You are on page 1of 5

Yaa leh Awooda Xalinta Muranada ka Dhasha

Doorashooyinka Somaliland?

Qalinkii:- Garyaqaan Cabdale Dahir Adan


Chief Executive Officer:- Damal Legal Services
Email:- cabdale1987@gmail.com
Tell:- 036-4240180
22/09/2016
Ma aqoon-daro sharici Mise Dhadhamo raadis Mise wado nacabku Somaliland
u soo-raaco ayan ka tahay SONSAF.

Fiiro Gaara:- Muranada Qormadani ku aadan tahay waa kuwa taabanaaya Nabadgelyada,
waxana si toosa ay u abaaraysaa waydiintaas hal-ku-dhiga u ah waxana weeyi, Yaa leh
awooda Xalinta Muranada ka dhasha Doorashooyinka?
Se wixii tabasho ah waxaa murankaas u-xil-saaran:-

1- Maxkamada Sare.
2- Gudidda Diwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
3- Gudida Ilaalinta Iyo Habsami-u-socodka Doorashooyinka.

Weydiinta Qormadan igu qaaday baa ah, hadii Distoorka iyo Xeerarka Qarankuba sidaas hoos
ku qoran yihiin maxay u cuskatay SONSAF, halkay se ka-keentay waxa aanu dhex-
dhexaadinaynaa muranada ka yimaada doorashooyinka Somaliland?

Waxana qormadu u lafa-guraysaa doorasho kasta cida u xil-saaran in ay fur-daamiso muranka


ka yimaada, waxana ay ku bilaabmaysaa sidan.

1- Muranada ka yimaada Doorashada Madaxtooyada Iyo Golayaasha Deegaanka :-


Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golayaasha Deegaanka (Xeer No.20/2002)
Qodobka 65aad:- Dacwadaha doorashada

1.Dacwadaha ku saabsan doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha


waxa awood u leh maxkamadda sare, waana in dacwadaasi soo gaadho kaalinta maxkamadda
20 maalmood gudahood oo ka bilaabmaya marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada. Haddii
ay wakhtigaa dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma yeelanayso.
2. Maxakamadda Sare markay hesho qoraaladda raadraaca ee xafiisyada gobolada ee
doorashada iyo kuwa xafiiska dhexe ee Komishanka isla markaana hubiso xisaab ahaan iyo
sharci ahaan doorashada waxay ku dhawaaqaysaa natiijada doorashada Madaxweynaha iyo ku
xigeenkiisa.

2- Muranada ka yimaada Doorashada Golaha Wakiilada:-


Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ( Xeer No.20-2/2005 )
Qodobka 61aad:- Dacwadaha doorashada

1. Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, ayaa leh awoodda ka garnaqista dacwadaha la xidhiidha
doorashada Golaha Guurtida marka ay ku qanacdo arjiga dacwoodaha.
2. Dacwadaasi waa inay ku soo gaadho kaalinta Maxkamadda Sare labaatan (20) maalmood
gudahood oo ka bilaabmaya marka lagu dhawaaqo natiijada hordhaca ah ee doorashada.
Haddii ay wakhtigaa dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma yeelanayso.

3- Muranada ka yimaada Doorashada Golaha Guurtida :-


Xeerka Doorashada Golaha Guurtida ( Xeer No.20-3/2006 )
Qodobka 59aad:- Dacwadaha doorashada

1.Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, ayaa leh awoodda ka garnaqista dacwadaha la xidhiidha
doorashada Golaha Guurtida marka ay ku qanacdo arjiga dacwoodaha.
2.Dacwadaasi waa inay ku soo gaadho kaalinta Maxkamadda Sare labaatan (20) maalmood
gudahood oo ka bilaabmaya marka lagu dhawaaqo natiijada hordhaca ah ee doorashada.
Haddii ay wakhtigaa dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma yeelanayso.

4- Muranada ka yimaada Xisbiyada Dhexdooda:-


Xeerka Nidaamka Axsaabta Iyo Ururada Siyaasada ( Xeer No.14/2011 )
1-Qodobka 29aad:- Khilaafaadka ka Dhasha Xisbi/Urur Dhexdii ama Laba Urur/Xisbi

1. Haddii xubnaha xisbi ama urur isku khilaafaan hogaanka ama u kala jabaan laba meelood iyo
wax ka badan, hayadaha xisbigu/ururkuna xalin kari waayaan khilaafka, waxa dhinicii
danaynayaa dacwad u gubinayaa Gudidda Diwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta
Qaranka.
2. Gudiga diiwaan gelintu markuu helo dacwadda ku xusan farqadda 1aad ee Qodobkan, wuxuu
ka soo saarayaa goaan ku salaysan Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadeed ee
Xeer lam. 14/2011 iyo dastuurka xisbiga/ururka hogaankiisa laysku haysto ee laga diiwaan
geliyey Guddida Diiwaan-gelinta.
3. Dhinicii ku qanci waaya goaanka gudidda diiwaan gelinta waxaa u bannaan in uu racfaan u
qaato Maxkamadda Sare, xukunkeeduna wuxuu noqonayaa kama dambays.
4. Haddii dhinacyada is hayaa la yimaadaan laba dastuur oo is khilaafsan oo loo sameeyey
ururka/ xisbiga hogaankiisa laysku haysto, waxaa la tixgelinayaa dastuurka laga diiwaan geliyey
guddida diiwaan gelinta ee lagu aqoonsaday ururka/xisbiga.
5. Haddii khilaafka farqadaha hore ku qorani yimaado inta aan ururka la diiwaan gelin ee aan
aqoonsiga la siin, gudidda diiwaan-gelintu ma diiwaan gelinayso magaca ururka hogaankiisa
laysku khilaafay.
6. Dhinacyadana waxaa u banaan in mid waliba gaarkiisa u samaysto urur kale oo aan la hayn
magacii laysku qabsaday.
7. Haddii laba urur ama urur iyo xisbi isku qabsadaan magaca ama astaanta diiwaangelinta ka
dib, waxaa loo aqoonsanayaa in uu leeyahay magacaas ama astaantaas kan Gudiddu u diiwaan
gelisey ama loo hor diiwaan geliyey.

2-Qodobka 8aad, Xarafkiisa KH & D ( Xuquuqda Xisbiyada Qaranka )

KH.Xisbiyadu wixii dacwad ama cabashooyin ay ka tawdaan shaqada Guddiga diwaan galinta
ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta Qaranka. waxay qoraal ahaan ugu gudbinayaan
maxkamadda gobolka ay cabashadu ka jirto.

D. Haddii ay ku qanci waayaan goaanka maxkamadda gobolku ka soo saarto, waxay racfaan
uga qaadanayaan Maxkamadda Dasruuriga ah
3-Qodobka 25aad Xarafkiisa U ( Tayaynta Iyo Habaynta Xisbiyada Qaranka )

U. Gudidda diwaan galinta Ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka ayaa
xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u
soo gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.

5- Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada/Ururada Siyaasada ee Doorashooyinka Golayaasha


Deegaanka ( Code of conduct for political parties/ associations ) kaas oo ka soo baxay
Gudida Doorashooyinka Qaranka, Sumadiisuna tahay:- Ref:KDQ/XK/291/12, Kuna
Taariikhaysan 13/09/2012.

waxana uu xeerkaasi ku abuurayaa, Gudida Ilaalinta Iyo Habsami-u-socodka Doorashooyinka,


waxana hawsha gudidaasi ku egtahay inta doorashadu socoto, waxana ay u xil-
saaran tahay xalinta muranada ka yimaada Xisbiyada inta ay doorashadu socoto,
Qodobka 19aad:- Xalinta Khilaafaadka (Conflict Resolution)

1.Xisbiyada/Ururrada Siyaasaddu waxa ay muran iyo khilaaf kasta oo ka dhex dillaaca ku


xallinayaan wada hadal iyo is-afgarad (amicable solution)

2.Haddii ay Xisbiyadu ku guulaysan waayaan in ay khilaafka dhexdooda ah xalliyaan waxay u soo


ban-dhigayaan Guddida Ilaalinta iyo Habsami-u-Socodka Doorashada

3.Haddii arrintu ay tahay mid aanay waxba ka qaban karahaynin Guddidaasi waxaa loosoo
gudbinayaa Komishanka Doorashooyinka.

Qodobka 22aad:- Guddida Ilaalinta Habsami-u-Socodka Doorashooyinka

Waxana loo aasaasay Gudidaas, Ilaalinta Habsami-u-Socodka Doorashooyinka iyo kor-u-


qaadista suurto-galnimada in ay doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka qabsoonto, iyo in ay
doorashadaasi ku qabsoonto kuna gebo-gebawdo turxaan laaan, si waafaqsan Sharciga iyo
Xeerarka dalka, waxana ay ka kooban tahay 7 aqoon-yahan iyo 1 qof oo deeq-bixiyayaashu ka
soo-xulaan hayadaha aqoonta u leh doorashooyinka, waxana xilkoodu ku eg-yahay inta
doorashadu socoto.

Fiiro Gaara:- waxa Xeerkan wada sexeexay 3da Xisbi Qaran iyo 6dii Urur Siyaasadeed.

Hadaba intaas kor ku xusani waa sida loo fur-daaminaayo muranada ka yimaada doorashada,
hadaba waxa taas feedh-yaala hadii murankaasi uu saamayn ku yeesho nabad-galyada Qaranka
yaa awood u leh in ay murankaas ka gar-naqdo?
Sida ku cad Distoorkeena waxa xilkaasi dusha u saaran yahay Dawlada, oo uu gadh-wadeen ka
yahay Madaxweynaha Sida ku cad Distoorka Somaliland Qodobkiisa 90aad oo Qeexaaya
Awoodaha Madaxweynaha (Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda, waana
astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u xilsaaran
yahay daryeelka haybadda dalka, ilaalinta nabadgelyada, horumarinta bulshada iyo hab-
sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda)

Hawshaasi waa mid gabi ahaanba u taalada Madaxweynaha, iyadoo taasi tahay
hawsha u taal Madaxweynaha, waxa kale oo hawshaas ku gacan-siinaaya Golaha Guurtida sida
ku cad Distoorka Somaliland Qodobka 57aad:- Tilmaanta Guud ee Golaha Guurtida

Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah Golaha Odayaasha, waa Qaybta 2aad ee


Xeer-dejinta waxaanay dib u eegaan xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiilada intaan
Madaxweynaha loo gudbin; wuxuuna gaar u leeyahay dejinta xeerarka ku saabsan Diinta,
dhaqanka iyo nabadgelyada.

Qodobka 61aad:- Awooda Iyo Waajibaadka Golaha Guurtida:- Faqradiisa 1aad Ilaa 6aad

1- Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.


2- Dib-u-eegidda xeerarka Golaha Wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyadda mooyaane,
waxaanu ku celin karaa Golaha Wakiilada hal mar, muddo 30 (soddon) maalmood
gudahood oo ka bilaabanta maalinta loo soo gudbiyo xafiiska Shir-guddoonka Golaha
Guurtida, isagoo sababaha aragtidiisa qoraal ahaan ugu gudbinaya.
3- Ka-talo-bixinta dhalliilaha maamul ee Xukuumadda iyo ogaysiintooda Golaha Wakiilada.
4- Ka-gacan-siinta Xukuumadda arrimaha Ia xidhiidha Diinta, nabadgelyada, difaaca,
dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada; iyagoo kaashanaya madaxdhaqmeedka beelaha.
5- U yeedhidda xubnaha Xukuumadda iyo wax-ka-waydiinta gudashada xilkooda.
6- Waxa kaloo Golaha Guurtidu awood u Ieeyahay inuu Golaha Wakiilada u gudbiyo soo
jeedin mashruuc, si Golaha Wakiiladu uga doodo, go'aana uga gaadho.

Fiiro Gaara:-waxa aad dhuuxdaa Faqrada 1aad iyo Faqrada 4aad.

Waa qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan


CEO Damal Legal Serveis
22/09/2016

You might also like