You are on page 1of 101

Dhaqan-kaab

Qalinkii, Casayr Aadan Salleebaan (casayr.land) Page: 1

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Faallo
Buugan oo lagu magacaabo dhaqan-kaab aad buu u yahay
mid loo baahan yahay oo murti iyo suugaan dhaxal siineysa
dadka af soomaaliga ku hadla siiba dadka soomaaliyeed ee
fara badan ee dalalka qalaad u soo baxaya markii
dhibaatada weyni kaga timi dawlad isku sheegii hororka
ahayd ee dalka soomaaliyeed ka talinaysay .

Waa buug hubaal ay u baahan yihiin caruurta soomaaliyeed


ee ku dhalatay ama ku dhalanaysa dalalka qalaad ,

Maah maah yaqaan waa af soomaali yaqaan , af soomaaligu


waa lagama maar maan in la fidiyo oo laqoro buugaag sida
kan oo kale ah si aanu u baabi,in afka hooyo marka lagu
hadlo ee la akhristo maah maahaha ama sheekooyinka
afkaas way adag tahay sida loo ilaawaa .

Afka soomaaliyeed yaan laga tegin oo ha laxoojiyo si aanu u


baabi,in

Ragii murtida iyo gabayada can ka ku ahaana raad koodii


aan raacno.

Xusuusnow afkaaga hooyo

Qalinkii , Casayr Aadan Salleebaan(casayr.land) Page: 2

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Mahad-celin
Marka hore allaa mahad leh ii saamaxay wakhtiga aan ku
qoray buuga Markii maah maahaha buugan ku qoran aan
qorayey dhalinyarada asxaabtayda ah iyo dadka waa weyn
ee wax ka yaqaan murtida afka soomaaliga ee had iyo jeer
fadhiista maqaaxiyaha lagu cabo shaaha laguna sheekaysto
ayaan waydiin jiray lana sheekaysan jiray si ay bal iigu
sheegaan ,

Maah ,maahyada ay xasuusan yihiin markaas ayaan waxay


xasuusan yihiin ee ay ii sheegaan ka qoraa waraaq oo aan
aruuriyaa , si aan uga sameeyo buug maah maaheed dadku
ka faaiidaystaan .

Dadkaas hawshaa igala qayb qaatay waan u mahad


celinayaa waxaa kaloo aan u mahad celinayaa asxaabtayda
qaar kamida oo ila garab taagnaa iguna dhiirigelin jiray

Inaan qoro buuugan kana sameeyo buug maah maaheed


qaaliya asxaabtayda qaaliga ah iyana waan u mahad
celinayaa waxaa kaloo iyana mahad mudan dadkii waa
weynaa ee aadka iyana iga caawiyey xaga soo aruurinta
maah maahyada iguna dhiirigeliyey inaan buugan meel ka
soo saaro

Qalinkii , Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page:3


Prepared by, Casayr Aadan Salleebaan Page:3
Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed
Dhaqan-kaab

B
Baadi nin aan lahayn ayey ag joogtaa
Barasho horteed hay nicin
Bartii yaqaan bari uma korodho
Baruuri kula tol ma aha
Baruur qudhuntay ayaa baruuro badan qudhmisa
Baryo badan iyo bukaan badanba waa la isku nacaa
Badhaadho aan bahdaa kula qabin waa bar kuma
taal

Baqal fardo lamiratay inay lamid tahay ismoodaa


Bakaylow adigaabu yuururku kuu xun yahay
Bakayle bur in tuu ku jiro ayuu bur kale sii day
daydaa
Balaayo ma fiicna waayo-aragnimana ma xuma
Balaayo intay kaa maqan tahay khayr kaa ayey ku
maqan tahay
Balaayo waxay u daran tahay reer aad mijihiisa
tahay marka ay madax kaaga dhigto
Balaayo waliba u barasho leh
Balaayo looma baaqdo
Balaayo daaman la qabto ayey leedahay ee dabo la
qabto ma leh
Balaayo kac guur ama kac guursey ku tidhaahdaa
Balan daro waa diin daro

Prepared by, Casayr Aadan Salleebaan Page:4


Qalinkii , Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land) Page:4

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

T
Taasi waa kud ka guur oo qanjo u guur
Tasi waa bakhtiga ma cuno ee fuudkiisa ayaan cabaa
Talada adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola
Taladii xumata iyo gudniin kii xumaadaba dib ayaa
loogu noqdaa
Talo dumar taag darro ayey u dhacdaa
Talo colaadeed nin qudha ayaa loo dhiibaa
Talo qabeen waa maal qabeen
Talo isuma kaa sheegto
Timir laf baa ku jirta
Tolkaa taagtaa looguma taliyo
Tol shir waayey shaasho kama baxo
Tol waxaa bartay nin u taliyey iyo nin tuugey
Tolkaa eexo laguma dilo
Togba taagtii ayuu rogmadaa
Tuujo nin leh ayuun baa maali kara
Tusmo waa lakala leeyahay

Qalinkii , Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land) Page:5


Prepared by, Casayr Aadan Salleebaan Page:5

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

J---------X
\Jilaal waxaan ku cuninba waa la cunaa
Jil , jilayc looma dhinto ad-adeegna laguma waaro
Xaajo madax la qabto ayey leedahay ee mijo la qabto
malaha
Xaajo waa kugu soo boodo iyo kugu bareday!
Xaajo nin aan ogeyn indhaha ayuu ka ridaa
Xabali xigto kama tagto
Xabaal iyo ninkeed loo kala teg
Xabaalba nin leh ayaa qardhaba
Xadhko geel ma wada xidhaan
Xalaal cun, xoolihiisu ma booholiyoobaan
Xalaal iftin baa la cunaa
Xeer la,aan waa la xooloobaa
Xidid istus una kala tag
Xil lama qaado oo xero shisheeye lama geeyo
Xil nin qaaday eed qaad
Xiniin yahaagu ma aha kuwa kugu jira ee waa ku
lagula barbar taagan yahay
Xog mooge xaajo waa boolliyaa
Xoolahaagu amba xeredaada ha kuugu jiraan amba
xeer
Xumaani xumaan ma dhaqdo

Qalinkii , Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land) Page:6

Prepared by , Casayr Aadan Salleebaan Page:6


Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed
Dhaqan-kaab

D
Daayeer dabadiisa cas ma arko ee ka kale tiisuu
arkaa
Dabeecadu diinta waa ka badh
Dad iyo dameero nin leh ayey u daaqayaan
Dar daaran waa inta la xay yahay
Dawaco meeshay macal idaad ku baratay macaluul
ugu bakhtidaa
Dal aqoon la,an waa lagu lumaa dad aqoon la,aana
waa lagu qadaa
Dal nin yaqaan ayaa leh
Dameeraley dad la toy maaha
Dameerka yar mana nasto hooyadiina ma nasiyo
Dameero wada af cad
Dameero isku halayn bay hooyadeed dabada uga
nuugtaa
Dameer kir hadii layidhaahdo kuwa kale ayaa
dhegaha wada taaga
Daymo daayeer iyo daymo caruureed midna lagama
dhergo
Dayaxa hadii la waayo xidigaha ayaa lagu socdaa
Doqon ha una gar-gaarin hana gar-gaarsan
Doqoni sokeeye ma aha
Doqoni hadal kama dadna

Qalinkii
Qalinkii , Casayr
, Casayr Aadan
Aadan Salleebaancasayr.land
Salleebaan( Page:7 ) Page: 7

Prepared
Habka &by,hanaanka
Casayr hidaha
Aadan&Salleebaan Page:7
dhaqanka soomaaliyeed
Dhaqan-kaab

S
Sareedo way badnayde waxaa ka badatay nolol
Sagaaro laba tun oo la kala qalo ma leh
Sagaaro xaar la arkaayo ayey aas aastaa
Sagaaro inteeda waa ku duq
Salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa
Saca geesaha weyni lo,da ma hadhiyo isna ma hadh
sado
Saca weysha hana ka qalin hawna dhigin
Sir ma qabe allaa u sahan ah
Si roonba rabaa og
Socodka waa hore sahaydaaduna waa dib
Soo joogso qof laga waayey soo jiifsaa laga helaa
Soomaalidu been way sheegtaa been se ma maah
maahdo

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 8

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

SH
Shabeel caar caar lagama waayoo
Shan nin oo marti soor leh shansho ayaa ka baxda
shan nin oo marti soor lahayna shansho ayaa ka
baxda
Shinbiri maalin ayey dab qaaday maalintiina min alla
ayey gubtay
Shir looma wada uunsiyo
Shifo hore ayaa duco looga quustay
Shinbiri laba geed kama wada bardeesan karto
Shinbir ba shinbirkiisa ayuu la duulaa
Shilal qiiq lagama waayo
Shisheeye sheeda duxa malaha
Shinbir duul duul badani af libaax bay gashaa

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 9


Prepared by :Casayr Aadan Salleebaan Page: 10
Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed
Dhaqan-kaab

DH
Dhaxal nin leh lagama dhawro
Dhallaanimo waa ciil laga waynaaday
Dhallaan ka dhabtaada ogol ayaa dhabarka lagu
sitaa
Dhallaan waxaa raadsha nimaan dhalin u se dhaw
Dhallaan lama doorsho
Dhagax meel dhaw ayuu ku dhacaa warna meel
dheer
Dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa
Dhaliili waa nin kii leh
Oodo Dhacameed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo
kala guraa
Dhegta iyo isha dhegtaa da, weyn
Dhegta haddii la jaro daloolka ayaa hadha
Dhicisku inta birta loo soo sido ayuu bakhtiyaa
Dhubuq dhubuq hore dhabana hays dambey
leedahay
Dhuumasho dhabarku muuqdaa dhuumasho ma aha
Dhulaw weynidaa! Ma weyniye nin dhagar qaba
ayaan qarin waayey

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 10

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

C
Caano waan jeclaa ee markay dameero galeen ayaan
nacay
Caato waa la la gam,aa
Caado la jaraa cadho alley leedahay
Cadceed soo baxday calaacali ma qariso
Carruuri hadii aad kuftid way kugu qoslaan! Haday
kufaana way ooyaan !
Carruuri mulaca ciyaar bay ku dishaa isna waa ku
qudh gooyo!
carab cunsur waa laga dhawraa
Carabka iyo labadiisa daanba way is qaniinaan
Carmal iyo cir jiilaalba cashbooriga ayey kugu
dilaan
Cantuugo weyn laguma dhergo ee cindi alle ayaa
lagu dhergaa
Calooshu intay madhnaan lahayd ha mudnaato!
Calooshu intay buki lahayd cagtu ha bukto!
Calool cir weyni way dheregtaa ee indho cir weyn
baan dhergin
ceebi nin leh ayey raacdaa
colkaa badan iyo biyo kaa badaniba way ku hafiyaan
colka wadhaf ma lagu deyeey
col iyo dhaanba halka laga eerayo ayay ka
yimaadaan
ceel biyo lihi ma foga
ceel na uma qodna ceelalyana uma maqna

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 11

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

g
Gaashaan qaad ma habaabo

Gadhba gadhba la tusaa

Geeri laba nin kama wada qosliso

Gar dabadeed guu,guu baan nacay

Gar nin gashay ma tacadiyin

Gacani waa ninkeed u go,do

Gacan gadaal ka baqaysaa hore wax uma goyso

Gacan waa la dhawraa lugna waa la dhiibshaa

Gacmo wada jirbay wax ku gooyaan

Geed walba in gubta ayaa hoostaal

Geed waa damal in ta hoos joogtaana waa


markhaati

Geeri hadii ay ku dayn lahayd gabow baan ku


daynayn

Gees goodir kulayl kaa lagu gooyaa

Geel laba jir soo wada mar

Geel jire geela waa wada jiraa waana kala jiraa

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 12

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Geel jire ninka ugu taagta daran ayuu taageertaa

Geel jire geedi kama naxo

Geel wuu is geedo baraa

Geel caruuri qaaday ma foga

Geel geel waydaartay geedo la,aan dheh

Geel ninkii lahaa qaadayo lama dhicin karo

Geellu kayntu libaax maro kaadsiinyo uma maree


kadluu ku maraa

Geed ayaa yidhi gudin yahay imaad goyseen e


badhkay ayaa kugu jira

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 13

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

F
Fadhi iyo fuud yicibeed laysla waa
Fariini waa qaan
Fari togdheer ayey kula xushaa
Far qudhi fool ma dhaqdo
Faro aan dufan lahayni wax ma duugaan
Fardo laysku hayo maxaa laysugu faani
Faraska cidhibta waxaa loogu dhuftaa ha ka sii
badiyo
Faras xagiisa dambe nin ka degay wax u dhaama
ayuu waayey
Faras aanad lahayn fuulistiisa futo qar qar ayaa laga
qaadaa
Falaadhi gilgilasho kaagama go,do
Falaadh cirka loo ganay nin walbaw filo
Fiintu jirka haya kama ooydee ka soo socday ka
ooydaa
Ficil habartaana waa kuu geeyaa
Fule xantii ma mooga
Fule ula badanaa
Fule isagaaba geesi ah ilayn cidla ayaabu u cararaa
e
Fulo hooyadii ma goblanto
Fulow guuli kuu dhaw
Fuulmo waa fara ku hayn

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 14

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

L
Lab la gacay lugana kuma taagni
Laba biyo hoostood isku haraatiyey iyagaa is og
Laba qaawani isma qaadaan
Laba qaydhinka ku qayb saday bisaylka iskuma
cawrido
Lalbe waa digniin
Layligu biyaha uurkiisa ku jira ayuu ka didaa
Leebka cirka loo ganay nin walwba filo
Liibaani waa galab si
Libaaxa ka ciya iyo ka aamusa ka aamusa ayaa
khatarsan
Libaax nn aan i aqoon ayaa lax ka rita
Libaax laba raqood lagama wada kiciyo
Lixdan jir hadii la legdo waa isaga iyo taagtii hadii
la khiyaameeyana waa isaga iyo ishii
Lixdan jir halkiisa lagama seexdo cadkisana lagama
cuno
Lilaahay laguma lumo
Luquni madax ma dhaafto
Lule waa ciidan

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 15

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

M
Ma dhinte waa alle
Matag iyo fooli midna meel kuguma sinto
Ma qabtaa raqiis weeye ma haysaa qaali weeye
Madax aanad lahayn maankiisa la isma saaro
Madax meel ka sareysaa oo la taabtaa ma jirto
Marti loo qaday in lala qabo ayey moodaa
Maroodigu takarta saran ma arkee ka kale ta saran
ayuu arkaa
Mayd maxaa u danbeyey iyo kaa la sii sido
Magan tolkaa kula bariin iyo marti afadaadu kula
soorin midna looma tag helo
Meel doonaysa hoo hadal waxba kama taro
Meel aan doonaayey roob igu eri
Midhaha dareyga duuduub ayaa lagu liqaa
Midho guntigaaga ku jira kuwo geed saran looma
daadiyo
Mindi saawira iyo madax ku agjooga midna lagama
quusto
Makulaal minan keedii fadhidaa miciyo libaax bay
leedahay
Ma- madaw badane allaa ku yaqaan

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 16

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

N
Naaska walalkaa qabto kolba waa sidaad ka dhigtaa
Naagi nin kay lagado kama kacdo
Naago hoosiisbay hadh moodaan
Naago ba,ooda ayey ka sheekeeyaan ragna badhaa
dhihii
Naago waxaa u liidata cirteed bogatiyo casar seexato
Nin aad dhashay kuma dhalin
nin aan dhul marin dhaayo ma leh
nin daad qaaday xunbo cuskay
nin aan kuu tudhayn ha ka talo qaadan
nin kuu digey kuma dilin
nin aan kuu furayn yaanu kuu rarin
nin aan qooq dilin maroodi ma dilo
nin aan hadlin habartiina wax ma siiso
nin ani yidhi dad iska reeb
nin bukaa boqol u tali
nin xoolo dhaqay waraabana u dhaq
nin gu, kaa weyni gu, baas kaa weyn
nin qoyani biyo iskama dhawro
ninkii seexdaa sacii dibi dhalay
nin tuur leh tab uu u seexdo isagaa yaqaan
nin la tumay ayey talo gaadhay
nin meeli u cadahay meeli ka madaw
nin waalan tolkii ayaa u miyir qaba
nin hunguri qaaday waa nin seefi kaa qaaday

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 17

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

H
Haani gun bay ka tolantaa
Habar dhali wayday aleelo ku waalatay
Habar fadhida legdini wax uga fudud
Habartii awrka cirka aragtay ee dameerkeedii jarka
ka tuurtay ha noqon
Habartii kimista dubaysay ee tii u dambeysey ka
kacday ha noqon
Hameenkii habar habar maalintiina oday oday
Hadaad dhimanayso dhareerka waa la iska duwaa
Hadii aad timaado meel il qudha la leeyahay adna
mid iska rid
Hadal haamo lagama buuxsho
Hasha kudna waa dilay waxna waa u weheliyaa
Harag sagaaro iiga kac mooyee iiga durug ma laha
Hal aad naaskeeda hayso kuruskeeda lama laaco
Hal libaax arkaysaa ma godlato
Hamadaadu haday kuu been sheegto taagtaada ayaa
kuu run sheegta
Hubsiino halbaa la siistaa
Hunguri wax ka wayn la mariyaa waa uu dilaacaa
Hunguri wed ma arko

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 18

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

W
Wax la raajey rag kuma filna
Waxaanad hurayn hore ayaa loo yeelaa
Wax rag kaa galay rako kaa gale
Wadada yari wada weyn bay kugu ridaa
Waraabe halkii raqi taal isagaa ayaa og
Waraabe ciilna haw qabin calalna ha u reebin
Waraabe naftiisana uma roona laf guri taalna uma
roona
Waraabe xagii loo eryaaba waa u banana
War xumi dugsi ma fadhiyo
War la,aan baa wadaadada rogey
Wanka weyni ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma
arkaan
Waysha gawrac dibigu ha ku quustee
Wiil iswaalaba wiil waabiyaa hela
Walaalo xafil tamay way xabaalo badiyaan

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 19

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

A
Abeesadii farta loo taagey fanaxa u booday ha noqon
Abeeso dhul u eeki ayey kugu dishaa
Adhi jiri ma kala abaal weydo
Adhi been waa didaa beense ma dhitiyo
Arrad waa dan uskagna waa doqonimo
Asuubi waa odey nimo
Af wax cunay xishood
Af xumo nabadna way kaa ka xaysaa colaadna
waxba kaagama tarto
Aqoon la,aani waa iftiin la,aan
Awrba awrka ka horeeya ayuu horaan qaadkiisa
leeyahay
Aqal mahdan mawdku muxuu ka qaadi
Afkaaga oo ku xidha kuna furi waayaa waa alle goo
Arin hawsheed iyo indho qudhaanjo midna lama arko
Adhi biyokama talaabo
Abaal nin gala la arkaaye nin guda lama arko
Abaal hadaan rag kudin rabbaa guda

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 20

Habka &byhanaanka
Prepared , Casayrhidaha
Aadan& Salleebaan
dhaqanka soomaaliyeed
Page: 21
Dhaqan-kaab

O
Oodi jiidis iyo qaadis waa isla guryo geyn

Oday waa abees

Ood dheeri kuma dhaxan tirto

U
Umusha waxa u dana ayaa ilmaheedana u
dana

Uur hooyo waa igadh tumaal

Ul jiiftaa ma jabto

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 21

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

sadexley
Sadex laguma gallo
Ban aan faras lahayn
Barqo aan caano lahayn
Bilaad aan boqor lahayn
Sadex baa boqornimo kaa qaada
Gacan gudhan
Gudoon jilicsan
Gar weecsan
Sadex lama arag
Bakayle talaab sanaya
Badhi yicib ah
Balaayo laba qad ah
Sadex ma gaadhid
Nin maalin ma gaadho
Nin na sanad ma gaadho
Nin na waligaa ma gaadhid

Sadex lama raaco


Ma horeeye
Ma danbeeye
Ma haasaawe

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 22

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

geeraar
Geeraarkan waxaa curiyey gabayaaga weyn ee
raage ugaas waxaana uu ku ammaanayaa
faraskiisa (walhad)waxaanu yidhi sidatan .
Geeraar waa nin wanaajiyo nin uu waraar kaga oodmiyo
waadigiisa yaqaan walhadaw faraskayga weedh yar oon ku
ammaano wowga maan ka bilaabo gammaan waa kala waare
weehadaw orodkiisu wadhaf deyr laga xooriyo taarka laysku
warqaadiyo ma waayeelka shukaantoo wanaag loogu qabtaa
wayraxaw camalkiisuna waraab kaan u kaxeeyo isagaan weli
laacin anigoo wada mooyee ninkii hanta ka waabshiyo
wallayskaa garab joogaba widhwidhuu ku dilaaye wiyil
qoodha miyaa? Weedhaansho dhaqsihiisuna ma wareeye
libaaxo intuu neef ka wab siiyey wid hadii la yidhaahdo
wankalaadi u boodkaa dadka waabinayaa Werisow
midabkiisuna cirka oo wadhannaayoo wahabkii laga qaadiyo
ma waagoo sagliyaa . meel walaaqtan col joogo wad nahaan
ku kabaaye , wiil uu eebe kusiiyiyo ma walaalkay rumaa?
Waran waaxyaha gooyiyo waabay qaarka madow iyo riddo
soo widhwidhaaysiyo wanjaafkeeda rasaastuu
iwaydaarinayaaye , ma wadaad xigtadaayoo wanaaggi

arba cuunka weligiisba yiqiinnoo wan intaad u qashay


wadduxaaga quraankiyo walleyl kuu akhriyaayaa? Hadaan
heego ku weedhan ka wareeji idhaahdo wejiguu ambiyaaye
madaxuu kor u waabin indhuhuu ka wigsiiyaa wiyic waayic
curraafiyo ma wax sheeg sixiraa ma weydaaran yaqaane ma
wanaagsan gabdheedoo waalli kuu gogoshaa oo wareegeysa
dushaadoo dadka oo wada seexday haddaad ooda ka
weecshana wacdigaad ku lahayd iyo waanadii aqbashaa?

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page:23

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gabay

Gabaygan waxaa tiriyey cabdi gahayr sanadkii


1940kii isaga oo afadiisa oo siyaakhad
weydiisatay lahadlaya yidhi:
ina cumar qadhooney adduun qaale bixi waaye qasnadaha
ragii kaydsan jiray qaarbaa tuugsada e ingiriisba laga qaad
dhulkuu qaybta u lahaaye qarka wuxuu la meer meerayaa
waa nin soo qaxaye dayuuraduhu waa qaylo doon qoorta
marayaaye qorigii suweys maylashii kama qamaadaane
adigaaba qalad doonayee quusay faransiise
erey & macnihiisa

qoob wadaag = la socod


xijaabtay = dhintay
siyaakhad = qalabka dumarku xidho
qaale bixiwaa=dhibaato beeli waa
qarka = dibbeda
maylashii = maraakiibtii
abbaartay = ku dhacday
tuduca macnihiisu waa= kanaalkii suweys maraakiib
ingirisku leeyahay ma marto

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 24

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gabaygii

Maxaa iiga gidhiisha

gabaygan waxaa curiyey/tiriyey maxamed nuur


laangadhe waxaana uu tiriyey sanadkii 1943
waxaa uu na yidhi:

Mar hadaan gurigeyga gidli gaanka gariiriyo


garnayl loola tegeyn iglan baa gubanaysa maxaa iiga
gidhiisha ? gudaha ceelka hargeysa weligey gees uma
dhaafine bal maxaa laba gaal oo abtirsiinyo gudboon
midkood aan u gumeyn midna guusha u siin oo
aniga iiga gidhiisha
gudaha ceelka hargeysa weligey gees uma dhaafin
inta aan wax gasiintiyo intaan gaajo ku seexday
haddii aan isu geeyo malaha waa isku gaw e,
mar hadaan ka gabyey oon go,aygiina ka qaatay
maxaa iiga gidhiisha .

Erey & macnihiisa

Gidli gaan = bunduq weyn , hub culus


garneyl= nooc kale oo hubka kamid ah (miino gacmeed)
maxaa iiga gidhiisha=maxaa iga galay/maxaa iga jira
gasiintay=cunay / quutay
isku gaw= isle,eg yihiin

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan ( casayr.land ) Page: 25

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gabay
Gabaygan waxaa tiriyey nin la odhan jiray
barkhad cas waxaa na uu tiriyey sanadkii 1958

Awowgey ninkii indhaha tirey


ninkii aabahay addoonsaday
ninkii anigana i iibsaday
ninkii ifka igu adduun tirey
lidaan li,ibaa ishaa badee hadaan ogohoon ka aarsan karayn
ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee
aan ooyee albaabka ii xidha! Isagoo iglan jooga buu idiloo
ushuu soo fidshaa i iimaysoo waa taa aramidii i oofa tirtee
asaag li, ibaa ishaa ibidee inkaa aragiisa uurkaan kla necbee
aan ooyee albaabka ii xidha! Arladii ka samroo adduun ma
haye hadii la ilaasha afkaygii hadaanan ikhtiyaar aqoontay
hadlayn hadaan erey qudha shirkaa odhanayn ninkaa
aragiisa uurkaan ka necbee aan ooyee albaabka ii xidha !
wixii arinee ilaahay jeclay hadaanan adimada ku oolin
karayn aayaadka qur,aanka wada aragtoo udgoonaheenaa
yidhi indhaha ka qarshee ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee
aan ooyee albaabka ii xidha ugaadha ninki dhaqdaa ururshee
ruuxii eegayaa aduun ka baxshee raggiinii ogaa horuu u
arkee ninkii ooridiisa u geynaayaw in keeg iyo shaal ayuu ku
arkine iimawdaye axankaaga weyne libaaxa annayiyo
,abaarso ka ciyey aboori lo,da joogta baa urisee ooday
jebisaa si ay udhacdoo amsaxuu ka guraa idilkeed waa kaa
ingiriisna iihda hayee idinna u dabaal dega adhiyahaw ayuu
ninna odhan soomaalaan ahee ordoo magacana ka iibsada !

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 26

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Heestii ii gunuday caashaqa


Heestan waxaa tiriyey abwaan ahmed salaymaan
biddeabwaanku waxaa uu ku dhashay hawdka
galbeed ee magaalada burco ee togdheer
Sida geed caleen loo ubax guudka qariyeen ooy gooni
laamaha ay midiba geesteed hoobaan isgaadhiyo guntin
midho ah leedahay oo soo gandoodoo galka faraqa soo daray
oo godan barwaaqo ah dur dur aan go,ayn iyo gacan webi
kuyaallaa

Oo gu, iyo jiilaal midab guurin baa too gabadh yahay


galgacalbaad goortaan ku eegaba qalbigeyga gelisaa waxse
aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad igaadhsiin
sidaad tahay gamaan faras sange geesi daaqsaday oo haro
galduur mirey sodon bil iyo gawdeed

Uu goobay farawgii sararta iyo gaadada oo galan galcoodoo


cududuhu gammuurmeen oo galab ba loo raro sida ramad
gu,yaal dhalay hadba kaynta geedo leh oon guluf colaad iyo
weli socoto dheer gelin

gabadhyahay galgacalbaad goortii aan ku eegaba


qalbigeyga gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday
caashaqe halka aad igaadhsiin Sida gorey haldhaayoo goor
hore aroornimo gegi doog leh iyo rays goob wacan ka soo
kacay oo gedefka baalkiyo gilgilaaya waaxyaha oo gudub
talaabada miyir u gundhiyaayo xarago u gudhaya ama

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 27

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

gacalada eegmada indhaaga goodka ah gabadh yahay kal


gacalbaa goortaan ku eegaba qalbigeyga gelisaa

igaadhsiin sida guban ka qaarkii dhul gargoorku siman yahay


ama maadh galdhiihdoo guban iyo ku taal hawd oo laba
gardhawdoo badhba gees u seexdeen dhabarka iyo gaadada

Waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad


igaadhsiin

quruxdaada gaarka ah Ama haro gingimanoo guudka ka


xarfanaysoo shimbiruhu ka giigeen galawgiyo u gaadhuna
goonyaha ka joogaan

gabadhyahay kalgacalbaa goortii aan ku eegaba qalbigeyga


gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka
aad igaadhsiin ;

Qalinkii :Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 28

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gabaygii abaal ka dhac


Gabaygan waxaa curiyey abwaan maxamed nuur fadal
waxaa uu na ahaa reer nayroobi waxaana uu
abwaanku ula dan lahaa gabaygan niman ay isxigeen
/toolkiis ah waxaanu yidhi:
lax la qalay lugteediyo hadii lulato laysiiyo waa caawadaan
laasan jiray lug iyo jiidhkeede waa caawadaan sida lukida
liifadayn jiraye lixdan aniga oo jirey tashigan laydha iga
raacay nimankaan lo,daydii casayd laanta ugu jiiday
nimankaan dukaamada lig ligan laba labo u siiyey
wax la liqiyo xoolaba ragaan ugu laxaad yeelay een lacagta
jeebka ugu gurey lohonlihii caydhe iminkaabay leebkiyo
warmaha ii lisanayaane

inkastay ladaadyada baruur laqanyo daacayso leg ninkii u


kariyey dishaa liida doqoneede lib -gad iyo abaal xumana
waa loo ogaan jiraye ma liimaanihii diiriyaa loox u
daabacaye waxba niman lillaynayn ayey luqadi raaceene
markuu sida luwada qaawanaa ee leylka soconaayey haddii
aan lingaxo oon qalbiga lahashada u diido
oo aanan luunkaba ka rogin lur ima gaadheene

laxawsiga xigtada lay gashiyo lahaanshahaan eedey kalax


xiiba baan leeyihiyo laabta xuunshada e waa waxa rag igu
laacayaa laxam dhaqaaqaaye afar laba lix goor buu sidaa
iiga loogsadaye mar uun igama liimaanine way ladaab
sadaye alla labiyo toban jeer miyey liidnimo I raacday

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan ( casayr.land ) Page: 29

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

gabay
Gabaygan waxaa curiyey abwaan maxamed kaahin
feedhoole maxaned waxaa uu ku dhashay hawdka
burco sanadkii 1928kii
Tixda gabay beryahan maxamedaw waanigaan tirine in
dhawaydba waa taan ka tegey ta, iyo woowgeede ma tilmaamin
maansoonyinkaan teeb garayn jiraye xaluun baan tawalay goor
dhaxay tahay allaylkiiye markii uumiyuhu wada turqaday tamani
laykeenye tu, alifka oo dhacay hurdada taw ka soo idhiye waxaan
tebayo mooyee qalbigu taami noqon waaye tusaalaha aduun iyo
walaac laygu soo tuurye togyar iyo banan iyo annoo tuba ka
baaqaaya Talloolayaal iyo anoo taagi siraw jooga toomaha
walwaaleed anigoo torog ku maalaaya anigoo tusmada
reerkayaga talada goynaaya taajkiyo garoomaha annoo la igu
wada tiirshay ayuun baa la iitumay durbaan taarna ii yimiye
dabadeed talaabo iyo orod taw ku soo idhiye temmuunkii ku immi
meel jinaan lays tamaninayne tawaahida waxaan lahaa fuluus
tuulan baad heliye tabtan aan ku arkay iyo caynkanay tahay ma
moodayne waxaa tuban kun tamar laawe aan tacaba eegeyne
Talaatiin gu, qaar joogeybaan toobba u xaasiline tana xoogsi
kama soo taraan taana laga waaye taf la jiido iyo bay hayaan
tookha dabadeede tays ma laha taalooga iyo timo la xiiraaye
aniguna tabtoodii hadaan tacalimaayaaye mar hadaanan teeb iyo
waraaq taybal dhiganaynin turjumaan afkiisii hadaanan uga
turaabaynin mar hadaanan faaltu tegiyo turugsi raacaynin kol
hadaanan telifoonka iyo taarka ku hadlaynin marse haduu tabtaa
yahay raggii tedhi seben joogey way tala xumo xoogsigaan tan uga
jeedaaye tacliin aabahay wuxuu I baray tooyad soo godole tiska
ooda iyo baan iqiin tirade xoolaha e , inta aan tuldaha jaan wadaa
rag iga tooreeyey waxba gabaygu yuu ila tafine waxaan ku
taaleeyey mugga waan tagaayaa hadaan taabo nooliga e, taban
taabo gacal baan rabaa tallow ha lay dhaafsho

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 30

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gabay
Gabaygan waxaa tiriyey abwaan ismaaciil mire waxaa
uu xubinfirfircoon ka ahaa ciidamadii daraawiishta
waxaana uu amaanduule ka ahaa ciidamadii ka dagaal
galay goobtii caanka ahayd ee dul-madoobe :

Kulligoo adoomaha rabaa qaybshey kimistooda bad kalluun


ku jira kolay tahay ama fujaan kooban nin waliba wixii loo
katibay waa la kulan siine inkastuu kabtiyo ama kalaho ama
kur dheer fuullo ninna inaanu soo korodhsanayn kaa ha la
ogaado

Afxakame karkabadii u ay, iyo kulaylkiiye ka dambee calluu


yidhi intuu kaaha guursadaye ka kalena kaal weyn u tumay
karina waabaye ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la,
ogaado keysaha adduun ina amaan koos dhan buu helaye

Kolna kii arsaa,ilay ma hadin kamana yaabayne ragaw


kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado cartan dhuurta
kooraha markuu kor ugu laalaayey garaad faarax dhay iyo
karuur kala macaanaaye misna kala xadhaadhaa kulankii
goobeede ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Anaa dunida keligey leh buu koofi eersadaye ka shiisaba ma


gelin wiil yarbaa keebka kuu qabane ragaw kibirka waa lagu
kufaa kaa ha la ogaado ninkii koob nimco ah fuuqsadaa ee
kadin irmaan yeesha

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan ( casayr.land ) Page: 31

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

In karuurka uu qubo horey kaafka ugu tiile kulligiis waxaa


rogey anaa kiin ah reer hagare ragaw kibirka waa lagu kufaa
kaa ha la ogaado kama sugulle waagii sidii kurey
carruureede kas xumaa wadaye ee naagta way kala
fogaayeene ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kallaankuu lahaa ina gallaydh ku hay gadaalkiiye kaar kuba


ma joogeen hadduu keeno tuludiiye baalcad kelyaha kuma
jareen kii uu quudhsadaye ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa
ha la ogaado lixda koose ee reer cali geri ee kaw iskaga
siiyey kasi waaye wuxuu waa qabaal waana kabanaaye

Ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado kaakici


wadaadkii dagaal laguna kaal meeye kuman leg iyo wada
duubcaduu keenay beer dhiga e, waxse kabaalkii jabay
maalintuu kaday raggiisiiye ragaw kibirka waa lagu kufaa
kaa ha la ogaado

Nin kuwaa ka dhigan baan arkaa kadab u laabnayne inta uu


kashbacay oo dhergey oo Kaman wan weyn yeeshay ayuu
niman karaamo iyo colba leh kiish ka buuxsadaye ka shib
dhaha islaamoow naftii kii ladnaa gadaye .

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan ( casayr.land ) Page: 32

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gabay
Gabaygan waxaa curiyey abwaan
soomaaliyeed oo noolaa horaantii qarnigii
19aad oo la odhan jirray abwaan raage
ugaas waxaana uu yidhi
Sida koorta yucub oo la sudhay koromo uubaal ah ama geel
ka reeboo nirgii laga kaxaynaayo ama beelo kaynaana oo
kor u hayaamaaya ama ceel karkaarada jebshiyo webi
karkaar dhaafay

Ama habar kurtii wadnaha lagaga kaw siiyey ama kaal


danley qaybsatiyo kur iyo dhal yaabis shini kaaluf gallay ama
koronkoro oomay

Xallay kololo,aygii ma ledin kaamil reeruhuye kambalkiyo


ardaagii miyaa laygu keliyeeyey wixii laygu kuunyaayey
miyaa igu karaamoobay kumbuskii miyaa la iga qubay koloyo
ii buuxday

Maantana kataantii miyaa la iga kala tuurey kub miyaan ka


jabay biixi aan kabayo loo haynin

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 33

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gabay
Gabaygan waxaa curiyey abwaan cali jaamac haabiil
oo degenaa magaalada ber bera waxaana uu u tiriyey
nin saaxiibkii ahaa oo la odhan jirrey xirsi cilmi
goonle oo ka xijaabtay adduunyada isaga oo taa ka
tiiraanyeysan kana damqanaya dhimashada saaxiibkii
uu yidhi

Faaraxaw gal galad kaan dhigiyo gamac la,aan tayda


gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu raacay
gasiinkiii la ii dhigey waxaan gawska uga daayey geeridii
xirsey sheegayeen gacal ha waayeene goblamooyin waxay ii
adeen guul darriyo hooge gabal baa u dumey reerihii geliga
booc yiiley abbidkii rag waa goi jiree tanise waa gaw e , lix
hal oo u wada gaar ahaa goconayaa mooyi mid weeyee
haddii lays galloo geel la kala qaado gurmad noqonayaa iyo
annagu guuto bixinnaaba waxay gole fardoodaba haddii la
isku soo gaadho rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa
mooyi gar adkaatay xaajada gurracan guurtii kala maagtay
haddii geedka lay isugu yimaad o, golaha waayeelka nin
haddii gees damcoo giijo madaxiisa wax la wada gorfeeyaba
halkii la isu geyn waayogaagaabsayaa iyo isagu geesi hadal
yaaba gudoonkaa la wada raaci jirrey gocanayaa mooyi geb
haday martidu soo tidhaado goor uu nala joogo godka lagu
janneeyaw haduu goosan la caraabo garab saar rag weeyee
haduu gogosha soo qaado gasiin kii la soo dhigey hadaa gal
iyo daad mooday bakhaylbaa gammima , e intuu gaadhka ka
qoslaayo godolkuu k haasaawin jirey goconayaa mooyi !

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 34

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gu,goo da,ay hadii gawda laga saaro shir girmidha haddii


loo kiciyo gob iyo reeraada waa gellin is daawada halkii
garangor loo joogay gole igu banaanaa wallee garan
la,aaneede guraduu ka soo toocin jirrey goconayaa mooyi!

Gardara sokeeyaha ragbaa gees biciid u leh gudcurkiyo


cadadu waa walaal kalana guud roone gaadiid la dhaanshuu
ahaa gibil ma daadshiiye guraduu na wada saari jirrey
goconayaa mooyi !

Alla wuxuu golxaaluu ahaa gedefka reeraaye magaciisu waa


gudub sanaa gaaliyo islaame galbeed iyo baraa laga yiqiin
gololkii dheeraaye gaashaan birruu noo ahaa goconayaa
mooyi!

Adduunyada laga guurayo ee geba gebada joogta ee laga


galbaday meesha iyo geeridii maxamed anuunbaa
gubtoonaya oo geesigii tebeye gartaa u noqday eebbow ma
jirto , garan gar waartaaye allahayaw wax badan baan
gefeye adigu hay goynin oo geesta nebigii I mari manta lays
gurayo .

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 35

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gabay ( hadraawi)
Gabaygan waxaa curiyey abwaan maxamed ibraahim
warsame maxamed waxay hooyadii xijaabatay isaga oo
inan yar oo toban ilaa sided jir ah isaga oo xasuusan sidii
hooyadii u soo barbaarisay ka tilmaan qaadanaya ayaa uu
yidhi :

Hooyooy la,aantaa adduunyadu hubaashii hameen kama


baxdeenoo iftiin lama heleenoo dadku uma hayaameen
dayaxa heega joogoo sida haad ma fuuleen xidig hawada
lulatoo hawo laguma gaadheen hubka laguma tureen cirka
hirarka muuqdoo ruuxaad hageysiyo usha nimaad u haysaa
hillin toosan weligii ka habaabi maayee

Hooyooy adduunyada halkay maanta joogaan adigaa u


horseedaye inaad hanad xambaartee haaneedka siisee
horaadada jaqsiisee habtay baan xisaab iyo tiro lagu
heleynoo marka aad nin hanadoo laga baqo heshiisiyo
halyey dhiiran dhashaabaa hooyoo lagu xasuustaa marka
aad nin himilada hillin toosan mariyoo sii dayn hogaankoo
hawlaha qorsheeyoo hir markii lagaa dhaba ku labaad
hilaabshoo haga maatidiisoo la higsado dhashaabaa
hooyooy lagu xasuustaa

Marka aad nin hoog iyo ka hortaga dagaalkoo dabka hura


bakhtiiyoo garta hubin yaqaanoo xaqa hoos u eegoo halistiyo
colaadaha ku hagoogta dhiigoo dadka kala hagaajoo kala
haga dhashaabaa hooyooy lagu xasuustaa marka aad hoobal
caanoo sacabka iyo heelada labada hanaanshoo hindisaa

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 36

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

farshaxanoo hordhaca iyo luuqadaba rabi hibo u siiyoo kala


haga dhashaabaa hooyooy lagu xasuustaa

Dumariyo haweenbaa guur lagu haweystaa kuwa lagu


hammiyayee sida hawd caleen weyn rag u wada hamuumeen
ishu halacsanaysoo hablahaaga weeyoo marka guur la
heybshee gabadh heego dheeroo hoobaan la moodoo karti
iyo hub qaad oo quruxdana ka hodonoo hufan laga aroosoo
hooyooy lagu xasuustaa

Hooyooy la,aantaa higaad lama barteenoo hadal lama


kareenoo ruuxaanad habinoo kolba aanad heesiyo hoobey ku
sabinoo hawshaada waayaa hana qaadimaayee hooyooy
taftaadaa dugsi laga helaayoo hooyooy dhabtaadaa hurdo
lagu gam,aayoo hooyooy dushaadaa nabad lagu helaayoo
waxaa lagu hal maalaa hooyoy ababintaadee

Hayin lagu badhaadhay hogol lagu qaboobay gogol lama


huraaney dugsi lagu hirtaayey hooyo lagu xasuustaa intaad
hooyo nooshahay hambalyiyo salaam baan hanti kaaga
dhigayaa habrashiyo xaq dhawr baan dusha kaa hawinayaa
hooyo dhimashadaaduna hoogeyga weeyaan

Welligaa hogaagaan ka dul heesayoo hiyiga iyo laabtaan


kugu haynayaayoo hangalbaan u xidhayaa inta haada
duushiyo idil habar dugaagoo ifka hibo ku noolow aakhirona
halkii roon

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land )Page: 37

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gabaygii waa Duni


Gabaygan waxaa curiyey xaaji aadan axmed
xasan ( af qalooc ) waxaa uu gabaygan kaga
hadlayaa in dunida oo dhani ay ka dafatirmeen
hooyo& aabe keliya laakiin ay ku kala
baydheen xaga dubka iyo afka oo keliya isaga
oo kaa ka dubaaqaaya ayaa waxaa uu yidhi
:Dubkaa kala taggane haybta waa isugu tegeynaaye cilmi
maaha kaa tamar badniyo tiir birraan ahaye ninba tiisu waa
dhimantahoo toga beel malehe tabantaabo lays caawiyaa
waa tu, waajiba e dhib tu waxay ka timi uumiyaha tirada
weyn gaadhay tisciin gaajo laysaa jiroo toban dhergeysaaye

kuwaasoo wuxuun laga taray tahay aqoontiiye Mar haddii


cadligu tagoo lays tix gelin waayey inay nabada taam noqoto
waa tu aan la ,eegeyne sawaariikh ninkii taabiyo ninkii toori
birra haysta ninba tuu awoodaba dil waysugu tegeynaaye
naftu waa tu, qudha oo ma jiro taajir hadhayaaye tusbax
weeye gees laga furoo tuug is wada raacye gantaalaha
tammuumiyo suntaa tuurista u dhaw e, haydarojiinkaa ku
tuman tacabkii iinsaane taariikhda weyn iyo cilmaa taa ka
baabi,iye marka ay xadaaradi tagtee taangi ku cayaaro ee
boqolka tobankii hadhaa tuna awood waayo tiih iyo mugdaa
lagu danbayn tii la soo maraye Sharkaa taaba geli khayrna
waa taa la kaarahaye xil ma taabin nimankii wakhtigan
taabka buuxsadaye uumadii timaadaaba waa tay
nacdalayeene allow yaa dhib waxa loo tancaday same ku
taageera .

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 38

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gabaygan waxaa curiyey abwaan xaaji, aadan af-qalooc

Haduu geed engego xaabadaa lagu idleystaaye mid yar oo


iniintiisa ah baa soo awaal baxa,e isagaa afnaaciga hadhkiyo
ooda kaafiya ,e dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo
islaantiisu ubadkooda hadha baa tabcoo aayatiin hela e,
markii aadan & xaawa & kaynta la abuurey sidaasey
arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene ummaddaaan
shabaabkeedu hanan waw ayaan xumo e, innamiyo hablaba
waxaa tihiin aarankaa kacaye itaal gabe dadkiinii hore
waydin aragtaane idinkaa ammaanada xilkii eegan qaabilaye
iskaa wax u qabsashadu nolosha waa u udub dhexaadkiiye
israafkiyo fadhigu waa waxaad ku ambanaysaane axmaqnimo
wakhtigii kaaga tegey oohin kugu reebye ayaantii ku
dhaaftaana waa waxaan la eegeyne arsaaq yaridu waa
caajiskaan la ogoleyn hawle ma amdaro cirkuye lacagta waa
lagu adeegaaye axadkii kaslaan lihi sabool abidkii weeyaane
rabbi nimuu laxaadka u ebyey oo camal awood waayey oo
aan shaqo naftiisii u ogolayn waa abaal dhacaye istiqlaalka
waxaa taamka dhiga waa adduunyada e, mar haddii
dhaqaaluhu akhiro calanku uumowye kolkaasuu amah &
baryada arad ku doonaaye kacaanaduna xornimaday u tahay
eebadii malege albaabkuu gumeystuhu ku xado umamka
weeyaane wixii uu qinabi kuu qabtana aayatiin ma laha e,
isku tiirsi baydiin eg iyo ururin xoolaade ictasima islaamkaa
layidhi , gebi ahaantoode aayadaha diintiyo sharcigu
waynagu amreene , axadiista nebigey ku timi saad ku
aragteene , ikhtilaafku waa naar janana waa isu-imaade ,
ragganimo nimaan tacab ku arag aayar heli waaye , ijtihaada
gobanimo dhibaa lagu ilaashaaye ,

Qalinkii : casay aadan saleebaan( casayr.land ) page --39

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Erayadii gabayada ku jiray


Gabaygii ina cumar qadhoon
Eray & macnihii
Qoob wadaag = la socod
Xijaabtey = dhintay
Siyaakhad = qalab dumarku xidhaan
Qaalle bixiwaa = dhibaato beeli waa
Qarka = dibeda
Maylashii = maraakiibtii
Abbaartay ku dhacday
Tudaca macnihiisu waa = kanaalkii suweys maraakiib
ingiriisku leeyahay ma marto.

Gabaygii maxaa iiga gidhiisha


Eray & macnihii
Gidli gaan = bunduq weyn , hub culus
Garneyl = nooc kale oo hubka kamid ah(miinogacmed)
Maxaa iiga gidhiisha=maxaa iga galay/maxaa iiga jira
Gasiintey = cunay, quutay
Isku gaw = isle,eg yihiin

Qalinkii :, Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 40

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Gabaygii aan ooyee albaabka ii xidha


Eray & macnihii
Aadan = waa heesaaga walaalkii
Oolin kareyn = joojin kareyn
Unuunka = kurka, madaxa
Udgoone = nebi maxamed ( n.n.k.h)
Ooridiisa = afadiisa/ xaaskiisa
Axan = ceebowday
Annaniyo, abaarso= meel hargeysa u dhaw magaceda
,abuurin

Gabaygii weehadoy faraskaygu


Eray & macnihii
Walleyl = suurad
taar = fariin
Waar = qiyaas
Weyrax = cadho
Waabay = sun
Waraar = kayn
Wab = cantuugo

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan ( casayr.land ) Page: 41

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Wid = orod
Wadhaf = tuuryo
Riddo = waran
Weris = lab
Gammaan = baqal

Heestii sida geed caleen loo


Eray & macnihii
soo gandooda = soo foorara
faraqa = baarka
haro kalduur = haro hawd ku taal
mirey = hameenkii daajiyey
goobay farawgii= baruuri buuxisey
galangalcoobay = baruur la socon waayey
ramad = geel markaas dhalay
gu,yaad = xilli gu, ah
gargoor = geed cawsed dooxoyinka ka baxa
maadh = geed cawsed hararada ama cawska laga
sameysto

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 42

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

galdhiidhay = biyo ama rays badan ku baxday aadna


u balaadhay
laba gardhow = aad u baxday kala seexatay
gingiman = buuxda
ka giigeen = ka dhargeen
goonyaha = hareeraha

gabaygii lax la qalay lugteed iyo hadii lulato


laysiiyo
eray & macnihii
ladaadyo = liqanyo
lib-qad = abaal-dhac
lulmaya = ruxmaya
laab = kal
lohonlah = balan-bal
qaanuun = cadaalad
calaacal = murugo
hilib = digaag
lawi = qabiil
naq = cosob

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 43

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

kambalka = duleedka
hagoog = hilaab
jees = qoys
masaar = gudin
holli = isku day
hul = god
naaneys = magac-xumo
faro-laab = ul
diga-rogasho = geedi gaab
degel = jabad
gorod = gaaban
ab-guri = madax-mas
damqaabo = durreyn
dudda-guriga = dulleedka
tahli –karayn = awoodi karayn
doonyo-qaad = damiin
dubaaqiisa = xiskiisa
ood-rogo = buuxsinka kadinka
cagidiiba = qacdiiba/markiiba

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 44

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

dhiijiyo = liso
mannaystay = siiyey
af-hayn =quudin
caynta = kaynta
dheel-maday = caraabay
cimidh = buuxa
hu, = dhar

gabaygii xasanow dhawaaqeyga


eray & macnihii
dhaguugeyso = dhur-sugeyso
dheelin = socod
dhoocil = foodley
dhulka jiifto = gaaban
shanshada = kubka
faayaha = quruxda
dawaad = khad
dhubad-qaad = dabniinka timaha
dhabeel = gaari , fariid

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 45

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

sadex dhubood = sadex qeyd


saaq =dahabka
maqfiyada = qalabka habluhu gacmaha ku xidhaan
dheeg = qurux
dheelimaad = galab caraabo
hanaqaad = mudakar
hufan = israacsan
lama huraan = lagama maarmaan
horseed = hoggaan
hoobal = fanaan

gabaygii haduu geed engego


eray & macnihii
engagey = qallalo
ku isiraayeen = soo ahaan jirey
sabool = faqiir
malege = mowdkii dillay
ictasima = is caawiya , oo midooba
u ebyey = dhamaaday

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 46

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

hees-hawleedada
heesaha kebadaha
geedba geedka u dheer lagu
garaacyeey galool mudhay
mulaaxdiiyeey
naagta kebeda lehee kaalin daraney
adaan-kayd u sii dhiganey

koronkor cuni maynoo


kariba maynee karuur geel
ma lahayaayee
baarqab waa seedoo sariba maynee seed
sagaal jiraan irmaanayneey

gabadha soo gelbiyeey guud xariireey


gayaankeedii baa helayeey

waa tan soo xiixlee xaali ka-caday


xaawalaydiiyeey
dib & gees dheerey daaman yagadheey
ri,duqa
dabab u shidan maynoo!

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan ( casayr.land ) Page: 47

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Heesta Aloolka
Daah, walaalkiiyow
Doco wanaajaw dad nooleeye duur qalinloow
naagta aan
daah xidhaneey doco, dalooleey ninkeedii
dabayl-raacyeey

Alla waa xijooy


Alla waa xijooy
Geel xerada diidaa waa xijooy
Alla waa xijooy
Alla waa xijooy
Xera kale ka ololaa waa xijooy
Alla waa xijooy
Alla waa xijooy
gabadh xillaha diidaa waa xijooy
Alla waa xijooy
Alla waa xijooy
Xeellad bay ka wadataa
waa xijooy
Alla waa xijooy
Alla waa xijooy xishoodkii
xaguu maray waa xijooy

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan ( casayr.land ) Page: 48

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Heesaha haanta caanaha


Haantii qabooy qoor yar
Laba qaalin kula buubtay
Laba qaar laguu kala jar
Geed dheer lagaa soo lul
Geel jirre ku qooraansay

Haanyahay dhig-dhigo dhabar yar


Waa layna dhibayaaye
Oday-dhagar qabaa yimiye
Caanii ma dhay-yeeysay
Mise waad dhanaanaysay

Naa fuudo naa fuudo ma fayoobidoo


Ogiye fara kuguma yaaliine
Ma furtaa lagaa dhuugey

Naayaa dhig-dhiga dhabar yar


Sii walah dheh soo walah dheh
Caanaha walaahoodi

Naa baayo naa baayo yaan


Buulka lagu dhigine baranbaradu
Kugu xayane
Haanyahay bulooy ii bax

Naa baayo naa baayo naa baayo


beesheenu waa
Beelo ceebeede yaan subaga
Lay bidine yaan
Soo bax lay odhane yaan bilistu ii shirine
Haanyahay bulooy ii bax

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 49

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Hees hawleeda geela


Waraabka

Sidii sagalroob oo sisan u da,ay


Waan sugeynee maysa soo simay

Aan huhumanee in yar noo


Hogo aan samaynee in yar noo samir

Waxa shidayiyo sharba necebey


Shifo ku af-saar oo shar kuma hello

Markay taaliyo markay tuban tahay


Waa tolleeyoo looma
Kala taggo

Gooruu toob muu taahayaayoo


Tii yareyd & ilmihii tebey

Jawgayaga maqal oo biyaha


Jammo
Oo janada nuug

Feedha dhiman bay dhaami leedahay


Anna dhabarkiyo
Dhexdhexaadkaan
Dhawr is leeyahay

Qawlal weyntiyo
Qaafo dheregtee
Awrka qoodhiyo
Qublahaa hadhay

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan ( casayr.land ) Page: 50

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Jeeraad aragtaan
Innamada iyo ul ladaba
Sido
Aaran baa hadhay oo ma wada imman

Xaluu dhiilkii
Iga dhimayoo
Anna dhabastii waan ka dhimayaa

Waa ugaadhoo hadaan loo orin


Sooma orodee way irdhawdaa

Intay gamanadu
Gaamuraayaan
Waa gu,keliyee
Maan anba u gallo

Hadaan dhidibada looga


dhaantayn miyey dheregtaa

wallee maydhooy wiil


magaalada soo maraan maray
oo mirtii xalay
oo mijacas helay maalintii ceel kuu mar dhigan waa

ado dagalsaday oo daryuurura


nin ku daba sugay
looma dayrshoo
danba waw tegi

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 51

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

rakaada geella
haydul-joogine tii
durduurtiyo tii
daftaay durug

sool inaad mari


sodon aad qadi
oo sidii noqon
saa biyaha ku cab

jidkii dheeraa waynu


jeexiye waynu jiidane
jiijada xidh xidho

caraabada geella
sow caraabadu
caafimaad iyo
caano kuu ma leh

shalluu dhaar maray


dhawr inuu dillo
dhawrna dhaawaco
dhawrna dhabar tiro

hadhaagaagoo
hebla godaliyo
hadhuub lagu tabay
waa habaar weyn

caana waydsane
waa gartiiyoo
gu,gaan la xer geyn

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 52

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

qaalintaa godan ee golxada


dheer soo godlaydiyo
guurahaa idilay

nina dhaqashuu
kuugu dhabar jabay
nina dhuunuu kuu dhex joogaa

shalluu maajeen hoosta


madaw ku leh
maraan marayoo
meelo ka hafsaday

heesta wiilkiyo hoodayada


maqal
oo ku soo hiro
oo haw kala hadhin

marka yalasluhu
yeedhi waayaa adna
yoomaay laguu
yaabaa

seerma waydiyo
sagaalaha dirir
waanu kugu simi
hadaad seegtana
waanu kaa socon

sadex boqoliyo
sagaashan hameen
oo sadkaa yahay

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 53

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

hameenkaan gudo
Aan guryaha maro
Aan garayskiyo guntiga
U furo garaad badanuhu
Waaygu garan jiray

Meel bur cawsa leh


Oo biyo u dhaw
Baadi doonyoo
Baar-qabkaagiyo
Biciidkuba waa

Ma tukade iyo taarig


wadatooy toobad xumadaan
kaaga tegeyoo
tiirey kugu nacay

waa hor weyn tii


markuu hawd maro
waraabe hurdiyo haada kicin jirey

shalay huguntoo
hugun baadhoo
hadhuub-gaalkiyo
huggii ka anbaday

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 54

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

lo,da
wanaagsane weris
wayluu xalay dhalay
wiil la moodyoo
loo wal qali gaadh

xiix wanaagsane
xareediibuu xoorin jirayoo
xoolo ku ahaa

sacii dhiiniyo naag


dhabeelina
way dhalaalaan

cirku mayaybuu
la madaw yahay
badu maal bay la
madaw dahay
ana murugiyo
maxay mudan baan
la- madoobahay

dhiinow dhaydaa
naag dhadhamisaa
way dhalaashaa
oo dhiqlaa galla

wiilashaadana
wadaan iyo waran
miduunbaw u wada,
waylahaagana wajac iyo wayd
miduunbaw u wada

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 55

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

fardaha
haddii gelin hore geela
lala tago
oo raggu is gallo gabal
gaab kii gar nugaaleed
gabac yeeyoow

waar bullaalow
bayna bayniyo
beeni dhimataye
waa bariyo socod

ashkir halablow
meeluu hala waday
haadku ka cashee

dameeraha
ninka awrta leh aan
ku orinee
adimada fidi

jilba gaabane
jaawa
geelbuu jees u dhaamaa

dameeraha yagu waa


walaaloo wax lasiiyaba
wixii loo dhigo
waa wadaagaan

dameeraha yagu waa


dir koy koy waa dir kaba lacad

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 56

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

idaha
dayla foorara
allaw fad u curi
oo nakala furro

dayla foorara
addoo foorara
foorihii gu,gu
oonad filanay
feedha kaa qabay

riyaha
qaroofey orgigu
meel qadhoonliyo
qarfe kugu leged

garay gara daa oo garba


cas daa , adna giirooy
ka gu,weynide guuxa hoosiyo
gardarada daa

beeraha
bariis reerka magaalo
bada looga talaabiyo
waankan oo labudeeyoo
buushihii laga saaray
booroow beeraha hagaaji

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 57

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

maqasha
maqaley war lay
maqaley war lay
malaguu waramay
wax jira arlada inuu waa
beryoo la waraab shay beerii
in waxbarashadii loo wada
baxoo waxyi gelin la wado
ma laguu waramay

ma maqline warkaa
yaa ii waramay
ma walaalkay baa
waal hoose iyo waadeer ka yimi

heesha geedka
gacal baa ahaynoo
garashaan lahaynoo
adigaa I igardaadshoo
hoostaadu gogoliyo
gurray ii ahayde
geedyahaw ma nabad baa

hees ciyaareedka
ka ciyaaray caga weyn
ka ciyaaray ceel dhaab
ka ciyaaray caga dheer
ka ciyaaray hawd sare
caawana tan baan imi
nin ciyaaro tumijiray
caawana tan joogaa ciil kaambi waaynaa

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan ( casayr.land )Page: 58

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

heesta hooyada
hooyadu waa lama huraan
gagaag waa loo socdaa
horwaa loo sii hoydaa
hadal waa la hindisaa
muddaan uurka hurudnoo
culeys beey hayn jirtoo
xanuun bay la hingatee
hooyadu waa lama huraan

hadii kale waxaan lahaa

hameen goor uu bartamay


caanihii bay nagu habtoo
horraadkay noo dhigtoo
dharkii bay na huwisaye
hooyadu waa lama huraan

calooshaadoon hif odhan


adiga oon ka haqab bi,in
hunguri ma haweysatee
hooyadu waa lama huraan

hadaaq goor aad tahoo


talaabada aanad holin karin
adoo ciidii handaday
dhaqsaba waa ku hinjisaye
hooyadu waa lama huraan

afka aan ku hadlayniyo


hanaankeeniyo hub qaad
hagaag bay noo bartaye hooyadu waa lama huraan

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 59

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

hadii kale waxaan lahaa!

Innaga oon heybad qabin


Halbeeso aan haysan karin
Habaaskey naga huftoo
Waa tii noo hiilisaye
Hooyadu waa lama huraan

Si aynaan halis u gelin


Hungurigey hubinaysaa
Dhaqsaba hoo nama dhahdee
Intii ay ka hubsataa
Iyada ayaa ku hormartee
Hooyadu waa lama huraan

Hadii kale waxaan lahaa

Reerku haduu yahay hayaan


Hayinka aan saaran nahay
hogaankey haysatoo
hoos bay kaala hadlaysoo
intii aad ku hurudoo
waa kuu heestaa hadana
hooyadu waa lama huraan

cilmiga shiikh ku hormariyo


nin haamaan ahiyo , hanad
iyadaa soo hayn jirtoo
hooyadu waa lama huraan

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 60

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

hadii loo baahdo hiil


geesi loo habar wacdiyo
fulayga aan haadka hubin
iyadaa soo hayn jirtee
hooyadu waa lama huraan

hadii kale waxaan lahaa

deeqsi aad soo haybsatoo


hammuumtii ka ba,shiyo
bakhaylaan kula hadlayn
iyadaa soo hayn jirtoo
hooyadu waa lama huraan

aabuhu waa hawsha guud


iyana hoos bay hayaan
habantii guriga iyo
hooygii bay noo huftaye
hooyadu waa lama huraan

hadii kale waxaan lahaa

geed yaroo kaa hoolay meel


hadii aad haah dhehdaa
hubkii bay ka hinqatoo
iyada oon hagar lahayn
haaw waa tii soo dhahdee
hooyadu waa lama huraan

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 61

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

odaygu waa haajiraa


hawuu meel ugu kacaa
haduusan mawdku helin
hortaadaay taagan tahee
hooyadu waa lama huraan

hadii kale waxaan lahaa

hameenkaad soo dhecdaa


hurdada aad uma heshoo
qalbiga waa ka hamidoo
hiloow bay kuu qabtaye
hooyadu waa lama huraan

hore adigoon u ahayn


dadki bay u hanjabtoo
halyeey bay kaa dhigtoo
amaanay ku huwisaye
hooyadu waa lama huraan

hadii kale waxaan lahaa

abaarta hawaaristiyo
haraad meel loogu go,ay
haayhaata uu dhaanku yahay
cirkuna haawanahayaa
halihii ay soo heshaa
hadey hoo ina dhehdaa
inaga aan soo hambeyn
waa tii aan heensanoo
hamuumteedii horiyo
dhab bay la hagoogataye hooyadu waa lama huraan

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 62

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

sidii awr haama wada


dusheedaan halabsanoo
hah goortaa nama dhahdee
waa noo sii hoorsataye
hooyadu waa lama huraan

hadii kale waxaan lahaa

marada ay nagu hantiday


hadaan hoos uga dhacnaaa
wadnihii bay hinqaday
calooshey ka halcataye
hooyadu waa lama huraan

alaabta horteeda taal


haddaad laad ku hurgufnana
habaar weyn nama dhahdee
inyar bay ka hiftaye
hooyadu waa lama huraan

haddii kale waxaan lahaa

hiloowlaha ay dhashaa
haddii meel laga hayana
asuu haaraa hameen
waa tii hooygeeysatoo
ilmadu ay hibitiqdee
hooyadu waa lama huraan

haddaan been lagu hadlayn


wadnaha garkiisa iyo
halbowlaha dhiiga wada

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 63

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

hareer baa laha dhigoo


halkeey joogaan iyagu
yaa loosoo wada hoydaaye
hooyadu waa lama huraan

hadii kale waxaan lahaa

hantida aad leedihiyo


wixii aad haabataba
haddii loo siiyo hibo
abaalkood lama helee
hooyadu waa lama huraan

haddaadu haday gashana


hog goortii lagu dhigoo
wadaadadu kula hadlaan
Aabaha loo ma hal-wecee
Waxaa tahay ina heblee
Hooyadu waa lama huraan

Haddii kale waxaan lahaa

Adduunyadu waa haween


Halkaa layskuma hayee
Nin doonaaba ha hadlee
Hooyadu waa lama huraan

Hirar gaagaaban iyo


Hawada yaan ka hadlayaa
Waxba inagoon hambayn
Hubaashiina aan hayaa
Hooyadu waa lama huraan

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 64

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Hadii kale waxaan lahaa

Hunfada ruuxii noqdaa


Hawraar kama hantiyee
Waxba inagoon helayn
Hubaashiina aan hayaa
Hooyadu waa lama huraan

Heesta Arooska
Geel iyo gamaan faras
Ayaan kugu gelbinaynaa
Farxad aan gaboobay ayaan
Ayaan kugu gelbinaynaa
Hoobaala hoobaalayey heedheh
Anigoo garoowe jooga yaan maqlay
guursigaa goo
kabihii ma baadhine
cagtaan boodhka soodaraye
waxaan soo bayiigaba hadaan
baydka soo galaye
iminkaan bayaan kuu arkaye
boqor maxaad sheegtay?

Hoobaala hoobaalayey heedheh


Adiguna basraay kama dhacdide
Billan maxaad sheegtay?

Hoobaala hoobaalayey heedheh


Adna inanka inanka noo caawiyoow
Cali maxaad sheeg?

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 65

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Hoobaala hoobaalayey heedheh


Adna inanta inanta noo caawisaay
Canab maxaad sheeg tay?

Hoobaala hoobaalayey heedheh


Lagu mood shamsada soo baxdiyo
shaaca waaberiye

hoobaala hoobaalayey heedheh


lagu mood midhii hawd ka baxay
halalac saareyde

hoobaala hoobaalayey heedheh


lagu mood magaaladii burcoo
roob ku loofaraye

hoobaala hoobaalayey heedheh


lagu mood magaaladii
sanaag oo saaka roob helaye
lagu mood saacii kabaxay oo
saaka madax qaaday

hoobaalay hoobaalayey heedheh


lagu mood sidii geel horweynoo
fadhiya harada guudkeeda

hoobaalay hoobaalayey heedheh


hinqo oo istaag caawa waan
ku hubsanaynaaye
hoobaalay hoobaalayey heedheh
hagoogta iska qaad yaan la odhan
hoogto weeyaane

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 66

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

hoobaalay hoobaalayey heedheh


wa inaad halyeygii ku dhalay hallo
u geysaaye
wa inaad dheg dheer lama noqdee
dhego nuglaataaye

hoobaalay hoobaalayey heedheh


wa inaad markuu kula hadlaba
hee tidhaahdaaye

xiiliga hooyadu ay rabto inay inanteeda ama inankeeda


seexiso ama sabaalayso waxaa kamida hadalo
xigmadaysan oo ah sida :

ayaa dillay ee dagaalay


ayaa duur kulul ku jeexay
ninkii dillay dooni mayo
dagaalbaa naga dhaxeeya

dabkana isu doonan mayno


ninkii dilla ee dagaala
ninkii duur kulul ku jeexa
asaan duunyana u dirranin
dagaal baa naga dhaxeeya

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 67

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Xilliga ay hooyadu ilmaheedu gaajoonayo ama caanaha


u soo lisayso waxay ugu heestaa hees dhaqameedyo si
uu u aamuso uguna sugo intay caanaha u soo lisayso
Aad na xigmad u leh waxaana ka mida :

Ma geelii baa arooray arooroo


Oon ku raagay
Ma naaskiibaa gabnoobay
Gabnooboo godal ka wayday
Miyaad gaajoonay gacale
Garaadkaygaa I celiyee
Anaa kaa gubasho waalan

Barbaarinta hablaha :
Waxay hooyadu hablaheeda ku barbarin jirtey
Xishood, gaarinimo, hufnaan, hawlkarnimo, iyo
marwonimo heesihii ay ku koolkoolin jirteyna wxaa ka
mid :

Hobeeya hoobeey hobeeyaa


Naa ragbaa goonyaha fadhiya ,e
Gayaan kaa baa ku jira ,e
Gartaadii bay hayaane
Aday geel kaa wadaane
Naa yaa geelaagu noqonin
Oo yaan geenyada la celine ,
Go”dooy gaagaabso hadalka
Go”dooya go”dooy go”deeyaa
Go”dooy gaagaabso hadalka

Gayaanbaa guriga yimiyoo

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 68

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Ragbaa goonyaha ka buuxa


Fardiyo geel bay wadaane
Go”dooy gaagaabso hadalka

Canbara kaahay korkaaga


Korkaaga cadee wanaagsan
Indhaha kuuliga madowle
Kulayl cudur kaama qaado
Laguu Mari gacanta maxamed
Malaa igi kuu salaaxday

Waxaa wiiloowda la hayo


Waxaa loo waalanaayo
Hadaan wehel kaa helaayo
Addaaba igala wanaagsan

Hooyadu waxay inanteeda ku barbarin jirtay han iyo


himilo wanaagsan si ay u noqoto gaari ama shankaron
Heesahan :

Hadaad gaadhoo gabawdo


Haddii guule, alle yeelo
Hadaad guudka iska dabato
Oo aad gaashaanka qaado
Oo aad guur mala awaasho
Gun iyo geel yare ha guursan
Gododle ha u qaadin gogosha
Go”dooy ha-furfurin garayska

Xagga kalgacalka waxay hooyadu ilmaheeda ku


koolkoolin jirtay kalgacalhooyo-nimo si ay iyana ugu
heesto ilmaheeda oo ay uga dhaxasho erayadii

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 69

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

hooyaded dadka kale wixii ay ugula dhaqanto wixii


hooyaded ku barbaarisay waxaana kamid ahaa:
Sidii guuguule yeedhay
Sidii guuleed gu,jooga
Sidii guun wiil ku curatay
Sidii godadliyo minyaradii
Miyaan kugu goohay gacalo

Koolkoolin ta inamada ay hooyadu ku koolkooliso


inankeeda ama halyeygeeda waxaa kamid ah:

Hobeeya hobeey hobeeya


Hawaalan hawaalaloobin
Hawaayin waxsiiso hooyo
Hawaayin wardheere aabe
Hawaayin walaalo dhawra
Halkaaga lagaama waayo
Halkaad xalanow xoqaysid
Halkaad xaradhaaminaysid
Halkaad xalay ladis ka wayday
Laguu mari gacanta maxamed
Malaa igi hakuu salaaxdo

Dhamaw wa dhamow dhamow wa


Dhamoow dhuuxiyo laftoow wa
Dhamaoow dhalasho amranoow wa
Markaad dhalatee dhawaaqday
Dhamoow dhaxan bayga duushay

Dhirtii baa wada magooshay


Dhulkii baa wada iftiimay

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 70

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Caloowa caloow caloowa


Caloowa cabdi laahiyowa
Caloow cir dul-hoorayowa
Caloow meel laga caraabay
Caruurii laga xambaartay
Allow aad ciirsi waayin
Allow aad carari waayin
Allow aad ciil ku seexan

Samoowa samoow samoowa


Samoow sarariyo lagoowa
Sakaariyo maydhaqawa
Sadkii rabi keenayoowa
Sadbaa rabi soo sidaayoo
Sidii roon bay ahaane
Samoow ii seexo hooyo!

Maxaad waydaad la waalan


Maxaad waynaato doonin
Maxaad ana ii wareerin
Maxaad adna wax-isu yeelin
Halkaad xalanow xoqaysid
Halkaad xaradhaaminaysid
Halkaad xalay ledis ka waydayn
Quwiille ha kuu qaboojo
Ayaa dillayoo dagaalay
Ayaa duur kulul ku jeexay
Ninkii dillayee dagaalay
Ninkii duur kulul ku jeexay
Dagaalbaa naga dhaxeeya

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 71

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

\ Heesta qorqodaha
Eedooy qor qode wuu qayliyaa
wuu qalaxtamaa
naa ridaa qal- oo qaribuu dhahaa
naa qiiqu yuu bixin buu dhahaa
qoolaabka dheeree buu dhahaa
naa kubadu waa kurus buu dhahaa
naa malawad waa miid buu dhahaa
naa xiidan waa xubin buu dhahaa
naa qoran qoryo u diruu dhahaa
naa dhiiga dhagax saar buu dhahaa

ugaadha
ugaadha alle hibo u siiyey wadamada soomaaliyeed
iyo waxaa la kala yidhaahdo labkooda iyo dhedigiisa iyo
weliba ubbadkoda

garanuug
garanuugtu waa sakaaro aad u weyn
markay geedka daaqaysana kor kaga timaada leh na sur
dheer oo ka geela oo kale ah

labkeeda waxaa loo yaqaan : liig


teeda dhedigna waxaa loo yaqaan : tingay

ubadkoodana markay yar yar yihiin waxaa loo yaqaan


: warradi

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 72

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Sakaarada
Sakaarada waxaa laga helaa meelkasta waxayna u qayb
san taa guud ahaan laba qaybood oo kala ah:
Qosley &
Golcas
Qosleydu waxaa laga helaa buuraha, midab keeduna
waa midab dameeriya
Waanay ka ci, duwan tahay golcasta hadaan samaynoo
dhawaaqa ay samaysana waxaan odhan karnaa qoosh,
qoosh,

Golcastana badanaaba waxaa laga helaa banaanada


Midab keeduna waa casaan, cadaan ,iyo dameeri isku
jirra calooshana waa cadahay
Dhawaaqa ay samay sana waxaan odhan karnaa
Wiis , wiis, wiis, mar kay wax arag tana intay kor laba
jeer u bood boodo ay tidhaahdaa wis, wis wis, kadibna
waa ay baxsataa /carartaa
Gebi ahaan sakaadara labada nooc ee aan soo
sheegnayba markaan isku darno waxay leedahay lab iyo
dhedig waxaa layidhaahdaa labkeeda
Atoor
Dhedigeedana waxaa layidhaahdaa
Yac
Dhasheedu marka uu kobco waxaa layidhaahdaa
Biiq

Deerada
Deerada lab keeda waxaa layidhahdaa
Deer
Dhedigeedadana waxaa loo yaqaan
Deero

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 73

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Cawsha
Cawsha lab keeda waxaa loo yaqaan
jaxeedh
dhedigeedana waxaa loo yaqaan
masaal
biciidka:
biciidku badanaaba waxaa laga helaa oo uu ku nool
yahay hawdka iyo dhulka cawska leh
labkiisa waxaa layidhaahdaa
saryan
dhedigiisana waxaa layidhaahdaa
biciid
carruurtiisana waxaa layidhaahdaa
ama kiisa yar yar
sawaro

gorayada
gorayadu badanaa waxay ku dhaqantaa oo ay ku
nooshahay banaanada , iyo dooxooyinka
labkeeda waxaa layidhaahdaa
haldhaa
dhedigiisana waa
gorayo-cawl
waxaanay dhashaa kaliishii
ubadkeedana waxaa layidhaahdaa hal-garac

maroodiga
maroodiga waxaa uu badanaaba ku noolaadaa dhulka
kaymaha waa weyn ee geedaha badan ee badanaaba
cagaaran ee cufan
labkiisa waxaa layidhaahdaa
arbe

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 74

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

dhedigiisana waxaa layidhaahdaa


qalanjo
kiisa gaboobayna waxaa layidhaahdaa
gosol

daayeerka
daayeerka waxaa uu uu ku nool yahay dhulka togoga ah
ee dhaameelka badan ee qudhacda dhaadheer leh
daayeerka kiisa lab waxaa layidhaahdaa
coofle
kiisa dhedigna waxaa layidhaahdaa
heeliyo
kuraygiisana waxaa layidhaahda haaruun

magacyada roobabka
mayay: waa roobka subaxdii da,a ilaa inta ay qoraxdu
dumayso
miiraale: roobka hameenkii da,a inta ay dadku hurdaan
ayaa lagu magacaabaa miiraale
mahiigaan : waa marka cirka daruuri is xodho
roobkuna qaadi waayo ayaa layidhaahdaa mahiigaan
tumay :waa roobka ciida sare uun qooya ee aan lahayn
biyo laga cabo ayaa layidhaahdaa tumay
bushucle:waa roobka qaadi waaya ee aan sida fiicana u
di,in ayaa layidhaahdaa bushucle waa na ka soomaalidu
ay tidhaahdo waa roobka soo saara dhir hoosaadkii
nabaad guurey sida ramaaska
hogol:waa roobka meel hela ee lagu soo guur guuro
waxa kaloo layidhaahdaa biyo dhig

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 75

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

dabaylaha ka dhaca
geyigeena soomaalida :

dabayl xagaada: waa dabaysha ka soo dhacda konfur


soona dhacda gu,gu markuu jeesto waxaana kallo loo
yaqaan caano weedhaamis
jiilaashin : waa dabayl ka soo dhacda waqooyi
hoohad: waa badaysha neecow ah oo dhinacay doonto u
socota sahana u ah wakhti roobaadka ama lagu garto
inay tahay wakhti roobad
cir huris:waa dabayl iyana cirka isku takhasha oo is
maloon gaysa oo iyana sahan u ah xilliga roobku soo
jeedo ama di,I doono sida hoohadka oo kale

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 76

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Erayo
Ceelalyo:
marka geela oo kale ama adhigu uu beri oo
kale soo arooraayo ayaa waxaa maanta oo kale la sii
diri jiray rag layidhaahdo ceelalyo si ay ugu sii eegaan
ceelkii uguna diyaariyaan qalabka & agabka xoolaha
lagu waraabinayo raggaasina hameenkaas tuulada ayaa
ay u hoydaan subaxdiina qalabkii ayaa ay u diyaariyaan
xoolihii soo arooraayey
guul:
waa marka xooluhu ay ka fog yihiin ceelka isla
markaana la soo arooriyo waxaa subaxda ay guriga
laga ka xeeyo hameenka danbe u sii hoydaan xero dhexe
oo magaadhaan ceelkii hameen labaadka ayaa ay
gaadhaan ceelka isla markaana la soo waraabiyaa
marka ay ka soo fulaana waxaa ay hadana hameen kale
u soo hoydaan xeredoodii dhexe ee lagu soo guul siin
jiray ee cidlada ahayd hameenka danbe ayaa ay u soo
hoydaan gurigii taas ayaa lagu magacaabaa guul
sahan :
marka laguuraayo layskama raro reerka ee waxaa
ladiraa nin layidhaahdo sahan si uu u soo arko meel
geedo fiican leh oo lagu rari karo reerka una dhaanta
tan ay joogaan iyo weliba guri madhan ay dagaan taas
ayaa lagu magacaabaa sahan
hayaan:

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 77

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

hayaanku waa marka ay dhacdo abaar kala mareebto ah


isla markaana laga hayaamo wadankii aad degaanka u
ahayd oo aad tagto deegaano kale abaar darted taas
ayaa layidhaahdaa hayaan

yagleel:
waa marka la waayo guri madhan oo la dego ee ay
noqoto meeshu buuq laysku soo guuray isla markaana
odayga ama inanka ayaa sameeya wax layidhaahdo
yagleel
oo waxaa uu reerkii u oodaa meel aan guri madhan
ahayn oo gegi ah taas ayaa layidhaahdaa yagleel
jabad :
waa marka reerka lagu furo guri aan beryahaaba la
degin oo oodiisii dhamaatay oo kasii joogo xambus yar
xambuskaas ayaa layidhaahdaa jabad isla markaana
dusha laga oodo xambuskii yaraa si uu reerku u dego
xawawar:
waa marka idaha iyo riyaha la kala sooco ee lakala
kaxeeyo lana geeyo guri madhan oo kale oo cidlo ah
idahana lala raadsho meel caws leh riyahana meel
caleen leh kala kaxayn taas ayaa layidhaahdaa
xawawar
mareeg :
marka uu adhigu isku dhalo waxaa maqasha loo
sameeyaa xadhko qoorta lagaga taxo si aanu neefka yari
hooyadii ugu baxsan oo looga listo kadibna lagu sii
daayo xadhigaas ayaa layidhaahdaa mareeg
qalwo :
marka maqal badani dhalato waxaa loo sameeyaa xero
yar oo dugsoon oo dusha ka daloosha oo neef waliba

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 78

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

markuu hooyadii nuugo lagaga rido hameenkii xeradaas


maqasha ayaa lagu magacaabaa qalwo ama edeg
maqaleed
mirasho :
marka xoolaha hameenkii la daajiyo ee waraabaha iyo
xayawaan kaleba laga rawo si ay u daaqaan xooluhu
taas ayaa layidhaahdaa mirasho badanaaba waxaa la
sameeyaan mirashada markaan daaqsin fiicani jirin
horaado:
naasaha geela ee afarta naas ka kooban laba hore ayaa
layidhaahdaa horaado halka labada danbana
layidhaahdo danbeedo
maqaar :
marka hasha neefku ka baxo ee uu ka dhinto si ay u
irmaanaato oo loo maalo waxaa lasameeyaa haragii
neefkeeda ayaa laga soo saaraa kadibna lagaga guraa
hoosta dhir yar yar si aanu uga liicin hoosta kadibna la
hor dhigaa inta lasoo godlolo ayaa la lasaxaa si ay
looga liso caano haragaas dhirta hoosta lagaga guray
ayaa layidhaahdaa maqaar
maraq-saar:
halka kuruska ka danbaysa ee geela ayaa layidhaahdaa
maraq-saar waxaana la saaraa maraqa laga furo
naasaha hasha marka la maalaayo ee lagaga xidho
neefka yar si aanu u jiqin
xag:
marka aanay hashu caano badan lahayn ayaa laba naas
oo mid hore iyo mid danbe oo isku bar bar ah laga lisaa
dhinaca kale na lagaga sii daayaa nirigtii taas ayaa
layidhaahdaa xag

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 79

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

xigasho:
marka hasha laba nin lisaan ee ay caanaha aanay ka
wada dhamayn ayaa ay uga baxaan nirigta si ay u jaqdo
taas ayaa layidhaahdaa xigasho
gaane :
geela aan irmaanay ee wada gudhan ayaa layidhaahdaa
gaane
xergeyn :
marka geela laga kaxeeyo guriga lana geeyo meel cidlo
ah oo xero looga sameeyo taas ayaa layidhaahdaa
xergeyn
cokan :
waa marka xoolaha la soo waraabiyo maanta oo kale
ama shalay oo kale taas ayaa layidhaahdaa cokan halka
marka uu haraadan yahayna layidhaahdo waa uu
ooman yahay
wabax-taraar:
marka uu geelu soo cabo maanta oo kale ee uu cokan
yahay xerada ayaa uu raarta jebiyaa marka uu
habeenkii ragu hurdo oo waa uu iska daaq tagaa
hadaan la ilaalin hameenkaa taas ayaa layidhaahdaa
wabax-taraar
igadh:
waa marka geelu in badan irmaanaa caanihiisu lafta
ayaa ay ka yara qadhaadhaadaan geelaas inta badan
irmaanaa ayaa layidhaahdaa igadh
maraq:

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 80

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

waa maydhax la feedhay oo hasha lagaga xidho naasaha


si aanay nirigtu u jiqin

danbar:
waa caanaha ugu horeeya ee laga liso hasha marka ay
dhasho waa na caano macaan oo isjiidanaya oo adag
markaa waxaa hasha looga lisaa si aanu neefku ugu
daaban( xaarin)
sidig:
marka hasha neefku kabo waxaa lasameeyaa neef kale
oo lagu khaldo si aanay hashu u gudhin oo loo maalo
waxaa lagu khaldaa neef kale si ay u moodo neefkeedii
isna uu u jaqo taas ayaa layidhaahdaa sidig
carab-daar:
marka nirigtu weynaato ee lays dhaho ka gudhiya hasha,
qaarkamid ah ayaa karita maraqa hasha naasaha
lagaga xidho oo dabadeedna jaqa kadibna waxaa loo
sameeyaa intaa nirigta carabka dhexdiisa laga dalooliyo
ayaa lageliyaa qori yar oo laba madax oo buur buuran
leh kadibna sidaas ayaa ay kudaysaa hashii kadibna ay
ku gudhaa hashu qorigaas yar ayaa lagu magacaabaa
carab daar
qalax:
marka hashu diido neefka ay dhasho ama in la maalo
ayaa laba qori oo la kala jeexay lagaga xidhaa dabada
si uu xaarku ugu dhego oo ay u ogalaato in uu jaqo
neefkeedu ama la maalo taas ayaa layidhaahdaa qalax
hadhuub-gaal:
waa weelka lagu maalo geela waxaana laga sameeyaa
geed layidhaahdo qabo

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 81

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

rakaad:
marka geelu joogo darka inta cabtaaba waa ay ka
baxdaa biyaha oo waxaa ay istaagtaa ceelka agtiisa
ayuu istubaa marka uu dhamaado geelii oomanaa ayaa
marka la siidaynaayo geela ayaa lagu soo waabiyaa
biyaha si uu aad uga sii dhargo biyaha dhamaantii
markaas ayaa lasiidaayaa taas ayaa layidhaahdaa
rakaad
qaaje:
qaaje waa fardaha aan qoraxda ka hor jeesan galabtii
ama subaxdii waa na faras cad
xamar:
waa fardaha hadii uu helo kayn aan kabixin ee iska
daaqa geedaha waana faras cas
Ashkir:
Faraska aan buurta mari ama haduu marana qunyar u
dhutiya ee aan deg-deg u marin ayaa layidhaahdaa
Ashkir
Ba,roor:
Faraska ugu dheereeya fardayaasha mell walbana
mara ayaa layidhaahdaa baroor waana faraska afarta
qoob iyo san-qaroorka madow waa na faraskii uu
sheekadii odaygii fardayaa yaqaanka ahaa iyo
inankiisii tuugta ahaana uu ku lahaa odaygu inanka
aabe ma haysaa faras afarta-qoob iyo san-qaroorka
madow oo raarta danbe fadhiya oo raafka ku xoqaaya
ooda uu yidhi haa uu ugu jawaabay odaygii maandhe
jaraha inoo sudh

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 82

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Habkii & hanaankii hidaha


&dhaqanka ee haasaawihii hore
Haasaawihii geenyo & gadhyare
Hordhac:
Gadhyare waxaa uu ahaa nin geel xer ah( geel jirre )
Weligii na aan guri yeelan oo doob ah maalin maalmaha
kamid ah ayaa waxaa uu la kulmay isagaa oo geel
raacdaynaya innan qurux, aqoon , garasho dheeraad
ah , haybad iyo xishood ilaahay ku manaystay cida
heshaana nasiib leedahay
Oo geed maydhax ka diiranaysa sidii caadada u ahayd
wiilka iyo gabadha markay haasaawayaan waxaa uu
gadh-yare isagaa oo geed ay geenyo xaga shishe ka
taagnayd isna dhinaca kale ka soo istaagay ka dibna
kubilaabay maxaa la sheegay geenyana ugu jawaabtay
waa barinee xagaase
Halkaasna ka bilaabantahay sidii caadada u ahayd
wiilka iyo gabadhu ka dibna lays dhaafsaday hadalo
xigmadaysan sida
Hal-xidhaalayaal, maahmaahyo , & hadalo sarbeeb ah
iyadoo ay sababtu tahay in mid waliba ogaado ka kale
heeraabta aragtidiisu halka ay gaadhsiisan tahay
waxaa hadalka horqaadan jiray wiilka.
Waxaa uu gadh yare hadalkiisii ku bilaabay hawaalo,
waran iyo halqabsi uu saaxiibkii gargaare ay
halbootaalaha & jaflada isla yaqaaneen .

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 83

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Hadhow toole hor-dhigayo gadhyare waxaa uu na yidhi


sidan
Ma ogtahay gargaaroow
Adduunyadan gabaabsatayee
Dhaqankeedu gabashiyay
Shalay innan gadiidkii
Gabadhaan ku soo baxay
galool diiranaysoo
gudinay ku goysiyo
gaaleefna sidatoo
xadhigii giraanaaye
sida goodka duubnaana
gacanteeda bidix iyo
garabka ugu raran yahay

waxaa uu warka siinayaaa saaxiibkii gabdhii uu shalay


arkay waxaana uu uga sheekeeyey sifihii u gaarka ahaa
ee inanta isaga oo u soo koobaya , iyo waxay haysay
siddi ay ahayd

kadibna uga sii gudbay raganimadiisii uu muujinayo iyo


sida hufan ee uu ula hadlay gabadhii nasiibka roonayd
ugana waramayo saaxiibkii
ayaa waxaa uu saaxiibkiigargaare ku yidhi :

aniguna ma gees marine


socodkaygii gaabsadayoo
u gudbiyay salaanoo
iyaduna gudoonsatayoo
waxaan idhi gargaaroow
gabadh yahay garayskiyo
googarada culusiyo

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 84

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

go,a weli hagoogani


geestaad katimi iyo
gurigiina ii sheeg

iyadii oo u jawaabaysa una sheegaysa su,aalahan uu


waydiiyey wiilku
laakiin u fahan tahay su,aalahan ku saabsan gurigooda
inay gaajo hayso wiilka ayaa waxaa ay tidhi:

gurxankan aad maqlaysiyo


gurigan baan ka soo baxay
inna keen ku geeyee
xiiliguna gu,weeyee

waa caadadii lagu yiqiin dhalin yaradii hore e isaga oo


qajilaya gadh yare kana xishoonaya gurigooda ay tidhi
innantii inakeen ku geeyee fahmayna su,aalihiisii uu
waydiiyey sida ay u qaadatay una sheegaya inaanu
baahi qabin martina doonayn oo uu doonaayo inay u
sheegto haybteeda iyo cida ay tahay
ayaa waxaa uu yidhi :

kaa geysan gabadhyahay e


naa maan ihi nin goolmoonoo
gubashiyo haraad qaba e
waxaan ahay horsed geele
haybtiina guudiyo
gacalkaana ii sheeg

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 85

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

iyadoo si bayaan ah ugu sheegin oo si sarbeeb ah ugu


sheegaysa una sheegaysa sumadooda ayaa waxaa ay
tidhi :

haybsigu gadaa weeyoo


gobbay caadadeed tahaye
ama garo ama ha garan noo
gololaanu leenahayoo
geelayaga u guudmara

jawaabtii iyadoo hore ugu sheegtay ayaa waxaa ay tidhi


waa taa sumadii geelayaga ee garo isaga oo wiilkii u
sheegaaya inuu gartay haybtooda, laakiin uga gudbaya
waydiinayana garoob iyo gabadh ta , ay tahay in laguur
saday iyo in ay weli inan tahay ayaa waxaa uu yidhi :

naa iyadana garwaaqsadayoo


geeliina sumadiisee
gartay haybtii gacalkaaye
ma gabadh guri, leh baa tahayoo
gu,gii dhawayd laguursadayoo
weli aan galgala bixin
mise innan gashaantiyahoo
gobol noqotay baad tahay

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 86

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

innantii oo dareen ku dhashay una sheegaysa inay tahay


innan welina aanay guur dhankiisa u kicin ayaa tidhi:

inan yahaow galgalashadu


waxaad uga gol leedahay
way soo gadaal bixiye
weli gabadh yarbaan ahayoo
gurigoodii joogte ,e
guur hayla soo gelin

waxaa uu isna u sheegayaa inaan lays gaadhin weli


laakiin se magaceedana ugu darto ayaa waxaa uu jidhi

naa inkastaanan gun tii haynoo


hadalku igu godanyahay
laakiin gar-qaataye
magacaaga gaarka ahna
gabadh yahay bal ii sheeg

waa tii lagu yiqiinay inay marka hore habluhu is yara


giijaan oo aanay markiiba caadi u waramine gabadhii
ayaa cirka isla martay halkaana ku gacan saydhay
wiilkii oo kuna tidhi :

oo maadigaan igaranayn iyo


Anaan garasho kuu qabinoo
Goobtan uun isugu nimibaad
Magacayga gaarka ahna
Gacalow I waydiin

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 87

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Inankii oo hadal qaboojinaya weli haasaawaha si aanay


dooduna faraha uga bixin laakiin ka codsanaya inay u
sheegto magaceeda ayaa waxaa uu yidhi :

Naa hadalku waa gun iyo baare


Haasaawihii gargara baxay iyo
Gabaygii ha soo celine
Magacaaga gaarka ahna
gabadh yahay bal ii sheeg

markaa waxay u sheegaysaa magaceedii mar hadii uu ka


hadhi waayey oo uu waydiiyey magaceeda dhawr jeer
kuna celceliyey, ayaa waxay tidhi:

waa digan u gubanaayee


magacayga goobaayee
geenyaa layidhaahdaa

inankii oo inanta magaceeda u qaadan la, oo aanu


maqlina gamaan mooyee gabadh magacan layidhaahdo
ayaa waxaa uu yidhi:

naa geenyo waa gamaan farasoo


gabadh loogu yeedhaana
geyigaba kumaan arage
magacaaga gaarka ahna
gabadhyahay bal ii sheeg

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 88

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

iyadoo laysku cagaagey oo xaaladiina kulushahay


innantina ka dhaadhicinaysa in layidhaahdo magaca
geenyo ayaa waxaa ay tidhi:

inanyahow hadalka gawraa iyo


goondhabada hay celine
geenyaa layidhaahdaa

innankii markii uu arkay inay ku adkaysanayso magacii


ayaa ileen waa isma gabee hadana haasaawihii meel
kale ka fad kicinayaa si aanu u soo oodmin haasaawihii
galgala baxay ayaa waxaa uu yidhi

waayahaye geenyooy
waxaa galabta sheeko leh
casrigan lagaadhiyo
weli guri caskaad taale
ruuxaagan gaamurayee
garashiyo aqoonta lahee
quruxduna ku gobo, tidhi
maxaa geedka qodaxda leh iyo
weli gumarta kugu xidhay
miyaanad geenyooy
geyigaba warkii hayn ,
in adduunku guuraayoo
geedigu jiciirtayoo
bada guure lagu marayoo
yurub loogu galay lacag,
oo hablihii gankaaga ahaa
gacalkii ay ka dhoofeeniyo
reerii gargaareenoo
gawaadhi dhaadheer iyo

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 89

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

guryo ay u jeexeenoo
lacagtuna gingiman tahayoo
dahabshiil ka goostaan
maxaa adiga gawraarkii iyo
miyigii go,doonka ahaa
weli kugu gabaanadayee
garba duubka kuu xidhay?

Markaas geenyo aad iyo aad bay uga xumaatay


wadaniyad nimadeeda &dhaqankeedii uu gadhyare
leeyahay maxaa u dhaafi wayday dhaqanka baas ee
miyiga uun ah
Iyadoo u muujinaysa muqadisnimadeeda iyo wadani
nimadeeda una sheegaysa inuu meel kaga dhacay
hidaha & dhaqankeedii uuna kala dhantaalay inu
sheegaysa inaanay marnaba ka guuray dhaqankeeda
ayaa ay ugu jawaabtay sidan:

Gabshadii qarsoonaydiyo
Gocondhadii aan sheegayey iyo
Waa kaa gaarkii soo baxay
Inkastoo gol qabashada iyo
Goofaadhigaagani
Inanyahow gef igu yahay
Maxaa geedka qodaxda leh iyo
Weli gumarta kugu xidhay
gabay baa lagaa yidhi
marka hore garwaaqsoo
geyigan baanu leenahayoo
ido gorod madow iyo
geeslayda xoolaha iyo
gurgurshaa la dhaansado iyo

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land )Page: 90

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

geelu noogu dhaqan yahayoo


guule noogu ogsoon yahay
dad wixii gawaan raacay
gurdankiyo shisheeyaha ee
dhaqankoodii sii gubay
iyaguna garaad ma leh
aniga hayla soo gelin

geenyoo inankii dhulka cagaha uga qaaday welina halkii


kaga sii wada garwaaqsigeedii ayaa ay leedahay weli:

hablihii gankaaga ahaa iyo


gacalkii ay u dhoofeeniyo
reerahay gargaareena
gabay baa lagaa yidhi
ninyahow innan gashaantiyahoo
gacantii hooyadeed iyo
gurigoodii dhaaftoo
gooneeto xidhatay
guul daraan u haystaaye
iyadana hayla soo gelin

halkaa waxay jawaab kooban oo xigmadina, iyo


muqadisnimadeedii kugu soo koobtay wiil kii gadh yare
una sheegtay inay ka xuntahay muqadasnimadeedii uu
yidhi iska dhig dhaqankaaga iyo wadani nimadaada
una sheegaysa inaanu halkaa mar danbe ku soo qaadin
oo lehna soo koob baalo dhigad kaaga oo hadal kana
mucda taabo ayaa ay tidhi :

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land )Page: 91

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

hadalkuna go,aankiyo
gawduu ku wacan yahay e
haduu sida gud-gude rooboo
gudcur iyo habeen da,ay
gaydh iyo qayoodiyo
gabedhkeeno waa khalad
balse guurtiibaa tidhi
geesigu ma gaagaxo e,
inanyahow gadiidkii
xaajadaynu godalnay
may gaasabixin weli
qoraxduna gabaabsiday
reerkuna geedi weeyaanoo
socotaa galfeedhiyo
galool hogato loo diray
adiguna galiilyada iyo
waadigan giirka kicinaayoo
hadalbaa ku goconaayee
guulahay ku nabad geliye
haddii reerku geediyo
waa inoo gumacii tuur-dheer

halkaas markay geenyo marinaysay una sheegtay reerku


inuu geediyahay caawa, laakiin sidaasna kaga hadhayn
haasaawihii ballana qaadaysa inaanay sidaaskaga kaga
hadhayn haasaawaha una sheegaysa meesha reerka
loogu sahan tegay ee loo geediga yahay ayaa ay tuduca
sare ugu soo koobtay

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 92

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

gadhyare waax uu uga taab taabanayaa waxyaabaha ay


geenyo dheertay hablaha kale ayaa waxaa uu yidhi:

waayahaye geenyooy
marka hore garaad dumar
waad u garsho dheertay
marka xiga gobbaad tahaye
guulahay ku nabad geli
marka xiga gufaacadii
maynaan gunaanadinoo
waxaa hadhay gu,iyo dayr
marka xiga na geenyooy
hadii reerku geedi yahay
amba raadka waan guriyoo
gurigiina waan heliye
guulahay ku nabad geliye
waa inoo gumacii tuur-dheer

maadaama ay geenyo balan qaaday inaanay ka baxay


balan taa ay qaaday oo xaaladu taagan tahay dhinacay
ka baxdaa waa bakayle qaleen ayaa uu gadhyarena
balantii ku raacay kuna sii maca salaameeyey guulahay
ku nabad geli :

halkana waxaa laga sii amba qaadayaa uguna sheekay


nayaa hadba halka uu marayo dhanbaaladii geenyo iyo
isaga dhex maray halka uu marayo waxaana uu
saaxiibkii gargaare ku yidhi :

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land )Page: 93

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

hadaba gargaaroow
sheekadu gaftaal malehe
arrinkii geenyo sheegaysiyo
geedigii xaqiiqaawyoo
sahankii geedo soo arag
reerkiina guuryoo
xalay gelin dhexaadkii
dayaxii ku guuree
anna gocasho reenkii
sidii galow ma seexane
talaa igu galgalanaysoo
geenyaa ii hilaacaysoo
waxaan gaaf wareegaba
sawaxankii geediga iyo
galaydhayntii heesaha
iyo goos goos mashxaradeed
iyo gurxankii i laab qaad
sidii gaade aan ahay
godobi ay ka maqan tahay
ama aar gadoodiya
waxaan gaadh ahaadaba
waagii galalacdiisii iyo
gudguduudkii waa beri
xalay igadh aan gaaxsaday iyo
intaan gaawe xoorsaday
oo guntigii u gaabsay
gaadhay gudulkii geediga
weliba geenyo raadkeedii
goonibaan u weheshaday
waxaan sii gash leeyaba

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land )Page: 94

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

markay ahayd gadiidkii


waxaan guudka kaga dhacay
reerka gebi ahaantiiyoo
damal weynoo gurigaa iyo
geed qudhaca isugu tegeyoo
geenyana ay ka gaar tahayoo
gurigii ay gangaamaysoo
gacanta ay ku haysoo
dhigihii iyo af gudubtii iyo
loolkii gudboonyahoo
raradiina giringirinaysoo
weli aan gab lagu siin
garabkeeda midig iyo
gudubkeeda imiyoo
ugudbiyey salaanoo
iyaduna gudoonsatayoo
waxay tidhi gargaaroow
hadalkale hasii geline
waadigan yar Golan golayoo
waad maalin gaashaye
geedkaa hadoodilan
aan gogosha kuu dhigo oo
dabadeed gaawe caano ah
aan kugu gargaaree
gacalow isoo raac

halkaa markay marayso oo uu waxaa uu gashleeyaba uu


soo helay halkii uu reerkii u soo gunti xidhay ayaa uu
uu la kulmay inantii geenyo oo gangaamaysa gurigii
( dhisaysa gurigii) oo markaa dhigii taagtay ayaa uu ku
soo dul dhacay ka dibna u gudbiyey markiiba dhanbaal
salaam ah geenyana ka gudoonsatay

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan ( casayr.land )Page: 95

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Uguna xigsiisay waadigan golongolaye geedkaa


hoostiisa fadhiiso aan hadhuub caano ah kuu keenee
isna uu ugu jawaabay :

Waa yahaye geenyooy


Marka hore gobaad tahaye
Kaa geysan sooryadu
Marka xigana goobtan oo kale
Kuma gayo gasiinkoo
Soortu wayga garanuuge
Gabaygaa ha , ii celin,
Marka xiga gadiidkii
Waanigaa guclaynaayoo
Adigaan ku goobaayoo
Waxaa aan ku golangolayna
Waa gocashadaadee
Ha ku galo garwaaqsigu

Halkaas isagii oo kasii wata gabaygiisii ayaa uu si cad


daaha uga qaadayaa badhaadhihiisa iyo in cidda loo
socdaa iyada tahay tahayna geenyo intay mudantahay
Intii gabadh loogu xillan jirayba ayaa waxaa uu yidhi:

Marka xigana geenyooy


Gaashaanti qaaliya oo
Waxaad tahay la gaataayoo
Anigiyo gayaankay iyo
Wiil gayaani guursado oo
gariimad geeliyo
guunyo badan la dhaafsado oo
weliba gamaan faras iyo
gariinoof la bixiyaa

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 96

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

gaafkiyo arooskana
gool, lagu qalaa weyn
gibladiyo cayaarahana
gobi kuu mashxaradaa

halkaas markay marayso ayaa ay innantii hadalka


qaadanaysaa iyadoo una sheegeysa inaanu noqon mid samir
gaaban oo iska jecel guur iyo aroos ayaa waxay ugu
jawaabtay :

waayahaye gacaloow
marka hore nin gabadh raba oo
guur isaga hammuumaayoo
gaaf iyo aroos jeceloo
samir gaaban yaad noqon
ana goray haldhaa iyo
hayga dhigin goroyo cawshii
laga helay garloo gubayee
galab qudha la fiidhsaday
meeshana xaajo guuniyo
Arrin gure fogbaa yaale
Ha ku gubanin sheekada
Marka xiga gamaan farasiyo
Giriinoofkaad sheegaysiyo
Geelanaad ku faanaysiyo
Goolashanaad ku dhololaysiyo
Isma laha goobtaan joognaa
Ana geedi baan furayoo
Weli maanu luxus goynoo
Goosgoosyadii iyo
Gufadii dugsoonayd iyo
Gur gurkii ma xidhan weliyoo
Gacantaaban ku hayaa

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 97

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

Adna geel- xer baad tahayoo


Raggii kula gorfayn jiray iyo
Gacalkii aad ka dhalatiyo
Guryihii waad ka maqan tahayoo
Goonaabad joogtaa
Gu,gan waynu joognaaye
Guulahayna gaadhsiiye
Gu,ga dambaynu leenahay
Waxaanse uga gol leeyahayoo
Inanyahow gudoonkiyo
U fogeeyey geedigee
Ugu furay galduur iyo
goosaale iyo hawd
hadhaw yaan ganuun adag iyo
guuldarada la eersado iyo
gocasho yaanay soo bixin
sidii guursigii hore
gacalow ahaan jirey
gadhcastii gabawdiyo
ha ka taliso guurtidu

halkaa markay geenyo marinayso oo ay inankiina u sheegtay


inaanu halkan ay hada joogaa ku haboonayn gaaf iyo aroos
uuna reerkii kala quban yahay oo uu geedigii furan yahay
una sheegaysa inuu deg degayo oo uu guur isaga
hammuumaayo una sheegaysa inuu wakhti dheer la siiyo sidii
guurkii hore ahaan jirtay
halkaas ayaa uu gadhyare hadana la wareegay gabaygii oo
uu leeyahay :

waayahaye geenyooy
geeraarka maansada
inta kale gudhweeyee
hadhaw yaan ganuun adag iyo
guuldarada la eersado iyo

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land ) Page: 98

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

gocasho yaanay soo bixin


innanyahay waa garnayl dhacaye
gabaybaa lagaa yidhi
marka hore garwaaqsoo
anigu geeshkanaan ahay
gidigood gob weeyaan
waana guuto xoolo leh
axdigay galaan iyo
wacadkana ma gooyaanoo
diintaa u gumaraa
waxse galabta kugu filanoo
innanyahay gariimada
gaari reerku guursado iyo
weligeedba gabadh timi
kama noqon guryahayaga
adiguna garqaadoo
gardarada badheedhkaa iyo
haw noqon kafkaad tidhi
marka xiga gantaalihii iyo
hadalkii garaysnaayee
ku dhacaayey goonyaha
inkastoo aad gabadh tahayoo
aar gudashadaaduna
aanay ila gudboonayn
hadhaw yaanay goobare iyo
kugu noqonin gariyaad

marka go,aan dumar iyo


ragu gabadh ma aamino e,
mar hadaad guyaal tidhiyoo
ka dul-guurtay dayrtii
gabargaashay sheekaduyoo
adigaa galgaalinayee
wacadbaynu gelaynaa

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land )Page: 99

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Dhaqan-kaab

innanyahay gugaad tidhi


guula hayna gaadhsiiyee
gurigiina sii joogoo
gamco haadis kale iyo
ka ilaali gaadaha oo
anigana wargeyskiyo
hayga gudhiniin sheekada

mar hadii lagu hashiiyeyna haasaawihii uu gugiina maalmo


tiris iska yahayba waxaa hadhay waa gaafkii iyo arooskii oo
la gamgaamo iyo aqal laba daryaale ah halkaasna laga
sameeyo qoys uu ku lamaan yahay laag jacayl

laganafaataxada waa lagama maarmaane loo raaciyo

sheekadani waxay ku
xasuusinaysaa habkii &
hanaankii hidaha & dhaqanka
soomaaliyeed
(xasuusnow habka & hanaanka hidaha & dhaqankeena
soo jireenka ahaa )

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land )Page: 100

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed


Codsi Fadlan ka
faa’idayso
Fadlan haysku
dayin inaad la soo
Buugan una
baxdo buugan
adiga oo aan amar gudbi
ka haysan qoraaga
buuga Walaalahaaga
soomaaliyeed
“hadii kale waa
xaaran””!!!
kugu xaaran

Qalinkii: Casayr Aadan Salleebaan( casayr.land )Page: 100

Habka & hanaanka hidaha & dhaqanka soomaaliyeed

You might also like