You are on page 1of 2

This Photo by Unknown Author is licensed under CC BY-SA

MAAN-DAAR
Madasha dhiirrigeliyeyaasha da’yarta

Haddii Aad Isku Aragto


Calaamadahaan Borotiinka
Ayaa Jidhkaaga Ku Yar
25jan2019 volume 15.
Dadka badankoodu waxa ay ogyihiin in barootiintu ay
faa’iido badan u leedahay caafimaadka, laakiin dad
badan ayaa aan aad u fahamsanayn sababta
faa’iidadaasi. Barootiintu waa curiye muhiim u ah
dhismaha unugyada jidhka, waana dhagaxa
aasaaska u ah dhismaha timaha, maqaarka,
ciddiyaha, muruqyada iyo carjawaha.

Jidhku waxa uu u baahan yahay barootiin si uu u soo


saaro dheecaannada iyo hormoonnada, iyo sida oo
kale unugyada dareenwadeyaasha. Barootiinta oo
jidhka ku yaraataa waxa ay qofka ku keentaa
dhibaatooyin waaweyn oo dhinaca caafimaadka ah,
waxa aana ka mid ah:

Muruqyada oo dabca

Haddii aanu jidhku helin barootiin ku filan, waxaa


dabca muruqyada. Haddii qofku isaga oo aan barootiin
ku filan helin, jimicsi sameeyana waxaa dhacda in
jidhku uu dib u adeegsado muruqyada si uu uga dhigto
shidaal (Barootiin) taasina waxa ay dishaa ama
meesha ka saartaa awooddii muruqyada oo dabcan
jidhka lagama maarmaan u ah

Milix ama macaan

Barootiintu waxa uu dib dhigaa soo saarista macaanka


dhiigga raacaya, sidaa awgeed waxa ay barootiintu
caawisaa in in sonkorta dhiiggu ay isu dheellitirnaato.
In la raaco nidaam cunto qaadasho oo barootiintu aad
ugu yartahay, waxa ay sababtaa in dhaqso uu jidhku
sonkor badan ugu sii daayo marinnada dhiigga,
Taasina waxa ay dad badan ku keentaa in ay jeclaystaan
cunista badan ee cuntada milixda ama macaanku ku badan
yahay

Timaha oo khafiif noqda

Haddii aad aragto timahaaga oo aad u khafiif noqday,


ciddiyaha oo daciif noqday, ama maqaarka oo ingag badan
yeeshay, waxa aad ogaataa in sababtu ay u dhowdahay in
jidhku uu tabayo barootiin. Waxa ay khubarada
caafimaadka maqaarku caddeeyeen in jidhka oo ay
barootiintu ku yaraataa ay keento in uu awoodi kari waayo
in uu dib u cusboonaysiiyo unugyadiisa, si ay shaqadoodu
si habsami ah ugu qabsadaan.

Habdhiska difaaca oo taagdarreeya

Sababaha keena xanuunka daciifiya habdhiska difaaca,


waxaa ka mid ah barootiinta oo jidhka ku yaraata.
Dhammaan ugunyada difaaca ee jidhku waxa ay ka
samaysan yihiin barootiin. Haddii uu jidhku waayo
barootiin ku filanna, waxaa Meesha ka baxaysa awooddii
ay unugyadani u lahaayeen in ay dib isu wanaajiyaan ama
in ay tarmaan.

Hurdo yaraan

Haddii aad isku aragto hurdo yaraan, inta badan sababtu


waxa ay la xidhiidhaa cuntada aad cunto iyo noocyadeeda
nafaqo, waxa aanay u badan tahay in dhibtu ay tahay
barootiinta oo jidhku uu in ku filan ka waayey. Barootiinta
oo jidhka ku yaraataa waxa kale oo ay keentaa Khalkhal ku
yimaadda isu dheellitirnaanta hormoonnada, arrintaas
ayaana ugu dambaynta keenta in tayada hurdadu ay lunto
ama in qofku hurdo uu ka dhergo seexan waayo.

Haddii uu jidhku barootiin ku filan waayo, waxaa Meesha


ka baxaya awooddii uu jidhku u lahaa in uu dib u dhiso
hadba nudaha la dhinta ama dhaawac ka soo gaadho hab
nololeedka adduun ee daalka iyo dhibta badan. Arrintani
waxa ay dad badan ku keentaa in xaaladdooda nafsiga ahi
ay fiicnaan weydo iyo in ay diiqad badan dareemaan.

. NOQO SAAXIIB JOOGTA AH EE BARNAAMIJKA MAANDAAR,


LAHADAL OO DHAGAYSO HADALKA BULSHADA!
“DAQIIQADDA OGAALKA”

0907153632/907057008 maandaar01@gmail.com

You might also like