You are on page 1of 4

http://wayeel.blogspot.com/2008/09/habeenkii-madoobaa.

html

WAYEEL: WAABERIGA SUUGAANTA CUSBOON

Soo booqo http://wayeel.blogspot.com

Wq Fardus Saed Dirir ( AminaFardus ) Salaamu-laahi callaykum dhamaantiin dagalada (websites) iyo

akhristayaashaba. "Ramadaan Kariim," ayaan idin leeyahay. markay taariikhda hijriyadu ahayd 9kii Ramadan 1428kii ( 20/10/2007 ). Aduunka waxa ka baqooshay qof qaaliya oo qoys dhan u ahayd saldhig, ahaydna tusaale waalid fiican lagaga daydo iyo hogo-tusaalayn lana hiigsado. Hadaba tuma ayay ahayd qoftaasi? Waxay ahayd Aamina Saalax Maxamuud Cigaal Khayr, yadoo ku dhalatay gobolka Togdheer magaalo madaxdiisa Burco 1923kii, hooyadeed waxay ahayd Khadiija Cali, waxay la dhalatay afar qof oo laba rag yihiin labana dumar; Xassan Saalax Maxamuud oo naanaytiisu ahayd Caawiye, Ardo Saalax Maxamuud, Cabdillaahi Saalax Maxamuud oo naanaystiisu tahay Ilka-Case, iyo Cibaado Giire, iyagoo imika uu ka nool yahay Cabdilaahi Ilka-case uun. ( Allaaya raxma-raaximiin ). waxay ku kortay Burco illaa toban jirkeedii waxa reerku u guureen magaalada Barbara, markay todoba sanno joogtay Magaaladaa, ( ee isha lagu wada hayo, waayo waxay ahayd gabadh yar oo markaa todoba iyo toban jirsatay, oo inta ay dheer tahay, Illaahay isu dhamays tiray dhexduna taako tahay )ayaa Dirir Mire ( Dirir "Dakhare" ) halacsaday gabadhan quruxda Eebe siiyay ay u dheer tahay xishoodka, aanayba indhaha sare u qaadayn.Dirir oo ahaa nin maayacmushtar ah, ka kala shaqeeya Barbara iyo Cadan oo markaa ahayd meesha ugu wacan ee loo safro siiba dhinaca ganacsiga. Naanaystaana "Dakhare" waxa loogu bixiyay dhakhar yaraantiisii ku dhacay. Waa la siiyay inantii, xille isu noqdeen taariikhdu markay ahayd 1940kii. irir Dakhare iyo Aamina Saalax, waxay isu dhalleen toban ciyaal ah; shan way aaqiireen, Shanna way kaceen. Inkastoo wiilkii ay ku curteen oo ka mid noqday intii hana-qaaday, Maxamed Dirir "Dakhare", Ibraahin Dirir "Dakhare", Saleebaan Dirir "Dakhare" Luul Dirir "Dakhare" iyo Siciid Dirir "Dakhare". Shantaa oo Imika ay ka nool yihiin Luul Dirir iyo Siciid Dirir. ( Allaaya Raxma-raaximiin ). Aamina Saalax Maxamuud waxay ahayd aabahay hooyadii, ayeeyday; marna hooyaday, marna saaxiibadaydii aan ku kalsoonaa, marna la taliyahayga, waxay ii ahayd wax walba oo qof u baahdo. Ayeeyday oo ah qoftii isoo korisay iyada iyo eedaday oo na haysay waxna isoo bartay, aniga iyo ayeeyoba. Aabahay wuxuu ahaa Siciid Dirir oo ah guri-danbayskii ayeeyo, sidaa awgeedna aniga

"Habeenkii Madoobaa"

| wq Fardus Saed Dirir |

17.10.2011 18.43 MGA

http://wayeel.blogspot.com/2008/09/habeenkii-madoobaa.html

ay kalgacayl gaar ah ii haysay. Si ilmo loo koriyo si ugu wanagsan ayay ii haysay iina edbisay oo naxariis, xanaanayn, sheekooyin. Ayeeyo waxay ahayd rug lagu nasto oo ehel iyo qaraabo iyo xiddid iyo asxaaba lagu soo hirto, laguna tashado oo la tirsado. Waxa kale oo caan ahayd in qof kasta oo guriga soo martiya uu tago isagoo ducaynaya una qiraya gobanimada uu Eebe u dhaliyay. Hadaba ayeeyo da'dii waxa u raacay xanuun iyo juuc-juuc, intii qof wayn lagu yaqaanay. Yadoo sidaas ah ayay hadana talada reerka waday oo maamulaysay dal iyo dibadba, sidii waxay u wadaba labadii habeen ee ugu danbeeyay nolosheeda ayay sii tabcaantay. Fiidnimo, 19:30 MGAoo cishaayi laga soo baxay; taraawiixdiina la galayo ayay

Si fudud ayay neeftii mar kaliya is raacday. Bal haba xijaabatay. Si fudud ayay neeftii mar kaliya is soo noqoto? raacday. Bal haba soo noqoto? Inaa-Lilaahuwa-inaa Ilayhi-raajicuun. Ma dhabaa waxay dhaayuhu arkaan? Alla may beenowdo runtu? Haddana waan ashahaataa. Inyar kadib ayaan is hayn kari waayaa! La hadal ayeeyo, uun baan is idhaahdaa; illeen maydba kan uunbuu ii yahay; oo mar hore maaban arag e. Markiiba jaarkii iyo ehelka intii naga ag dhowayd ayaa dhug isku soo yidhi; haddana telefoonadii ayaa istaagi waayay, hawgu darnaado aabo oo Dubia joogay e, alla warka xuni dheereeyaa! Qolkii baa la kala guray, biyihii maydka lagu maydhi lahaa ayaa la wadaa; aniguse intaa ayeeyo ayaan baryayaa: ayeeyo hayga tagin, ayeeyo haygu cidlayn aduunka, yaad iiga tagaysaa? Ayeeyo mar uun ila hadal, ayeeyo waad ogtahay inaan ku jeclahay, hadana shaydaanka ayaan iska naaraa. Markaan arkay inaan wax is dhaaf ah bixinayo waxaan go'aansaday inaan soo waysaysto si aan laba ragcadood oo salaatul-shukri ah u tukado, kadibna quraan ugu akhriyo; laakiin markii aan soo waysaystayba waxaan arkay dumar isu diyaariyay inay maydhaan maydka, waxaan idhi, "Uma maydhaysaan waayo marka kaleba anaa u maydhi jiray, imikana annaa u maydhaya." Waayahay," ayay yidhaahdeen. Eedo oo iyaduna waxay samayso garanla' oo guriga dhex meeraalaysanaysa ayaan u yeedhay,"Kaalay ayeeyo ila maydh"?" ku teh, "Miyaa la oggol yahay in aan inagu maydhno? Anna intaan sii qaracmay idhi, "Waayo saw ayeeyday maaha? Iska daa annaa maydhayee" Way is hayn kari wayday oo hawshii bay ila gashay, dumarkii kalena biyihii ku shushube'. Anigoo duco iyo Asha-haadada ku celcelinayna, dhamaynay dhowrkii jeer. niguna labadii ragcadood ayaan soo tukatday.Kkitaabkii aan quraanka uga marin jirayna waan soo qaatay. La ag fadhiistay; anigoo marna quraanka akhriyaya oo ilmada iska saydhaya; marna is leh, "May mar uun indhaha kala furto!"; marna intaan dadka iska eego ku odhanaya "Ayeeyo macaan cidi inalama joogtee ila hadal, waan ku baryayaa! Subxaanallaah, marna go'ii saarna afuufaya si aan nafta ugu dajiyo inay ayeeyo hurudo uun. Laakiin may suurto galin waxaasoo dhami oo tii runta iyo xaqa ahayd uun baa socotay. Marka aad akhriyayso maqaalkan waxa laga yaabaa in aad istidhaahdo, sidii ciyaalka ama dadka waal-waalan bay u dhaqmaysaa ama way danbaabtay Farduus aad is tidhaahdid; laakiin Alxamdulilaah hadaanan waalan, ama aanan xabaasha ag seexan; waayo waxay ahayd lafdhabartii noloshayda: halbawlihii mustaqbalkayga.

Sidii anoo u ag fadhiya, dadkii kalena tusbaxyadii rogayaan, ayaa waagii baryay. Xabaashii oo xalayba adeerkay Maxamed Dirir ( Illaahay haw naxariisto'e ) iyo

"Habeenkii Madoobaa"

| wq Fardus Saed Dirir |

17.10.2011 18.43 MGA

http://wayeel.blogspot.com/2008/09/habeenkii-madoobaa.html

Saleebaan Maxamuud Aadan ( Saleebaan Nuur ) ay sii iibiyeen, waxa loo tabaabushaystay salaadidi subax in la tukado si loogu hawl galo xabaashii, waa intii ragga ahayde; dumarkiina ay kafantii xidhitaankeedii ay diyaar u yihiin, baabuurtii sakadii aanu daganayn labadeedii dhinac buuxiyeen. wali se waagiiba si fiican uma baryin.

Yaa naxashka kaa iyo uunsiyadeedii ayaan soo ag dhigay, markaa kafanta dhiga? dumar xirfad gaar ah u leh baa xidhaya; anigu marba

Ayeeyo macaan kafantii baa loo xidhayaa, cadaradeedii

gidaar baan isku nabayaa oo ku ooyayaa; laakiin waan la caawinayay xidhitaanka kafanta. Cadaradeedii loolama kala hadhin, "maxaa gurigii udgoon qabsaday"! Manshallah! inay nooshay baaba la moodayaa. Waanu u xidhnay kafantii. Adeerkay Maxamed iyo awoowgay Ilka-case oo ayeeyo walaalkeed ah, halkanay daaradda war-wareegayaan oo sugayaan maydka yagoo abadooduba tabcaan yihiin oo macaan bay qabaane uu circa ku tagay. Waxa la gaadhay xilligii maydka la qaadi lahaa. Madaxa ka dhunko oo sii maca-salaamee, lay yidhi. kalmad aan waligay ilaawayo maaha. Dhunkaday. Eedo ayaa hadana dhunkatay. Dumarkii qolka ku jiray ayaa la kala dareeriyay; si Adeero iyo Awoowe u macasalameeyaan; kadibna raggii kale ula qaadaan oo naxashka la saaro; laakiin aniga iima muuqato oo waxa igu soo noqnoqonaysa "dhunko oo sii maca-salaamee". Marka uu qof dhunkadoba; anna waan dhunkadaa, ilaa markii danbe naxashkii la soo galiyay qolkii. Alla murugo iyo muraara-dilaac waynaa. Waxa aan is idhi, yaa naxashka kaa dhiga saa waaxabu nasiib u yeelanayaa inuu ayeeyo macaan sii qaado markii ugu danbaysay aduunkee! La saar naxashkii. Adeero, awoowe Saleebaan-Nuur, dhowr nin oo kale ayaa isla qabtay. Kasoo baxay qolkii oo intii la sii siday ayaan sii eegayay anigoo Illaahay ka baryaya in uu

Qolkii baan is idhi ku noqo soo eeg; mise waaba aakhiro kusoo dhaweeyo. La saar gaadhiigii! cidla Qolkii baan is idhi ku noqo aad soo eegtide,
mise waaba cidla, alla cidla iyo murugo waynaa! Is hayn kari waayay oo baabuurtii guriga hortaagnaa ayaan caga-cadaan ku fuulay, oo nin ay aabahay ilmaabti yihiin baryay in uu ogolaado inaan raaco, waayo kolayba kama dagayo gaadhiga, intuu dagay ayuu walaashay oo xoogaa iga wayn soo kaxeeyay, una sheegay in ay I soo raacdo, waayahay tidhi. Baabuurtii hore ayay u dhaqaaqdayba, Baabuurtu waxay is xidhay ilaa wadada ka timaada idaacada ee Togdheer illaa xabaalaha Naasa-hablood ama ilaaa wadada looga baxo bari ee hargaysa. Ninkii garanaya Hargaysa uun baa qiyaasi kara intay Baabuurtaasi le'ekaayeen, waxa ka darnaa markii aanu xabaashii gaadhnay oo gaadiidkii laga soo wada dagay, ee maydka lagu tukanayay usha circa loo tuuraa dhulka umay dhacayn! Aniga iyo walaashay Nagwa gaadhiga ayaan ku jirnaa oo waa markii horaysay yada, laakiin anigu waxan tagay aaskii Xassan Yoonis Habane, oo aanu inantiisa curad ku xigeenta ah Faysa Xassan Yoonis oo aanu isku galaas ahayn, iyo hooyadeed u raacay, oo markaa iima cusba. Salaadii ayay ku tukadeen imika qabrigii ayaa waxa dhigaya Adeero Maxamed Dirir iyo Nin kale ay aabahay il-maabti yihiin, oo badalay Awoowe Ilka-case oo naxdintii dirqi intuu ku tukaday bud dhigi kari waayay iyo Jama Oday, isna caa'ilada uun ah. Waxaan is idhi yaa kaa dhiga qabrigaa ay u hoyatay ayeeyo macaan, hadana waxaan nafta ku celiyay oon u sheegay in aanay faaiido lahayn inaan marba idhaahdo may sidaa noqoto iyo sidaa, anigoo nafta sare ugu qaadaya luuqda oo maqashiinaya, in ayeeyday dhimatay, oo aanay soo noqonayn oohin iyo jacayl aan u qabay iyo tabitaan aan tabayo midna aanan ku helayn. Anigoo tusaale ugu soo qaatay Aayadan, "Kulli Nafsun Daaiqatul Mawt" oo micnaheedu yahay ( naf walba geerida way dhadhamin ).Laakiin aan samay karo laba shay kuwaasoo ah inaan u duceeyo in Ilaahay qabriga U nuuro, U balaadhiyo, kafantana u jadiidiyo, Su'aashana u fududeeyo, intaa imika galbisay inka badan oo malaa'ig ahna ay aakhiro kusoo dhaweeyaan Illaahayna naga

"Habeenkii Madoobaa"

| wq Fardus Saed Dirir |

17.10.2011 18.43 MGA

http://wayeel.blogspot.com/2008/09/habeenkii-madoobaa.html

dhigo kuwii aakhiro Janatul Firdawsa ku kulma. Aamiin, Aamiin, Aamin. Iyo inaan sadaqo u bixiyo oo meel alla meeshii ay ku baxaysoba. Aamustay tii naf ahayd ee cidloonaysay. Oo samirtay. Xilligaa ka dib Salaad kasta oo aan tukado waan u duceeyaa yada iyo wixii Muslim ah ee geeriyooday oo dhan.

1. Markaad waydo cid aad jeceshay, ooaakhiro u boqooshay; waxay i bartay: adkaysiga
nolosha iyo samirkeeda.

2. Ayaamuhu badane in maalintaasi ahayd tii iigu darnayn. 3. ku qanaca qadarka iyo sababihiisa 4. in marka aan waayeel arko ba intii markii hore u naxariisan jiray in ka
badan u naxariisto, anigoo ka matalaya ayeeyo oo kale in ay tahay, una baahan tahay caawimo, isla markaana aanan ka hagran intii itaalkay ah xitaa haday igu qaadanayso inaan shaqadayda ka habsaamo ama aanan tagin maalintaaba, waxaan u huraa wakhtigayga iyo xoogayga iyo waliba intii kale ee awoodoba.

adaba maanta oo kale ayay ahayd, jawigu wuu roobanaa maalintii hore oo intaasay kaga yara duwan tahay. Walaalayaal, saaxiibayaal, adeerayaal, waxaan si raxmad leh idiinka codsanayaa aad wakhtigiina inyar oo ka mida u hurtaan ducaynta wixii Muslim ah ee inaga baxay, waxa hubaal ah in qof walba lahaa maalin tan oo kale ah, ama ay soo mari doonto, hadaanan khaldanayn. Aynu hadaba u wada ducayno, goor dhowayd anigoo meel xaafada agteeda ah, jooga ayaan maqlayay laba nin oo maanta dhintay, si gaar ah ayaan uga naxay, una idhi "Inaalilaahu Wa inaa Ilayhi raajicuun". waayo waa isku taariikh Ayeeyday macaan. Ehelkii iyo qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen inta dhimatayba Illaahay haka samir iyo iimaan siiyo. Aamiin, Aamiin, Aamiin.

. . .
Wq Fardus Saed Dirir ( AminaFardus )

Faafin: Tuesday, September 9, 2008

"Habeenkii Madoobaa"

| wq Fardus Saed Dirir |

17.10.2011 18.43 MGA

You might also like