You are on page 1of 8

Yaan lagaa Dhex-hadlin

Qalinkii GaryaqaanCabdale Dahir Adan

Bartay Aqoontaka Xeerarka

31/10/2013

Qof kasta oo Eebe abuuray waxa uu dhaxal uu u siiyay maan (maskax) taas oo u
ah, waxa kaliya ee uu ku kala haadiyo, kasmada haboon iyo kasmada liidata, ama
dantu ku dhex iidaamantahay, waana waxa kaliya ee uu kaga gadisan yahay,
dhamaan waxa uu Eebe uumay oo dhan.
Iyada oo taasi jirto, hadana waxa uu Eebe ugu deeqay aqoon, oo ah dhaxal uu
wada lee yahay habar dad, oo bushaba waxa ku soo kordhinaysay, taas oo ah
hogaanka maskaxda, oo u ah halbeega dhabta ah ee uu qofku ku kala haadiyo
dhamaan kasmooyinka oo dhan waxa ay doonaan ha noqdaane, hadii ay tahay
mid toosan iyo hadii ay tahay mid qaloocda.
Si aan hadaba gunta ugu dago qormadan aan rabo in aan la wadaago, bulshada,
aan ku bilaabo weydiimahan, waxana ay bud-dhig u yihiin qormadan.

1
1- Maxan uga jeedaa ( yaan lagaa dhex-hadlin) ?
2- Hubi cida aad kabaha aad ka tolanayso ?
3- Maxaa hanti ma-guurto inoo ah?
4- Aqoonteen u haraadanahay?

1- Maxan uga jeedaa ( yaan lagaa dhex-hadlin) ?

Hal-ku-dhiga qormadu waxa uu ku fadhiyaa waa (yaan lagaa dhex-hadlin) oo aan


ula jeedo, noqo qof aqoontiisu ay qaan-gaadhay, oo kasmada uu Eebe siiyay
adeegsada, goob kasta iyo madal kasta, waxa kasta oo ka hor-yimaadana iyadu
halbeeg u tahay, waxa dhabta ah ee aqoontiisu u sheegtan ku hadaaqa, oo ah
aqoon-yahan kalidii istaagay, se ha noqon mid loo soo dhiibo, oo la yidhaa intaa
dheh, hebel u jawaab, iyo erayada kale ee dhamaantood ku soo biyo shubmaaya,
in qofkan laga dhex-hadlaayo, waxa kale oo iyaduna mudan in aan ku sii adkeeyo,
dhamaan bulshooyinku waxa ay isku dayaan in ay mid kastaa aqoonta ku dhex
iidaanto dhadhankeeda dhaqan, taas oo ka dhigtay aqoontii aragtiyo cid u
adeegay, waxa na ay ka dhigeen aqoontii, dabino ay ku kaluumaystaan, waxase
mudan dhankay doonto ha ka timaado aqoontu, waa in aan aad isaga hubino,
taasi maaha in aan diidno dhamaan wax kasta oo ay dadku yidhaa, ee waxa aan
ku eegaynaa garashada iyo kasmada, wixii wacan ee aan markaas aragno in uu
wacan yahay waan ka qaadanaynaa, se wixii xun waan uga tagaynaa, waxana
aan halkan halbeeg mudan uga dhigayaa murtida odhanaysa (aqoon iyo kasmo
kasta oo aduunka ka jirta waan u furayaa maankayga, se ka ogolaan maayo in ay
dhadhankayga dooriso ama jirida ii siibto).

In badan oo laga dhex-hadlayaa waxa ay u egyihiin, ninkii Abwaan Hadraawi


maansadii Gol-jano ku sheegay, ee uu ugu soo hal-qabsaday Maxamed Siyaad
Bare ee uu ku yidhi.
Qudhun buu far galiyaa
marka gacal la yaabuu
guud kiisa mariyaa Se waa goorma marka aan halkaas aan gaadhaynaa, waa
marka ay aqoonteenu ka weynaato dhamaan, wax yaabaha kuf-sashada ku ah
aqoonta, qofkuna si dhaba u noqdo aqoon-yahan dhaba oo aqoontiisu qaan-
gaadhay, waxana halbeeg u ah in qofku yahay aqoon-yahan iyo inkale qodobadan

1- Waa in aqoonta uu sidaa ay biyo dhigatay, oo arinka uu dhan kasata ka


eego, oo aanu hal gees ka eegin, waana in uu ka dheeraadaa laab-la-
kac aqooneed
2- aqoontiisu ay qaan-gaadho, qofku jidh ahaan waxa uu u qaan-gaadhaa
marka uu 15 sano gaadho, se garaadkiisu muu qaan gaadhin, waxa uu
se aqoontiisu ay si dhaba u noqotaa aqoon-qaangaadhay malinta uu
noqdo gurgurshaaga aqoonta ee uu u bislaado
3- aqoon tiisu ka weynaato reerka uu yahay, iyo kooxda uu diin ahaan
taageersan yahay, iyo aragtisiisa qofnimo,
4- aqoontiisu ka weynaato cid jecelaysi, iyo cid necebaysi, iyo kan ku riix
iyo kan ku soo dhawee, kaliya ay ka tahay dadkaaga ugu dhaami,
adiguna dan gaara ha ugu adeegsan

2
5- In uu noqdo kan ay dhamaan bulshadiisu wada hadhsato, waan in uu
ahaado kan loo soo wada ooyo, ee aanu noqon ka cid gaari hadhsato.
6- In uu aqoon yahanku yeesho meel loogu soo hagaago, oo aanu noqon
mid habeenba geed taagan, waana in aanu noqon hangool maliba
ninkii soo oodaysanayaa dagta sii sudho.

Hada waxa aan dareemayaa, in hal-ku-dhiga aad ila garateen, waayo faca aan
nool nahay waa facii itus oo I taabsii, ee ma joono amintii waraabe u taaga, iyo in
wax aan jirin la isku beer-laxawsado, aqoon baa lagu tanaadaa tubta haboon lagu
haybsadaa, ee tusaw midaa beeso.

2- Hubi cida aad kabaha aad ka tolanayso ?

Waa muri aad iyo laxaad u gun dheer, oo ka mida murtida loogu adeegsiga badan
yahay bulshada dhex-deeda, waxana ay ku taagan tahay bal in hubsiimo ay aad u
haboon tahay, waxa aad qabanayso oo dhan iyo cida aad hor-gale aad ka
dhigaysana aad iska tooyato, si aanad mudo kadib dhexda farta uga qaniinin.
Xooriska murtidani waa intaas, se ujeedada aan dacal-dhabayaa waa mid ku
aadan, dan-layda badatay ee aduunkan aan guudkiisa ku uumanahay, sida ciida
oo kale isku dul-tuulan, ee ka gaadhay heer ay Diinta Suuban ka dhigtaan dhabar
ay u fuulaan danahooda liita, iyaga oo ka dhiganaaya Diinta waxa ay ku iib-
geeyaan dantaas, se waxa jira dad badan oo aan burkaba bahal ka dayin, oo
raacaya afkan macaan ee uu ku hadraayo, se aan uurka ka jirin, ama qolooyin
shisheeye ahi ku gabraaranayaan, laga yaaban in aanu dhaadin kan lagu
gabraaranayaa, in uu dhaadaana waa laga yaabaa.
Aan gunta u sii ruqaansadee, dadkeen u digayaa, oo aan leeyahay, iska hubiya
cida aad kabihiina aad ka tolanaysaan, aduunkan waxa badan waxaa badan waxa
lagu tahan-baago ama lagu hungoobo'e, waxa uu ku socdaa cidahan ka midka ah
bulshadeena, oo ay kaw ka yihiin

1- Wadaadada

Waxaa mudan in wadaadadu inaga hubiyaan aragtiyaha diimeed, ee danaha


gaarka ah u adeegaya, siiba aragtiyaha, ay ugu weyn yihiin
@ Aragtiyaha ka yimaada wadamada Carabta, oo inta badan ay dhex fushada
hawlo SIR-DOONIMO, waxana ay yihiin gacmo ay ku adeegtaan, wadamada ugu
badan ee ku caano maalay hawshaas liidatana waxaa ugu weyn MASAR,
BAAKISTAAN iyo SUCUDIGA, oo inta badan ku caano maalay ka-ganacsiga
qudhunkaas.

Hadaba hadii Diintii suubanayd sidaas foosha xun loo adeegsaday, waxan haboon
in wadaadada Diintu ay ka fogaadaan in uu ku dhaboobo Gabaygii C/laahi
Suldaan Tima-cade, ee ku yidhi
cama iyo watiin bay cayn kale u cabiraayaane
caynaan fardood laguma karo caalin taw yidhi

3
Waxana ay marag cad u tahay, sida aanay wadaadada qaar u dhugan Diinta
Eebe, ee ay gubinayaan, iyo sida aanay u garan in ay jiraan dad ku adeegta oo ka
been abuurta Diinta, waxa se jira wadaado, aqoontoodu aad u bislaatay oo
gaadhay heer ay kala gartaan waxa dhabta ah ee Diinteena habooni inagu
hagayso, iyo danaha liita ee wadamada qaar rabaan in ay ka dhex fushadaan.
Bulshooyinka wadaaga diinta Islaamku waa kala dhaqan gadisan yihiin, taasina
maaha waxa geeska daraaya Diinta, ee waa waxa uu Eebe ugu talo galay, kala
gadistaanta Afkooda iyo dhaqamadu waa sumad ku tusaysa in Eebe kali yahay, oo
kalidaas uu ku wada AF garanaayo dhamaantood, afkuna waa sumada lagu hayb-
sooco bulsho, ee maaha in busho kale ugu soo dhuumato Diin, iyada oo rabta in
bushada kale ay ku dul-furto dhaqankeeda oo kii ay lahayd bulshadu si tartiiba u
fagto.

Diintu waa waxa balaadhan oo aan cid ku koobnayn, waana waxa aan kala
furmayn oo duuduud lagu liqaayo, waana waxa dhawrsan oo ka yimi meel aan gaf
iyo sogordah midana aanu ka iman, waa madal maamuus iyo milgo oo dhami ku
iidaaman yahay, waa goob aan gar-xeexo iyo xagal-daacis aan lagu ogayn, waa
madal loo wada siman yahay, nin dhiilkiisu buuxo iyo mid qatani waa xeedho ay
gacanta wada galinayaan, waa madal Eebe uu goglay oo uu u wada dhigay
dhamaan Adoomihiisa, waana madan uu ugu talo galay in aan bulsho gaar u
sheegan, bushooyinka kalena aanay ka xigsan, mana ha sida dadka qaarkii
moodayaan, in diintu kali u tahay Carab.
Diintu maaha wax la isku dux tiro, ee waa dabarka isku haya Eebe iyo
Adoomihiisa, waana meel aan dano gaara laga dhex raadin karin, ee kii halkaas
raba in uu wax ka raadiyo, aan ku leenahay lafahaaga maaree, oo ka edabso Eebe,
waayo sogordaha iyo uurka aad dabaysaba waxa kuu jeedaa Eebe, ee inta aad is
leedahay ka dhex ugaadho halkaas ha galin gaws-danbeedaka jahnamo, waxa aan
ku soo ooday Maansada Abwaan Gaariye ee Daba-taxan, waxanu yidhi,
midho daray hadaan bari
duuduub ku liqi jiray
doorkan waxan hubsanayaa
dirxi inuu ku jiro

3- Aqoon yahanka

Waxa iyaduna meesha taal, oo aad u mudan in aqoon yahankuna, wax badan
hubiyo, iyada oo inta badan aqoontu ka imanayso qaramada reer galbeedka, oo
wax badan oo dhaqankeena liidasho ku ahi ku dhex iidaaman yahay aqoontaas,
waxan haboon in uu kalintiisa ka soo baxo, oo uu si dhaba u kala hufo oo u kala
haadiyo aqoontaas, si uu bulshadiisa ugu soo saaro aqoon iyo kasmo si dhaba u
tafatiran qashinkana uu ka bidhiiqiyay,waxana aad u mudan in aan aqoon-
yahanka aanu ku dhaboob, Iskuuladii uu Abwaan Hadrwaai ku sheegay Maansada
Daba-huwen, ee uu yidhi
iskuuladu waa deyeyn damiinimaday dhigaan
dartay uma soo lug go'in duruustu falkay tiqiin
digtoor cadoway sideen digirii nacabay sideen
xaq bay garba duubayeen diintay gibil saarayeen

4
waxay dadayeen amuur dhibteedu dib iigu tiil
waxay doc-faruurayeen

Dedaal abid soo taxnaawaxa dhaba hadii Iskuuladu dhalayaan midhahaas, gibilna
saarayaan kasmadii iyo aqoontii aan dhaxalka u lahayn, waa waxa aan loo
baahnayn, kalintaasna waxa ugu jira aqoon-yahanka, oo ugu jira kalinta askarigu
ugu jiro bulashada oo ka kala haadinaaya kasmooyinka aduunka yaala, ugana soo
mulaaxinaaya wixii dhaqankeedan suuban aan geeska dareyn, ee aqoon-yahan
Eebe xilkaas ha ku garab galo, aamin aamin aamin

intaas buu dhawaaqaygani ku socdaa, oo uu ku leeyahay waxa aad wadaan


hubiya oo iska eega oo kala bidhiiqiya, waayo waxa aan bulshada ugu jirtaan
halka Askarigu ugu jiro, hadii uu askarigu ilaalinaayo soohdimaha Qaranka iyo
sugida xasiloonida Qaranka gude iyo dibadba, idinkuna waxa aad u taagan tihiin,
dhawrida garashada haboon iyo sugida aqoon habooni in ay gadho maanka iyo
maskaxda bulshadeena, ee qof kastaa haka soo baxo kalinta uu kaga jiro
bulshada, ogaadana gumaysigu waa laba.
1- mid dhulka xoog ku qabsada, kaasina waa sii dhamaanaya oo dhamaan bulsha
weynta aduunka oo dhami waa garatay, hanaanka iyo tabihiisa, wana sii dabar-
jarmayaa, qaabkan gumaysi.
2- mid maanka iyo maskaxda ka gumaysta bulshooyinka kale, oo dhaqankooda ku
badala kiisa, kana cidhib tira dhamaan wixii ay ab' ka soo gaadhay oo dhan,
dhadhankana ka dila dhaqankeeda, waayo way kala sareeyaan marka waxa laguu
dooraayo iyo marka aad adigu dooranayso, sarayntuna halkaasay ku jirtaa, ee
kuma jirto in maankaaga iyo kasmada aad leedahay la dux-tiro, oo lagaa bulux-
beeliyo, waan gumaysigan kan loo wada tafa-xeytay, ee ay rabaan in busho
kastaa mida ay is leedahay waad liqi kartaa in ay liqdo.

1- Maxaa hanti ma-guurto inoo ah?

Bulsho kasta, Eebe waxa uu siiyay, waxa u gaara, taas oo u ah, sumada ay lagaga
baadi-soocayo, dhamaan bulshooyinka kale, ee aduunka gibilkiisa ay ku wada nool
yihiin, waana taas ta aan hadii aan bulshada Somaliland nahay, uu Eebe inoo
siiyay, sumad iyo astaan inoo gaara, waana halka maanta uu galay gusmaysiga
cusubi, ee uu rabo in uu bushada uu sumad tiro.
Hadaba waxa meesha taal hadii bulshooyinka uu hirdiga noocan ahi ka dhexeeyo,
oo busho kastaa heegan ugu jirto dhawrashada sumada ay leedahay, maxaa inoo
sumad ah hadii aan nahay bulshada Somaliland ee aan heegan u noqonaa, in aan
wada dhawrano, hadh iyo habeena aan u soo wada jeednaa.

1- Dhaqankeena suuban ee Diinteena dhawrsani ku iidaaman tahay


2- Af keena Somaliga oo ah, waxa aan isku neef-garanayno.

Busho kastaa waxa ay u taagan tahay, waa dhawrida Afkooda, oo ah waxa ugu
mudan ee ay bulshiiyinku ku kala duwan yihiin, waxan ay gaadheen heer ay
dhamaan aqoonta jirta oo dhan ku dhigtaan afkooda, si ay af-koodu u noolaado,
oo aanu u dhiman, waxana haboon in aan afkeena somliga aan si dhaba ugu

5
hagar-baxno, uu dhalaankeena oo koraaya u barto af-kiisa, kuna qaato dhamaan
aqoonta taal aduunka, heerkasta oo ay tahay Afka somaliga, waana waxa aad iyo
laxaad u fudud, kaliya waxa ay u baahan tahay in aan, si dhaba ugu wada kacno,
waxa afku noolaadaa oo ku sii jiraa waa laba shay oo kaliya

1- in af-kaasi yahay af lagu dhigto dhamaan aqoonta taal


adunka.

waxan lagu sameeyaa aqoonta kale ee ku qoran afka kale, waa la af-celiyaa,
waxan uu afka loo af-celiyay ka helaa, koriin, iyo taran, taas oo ka ilaalisa in uu
afku gudho, oo uu noqdo af hagaasa.

2- in afku yahay af lagu adeegsado, agabka cusub ( qalabka


casriga ah )

taasina waa waxa aad u fudu, oo hadii loo dhaqaaqo aan qaban karno, waxana
aan halbeeg inoo ah, Israaiil waxa ay soo noolaysay af dhintay, oo ah afka Cibriga,
oo hada ah afka ugu koriinka badan dhanka adeegsiga agabka cusub ( qalabka
cusub) waxan ay u samaysay jamacad lagu dhigto dhamaan aqoonta adunka taal
oo dhan, waana jamacada cibriya, ee aan hada u wada kacno in aan afkeena
somaliga aan si dhaba ugu hagar-baxno hadii kale maalin dhaw udubkaa la inagu
riixi, waana la ina mili, sida sonkorta.

3- Habkeena ab' laga soo gaadhka ah ee aan hawsha u kala leenahay, hadii
ay tahay
@ Madax-dhaqameen ( hogaanka dhabta ah ee Bulshada )
@ Wadaadada ( hogaanka dhabta ah ee Diinta )

FIIRO GAARA : waxa haboon in labadaas qolo ay ku ekaadaan halkooda, waayo


waa labeenta bulshada, waan halka ugu dambaysa ee loo noqonaayo dhibkasta
oo timaada, hadii ay tahay dhanka dhaqanka, waxaa loo noqonayaa madax-
dhameedka, hadii ay tahay dhanka diintana waxa loo noqonayaa wadaadada, se
hadii ay halkaas ka soo dagaan, waxa ay yimaadeen goob lagu kala aragti duwan
yahay, oo ah goob wax laga sheego, inta se ay halkaas ay yihiin ay taagan yihiin,
waxa ay joogaan goob bulshadu ay wada ogoshahay, oo ka wada raali tahay.

@ Siyaasiyiinta ( hogaanka dhabta ah Qarankeena )

FIIRO GAARA : waxa aan siyaasiga aan uga reebay, waa guurguur badan yahay,
waana jirjiroole, hadba muuq la soo baxa, walibana waa siyaasigan, hada jooga,
oo si qaab fool-xun u dhaqma, oo aan dadka kala hambaysan, waxana dhaba hadii
aan godkaas soo wada dagno, in aan dux-beelayno, oo hadii dhibi timaado, Eebe
inaguma keenee, ay naan haysan geed aan hoos galno, waana taas taan uga
reebay, Madax-dhaqameedka iyo Wadaada, waayo waa halka ugu saraysa ee
bulshadeenu wada hadhsato, waan gunta iyo unuga bulshada, ee aan wada
dhawrano, gujadana aan ka dayno, iyaguna yaanay halkaas ka soo dagin, hana
ogaadaan in ay yihiin labeenta bulshada.

6
4- Aqoonteen u haraadanahay?

Hubaal weeyi, in aqoontu tahay ta qaramadu ku kala sareeyaan, ee maanta la isku


gumaysanaayo, ee qaranka aqoonta helaaba uu rabo, in uu kan kale ee ka qatan,
in uu ku cidhib-tiro dhaqankiisa, iyo dhamaan waxa uu hanti aqooneed isagu uu
leeyahay, oo uu daaha aqooneed ee uu isagu leedahay, tiisa saaro,
hadaba hadii xaalka aqoontu yahay taas, maxaa inoo talo ah, oo aan qaadan
karnaa, si aynaan aqoonta u seegin, waxas liita ee lagu daray aqoonta aan uga
fogaano, oo midha xun ee lagu daray, ama lagu daraayo, aan uga dhex-qaadnaa,
si aqoonta aan ka helayno bulshooyinka kale, aanay dhaqankeena u doorin, oo
aanay inoo muunad-bixin, waxa aan odhan lahaa oo ila haboon, in aan qaadano
talooyinkan.

1- In aqoon-yahankeenu ogaado, kalinta uu bulshada gu jiraa, in ay tahay,


kaalin aad u weyn, oo ah in uu gaadhka aqoonta u yahay bulshada.
2- In uu si dhaba u kala barto aqoonta, oo ah aqoonta ay u baahan tahay
bulshadiisu, iyo aqoonta aanay gayin, ee dhaqankeeda rabta in ay muunad
guuriso.
3- In uu yahay aqoon-yahan qaan-gaadhay, oo kala haadin kara, kasmoyinka
is barbar yaacaya, iyo ta uu uga baahan yahay, waana in uu ka weynaaday,
laab la kaca aqooneed, oo aanu aqoonta kufsan.
4- In uu dhawro, afka, inoo ah sumada iyo astaanta, aan gaarka u leenahay,
oo uu aqoonta soomaaliyeeyo, waayo waxa ku jira laba qodob oo aad u
mudan, 1- in afku ku koro, oo aanu ku hagaasin, 2- in bulshadu garato,
waxa uu u jeedo iyo fariinta uu sido.
5- In uu heegan u yahay, dhawrida aqoonta aan leenahay, iyo in uu geed
dheer iyo mid gaaban u fuulo, sidii aqoonta aan leenahay u sarayn lahayd.
6- Waxa aan ogol nahay wadaag aqooneed, se ma ogoli milan iyo in jirida la ii
saaro.

Waxana aan ku soo ooday, murti dhex-martay, Bare ( Macalin ) iyo arday, waxana
ay ku jirtaa Riwaayada IF IYO AKHIRO, waxaa ay ku bilaabantay.

Bare ( Macalin )

Waxa intaad miliilicdo


inadha haaguna qabtaan
maxaa kuula mihiimsan

Arday

Waxaa iila mihiimsan


calankan muunada weyn lee

7
mawlaheen ina siiyay
mid-nimo aynu ku dhaqniyo
cadaaladoon ku midaynaa
aniga iila mihiimsan

Bare ( Macalin )

Waxaad muhatee
carab kaagu dareemo
ee cunahaaga dhex-qaada
maxaa kuula macaan

Arday

Macalin uu garanwaayee
waxa iila macan
nabad baa iila macaan

Bare ( Macalin )

Waxa aad muhatee


cunahaaga dhex-qaadee
carabkaagu diido
maxaa kuula qadaadh

Arday

Isticmaar wax maroojoo


masaar weyn iyo toori
mijaha kaaga jaraayoo
midida kuu qarinaayoo
ku maklaa iila qadhaadh

You might also like