oo ah
xaga bulshada oo ah farqiga u dhaxaya dadka soo guurayaasha ah iyo dadka ku dhashay degaanka ee tirada
badan. Dad badan oo ah dadka soo guurayaasha ah ayaa waxa ay la kulmaan dhibaato faqrinimo ah oo qoto
dheer iyo ka baxsanaan bulshada ah. Dadka soo guurayaasha ah waxaa QASAB ah in codkooda la maqlo -
waxay xambaarsan yihiin dhaqano QIIME u leh iyaga, iyo sido kale xiriir waxay leeyhiin dhagaystayaal
taabacsan iyo suuq caalami ahba.

Ottawa waxay hoy u tahay kumanaan codood oo ka soo kala jeeda luqado kala duwan, qolooyin kala duwan,
dad kala ah lab ama dhediga, dadka kala da’ ah, dad ay xaaladooda dhaqaale iyo awoodoodu kala duwan
tahay. Xaqiijinta dhaxalgalka leh ee la xariira kala duwanaantaas waxay dhacdaa markii dad kala duwan, oo
kala xirfada ah ay dhamaantood isku wada geeyaan aqoontooda si ay ugu deeqaan iyo u aqoonsadaan
bulshada.

Codadka dhaqamada soo baxaaya waxaa QASAB ah in si joogto ah loo raadiyo, loo dhageysto, nafaqeeyo iyo
caawiyaba. Waxaa ku XIRAN mustaqbalka Ottawa.

ISTIRAAJIYADA QIIMAHA LEH, XALKA IYO FICILADA OTTAWA

Istraatijiyooyinkaan soo socda ee qiimaha leh, xalalkaan iyo ficiladaan soo socda ayaa la eegi doonaa in lagu
soo daro Qorshaha Miisaaniyada shanta sanno ee soo socta ee Fanka iyo Dhaqanka:

1. Caawinaad aan lacag ahayn oo la siiyo Fanaaniinta soo baxaysa iyo Ururada Fanka
In lala shaqeeyo hayadaha si loo sameeyo hab aan lacag ahayn oo lagu caawiyo fanaaninta soo baxaysa iyo
ururada fanka ee soo baxaaya iyodoo laga la shaqeeynayo:
i) tababarida fanaaniinta, tababare siinta iyo horumarka xirfadla nimada;
ii) caawinaad xirfada shaqada iyo urursanaanta, tusaale ahaan qoritaanka deeq codsashada, sameeynta
webside-ka, suuq geynta;
iii) in la siiyo hab ay ku heli karaan wadooynka horay u soo jiray ee qiimaha la awoode leh; iyo
iv) fursado caan bixin iyo soo bandhigid ah.
2. Fanaaniinta Soo guurayaasha cusub, iyo ururada Dhaqanka
In lala shaqeeyo Ururada Cusub ee Kanadiyaanka ah ee Fanka iyo Hidaha, Ururada Soo galootiga Degaanka
Ottawa, hayadaha soo galootiga iyo ururada kale ee lugta ku leh soo galootiga cusub ee Ottawa fanaanintiisa
iyo ururadiisa fanka iyadoo lagu caawinayo sidii ay u isticmaali lahaayeen ururada dhaqanka ee degaanka iyo
howlahooda si:
i) la siiyo helitaan balaaran oo ah furasadaha goobaha horay u jiray ee lagu soo bandhigo riwaayadaha ,
maqalka iyo muuqaalkaba leh;
ii) in laga siiyo warbixin balaaran fanaaniinta dadka soo galootiga ah ee cusub maalgelinta dhaqanka
Magaalada iyo howlaha kale ee hidaha iyo caawinaadooda;
iii) in la siiyo ogaansho guud oo ku saabsan maalgelinta barnaamijyada hidaha iyo dhaqanka iyo
caawinaadaha hayadaha kale; iyo
iv) in la dhiiri geliyo iyo loo fududeeyo sidii lagu abuuri lahaa wada shaqeeyn ka dhaxeeysa fanaaniinta soo
galootiga cusub iyo ururada dhaqanka iyo la sameeyo ururo fanaaniin iyo dhaqameed.

3. Bulshooyinka qaaska ah ee Ottawa


In lala shaqeeyo habaka jira si loo aqoonsado dhaqamada bulshooyinka qaaska iyo loola xariiro si texgelin leh
si:
i) loogu sameeyo tirakoobka ku yaal maktabada degaanka, warbaahinta, fananka maqalka iyo muuqaalka
leh ee la xariira ama ay ka shaqeeynayaan bulshooyinkaasi;
ii) in la muujiyo holahooda horuamrka leh;
iii) in wax laga barto iyo laga caawiyo qoritaanka tariikhda bulshooyina qaaska ah ee Ottawa; iyo
iv) in lagu dhiiri geliyo inay ka soo qeyb galaan xarumaha fanka ee ka jira degaanka, howlaha hidaha iyo
dhaqanka.

4. Dib U Habaynta iyo Sameeyn Hab Loo Isticmaalo Goobaha Isticmaalkoodu Yar Yahay Iyo Dhulka Banaan
In dib loo habeeyo, goobaha isticmaalkoodu yar yahay iyo dhulka banaan ee xarumaha bulshada, xarumaha
dhaqanka, beeraha, dhulka lagu cayaaro, dhismayaasha caweynta, maktabadaha iyo iskuulada iyadoo laga
dhigayo goobo u qaas ah arimaha ku saleeysan bulshada oo qaas ah:
i) sameynta howlaha fanaaniinta iyo ururada kala dhaqanka duwanthe
ii) ka soo qeyb galka dhageystayaalka iyo howlaha dhaqanka dadka degaanka degan; iyo
iii) isweydaarsiga dhaqanada kala duwan iyo fursado lagu yareeynayo aqbadaha hor taagan dhaqanada.

5. Kor u Qaadida Aqooneed ee Dadka Kala Duwan ee Magaalada


In kor loo qaado ogaanshada guud ee aqoonta dadka kala duwan ee magaalada ee meelaha ay ka midka yihiin
kala duwanaashada iyadoo la adeegsanayo tababarada aqoonta dhaqanada, kor u qaadid ogaanshada Habka
Sharuucda Wada sinaanta ee Magaalada Ottawa, in si balaaran la isku xiro shaqaalaha aqoon u leh, iyo la
adkeeyo isku xirnaanta wakiilada bulshooyinka kala duwan, iaygoo sameeysanaya ururo, iyo gudiyo la talin.

6. Tikidho bilaash ah oo la siiyo Dadka Daqligoodu Hooseeyo


In lagala shaqeeyo hayadaha bulshada si loo sameeyo, loona soo bandhigo iyo siiyo barnaamij sanadle ah oo
siiya dadka degan Ottawa ee daqligoodu hooseeyo tikidho bilaash ah oo ay ku tagi karaan xafladaha dhaqanka
qiimaha degaanka, riwaayadaha iyo/ama howlaha kaleba.

7. Codadka Dhaqamada ee Dadka degan Ottawa ee Baahida Qaaska ah leh


In la dhagaysto iyo la hormariyo codadka dhaqanada dadka degan Ottawa ee baahida qaaska ah leh iyo in loo
helo miisaaniya barnaamijyada dhaqanka iyo howlaha ah:
i) In loo keeno fursadaha hayadaha iyo barnaamijyada wada shaqeeynta ee dhamaanba dhinacyada
fanka iyo hidaha iyo caadada dhamaanba dadka baahida qaaska ah leh;
ii) in lagu soo daro, la caawiyo, iyo la suuq geeyo howlaha ay qabtaan fanaaniinta degaanka ee baahida
qaaska ah leh; iyo
iii) in lagu dhiirigeliyo ka soo qeybgalka bulshooyinka degaanka ee baahida qaaska ah leh ee fanka, hidaha
iyo howlaha dhaqanka.

8. Dadka waayeelka iyo Dhaqanka


In lala shaqeeyo dad waayeel ah oo ka kala yimid bulshooyinka oo idil ee ku nool xarumaha degaanka ee
dadka waayeelka, iyo uruada dadka waayeelka ah xarumahooda si:
kor loogu qaado ogaanshada fursadaha dhaqanka ee jira iyo howlaha ay heli karaan dadka waayeelka ah;
i) in la aqoonsado baahida dhaqanka ee xarumaha bulshada ee dadka waayeelka; iyo
ii) in la sameeyo iyo kor loo qaado barnaamijyada dhaqanka ee ka jawaabaya baahidaas.

Taladaada iyo aragtidaadaba waa mid loo baahan yahay. Waxaanu rajeeynaynaa in sadexdaan su’aalood ee
soo socdaa ay kugu dhiirigeliyaan inaad rayigaada ka dhiibato oo aad talo bixin noo soo dirto.

SU’AALAHA

1. Qiyaas MUSTAQBALKA UGU FIICAN EE MAQUULKA ah ee Ottawa i


Qiyaas BULSHADA aanu doonayno inaanu nafteena u sameeyno iyo MUSTAQBALKA AWLAADA
Qiyaas sida ay noqon karto BERI Ottawa, Kanada iyo Aduunka haddii aanu u saro kacno KA
HORTAGA DHIBAATOOYINKA maantay

Sameeynta cusboonaysiinta Qorshaha Howlaha Hidaha iyo Dhaqanka ee Ottawa 20/20 waxa uu raad
ku yeelan doonaa mustaqbalka Ottawa ee horumarinta dhaqanka…aqoonsiga…awooda
waxsoosaarka….dareenka degaanka….awooda dhaqaalaha…wanaaga degaanka…iyo caafimaad
wanaaga dadka degan

Sidee ayay codadka dhaqanada soo korayaa ay wax uga tari karaan nooca mustaqbalka iyo bulshada
aad ku riiyoonayso inay Ottawa noqoto?

2. Fadla u kala hormari istiraatiijiyadaan muhiimka ah ee waraaqda wada xaajoodka ku qoran sida ay
kugu kala muhiimsan yihiin (tusaale ahaa: midka aad is leedahay waa ugu muhiimsan yahay iyo kuwa
aad isleedahay aad muhiim uma aha) waad soo sheegi kartaa haddii aad heyso istatrijiyoon kale ee la
xariira iyo waxaad ka saari kartaa istiraatjiyooyinka aad is leedahay lama xariiraan ama wax qiimo ah
ma laha.

3. Sidee ku hubin karnaa in magaalada Ottawa codadkeeda dhaqanka ee soo baxaya (oo ay ku jiraan
fanaaniinta, soo galootiga cusub, bulshooyinka kale ee horay halkaas uga jiray) in si fiican loo maqlo,
loogu soo daro, loo caawiyo iyo loo soo bandhiga aragtidooda?

U soo dir jawaabtaada iyo talo bixintaba culture.discussion@ottawa.ca inta ka horaysa Jimcaha, April 29,
2011.
Fadlan noo sheeg waraaqda wada xajoodka aad ka jawaabaysa, iyo haddii aad doonayso in lagugu daro liiska
waraaq u dirida ee elektaroonka ah ee Qorshaha Cusboonaysiinta Dhaqanka Magaalada Ottawa.

You might also like