You are on page 1of 30

SHEEKO JACEYL OO TAXANE AH

Iska key Illow!


(Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah)

Sabti, 26 Apr 08
Qeybtii 1-aad
in cabbaar ah hadii aan dhacadiid uu jiifay, oo aan hurdo ku sari
waayay, ayaan mar qura soo hinqaday oo aan soo fariistay, aniga oo inta
labada gacmood kor u taagay, tobanka faroodna is dhaafiyay oranaya
"aaa..aaa", kadibna qoorta jucsanaya. Waxaa I haya caajis baas oo aan
garaneyn halka uu igaga yimid, waxaanse u qaatay in dhafarkii habeenkaas
aan ka qaaday cayaar ka mid ahayd horyaalka England oo aan daawaday, ay
hurdo la'aanta iyo caajiskaba iigu wacneyd.

Goor sheegtada ayaan eegay mise..waaba 3:15 daqiiqo. "waqtigu socod


gaabanaaa" baan inta anoo ciishoonaya iri dib sariirtii isugu tuuray.
Intaa kadib waxaa ii xigay cod I dhahaya "Xamzaka kac Maama, saaka
hordada waad ku daahdayee", markaas baa anoo sacabka isaga celinaya
falaaraha arooryaad, soo kacay mise waa Hooyadey Maryan.

Hooyo baa igu tiri "beri waxaa baxaya Asad ee aroor hore iga kici
soomaadan I oran hooyo..oradhee kac", "waayahay Maama" baan inta iri haf
kasoo dhahay sariirtii, hadaan saacadda eegay waaba 6:15 daqiiqo, 15
daqiiqo unbaaba ka hartay xiligii 6:30 oo an ku balan sanaa inaan Asad u
raaco garoonka diyaaradaha caalimiga ah ee Muqdisho, oo uu maalinkaasi ka
dhoofayay.

Aniga oo aad u deg degaya baan gaarigeygii Mercedes-ka ahaa dalaq kusoo
dhahay, oo aan guriga kasoo baxay, waxaana aniga oo Xawaare ku socda isku
soo dhigay wadada dheer ee Wadnaha, kadibna dhinac bidix ula leexday
Isgoyska Howl Wadaag, waxaan fooda sii saaray dhinac Sayidka, dabadeedna
midig isula dhigay wada Maka Al-Muakarama, aniga oo kusii wajahan
xaafadda Taree Biyaano oo Asad uu ku noolaa.

Markii aan la leexday jid cadaha laga galo xaafadii baa mar qure
indhaheyuga qabteen qof wadada bartankeeda taagan, mise waaba gabar, waxa
ay ahayd qof aan dareemayo inay duruuf daashatay, balse qurux dabiici ah
ilaaah ku maneestay, hadii ay hesho qof dayac tir ku sameeya, micnaha
(dhaqaaleeya), waxa ay lahayd midab biyaha dahabka sidooda ah, joog bay
lahayd, jirkeedu dhexda buu u yaraa dhinacyada kore iyo hoosena u yara
weynaa si qiyaasan, waxaan ka samri waayay bushimo aad u qurxoon oo aan
dareemay.waxaa aad cajiib u ahaa indhaheeda buur buuran iyo
suniyaasheeda bil dhalatay oo kale u qurnaaa

Markii aan in cabaar ah saa u daawanayay baan bilaabay inaan hoonka ku


yeeriyo, mise maba dhaqaaqdo, hadana dhowr mar yeeray "ha sheegin nuuxsi
ma laha'..markaas baan inta gaarigii ka degay qeylo dhegaha kaga shubay,
anoo ornayaa "adiga ma wadada baad iibsatay maxaad la dhex taagan
tahay", jawaab baan filayee aamusnaan bay iigu kaalmeysaymar labaad baan
qeyliyay, anoo wejiga gacanta faraheeda uga riixaya, misna dhahaya.. oo
maxaad noo quursaneysaaamaad nala hadashid oo wadad ka leexatid"..balse
jawaabteii aan ka helay waxay noqotay ilmo indhaheeda mar qura kasoo
dareeray..naxdin anigii.

W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"


alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Axad, 27 Apr 08
Qeybtii 2-aad
Jawaabtii aan ka helay waxay noqotay ilmo indhaheeda mar qura kasoo
dareeray...naxdin anigii, anfariir baan qaaday, waxaan sheegana waan
garan waayay, il biriqsiyo yar markii aan aamusanaa, baa aniga oo hadalka
gef gefaya, cabsina ay iga muuqato, waxaan iri "eeneen, abaayo iga raali
noqo, hadii aan wax qaldan ku dhahay, ama talaabo qaldan ku dhaqaaqay,
markaas bay iyada oo qar qareysa cod naxariis leh oo wadnaheyga gil gilay
igu tiri "Illaah indhaha kuuma siin inaad ku jees jeesto, anigana iima
tirin qalad aan galay, ee waa cibra qaadasho, inaan waxba arag oo aan
meel aan u dhaqaaqo garaneyn waad aragtaa markaas baad qeylo dhegaha iiga
jebineysa".

Markii ay intaasi afkeeda kasii idlaanayeen, aniga waxaan lumiyay


hadalkii, naxadintii i heysana kun jeer bay jibaarantay, wax aan sameeyo
baan garan waayay, waxay igu noqtay arrin aanan filaneyn iyo anfariir,
mar waxaan ku dheygagay quruxdeeda marna waxaan qalbiga iska dhahay "Alle
adoo kale sidan kuma aadan wanaagsaneyn", waxba yaanan hadalka kugu
daalin'e, daqiiqado markii aan xaaladaas ku sugnaa, baan inta safaleeti
jeebka iigu jiray lasoo baxay, isku dayay inaan ilintii ka tir tiro,
aniga oo dhahaya "waan ku baryayaa iga raali noqon sida xaalkaagu yahay
iyo sidaan maleeyay waa laba kala fog".., balse mar Alaale markii aan
Isheeda bidix ku bilaabay inaan ilinta ka tiro bay inta gacanteeda iska
qabatay iska tuurtay.

"Abaayo ma qalad kale baan galay hadana" baan ku iri. "mayaqalad maadan
gelin" ayay iigu jawaabtay. "oo maxaad waayahay'e gacanteeda isaga
filiqday" baan hadana weydiiyay, intaa kadib bay ayada oo aad moodo inay
waxooga degtay, islamarkaana gacanteeda ilinta isaga tireysa igu tiri
"Waxaan diidayaa inaan galo riyo maalmeed been ah, naxariistan oo kale
weligey ma arag, mana doonayo inaan gudo galo wax ku kooban il-
biriqsiyo".

Erayadaasi waxa ay noqdeen kuwa aan ka calool xumaaday, waxaana ay ii


sawireen dhibka iyo nolosha liidata ee gabadha, si kastaba, aniga oo isku
dayaya inaan qalbiga u hagaajiyo, kana saaro cuqdada, baan ku iri "Maya,
saas ha oran, wax walba oo ku heesta way qornaayeen, waxa iman doonana
way qoran yihiin, iska saar cuqdada, naxariistan iyo mid ka badanba waad
heli kartaa, ee qalbiga kheyr u sheeg", "Waad mahad san tahay" ayay si
kooban ii tiri.

Intaas kadib waxaan bilaabay inaan furo isbarasho aniga iyo ayada ah,
aniga oo hadalka ku bilaabaya "Barasho wanaagsan abaayo, magaceygu waa
Xamza, waxaan deganahay xaafadda Geed-Jacey ee Degmada Wardhigley"
"Wanaagsan oo wacan, waxaa la I yiraahdaa Istar, waxaan ku noolahay
xaafaddan" ayay iigu jawaabtay.

Markii ay intaasi na dhex martay baan waxoogaa wadada gees uga leexiyay,
si waanagsan baan u sheekeysanay runtii, waxayna ii sheegtay in gabar ay
deris yihiin oo ay meel u wada socdeen ay meesha uga tagtay, ayada oo dib
ugu laabatay gurigooda oo ay wax ku soo ilowday. Istar, waxa kale oo ay
ii tilmaamtay gurigooda oo halkii aan ku wada hadleynay aan sidaa uga
fogeyn, waxaan jecleestay inaan la balamo waqti kale, si aan wax uga
su'aalo xaaladeeda nololeed, wayna iga ogolaatay, inkasta oo ay u
muuqatay mid aan aaminsaneyn balanteyda iyo inaan ka dhabeyn karo, waxa
ay la ahayd arrin aan isaga kaftamayo, balse anigu dhab bay iga ahayd,
intaas hadii ay sheeko inoo mareyso, ayaa gabadhii wadada uga tagtay ay
timid, aniguna waan macsalaameeyay kana tagay, waxaan sii aaday gurigii
Asad, oo aan runtii aad uga daahay. Waxaana la kulmay saaxiibkey oo
markaa albaabka kasoo baxay, waxba hadal waqti isagama aan lumin'e horey
baan usii aadnay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi
oo uu Asad kaga dhoofayay dalka USA, abaarihii 8:00 barqanimo, ayaan soo
laaabtay markii aan saaxiibkey ku hubsaday Diyaaradda, markii aan
gurigeena imid, baan bilaabay.."

W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"


alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Isniin, 28 Apr 08
Qeybtii 3-aad
Markii aan gurigeena imid, ayaan bilaabay inaan mar kale is diyaariyo,
aniga oo doonaya inaan aado Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, oo aan
ka shaqeyn jiray, si aan usoo guto shaqadeedii maalnikaas oo aan afartii
saac ee hore fasax ka ahaa.

Maalinkaas waxa uu ahaa maalin baal ka galay taariikhdeyda, habeenkii


markii aan sariirteyda dul imi, oo aan gama' isla lahaa..ha
sheegin..waxaan bilaabay inaan ka fekero dhacdadii maanta iyo la kulankii
Istar, waxa ay noqotay arrin qalbigeyga aan ka saari waayay, waxa
qalbigeyga kusoo noq noqonayay, ayaa waxa ay ahaayeen quruxda rabi uu ka
maneystay gabadha iyo Indho la'aanteeda, waxaan is iri "hadii indhaheedu
u caafimaad qabi lahaayeen, maxaa la isku dili lahaa!", waxaan kale oo
aan is weydiiyay suurta galnimada ah, in indhaheeda la daweyn karo", hase
yeeshee su'aashaasi waxaan u dhigtay kullanka aan ku balan sanahay aniga
iyo ayada.

Habeenkaas waaga waxa uu iigu baryay ka fekerka Istar iyo marxaladda


nololeed oo ay ku sugan tahay, waxaan dareemayay in qalbigeyga ay kusoo
noq noqanayeen erayadii na dhex maray, ma garan karin waxa ugu wacan, oo
ay sidaasi saameynta iigu yeelatay durbaba, laakiin waxaan ogaa kaliya in
habeenkaasi ay qalbigeyga ka xanibtay dhaq dhaqaaqyadii kale, oo iyada un
iyo ka fekerkeeda aan waqti badan ku lumiyay.

Maalmo ayaa kasoo wareegay la kulankeygii Istar, waxaana maalmahaas wax


weyn iska bedeley dabcigeyga, oo feker un baan ka bixi waayay, Waxaa iga
yaabay Aabahay Xaaji Maxamed, Hooyadey Maryam iyo labadeeda Ayeeyo ee
Hooyo iyo Aabe kala dhalay, iyo Walaalkey Anas, kuwaasi oo la yaabanaa is
bedelka igu dhacay.
Si kastaba, waqtigii ayaa gurmay, waxaana la gaaray habeen Talaado ah,
7:00 fiidnimo oo gow ah, waa xilligii aan ku madaleysnaa guriga Istar,
inta aan is habeeyay baan gaarigeygii ku dhacay, waxaan abaaray gurigii
Istar. Runtii markii aan tagay guriga, ayaan deymo u galay guriga, waxa
uu ka turjumayay nolosha hooseysa ee Istar, eegmadiisa waqti isagama
aanan lumin'e albaabka ayaa garaacay, waxaana iga furay wiil yar oo Istar
la dhashay, "ma joogtaa Istar baan ku iri", markaasuu I weydiiyay "Ma
Xamzaa adiga", Haa baan ku iri", isna "soo dhaaf" buu iigu jawaabay.

Waxaa la I geliyay qol laba joodari ay dhex taal, oo jiingad ka


sameysnaa, halkaasi oo ay igu sugeysa Istar, markii aan galay baan kula
kaftamay "waan ku salaamay quruxleyda", markaas bay iyada oo xishooneysa
wejigana hoos aadineysa si dhoola cadeen ay ku jirto iigu tiri "hh..hh
waan kaa qaaday aboowe".

Salaan iyo kaftan kadib waxaa bilaabaty Sheeko iska caadi ah, waxay inta
badan I weydiineysa iguna cel celineysa sababta aan u go'aansaday inaan
ula balamo, ulana kumlmo, islamarkaana aan ula xiriiraaayo, anna waxaan u
sheegayay inay tahay wax iska caadi ah, barashada aan ayada bartayna ay
tahay mid la mid ah tan aan dadka kale barto. Sheekooyinkaas oo dhan
aniga dareen uma aan hayn, waxaana ka fekerayay su'aal qalbigeyga ku
taagneyd sida aan u weydiin lahaa Istar, waxaan aad uga cabsi qabay in
su'aashaas ay qalbigeeda dhaawici doonto, ama qaribi karto hanaanka
sheekadii inoo socotay iyada iyo aniga.

Waxay ahaataba, hadaan wa xoogaa is celiyay ayaan ugu dambeyntii go'aan


nafsiyeed ku gaaray inaan weydiiyo, waxaana ku iri..... "Xaqiiqdii
Istarey waxaad tahay gabar aad u wanaagsanlaakin waxaan rabaa inaan."
Markii aan hadal halkaasi marinayo ayay iga dhex gashay, ayada oo
qosleysa, ina dhaheysa "aniga ma wanaagsani, qof ii muujinaaya inaan
wanaagsanahayna adiga un baaba kaa arkaama garanayo waxa jira..indho
la'aanta ayaa la igu nacay baan filaaakkkkkkkkk".

Runtii erayadaas qalbigeyga ayay dhaawaceen, ilin ayaana indhaheega kusoo


istaaagtay, aniga oo isku dayaya inaan u muujiyo inay tahay weli qof lagu
xisaabtami karo, oo wanaagsan ayaa ku dhahay "..maya saas ha oran,
miyaadan maqal oraahda dhaheysa (qofka wanaagsan dadka wuu ka dhex
muuqdaa xitaa haddii uu dhar duug ah wato), marka wanaaga waa qalbiga ee
maahan muuqaalka kore, ee niyadaadi wanaaji, waxaan kuu ballan qaadayaa
inaan weligey garabkaaga ahaan doono", hadii aan intaas ku qalbi
qaboojiyay, ayaan usoo laabtay su'aashii qalbigeyga ku taagneyd, waxaana
weydiiyay
W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"
alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Talaado, 29 Apr 08
Qeybtii 4-aad
Waxaan Weydiiyay, "Sidee ayaad ku indho beeshay, goorma ayaadse indho
beeshay". Runtii jawaabta su'aashaas aad ayay ugu adkaatay Istar inay si
fudud uga jawaabto, anna wax aan filayay bay aheed'e, lama aanan yaabin
waxaan siiyay fursad ay ku hadasho, cabaarna waan u aamusay. Markii ay
waxooga aamusneyd ayay ayada oo madax luxeysa, diidmana muujineysa igu
tiri "..iihmaya Xamza,w aan ku baryaaa sheekadaas inaan guda galo ma
rabo ee iga dhaafwaa qiso xanuun badan runtii", kama aanan yeelin'e
"inaad ii sheegto mooyaan'e gow iyo gash ma leh", baan ku iri. Dood dheer
kadib waxaan ku qasbay inay sheekadaasi ii guda gasho, iyadana waxoogaa
way I qadarineysay'e, way iga ogolaatay.

Intaa kadib, ayaan inta fadhiga qaabeestay, labada sacabna labadeyda


dhaban ku qabsaday, aniga oo isku diyaarinaya dhageysiga Sheekadeeda,
markaasaan ku iri "haye ii bilow hee", inta ay "ok" iguu hadal gaabisay
ayay sheekadii daaha ka rogtay, ayada oo ku bilaabeysa "Aabahay waxa uu
hooyadey guursaday, isaga oo aan waxba heysan, laakiin aad u niyad
wanaagsan, hooyo iyo Aabe, waxa ay iksu guursadeen Jaceyl, si kastaba
aniga ayaa nasiib u yeeshay inaan noqdo mirihii ugu horeeyay ee
Jaceylkooda ka dhashay, inkasta oo laba kale ay iga daba mareen, markii
aan dhashayba Aabe Jaamac Dheere, dhaqaatiir ayaa uga digay in indhaheyga
aysan wanaagsaneyn, laakiin digniintaasi Aabe waa uu iska dhego mariyay,
wuuna fududeystay. Si kastab markii aan noqday lix jir, ayaan la igu
arkay indho xanuun, subaxii markaan kacayo, waxaan soo toosi jiray
indhaheyga oo isku dhegan, mana aysan kala fuqeyn ilaa biyo la ii
kululeeyo, oo la igaga meero, cad ceeda iyo iftiinkaba waa ay I dhibi
jireen, oo maanan u adkeysan karin, indhaheyga waxa ay u guduudnaayeen
sida suugada oo kale. Marxaladdaasi waxaan ku sugnaa ilaa aan ka gaaro 12
jir, intaana Aabahay waa uu iga fekeri jiray, sii uu maalin un u arko
indhaheyga oo caafimaad qaba, balse awood dhaqaale, ayaa dadaaladiisa oo
dhan xanibay..een..een".

Markii ay intaasi hadal ii marineysay ayaa mar qura indhaheedu ay ilin


kasoo hoobatay, oohin ayayna afka furatay, xaaladdaas anigaba way I
saameysay oo waan la ilmeeyay, balse intaan safaleeti jeebka kala baxay
ayaan ilintii ka tiray. Waxaa aad ii farxad geliyay in markan aysan
gacanteeda iska qaban. Intaa kadib ayaan ku iri "Istar caloosha xir..waa
laga gudbaa waxan'e..ee ii wad sheekada", "waa yahay" inta ay tiri, ayay
halkeedii kasii amba qaaday, ayad oo dhaheysa.. "..markii aan 12 sano
gaaray, ayaan bilaabay inaan habeenkii wixii ka bilowda salaada maqrib
kadib aan araga lumiyo, xaaladdaas ayaan ku sugnaa ilaa aan ka gaaro 15
jirkeygii, markaasi oo ugu dambeyn aan arag oo dhan waayay, xitaaa
maalintii, waxaanse ku faraxsanahay markii aan saas noqonayay ay kusoo
beegantay dhowr bil un kadib markii aan dhameeyay dugsiga sare, taas
aabahay wuu u adkeysan waayay, hadii muddo hal sano ah, aan sidaaa ku
joogay ayaa 16 jirkeyga, waxa uu aabe raadiyay dhaqaatiir, laakiin waxaa
loo sheegay inuu jiro hal dhaqtar oo sanadkii mar yimaada oo nooca qaliin
ee aan u baahanahay kaligiis un taqasus ku heesta, qarash badanna raba,
markaa kadib aabahay waxa uu go'aan ku gaaray inuu iibiyo gurigan aan
leenahay, sii qarashka qaliinka uu ugu bixiyo, balse nasiib darro,
markiii uu go'aankaasi gaaray kadib, ayaa waxaa qabtay xanuun deg deg ah,
kaasi oo uu u geeriyooday, ana sidaas baan ilaa iyo hadda oo aan 21 jir
ah ku indho la ahay".

Markii ay sheekada ii dhameysay, ayaan inta labada dhaban sacabadii ka


qaaday ku iri "ha ka baqin, waa ballan inaan howshii uu aabe qabyada ugu
tagay aan dhameystiro..ee niyadad kheyr u sheeg", "waad mahadsan tahay"
ayay iyana iguu hadal gaabisay.

Kadib waxaan iska galnay sheekooyin guud oo caadi ah, ilaan aan waqti
kale ka ballano, oo aan is macsalaameyno. Habeenkaas aniga oo qalbigeyga
murugo ay buux dhaafisay ayaan gurigeyga dib ugu soo laabtay, markii aan
aqalka dib ugu soo noqday, ayaan Hooyo, oo markaa deerka ku fiidsaneysay
salaamay, waxayna ii sheegtay in qof uu ii yimid, "waayo qofka ii yimid
Hooyo" ayaan ku iri.. "Waa gabadhii Hani ahayd ee adeer dhalay, oo aad
isla shaqeysaan, alaab ayay kuu dhaaftay oo aan miiska kuu saaray" ayay
iyana iigu jawaabtay. Durbadiiba waan gartay inay tahay gabadha uu dhalay
agaasimahaa Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ee aan ka
shaqeynayay,ahna adeerkey aabahay la dhashay, waa gabar muuqaal
wanaagsan, iskana qurxoon, laakiin illaah uu ku ibtileeyay kibir iyo isla
weyni baas, ka faaleenteeda ayaan waxba ku dheeraan'e, qolkii ayaan
galay, markii aan dharka iyo kabaha iska dhigay, ayaan eegay miiska, si
aan u arko alaabta ay gabdha ii dhaaftay, Baqshad, ayaa dul saarneyd,
inta aan soo qabtay, ayaan sariirteeda tul tagay waan furay si aan u
aqriyo, waxaana ay u qorneyd sidan..

W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"


alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Arbaco, 30 Apr 08
Qeybtii 5-aad
Inta aan warqadii soo qabtay, ayaan sariirteeda dul tagay, waan furay
si aan u aqriyo, waxaana ay u qorneyd sidan:-

Ku: Xamza

Qaaligeygii Xamzow

Waxaan hawada u dhaxeysa guriga heybadlaha ah ee aad ku nooshahay iyo kan


aan aniga cidlada ku dareemayo kuu soo marinayaa salaan aan qof bani
aadam ah u diro tan ugu qiimaha badan, salaan aan rumeysanahay in ay furo
u noqon doonto farxad ay hesho nolosheyda, salaan xambaarsan wanaag
idilkiisa, salaan kaaga timid qalbi aan Habeen qura ku fekerin in uu
adiga ku xumeeyo, salaan kaaga socota qalbi Jecel mar ay ahaatab in
maalin un uu nolosha kugu helo, salaan aan ku rajo weynahay in mugdiga
iyo cidlada nolsheyda daashaday ay iftiin iyo wehel ugu bedeli doonto iyo
salaan aan is lee yahay waxay isku soo dhoweyn doontaa qalbiyadeena.

Salaan kadib, Qaaligeygii Xamzow, farxad iyo nolol macaan baan kuu
rajeeyay, waxaan u maleynayaa inay la yaab kugu noqon doonto Hani oo
warqad iyo erayo ceynkan oo kale ah kuu soo qortay, laakiin taas waqti ha
isaga lumiin, ileen wax walba waa la fishaa.

Qaaligeygii Xamzow, ka bilow hana qaadkeygii, ilaa maantadan, waxaan


dareemayay in nolosheyda ay wax ka dhiman yihiin, inaan wehel u
baahnahay, waxaan dareemayay qof kaliya oo qalbigeyga ku weyn, qof kaliya
oo aan siiyo qadarinta ugu badan ee aan bixiyo, qof kaliya oo aan markaan
arko ka cabsado, indhahana aan u dhameyn Karin, qof kaliya oo dhagaheyga
ay jecel yihiin ayna ku raaxeestaan in magaciisa ay maqlaan, qof kaliya
oo aan dareemay inuu yahay kay nolosheyda u baahan tahay, qof kaliya oo
aan is lee yahay waan kan ku kaafin kara, qofkaasna waa adiga.

Qaaligeygii Xamzow, waxaad tahay farxadii nolosheyda, dawadii nafteyda,


maqalkii dhagaheyga iyo aragii indhaheyga, waxaan adkeysataba qalbigeyga
ugu dambeyn waxa uu igu yiri (orad dhaqaaq), oo raadi faraxadaada, sidaas
ayaan u go'aansaday inaan warqaddan kuu soo diro, Xamza, waan ku jeclahay
macaane, waxaana rabaa inaad guushii nolsheyda ii iftiimeyso, oo aad
qalbigaaga ii furto, si aan u dhex dego, macaanaheygiiyow, waxaan kaa
sugayaa jawaab, aan ku farxo, waan ku kalsoonahay inaad ii dhego nuglaan
doonto"..Jaw macaane

FG: Ogow inay nolosheyda kugu xiran tahay, ifka nolosha waa adi

Ka: Qalbi kuu ooma

Hani Xasan

Markii aan aqristay erayadii ku qoranaa warqadda, ayaan jiifkii kasoo


fariisty, aniga oo neef tuuraya. Waxa ay runtii noqotay arrin aan la
yaabo mar, marna arrin aan ku qoslo, waa tan koowaad'e waxaan la yaabay
sida gabadha ay aftahn u tahay iyo erayad macaan oo ay warqadda kusoo
qortay, saas bayba qalbiyada u dilaacin kartaaa ismaba lahayn, tan
labaadna, waxaan ku qoslay, qofkii kibarki baas qabtay ee markaan arkaba
wejiga dhinac dhinac u wareejin jirtay, oo maanta leh ba "adaan ku
jeclahay".

In cabbaar ah baan fekaray, waxyaabo badan baan is weydiiyay, runtii


arrin fajaciso ah bay igu noqatay, waxaa igu adkaatay xal u helida waxa
aan ka yeeli lahaa gabadha, dhinacyo badan ayaan wax ka fiiriyay, gabadha
mar adeerkey baa dhalay, mar waanu isla shaqeynaa, hadana waa gabar kibir
badan, anigana dabci ahaan dadka ceynkaa ah kama aan heli, adiga waxba
yaan hadal kugu daalin'e fakir iyo wada tashi aniga iyo nafteeda na
dhexmaray kadib, ayaa go'aan ku gaaray inaan bal jawaab u diro, waxaan is
iri bal markaad is aragtaaan afka kaga sheeg, hadana way ila xumaatay, si
kastaba waxay ila noqotay inaan anna waraaq ahaan ugu jawaabo, markaas
baan inta banaanka u baxay dukaan ii dhowaa baqshad iyo warqad kasoo
qabsaday, kadibna waxaan u holladay inaan bal jawaabtii qoro, waxaana u
qoray sida

W/Q: Axmed Cali Sheekh


alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Khamiis, 01 May 08
Qeybtii 6-aad
Warqadii jawaabta ahayd, ayaan qoray, waxaana u dhigay sidan:-
Dear Hani.

Marka hore, waxaan hawada kuu soo marinayaa salaan walaaltinimo iyo mid
asxaab tan ugu qiimaha badan, salaan kadib xaalkeyga waa dhag, kaagana
sidaa iyo si ka wanaagsan, ayaan filayaa inuu yahay.

Salaan kadib, waa ay isoo gaartay warqadaada, waana aqriyay, waad ku


mahad san tahay runtii xiriirka aad ila soo sameysay iyo sida aad ugu
dhiiratay inaad banaanka soo dhigto wixii qalbigaaga ku jiray, waan
dareemi karaa in qof jaceyl uu galay aysan arrimihiisu fududeyn, waana
ogahay in waxa kaliya ee qalbiga ceynkaasi ah kaafin kara inuu yahay in
waxa uu ku haminayo uu helo. Ani ahaan ma jeclaan lahayn in qalbi jaceyl
la holcaya aan kusii shubo shidaal, laakiin mararka qaar xaaladaha ayaa
kugu qasbaya inaad sameyso wax aadan jecleysan lahaa in adiga xitaa
lagugu sameeyo.

Si kastaba waxaan aad uga xumahay in waqtigan la joogo aan rumeyn karin
riyooyinka qalbigaaga, igamana ahan xumaan iyo ku niyad dilo ee
marxaladda ayaa sidaa tiri, waxaan aad uga xumahay inaan aqbali karin
codsigaaga, islamarkaana aanan waxba ka qaban karin dhibka jaceyl ee ku
haya, marka wxaaan ku lee yahay dul qaado, maalmaha yar ee xusuusteeda ay
qalbigaaga gubeyso, kadibna adaaba iska key ilaawi doona. Hani waxaan si
gaar ah kaaga codsanayaa, oo aan jeclaan lahaa in waayitaankeyga aadan
noloshaada u ciqaabin, isku day inaad adkeysato, hadaad aniga i seegtay
macnaheeda maahan inaad nolosha ku guul darreysatay, marka noloshaada
dhib ha u horseedin hana kalifin, taas waa iga codsi, , waxaan kuu
rajeynayaa nasiib wacan iyo wiil aniga iga wanaagsan oo riyooyinkaaga kuu
rumeeya, waana ku kalsoo nahay inaad heli doonto. bye
From; walaakaa Xamza Xaaji

Markii aan warqadda qore ayaan habeenkaasi sidaa ku seexday, subaxii


markii aan shaqada tagay, ayaan is aragnay Hani, iyadaa igaga horeysay
xarunta shaqada'e, markii ay dhaayaha iga qaaday, ayay dhankeyga usoo
socotay, iyada oo i dhaheysa "subax wanaagsan Qaaligeygii Xamzow",
"wanaagsan oo wacan" inta hadal ugu gaabiyay, ayaan usii raaciyay "gees
inoo bixi", markaasay inta ay gacanta iga qabatay ii jiiday dhinaca
xafiiskeeda, markii aan xafiiska galnay, ayaan ku iri "Hani, hadal badan
kama gaaro'e, warqaddan hoo, waana kaa sii tagayaa, inta ay dhoola
caddeysay, ayada oo aad moodo inay farxad dheeri ah ka muuqato, ayay igu
tiri "mahadsanid qaaligeygiiyow".

Intaa kadib aniga xafiiska ayaan isaga baxay, wixii waqtigaasi ka


dambeeyayna, maalinkaasi oo dhan Hani shaqada kumaan arag, waxaan u
qaatay inaysan xafiiska kaba soo bixin, oo ay ciil iyo walaahow, halkaa
isugu kali yeeshay, anna waqti isagama aan lumin raadinteeda'e, markii
aan shaqadeeda dhameystay, ayaan iska soo baxay, waxaan aaday hoygeenii,
Hooyo iyo Aabe iyo xubnaha kale ee qoyska oo fadhiyay deerka, ayaan
salaamay, kadibna qolkeyga ayaan iska galay, qado cunid kadib waan iska
seexday, galabkii markii aan ka kacayna, waxaan iska aaday baashaal iyo
inaan asxaabteeda u sheeko tago, maalinkaas waqtiga saas baan ku lumiyay,
waxaan oran karaa maalinkaasi waxa ay ahayd maalinkii ugu dambeeyay ee
kaftan iyo sheeko ceynkaasi oo kale ah aan la wadaago saaxiibadey.

Habeenkii markii aan guriga kusoo laabtay, oo casho iyo qoys la sheekeysi
aan dhameystay kadib waxaa ii bilowmay xaalad nololeed oo cusub, waxaan
guda galay feker baas oo qalbigeyga ka dhigay mid aan fadhin, waxaa igu
soo laalaabanayay muuqaalka gabadha Istar ah, waxaan is tusinayay
wanaageeda, marnaba wax xumaan ah oo ay leedahay iima muuqan, manaba
aysan lahayn'e, waxaa aad qalbigeyga ugu sawirnaa meelo jirkeeda ka mid
ah oo aan aad ula dhacay, sida bushimaheeda, suniyaha iyo qaabka uu isugu
jaan go'an yahay jirkeeda, in badan ayaan isku dayay inaan is ilowsiiyo,
balse noqon weyday, waxaad moodaaba inay awood qalbigeyga ku qabsatay, oo
aay u diiday ka fekerka arrimo kale, waxaan is weydiiyay, waxa sidan ay
nolosheyda ugu milantay, marbaan is iri "tolow ma kii baas ee Jaceylka
ahaa baa ku galay", hadana isla aniga un baa isku jawaabay'e, waxaan is
iri "maya Jaceyl maaha, ee waxaa badan wanaaga aad u heyso", hadana
waxaan is tusay in qof kasta oo wanaag intaa la eg loo hayo, noloshana
sidaa saameyn ugu yeesha uu macnaheeda yahay in la jecel yahay. Waan ku
guul darreystay runtii inaan arrintaasi go'aan ka qaato, waxaana u daayay
bal waayaha iyo waqtiga waxa ay xukmiyaaan.

Maalmo ayaa nolosho ceynkaasi ah ku sugnaaa, waxaan xitaa iloobay dhibka


iyo nolosha xun oo aan rumysnaa inay wehel u noqon doonto Hanidii aan u
deyriyay, waxaana saameyntii ay nolosheyda ku yeelan lahayd Hani ka xoog
badiyay tan Istar. hadii aan sidaa ahaa ayaamo oo fekerkii iyo isla
hadalkii Istar igu sii batay, ayaa waxaa ugu dambeyntii igu dhashay,
waxaan marnaba fileyn inay dhacayaan ama ay qalbigeyga ku dhalan doonaan
kuwaasi oo ahaa........

W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"


alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Jimco, 02 May 08
Qeybtii 7-aad
Haddii aan sidaa ahaa ayaamo oo fekerkii iyo isla hadalkii Istar igu
sii batay, ayaa waxaa ugu dambeyntii igu dhashay, wax aan marnaba fileyn
inay dhacayaan ama ay qalbigeyga ku dhalan doonaan kuwaasi oo ahaa inaan
bilaabay rabitaan aan u qaado gabdhii Istar ahayd. Xaalka maalmihii ugu
horeeyay waxa uu igu ahaa mid bilow ah, waxaana isku dayay inaan is
xakameeyo, balse taasi waa ay ii noqon weyday, waxaana maalinba maalinta
ka dambeysay igu sii kordhayay rabitaankii ilaa aan ka gaaro heer aan is
tuso in qof aan ayada ahayn uusan nolosheyda kaafin karin.

Aniga oo xaaladdaasi ku sugan, ayaa waxaa igu yimid kullankii aan ku


ballansaneyn aniga iyo Istar, waxaana kullankaasi uu u dhacay si ka duwan
midkeenii hore, waayo midkan waxa uu noqday mid aamusnaan iyo xishood ku
dhamaaday, waayo Istar markii hore ayayba xishoodka isaga dhalatay'e,
anigii ahaa qeybiyaha Sheekada, ayaa howsheydii gabay. Intii lagu guda
jiray kullanka, dhowr mar ayay I weydiisay waxa igu dhacay, waxaanse ugu
hadal qariyay in waxooga uu madaxa I xanuunnayo. Hadii sheekadii ay
habeenkaasi sidaa iyo caajis ku dhamaatay ayaan isaga soo tagay, aniga oo
markan dheereestay kullankii xigay oo aan u qabtay 10 cisho kadib, si bal
aan ana isu soo dejiyo.

Xaaladeedii ayaa sii cakirantay, waxaana intaasi ii sii dheeraa culees


aan kala kulmayay dhinaca Hani. Mar walba oo aan shaqada isku aragno,
gees ayay iila bixi jirtay, ayada oo weli iga rajo qabta, balse waan ku
gaacan seeray, ilaa ay iskeed isaga quusato. Xitaaa ballan qaadyo dhinaca
dallacsiinta ah ayay I siisay ayada oo dhaheysa anaa aabe ka soo
dhameynaya, balse warkaas waan iska dhego mariyay.

Maalmo hadii ay xal iyo dabacsanaan wax iiga raadineysay, oo ay ku


fashilantay ayay bilowday shaqadeedii kibirnimo, mar walba oo aan isku
aragno xarunta shaqada, wejigeeda waxaaan ka dheehan jiray carro xoogan,
iyo inayba ku qanacsaneyn xitaa inaan Wasaarada ka sii shaqeeyo. Waxay
xitaa bilowday inay igu dhax ceebeysato shaqada, waayo waxay inoo ahayd
madaxa shaqaalaha, markii shirarka guud ee shaqaalaha la isugu yimaado
ayay qeylo iyo canaan dhegaha iiga shubi jirtay, ayada oo ka
faa'iideysaneysa dabacsanaanteyda iyo shaqo gabis igu timid, markii aan
rabitaanka u qaaday Istar. Waxba igama aysan dhibin cadaadiska ay I
saartay'e howsheydii ayaan kasii watay.

Cadaadiska dhinaca shaqada ee igaga imanayay Hani, iyo hamigeygii ku


wajahnaaa Istar, ayaa nolosheyda ka dhigay mid jahwareersan oo feker iyo
isla hadal un ku dhisan. Waxaa is beddelay hanaankii nolosheyda iyo
dabeecadaheyga oo dhan, waxaana xaaladdaasi ku sugnaa maalmo badan.

Rabitaankii ayaa igu sii xoogeystay, waxaana dareemay inaan Jaceyl u


qaaday Istar, waxaanse qabay cabsi xoogan oo ku saabsan sida aan nolosha
u wadaagi karno iyo sida waalidkey ay ku ogolaan doonaan in qof
ceynkaaasi oo kale ah oo Indhaha la' aan nolosha la wadaago, aniga
waxaasba iima muuqan, oo Jaceyl iyo sida aan wax uga garanayay bani
aadannimada ayaa I ilowsiiyay, laakiin waxaan aad u ogaaa in caqabad ay
igaga iman doonto dhinaca waalidka siiba dhinaca Aabe, oo ahaa nin aad u
ad adag oo badanaaba jecel in sida uu isaga rabo un la yeelo. Si kastaba
cabsidaasi iyo cadaadiska aan filyay inuu Aabe I saari doono igama aanay
reebin damaceygii Istar galay, waayo waxaan aad ugu rajo weynaa in
caafimaadka indhaheeda xal loo heli doono, hadii qarash badan lagu bixiyo
taasina aad ayaan ugu kalsoonaa inay dhici doonoto.

Jaceylka ayaa igu sii kordhay, waxaana aan gaaray heer aan meel kasta oo
aan joogaba aan sawirto muuqeeda. Habeenkii markaan gama' is iraahdaba,
ayadaa iga soo hurmuuqan jirtay maalinkiina isla hadal ayada ku saabsan
ayaan nafteeda ku maaweelin jiray, quruxdeeda iyo xishoodka rabi hibada u
siiyay ee dabeecadda lagu sii kordhiyay ayaa ahaa wax mar walba sare u
sii qaaday Jaceylka aan qalbiga ugu hayay.

Ayaamo hadaan sidaa ahaa ayaan go'aan ku gaaray inaan u sheego sida aan u
Jeclahay uguna hami weynahay, waxaanse dareemay cabsi ku saabsan sida ay
taasi ku dhici doonto iyo sida ay igu aamini karto, waayo Istar maba
aysan rumeysneyn waa lagu jeclaan karaa oo waxa ayba ahayd qof goor hore
kalsooniadii nafsi ahaaneed ay ka lumiyeen Indho beelka ku dhacay.

Calaa kuli xaal, anoo adeegsanaya farxadda yar oo aan tusiyay iyo
kalsoonida aan geliyay maalmihii aanu is garaneyn, ayaan cabsidii meel
iska dhigay, aniga oo isku diyaariyay in kullanka ugu soo horeeyay ee na
dhex mari doona aniga iyo ayada aan ugu sheego in qofka qalbiegyga ku
weyn, laabteedana qaboojin kara ay ayada tahay ........

W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"


alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Sabti, 03 May 08
Qeybtii 8-aad
Waxaan go'aan ku gaaray inaan u sheego in qofka qalbiegyga ku weyn,
laabteedana qaboojin kara ay ayada un tahay, sidaas ayaana warka ku
afgooyay.

Waqtiga wuu iska ordaa'e, waxaa la gaaray habeenkii ballanta ee aniga iyo
Istar, wa habeen aan ugu yeeray "Habeenkii Nolosheyda", waayo, habeenkaas
ayaa ahaa kii go'aamin lahaa ayaaha nolosheyda, yaan waxba hadal kugu
daalin'e, diyaar garow kii ugu xooganaa ayaan galay, waxaana abaaray
xaafaddii Istar, oo caadiyanba aan ku kulmi jirnay. Marklii aan xaafadda
tagay, waxoogaa cidda waan isbaranay'e qolkii ay igula kulmi jirtay ayaa
la igu yiri "horey usii gal", markii aan qolka galay oo aan dhaayo ka
qaaday, ayaa tii naxdin ahayd la igu hagoogay, "salaan sare dear Istar",
ayaan ku iri aniga oo salka sii dhiganaya, iyana "mid la mid ah Aboowe
macaan' ayay iigu war celisay.

Salaan kadib waxaa la guda galay sheeko iyo kaftan iska caadi ah. Hadii
daqiiqado sidaa lagu sheekeysanayay, ayaan bilaabay inaan kaftanka iyo
sheekooyinka caadiga ah kasoo weeciyo aniga, oo dhahaya "Istarey caawa,
wax aan kuu sheegi rabo!", "hee Aboowe, ma wax daran ayaa jira", ayay
lasoo booday, ayada oo aad moodo inay naxdin ka muuqato, markaas baan ku
iri "haa dhib ayaa i heesta", hadii aan intaas afka kasii qaadayay, ayay
soo booday oo ay soo istaagtay, ayada oo gacanta ila raadinyesa maadaam
aysan wax arag, aniga ayaa markaas inta soo istaagay madaxa gacanta ka
saaray oo ku dhahay "fadhiiso anaa kuu sheegayo'e".

Runtii markaan lahaa dhib ayaa i heesta, waxaan tijaabinayay halkan aan
ka joogo iyo sida dhibkeyga uu nolosheyda ku saameyn karo. waxaa halkaasi
igaga bidhaamay inay aad iiga wel weli lahayd haduu dhib i gaaro, taasi
waa astaan ka mid ah astaamaha muujinaya sida aan qalbigeeda ugu
weynahay. runtii waan farxay waxaana ii sii muuqday sida ay ka yeeli
doonto arrinka aan u wado.

Markaa kadib ayaan u holladay inaan warka daaha ka rogo, aniga oo oranaya
"istarey, ka waran Xamza oo dhib soo gaaray maxaad ku caawin lahayd",
Jawaab ayaan ka filyay'e, ayada oo aad moodo inay naxdin iyo carro isku
darsatay ayay igu tiri "waan ku baryayaa Xamza ayaa dhib gaaray mar kale
ha igu oran, oo hadalkaasi qalbigeyga ma xamili karo macaanow", "Ok, mar
dambe kuma oranayo, laakiin waad u gar gaari lahayd baan filaa' ayaan
hadana ku iri, "dabcan, taas is warsi ma laha" ayay iyana iigu jawaabtay.

Farxaddii ayaa igu sii korartay waxaana ii muuqatay guusha nolosheyda,


markaasaan warka si cad dabookla uga qaaday, waxaana ku iri "Istarey,
horta aduun intaad joogto wax walba waa la fishaa, qofkana dhib kasta wuu
la kulmaa, laakiin dhib qof soo gaara wxaaa ugu xun mid aan dawo lahayn,
oo xitaa hadii aad qarash kasta bixiso aadan xal u heli karin, taasi waa
marka noloshaada ay ku xiranto qof kale, si kasta oo aad yeeshana
dhaawaca qalbigaaga soo gaaraya ma daweyn kartid ilaa qofkii aad ka
heshay uu wehel kula soo noqdo, hadaan si kale u iraahdo waa marka aad
qof jeclaato, runtii aniga hadda jaceylkii ayaa i galay, oo waxbaan
jeclaaday nolsheydana waxaa farxad u ah qofkii laabtu ay rabootay oo u
yimaada, qofkaasi qof kale maaha ee waa adiga Istar ah, Istar waan ku
jeclahay abaayo, waxaana ku dawoobi karaa oo kaliya adoo caashaqa ila daa
dihiya, qalbigaagana i dhex dhiga'.

Ilin, ayaa durbadiiba kasoo hoobtay, waxaana iyada oo hadalka la qar


qareysa ay igu tiri "een eeen ....Xamza, waxaad tahay qofkii ugu horeeyay
ee kalsooni iyo farxad i tusa, islamarkaana ii muujiya in dunida
guudkeeda ay weli saaran yihiin dad bani aadannimada ay ku dambeyso, mana
eegan karo dhibkaaga, laakiin macaanow aniga kuuma qalmo, sidaad
aragtana, indhaha ayaan la' ahay kumana siin karo farxadda aaad ka heli
karto gabdhaha dhaayahooda qaba, ee macaanow, waan ku baryayaa noloshaada
mugdi ha u horseedin, aniga kaliya ha igu koobnaato nolshan qaraarka
badan iyo mugdiga". hadii ay intaa i tiri, ayaan markeygii hadalka
qaatay, waxaan ku iri "haye, ma sheekadii niyad jabka ayaad bilowday, soo
kuma oran waxaas iska ilow, si kastaba ogow in hadaan ku waayo xitaaa
nolosha mugdiga ah aan seegi doono, oo aan adduunka isaga tagi doono, ee
Istar ma gacan qabatay mise?", "maya aboowe saas ha sameyn" ayay hadana i
tiri, ayada oo sii raacineysa "inaad i fahamto isku day, waxaan kaa
fogeynayaa nolol dhib badan, waayo waxaad tahay qof igu dheer kuumana
rabo rafaad inaad cimragaaga ku dhameysato".

Runtii in badan ayay isku dayday, inaan iska ilaawo jaceylka aan u hayay,
waan dareemi karay inay iyaba i danayn lahayd, balse ay is leedahay
wiilka dhib ha u horseedin, kama aanan yelein'e, waxaan hadana ku iri
"Nolsha dhibka badan waxay ii bilaaban doontaa marka aad adiga i deyriso,
ee i gacan qabo, markaas ayaan labadeenaba farxad deris la noqon
karnaa'e", intaa kadib ayaa ayada oo dhulka hoos u eegeysa misna xishood
uu ka muuqdo ay igu tiri..........

W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"


alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Axad, 04 May 08
Qeybtii 9-aad
Waxaan hadana ku iri "Nolsha dhibka badan waxay ii bilaaban doontaa
marka aad adiga i deyriso, ee i gacan qabo, markaas ayaan labadeenaba
farxad deris la noqon karnaa'e", intaa kadib ayaa ayada oo hoos madaxa u
raaricineysa, misna xishood uu ka muuqdo ay igu tiri " waa yahay waxba
kama qabo, hadday noloshaada aniga igu xiran tahay, diyaar ayaan kuu
ahay, waadna i heleysaa", intaa hadii ay afka kasii qaadeysay, ayaan ku
booday oo labad dhaban ka dhunkaday, "waad mahad san tahay" ayaana ku
iri, iyana "adaa mudan" ayay iigu war celisay.

Aniga farxadii ayaa iga badatay, waxaana garan waayay meel aan is geeyo,
guushii nolosheyda, ayaa halkaasi ka bilaabatay. Habeenkaasi waxa uu ahaa
kii iigu farxadda badnaa 24-ka sano ee aa waqtigaasi dunida saarnaa, anoo
aad ugu mahad celinaya misna ka ballan qaadaya inaan faraxad ku
nooleysiiyo inta aan awoodo, ayaan kasoo tagay, waxaana wixii marekaa ka
dambeeyay aan lasoo dhigtay ballan toddobaadkii laba goor ah.

Waxaa halkaasi igaga bilowday nolol cusub. Habeenkaasi aniga oo faraxsan


ayaan gurigeyga isaga soo laabtay. Gurigeena oo dhan waa laga dareemay
farxadeeda iyo in wax cusub ay igu soo kordheen. Aabahay oo ahaa nin
kaftan badan ayaa igu yiri " Haye, kaabe, caawa aad baad u faraxsan
tahay, ma gabadhii aan sodoga u noqon lahaa, ayaad soo heshay", intaan
qosol yar dhakac ka siiyay ayaan ku iri "hadaan soo helo qofka ugu
horeeya ee la barayo waa adiga". Intaa hadii ay sheeko inoo mareyso,
ayaan ka tagay oo aan iska seexday.

Subaxii xigay Jimce ayay ahayd oo shaqo ma aan lahayn'e, waxaan ka toosay
tobanka subaxnimo iyo daqiiqado, markaas ayaan banaanka guriga darjiin ku
yaala iska fariistay. Cabbaar hadaan fadhiyay, ayaa waxaa ii timi Deeqa,
oo ahayd gabadha ka yar Hani, inta ay dhinac isaga key sikisay ayay salka
dhigatay, markaasay war igaga bilowda "Hambalyo", "oo maxaad iguga
hambalyeyneysaa" baan ku iri, inta ay qososhay, ayay hadana i tiri
"Xamzow, adan waxaan kugu nacay is dabaaliska aan meel jirin".
Runtii hadaladeeda ayaan ku weeraray, iyo waxa ay hambalyadan baas ula
jeedo, markaasaan aniga oo waxooga is xanaajinaya ku iri " Deeqa, adiga
kaftanka inta iga dhaaftid, waxba ma ogi'e ee wax ii sheeg, hadii kale
iska key daa". Intaa kadib ayay warka ay qar qarsaneysay daaha ka rogtay,
ayada oo i dhaheysa, "Aabe iyo Hani xalay way sheekeysteen guurkana waa
ay isla meel dhigeeen". Xaqiiqdiii erayadaas aad ayaan uga naxay, durbana
waan dareemay in guurka uu yahay mid ani iyo Hani un loola jeedo, balse
maan dareensiin Deeqa, waxaana ku iri anoo warka nuxurkiisa ka raaidnaya
"Haye maxay is yiraahdeen?".markaa kadib ayay Deeqa Sheeko ii bilowday,
ayada oo oraneysa "xalay, markii aan cashada cunnay kadib ayaa aabe u
yeeray Hani, waxa uuna ku dhahay (gabadheydiiyee sida aad la socoto, waad
weynaatay'e, waxaana rabaa inaan arko caruurtii ugu horeysay oo aan
awoowe u noqdo ee maad guursatid), iyana waxa ay ugu jawaabtay (aabe weli
ma aanan helin nin i qanciya), aabe ayaa markaasi ku yiri (oo ka waran
hadaan aniga wiil kuu dooqo), iyana waxay dhahday (wiil aan garanayo oo
cidda ama qaraabada ah haduu yahay waan aqbalaaa), aabe ayaa markaas
hadana hadalka qaatay oo yiri (wiilasha cidda yaaba ka jooga kuli dibedda
ayay ku wada maqan yihiin'e, waxaaba ka jooga Xamza oo markuu
waxbarashadiisa dlka ingiriiska kusoo dhameestay iska soo laabtay,
kadibna Hani ayaa lasoo booday (Aabe Xamza wiil ka wanaagsan maad ii
dooqi lahayd), markaas ayaa aabe qosol la dhacay oo uu yiri (waa arin
wanaagsan Xamza waa wiil fiican, oo aan noloshaada ku aamini karo. anaana
arrinkaas kala hadlayay Xaaji Maxamed, marka aan kasoo laabtay safarka
aan ugu socdaalayo dalka Talyaaniga), marka kaabe arrinkaas ayaan kuugu
hambalyeynayaa".

Anigii carro ayaa jirkeyga oo dhan saaqday meel aan joogana waan garan
waayay, waxaana is weydiiyay waxa ay Hani ula jeedo cayaartan cusub oo ay
ila bilowday, Deeqa ayaan inta ku dhahay "waad mahad san tahay" iska
diray, kadibna aniga ayaa feker iskula laabtay, si aan arrinkan aan uga
hortago, waayo, waxaan ogaa, in aabahay uusan marnaba sheekadaasi ku
gacan seeri doonin, waxaan qalbiga iska iri "Hani gool wanaagsan ayay kaa
dhalisay, laakiin waa inaad iska bar bareysaa, oo dabadeedna goolka
guusha aad ka dhalisaa', hadii aan cabaar fikirayay, ayaa waxaa xal iila
muuqday in inta uu aabaheyd maqan yahay, aan soo de dejiyo arrinka Istar,
waayo waxaan ogaaa in dalka Talyaaniga uu muddo ku maqnaaan doono,
sidaasi ayaana go'aan ku gaaray, hadana waxaan is iri "gabdha way indha
la' dahay armuu aabe kaaga gar helaaa", markaas ayaa waxaa ii soo baxday
in marka hore aan u hollado inaan indhaha u fiiqo Istar. aniga oo
arrinkaas ka shidaal qadanaya, ayaan si deg deg ah aniga oo qorshaha
uusan igu jirin waxaan ugu dhaqaaqay guriga Istar, si aan usoo weydiiyo
halka laga helo dhaqtarkii ay hadda ka hor ii sheegtay iyo xilliyada uu
yimaado dalka Somalia, markii aan u tagay oo aan arrinka u bandhigay way
ku faraxday runtii, waxaana ka dareemay inay u sawiran tay in caafimaadka
indhaheeda uu soo dhow yahay, waxa ay ii sheegtay in dhaqtarka uu yimaado
bisha December ee sanad kasta, uuna fariisto xarun caafimaad oo ku taala,
agagaarka Dal Jirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, markii aan intaas
kasoo ogaaday ayaan kasoo tagay.

Si kastaba waqtiga ayaa ahaa mid cariiri igu ah, markaasi waxay ahayd
bisha november 1-deeda, December, waxaa naga xigay bil, waqtiga uu Hani
aabaheed soo laabanayayna waxa ay ahayd bisha February, waan fekeray,
waxaana ii soo baxday qorshe cusub oo aan is lahaa aabe waad kaga bad
baadi kartaaa, kaasi oo ahaaa............

W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"


alaxmed@hotmail.com

________________________________________
Isniin, 05 May 08
Qeybtii 10-aad
Waan fekeray, waxaana ii soo baxay qorshe cusub oo aan is lahaa aabe
waad kaga bad baadi kartaaa, kaasi oo ahaaa, inaan aabe ku wergeliyo
xiriirka aan la wadaagayo Istar iyo nolosha cusub ee ii bilaabtay,
haddana waxaan is iri armuu aabe ku weydiiyaa arrimo ay ka mid yihiin
gabadha na bar oo guriga keen iyo waxyaabo kale. Qorshihii ayaa haddana
ila xumaaday, fekerkiina wuu igu sii batay, adiga, ugu dambeyn, waxaan
go'aan ku gaaray inaan de dejiyo qorshaha aan indhaha ugu fiiqayo Istar,
dabadeedna aan aqal gal deg deg ah habeeyo, sidaa ayaana nafteeda ku
qarsaday.

Ciilkii aan ka qaaday qorshaha guracan ee Hani, weli sidiisa ayuu ii


hayay, maalinkii xigay ee sabtiga ahaa, ayaan shaqada kula kulmay,
markaasaa anoo carro ay i hareeysay inta wejiga wejiga u saaray ku iri
"Waa maxay qorshahan guracan ee aad ila damac san tahay", waxba igama
aysan waalin'e qosol ayayba igaga baxday, waxaana ayada oo faraxad ay ka
muuqato ay igu tiri " wax kale maahan, sideedaba markaad qof jeceshahay,
waa inaad sameysaa, wax walba oo aad qofkaasi ku heli karto, marka ha la
yaabin waa un dadaal aan adiga kugu raadinayo, miyaad ka xun tahay?', "oo
ma kula tahay naf aan raali kaa ahayn inaad sidaa ku heli karto?", ayaan
haddana weydiiyay, balse waxay hadal iigu koobtay " Waan arki doonaa bal
waxa ka yimaada dadaalkeyga".

Intaa kadib ayaan inta hadaladeeda jees jeeska u adkeysan waayay isaga
tagay. la hadalkeeda wax aan carro hor leh ahayn kama aan dhaxlin,
waxaanse isku qnaciyay in mar ay ahaataba aan ka adkaan doono qorshaheeda
qaabta darran.

Waqtigii ayaa is guray Jeceylkii na dhex yiilay aniga iyo Istarna waxa uu
gaaray meel sare, kullamadeena ayaa batay, qalbigeeda ayay xaqiiqdii si
aan hagar lahayn iigu furtay, waxa ay i tustay nolol macaan oo aan arag
inta aan dunida ku noolaa, la sheekeysigeeda iyo la kullankeeda ayaaba ii
ahaa farxad, oo wax aan siisan karo maanan arag, iyana si dhab ah ayay ii
jeclaatay, oo toban jibaar ka badan inta aan aniga jeclaa, way i aamintay
anna waan aaminay, way igu kalsoonaatay anna waan ku kalsoonaaday, taasna
waxay xiriirkeena ka dhigtay mid aan la loodin karin. iyadu waxayba
gaartay heer ay i tiraahdo "hadaan adiga ku waayo nolol iima jirto",
waayo jaceylka ka sokow, reerkeeda ayaan xitaa xag dhaqaale ka taageeri
jiray, taasna waxay keentay in qoyska oo dhan ay ii xitiraamaan sida
amiir oo kale, anna waxaan mar walba ka ballan qaadayay in inta la iga
dhigayo iilka aan garabkeeda taagnaano doono, nolosheena iyo xiriirkeena
sidaasi ayay isugu xirmeen.

Haddii nolosheena ay muddo sidaa ku dhisneyd, ayaa waxaa la gaaray


waqtigii aan aniga sida aadka ah u sugayay ee bisha December, oo ahayd
xiliggii Istar ay ii sheegtay inuu yimaado dhaqtarka kaliya ee awooda u
leh inuu fiiqo indhaheeda, maalin ay tahay khamiis, oo bishuna ay ahayd
3, ayaa waxaan qabtay goobtii la iigu sheegay inuu fariisto ee agagaarka
Daljirka Daahsoo.

Markaan goobta tagay, ayaa waxaan weydiiyay dad meesha ka og dhowaa,


iyana iguma aysan daahin'e durbaba way ii tilmaameen. xaruntii ayaan
tagay, waxooga dad ayaa iga horeeyay'e waqtigeyga ayaan sugay, waxaana
ugu dambeyn u galay dhaqtarkii.

Markaan gudaha u galay, ayaanba la yaaba sida uu dhaqtarka u dhallin yar


yahay, iyo aqoonta uu leeyahay, kadib ayaan salaamay isna wuu iga qaaday
"fariiso" ayuuna igu yiri, markaan salka dhigtay, ayaa waxa uu ii yiri
"haye maxaa dhib ah oo ku heysta", kadib ayaan bilaabay inaan bilow iyo
dhamaad uga sheekeeyo sida ay Istar ku indho beeshay iyo in dhaqtarka
kaliya ee daweyn kara uu isaga yahay, sida ay iyada ii sheegtay, durbaba
wuu gartay wuxuuna igu yiri "waan fahmay cudurka gabadha indhaha ka
galay, intiisa badanna xal looma helo, laakiin bal gabadha ii keen, si
aan u eego, ogowna hadii ay noqoto in indhaheeda wax laga qaban karo, in
lagaaga baahan yahay, $1000, si loogu hagaajiyo indhaheeda haddana waad
sii bixi kartaaa".

Farxadii abid nolosheeda ugu weyneyd, ayaa i saaqday, waxaanaba aan ku


sigtay inaan sare jooga ka dhaco, aniga oo meel aan is dhigo la' ayaan
kasoo baxay goobtii caafimaad ee Dhaqtarka, kadibna anoo faraxsan ayaan
gaarigeygii yaraa kusoo dhacay, balse in cababar ah haddaan farxad iskula
hadlayay, ayaa waxaan xasuustay inay jiri doonto caqabad dhinaca qarashka
ah, waayo lacagta xilligaasi uu dhaqtarka ii sheegay gacanta iiguma
jirin, hase yeeshee, waxaan is tusay inaan aabe ka qaato ama aan iraahdo
i deymi, inkasta oo aanan ogeyn waxa uu ka oran doono...................

W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"


alaxmed@hotmail.com
________________________________________

Talaado, 06 May 08
Qeybtii 11-aad
Waxaan is tusay inaan aabe ka qaato ama aan iraahdo i deymi, inkasta oo
aanan ogeyn waxa uu ka oran doono. go'aan ka qaadashada arrintaasi aad
ayay iigu adkaatay, maalmo ayaan waday fekerka ceynkaasi ah, intaana kuma
aan guuleysan inaan ku dhaqaaqo in aabe aan weydiiyo lacagta.
Wax uu xaalka sidaa ahaadaba, Habeen Talaado ah, ayaa aniga oo
sariirteeda isaga dul fekeraya mar qura qaatay go'aan deg deg ah oo ahaa
inaan arrinka aabe u sheego, markaasaan usoo baxay deerka hore ee aqalka
oo aabe uu isaga leersanayay, hadaan dibedda soo istaagayba, waxa ay
indhaheygu qabteen adeerkey Xasan (Hani aabaheed), waxaan naxay naxdin
tii ugu sareysay, markaasaan qalbiga iska iri "oo goorma ayuu Italy kasoo
laabtay", intaan waxoogaa farxad iska muujiyay ayaan ku dhahay "Oow!,
adeer goormaad soo laabatay, waadba soo dhaqsatay, soo adigan waqtigii
aad iman lahayd kasoo hor maray?', "haa wiilkeyga howshii aan u baxay
ayaa lix bilood dib loo dhigay, marka galabta un baaba imid" ayuu isna
iigu war celiyay.
Sheeko iyo isla qosol dheer ka dib, ayuu adeer iska baxay, anigii iyo
aabe ayaana isku soo harnay, aniga ma dareensaneyn waxa ay ka wada
hadleeen, waxaana is iri "koleyba arrinta guurka kalama hadlin oo hadda
ayuuba yimid, salaan un buu lasoo baxay", aniga oo isla hadalkaasi ku
maqan ayaa aaabe iugu yiri "haye wiilkeyga maxaad la fekereysaa", intaan
fekerkii kasoo laabtay baan ku iri "haa aabe adigaa arrin kuugu socday",
isna igama uusan waalin'e, waxa uu iigu jawaabay, " ii sheeg wiilkeyga
waxaan adiga kuu qaban waayay cid aan u qabanayo ma jirtee?", kadib ayaan
waxaan bilaabay inaan aabe u sheego dhibka i heysta, Jaceylka aan u qabo
Istar, iyo sida aan u rabo inana caafimaad ugu helo.
Markaan intaas iri, aabahay, waxa uu galay feker dheer, kadibna waxa uu
iigu jawaabay "wiilkeyga Xamza, qorshahaaga waa mid iska yara wanaagsan,
waxna wada jeclaan kartaa, laakiin aan su'aalo ku weydiiyo ee i
dhageyso", "waa yahay aabe" baan ku iri, kadiba waxa na dhex maraya
su'aalahan iyo jawaabahan:-
Aabe: gabadha yay tahay?
Aniga: Waa gabar Soomalaiyeed?
Aabe: Soomaali inay tahay waan dareemayaa'e ee cid ahaan yay tahay?
Aniga: taas inaan weydiiyo waqti isagamaba lumin, gabadha waan jeclahay,
hamigeegana waa inaan helaa.
Aabe: oo sidee qof aan la garaneyn ay reerkeena ugu soo biireysaa?
Aniga: Aabe, mid aan isla fahano, aniga qofka aan jeclahay, ujeedkeyguna
uu yahay inaan guursado, waa Istar, ee ma ahan reerka ay ka dhalatay, ha
wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, waxba igama gelin, ee Istar waaye qofka
aan rabo, waana kaa hubaa waa qof wanaagsan.
Aabe: Waan ku gartay, ka waran qoyska ay kasoo jeedo, ma yihiin kuwa
ladan oo u dhigma sumcaddeena.
Aniga: qoys dhaqaale heesta maaha, laakiin qalbiga ayay ka ladan yihiin,
oo wax dhib ah ma heesto.
Aabe: sidee ayay kula tahay marka in qofaaksi uu noogu soo biiri karo?
Aniga: aabe gabadha anigaa guursanaya anigaana jecel, qoyskeena iyo
sumcadiisana wax ka galay ma laha?
Aabe: Xamza i dhegeyso, gabar aan la garaneyn, islamarkaan aan noo
qalmin, ayaan intaas qarash ugu indho fiiqayaa, waana guur sanayaan wax
aan kaa yeelayo ma lahan?
Aniga: ok aabe, anaa qarashekyga meel kale ka raad sanayo.
Aabe: qarashkaaga ma garanayo'e ee gabadhaas marnaba nama soo gasho, ma
maantaad noo keentay wax indhaha la' oo aan la garaeyn baan soo
guursanaa?
Aniga: aabe waa ku baryaaa gabahdhaas horteeda wax ha uga sheegin.
Aabe: hadal iyo dhaamaantii, saad arkeysayba, waxaa hadda iga tagay
adeerkaa, wuxuuna iila yimid qorshe adiga iyo ina adeertaa Hani la isku
kiin darayo, waana isla meel dhignay ee arooskaas isku diyaari warka
badan dhaaf'e.
Intaa kadib aabe fadhiga ayuu igaga kacay isaga oo aan wax jawaab ah iga
sugin, qorshihii aan aabe ula tagay, isagaaba mid kale dul saaray, oo
keygii ku baa bi'iyay, waxa ay igu noqtay arrin aan aqbali karin, waxaana
bilaabay inaa ka fekero, wax aan ka yeelii doono hadalka aabe, koley
inaan ku gacan seeraayo is warsi ma lahayn'e, ee waxaan eegayay waxa iman
doona Mustaqbalka......................
W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"
alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Arbaco, 07 May 08
Qeybtii 12-aad
Go'aankii kaligii talisnimada ku dhisnaa ee aabahay uu qaatay, waxa uu
aad u dhaawacay qalbigeyga, waxa uu na mugdi geliyay hamigii aan
tiigsanayay ee ahaa inaan mar un arko Istar oo oorideeda noqota. Si
kastaba go'aanka aabe igama uusan reebin inaan wadadeeda kusii taagnaado.
Subaxii xigay, ayaan aaday Istar, waxaana u sheegay kullankii aan wada
qaadanay aniga iyo dhaqtarka. aad ayay runtii u faraxday, kadibna waxaan
u kaxeeyay xaruntii dhaqtarka, markii aan geeyay oo uu arkay, nasiib
wanaagsan waxa uu ii sheegay in xaaladda indhaheeda wax laga qaban karo,
islamarkaana aan heesto muddo 20 maalmood ah inaan lacagta kusoo
diyaariyo si howsha loo guda galo, oo uu mudadaas wixii ka dambeeya dib
ugu laaban doono dalka uu sanad kasta ka yimaado ee Germany.
Intaa kadib inta Istar aqalkooda isaga soo celiyay, ayaan anna gurigeena
imid, waxaana kadib bilaabay inaan ka fekero waxa aan sameyn doono iyo
halka aan u baadi goobi doono lacagta $1000 ee loo baahan yahay. Feker
dheer kadib waxaa ii soo baxay oo xal iila muuqday inaan iibiyo mid ka
mid ah laba guri oo aan horey uga iibsaday magaalada Muqdisho, si aan
lacagta halkaasi kasoo baxda dhaqtarka u siiyo.
Arrintii ayaan kadib ku dhaqaaqay aniga oo aan cidna ogeysiin, waana ku
guuleystay inaan lacagtii helo oo aan iibiyo guriga muddo toddobaad
gudihiis ah.
Subax ay ahay Isniin, ayaa aniga oo isku diyaarinaya inaan kaxeeyo Istar
oo aan dhaqtarka aado, ayaa aabe ii yeeray, Waxaana uu igu yiri "haye
waxaan rabnaa inaan toddobaad kadib ka dhigno guurka adiga iyo Hani",
aniga oo carro ay iga muuqato ayaansae aabahaya ugu jawaabay "aabe
horeyna waan kuugu sheegay haddana waan kuugu celinyaa, marnaba guurkaas
diyaar uma ahi", intaa kadib aabahay aad ayuu u carooday, waxaana uu ku
siktay inuu ii gacan qaado, cabbaar ayuu iga aamusnaa, waxaana uu kadib
igu yiri "laba mid aday dan kuu tahay, inaad guurkaas ogolaato iyo in
aniga iyo adiga aan is deyno", xaqiiqdii jawaabta s'aashaasi aad ayay
iigu adkaata,w axaana aabahy ku iri " aabe aniga iyo adiga waxaan nahay
dad is dhalay iyo wiil iyo aabihii, arrintaas darteedna kuma kala go'i
karno, si kastaba diyaar uma ihi guurkaasi".
In cabaar ah hadii uu aabahay aamusnaa ayuu igu yiri "marka horeba waan
ogaa inaad sidan oran doonto, hadaad dhiigeyga ahaan lahayd oo aan ku
dhali lahaa sidan maad sameyseen", xaqiiqdii erayadaasi waxay noqdeen
falaar wadnaheyga ku dhacay, waxaana la yaabay waxa uu aabe ula jeeday
"hadaad dhiigeyga ahaan lahayd", waxaan is wdyiiyay su'aalo ay ka mid
ahaayeen " oo aabe kuma dhalin miyaa?, mise sidan oo dhan carro ayaa ka
keentay", hadana waxaan is iri "carro haday jirto xitaaa hadaad wiilkeyga
ahaan lahayd ma ayadaa gaareysaa?". Xaqiiqdii waxaan halkaasi ka qaaday
tuhun ku saabsan inaan ahay wiil uu dhalay.
Aniga ii ilinta ay iga qubaneyso ayaan aabe ka tagay, waxaana si deg deg
ah u galay qol ay hooyadey hurdeysay, intaan ka kiciyay, ayaan waxaan war
uga bilaabay "Hooyo, aniga, aabe ima dhalin miyaa?, ma aabe kale ayaan
lee yahay, mise labadiinaba ima dhalin", hooyadey jawaabtii aan ka
sugayay waxa ay noqotay ilin mar qura kasoo hoobatay, ku dhowaad 30
daqiiqo oo aan war ka sugayayna waxaan xitaa ka waayay inay haa ama maya
i dhahdo, anoo sidaas u niyad jabsan ayaana isaga tagay.
Xaalad niyad xumo, ayaa halkaasi igaga bilaabaty, cabaar ayaan oohin la
fariistay deerka gurigeena, waxaanse go'aan ku gaaray in waxay doontaba
ha igu qaadatee aan helo xaqiiqda rasmiga ah ee dhalashadeyda.
Si kastaba qalbi xumadii aan subaxaasi qaaday igama reebin wax u
qabashada Istar iyo inaan caafimaad u helo indhaheeda, waxaana anoo
arrinkaasi ka talaab qaadaya aan horey usoo qaatay lacagtii indhaha loogu
fiiqi lahaa, kadibna intaan gurigooda tagay, ayaan soo kaxeeyay oo aan
geeyay xaruntii dhaqtarka, markaan u geeyay kadib ayuu yiri adiga
banaanka iska tag howl galka ayaan bilaabeynaa, "waa yahay" intaan dhahay
ayaan iska soo baxay, cabaar hadaan fadhiyay, ayaa waxaa soo baxday Istar
oo ilemeyneysa, kadibna waxaan ku iri "oo maxaa kugu dhacay", "aniga ma
doonayo in indhaha la ii fiiqo" ayayna iigu jawaabtay, "oo maxaa dhacay
ayaan hadana ku iri "...........
W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"
alaxmed@hotmail.com
________________________________________

Khamiis, 08 May 08
Qeybtii 13-aad
Cabaar hadaan fadhiyay, ayaa waxaa soo baxday Istar oo ilemeyneysa,
kadibna waxaan ku iri "oo maxaa kugu dhacay", "aniga ma doonayo in
indhaha la ii fiiqo" ayayna iigu jawaabtay, "oo maxaa dhacay", baan
haddana ku iri, balse way diiday inay wax ii sheegto, waxayna si kooban
ii tiri "marka hore guriga aan tagno, markaas ayaan wax walba kuu
sheegayaa'e".

Dhowr goor ayaan isku dayay inay ii sheegto waxa ay ku diiday howshii aan
intaas dhib ah kasoo maray, hase yeeshee waxba waan ka ogaan waayay.
hadaan iyada ku daalay, ayaan u galay dhaqtarka, si isaga uu iigu sheego
waxa dhacay, isna waxa uu war iigu gaabiyay "ayada wareyso".

Muran iyo dood dheer oo aniga iyo Istar nagu dhex martay xaruntii
caafimaadka kadib, ayaan isaga soo tagnay xaruntii dhaqtarka, markaan
guriga nimid, ayaan wa xooga dejiyay, waxaana si degan u iri "bal waxa
jira ii sheeg', intaa kadib ayay wax aan la yaabay ay ii sheegtay taasi
oo ahayad, ayada oo igu tiri "dhaqtarka waxa uu i dhahay wax lacag ah
kaamka doonayo, indhahana waan kuu fiiqayaaa weliba si deg deg ah, balse
hal shuruud ayaa meesha taala, oo ah inaan ku guursanayo markaan
caafimaad u helo indhahaaga kadib, marka Xamzow, ihi..ihi...indho fiiqis
aan adiga kugu weynayo maxay ii tareysaa".

Waxa ay xaqiiqdii noqotay sheeko aan si aad ah uga naxay, iyo arrin
fajaciso igu noqotay, "waa yahay Istar, waad mahadsan tahay, anna waan
sii baxayaa, macsalaama, hadduu ilaah yiraahdo habeen dambe ayaan kuu
imanaa" inta ku iri, ayaan isaga soo tagay.

Qorshaha cusub ee dhaqtarka baas uula yimid, waxa ay igu sii kordhiyeen
culeeskii saarnaaa nolosheeda, anoo xitaa aan garaneyn sida uu
dareenkeygu ahaa, ayaan gurigeena isaga oo laabtay, hadaan guriga imid,
ayaan bilaabay inaan dhameeyo sheekadii qabyada ii ahayd ee ku saabsaneyd
aniga dhalashadeeda, waxaan arkay walaakey Anas, oo meel oohin la
fadhiyo, isaga ayaan xog wareysigii ka bilaabay oon ku iri "Aboowe,
maxaad la oyneysaa", intuu hab i siiyay oo uu isku key duubay ayuu i
dhahay "aniga aabe waa nacay, labadeena ayuu na kala fogeynayaa',
markaasaan ku iri 'aamus walaal, cid aniga iyo adiga na kala fogeyn karta
ma jirto, ee maxaad ogtahay ii sheeg".

Anas ayaa markaa bilaabay inuu waxa uu og yahay igaga sheekeeyo isaga oo
ku bilaabaya "aboowe macaan, markaad baxday, kadib ayaa ayeeyo aabe
dhashay ee Caasho, waxay ayeeyo hooyo dhashay ee Xaliimo ku tiri
(wiilkeyga arrin xun ayuu sameeyay, ma ahayn inuu arrintan shaaca ka
qaado), markaasay ayay Xaliimo dhahday oo maxaa dhacay bal wax ii sheeg),
kadibna ayay caasho ayaa dhahday (wiilkan Xamza ah, Xaaji Maxamed iyo
Maryan, ma dhalin, iyaga oo in ka badan 10 sano is qaba oo aan wax isku
dhalin ayay wiilkan heleen isaga oo 3 maalmood dhalan oo wadada lasoo
dhigay magaalada Hargeysa, kadibna si aan arrintan loo ogaan ayay
Muqdisho, usoo degeen nasiib wanaag markii wiilkan ay heleenba waxaa
calool galay oo isku xigsaday afar wiil oo iyaga ay dhaleen saddex hadda
maqan iyo Anas marka Xaajiga inuu arrintan shaaca ka qaado ma ahayn),
ayeeyo Xaliimana waxay dhahday (wax xun buu sameeyay) marka aboowe, adiga
waxaas waxba ha u arkin.

Sheekadii Anas, xaqiiqdii jahwareer ayay igu riday, anoo iska fekeraya oo
meel iska fadhiya ayaa aabe ii yimid, oo igu yiri "weli ma madax adeegii
ayaad meel la fadhidaa", markaasaan dhahay "wax walba oo dhaca Hani ma
guursanayo", isagiina hadal kale ima weydiin'e, waxa uu war igaga
bilaabay "igaga baxay guriga".
Intaan kadib intaan boorso dhar kasooo buuxsaday, ayaan horey usoo qaatay
lacag aan heestay oo igaga hartay gurigii aan iska iibiyay iyo tii aan
ugu tala galay Istar iyo baasaboorkeygii ingiriiska, waxaana kadib go'aan
ku gaaray inaan dalka isaga tago oo aan UK ku laabto, islamarkaana aan
nolol cusub halkaasi ka raadiyo, waxaan kale oo go'aan ku gaaray inaan
Istar ku iraahdo Iska key illow!, maadaama caafimaadkeeda uu wax walba ka
weyn yahay haduu dhaqtarka sidaa taagan yahayna ay isaga iska guursato,
waa laga yaabaa in dad badan ay ku fekeri lahaayeen inaan qaldanahay,
balse wax walba waxaan u sameeyay jaceylka aan ayada u qabay, iyo inaan
doonayay inay indhaheeda u wanaagsanaadaan, aniga oo sidaasi go'aan ku
qaba, ayaan usoo dhaqaaqay xaafadda Istar, si aan waxa dhacay oo dhan uga
sheekeeyo..........
W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"
alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Jimco, 09 May 08

Qeybtii 14-aad

Aniga oo qorshahaasi ku taagan ayaan u dhaqaaqay xaafaddii ay ku nooleyd


farxaddii nolosheeda ee Istar, hadaan waxooga socday, ayaa waxaa ila
xumaaday qorshaha aan watay, waxaana ii sawirmay in Istar aysan siday
dootaba ha ahaatee marnaba aqbali doonin inaan isa seegno, aniguba sidaa
ma jecleyn, ee mararka qaar danta ayaa waxaadan rabin kugu qasbeysa inaad
sameyso, si kastaba waxaan is tusay in hindisaheega hadaan Istar ula tago
uu un fashil ku idlaan doono, markaasaan fekeray, waxaana ii soo baxay
qorshe kale oo ahaa inaan Istar waxba u sheegin oo aan inta dhaqtarka u
geeyo isaga tago, warqadna u dhaafo si ay dib dambe uga ogaato waxa i
qabsaday, sidaasaan is tusay.

Aniga oo arrintaasi ka goos qaadanaya, ayaan ku leexday dukaan markaas ii


dhowaa Warqad iyo qalin inta ka iibsaday, ayaan isaga soo baxay kadibna
waxaan dib ugu soo dhacay gaarigeyga, intaan meel waxoogaa hoos lahayd ku
baakimay, ayaan warqadii qoraal ugu fariistay waxaana u dhigay sidan.

Dear Istar.
Qaalideydii waayahay ay na kala geeyeenee waxaan hawada u dhaxeysa
Britain iyo Somalia ku soo marinayaa salaan kalgaceyl tan ugu qiimaha iyo
qaayaha badan, oo ay isu diraan dad isku haminayay oo isa seegay.

Intaa kadib Waxaan aad ugu faraxsanahay in aragaaga uu dib usoo laabtay,
sida aan filayo oo aad warqaddan aqrineyso, waana wax aan weligey ku
haminayay oo aan markan is lee yahay way rumoobeeen.

Marwada Sharafta lahaay, waxaan warqadan qoray maalinkii aniga iyo adiga
na isugu kaaya dambeysay, ee aan isla kulano, maalinkii Jaceylkeena uu
soo geba geboobay, maalinkii aan go'aan ku gaaray inaan kaa fogaado,
aniga oo farxadaada eegaya iyo inaad hesho wax qalbigaaga tabayo ee ah in
aragaaga aad dib u hesho.

Qaalideydii Istarey, wax ha ila yaabin hana is oran Xamza muxuu sidan u
sameeyay, wax walba waxaan u sameeyay dartaa, waayo jaceylkeyga waxa u
baas bixi lahaa inaad aragaaga dib u hesho, aniga oo taasi ka hortagaya
ayaana jecleestay inaan kaa fogaado oo aan kugu iraahdo Iska Key Illow,
weligey is ma oran adiga iyo Istar ayaa kala fogaanaya, laakiin wax walba
way dhacaan adduunka, sidaad la socotidba ninka dhaqtarka ah ee ah qofka
kaliya ee indhahaaga dawo u heli karaa ayaa shardi ka dhigay inuu adiga
ku helo, hadaan ku madax adeego inaan jaceylkeyga ka rumeeyana marnaba
maadan aqrisateen warqaddan, mana aadan socoteen adoon qof ku garab heyn,
waxaan aamnisanahay in Dhaqtar Haashim, uu yahay nin wanaagsan, aqoon
leh, hanti heesta, da' yar kuuna qalmi, waxaana is tusay inuu yahay qof
noloshaada kaafin kara, sidaa ayaana u go'aan saday inaan isaga kugu
wareejiyo anoo farxadaada eegaya.

Xabiibteydii Istarey, waxaan kale oon kuu sheegayaa in aniga aan kuu
qalmin, waayo, maanta ma ihi Xamzihii ku garab qabtay ee ina Xaaji
Maxamedkii sumcadda lahaa ah, maanta waxaan ahay qof aan aabe lahayn,
mana jecli in, in badan qalbigaaga dadka ay dhaawac ku gaarsiiyaan waxay
guursatay qof aan aabe lahayn, waayo waxaa jirta in aniga Xaaji Maxamed
uusan i dhalin oo uu isoo korsaday un, waana taas arrin kale oo qasab ka
dhigtay inaan ku iraahdo Iska key illow!, waayo ma jecli inaan aad dhasho
ilmo aan la garan oo haddana ciil ku kora.

Ugu dambeyn waxaan ku dhihi lahaa aniga iga samir iskuna day inaad
abuurato nolo cusub oo macaan badan, dhaqtarkan ayaa noloshaada u dhiibay
ee isaga farxad sii, isna ha ku siiyo, waan ku baryayaaa noloshaada ha ku
lumin inaad i baadi goobto aniga waan ka tagay dalkan markaan nolosha ku
fashilmay, adna ha fashilin noloshaada macaaney, waan ogahay inaad i
jeecashahay oo aadan i halmaami karin balse isku qasab, qalbiga wixii
lagu cel celiyo wuu aqbalaaa...kheyr ayaan kuu dhaafay...ifka hibo ku
noolow aakhirana halkii roon..bye

Gacaliyahaagii hore ee Xamza.

Intaan warqadii qoray, ayaan u dhaqaaqay dhanka aqalkooda, warqadda ayaan


waxaan u dhiibay wiil yar oo la dhashay, aniga oo ku iri "dhaqtar ayaan
geynayaa gabadha, marka indhaha loo soo hagaajiyo sii, hadana ha u
sheegin oo meel wanaagsan u dhig", isna "waa yahay ayuu i dhahay', kadib
ayaadii baan inta been u sheegay oo ku iri dhaqtarka waan lasoo hadlay
wax walbana waa ok ee ina mari ayaan dhankiisii usoo kaxeeyay oo aan u
geeyay, kadibna dhaqtarka ayaan ku iri "gabadha arooskaaga way ogolaatay
ee indhaha u fiiq", isna ' waa yahay" buu i yiri, kadibna howshii ayaa la
guda galay, intaan gurigooda kusoo laabtay, ayaan hooyadeed iyo wiilkii
yaraa soo kaxeeyay oo geeyay goobtii dhaqtarka, aniga oo maamada si gaar
ah ugu sheegay jueedka indhaha loogu fiiqayo iyo shuruuda dhaqtarka,
iyana waxbay ila fahamtay, dabadeedna anigii waan isaga
tagay.................... La soco qeybta 15-aad berri insha allaah.
W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"
alaxmed@hotmail.com

________________________________________
Sabti, 10 May 08

Qeybtii 15-aad

Dabadeed anigii waan isaga tagay, waxaana aaday Hotelka- Curuba ee


magaalada Muqdisho, si aan halkaasi ugu sii noolaado intii aan ka
diyaarinayo safarkeyga UK aan ku aadayay.

haddaan hotelka maalmo deganaa, ayaa la gaaray waqtigii bixitaankeyga,


kadiba dalka Ingiriiska ayaan dib ugu laabtay, halkaasi oo aan nolol
cusub ka bilaabay, waxaan dareemay inaan hadafkii ugu weynaa ee
nolosheeda oo ahaa guurka Istar aan ku fashilmaty, waxaana kadib iska
galay wax barasho aniga bilaabay Machadka London School of Economics.

Dhowr sano, ayaa ku sugnaa nolol ceynkaasi ah oo wax barasho un ku


kooban. mudadaasi waxaan ku gacan seeray codsiyo badan oo ii yimid,
kuwaasi oo ku saabsanaa gabdho doonayay inay nolol ila abuuraan, si kasta
oo ay isugu dayeenna way ku daaleen inay qorshahaasi iga dhaadhicyaan.

Muddo saddex sano ah hadaan xaalkaa ku sugnaaa, ayaa maalin dambe waxaa
isoo wacay, wiilkii saaxiibkey ahaa ee Asad, oo subaxii aan isaga u
socday markuu USA u dhoofayay, si aan u u dhoweeyo aanu is baranay
qaalideydii Istar, markuu igala soo hadlay gobolka Virginia, USA, waxa ay
ila noqotay arrin aad cajiib iila ah, waana siisan waayay, waayo markaan
Somalia kasoo tagayay ayaa xiriir na isugu kaaya dambeysay, anna waanba
iska ilaaway oo noloshii hore oo idil baanba ka haajiray, markuu telefoon
gacmeedkeyga igala soo hadlay, oo uu isku key sheegay, waan iska
ilmeeyay, waayo, waxa uu ahaa saaxiibka ugu wanaagsan ee aan dunida ku
lee yahay haddana aan xiriirkiisa gooyay, "Asadow, sidee ayaad
telefoonkeyga ku heshay" baan ku iri, markaasuu inta qoslay igu yiri "soo
adiga gabdhihii dhan nacay, gabar ku rabtay oo aad diiday baan
telefoonkaaga kasoo helay", "wax dhici kara maahee, iga dhaaf cayaarta,
ee wax ii sheeg", ayaan haddana iri, kadibna waxa ii igu yiri "Gabr Deeqa
la yiraah, oo aad macahdka wada dhigataan baa maalin igu tiri jaceyl baa
i haya, oo wiilkaan jeclaa ee Xamza Xaaji ahaana i diid, markaan wareysi
dheer la yeeshay kadibna waxaan ogaaday in qofka ay ka hadleyso uu
Xamzaheygii yahay, saasaan teelfoonkaaga uga qaatay, waa gabar aan
qaraabo kore nahay oo aan mar mar is wacno".

Intaa kadib aniga iyo saaxiibkey Asad, waxaa na dhex martay sheeko isku
hilow oo aad u dheer, waxa uuna kadib ii sheegay inuu doonayo in dalka
Somalia uu ku laabto si uu halkaasi ugu aqal galo, waxaan su'aalay
gabadha uu doonayo inuu guursado, balse waa uu iga diiday inuu ii sheego,
waxaana uu igu yiri "markaan soo baxayo toddobaad kadib, ayaan London soo
marayaa, markaasaan si wanaagsan u wada hadleynaa", anigana "waayahay"
baan ku iri.

Toddobaad kadib Asadkii ayaa iigu yimid London, isag oo kusii jeeda
magaalada Muqdisho, sii uu halkaasi ugu aqal galo, markaan isku nimid
kadib, ayaa waxaa na dhex martay sheeko aad u dheer oo ku saabsaneyd
gabadha uu guursanayo iyo bal sida uu xaalkiisu yahay, anaa sheekada
bilaabay, oo ku iri "war lacag baad sameysay, maasha la yiri aroosaa
maskiin maaha, ee waa tuma gabadha aad guursaneyso, bal ii sheeg",
markaasi baa isaga oo aad moodo in farxadda ay ka tan badisy buu igu yiri
"war gabadha aniga horta wax jaceyl ah, ah nama dhex marin, laakiin
Xamzow, haddaad aragto, walaahi isla daqiiqaddan baad go'aan ku gaari in
laguu guri geeyo, qurux ay qabto darteed,", hadaan warka ka dhageystay oo
farxaddiisa aan la dhoola cadeeyay baan ku iri " waan gartaty'e, hadii
dhexdiina uusan wax jaceyl ah dhex marin yaa qorshahan wada?", "qorshaha
waxaa wadda hooyo" buu iigu war gaabiyay haddana, "oo sidee?" baan anna
ku dhahay", markaasuu yiri " gabadha waa gabar xaafaddeena Muqdisho, meel
aan ka fogeyn degan, waxay ka dhalatay qoys waxoogaa iska liita, marka
hooyaa inta quruxdeeda iyo wanaageeda ka yaabtay cidooda la hadashay, oo
lacag badan iyo aroos laga yaabo u ballan qaaday, wayna ogolaadeen,
kadibna aniga ayay gabadha sawirkeeda ii soo dirtay, anna markaan sawirka
arkayba qalinka ayaan ku duugay qorshaha hooyo, marka saaxiibkeygiiyow
xaalka waa saas", "waan gartay" intaan ku dhahay, baan u raaciyay "gabdha
magaceed?', magac baan ka sugayay hees buuba ii galay, isaga oo leh

"Hanaan socodka laafyaha


Hagar la'i wax qabashada
Hindisiiyo falaada
Hab celinta sheekada
Haddaan hooyadeed korin
Ama aan caano la hubin
Ma heeseen asluubtiyo
Edebtiiyo Xishoodkee"

haduu intaas heesta marinayo ayaan ku dhahay "war aniga ii hees kumaan
oranee gabadha aad guursaneyso magaceed?", intuu qosol la dhacay buu yiri
"Xamzow adna sidii damiin oo kale baad rabtaa in far waa weyn wax laguugu
dhigo", "weli kuma fahmin" ayaan haddana dhahay, "Heeskaasi gabadha lagu
amaanayo magaceed" buu i weydiiyay haddana, balse waan isaga aamusay,
haduu cabaar hadal iga waayay buu isaga oo is xanaajinaya igu yiri "war
waad waalatay'e ee naga tag" , kadibna waxa uu ii raaciyay "micnaha
waxaan ka wadaa gabadha waxaa la yiraahdaa Istar..................
W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"
alaxmed@hotmail.com
________________________________________

Axad,11,May,08
Qeybtii 16-aad

Haduu cabaar hadal iga waayay buu isaga oo is xanaajinaya igu yiri "war
waad waalatay'e ee naga tag" , kadibna waxa uu ii raaciyay "micnaha
waxaan ka wadaa gabadha waxaa la yiraahdaa Istar, markii aan magacaas
maqlay, ayaan control-kii iga lumay, aad ayaan uga naxay runtii, ma
jecleyn inay nolosheeda dib u saaqdo xasuusta Istarteydii, saaxiibkey
ayaa markaas inta isla fekerkeyga ka yaabay, igu yiri "saaxiib maxaa kugu
dhacay", "waxba xusuus hore baan iska galay", baan anna ugu war qariyay,
kadib ayuu i yiri "waadba iga nixisayee!",.

Xaqiiqdii wax aqalbigeyga walaahowga geliyay, ayaa waxa ay ahaayeen


magacaas Istar, ee aan maqlay, anigaa isla hadlayoo, mar waxaan is iri
"tolow ma Istartaadii baa?', haddana ani unbaa isku jawaabayoo, waxaan is
iri "Istar xiligan waaba hooyo, caruur u leh dhaqtarkii baas, ee waa mid
kale waxa uu saaxiibkaa ka hadlayo", tii iskuma aan qancinee, haddana
waxaa la yaab igu noqotay hadlkiisii ahaa "gabar aan isku xaafad nahay oo
reer iska tabar darran ka dhalatay", waxba yaan hadalka kugu daalin'e,
anoo isku dayaya inaan ka ogaado isaga ayaan ku iri "war adiga i yiriyee,
gabadha hadaad aragto adaa deg deg ku go'aansanaya inaad guursato ee maad
sawirkeeda i tustid", balse saaxiibkey Asad, arrintaasi waaa uu igaga
cudur daartay waxaana ii uu sheegay in sawirkeeda uu kaga soo tagay USA.

Hadaan maalmo wada joognay ayuu Asad, iila yimid qorshe aan xisaabta
igugu jirin waxaana uu iga codsaday inaan u raaco Somalia, si aan uga
qeyb galo arooskiisa, hase yeeshee waan ka diiday arrintaas, wax walba
waa uu sameeyay si uu igaga dhaadhciyo inaan raaco, anna intaa waan ka
dhego adeegayay, hadaan cabaar isla doodeynay oo uu iga aqbali waayay
diidmadeyda, ayaan go'aan ku gaaray inaan saaxiibkey runta u sheego, oo
aan shaaca ka qaado wixii na kala qabsaday aniga iyo qoyskeyga, ee ahaa
inay cadaatay inaysan i dhalin, markaasuu i yiri "oo sidee maxaa dhacay",
anna anoo arrinta Istar shaaca ka qaadin ayaan ku iri "gabar aan
jeclaaday ayuu aabe ii diiday oo ina adeertey buu rabay inuu igu qasbo,
markaan diidayna waxuu ii sheegay wax uu weligii iga qarin jiray, oo ahaa
inuusan i dhalin, kadibna Somalia waanba isaga soo tagay".

Sheekadaasi saaxbiikey waxay ku noqotay mid uu ka naxay, waxaana uu iila


yimid qorshe ah inuu Somalia igu celinayo oo aniga iyo waalidkii isoo
koriyay dib na isugu kaaya naqayo, adiga waxay doontaba ha ahaatee,
waxaan aqbaly inaan Somalia ku laabto, oo aan saaxiibkey raaco, si aan
arooskiisa uga qeyb galo, islamarkaana aniga iyo waalidkey aan dib isku
aragno, oo aan wixii hore iska ilaawo nolol cusubna aan aas aasto,
sidaasi ayaana meel isla dhignay.

dhowr maalmood kadib markii qorshaha saaxiibkey, aan aqbalay kadib ayaan
dib ugu laabanay aniga iyo isagaba dalka Somalia, waxaan tagnay magaalada
caasimadda ah ee Muqdisho, oo labadayadaba aanu ku nooleyn, markaan caga
dhiganay garoonka diyaaradaha ee Mogadishu International Airport, ayaan
halkaasi telefoon kaga diray gurigeena, nasiib wanaag waxaa telefoonka
iga qabatay gabar jaariyad ahayd, war badan lama gelinee waxaan ku iri
"Anas ila hadalsii", iyana "waa yahay" bay iigu hadal gaabisay, waxaana
ii xigay codkii Anas oo dhahaya "waa kuma', "waa Xamza" baan ku iri,
walaalkey dhowr daqiiqo ayuu oohin igaga aamusnaa, kadibna sheeko dheer
ayaa na dhexmartay, "arrintan cidda ka qari" baan ku iri, waxaana ku
degay guriga saaxiibkey Asad.

Maalmo hadaan halkaasi ku noolaa, ayaa saaxiibkey iyo walaalkey dadaal


dheer kadib waxa ay ku guuleysteen inay waalidkey iyo aniga dib na isugu
kaaya celiyaan, aabahey isoo koriyay waa uu ka qoomameeyay wixii dhacay,
anna waan iska cafiyay, halkaasi ayaana nolo cusub ka bilaabay.
Hadaan toddobaad gurigeena dib ugu noolaa, ayaa subax waxaa ii yimid,
saaxiibkey Asad, waxaana ii ugu yiri "galabta waanu is raaceynaa", "oo
xagee?", baan ku iri, isna waxa uu iigu jawaabay" waxaan ku soo barayaa,
gabadha aan guursan rabo, ee Istar", waxay ahayd arrin aad u xiisanayay
bal sidaan usoo kala ogaado in tani ay Istarteyda tahay iyo in kale,
waana ka qabaly saxiibkey.

Galabkii mar ay tahay 4:30pm, ayaa waxaa ii yimid Asad, waxaana isku
raacnay guriga gabadha uu guursan rabay oo aan sidaasi uga sii fogeyn
gurigooda, sidii wadada Maka Al-Mukaramah, uu noogu waday ayuu iga
leexiyay jiiradkii aan ka leexday subaxii aan isga sagootinayay,
islamarkaana baranayay Istarteydii, waan shakiyay aniga, hadana kuma sii
dheeraan'e waxaan niyadda iska iri "bal eeg waxa yimaada", hadaan cabaar
soconay, ayuu gaarigii noogu baakimay iridkii hore ee guriga
gacalisadeydii hore ee Istar, oo waxooga is bedel uu ka muuqdo,
durbadiiba waxaa ii cadaatay in qofka saaxiibkey calafkiisa uu muuqata ay
tahay qaalideydii hore, gurigii ayaan galnay, waxaan ku arkay dad igu
cusub, kadib ayaan galnay qol waxaana noo soo gashay gabar aad u carfeysa
una labisan, hadaan sidaa u eegay, waaba Istarteydii...............
W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"
alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Isniin,12,May,08
Qeybtii 17-aad

Waxaan ku arkay dad igu cusub, kadib ayaan galnay qol waxaana noo soo
gashay gabar aad u carfeysa una labisan, hadaan sidaa u eegay, waaba
Istarteydii. Waxaan dhihi karaa wixii markaasi ka dambeeyay, ma garan
karo waxa dhacay, waxaanse ka xasuustaa in xaalka uu igu cakirmay, waxaan
xitaa ku sigtay inaan naxdin dareteed la suuxo. daqiiqadahaasi, waxaan ku
asteeyay kuwii nolosheeda ugu xumaa uguna naxdinta badnaa, wejiga ayaan
hoos aadiyay, aniga oo ayada ka cabsanaya sidii qof ay aragtay oo ay
garaneyso oo kale. cabaar hadaan xaalkaa ku sugna, ayaa Istar iyo Asad,
oo kullankaasi uu u ahaa koodii labaad oo kaliya, sida uu isaga horey
iigu sheegay ay isa salaameen, kadib ayaa Asad hadlayoo, oo Istar ku yiri
"Gacaliso, wiilkan aan ku baro, waa saaxiibkey qaaliga ah, aniga ayuu ila
yimid, waxaa la yiraahdaa Xamza, Xamza adna gabadhan waa mustaqbalkeyga
iyo gabadha aan guursan lahaa, waa Istar", markaasaan inta hadlka aniga
qaatay, waxoogaana codkeyga bedelay, oo warkan soo koobay ku iri "barasho
wanaagsan walaal", waxaase aad u adkaatay jawaab laga helo dhankeeda,
waxa ay u ekeetay sida qof dambi gale oo kale oo fiiktaal ah, dhidid
baaba kasoo qubtay, wax hadal ahna ma aysan oran.
Hadii ay iyadii sidaaa ku aamustay, aniga aan eegmo ugu dhaqaaqay baa
inta Asad labadeenaba naga yaabay yiri "Istar, maxaad wiilka uga
aamustay, mise barashada ayadaan ku faraxsaneyn", kadib ayay ayada oo aad
moodo inay carro ka tan badisay tiri "Wiilkan xaguu degan yahay",
"deganaasho hanoo dambeysee bal horta is barta", baa haddana Asad yiri.
Isaga inuu na iskaaya baro ayuu u hollanaa, iyana waxay raadineysaaa bal
inay Xamzahan ogaato, sidaaan qiyaasayayna shaki ayaa galay. hadii xaal
sidaa ahaa, ayaan aniga qidad cayaaray, si aysan ii ogaan, markaasaan
inta Asad la hadlay waxaan ku iri "Saaxiibow, wax yar i sug bal
banaankaan u baxayaaa", "maxaa kugu dhacay" buu isna yiri "waxba" baan
iri anoo sii istaagaya, waxaana usii raaciyay "waan idiin soo noqonaa",
"waa yahay", buu markaa i yiri, kadibna waan iska baxay, waxaana toos u
abaaray, xaafadeeda.
Xilli ay tahay maqribkii oo kale, baa Asadkii guriga iga soo raadiyay,
kadibna waxa uu i weydiiyay waxa igu dhacay, balse anoo ka kor baxaya,
waxna u qarinaya, ayaan ku iri "war gabdha, soo taad aragtay inay xishood
la hagoogatay, marka waxaan is iri bal sheekada lamaanaha ha qasin",
isagii baa hadalka qaatay oo i yiri haddana "nin yahow, waxaanba is iri
labadan qof ma horey bay isku garan jireen", "oo sidee baan ku iri?",
markaasuu i yiri "horta marka hore waxaan ka yaabay, sida aad u kala
xishooteen, tan kalena, markii aad naga soo tagtayba aniga iyo ayada wax
wada hadalo qaas ah oo na dhex maray wayba yaraayeen, oo intaas adi bay i
kaa weydiineysay, wiilkan yaa waaye, xaguu degan yahay, Xamza, maxaa
loogu daraa? iyo su'aalo kale, ayay raaxada igaga celisay?.
Ninkii saxiibkee ahaa ee Asad, naxdintii buuba igu sii kordhiyay, oo
waxaan is iri "armuu faalooyinkaaga oo dhan siiyay, oo isagiina wax soo
ogaaday', markaasaan ku dhahay "haye ma u sheegtay marka?", "maya" buu
igu yiri, waxaana uu ii daba dhigay "adoon kula tashin miyaan wax walba
iska sheegaa, sidee kaa noqotay ma jaahil baad i mooday?, kadib ayuu
saaxiibkey waxa uu igu yiri "nin yahow tuhunka aan qabo wax ma ka jiraa,
oo gabadhan horey miyaad isku garaneyseen?, "maya, weligeenba isma arag
oo galabtaaba igugu horeysay" baan ku iri, ", intaa kadib Asad, waxaad
mooday inuu wax walba labadeena waji uu ka aqristay, waxaana ka dareemay
tuhun aad u weyn, kadibna waxa ii igu yiri "ogow, hadaad wax iga qariso
maalin ay ahaataba waan soo saari doonaa", anna waxaan ku dhahay "oo
haddayba jiraan waxaan kaa qarinayo soo saar", waa yahay iyo waayahay,
baana ku kala tagnay.
Markuu iga tagay, kadib ayaan cabsi dareemay, waxana ogaaa in wax walba
uu ku ogaan karo oo kaliya, isaga oo magaceyga oo saddexan iyo xaafadeeda
u sheego Istar, kadib ayaan ka fekeray sidii aan uga baaqsan lahaa inaan
niyad jab saaxiibkey ku abuuro, waayo hadayba Istar ogaato inaan weli
noolahay oo aan wehel la ahay nin kale insayn ogolaaneyn baaa is tusay,
waxaana go'aan saday inaan inta uu arooskooda ka dhacayo aan UK isaga
maqnaado............... La soco qeybta 18-aad berri insha allaah.
W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"
alaxmed@hotmail.com
________________________________________

Talaado,13,May,08

Qeybtii 18-aad.

Waxaan go'aan ku gaaray inaan aado oo aan inta uu arooska Istar iyo Asad
ka dhacayo isaga maqnaado Dalka UK , si aan uga baaqsado inaan caqabad ku
noqdo arooskooda, waayo nolosheeda ayaa horey u bur burtay mana jecleyn
inaan tan saaxiibkey Asad baa bi'iyo, sidaasi, ayaana go'aan ku gaaray.
Intii aan aniga ku maqnaa qorshaha aan ku qaban qaabaniyay safarkeyga
dalka Ingiriiska, ayaa saaxiibkey Asadna, waxa uu ku maqnaa raadinta
arrimaha aniga iyo Istar. si kastaba waxaan ku guuleystay in muddo afar
maalmood gudahood ah aan ku diyaariyo safarka, waxaana xitaa ka qariyay
Asad, waayo waxaan ogaa inay iman doonaan su'aalo badan, uuna sinnaba u
ogolaan lahayn.

Subax ay tahay arbaco, khamiisna aan is lee yahay bal dhoof, ayaa
saaxiibkey Asad hurdada iga toosiyay xilli ay saacadda sii mareyso
sideedii subaxnimo, intaan dhinac isku gediyay ayaan eegay mise waaba
Asad, markaasaan inta soo fariistay ku iri "saaka, adigii hurdada
saaxiibka u ahaa baaba i toosinayee, maxaa jira?", waxba hadal badan iima
gelinee waxa uu warka iigu koobiyay "orod biyo isku soo shub, isna
diyaari", "waa yahay" intaan dhahay, ayaan haf kasoo iri sariirta, qubeys
iyo is diyaarin kadib ayuu igu yiri "ina keen", waxaana uu ii kaxeeyay oo
uu i geeyay gurigooda kadib waxaa na dhex martay sheeko dheer oo u
dhacday sidan:-

Asad: horta Xamzow xalay ka hor waxaan kuu heestay saaxiib wanaagsan,
laakiin waa kaa hoos baxday, maxaad waxaan oo dhan igaga qarisay?
Aniga: Hee saaxiibow, maxaa dhacay?, maxaan kaa qariyay?
Asad; Waxaad iga qarisay noloshaada dhabta ah iyo wacadaraha aad aduunka
kusoo martay

Aniga: oo sidee?, oo hadda miyaadan wax ka ogeyn nolosheeda?

Asad:maxaad igaga qarisay, wixii horey idiin dhex maray adiga iyo Istar
Jaamac Dheere, ama haddaan si kale u iraahdo Istarta aan guursan rabo.

Markii uu su'aashaasi i weydiiyay ayaan aad u naxay, oo aan fadhiga ka


kacaya, anoo oranaya, "adiga maxada sameysay yaaq, yaa ku yiri arrimahan
tix raac, waan ku baryayaa Asad, waxaas waa tageen waqtigooduna wuu
idlaaday ee dib ha u raacin?

Asad: dib ha u raacin maxay tahay, wax walba oo noloshaada ku saabsan


waad iga qarisay, mideeda kale waxaad sameysay ma ahan wax loo dul qaadan
karo, gabadhaas Istar ahna godob ayaad ka gashay, imisa sano ayaad nolol
la'aan dhigtay ma garanee?, waxaan ku moodaya nin nolosha wax ka fahamsan
laakiin, jaahil baad ka tahay dhankaas.

Aniga: laakiin aniga wax walba dareteed ayaan u sameeyay, iyo


caafimaadkeeda?

Asad: taas caafimaad lama dhaho, haduu dhaqtarka sidaa sameeyay, waxaa
kugu filneyd odoo aniga isoo waca, islamarkaana inta is kaashano aan
gabadha dibedda kusuoo daweyno, markaad nolosheeda bur burineysay, middda
kale ma la socotaa indha la'aan ay kugu hesho, ayay ka doorbideysaa,
ayada oo araga kugu weysa.

Aniga: hadda waxaas waa ay dhaceen, anigana sidaa uma fekerin, ee waxaan
ku su'aalay adiga sidee baad kusoo ogaatay arrintan, ma ayadaa
wareysatay, oo waxaan ahay u sheegtay?

Asad: aniga ilaa iyo hadda ayada waxba uma sheegin, markay Xamzahan yaa
waayay iga bad badisay, ayaana ku iri "maxay tahay saameyta uu kugu lee
yahay", way ka dhego adeegtay, laakiin ugu dambeysan wax walba oo
nolosheeda ku saabsan way ii sheegtay, sidaa ayaana ku ogaaday in Xamzaha
gabadha waalay aad adiga tahay.

Aniga: waa ok, hadaadan waxba u sheegin haddana gabadhaas way iska key
ilowday ee waxba ha u sheegin waan ku baryayaaa, taasaan kaa codsanaaa,
si guurkiina uu u dhaco?
Asad: hadaad mooday inay ku ilowday, walaahi baysan xitaaa toban sano
hadda dhiman ku ilaawi doonin, ileen waxaad gabadha uga tagtay,
qalbigeeda dhabta ah ayaadan fahmin, mideeda kale guur baad ka hadleysaa,
gabar Xamza qalbigeeda ku qufalan yahay miyaa nolol i isiin karta aniga?
Aniga: si kastaba gabadhaas noloshaas dib ha u xasuusin, hadda inay iska
key ilowdo ayay ku dhowdahay'e, adna nolol cusub oo farxad badan sii.

Asad:Istar, inaad joogto inay ogaato waa lagama maarmaan, waxaana kuu
sheegayaa, aniga xalay ayaanba nolosheeda iyo arooskeeda go'aan ku gaaray
inaan ka tanaasulo.

Aniga:oo maxaa marka la sameynaa?


Asad;, waxaa la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay
midkeedii horey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan?
Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin.

La soco qeybta 19-aad Berri insha Allaah.


W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"
alaxmed@hotmail.com
________________________________________

Arbaco,14,May,08
Qeybtii 19aad.

Asad: Waxaa la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay


midkeedii horey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan?
Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin.

Marka aan sidaa lahaa, oo aan diidamada muujinayay igama ahayn inaan
Istar nacay oo aan ka samray, si aksta oo aan ku heli karo waan sameyn
lahaa, haddana waxaan mar walba ka fekerayay sida ay noqon doonto nolosha
saaxiibkey, waxaan is tusay in maadama ay nolosheeda horey u guul
darreysatay oo aan ku dhowaa xiligaasi inaan wax walba iska ilaawo, aan
tan saaxiibkey dhiso.

Si kastaba diidmadeyda ma noqon, mid aan ku guuleystay, waayo Asad isagaa


diiday in Istar qof aan aniga ahayn uu guursado, isaga oo eegaya Jaceylka
baaxada weyn oo ay ii heysay iyo sida uu isaga isku samir siin karo,
maadaama uusan wax jaceyl ah u heyn oo ay ahaayeen laba qof oo waalid un
uu isku keenay, waxaana ugu dambeyn uu saaxiibkey Asad i ogoleysiiyay
inaan jaceylkeygii hore dib u hanto, oo aan la aqal galo, sidaas ayaana
isku raacnay.

Aniga iyo Asad, ayaa maalin ballanay si aan ugu tagno Istar, oo wax walba
loogu sheego. maalintii ballanta oo ahayd Jimce, ayaa marti qaad balaaran
waxaa lagu sameeyay guriga Istar.

markii la isku yimid oo saddexdeena aan qol ku kullanay, ayaa cabitaan


kadib waxaa sheekadii furay Asad, oo yiri "Istarey, waxaad igaga warantaa
Xamza, sida uu noloshaada ku ahaa, iyo hadaad hesho wax aad dareemi
lahayd", intay wejiga hoos aadisay, ayay cod daciif ah ku tiri "Asadow,
ma murugadeeda ayaad iska jeceshahay, maxaad qisadaas ii xusuusineysaa",
Asad ayaa isaga oo ka farxinaya yiri dabadeed, "murugadaada ma jecliyee,
maanta farxadaada ayaan wadaa" "hee, Xamza maad soo aragtay" ayay lasoo
booday, markaasuu inta qosol la dhacay yiri "haa waan arkaa Xamza, adna
wada aragtaa", 'maxaad ka wadaa" ayay haddana tiri, markaasuu inta warka
shaaca ka qaaday ku yiri "Istar, Xamzaha ku hor fadhiya, waa Xamzahaaga
oo dib kuugu soo noqday".

intaa kadib ayaan aniga hadalka qaatay bal si aan u iraahdo erayo ay igu
garaneysay, misna codkeyga aan u fahamsiiyo anoo dhahahaya "haye
quruxleyda, Xamza waa aniga, waana kuusoo laabtay".

markii ay intaas maqashay ayay durbaba garatay, inaan ahay qaaligeedii,


kadibna intay fadhiga si deg deg ah uga soo kacday ayay isku key duubtay.

qiyaastii in ka badan 30 daqiiqo, ayay sidaasi iigu duubneyd, ayada oo


ilmeyneysa, waxa kaliya ee afkeeda kasoo baxayayna ay ahaayeen, "Maxaad
igaga fogaatay, xabiibi", anan waxaan lahaa "wax walba way qornaayeen
inaan isku soo laabanana way qorneyd".

Intaa kadib waxaa halkaasi aniga iyo ayada nagu dhex martay sheeko aad u
dheer, oo aan isaga warameynay wixii dhacay, wax walba waan ka raali
geliyay, waxaana saamaxaadeeda gacan ka geysanayay Asad, oo sidoo kale
ugu bishaareeyay Istar in isaga uu ka tanaasualy arooska, oo jaceylkii
kala irdhoobay uu dib isugu ogolaanayo. warkaasi wuxuu noqday mid farxad
ku beeray qalbiga Istar oo ay aad ugu riyaaqday.

Istar ayaa sidoo kale ii sheegtay in arooskii dhaqtarka ee qasabka ahaa


oo cideeda ay wax la wadeen uu ku baaqday, markii isaga uu safar deg deg
ah ugu baxay dalka Jarmalka oo uu degenaa, kadibna aan miriqdiisa la
arag.

waxa ay ahaataba maalinkaasi waxa uu ahaa maalinkii farxadda Istar iyo


aniga. Istar wax ay mar walba igu soo cel celineysay, hal weer oo ahayd
"Gacaliye mar dambe ha iga fogaan", anna waxaan lahaa "taas waa ballan ee
niyadda kheyr u sheeg".

Waxa uu kullankeena ku dhaamday si guul iyo farxad ah, mar ay tahay casir
gaabkii ayaan guriga kasoo baxnay, Aniga iyo Asad, waxaanse aad ula
yaabay oo aan ka naxay, mar alaale markii aan albaabka kasoo baxeynay,
ayaan waxaan la kulanay gaari albaabka markaas soo istaagay, waxaana
kasoo degay saddex nin. si fiican ayaan u eegay, waxaana ka aqoonsaday
dhaqtarkii Istar daweeyay. waxay igu noqotay arrin lama filaan ah, markii
aan gartay ayaan wejige dhinac kale aadiyay si uusan ii aqoonsan, kadibna
sadexdii ninba guriga Istar ayay galeen, ani iyo Asadna waan iska soo
tagnay, waxaan is weydiiyay wax dhaqtarka soo celiyay, marbay igu noqotay
wax u eg dhalanteed, oo aan is iri waa indhahaaga, haddana waan
xaqiijiyay in indhaheyga aysan been ii sheegeynin, aniga oo aad u
fekeraya ayaan aniga iyo Asad iska soo tagnay................
W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"
alaxmed@hotmail.com
________________________________________
Khamiis,15,May,08
Qeybtii 20-aad.
Aniga oo aad u fekeraya ayaan aniga iyo Asad iska soo tagnay. Habeenkii
feker iyo walaahow, ayaan ku seexday, waxa qalbigeyga gubayay, ayaa waxa
ay ahaayeen cabsi ku saabsaneyd in caqabado hor leh ay yimaadeen iyo wax
dhaqtarka baas dib usoo celiyay.
Subaxii markii waagu dilaacay, ayaa waxaa igu soo dheelmaday Istar iyo
Asad oo wada socday, markii qolkeyga loo soo gudbiyay, ayaa Asad hurdada
iga toosiyay, mar alle iyo markii aan dhaayo ka qaadayba, waan gartay in
wax ay jiraan. Naxdin saa'id ah ayaa ka muuqatay Istar, waxaana eraydii
ugu horeeyay ee kasoo burqaday afkeeda ay ahaayeen "Xamza, wax ma ogid
dhaqtarkii ayaa soo laabtay, wuxuuna lee yahay anaa guursanaya gabadha,
hooyana way ka ogolaatay ee maxaa talo ah". hadlkeedaasi runtii falaar
wadnaha igaga dhacday oo kale waa uu iga xanuun badnaa, hase yeeshee anoo
ku tashanaya kalsooni aan horey hooyadeed uga heestay ayaan ku dhahay
"dhib ma lahan, anaa hooyo la hadlaya".
Intaa kadib saddexdeena oo wada socona ayaan guriga Istar usoo
dhaqaaqnay, si aan arrinta u guda galno, waxaan guriga ku arkay rag aad u
tir badan oo wax ay yihiin aanan garan, bals waxba isma raacinee,
howsheeda ayaan ka watay, waxaana la kulmay Istar hooyadeed si aan wax
uga dhaadhiciyo. nasiib darrose, way igu gacan seertay. waxaan xitaa ugu
manad sheegtay jaceylka aan Istar isla soo marnay iyo abaalka aan u
galay, laakiin jawaabta ay isiisay waxa ay noqotay ayada oo i tiri "indha
fiiqista Istar, abaal ka weyn ma jiro taasna dhaqtarka ayaa iska leh, ee
wax kale sheeg". Si kastaba dhinac kasta oo aan ka maray, waan ku guul
darreystay. waxay xitaa kale oo ay igu qalbi dilaacisay in saddex
maalmood kadib uu arooska Istar dhici doono. talo ayaa igu cadaatay meel
aan wax ka bilaabana waan garan waayay, anoo yaaban ayaan habartii kasoo
tagay waxaan is iri bal adiga iyo Istar is wareesta oo ka tashta
mashaqada cusub, haddaan is iri bal banaanka ula bax, waaba tan hooyadeed
oo ku qeylineysa, "haye kaabe, ha isku dayin inaad gabadha la baxsato,
waxa rag ah ee guriga dhooban ayada ayay ilaalo ka yihiin". warkii horeba
war soo dahaaf, waxaan is iri "dhaqtarka baas goormuu waxaan qorshaha soo
diyaariyay", kadib ayaan Istar inta guriga kula dhex hadlay ku iri "kheyr
u sheeg niyadda, waan is heleynaa", "iyana waa yahay adaan kaa war
sugayaa"ayay igu tiri, sidaas ayaana kaga soo tagay.
Maalinkaasi, waxa uu noqday maalin kale oo murugo leh oo nolosheeda soo
maray, ilaa laga gaaray labadii maalin ee xigtay oo dhan waxaan ka
fekereynay aniga iyo saaxiibkey Asad, waxa aan sameyn doono, si aan
caqabdan uga hortagno, hadda xal waan heli weynay, waqtigana ciriiri buu
nagu ahaa oo maalin qura ayaa hartay, aniga iyo Asad oo maalinkii arooska
maalinta ka horeyay gurigeena fadhina oo wada hadleyna, ayaa waxaa noo
timid, gabar aniga i raadinyesa, markii qolkeyga loo soo gudbiyay waxay
ii dhiibtay warqad ay ii sheegtay inay ka timid dhanka Istar, "waad mahad
san tahay" intaan ku niri ayay iska baxday, iniga oo farxad iyo naxdin ay
na isugu kaaya darsan yihiin ayaan warqadii kala furnay si aan u aqrino,
waxayna u dhigneyd sidan:
Dear Xamza.
Waxaan kugu salaamayaa salaaan huwan, dareemada jirkeyga oo idli, salaan
samir siin ah, salaan kalgaceyl, salaan murugo leh, iyo salaan
macsalaameyn ah.
Salaan kadib sidaad la socotidba, aniga waxaa la doonayaa in beri la igu
daro, qof aysan nafsadeeda raali ka ahayn, si la ii dhinac mariyo kaan
dunida ka doortay ee Xamza, islamarkaana nolosheeda murugo loogu
horseedo. ma u maleynayo inaan u adkeysan karo nolol kale oo dhib badan,
kadib waayitaankii aan adiga horey kuu waayay, waxaa cad inaan si naba
looga hortagi karin arrooska lagu wado in beri la qabto, si dhaqtarkan
baas qasab la iigu daro, waa wax aan u dul qaadan karin taas.
Xamzow waxaan u maleynayaa inay isku mid kuu tahay hadaan nin kale u
dhaxo, iyo hadaadba aniga oo dhan muuqeyga weydo. sidaa darteed, maadaama
aadan sinnaba ii heli karin ayaan go'aan ku gaaray inaan isaga tago
dunida, si aan dhibkeeda uga nasto, aana uga baaqsado inaan bur buriyo
wacadkii aan horey u maray oo ahaa inaan u dhixin nin aan adiga ahayn,
adigana cadow baa iga kaa hor istaagay.
Xamzow, mar alaale marka ay warqaddan gabadha iga soo qaado, ayaan go'aan
ku gaaray inaan is dilo, waxaan kuu rajeynaa nolo farxad badan, nolo
macaan, nolol hor mar leh iyo nolol guul ku dhisan, aniga waan is dilay.
waxaan ku lee yahay ifka hibo ku noolow aakhirana halkii roon.
Waxaan kaa codsanayaa hadaad i jeceshahay inaadan noloshaada dhib u
horseedin. Xamzow nolol cuusub abuuro macaane anigana Iska Key Illow.
By: Gacalisadaada dunida ka tagtay ee Istar.
Markii aan warqadda aqrinay ayaan aniga iyo Asad baabuur lasoo cararnay
si aan isugu dayno inaa is dilkeeda ka hor tagno, laakiin nasiib darro
waxaan tagnay gurigii oo lagu buuqsan yahay, geerida ka dhacday darteed.
nolosheedii halkaasi ayay ku bur burtay, oo ilaa iyo haddana ma guursan,
si aan u sharfo jaceylkii Istar, maadama aysan nin kale u dhixin ayaan
anna waxaan didiay inaan gabar kale guursado.

<PIXTEL_MMI_EBOOK_2005>15
</PIXTEL_MMI_EBOOK_2005>

You might also like