You are on page 1of 2

This Photo by Unknown Author is licensed under CC BY-SA

MAAN-DAAR
Madasha dhiirrigeliyeyaasha da’yarta

10 Talaabo aad sare ugu


qaadi karto, kuna xoojin
karto iimaanka
25jan2019 volume 15.

. 1. Tawbada: Bini’aadanka waxaa ka dhaca dambiyo


& qaladaad sababtoo ah ma nihn kuwa dhameystiran.
Haddaba waa in aad mar kasta Alle dambi dhaaf
weydiisataa, si dhab ahna ugu toobad keentaa. Kana
fogaataa in aad dambi sameyso.

2. Salaada: Tuko Shanta salaadood si joogta ah.


Ilaali waqtiga Salaadaha. Baro Axkaamta Salaada.

3. Quraanka: Aqri Quraanka, Baro macnihiisa, fahan


Xikmadaha Alle SWT uu inoogu sheegayo, fuli wax
kasta oo Alle ina farayo ee Quraanka ku xusan. Hubi
in 24 saac aysan ku dhaafin adigoon Kutubka kala
furin oo Quraanka aqrin

4. Xuska Alle: Bar carabkaaga Dikriga Alle, kuna


celceli mar kasta kelmadahan; Subxaan Allaah,
Alxamdulilaah, Allaahu Akbar, Laa ilaaha Illa Allaah,
Laa Xawla walaa Quwata ilaa Billaah-hil Caliyil
Cadiim

5. Alle oo la talo saarto: Eebe waa naxariis badane,


sidaa darteed waa in aad talo saarataa mar kasta,
naxariistiisa aadan ka quusan. Mar kastana aad
Kheyr ka rejayso
6. Ducada: Alle SWT oo aad barido waa mid ka mid ah
siyaabaha loo xoojiyo Iimaanka. Alle waa ka jawaabaa duco
kasta oo adoonkiisa ka timaada

7. Cilmiga Diinta oo la barto: Guud ahaan Cilmigu waa


nuur, waa fure. Diinta Islaamka oo aad barataa, Quraanka
kariimka, Siirada Nabiga iyo Kutubta kale waxay qofka ka
saarayaan Jahliga, waxay xoojinayaan qalbigiisa, waxayna
ku hogaminayaan in uu kala fahmo xaqa iyo baadilka, iyo in
aan la qaldi karin, wadada Allena laga leexin Karin

8. Soonka Sunada ah: Fadli badan ayaa ku sugan soonka


sunada ah, qofki awooda in uu soomo Maalmaha Isniinta
iyo Khamiista wuxuu ka helayaa faa’iidooyin badan.
Rasuulka SCW waxa la waydiiyey Soonka Maalinta Isniinta
wuxuu yidhi: waa Maalintii aan dhashay, waxyigana la igu
soo dejiyey” “Nebigu SCW wuxuu ahaa mid sooma Isniinta
& Khamiista.

9. Xusuusta Dhimashada iyo Aakhirada: Hadii qofku


xusuusan yahay dhimashada iyo Aakhirada wuxuu
ogaanayaa macnaha dhabta ah ee Aduunkan loo joogo,
wuxuuna ku dedaalayaa raali ahaanshaha Alle iyo in uu u
shaqeysto Daarta dambe ee lagu waarayo

10. Camal Wanaagsan: Ku dedaal in aad joogtayso


sameynta camalo iyo ficilo wanaagsan, ilaa ay dabeecad
kuu noqoto. Hal camal oo wanaagsan wuxuu kugu
hogaamiyaa mid kale oo wanaagsan\

Qore: Faarax cawaash

NOQO SAAXIIB JOOGTA AH EE BARNAAMIJKA MAANDAAR,


LAHADAL OO DHAGAYSO HADALKA BULSHADA!
“DAQIIQADDA OGAALKA”

0907153632/907057008 maandaar01@gmail.com

You might also like