You are on page 1of 4

Qofku wuxuu qiimeeyaa

lagu qiimeeyaa
PUB LI SHED ON 10 Nofeembar, 2015
Qof marka aad miisaanka saarayso guud ahaan ujeedo ayaad ka leedahay.
Ujeedada waxaa dabada ka riixaya sabab. Sababtu waxay noqon kartaa mid
macno wayn iyo miisaan leh ama mid faduul iyo ogaal jacayl ah. Inaad qofka
qiimaysid dabadeed qiimihiisa ku xukuntid, kadibna waxkasta oo dhankiisa ku
saabsan aad miisaankaas iyo xukunkaas ku maaraysid ayaa ah meesha biya kama
dhibcaanka ah.

Suaalaha Curiska

Suaalaha aan isku deyi doono inaan curiska jawaab ugu helo ayaa waxay yihiin:

1. Maxay yihiin sababaha qofka aad qiimaynaysaa?

2. Maxaa qofka lagu qiimeeyaa ama lagu miisaamaa?

3. Intee jeer ayaad u baahan tahay hal qof inaad miisaanka saarto?

4. Maxaa faaiido ku jirta in qof la qiimeeyo?

Ujeedada

Ugu horrayn ujeedooyinka qofka loo qiimeeyo way badan yihiin. Sidaas awgeed,
ujeedooyinka shaqo iyo shaqaalaysiin la xidhiidha kuma saabsana qormadani.
Keliya, waxaan rabnaa ujeedooyinka bulsheed iyo shakhsiyadeed ee qofka looga
baahan yahay iyo halbeegyada lagu qiimeeyo.

Ujeedooyin bulsho iyo shakhsi waxaan ka wadnaa xidhiidhada dhex mara


bulshada sida: saaxiibtinimada, walaaltinimada, wehelnimada, wadaaynimada,
wada socoshada IWM. Qofku markuu samaynayo xidhiidh ama uu bulshada la
falgelayo wuxuu kala shaandhayn, kala miisaamid iyo kala hormayn ku wadaa
dadka uu la kulmayo iyo shakhsiyaadka bulshada gebi ahaanba, ha
dareensanaado ama ha hilmaansanaadee, shaandhadiisu waa shaqaynaysaa.
Hadaba shaandhadan qofku uu wato waa mid noocee ah? Yay sii daynaysaa?
Yayse reebaysaa? Waa suaasha kale ee nuxurka u ah qormada.

Saamiga Garashada

Halbeegga koowaad badanaa, waxaa dadka u ah halbeegga saamiga garashada


(IQ) ee qofka. Qofku wuxuu dadka kula saarayaa qofka iyo garashadiisa inta ay la
gaadhsiisan tahay, markaas ayuu sifooyin iyo xukumo bixinayaa. Kani waa
doqon, kaasi waa fariid, waa laga roone iyo waa wax-ma-garato, waa taf iyo waa
waxgarad ayuu u qaybinayaa. Ogow garashadan uu wax ku qiimaynayo laftiisu
qayb buu ka leeyahay, miisaankiisuna tiisa ayuu hoos tegayaa. Macnaha, qofkii
uu isagu u garto fariid waa fariid, walow doqon ba ha ahaadee, kii uu maangaab
ku sheegana waa sidoo kale cagsigeedaba ha ahaadee. Laga yaabee xagasha uu
wax ka eegayo inaysan ahayn xagal toosan, ama halka ugu saraysa ee uu
garaadkiisu cabbiri karaaba waa meel hoose, waayo qiimaynta saamiga
garashadu kuma xidhna, hal dhacdo iyo xaalad. Sifooyin badan oo laysu
dheelitiray saami kasoo baxay weeye; sida fahmi ogaanta, ildheerida, odorosidda,
furfurid, dheegidda, dhalaalinta, kala soo dhexbixidda iyo dhamaan shaqooyinka
caqliga oo dhan siday isugu dheellitiran yihiin. Tusaale ahaan, dadka qaar baa ku
dheereeya xifdinta iyo kaydinta, halka kuwa kale na fahmidda iyo furfuridda
baradheeryihiin, kuwaa dhalaalinta afkaarta iyo dheellitirka natiijooyinka dhibco
ku haysta. Isku soo duuboo qofka qiimaynaya saamiga garashada asxaabtiisa iyo
bulshada uu astaamaha u qaybinayo sifada uu adeegsanayaa waa tee? Laga
yaabee inuu adeegsaday sifada fahmid ogaanta keliya. Hal mawqif oo u baahnaa
sifadaas ayuu 10 qof ku xukumay. Sidaan hore u sheegnay lagama sinna saamiga
shaqada caqliga, mid baa dhanka fahmid ogaanta aan la hawaysin, halka mid kale
isagu uusan hore waxba u fahmin laakiin uu dhanka xafidaada iyo furfurida
(analysis) uu ku dheereeyo. Haddaan u soo noqono tusaalihii qof hal mawqif ku
qiimeeyey 10 qof, waxaa hubaal ah uu qofkii ugu hor fahmay noqonayo ka ugu
fariidsan, halka inta soo hadhay ay qaadanayaa sifooyin kale. Halkaa waxaa
inooga soo baxaya inaan qofka lagu qiimayn saamigiisa garasho (IQ) hal mawqif
iyo hal dhacdo midna. Sidoo kale saamiga garashada ee qofka qiimaynta
samaynaya, markuu bulshada la falgalo waxaa mar walba agtiisa ka faddilan
qofka isaga ugu saami-garasho dhaw, ama ay isku saami yihiin.

Walow ay dhib badan tahay in halbeegaas si saxan loo cabbiro hadana waa la
cabbiri karaa, ama ugu yaraan waa la fasiri karaa, haddii qofka mawaaqif kala
duwan iyo meelo kala duwan laga fiiriyo, xaalado iyo xilliyo kala duwan. Laakiin
maaha halbeegga keliya ee qofka ama lagu qaato ama lagu tuuro. Imisa qof oo
caqli badan Alle na saamiga garashada qaybo badan ka siiyey oo aadan jeclaateen
inay saaxiibadaada dhowdhow noqdaan, ama aadan nolosha la wadaagteen ayaad
taqaan? Halbeegga Saamiga garashadu ma aha ka keliya ee lagu qiimeeyo qofka.
Miyaanay jirin dad aad fariiddo u taqaan oo hadana agtaada aan qiimo ka
lahayn?

Qofku Wuxuu Qiimeeyaa Lagu Qiimeeyaa

Waa run, qofka qiimaha uu leeyahay, iyo qadarka uu bulshada ka joogo waxaa
goaamiya waxa isagu uu qadariyo. Waxyaabaha uu muhimadda siiyo
muhiimadda ay leeyihiin ayuu isna yeelanayaa. Hadduu wax aan qiimo badan
bulshada dhexdeeda ku lahayn aad u daneeyo, wuu la qiima noqonayaa. Hadduu
se waxyaabaha bulshada agteeda ka leh kal-gal ka wanaagsan ee aad loo qadariyo
isna qadariyo, qiimeeyo isla markaana daneeyo oo dadaal ku bixiyo qiimohooda
iyo mid ka wayn ayuu yeelanayaa.

Sidaa si la mid ah Alle agtiisa waxaa qiimo kale leh qofka ku dedaala waxyaabaha
Alle qiimaha u yeelay. Sidaas awgeed meesha qiimaha iyo qadarka binii aadamku
ka soo dhalaalo ee ka muuqdaa waxaa shayga uu wakhtigiisa, dedaalkiisa iyo
daryeelkiisa siiyo.

Akhlaaqda

Akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan, waa ashyaa macnawi ahaan qiimohooda


laysla wada waafaqsan yahay, maaddiyan mararka qaarkood u qiimaysma. Waa
dhaqamada wanaaagga, waa samaanta iyo waxtarka. Waa astaamo Alle ku
abuuray jurmiga aadmiga isla markaana waa calaamadaha diimaha samaawiga
ah loo soo rogay inay dhamaystiraan. Ixtiraamka; waa qiime dabiici ah oo
qofkasta yaqaano. Runta; waa shay laysla wada qirsan yahay wanaageeda, sidoo
kale amaanadu maaha mid lagu muransan yahay qiimeheeda. Waa sadex dhaqan
oo wanaagsan tusaale na u ah akhlaaqda wanaagsan iyo sida laysugu waafaqsan
yahay.

Sidaas awgeed, hadba intaad akhlaaqda wanaagsan ka leedahay ayaad ka


helaysaa, waa qaacido la hubsaday. Xaddiga ixtiraam ee aad bixiso ayaad
helaysaa. Sidoo kale intaad runta iyo amaanada kaga dhaqantid uun baa
qadarkaaga iyo qiimahaagu kor u kacayaan.

Waxtarka

Hadba inta uu leegyahay waxtarkaaga iyo waxsoosaarkaagu ayuu leekanayaa


qiimahaagu. Waa iska caddaan waxtarku inuu yahay wax loo wada bogay, qofka
aad waxtarto isna wuu ku qiimayn, inta ka ag dhowna waa qiraysaa, Alle na waa
kaa abaal marin. Haddaad waxtar guud oo bulshada oo dhan gaadhayaa soo
saartid na waa laguu laba jibaarayaa.
Faaiido

Kolka haddii halbeegga qiimaynta ee aad bulshada ku kala saaraysaa noqdo mid
saxan, waxaad awood u yeelanaysaa, inaad ku dhex noolaato bulshada adoo
qiimaysan. Waxaad kala garan karaysaa isla markaana si saxan u kala sooci
karaysaa dadka aad la kulmayso, qof walbana qiime iyo qadar u gaar ah ayuu kuu
yeelanayaa. Waxaa samaysan karaysaa asxaab iyo ehel tayo leh, sidoo kale
waxaad awood u yeelanaysaa inaad si fiican bulshada ula falgashid, u maaraysid
una maamushid.

W/Q: Maxamed Cabdicasiis Bootaan


Khartuum, Suudaan

Raiyoow Laba Nicmo Noogu Nicmee

Nicmada Caafimaadka iyo Nicmada Diinta


Raiyoow Laba Qalbi Na sii
Qali Naxariista iyo Qalbi Caqli iyo Xikmad adan
Raiyoow Laba Raaxo Na sii
Raaxada Salaada iyo mida Araga Wajigaaga
Raiyoow Laba Wanaag Na sii
Wanaag aduun iyo Mid Aakhiro
AllaaHumma AaMiiiN

You might also like