You are on page 1of 5

“Eddegayn: Erey Loo Sadburiyey!

Ereyga “Globilization” Tarjumadiisu Ma Ku Saxan Tahay “Eddegayn”?

Hamse A. Khaire

(abdeeq2005@hotmail.com), Hargeisa Somaliland.

Isniin, May 26, 2014

Hordhac:

Tan iyo markii u horaysay ee idaacad afka Soomaliga ku baxdaa ay hawadda soo gashay
afartameeyadii, turjumada ereyadda qalaad waxay ahayd mid ay la legdemaan hawl-wadeenadda
idaacadaha iyo warbaahinta kale ee Soomaalidu. Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga,
tusaale ahaan, ayaa wararka caalamka ee ay baahiso marka hore warka isagoo af-ingiriisi ah ka
hesha xafiiskooda wararka ee dhexe kadibna u bedesha Afka Soomaaliga. Ereyaddaas qaar baa
ah kuwo af-soomaaliga in turjumaad loogaa helaa ay adag tahay oo aan dhaqanka ama
xadaaradda Soomaalida aan ku jirin halka kuwo kalena ayna kuba haboonayn dhaqanka
Soomaaliga. Kuwa hore waxaa ka mid ah “Globalisation” oo aan maqaalkan ku eegi doono sidii
loo turjumay iyo gol-daloolada ka soo if-baxday. Kuwo dambe, ereyadda dhaqanka Soomaaliga
aan ku haboonayn, metelan, waxaa ka mid ereyga “ Saaxiibaddii” oo dhawaan aan ka maqlay
idaacadda BBC-da mar ay ka waramaysay kiiskii ninkii xidiga ahaa Oskar Bistooriyas ee reer
Koonfur Afrika iyo gabadh ay isku cindanaayeen oo la yidhaa Rifaristiin Kaam oo la leeyahay
wuu dilay. Warkaasi wuxuu wariyuhu sidan “…..Waxaa magaaladda Biritooriya dib uga furmay
dhegaysiga kiiskii Oskar Bistooriyas iyo Saaxiibaddii…” . Saaxiibkay oo aan gaadhigiisa
saarnaa kana dhagaysnayay ayaan waydiiyay adeegsiga ereyga Saaxiibadiis iyo ku-
haboonaantiisa in la dhegaystayaasha idaacadaas oo isku-jira dad waawayn, dhalinyar iyo
caruurba? Dood dheer kadib waxaanu isku qancinay in loo baahan yahay in warbaahinta guud
ahaan iyo gaar ahaan idaacadda BBC-da oo Soomaalidu aad u dhagaysto ay xil badan iska
saaraan soo-tebinta ereyadda qalaad oo qaarkood xambaarsan yihiin arrimo gef iyo meel ka dhac
ku ah dhegaystayaashooda.

Maqaalkan waxaan ku iftiimin doonaa mid ka mid ah ereyadda gadaal-soo-baxa ah, waa
“Globalisation” iyo sida ay turjumaadiisu u hantaaqantay balse ilaa iyo hadeertan aanay
dhegaystaayaasha iyo hawl-wadeenadda warbaahintu ka warqabin ama ku baraarugsanayn.
Ereygan “Globalisation” oo lagu tarjumay “Edeggayn” maaha ereyga keliya tarjumaadiisu isku-
keen rogtay balse waxaa jira xayn kale oo ku dhex dhuumalaysanaysa af-soomaaliga loona
baahan yahay in laga daba-tago, lana saxo.
Soo If-bixistii Ereyga “Globalisation” iyo Aragtida ku Ladhan

Ereyga “Globalisation” asalkiisu wuxuu ka soo jeedaa “Globe” oo ah khariiddada dunida sidoo
kale wuxuu ereygu tilmaamayaa qaabka kubadda oo kale ah ee aduunku u samaysan yahay.
Aragti ahaan waxaa “Globalisation/Edeggayn” lagu soo koobi karaa “…is-dhexgalka iyo isku-
socodka shacab, dhaqan, dhaqaale,ganacsi, siyaasaadeed ee manta dunida ku sii xoogaysanaya”.
Si kale haddii loo dhiga fur-furnaanta, lib-dhista xuduudihii siyaasadeed iyo kala-qaloosha
dhaqamadda iyo dadyowga dunidu beryahan dambe qabitimeen ee ay fududaydsay isgaadhsiinta
casriga ah, gaadiidka cireed, baddeed iyo dhuleed iyo warbaahinta casriga ahi.

Inkastoo isdhex-galka iyo isku-furmidda umadaha adduunka ay bilaabantay barri sii horeysey
(xili hore) haddana waxaa xusid mudan in intii u dhaxaysay 1870-1914-kii uu si gaar ah dardar
ugu dhaqaaqay is-dhexqaadka ganacsi iyo dhaqaale ee dunidu. Intii u dhexaysay labaddii dagaal
ee dunida ee koowaad iyo labaad ayuu xoogaa hakad ah ayaa galay isu-socodkii dadka iyo
dalalka. Kadib markii uu dib u soo laba kacleeyay “isu-socodku” wixii ka dambeeyay 1945-kii
iyo ilaa imika oo uu marayo meel sare.

Dadka ka soo hor-jeeda aragtidan isku-furfuranka dunnida oo u badan waddamada dunnida


saddexaad oo qaarada Afrikina ku jirto waxay leeyihiin, aragtidani waxa weeyi gumaysigii reer
galbeedka oo magac cusub iyo waji kale wata. Dhinaca kale kuwo taageersan oo u badan
waddamada reer galbeedka ayaa ku doodaya in hirgelinta isku-dhexgalka dunnidu haddii uu
guulaysto uu horseedi doono barwaaqo iyo korniin dhaqaale oo dunidu guud ahaan ku naalaato
iyadoo gaar ahaana
wadama dunida sadexaad
ka bixi doonaan
saboolnimada iyo dib-u-
socodnimadda daashatay.

Waa maxay “Edeg”?


Si buuxda uma hubo cidda
erreyga “Edegayn” ku
turjuntay “Globalisation”
iyo goorta la turjumay
toona balse waxay dhowr
qof oo looga qaateen ahi ii sheegeen idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaligu dedaal ay ku
turjumaysay hormo ereyo qallaad ah uu ka mid ahaa. Cid kastaa ha turjuntee runta biyo-kama-
dhibcaanka ahi waxa weeyi in hadda ereygaasi aad loo adeegsaday loogana baahiyo warbaahinta
kale duwan.

Si haddaba aan u fahano halka sartu ku qudhunsan tahay aan is xasuusino wuxuu eddegu yahay
siduu ugu dhigmo ama aanu ugu dhigminba ereyga lagu mateeneeyay afka Ingiriisiga – waa
“Globalisation-ka‟e”. Ereyga “Edeg” wuxuu ka soo jeedaa dhaqanka xoolo dhaqatanimadda ee
Soomaalidu leedahay. Xeradda xoolaha lagu xereeyo (fiiri sawirka hoose) ayaa qaab-
dhismeedku wuxuu ka kooban yahay (1) xerada wayn (2) iyo xerro-yar oo ku sii dhex-taala tan
wayn oo la yidhaa “Edeg”. Agabka eddega dhexdiisa laga helo karo ee muhiimka u sii ah waxaa
ka mid ah mareegta iyo qoolalka. Mareegta iyo qoolasha oo ku taxan waxaa qoorta loo galiyaa
maqasha iyagoo ku dhex sugan edeggooda.

Tusaale hadaan u soo qaadano xeradda adhiga oo kale, edegga waxaa lagu xereeyaa maqasha
madaama da‟dooda oo yar awgeed aanay xeradda la wadaagin Karin adhiga intiisa kale. Edeggu
markaa waa dhisme gaar ah oo loo qaabeeyay inuu daboolo baahiyaha u gaarka ah neefku marku
uu yar yahay. Baahiyahaas waxaa ka mid noqon karta in madaama looga sii dhex sameeyo
xeraddu waxay weeyi in lagaga ilaaliyo hirdinta iyo garbinta adhiga waawayn, in la hubiyo in
maqasha lafteedu aanay jiqin, iyo in qabowga, kulka iyo roobkaba laga xafido madaama neefku
wali aanu dhogoraysan isla markaana aanu yeelin xamilka duruufahaa kala duwan. Waxaa xusid
mudan in neefku aanu ku waari doonin ku hoyashada edegga ee ay u soo wareegi doono xeradda
wayn marka uu da‟ tirsado.

Siddee Turjumaadu Isku Seegan Tahay ?

Ujeedadu maqaalku ma ahayn in si qoto dheer aan u sharaxno macnaha labadda erey gaar
ahaantooda balse waxay ahayd inay isku dhigmayaan ama isku turjumanyaan. Haddii aduunku
noqon lahaa xero wayn, laba boqol (200) ku dhawaadka dal ee dunida manta ka jiraa waxay
noqonayaan edegyo mid walba ku dhex jira xeradda wayn. Si kale haddii aan u dhigno, haddii
xeradda xoolaha soomaliddu lahayd hal edeg, aduunku manta waa xero leh laba boqol (200) oo
edeg – aduunku waa xero gee lama adhi leh edegyo badan. Haddii arrinku sidaas yahay
edeggayntu waxay noqonaysaa sii kordhinta tiradda edegyadda amabase sii kale qoqobida
aduunka taas oo si ereyga “Globalisation” aan noqonayn dhigeedda (turjunkeeda) balse ku ah
„liddi‟.

Inkasta oo ay tahay in la bogaadiyo isku-dayga cid kasta oo isku dayday inay af-soomaaliyayso
ereyadda doorka ka qaadanayo fahanka dhacdooyinka iyo aragtiyaha ka jira dunida aan manta ku
nool nahay, hadana waxaa la qawaddi karaa feejignaanta warbaahiyaha iyo dhagaystaha
Soomaaliyeed oo aan ku baraarugin isa-seega iyo iska-soo-horjeedka labadda erey iyo
aragtiyood. Haa labada aragtiyoodna way isku lidi oo ujeedaddu edeggu waxay si toos ah uga
soo horjeeda ta “Globalisation-ka” oo ah isku-furfurida, iyo isku-sii-daynta umadaha,
dhaqamada, ganacsiga,siyaasadda iyo isku-socdka taas oo laga yaabo inay curdan-dhadhiso
dhaqaalayowga iyo dhaqamada dunida sadexaad iyo afrika taas oo dhan ka ah ujeedada edegga
ee ah ilaalinta iyo dhowrista maqasha ama nirgaha oo aan u babac dhigi karin duruufaha
cimilada iyo hirdinta kuwooda koray.

Haddii edegayntu aanay “Globalisation” dhigeeda ahayn, ma ku doodi karnaa inay ku


turjunmayso ereyga kale ee ah “Regionalism” oo lala xidhiidhiyo aragtideenii hore ee
“Globalisation-ka” oo ah in dhowr dal ama edeg oo ood wadaag ah la isku furo iyaddoo wali
lagu dhex jiro xeraddii waynd ee dunida aynu ku misaalnay? Tusaale ahaan wadamada
galbeedka Afrika waxay samaysteen edeg la yidhaa “ECOWAS”, halka dalalka reer yurub
qaarkoodna samaysteen edeg la yidhaa “Midawga Yurub” halka Baraasiil, Raashiya, Hindiya,
Koonfur Afrikana ay samaysteen edeg la yidhaa “BRICS”. Dhamaan edegyadaasi waxaa wali ku
dhex jiraan xeraddii waynayd ee aduunka, afrika amabase yurub kolba intaad xeradaada ka
dhigato ayayna ku xidhan tahay.

Soo-jeedinta Erey Dumaala “Globalisation” Oo Af-Soomaali ah ?


Mid ka mid ah ujeedooyinka qoraalkan ayaa ahayd in akhristayaasha Af-soomaaliga ku hadla
loogu yabooho inay keeneen erey dumaala “globalization” oo erey iyo aragti ahaan la mug ah
macnihiisa. Sidaas oo ay tahay hadana waxaan soo gole joojin dhowr erey oo kale oo ah
murashixiin:
a) Made-beel/Edeg-tir: ereyga asalkiisa waa “made” oo ah xuduuda u dhaxaysa laba
beerood ama booto. Ereygan ceebtiisu waxa weeyi in laba arrimood oo midi tahay in
ay ku eg tahay Soomaalida beeralayda ah halka mug ahaan ay aan laga
dhandhaminayn isku-furanka dhaqan, ganacsi iyo bulsho. Haddii laga tagi waayo, oo
maduhu ku yaraado wali waxaynu adeegsan karnaa ereygii hore oo xoogaa la dhalan-
gadiyey lagana dhigay “Edeg-tir.”
b) Qalo-beel: Ereygu waa “qalo” oo muujinaya is ururinta dhaqan iyo bulsho oo lagu
daray “beel” si macneheedu loogu rogo dhinaca kale. Ereyga qalo, si la mid ah
ereygii hore madda-beel, wuxuu ku dhacayaa dhinaca mugga aragtida isagoo
taabanayaa dhinacyada is-dhexgalka dhaqanka, diimaha iyo isiradda kala duwan balse
aan sinaba u sarayn isku-socodka ganacsi, is-dhexgalka siyaasadeed, iyo arrimihii
kale ee aragtida la bedelayaa xambaarasanayd.

c) Ilo-furka Dunida: Ereygani wuxuu ka soo jeedaa aqal soomaaliga oo leh qayb la
yidhaa ilo-xidh taas u dhiganta jiifka guriga. Marka laga dhigo “ilo-fur” waxay soo
tebinaysaa isku-furka docda iyo ilo-xidhka oo dhigmi kartaa ujeedada “globalization-
ka”.

d) Qoqob-tir: Ereygani waa musharaxa ugu dhow marka loo eego dhamaan ereyadda
kale ee aan soo taxay madaama qoqobku yahay erey si guud u tusinaya qoqobka
dhaqan, qoqobka ganacsi, qoqobka dhaqaale, ka siyaasadeed iyo juquraafi oo meesha
ka baxo.

Afarta erey ee aan kor ku taxay waa soo-jeedin shaqsiya mase aha gunaanad ereygii bedeli lahaa
edeggayn marka la turjumayo „Globalisation‟. Waxaan aad u xiisaynaya, sugina kari la‟ahay erey
ugu haboon oo imika qof Soomaali ah oo meel ku nool, maqaalkanina si uun u gaadhi doono.
Gebo-gabo

Waxaan maqaalkan kusoo af-meeri lahaa in marka aynu dhagaysanayno warbaahinta u


dhagaysano “ si aan u fahano” ee aynaan u dhagaysan si ah “ dhegtaana ka maqal, ta kalen ka sii
daa”- Haddii aan sidaas yeelno taasi waxay keenaysaa inaynu war-fidiyeenadda, qorayaasha iyo
sokeeyaha af-somaaliga u ehelka ah aan ku warcelino taas oo ugu dambaynta hore u socodsiin
karta afka baadi-soocdeena ah. Dhinaca kale, si Soomaalidu ugu fahanto dhacdooyinka dunnida
ka jira si mug leh waxaa loo baahan yahay maaha keliya in la af-soomaaliyeeyo aragtiyaha
gudaha iyo dibadadaba balse waa in si dheeraad ah loogu dhug yeesho isku-dhigmida ereyadda
la isku-bedelo/tarjumo iyo aragtiyaha ay xambaarsan yihiinba labadaba

Casharka laga barto fahankaas saxani waxay ina dhexalsiin doontaa in aynu ka qayb noqono
doodaha aqooneed ee dunida iyo dalka isla markaana meel cad ka istaagno haboonaantooda iyo
waxtarka fariimaha iyo aragtiyaha inooga imanaya qalab warbaahintu ay leeyihiin. Tusaale
ahaan haddii edeggayntu tahay hooy dan u ah daryeelka maqasha, nirgaha iyo waylaha isla
markaana “globalization-ku” lagu tarjumay “edeggayn”, wuxuu qofka Soomaaliga ahi is
waydiin karaa maxay Afrika iyo dunnida saddexaad u diidan yihiin arrin iyaga dantooda ah
(edega) oo ay kaga nabad-geli karaan wadamadii hore iyaga u dhiig-miirtay imikana wali u
hamuun qaba inay wali sii jaqaan khayraadkooda ? Qofkan waxaynu ku saxaynaa in “edegayntu”
aanay la mid ahayn “globalization-ka” balse ay tahay caksigeeda (globalization-ka).

You might also like