You are on page 1of 9

1:Cassava (Manihot esculenta)

Manihot esculenta (badanaa waxa loo yaqaan 'kassava'.

Kasafadu waa isha saddexaad ee ugu weyn ee karboheydrayka cuntada laga helo ee ay
isticmaalaan dadka dagan dhulka ku yaalla kulalayaasha marka laga yimaado bariiska iyo
galleyda.kasafadu waa cunto muhiim u ah wadamada soo koraya, taas oo ah cuntadooda
aasaasiga ah in ka badan nus bilyan dada.Kasafadu Waa mid ka mid ah dalagyada u adkaysta
abaarta, kuwaas oo awood u leh inay ka baxaan carrada nafaqadu ku yar tahey.

Nigeria waa wadanka kasafada ugu badan soo saara, halka Thailand uu yahay kan kasafada
ugu badan dhoofiya.Kasafada la beerto waa laba nooc, kuwaas oo kala ah kasafo macaan iyo
kasaafo qadhaadh.labadan nooc waxay ku kala duwanaan karaan xagga jiridda , midabka iyo
midabka petiole ka caleenta.

Si la mida dhirta kale ee loo beerto in xididkooda la isticmaalo kasafaduna labadeeda nooc ee
kala ah nooca macaan iyo nooca qadhaadhba waxaa ku jirta Isku dhisyo dabiici a, kuwaas oo
carqalad galiya in cuntada jidhku qaato (anti-nutritional) ,iyo walxo suna Waxanay walxaha
suntan ahi ku badan yihiin kasafada noceeda qaadhaadh.

Kasafada qadhaadh ah waxaa ku jira casiir kaas oo ah sun waxyeelayn karta dadka iyo
xoolaha.Dareerahan waxaa(oo loo yaqaan 'hydrocyanic acid') sida awgeed waxa haboon in
kasafada si fiican loo nadiifiyo ka hor intaan loo isticmaalin cunno ahaan

. Karintu waa habka kaliya ee dareerahaa suntan ah eek u jira kasafada looga takhalusi karo

Hadaba si loga fogaado walxaha sunta ah eek u jira kasafada waa in si habboon loo diyaariyaa
ka hor intaan la isticmaalin, hadiise si aan habooneyn loo diyaariyo taasi waxay keenaysaa in
kasafada ay ku hadho suntan loo yaqaan cyanide oo ah maado sun ah oo saamaysa
habdhisyada kala duwan ee jidhka,keentana dhimasho dagdag ah iyo in waax jidhka ka midi
qalasho .

Beeralaydu waxay door bidaan in ay beertaan kasafada nooceeda qadhaadh sababtoo ah


qadhaadhka badan eek u jira awgeed uma soo dhawaadaan cayayaan, xayawaan iyo waliba
dadka tuugada ahi.
Cimilada iyo carrada ay ka baxdo kasaafadu (Climatic and Soil Requirement of Cassava)

Kasafadu waxay ka bixi kartaa meelo cimiladoodu kala duwantahay; sidaa darteed waa geed ka bixi
kara meelo faro badan.Dhanka ciidda markaynu eegnana, kasafadu waxay ka baxdaa ciiddaloo yaqaan
loamy ee aan lahayn biyo fadhiisinka taas oo ay ku badantahay nafaqada ciiddu u baahantahay, roobka
ay heshaana uu yahay mid yar amba dhexdhexaad ah.

Badana dhirta xididka ka dhasha ee loo yaqaan tubers ku kama baxdo ciidaha biyo fadhiisinka leh sidaa
darteed waan in laga fogaado in lagu beero ciidaha noocaas ah sido kale waa in laga taxadira in lagu
beero meelaha dabaylaha xoogani ka dhacaan.

Habka loo beero kasafada(Cultivation of Cassava)

Geedka kasafada Waxaa la beera jiridiisa qaan gaadhka ah taas oo dherarkoodu u dhaxeeyo 20 ilaa
30cm, waxayna noqonkaraan mid si jiif ama gudub ah loo beero(slanting position) iyo midkale oo si
taagni ah am qotan ah loo beero (straight up).

Hadaba habka loo beerayo jiridaha geedka kasafaduna waa in jiriddaha la beerayo saddex meelood
marka loo qaybiyo laba meeloo la aaso meesha soo hadhayna iyada la aasi maayo waana in ay ka soo
muuqataa ciidda korkeeda

Geedaha kasafada ee la beerayo waa in aan la isu dhawayn oo la kala yara fogeeya ,waxana lagu
talinayaa in lakala yara fogeeyo qiyaas dhan 90cm amaba ilaa 1m waa markuu dhulku yahay mid
taagah ama dhul siman , kala fogaanshaha noocani wuxuu keenayaa in uu bato waxsoosaarkii geedka
kasafadu .Dhanka kale hadii la doonayo in 1 hectare oo dhul ah laga beero geedka kasafada waxaa loo
baahanyey in aad haysato ilaa 50 xidhmo oo jirid laga soo jaray geedka kasafada.

Geedka kasafada ah ee la beeray wuxuu ku soo biqli kara muddo u dhaxaysa 7 ilaa 14cisho/
beri.Waxana geedka kasafada ah la goostaa markay ka soo wareegto mudo 1 ilaa 2sanno xiligii
labeeray waxayna badanaa ku xidhantahay xiliga aad goosanayso kasafadu laba shay oo kala ah nooca
kasafada ee aad beerayso iyo waliba ujeedada aad u beeranayso kasafada.

Waxsoosaarka kasaafadda (Yield of Cassava).

Kasaafadu waa mid ka mida dalagyada ugu caansan ee laga soo saaro dunidan aynu ku noolahay.Dalag
gaddin, iyo nafaqooyinka geedku u baahanyahay in la la siiyo waxay suuro galinaysaa in la helo
waxsoosaar wax ku ool ah.

Xanuunada ku dhaca geedka kasafada ( cassava diseases ).

1: Cassava Mosaic:

Xanuunkan oo uu keeno noolaha il ma aragtayga ah oo ka mida fayraska waxaa usoo gudbiya geedka
kasaafada duqsi midabkiisu cadaan yahay kaas oo quuta geedka kasafada ,duqsigani wuxuu ka tirsan
bahda loogu yeedho (Bemisia spp), xanuunka (cassava mosaic) waa mid si dhakhso ah u faafa.
Astaamaha lagu garan karo in xanuunkani hayo geedka kasafada waxaa ka mida in caleemaha cudurka
qabaa ay noqdaan kuwo madoobaada waqti yar ka dibna caleemaha iyo jirida geedku waxay
nnoqonaysaa kuwo baaba’a.Sidoo kale xanuunkani wuxuu yareeyaa hanaanka cuno samaysanka
geedka taas oo keenaysa in waxsoosaarkii geedkuna yaraado.

hadaba xanuunkan waxyabaha lagaga hortagi karo waxaa ka mida in la isticmaalo noocyada geedka
kasafada eexanuunkan u adkaysan kara(cassava resistant varieties ).Sidoo kale waxa lagaga hortagi
kara xanuunka in la isticmaal oo la beero jirid cafimaad qabta oon xanuunku hayn.

Cayayaanka cuna geedka kasafada (cassava insect pests)

1: grass hoppers(jiriqaaga ) 2: white fly

Jiriqaaga gaar ahaan nooc loo yaqaan (Zonocerus variegates) wuxuu awooda in uu dhawacyo hali ah u
gaysto dhirta yaryar kuwaas oo uu cunayo caleemahooda.Waxana lagu xakamayn kara dhibaatada
jiriqaagu u gaysto geedka kasafada iyadoo lagu buufiyo Fenithotrim ama Sevin laba kg halkii hektarba.

Xayawaanka(animals)

Xayawaanka ayaa sidoo kale dhaawac weyn u gaysta geedka kasafada iyagoo qoda ciidda hoose ee ay
ku jirto kasafadu, xayawanadaasna waxaa ka mida dabangaalaha , daanyeerka iyo dofaarada.Sida
looga ilaalinkaro laguna yarayn karo dhibaatada xayawaanku ku hayaan geedka kasafadana waa in
dabin loo dhigo xayawaanadaasi.

2. Geedka yamka Yam (Dioscorea spp.)

Yam waxaa lagu tiriyaa dalagyada aasaasiga ah ee laga isticmaalo Africa, waana dallag la beero jiridiisa
si loo helo geed yam ah, waxaana inta badan laga beertaa dhulalka galbeedka Africa.Ku dhawaad 48.7
milyan oo tan oo yam ah ayaa la soo saaray sanadkii 2005 iyadoo wadamada ka hooseeya saxaruhuna
ay waxsoosaarkoodu ka ahaa boqolkiiba 97 wadarta guude ee waxsoosarka yamka sanadkii 2005.

Inta badan yamka waxaa la isticmaalaa isagoo la kariyey, la dubay, la shiilay ama la daqiijiyey.In yamka
la daqiijiyo ayaana ah nooc la isticmaalo marka la doonayo in yamka la kaydiyo oo aanu xumaan.Yamka
waxaa laga soo saara dhamaan wadamada ku yaal galbeedka Africa, waxaana ugu waxsoosaar badan
labada dal ee kala ah Cote d'lvoire and Cameroon.

Noocyada yamka ee la beerto (Varieties Grown)Waxa jira qiyaasti 6 nooc oo ka mida yamka la beerto
kuwaas oo caan ka ah Africa.

• 1: Yamka cadaanka ay White yam (D. rotundata): Yamka noocani waa ka loogu jecelyahay
uguna tayada fiican ee la cuno, waxuuna leeyahay tubers waawayn,kuwaas oo ku kala duwan
cabbirka iyo qaabka.Midabka oogadooda sare inta badan waa cadaan jilicsan, wuxuuna si fiican
u kaydiyaa biyaha.yamka noocan ahina wuxuu bislaadaa 8 bilood ka dib marka la beero.
2: Yamka midabkiisu huruudda/ jaallaha yahay Yellow yam (D. cayenensis):

Ogada sare ee yamka noocani waxay leedahay midab huruuda, caleemaha yamkanina waa kuwo qarro
leh,oo balbalaadhan qaabdhismeedkooduna uu shabaho wadnaha baniaadamka kuwaas oo ka
qaybsaba jirida yar ee caleenta, waxayna leeyihiin midab madaw oo dhalaalaya oo doogo ah.Yamka
noocan ahina wuxuu ku bislaadaa 12bilood, mana aha mid biyaha gudihiisa ku kaydiya.

3: Yamka biyaha miidhana Water yam (D. alata):

kani waa yamka kaliya ee laga beero Galbeedka Afrika ee leh petioles,wuxuuna leeyahay caleemo
waaweyn oo balbalaadhan,tubers kuna waa kuwo waaweyn oo leh oogo jilicsan oo biyo miidhana ,
waxay noocani leeyihiin hilib huruud amd xabxabi ah.

Noocan waa mid aan kaydsami Karin marka la barbar dhigo yamka cad iyo yamka huruuda.Yamkani
wuxuu ku bislaadaa muddo 10 bilood ah.

4: yamka jayniisku caanka ku yihiin beerashadiisa Chinese yam (D. esculenta):

Yamkani wuxuu leeyahay caleemo balbalaadhan ood wadne moodo,wuxuuna si fiican uga baxaa
meelaha biyuhu ku yaryihiin ee qalalan wuxuuna dhalaa tubers yaryar oo farabadan kuwaas oo
intabadan meelaha taagaga ka baxa, tuberska yamkani waa kuwo leh maqaar midabkiisu huruud
cadaati ah macnaha huurd cadaan xigeena.Jayniis yamku biyaha ma kaydsado, wuxuuna ku bislaadaa
muddo 12 bilood ah.

5: Yamka kor ka dhali kara Aerial yam. (D. bulbifcra):

yamkani wuxuu dhalaaa tubers kuwaas oo ciida dusheeda iyo hoosteedaba ku bixi kara.Tuberskani
waxay leeyihiin maqaaro adag kuwaas oo awood u leh in ay kaydiyaan biyaha muddo dheer.

7: Yamka saddexda caleemood leh Three-leafed yam (D. dummtonm)

Wuxuu leeyahay caleemo isu saarsaaran qaabdhismeed u eeg dhanka saacadu u wareegto, waxayna
leedahay tubers waaweyniyo jidhif adag

Habka loo beero yamka (Cultivation of Yam)

Yamka waxaa lagu beeraa ciid la tuulay taas oo balaceedu u dhaxeeyo 90 ilaa 150cm. Ciida tuulka ah
waxaa laga sameynayaa oogada sare ee ciida, ciidda la tuulay waxay keenaysaa in ciidi noqoto mid
furfuran oo ay si fiican tubersku ugu kori karaan.

Deegamada qaar yamka waxaa lagu beeraa takaariya amaba godad bal-balaadhan, badanaa qayb ka
mida midhaha yamka oo culayskoodu yahay 95 ilaa 185g ayaa la beera si loo helo geed yam ah oo
cusub.Qaar badan oo ka mida beeralayda yamka beerta waxay beeraan 10000 setts halkii hector taas
oo usuuro galinaysa beeralayda in ay helaan waxsoosaar gaadhaya 2 ilaa 2.5ton oo yama halkii
hector.Yamka takaariyaha marka laga dulbeero waa in la kala fogeeyaa ilaa 90-120cm iyadoo la
eegaayo dherarka takaariyaha.
Marka tuulka yamka laga beerayo uu yahay mid wayn waxaa geedaha lakala fogaynkaraa ilaa
1m.Sameynta takariyaha ayaa ka kharash yar tuulista carada,sidoo kale takariyuhu waxay ka hortagaan
caro guurka. Takaariyaha waa in loo dhisaa si jaranjaro ah (contour),waxaan muhiim ah in xaabka
dhirta lagu daadiyo si loo yareeyo in ciiddu kululaato.

Waxsoosaarka yamka (yam Yield)

Wuxuu u dhaxeeyaa xaddiga waxsoosaar ee yamku 5 ilaa 10 ton halkii hector ba wuxuuna badana ku
xidhanyahay nooca yamka ee la beerayo, iyo cabbirka iniinyahay loo isticmaalayo wax beerista.

Markasta oo settska ama iniinyaha la isticmaalayo ay yihiin kuwo waa weyn waxaa badanaya wax
soosaarka.noocyada yamku inta badan waxay soo saaraan hal tuber oo weyn,haday u batana 1-2 tuber
ayuu soo saara geedkiiba.Yamku markuu helo ciid fiican oo nafaqo leh waxaa halkii hector ba ka soo
go’aya 15-25ton.

Kaydinta yamka (yam storage)

Yamka waa in lagu kaydiyaa meel aan qoyaan iyo ciid toona lahayn, oo ka fog faladhaha
cadceeda.Yamka marka la gooyo waxaa la dulsaara qoryo loo sameeyey sidii raar,qoryahaasi la
dulsaarayo tubersku waa in aanay isu dhawaan oo ilaa 30-60cm kala durugsanyihiin.

Yamka waxaa kale oo lagu kaydin kara iyadoo qolofta sare laga dhilo tuberska kadibna cadceeda loo
dhigo. Habkana waa hab la isticmaalo marka la doonayo in mudo dheer la kaydiyo yamka. Waxaa kale
oo loo kaydin kara yamka in la daqiijiyo iyadoo la isticmaalayo mooye ama makiinadaha wax lagu
shiido.

Xanuunada ku dhaca geedka yamka (Yam diseases)

1:Mosaic virus:

Waa cudur uu keeno fayrasku, kaas oo geedka ka dhiga mid cilaana midabka geedkana badala.

Habka lagu kantrooli karo cudurkanina waa 1:in la sameeyo hab dalag gadis oo fiican kaas oo la
dagaalamaya xanuunka.

2:Yam beetle:

Waa cayayaanka ugu weyn ee cuna geedka yamka ,kaas oo dhashiisa yare e loo yaqaan larva ay qodo
tuberska ka dibna dhaawac u geysata.Habka lagu kantarooli karana waxaa ka mida dallag gediska, iyo
in aan la beerin xiliga cayayaankani dhasho ee uu fara badanyahay.

3:Yam shoot beetle

Dhasha cayayaankan yare e loo yaqaan larva ayaa weerarta qaybta sare ee geedka yamka markuu
yaryahay. Habka lagu kantarooli karana waxaa ka mida in gacanta lagaga guro cayayaank beerta.
4: Yam eel warm

Cayayaankani wuxuu weerara tuberka yamka ee ku jira ciida marka yamka la kaydinayo.

Cayayaankan waxyeeladiisu waxaa ka mida wuxuu sababaa in tuberku qudhmo,sidoo kale tuberska uu
weeraro waxay noqdaan bunni wayna jilcaan waxayna noqdaan kuwo aan la isticmaali kari.

Habka lagu kantroolona waxaa ka mida in la gubo meelaha yamka laga beeray meelaha ku hareeraysan
ee dooga iyo haramuha ka baxay, iyo sidoo kale in la sameeyo dalag gadis.

3: Baradhada macaan Sweet Potato (Ipomea batatas)

Baradhoda macaan waxay asal ahaan ka soo jeeda Koonfurta amerika kadibna waxa ay ku faaftay
dhulalka ku teedsan kulaalayaasha, iyo kulaalo xigeenada.

Waa dallag aan aad laga beeran gabi ahaan wadamada galbeedka Africa,Waxaase beerta wadamo ay
ka mid yihii Sierra Leone, Guinea, Uganda, Kenya, Ivory Coast iyo Ghana.Inta badan baradhada macaan
waxaa la cunaa marka la kariyo amba lagu shiilo saliid Sidoo kale waxa loo isticmaala Caleemaheeda
maraq ahaan.Tuberiska, gaar ahaan kuwa midabka huruuda leh waxaa ku badan fiitamiin A iyo
calcium.

Cimilada iyo ciida baradhada macaan u baahantay inay ku baxdo(Climatic and Soil Requirement)

carrada: ciida biyo fadhiisika aan lahayn ee loo yaqaan ciida loamy da kuna badan tahay nafaqada
humasku ayay haboontahay in lagu beero baradhada macaan.waana in ciidaas roobka ku da’aa celcelis
ahaan yahay sanadkii 640-780mm.noocyada baradhada macaan ee Africa laga beero waa dhowr nooc
waxaana ugu muhiimsan kuwan soo socda 1: baradhada macaan ee midabkeedu cadyahay 2:baradhada
macaan ee midabkeedu casyahay.3: baradhada macaan ee midabkeedu huruuda yahay.

Habka loo beero baradhada macaan Sweet potato Cultivation

Baradhada macaan waxaa la beera badana inta lagu gudo jiro xili robaadyada,waxana badana la
beeraa qayb jirida geeda laga soo jaray, sido kale waxa la beerikara tuberka laftiis si loo helo tafiir cusub
oo baradho macaana.Jiridaha la abqaalaya dherarkoodu waa 30cm waxayna leeyihiin sideed burcum oo
ay laamuhu kasoo bixi doonaa.jiridaha la abqaalayo badana waxaa laga beera carro la tuuley oo dhulka
ka saraysa ilaa 60cm lehna godad. Jiridaha la abqaalay waxay kusoo biqlaan inta u dhaxaysa 4 ilaa 14
cisho/beri.
maxsuulka laga helo baradhada macaan( Sweet potato Yields).

Baradhada macaan waxaa halki hector ba laga helaa waxsoosaar udhaxeeya 5-15ton.waxaase jira
noocyo la horumariyey oo baradhada macaana oo laga heli karo halki hector waxsoosar gaadhaya ilaa
25ton.tusaale ahaan wadanka Liberia baradhada macaani waxay ka midtahay dalagyada ugu faaiidada
badan ee laga beerto dalkaasi sida noocyada loo yaqaan variety koobaad ee ku bislaada 100cisho.

Cayayaanka cuna baradhada macaan (Sweet potato insect).

1: caleemo qode leaf miner : kani waa cayayaan halis ah oo baradhada maacaan waxyeleeya, waxaana
si daran geedka u waxyeeleeya dhashiisa yaryar ee loo yaqaa larva. Haddii beerta laga beeray
baradhada macaan uu cayayaankani aad ugu bato, wax geed ah oo baradho macaani ma soo baxayo.

Cayayaankan halisata ah waxaa lagaga hortagi karaa iyadoo geedka lagu buusiyo dawada loo yaqaan
Karate, Aldrex 40 or Diazinon.

2: Daaniya Weevils:

Daaniyuhu inta badan wuxuu qodaa tubers ka laga soo bilaabo xiliga ciida lagurido.tuberska uu
daaniyusu cuno waxay yeeshaan ur xun.habka daniyan lagu kaantarooli karana waxaa ka mida.

Iyadoo geedka lagu shubo daawada quruuruxa ah ee MOCAP xaddi gaadhaya 50g tobankii mitir ee
dhula, ka hor inta aan carro tuulka la sameyn.dawadanina waa daawo loogu talagalay in lagu dilo
nematode ka taas oo ka ilaalinaysa tuber ka baradhada macaan in uu soo weeraro daaniyuhu.

4: baradhada caadiga ah Potato (Solanum tuberosum)

Erayga patato macnihiisa waxaa loola jeeda geedka baradhada laftiisa iyo sidoo kale tuberka baradha

Tariikhda waxey shegeysaa baradhada markii ugu horeysey inta lagu arkey lagana beertay wadamada
Latin amerika gaar ahaan buuraha Andes kadib waxey kufaaftey caalamka oo dhan.waqtigan aynu
joognana wadanka ugu badan oo baradhada soosaro waa dalka shiinah baradhada waxey leedahay
kalaro iyo noocyo kala badalan sidoo kalo waxey leedahay cabir kaladuwan waxa jirta baradho yaryar
,waweyn iyo kuwo dhaxdhaxaad ah.Baradhadu waxay kalinta afraad kaga jirta afarta cunno ee loogu
soosaaris badanyahay caalamka.Caleemaha cagaaran ee baradhada iyo waliba tubers cagaaran ee
baradhada hadii loo dhigo cadceeda waxay noqdaan sun waxyeel gaysan karta.
Carrada iyo cimilada ay u baahantay inay ku baxdo baradhadu Climatic and Soil Requirement

Carrada: baradhada waxaa laga beeri karaa nooc kasta oo ciidaha ka mida marka laga reebo ciida
milixdu ku badantahay iyo ta alkiintu ku badantahay, carrada baradhada laga beerayo waxaa muhiim ah
in PH keedu u dhaxeeyo 5.2-6.4.Meesha baradhada laga beerayo waa in si fiican loo diyaariyaa oo laga
dhameeyaa haramaha iwm.

Abuurida baradhada Planting

Wadamada geeska afrika baradhada waxaa la aburaa xiliga roobka, xiligaas uu kubeegan
bilaha juun ilaa oktobar

Baradhadu ma laha siid laga beero,waxaana siidh ahaan loo istcmaala baradhada lafteed , kadib
waxaa la beera baradhada oo isku dhan ama iyada oo la qeyb qeybiyey kadib carrada ayaa hoos
loo galiyaa 5ilaa 10cm.

Baradhada la beerayo waa in ay ahaato mid nadiifa oo caafimaad qabta si loogu guuleysto in la
helo geed baradho ah oo cafimaad qaba. Tuberska siidh ahaan loo isticmaalayo waa in aanay
bukin.Badana ku dhawaan ilaa 2ton oo siidhka baradhada ahayaa laga beeraa halkii hector.

Beero robaadyada iyo meelaha qalalan in laga beero dhul fidsan ayaa fiican oo u faaiido badan,
halka beer biyoodyada inta badan laga beero takaariyayaasha dushooda.Geedka baradhadu
badana wuxuu ku bislaada 60-90 maalmood, badanaa mudaada goosashadu waxay ku
xidhantahay nooca baradhada

Baradhada badanaa waxaa la goosta marka caleemaha geedku huruud noqdaan taas oo
sheegaysan in geedku qaan gaadhay, hadaba baradhada marka geedka la jaro midhaha iyaga
ciida ayaa lagu daayaa si diirkoodu u adkaado taas oo inaga caawinaysa in marka la kaydiyo ay u
adkaystaan xanuunadii ku dhalan lahaa marka la keydiyo,iyo in ay isku soo uruurto baradhadu.

Baradhada waa in aan lagu dayn mudo dheer carrada waayo taasi waxay keenaysaa in uu ku
dhacay xanuunka fungalku sababo ee loo yaqaan black scurf fungal, badana baradhada marka la
goosanayo waxaa la isticmaala majarafad waxaase lagu talinayaa in la taxadiro oo aan lagu
dhaawicin majarafada tuberska si looga fogaado in dhawacyadaas marka la kaydiyo ay cuduradu
ka galaan.

KEYDINTA BARADHADA (patato storage)

Baradhada waxaa fiican in lagu kaydiyo meel qabow oo hawo fiican leh,oo ka fog iftiinka qoraxda

Cudurada iyo cayayaanka ku dhasha baradhada Potatoes Pest and diseases

Cuduradda baradhada : 1-light blight 2: black scurf

Habka kantaroolka 1:dalag geddis. 2: beerida noocyada u adkaysankara xanuunada

3: beerida siid baradho oo caafimaad qaba 4:ka war haynta xaladaha geedka baradhada ah.
Cayayaanka baradhada cuna : 1: beetles

Habka lagu kantaroolo

• 1:in geedka laga war hayo xaladihiisa si joogto ah.

• 2:in la baabiiyo bitalka ugxantiisa iyo dhashiisa yaryar ee larva .

• 3:in la nadiifiyo beert .

• 4:deleg geddis

• 5: use of resistant potato varieties

5: Geedka kaarooga Carrot (Daucus carota)

Kaaroogu waa nooc ka mida khudaarta xididka ah ee cagaaran badanaana waxay leedahay midab liimi
ah , midabo kalana waa yeelan kartaa sida cadaan, huruud, casaan,madaw iyo xabxabi,kuwaas oo
dhamaantood ah noocyo kaarooga ka mida oo la beerto.Kaarooyadani waa nooca la beerto kuwaas oo
ka soo jeeda asal ahaan yurub iyo koonfurta aasiya.

Geedka kaarooga waxaa kale oo laga yaaba in laga beero wadanka iiran loona beerto si loo isticmaalo
caleentisa iyo iniinyihiisa.qeybta se ugu caansan ee badana la cunaa waa qeybta xididka ahee loo
yaqaan. Taproot ka sidoo kale waxaa marmarka qaar la cunaa qeybaha cagaaran ee geedka.

Carrada iyo ciida uu u baahanyahay karoogu Climatic and Soil Requirement of Carrot

Kulka: kulka uu u baahanyahay geedka kaaroogu si uu ubaxo baxo wuxuu udhaxeeya 60-70 darajada
faranhaytka.kulka ka hooseeya 15digrii oo selsiyas ah waxuu geedka ku keenaya in aanay korin
caleemihiisu.halka kulka ka sareeya 80 darajo oo faranhayt ihi uu keenayo in aanu geedka karoogu
bixin.Ciidaha kala as niista, ciidda loamy da ee niistu ku jirto ayaa ah kuwa ugu fiican ee karoogu si fiican
uga baxo.karoogu wuxuu u baahanyahay biyo ku filan mana aha in biyo faraban iyo kuwo aan ku filayn
la siiyo.karoogu waxa uu si fiican ugu baxaa ciidaha ph koodu u dhaxeeyo 6.5-7.5

You might also like