You are on page 1of 75

Tudhaale

Tusmada Buugga
 Mahadnaq
 Afeef
 Hordhac
 Hibayn

Tudhaale

Daabacaadii Koowaad
2015

© Xamse Siciid Maxamed

1
Tudhaale

Mahadnaq
Waxaan ugu horayn halkan uga mahad naqayaa Illaahay (SWT), kaas oo ii suurto
galiyey iina fududeeyey inaan Dhiganahan ifka u soo saaro, intaas ka dib waxa kale
oo aan u mahad naqayaa Labadayda waalid oo run ahaantii qayb laxaad leh ka
qaatay inaan soo saaro Dhiganahan kuwaas oo mar walba ila garab taagnaa dhiiri
galin iyo guubaabo aan joogsi lahayn, waxaan sidoo kale u mahad naqayaa
dhammaan cid kasta oo igala qayb qaadatay oo aanan halkan ku soo wada ururin
Karin magacyadooda, shaqsiyaadkii qaybta libaax ka qaatay inuu ifka u soo baxo
buugani, shaqsiyaadkaas waxa ugu horeeya Xuseen C/laahi ( Beergeel ) Hal-abuur
Mowliid ( Ifiye ) , Yaxye Axmed Cabdillaahi iyo Cabdi Kariim Cumar Aadan.
Ibraahim Iid Maxamed, Hoodo Ayaan Suldaan Aadan , Saleebaan Maxamuud
Jaamac, Yacquub Shirbaaye , Abwaan Mursal Sulub, Nasriin Maxamuud
Cabdillaahi (Beergeel).

Ugu danbayn waxaan u mahad naqayaa dhammaan cid kasta oo talo iyo tusaale ku
darsatay Buuggan.

Afeef
Waxaan ka afeef dhiganayaa dhammaan khaladaadka ka soo baxa buugan,
waayo Aduunka wax walba sidiisa looma dhamaystiri karo laakiin intii
karaankayga ahayd waan dadaalay waxaanan galiyay fikir aad u qoto-dheer.

Marka laga hadlayo Arimo Bulsheed waa mawduuc aad u gudo balaadhan
laguna soo koobi Karin Hal-Buug iyo wax ka badan toona, laakiin waxaan ka
iftiimiyey intaan ka awooday ee aan xusi karayay.

Maadaama uu buugani ka hadlayo iskuguna dhex jiro sheekooyin kala duwan


oo ku tacaluqa Bulshadeena waxa ka muuqan kara khaladaad, waxaan ka afeef
dhiganayaa sidoo kale inay daabacadani tahay tii Koowaad oo ay
Daabacaadaha danbe ka sii wanaagsanaan doonaan kana sii khaladaad yaraan
doonaan Insha Allah.

Waxaan hubaa in aad ugu yaraan kala dhex bixi doontaan wax idinka anfaca
oo aad noloshiina ku dabaqdaan.

Ugu danbayn waxaan ku soo gabagabaynayaa. Ma khaldame waa Illaahay

2
Tudhaale

Hordhac
Dhiganahan Tudhaale waxa ku xardhan oo ku xariiqan sheekooyin ka
turjumaya dhacdooyin qaarkood dhab yihiin.

Buugani waxa uu iskugu jiraa Sheekooyin Jacayl ah, qaar Dhiirigalineed, iyo
kuwo Wacyigalineed, oo qaarkood yihiin kuwo si dhab ah u dhacay,

Waxa kale oo ay sheeko kastaa wadataa duluc iyo ujeedo u gaar ah oo ka


turjumaya dhacdo dhacday iyo waxa laga faa’idi karo.

Sidoo kale waxa soo raaca sheekooyinkan odhaahyo murtiyaysan oo ka


hadlaya waaqiciga dhabta ah kuwaas oo aynu odhan karno waa qaar laga dhex
arki karo Dhiiri galin iyo xamaasad sababi karta inuu qofku hadafkiisa ku
gaadhi karo.

Waxaan rajaynayaa inuu wax wayn ka tari doono una faa’iidayn doono qofka
kasta oo akhrista si fiicana u dhuuxa mucda iyo murtida ku jirta Dhiganahan.

Warbixin Ku Saabsan Qoraaga


Buugan waxa qoray Xamse Siciid Maxamed (Kuuriya)

Waxa uu dhashay December 1992-kii, oo uu ku dhashay Dawlad Deegaanka


Soomaalida Ethiopia (Dulcad).

Waxa uu ku soo barbaaray Magaalada Hargaysa Waxbarashadiisii hoosena


uu ka bilaabay Madarasad ku taala Xaafada Cabaaye ee Degmada Gacan
Libaax ee Magaalada Hargaysa oo lagu magacabo (Cabdilaahi Binu Mascuud)
sanadkii 2001. Isla waqtigaasi waxa uu sidoo kale galay Dugsiga

Naasa-Hablood (Waraabe-Salaan) ee ku yaala isla xaafadaasi uu daganaa


kuna qaatay heerkiisi waxbarasho ee hoose.

3
Tudhaale

Waxbarashadiisii Dugsiga Dhexe waxa uu ku qaatay Dugsiga Sheekh Madar

(Xuseen Giire) isagoo soo khatimay Waxbarashadiisii Hoose-Dhexe sanadkii


2009.

Waxbarashadiisii Sare waxa uu ku qaatay Dugsiyada kala ah 26 June, Faarax


Oomaar iyo Dugsiga 17 May oo uu ku soo khatimay waxbarashadiisii Dusgiga
Sare 2013.

Qoraagu waxa uu Markii uu ka baxay Dugsiga sare sii watay


Waxbarashadiisii, isaga oo u go’ay xirfaddiisa Qoraanimo iyo Tabobaranimo;
kuwaas oo ah kuwo uu jeclaa immikana Bulshada uu ugu adeego, Qoraagu
waxa uu 03.December.2015 furay oo uu aasaasay Akaademiga Tudhaale, kaas
oo ah mid ka dhisan Magaalada Hargeysa, laguna bixiyo Tabobaro ku saabsan
horumarinta Hab-fikirka Aadamaha iyo Tayaynta Shaqsiyadda.

Waxa uu Xamse Tudhaale ka bartay Aalada Internet-ka Koorasyo kala duwan


oo ku saabsan Mawhibadiisan Tabobaranimo iyo Qoraanimo, waana mid ka
mid ah Dhallinyarada ugu saamaynta badan ee Soomaaliyeed.

Hibayn
Dhiganahan Tudhaale waxaan u hibeeyey cid kasta oo jecel
Akhriska iyo Qoraalka, sidoo kalena jecel inay horumar
gaadhaan oo ay noqdaan qaar ka buuxiya Bulshadooda bartii ay
ku haboonaayeen dadaalna la yimaada.

Tuducyada
Qaybta 1aad

1. Bukaankii Riyada!
2. Waad Awoodaa!
3. Waan Ku Hungoobay Himiladaydii Waanan Hoobtay!
4. Maadiga Waxba Arkayba!

4
Tudhaale

Qaybta 2aad

5. Ma Anigaa Gabadha Kula Qabay?


6. Samirku waa Shiidaalka Rejjada
7. Adeer Waa Carab iyo Waa Gaal Isma Qabatee Kala Daaya
8. Nabsi Iyo Jacayl

Qaybta 3aad

9. Jacaylkii Dhiiga Raacay!


10. Isa Seegnay Inaguye Ubadka Aan Isa Siino
11. Waligay Guursan Maayo!
12. Lamaanaha casriga Iyo Dhibaatada Facebook-ga

Qaybta 4aad

13. Jacaylkii Qabyoobay!


14. Godob Caashaq U Eeg
15. Aabo Gabay Xilkiisii
16. Dayac Hooyo Ka Danbaysay!
17. U Hiili Naftaada

Qaybta 5aad

18. Odhaahyo Dhiiri-galineed

Bukaankii Riyada!

5
Tudhaale

Baribaa nin isaga oo hurda ku riyooday, isaga oo xanuunsaday oo ay calooshu


xanuunayso, deetana waxa uu soo toosay isaga oo xanuunsanaya, una
xanuunsanaya sidii uu ku riyooday, waxaana uu u sheegay xaafadiisii inuu
xanuunsanayo. Waxay geeyeen Farmasi ku ag dhawaa xaafada uu deganaa,
waxaana dhex martay sheekadan isaga iyo dhakhtarkii:-
Dakhtar: Halkee ku xanuunaysa ee aad ka cabanaysaa se sidee laguu hayaa?
Ninkii: Dhakhtar waxaan xalay ku riyooday aniga oo xanuunsanaya, oo
calooshu I xanuunayso, deetana markaan soo kacayba, waxaan so kacay
anigoo u bukoonaya sidii aan riyada ugu bukooday.

Dakhtarkii isaga oo dhoola cadaynaya ayuu yidhi “ Anigu waligay, ma arag


mana maqal qof ku xanuunsaday Riyo, ee bal hadana xalkeeda waan isku
dayaya iyo sidii aad ku bogsan lahayd.”

Ninkii: Waayahay dhakhtar.

6
Tudhaale

Deetana dhakhtarkii waxa uu u qoray dawo ka bogsiisa calool xanuunka,


Ninkii markii uu gurigiisii tagay ee uu dawadii isticmaalay ayuu dareemay
inaanu wax is badal ahi ku dhicin, oo uu wali jirran yahay.
Waxa uu u tagay dhakhtar kale, dhakhtarkii ayuu uga waramay sheekadii ku
dhacaday iyo sida uu u xanuunsaday iyo waliba inuu sidoo kale dhakhtar ka
horeeyey soo maray oo aanu wali dawooyinkisii ku caafimaadin ama se wax is
badal ahba iskaga dareemin.

Dhakhtarkii ayaa isagoo yaaban u sheegay inaanu waligii maqal dhacdadan ku


dhacday bukaankan, waxaana uu yidhi “xanuunkaagu maaha mid uu dhakhtar
dawayn karee waxaad u tagtaa dhakhtar yaqaana Cilmi Nafsiga (Psychology)
kaasaa laga yaaba inuu dawadaada helee.”

Ninkii waxa uu soo laabtay isaga oo laftigiisu niyad jabsan oo isleh


“dhakhtarka cilmigaa yaqaana tollow xagee laga helayaa?!,” markii uu gurigii
yimid ayuu u sheegay xaafadiisii taladii la soo siiyey, deetana muddo yar ka
dib markii la raadiyey ayaa la soo helay dhakhtar yaqaana Cilmi nafsiga kuna
takhasusay cilmigaas.
Markii loo geeyey dhakhtarkii ayaa waxa uu uga waramay sheekadii ku
dhacday, deetana dhakhtarkii Cilmi nafsiga yaqaanay ayaa inta uu dhoola
cadeeyey ku yidhi “Ma tihid qofkii ugu horeeyey ee aan ku arkay dhacdadan,
waanay sahlan tahay in la daweeyo, umanaad baahnayn inaad qaadato
kiniinadaas hore aad u isticmaashay, imikana waxaan kuu qorayaa dawo
dhakhso kaaga biisa oo aanad bariba ku soo toosayn xanuunka ku haya, Insha
Allah.”
Ninkii isaga oo aad u faraxsan ayuu dhakhtarkii Cilmi nafsiga yaqaanay ku
yidhi “Aad baad u mahadsantahay dhakhtar”, waxaanay niyadiisu noqotay
markiiba mid dagan oo warwarkii ka yara khafiifay firfircoonina gashay, ka
dibna waxa uu dhakhtarkii ku yidhi “Caawa markaad seexanayso waxaad
qooshataa xabad liin dhanaan ah, deetana cab oo ku seexo waxaad ku riyoon
doontaa adiga oo caafimaaday, waana hubaal inaad caafimaad heli doonto
Insha Allah.”
Ninkii waxa uu reerkiisii ku soo laabtay isaga oo aad u farxsan oo helay qayb
ka mid ah caafimaadkiisii, niyadiina sii u dagtay.
Habeenimadii markii ay gaadhay ee uu sii seexanayay waxa uu sameeyey sidii
dhakhtarku soo faray.

7
Tudhaale

Subaxii markii uu soo kacay waxa uu soo kacay isaga oo caafimaad qaba,
sidiisii horena ku soo laabtay firfircoonina ku jirto.
Waxaana uu isaga oo qoslaya faraxsana taabtay calooshiisa oo uu yidhi “ Nin
Riyo ku bukooday Riyo ayaa lagu daweeyaa.”

Dulucda Sheekada
(Qalbigu waa muraayad laga dhex arko hadba waxa la aamino ama lays
aaminsiiyo)

8
Tudhaale

Waad Awooda!

Waxay ahayd qof wanaagsan oo ku dayasho mudan markaad eegto


akhlaaqdeeda, wuxuu Alle ku manaystay qurux joog iyo jamaalba leh, waxay
ahayd qof dhamaystiran garaadkeeduna wacanyahay.

Hablaha kula nool deegaankeedu waxay ahaayeen qaar kaga dayda dhaqan
wanaaga oo qof la mahadiyey ayay ahayd. Dugsiga sare ayay heer aqooneedna
maraysay waxaanay ahayd ardayad xariifad ah oo ardaydeeda iyo
macalimiinteeduba aad u wada majeertaan.

Waxay ku naaloonaysay nolol ay ka buuxdo farxad iyo badhaadhe ay kula


noolayd qoyskeeda iyo asxaabteeda, sidii caadada u ahayd ayaa subax

9
Tudhaale

subaxaha ka mid ah ay soo istaagtay bartii wadada dhinaceeda ee ay ka raaci


jirtay baska geeya Dugsiga, aad ayay u faraxsanayd oo firfircooni ayaa ku
jirtay, in cabaar ah markay taagnayd ayay mar kaliya indhaheedu qabteen
gaadhi wadada ka baxay oo dhankeeda u soo xadhko goostay si xawli ahna u
socda, deetana si dag dag ah ayay isku kala jeedisay si ay uga cararto
masiibadan ku soo foolka leh laakiin qadar lama baajin karee waxa la silbaday
Kabihii ay xidhnayd oo dhulka ayay ku dhacday intaanu gaadhigu soo gaadhin
dabadeed gaadhigii ayaa soo gaadhay markaas ayaana ugu danbaysay miyir
sababtoo ah way naxday oo ay miir doorsoontay, waxay indhaha ku soo kala
qaaday iyada oo sariir dhakhtarka dhexdiisa ah taala oo dadkeedii wada dul
hoganayaan iyagoo murugaysan.

Waxay u sheegeen in laga gooyay lug oo ay hadda ka dib naafo noqonayso!,


oohin ayay qabsatay laakiin go’aan ayay hadana gaadhay oo waxay gaadhay
inay waxbarashada halkaa ka sii wado ee aanay joojin, waxaanay aamintay
inaanay waxba ka hor istaagi Karin himiladeedii dheerayd ee ay ku hamiyi
jirtay Oo ahayd inay nolosha heer ka gaadho.

Muddo ka dib way bogsatay waxaana laga soo saaray Dhakhtarkii dibna
waxay ugu laabatay waxbarashadii, Dugsigay ku tagi jirtay lugaheeda waxay
ku tagtaa Baaskilad curyaan laakiin kama niyad jabto oo qadarka Illaahay way
aamintay.

Ardaydeeda ay isku galaaska ahaayeen qaar badan oo raaci jiray markii hore
ayay imika kala hadheen yasid ay yasayaan daraadeed, iyana umabay joojin ee
waxay heshay qaar kale oo garab gala dhiiri galina siiya oo niyada u dhisa.

Waxay noqotay mid ka mid ah ardaydii ugu saraysay Dugsigeeda waxaanay


heshay deeq waxbarasho oo bilaash ah (Scholarship) oo wadankeeda gudihiisa
ah.

Markay aragtay inay qaaday talaabo wax ku ool ah oo horumar ayay


niyadeedii aad u sii dagtay xaqiiqsatayna inay hore u socon karto wali oo
aanay waxba hor istaagi Karin.

Waxay hadana bilowday jaamacadii oo ay ka mid noqotay ardayda ugu cad-


cad fasalkooda, ardayduna ixtiraam dheeri ah siiso lagana danbeeyo.

10
Tudhaale

Ugu danbayntii waxay soo gabagabaysay heerkii koowaad ee


waxbarashadeeda jaamacadeed waxaanay ka qayb qaadatay horumarka
Dadkeeda iyo Dalkeedaba oo ay ka noqotay qof leh magac iyo maamuus oo
hawlaha horumarineed ee bulshadeeda ka qayb qaata.

Dulucda sheekada
(Inaad himiladaada gaadho waxa kaa xiga intuu dadaalkaaga,
hankaaga,rabitaankaaga iyo samirkaagu leegyahay oo qudha.)

Dulucda sheekada

(Inaad himiladaada gaadho waxa kaa xiga intuu dadaalkaaga,


hankaaga,rabitaankaaga iyo samirkaagu leegyahay oo qudha.)

Maahmaahda :SAMRAA SEDKII HELA.

11
Tudhaale

Waan Ku Hungoobay Himiladaydii


Waanan Hoobtay!

Dhamays waxay ahayd Gabadh leh qurux haybad iyo sharaf, oo asaageed
dheer akhlaaq iyo wanaag aan qiyaas lahayn.

Waxay ka dhalatay qoys lacagley ah oo oo magac iyo mansab wanaagsan


bulshada ku dhex leh, waxbarashada waxay maraysay heer jaamacadeed oo
mustaqbalkeeda waxbarasho waxa uu ahaa mid u widhwidhaya sida xidigaha,
waayo waxay ku wanaagsanayd waxbarashada, qof garaad iyo garasho lehna
way ahayd.

Waxay ku noolayd gurri qurux badan oo aad qasri moodo, wax kasta oo ay
doonaysana way helaysay oo way iibsanaysay waayo lacagtu may ahayn wax
ku qaali ah dhankeeda ama ku adag inay hesho maadaama ay ka dhalatay qoys
ladan.

Nin walba oo xaafada kula noolaa wuu ku hamiyi jiray inuu maalin uun ku
dhigo gacanta si uu qalbiigeeda u hanto mustqabalna ula wadaago.

12
Tudhaale

Dhamays in badan oo ka mid ah hablaha ay saaxiibka yihiin ayaa tahriibtay


iyada laftigeedana waxa saamaysay laydhii Tahriibta.

Waxay damacday inay dhoofto laakiin aabaheed ayaa ku qaadacay arinkeedii


waanu u diiday waxaanu u balan qaaday inay nolol kasta oo ay doonayso ku
noolaanayso laakiin ay joogto Waddankeeda oo aanay dhinacna uga bixin.

Way aqbshay arrinkaas laakiin hadana niyadeedu waxay iska jeclaatay inay
yurub tagto mar uun oo ay ku noolaato.

Hadaba waxa carqalad ku noqday aabaheed oo ay balan ka qaaday hadana


dhag jalaq umay siin ee waxay raacday gabdho kale oo ay saaxiibo ahaayeen
iyo dhawr wiil oo ay is yaqaaneen kuwaas oo ku guubaabiyey inay raacdo
lacagna soo xado iyo waxay karaysaba ee kale, iyagoo uga dan lahaa inay ku
meel gaadhaan lacagtaas ay soo qaadayso maadama ay tahay lacagleey.

Dhamays caqliga kamay shaqaysiin, manay xasuusan balankay la gashay


aabaheed ee si indho la’aan ah oo damiir xumo ku jirto ayay u soo xaday lacag
badan iyo dahab ay hooyadeed lahayd.

Waxay raacday asxaabteedii, waxayna afka saartay jid dhibaato, dil, diif, gaajo
iyo daalba leh, waanay u badheedhay wadiiqadaa xanuunka badan laakiin
aanay ogayn waxa ka danbeeya ee ay kala kulmi doonto waxay se garanaysaa
inay ku socoto jidkii Yurub gaynayay oo qudha!

Isla markii ay ka baxday magaalada waxay dareentay cabsi xoog leh hadana
way calool adaygtay.

Dhamays maanta waa maalin ay u bilaabantay nolol adag oo dhibaatooyin


taxane ah leh, waa maalin ay ka baxday xayndaabkii nolosha raaxada leh ee ay
ku noolayd gashayna nolol cakiran oo cadiban ciqaabteedana leh, waa maalin
ay ka baxday dadkii sharfayey ee u hanwaynaa waajahdayna dad cadaw ah oo
aan aqoon waxay tahay oo baabiin doona, taas oo haday ogtahay waxa ka soo
gaadhi doona ku haminteeda Tahriib iyo Yurub toona aanay haybsateen.

Dhamays waxay habeenkii ugu horaysay u dhaxday meel kayn ah iyada iyo
asxaabteedii ay raacdayba, dhaxan ayay dareemaysaa laakiin waxaaba kaga

13
Tudhaale

darran xayawaanka iyo masaska cabsida leh ee ay mararka qaar indhaheedu ku


dhacayaan, durtaba waxay bilowday inay u xiisto xaafadoodii oo ay ka

qoomamayso socdaalkan ay gashay, laakiin ma joogto meel ay ka soo laabato


oo masaafad aad u fog ayay ka soo dheeraatay dhulkeedii walina waxa ku jira
hamigay yurub u qabtay.

Subaxnimadii ayay ka jarmaadeen meeshii ay u dhaxeen habeenimadii, safar


dheer ka dib waxay afka uga gashay dad cawaan ah oo gacanta ku dhigay
iyada iyo intii la socotayba waxaanay ku bilaabeen jidh dil aan caadi ahayn.

Inantii quruxda iyo qaayaha lahayd way qombobtay oo geed qalalay ayay u
eekatay diif iyo daalna korkeeda ayuu ka soo baxay, waxa u bilaabantay
noloshii cadilayd ee aynu soo sheegnay.

Waxa la kulmay oo dariiqa ay marayeen ku qabtay Rag cawaaan ah,


dhammaantoodna gacanta ayaa lagu dhigay oo dhammaan wixii ay siteen ee
ahaa Dahab iyo Lacagba way kala wareegeen oo qasab ayay kaga qaadeen.

Isla markii ay arkeen ragii quruxda Dhamays qaar badan ayuu damac ka galay
deetana waxay kula kaceen kufsi wadareed, gaajadii iyo haraadkii iyo daalkii
ayuu ugu biiray kufsi. Ma haysato xiitaa waxay siisato cunto ay quudato
waxaana afkeeda ku sawran luunka gaajada, dirqibaanay ku socotaa iyadoo
caga jiidaysa talaabadana qunyar qaadaysa ayay isku dayday inay baxsato
laakiin way awoodi kari wayday, asxaabteedii waxba umay qaban karayn
mana laha awood ay wax kaga celiyaan oo iyagiibaaba la cararay nafahoodii,
markay ku bilaabeen kufsigii ayaa intii kalena qori loola baxay oo lakala
eryaday qaar dhinta oo kabaha lala dul maro iyo in badbaaday ayay dadkii u
kala baxeen.

Markay ka dhamaysteen dantoodii ayay iska sii daayeen iyagoo ku dheel


dheelaya, may moodayn inuu sidan oo dhan u dhibaato badanyahay tahriibku
waxay iyada oo la ciirciiraysa dhibaatadii ka soo gaadhay kufsiga, gaajo iyo
haraadna u raaceen hoos fadhiisatay geed qodxo badan leh. Iyadoo ku
calaacalaysa “ Waan ku hungoobay Yurub Waanan Hoobtay ee Illaahayoow ii
gargaar”

14
Tudhaale

Waxay dhexda u gashay cadow aan dadkeedii ahayn oo waraabayaal ah iyada


oo naftu ka sii baxayso oo ooyi kari la’a gaajo iyo haraad daraadii ayuu kuwii
kufsaday mid ka mid ah kala daba yimid soodh oo intuu la soo baxay dhuunta
kaga kala gooyay kana dul talaabsaday, hilbaheediina haadu la kala booday.

Waxay ka soo carartay dhulkeedii hooyo ee ay Nabada, sharafta iyo


dadkeedaba ku haysatay ee laga qadarinayay waxaanay soo gashay dhul aan
laga aqoon oo ay ka liidato xayawaanka, Gaajo kamay soo cararin colaadna
kamay soo qixin ee xiise laab la kac ah ayay u qaaday yurub oo ay iska
jeclaysatay inay tagto oo ay soo aragto, kuna noolaato.

Waxay ku dhimatay silic iyo saxariir iyo saxare cidlo ciirsi la’ ah oo cadow ka
buuxo, rajadeedii ay lahayd ee mustqabal bartaasay ku soo af go’day

Reerkoodii yabooh iyo baafin ka dib waxay ogaadeen inay dhimatay


gabadhoodii oo ay haaddu barri hore lakala yaaceen hilbaheedii!.

Dulucda Sheekada

(Haybad waxaad ku leedahay Dhulkaaga Hooyo)

15
Tudhaale

Ma Adiga Waxba Arkayba!

Waa saddex nin oo hinaasiyiin ah oo ku kulmay meel, deetana wadaagay


dhacdooyinkay kala kulmeen hinaasaha.

Ninkii koowaad ayaa wuxuu ku bilaabay hadalka “gurrigayga waxaan tagi


jiray salaada makhrib, deetana habeen habeenada ka mid ah ayaan xaflad
asxaabtayda kala qayb galay, niyada iyo qalbiga waxa ku soo degdegay caawa
lagaa faa’iidaysay, deetana xagii gurriga ayaan u soo kicitimay waan garaacay,
in cabaar ah ka dib waa layga furay, maskaxdayda waxa ka dhex guuxaysay
wataa lagugu raajiyoo waa la sii qarinayaa.

Markii layga furay ayaan soo baadhay qolalkii oo dhan laakiin kumaan qancin
baadhitaankaa aan sameeyey, cadho anigoo bakhtiisan ayaan dibadda u soo
baxay oo aan geed gurriga ku hor yaalla ku tiirsaday deetana midh sigaar ah
ayaan baakidh kala soo baxay oo aan shitay.

16
Tudhaale

Anigoo naftayda la sheekaysanaya oo meel kale ku maqan, ayaan mar kaliya


ku soo baraarugay nin hortayda taagan oo gacanta igu soo fidinaya oo i leh
“waar ii dhiib dabka aan kaa shitee”.

Intaan booday ayaan sanka ka galay oo aan ku yidhi” waad soo habsaantay
adeer.” ninkii ayaa naxay oo dib u istaagay deetana garan waayay dhan uu
uqaaddo hadalkayga, deetana wuu iskaga kay dhaqaaqay isago sii leh “ waar
waxan cilaajka ah ee aan la hadlay muxuu ahaa?”.

Ninkii kale ayaa soo booday oo yidhi “ maa adigaa waxba arkayba”

Deetana wuxuu bilaabay sheekadiisii oo uu yidhi “bal ana I dhagaysta


markayga, waxaan caado u lahaa inaan markaan gurriga imaado aan dusha ka
soo wada xidho dhammaan qollalka oo aan soo handaraabo marka laga reebo
kaan seexanayo, habeen ciid ahayd ayaan aqalka imid goor danbe iyada oo
xaafadu wada hurudo, waxaana iga furtay xaaskaygii, sidii caadada ii ahayd
waan soo wada handaraabay oo waan seexday, markay saqdii dhexe ahayd
ayaan soo baraarugay waxaanan maqlay sanqadh ka baxaysa qolka igu xiga
intaan niyada ka qoslay ayaan naftaydii ku yidhi ‘waar ileen waad habsaantoo
hawshiisii isna wuu dhamaystee meel uu ka baxuu la’ayoo wuu ku cadilmee
bartaa hakuugu xanibnaado ilaa waaga, xoog waynaa sowka gurigiiba
gariiray.

Intaan suuliga galay ayaan markaan ka soo baxay cabaar qolkii hor istaagay
deedna qufulbaan dusha kaga dhag siiyey, waanan hor fadhiistay waagii
ayaana igu dheeraaday, habeenkiiyoo dhana qolkaan hor kuududay.

waagiibaa ‘gallac’ yidhi , deetana waa la soo wada toosay, hangool dhabbiya
ayaan soo diyaarsaday deetana qolkiibaan ka fakh siiyey oo hangoolkii aan
sitay ee aan isla kala jiiday iyo cidii labada neef ee idaha ah ayaa kulmay,isla
markiiba waxaan u yeedhay caruurtayda mid ka mid ah oo aan ku yidhi aabo
yaa inoo keenay waxan wuxuuna iigu jawaabay “ ayeeyo ayaa inoo keentay
xalay si aan saaka u qalano.”

“Gaw! Waxbaba ma idinkaa arkay” ayuu ku jawaabay kii saddexaad isaga oo


madaxa ruxaya markaasuu ku bilaabay isna sheekadiisii sidan “ Meherad
aqalka ka soo horjeeda ayaan hor fadhiisan jiray meel kaga beegan

17
Tudhaale

albaabkayga oo aan ka arkayo si aan uga eego cida galaysa ama ka soo
baxaysa, nin aan saaxiibo ahayn ayaa aad iigu sheekeeyey anigoo albaabkii
eegaya deetana mar ayaan ka yar jeestay isla markaan soo jeestay ayaan arkay
wax ‘miliq’ yidhi oo ka baxay gurigii, ninkii oo sheekadii ii wada ayaan
booday anoon is ogayn oo aan u soo cararay xagaas iyo gurriga.

Ninkii wuu yaabanyahay oo waxa igu dhacay ee aan ka cararuu la yaabay


deedna aqalkii ayaan daf yidhi anoon dhag lay qabto lahayn. naa muxuu ahaa
ninkii soo galay meeshu ayaan waydiiyey xaaskaygii, “ Aabahaybuu ahaa ee
cid kale may soo galin” ayay iigu jawaabtay maan rumaysan waxaase suulliga
ayaan tagay si aan u soo baadho, mise waa lagu jira waan hor istaagay deetana
waxaaba igaga soo booday odaygii soddoga ii ahaa oo yidhi “ Aabo iga raali
ahoow waan ku habsaamee” naxdin intaan qaboobay ayaan yidhi “ Aabo waa
caadi!!!”

Waan galay anigoo khajilsan, dan umaan lahayn suulliga laakiin cida ku jirtaan
eegayay waan iska galay si aan isku dhaafiyo inuu soddogay iga shakiyo, in
cabbaar ah ayaan dhex fadhiyay, waanan ka soo baxay oo xagaygi hore ayaan
ku laabtay anigoo khajillaad bisad ka yar.”

Dulucda sheekada

( Haween nin ilaashay ma soo nabad hoyan.)

18
Tudhaale

Ma Anigaa Gabadha Kula Qabay?

Nin dhalinyaro ah oo Qaadaa ma dherge ah shaqo buurana haysan ayaa


Guursadday, waxaa uu ahaa nin wanaag lagu amaano, Xaas wanaagsan oo
raaliya ahna Eebe waa ku galladay.
Waxaanay ku wada noolaayeen nolol heersaraysa oo farxad iyo jacayl ku
dheehantahay laakiin dhaqaale ku filan may haysan, in muddo ah ka dib ayaa
gabadhii ilme u calool gallay.

Markii ay gabadhii gaadhay sidkii ay ilmaha ay ku umuli lahayd ee ay fooshu


qabatay ayaa la geeyey dhakhtar, in kasta oo aanu ninku sidiisaba haynin
shaqo joogto ah, hadana waxa xiligaasi ku soo beegmay maalmo aanu shaqo
faraha ku haynin, run ahantii waa wax yara murugo leh marka aad xaas
leedahay ee aanad hayn wax camal ah, hadana Illaahay qof talo saartay waxba
ma waaye waxa uu sameeyey calool adayg, dhakhtarkii ayuu geeyey, ninkii
markii uu geeyey xaaskiisii cusbitaalkii ayuu u soo baxay dibada intii hawsha
fooshu socotay, waxa laga doonayay waxooga kharash ah laakiin lacagtu ha
badnaato amase ha yaraatee markaanad waxba gacanta ku haynin waa wax
wayn oo culayskeeda leh.

19
Tudhaale

Waxa uu ninkii fadhiistay meel dhinaca ku haysay dhakhtarka si uu bal


maskaxda intuu ka yara shaqaysiiyo uu meel uu wax ka doono u helo, muddo
yar markii uu fadhiyay ayaaba waxa uu isha qac ku siiyey, Nin ay xiddid
yihiin oo waxooga lacag ah iska haystay, laakiin aan ahayn qof meel fiican ka
sameeya lacagta.

Sare ayuu u kacay oo niyadiisii ayuu waydiiyey tallow maxaad yeesha lacagta
ma ka qaadaa mise waad iska daysaa?

Isagoo wali ay caqligiisa ka guuxayso su’aashaasi ayuu u tagay, salaan ka dib


waxaa uu u sheegay inay gabadhisii ay ku foollanayso dhakhtarka; wax
kharash ahna aanu gacanta ku haynin.

Ninkii intaa uu si jees-jees ah u qoslay ayuu ku yidhi isagoo sanka taagaya


“Waar ma Anigaa kula qabay naagta orod oo adaa qabee dabbar.”

Ninkii isaga oo khajilsan, dhinacna ka xanaaqsan, xagg kalena war war ka


haysto ayuu iskaga dhaqaaqay, waxaana uu ku noqday isla meeshii uu ka soo
kacay, meeshaas waxa ka dhacaysay dabayl siigo wadata maadaama xilligu
ahaa xaggaa, oo uu dhulku wada noqday mid boodh iyo basaas badanba ka
muuqdaan .

Ninkii markii uu waxooga fadhiyay; fikirkii iyo niyad jabkiina ku bateen ayuu
mar kaliya shaydaanka iska naaray, oo intuu kacay tagay masaajid u dhaw,
waana uu wayso qaatay ka dibna waxa uu tukaday laba rakcadood oo salaatul
xaajo ah, waanu soo ducaystay.

Markii uu ka soo baxay masajidkii, ayuu afka soo saaray dariiqii gaynayay
dhakhtarka, isaga oo niyad-san oo Illaahay ka rajaynaya inuu ka soo samato
bixiyo dhibkan ku habsaday.
Sidii aynu hore u soo sheegnay waxa ay ahayd waqti xagaa ah oo ay dabayl

20
Tudhaale

badan dhacaysay dhulkuna uu ahaa mid Ommas ah, dariiqa uu marayay waxa
dhinac kaga taalay gudaafad xashiishka lagu daadiyo, waxay si lama filaan ah
mar kaliya dabayshii xooganayd ee dhacaysay u soo qaaday baakidh sigaar ah
oo ay ku soo tuurtay hortiisa, deetana intuu baakidhkii soo qabtay ayuu ruxay,
waxaana uu maqlay wax ka dhex sanqadhaya.

In kasta oo aanu balwad lahayn ninkani waxa uu hadana ka shakiyey inaanu


sigaar ku jirin ee ay wax kale ku jiraan waxaana uu u kala furay si dag dag ah,
waxaaba kaga soo booday lacag dhowr boqol oo Dollar ah!, ninkii intuu
markiiba is badalay oo ay muragadii iyo daalkii ka ba’ay ayuu Illaahay u
mahad-naqay.

Waxa uu talaabadii u sii dedejiyay xagaa iyo dhakhtarkii, isaga oo ay ka


muuqato kalsooni, isla markiiba waxa niyadiisa ku soo dhacday ka bixi sadaqo
oo masaakiin dhakhtarkii hor joogtay ayuu u qaybiyey waxoogaa lacagtii ka
mid ah.

Deetana waxa uu soo galay qolkii ay ku jirtay afadiisu iyada oo markaas uun
umushay , lacagtii ay rabtay ayuu farta ka saaray kalkaalisadii hawshaa
gashay waxana uu gabadhiisii u soo kireeyey gaadhi, oo uu ku qaaday kuna
geeyey gurigii.

Markii ay barradoodii tageen ayay gabadhii ku tidhi “waar hebel markaad I


soo qaadaysay lacag maad hayne, ma meelbaad ka soo amaahatay waxan oo
lacag ah?.”

Markaasuu ku jawaabay “mayee waa arsaaq Alle meel fudud iga siiyey.”

Waxaaana uu u sheegay wuxuu sameeyey iyo siduu lacagta u helay.

Dulucda Sheekada ( Nin Illaahay talo saartay ma iisho )


MAAHMMAHADA SHEEKADA. (ALLE WATEEN WEHEL UMA BAAHNA)

21
Tudhaale

Samirku waa Shiidaalka Rejjada

Faarax waxa uu ahaa wiil yar oo caqli badan, kaas oo in badan oo qayrkii ah
kaga horeeyey hibbada Illaahay bixiyo ee caqliga ah, wuxuu ahaa qof fikir
wanaagsan mar walbana isku daya inuu heer ka gaadho noloshiisa, waxa uu ku
wanaagsanaa waxbarashada oo wuxuu ahaa arday ku wacan wax akhriska oo
in badan wax akhriya aaminsana naftiisa.

Faarax muu haysan waxay haystaan qaar badan oo ka mid ah qayrkii oo


wuxuu ahaa Rajjay iyo Aggoon oo isagoo dhawr bilood jira ayay hooyadii iyo
aabihiiba mar wada dhinteen, laakiin waxa soo korsatay oo uu la noolyahay
habaryartii oo ahayd qof aad u jecel oo ilaalisa.

22
Tudhaale

Imika geddo ahaan waa ilaa 18 jir waxaana uu ku jiraa dugsiga sarre,
habaryatii waxay ahayd qof aan dhaqaalaheedu ku filnayn laakiin wax walba
oo uu u baahdo way siin jirtay waxbrashadana way kula dadaali jirtay.

Faarax isaga oo ku jira sannadkii ugu danbeeyey ee dugsiga sare rajo fiican iyo
yididiilana ka buuxdo ayuu xaqii u yimid habaryartii, markii la aasay ayuu
habaryartii ninkii qabay u sheegay inaanu gurrigiisa ku soo laabanin ee uu
magaalada galo maadaama ay habaryati ka baxday meeshii.

Faarax waxa soo waajahday xaalad adag oo lama dhaafaan ah laakiin Illaahay
ayuu leeyahay, waxa uu go’aansaday inuu shaqo tago si uu isku dabaro waayo
ma doonayo inuu ku tiirsanado cid kale oo gacan qabata.

Faarax wuu shaqo tagay nasiib wanaag shaqo ayuu helay taas oo ah inuu
noqdo ilaaliye ( watch-man) oo ahaa meel xafiis ah oo Urur iska leeyahay.

Habeenkii ayuu ilaaliyaa Gallinka danbana jaamacada ayuu tagaa wuxuu ahaa
qof dadaal badan oo doonayay inuu ka dhabeeyo riyadiisa ah inuu nolosha
heer sare ka gaadho.

Waxa uu in sannado ahba shaqeeyo ayaa waxa la arkay inuu yahay qof
firfircoon deetana madaxdii Ururka ayaa isku tagtay waxaanay go’aansadeen
maadaama uu yahay qofkani, qof cilmi leh in la dalacsiiyo, si deg deg ahna
waa loo dalacsiiyey oo waxa laga dhigay xog hayn.

Hadadna in muddo ah markuu joogay xafiiskii ayuu mujiyey hawl-karnimo


waxaana uu sii watay dadaalkiisi mar kali ah kamuu caajisin hamigiisii waana
uu samray.

Markii loo qushuucay habka uu shaqada u wado ayaa haddana la dalacsiiyey


oo laga dhigay madaxa shaqaalaha.

Jaamcadisii ayuu dhamaystay waxaana uu ka mid noqday ardaydii ugu


saraysay jaamcadaas uu ka baxay .

wuu ka dhaadhacay shaqadiisii waxaana uu bilaabay ganacsi in muddo ah uu


waday kaas oo si xawli ah u soo kacayay marba marka ka danbaysay.

23
Tudhaale

Ugu danbayntii waxa uu noqday mid ka mid ah ganacsatada ugu waawayn


goobtii uu ku noolaa.

Qof baad tahay guul abuura


qof baad tahay guri yagleela
qof baad tahay gaar ahaanta
ku gaajo baxo oo is keenaa
gankaa kuma dheera caaro
aqoontaaduna ma gaabna
ma gaagaxin aayahaagu
dadkaagana kama go'aysid

dalkaaguna kuma gariifin


galbeed yurub kuma yeedhin
giriiguna kuma baahnaa
gob baad tahay moog inteeda
adiga gayigaagu waa kan

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)

24
Tudhaale

Adeer Waa Carab iyo Waa Gaal Isma


Qabatee Kala Daaya!

Jawigu wuxuu ahaa mid caways oo waayel badan iyo dhalinyaro


cawaynayaan, halkaas oo ahayd meel maqaaxi ah oo ku taala meel magaalo ah,
Xaaji Daacad waxa uu ka soo galay miyiga oo uu ku noolaa muddo badan,
halkaas oo aanu waligii arag ama se maqal wax la yidhaahdo TV, waxa uu
yaqaanay cawaysku inuu ahaa mid la wada sheekaysto oo lays dhaafsado
doodo iyo sheekooyin nuxur iyo madadaalaba iskugu jirta.

Isla markii uu sidaa u soo fadhiistay maqaaxidii ayuu arkay dad wada maqan
oo aanay cidna cid la hadlayn, waa Muuq-baahiyaha ( TV) waxa lagu miyirka
beelay ee lagu maqanyahay, qof walba waxa uu dhuuxayaa waxa uu ku
hadlayo ninkaas, Muuq-baahiyaha ka muuqda.

25
Tudhaale

Waxa uu la yaabay dadkan ku wada miyirka beelay waxan muraayada ka soo


baxay,

deetana odaygii daacadbaa waydiiyey mid ka mid ah Raggii meesha kula


cawaynayay “adeer waxani waa maxay?,” markaasuu ugu jawaabay “Waa
Filim adeer” markaasu hadana ku celiyay “Oo adeer waxan uu ku hadlayaana
waa maxay?,” markaasuu ugu jawaabay waa “Carabi oo waa Nin carab ah oo
Gaal ah!”

Odaygii intuu madaxa ruxay isagoo waji cadho ka muuqato leh oo uu mar
kaliya fadhiga ka booday, ayuu ku dhawaaqay “Adeer waa carab iyo waa gaal
kala daaya isma qabatee miyuu English ku hadlo hadduu diinta ka baxay.?!!
intaas markuu yidhi ayuu isaga oo cadhaysan ayuu ka baxay meeshii, Dadkiina
Qosol mar kaliya isku dareen oo jaanta wadheen.

Dulucda sheekada

“Jaahilnimadu waa xuub maskaxda ku daboolan”

Hadaan faahfaahiyo micnahay xambaarsantahay murtidani waa qofku wuxu


jaahilka ka yahay waa waxaanu arki karin maskax ahaan sidoo kale Jahligu
waa dahaadh fuushan maskaxda bini’aadmka oo marba marka ka danbaysa ka
Jafma markuu cilmi qofku korodhsadaba.

26
Tudhaale

Nabsi Iyo Jacayl

Waxay ahayd goor barqo ah maalin khamiiseed oo jawigu ahaa mid daggan
oo qurux badan maadaama uu cirku daruuro lahaa cadceedana aan la arkayn,
waxa dhacaysay neecoow taas oo markay ku dhacdo laamaha geedku
samaynayeen foodhi qurux badan.

Siman waxay ahayd ardayad heer dugsi sare ah waxay dhigan jirtay dugsi ka
yara fog xaafadooda waxaana dugsiga u qaadi jiray gaadhi (Bas), markii ay
baskii ka soo degtay ee ay dhulka cagta soo saartay ayay indhaha ku dhufatay
Sahal oo oo ahaa wiil xaafadooda ka caan ah oo ay dusha iska yaqaaneen kaas
oo geed hoostii fadhiya oo dhalinyaro badan la fadhiya isla markaana ku
dhaygagay oo aan ka jeedsan ilaa ay baskii ka soo wada daadagtay oo cagaha
dhulka soo wada saartay.

27
Tudhaale

Markii uu baskii dhaqaaqay ee ay iyana la soo simantahay geedkii uu hoos


fadhiyay ayuu mar kaliya fadhigii ka soo ruqaansaday oo uu cagta cagta u soo
saaray, intuu ku soo dhawaaday ayuu hadalkii bilaabay sidan

Sahal: waan ku salaamay Siman

Siman: waan kaa qaaday walaal Sahal

Sahal: walaal dhawanahanba waan ku raadinayay oo waan kuu baahnaa


waxaanan rabay inaan kula sameeyo xidhiidh ee fadlan numberkaaga isii”

Siman iyada oo aan dhinacaa iyo dhinacaa toona eegin ayay ku taabatay
numberkeedii waana ay kala dhaqaaqeen oo halkiisii ayuu dib ugu soo laabtay
Sahal iyana halkii ayay socodkii ka sii wadatay.

Siman way yaabantahay oo waxay u qaadan laadahay inankan xaafadooda ah


ee u soo badheedhay inuu xidhiidh la sameeyo laakiin way ku qanacsanayd
maadaama uu ahaa kuwa ugu wanaagsan dhallinyarada Xaafada.

Hase ahaatee Siman waxay xidhiidh la leedahay qof kale oo ay sanado soo
wada socdeen oo uu xidhiidh ka dhaxeeyay wiil la yidhaahdo Faysal oo
magaalo kale jooga si uu wax ugu soo barto kana tirsan xaafadooda.

Laakiin wali wax jacayl ah oo dhaba oo ay u qaaday muu jirin oo hawadeeda


la ciyaar ayay iska ahayd, maadaama ay siman ahayd gabadh Alle qurux ku
manaystay may danayn jirin inay xidhiidh la samayso qof kali ah, oo nin
kastoo afka la soo galaba way ka hadlin jirtay.

Habeenimadii markii ay gaadhay ayuu soo wacay Sahal, waanay wada


sheekaysteen waxaanu ka codsaday inaanay dayicin xidhiidhkoodaa ay hada
bilaabeen, waanay u balan qaaday laakiin kamay ahayn wax dhab ah.

Habeenimadii markii ay sariirteedii dul tagtay si ay u seexato ayay hurdaba ku


soo dhici wayday maadama oo ay maskaxdeeda ku hirdamayeen su’aalo badan
oo ku saabsan labadan wiil ee ay ku kulmisay qalbigeeda.

Wiilkan faysal laftigiisu wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada xaafada laakiin


markii heer jaamacedeed uu gaadhay ayuu tagay magaalo kale si uu jaamacad
uga dhigto, waxay wada socdeen muddo sanaddo ah oo dadka xaafadu wuu

28
Tudhaale

isku bartay laakiin Siman waxay ahayd hawadeeda la ciyaar oo kolba ka la


hadla way ka rasayn jirtay.

Siman waxa ka saarnaa dhinaca xaafadooda cadaadis aad u balaadhan


maadaama ay tahay wali ardayad ku jirta gacanta xaafadooda.

Waxay isku dayday inay kala maarayso labadan wiil ee ay kulmisay oo ay


midba waqti la hadasho cayiman.

Wuxuu haasaawihii socdaba habeen habeenada ka mid ah ayuu la soo hadlay


Sahal oo uu waydiyey inay xidhiidh leedahay iyo in kale waxaanay ku
qancisay inaanay lahayn.

Haddana waxa uu soo ogaaday inay Siman xidhiidh la leedahay wiil kale oo
xaafada ka tirsan laakiin kaga maqan hawlo waxbarasho.

Waxa uu hadana ku celiyey su’aashii oo uu ku yidhi “Faysal miyaanad la


lahayn xidhiidh waan soo ogaadee” deetana waxay u sheegtay inay bari hore
kala tageen, waana uu ku qancay jawaabtaa Sahal.

Wiilki Faysal ahaa warba uma hayo waxay samaynayso maadaama uu ka


fogyahay laakiin hadana isagu wuu aaminay, iyada se kama qasna oo uma
haysataba inay nabsi urursanayso oo uu yahay wax danbarsan doona.

Sahal ayaa waxa si kadis ah ugu soo baxay qorshe dhoof oo uu ku tagayo
waddanka Maraykanka, deetana fursadaas isaga oo ka faa’iidaysanaya ayuu
aqbalay, muddo yar oo gaabana wuu ku diyaar garoobay waxaana uu u
sheegay Siman inuu dhoofayo laakiin iyadu umaba jeedo oo xaraabaad ayay
ka ahayd wax jacayl ahna uma qaadin ee way iska dheel-dheelaysay, iyada oo
la matalaysa xidhiidh been ah dhankeeda laakiin isagu si dhab ah ayuu u
aaminay una jeclaaday.

In kasta oo uu dhoofayo haddana waa qof wax jecel oo kolay beerkaa


damqanaya waanu yara murugaysan yahay laakiin ma joojin karo oo waa
fursad dahabi ah oo soo martay noloshiisa.

Maalin qudha markay uga hadhsanayd dhoofkiisii ayuu u sheegay inuu rabo
inay kulmaan si ay isku sii macasalaameeyaan.

29
Tudhaale

Waanay isku yimaadeen waxaana uu ka codsaday Sahal inay u balan qaado


inaanay jacaylkaas dayacayn ee ay ilaalinayso ila ay is guursanayaan.

Wuxuuna u sheegay inuu sanad ka dib soo laaban doono si uu guursado


laakiin ay intaas udhabar adagyto oo ay u samirto.

Habeenkaas waxa uu u keenay hadyado isugu jira dhar cadar iyo alaabo kale
oo dumarku isku qurxiyaan waxaanay kala huleeleen iyaga oo wada faraxsan
niyaduna u dagtay Sahal laakiin iyada waa iskugu mid hadduu joogo iyo
hadduu tagaba oo maaha qof jecel oo u daacad ah.

Sahal wuu dhoofay waxaana uu diyaarada raacay isaga oo qalbiga ka ooyaya


murugo badana ka muuqato waayo wuxuu ka fogaan doonaa qof qalbigiisa ku
wayn qaalina ka ah agtiisa.

Markii ay bil ka soo wareegtay safarkii Sahal ayuu jaamacadii soo dhamaystay
Faysal wuxuuna ku soo laabtay magaaladiisii ay la daganayd Siman ee uu isna
ku soo barbaaray hoygiisuna ku yaalay.

Siman xidhiidhkii Sahal may goyn oo waxay ka wada hadlaan Tilifoonka si uu


ugu qabaowsado niyaduna ugu dagto laakiin waxa si dhab ah ugu dhacay
jacayl ay u qaaday Faysal oo ay muddo sanado ah wada xidhiidhayeen markii
uu Faysal ku laabtay magaladii ayuu u sheegay Siman inuu rabo inuu la aqal
galo maadaama ay si dhab ah imika u jeclaatayna way ka aqbashay waana uu
u soo geed fadhiisatay.

Inankii Sahal ahaa mar kaliya ayuu waayay oo ay xidhiidhka ka goosatay


Siman waayo nambaradeedi uu kala hadli jiray dhamaan way xidhanyihiin mar
kasta.

Inankii Sahal ahaa waxa iskugu yimid Yaab oo waxa uu ka fajacay


xidhiidhkan mar kali ah go’ay ee aanu waxba ka warqabin.

Waxa uu Sahal muddo todobaado ah ku jiray xaalad xun oo murugo ah, waayo
waxaan ahayn murugo muu miciinsan karayn sababtoo ah cid kale kamuu
hayn wax nambar ah oo uu kala xidhiidho.

Maalin maalmaha ka mid ah markii ay ka soo wareegtay bil ayaa sahal


inaadeertii soo wacday markii ay isku sheegtay ka dib waxay u sheegtay in

30
Tudhaale

Siman la mehersaday oo dhawaan lala aqal gali doono, intaas markuu maqlay
ayuu naxdin wadnuhu go’ay oo uu ku laba kacleeyey jacaylkii uu is
ilowsiinayay boogtiina damqatay waxaana uu go’aansaday inuu ku laabto
Magaaladii ay Siman ku noolayd si uu u soo arko una soo xaqiijiyoo arrintaas.

Muddo yar waxa u ku soo laabtay magaaladii ay ku noolayd Siman oo uu


yimid isagoo soo fasax qaatay.

Siman waxay maqashay inuu yimid Sahal laakiin waxay tahay qof xaas ah,
waxa uu raadiyey asxaabteedii si uu u waydiiyo meel uu kala xidhiidho Siman.

Waxa uu helay gabadh ay aad iskugu dhawaayeen Siman isagana aqoon u


lahayd, way u xaal warantay waxaanay u sheegtay inay saaxiibadeed
khiyaamaysay isaga oo ay markii horeba la socotay wiilkan imika soo doonay
dhawr cishana ka hadhsantahay xafladii arooskeeda.

Markuu intaas maqlay ayuu oohin miciinsaday, gabadhii Siman saaxiibadeed


ahayd way aamusiisey sahal niyadana way u dajisay waxayna u sheegtay inuu
calool adaygo calafkiisana uu heli doono.

Sahal in kasta oo uu aamusay hadana waxa uu ka ooyaya qalbiga oo murugadu


kaga hadhay.

Xaafadoodii ayuu habeenimadii tagay oo uu seexday laakiin hurdo way u iman


wayday isagoo kolba gocanaya maalmihii quruxda badnaa ee ay soo wada
qaateen isaga iyo Siman.

Arooskiibaa dhacay oo waxa looga shaqeeyey si qurux badan loona agaasimay


laakiin kamuu qayb galin Sahal.

Sahal habeenkaas gabal baas ayaa u dhacay oo mabuu seexan ciil iyo cadho
daraadeed. Arooskii wuu dhamaaday waana lagu kala dareeray.

Hadduu qof nabsi kaa galo waa wax u yaala oo maalin uun soo ridan doona.

Sahal wuxuu ku laabtay Maraykanka maalmo yar ka bacdi isaga oo aad u


murugaysan oo aad moodo inuu xanuun ka soo kacay laakiin nafta samir u
sheegay calool adaygna wehel ka dhigtay.

31
Tudhaale

Isla markii uu ku laabtay Maraykanka ayuu calafkiisii albaabka soo garaacay


oo waxay gabadh soomaaliyad ah isku dhex barteen tareen dhexdii waanay is
fahmeen deetana ciwaanadii iyo nambaradii ayay kala qorteen.

Muddo 5 bilooad ah markay wada xidhiidhayeen ayay guur ku heshiiyeen


waanay aqal galeen.

Jacaylkii uu u qabay Siman wuu iloobay oo Illahaybaa mar kaliya ka maydhay


qalbigiisii waxaanay niyadiisa iyo qalbigiisuba ku jeesteen lamaanihiisa cusub
ee uu la aqal galay waxaana uu galay nolol cusub oo raaxo leh maadaama uu
helay gabadh wanaagsan oo raaliya ah magaceedana la yidhaahdo Filsan.

Muddo 3 sanno ah Siman iyo Faysal wax carruur ah may kala helin laakiin
Sahal iyo Filsan waxay kala Heleen mataano wiil iyo gabadh ah.

Siman waxay gashay nolol adag oo waxay rajaynaysaa inay heli doonto
awlaad ay ku iloobi doonto dhacdooyinkay soo martay laakiin Illaahay
amarkiisa may helin wax awlaad ah.

Khilaaf ayaa soo kala dhex galay iyada iyo saygeedii Faysal waanay is hiifeen
oo xaalad qadhaadh ayay galeen ugu danbaytiina waxa uu gaadhay inuu
burburo qoyskii oo warqadii lakala qaato, wadadana kala maran Siman iyo
Faysal.

Maanta ayay dareentay Siman inuu haleelay nabsigii ay ka gashay Sahal


waayo xidhiidh been ah iyo jacayl ayay la matashay dhib badana daraadeed
ayuu u mutaystay oo uu u maray laakiin isaga ayaa ka gacan sareeya maanta
maadaama uu helay raaliya carruurna u dhalatay.

Waxa ku laba kaceleeyey jacayl gaagaxay oo god ku dhacay cishqigii waayo


waayo ayaa ku soo afmeermay kaas oo ay iyadu god madow ku riday.

Wanaagsanaan lahaydaa iyada oo garata khaladaadkeedii intii ay inanta ahayd


ee uu Sahal-na jeclaa guurkana ka rabay laakiin waa waxaan la helayn oo
ninkii sahal ahaa imika 2 carruur ah ayuu marayaa xaas wanaagsana wuu
helay oo qalbigiisa dib uga masaxda nabaradii soo gaadhay kana bogsiisa
dhaawacyadii ay Siman u gaysatay.

32
Tudhaale

Jabbaa u soo baxay Siman oo waqti baasbaa u curtay waayo ninkii ay jeclayd
ee Faysal ahaa way kala tageen wuxuuna kaga dhaqaaqay gego banaan.

Ma oga badhaadhaha Sahal oo waxay u haysata inaanu wali guursan oo uu


ciilkii ku jiro jaanisna haysato oo ay isku soo laaban karaan.

Way ka war doontay oo dib ayay u raadcaysay warkiisii ileen qofba waa
markiisee waxayna u tagtay gabadhii ay Sahal inaadeerka ahaayen ee barrigii u
sheegtay Sahal in Siman la soo doonay, iyadana ay is waji yaqaaneen.

Markay u tagtay ayay soo fadhiisisay waxayna kala kulantay war ku noqday
falaadh oo ay waalan gaadhayba markay maqashay kaas oo ah inuu Sahal
guursaday isla markii uu ku laabtay Maraykanka, 2 carruur ahna leeyahay
gabadh raaliya ahna helay, Xaggaagana uu iman doono isaga iyo xaaskiisa iyo
carruurtiisuba, Siman way iska soo luuday iyadoo niyad jabsan rajadeeduna
laalantay ileen waa qof lagu laba kacleeyey oo la kulantay shoodh aanay
filayne.

Nabsibaa soo ritay oo dhulka la dhacay, war war iyo walbahaarbay daris la
noqotay. Waxa la gaadhay waqtigii ay iman lahaayeen Sahal iyo Xaaskiisa iyo
carruurtiisuba wanay imaadeen oo Magaaladii soo daggeen.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Sahal oo wata gaadhi carruurtiisuna la


socoto ayaa wuxuu isha qac ku siiyey Siman oo wadada dhinaceeda maraysa,
gaadhigii ayuu mar kaliya biriiga qabtay wuuna ka soo daadagay wuxuuna
abaaray iyada si uu ula hadlo laakiin wuu ka shakisnaa waayo waayaha dhulka
la dhacay oo qoftii quruxda badanayd diif iyo darxumaa ka muuqatay, iyada
laftigeedu may garanayn oo isbadal wayn aya ku dhacay Sahal oo qurux iyo
qaayo ayaa u saa’iday.

Intuu dhinac istaagay ayuu isaga oo cod hoose ku hadlaya ku yidhi “ Siman
maanad ahayn? “ intay naxdin darted booday oo ay indhaha galka ka saartay
ayay cod hoose oo xishood ku jiro ku tidhi “haa waan ahay” deetana waxa uu
ku yidhi ” maad I garanaysaa?” waxayna ku tidhi “ Maya ee waa kuma?”
wuxuu ku yidhi isaga oo dhoola cadaynaya “waa Sahal inankii aad barigii
xumaysay” .

33
Tudhaale

Mar kaliya ayay ilmo shagax ka soo tidhi oo ay foorarsatay, wuxuuna ku yidhi
“ ka waran Reerkaagii iyo xaajigaagii?” waxayna u shegtay inay kala tageen
Faysal , aad buu uga xumaaday waayo war kamuu haynin inuu waayihii la
ciiray Siman oo uu gurrigeediina ka burburay, waxayna ku tidhi

“ walaal waxaas oo dhan maantaan ogaaday, waa nabsigaan kaa galee I


saamax”

Sahal wuu saamaxay wuxuuna u sheegay inaanu wax xumaan ah u hayn.

Dulucda sheekada

( Waligaa qof nabsi haka galin, hadaad ka gashana dagdag uga laabo oo
raali gali waayo nabsigu waa waxa ugu xun ee qof soo rita dhulkana dhiga
)

34
Tudhaale

Jacaylkii Dhiiga Raacay

Saynab iyo Mustafe waxay ahaayeen laba ruux oo dhallinyaro ah kuwaas oo


dhawaan isku bartay meherad dhalinyaradu ka dukaamaysato.

Mustafe waa dhakhtar Saynabna waxay ka shaqaysaa isla meheradaa ay ku


kulmeen waana maqal-haye.

Walaaltinimo ayay isku barteen oo wax xidhiidh ah oo kale oo dhex maray


haba yaraatee muu jirin.

Muddo bilo ah markay is yaqaaneen ayay Saynab si lama filaan ah u


xanuunsatay oo dhiig yaraanbaa ku dhacday , waxaana la soo dhigay
dhakhtarkii uu Mustafe ka shaqaynayay si dhiig loogu shubo.

35
Tudhaale

Mustafe oo hawshiisii shaqo ku jira ayaa si lama filaan ah ula kulmay Saynab
oo huruda sariir ka mid ah sariiraha dhakhtarka, iyadoo loo daydayayo qof ay
isku dhiig noqdaan, isla markiiba waa uu soo cararay waxaana uu waydiiyey
waxa ku dhacay waana loo sheegay dhawr qof oo ay ehel ahaayeen Saynab
ayaa isku dayay diyaarna u ahaa inay dhiig u shubaan laakiin nasiib darro isku
dhiig ayay noqon waayeen.

Mustafe ayaa ogaaday inay isku dhiig yihiin Saynab deetana si dagdag ah ayuu
ugu shubay.

Mustafe waxa uu ku balamiyay shaqaalihii kala shaqaynayay Cusbitaalka inay


daryeelaan Saynab.

Isaguna subax walba marka uu shaqada soo galo iyada ayuu indhaha ku kala
qaadi jiray waayo waxa galay kalgacayl laakiin muu doonayn inuu u muujiyo
oo uu u sheegto. Iyadu way caafimaaday dhakhtarkana in muddo ah ayay
taalay laftigeedana dhiigii ayaa loo soo dhex raacay oo dareen jacayl ayaa
galay laakiin haddana way ka yar baqaysay oo kumay dhacayn inay u
sheegato, Mar kasta oo ay dhaayaha isku dhuftaan iyagoo sheekaysanaya
wadnaha ayaa gariiri jiray dabna wuu ka kici jiray.

Saynab ayaa ka baxday dhakhtarkii laakiin gabadh ka mid ah kal-


kaalisooyinkii u shaqaynayay oo ay u sheegatay inay jeceshahay Mustafe
ayay ugu dhiibtay warqad fariin ah, waxa kale oo ay u sheegtay inay
dhoofayso oo ay baqoolayso dibadana u tagayso hawlo waxbarasho.

Deetana Mustafe ayaa markuu soo shaqo galay waayay Saynab oo si dagdag
ah ayaa looga saaray dhakhtarka.

Laakiin waxay innantii kalkaalisada ahayd u dhiibtay warqadii farriinta ahayd


ee ay Saynab ugu dhiibtay, waxayna u sheegtay inay dhoofayso oo ay tagayso
waddan kale hawlo waxbarasho ahna u tagayso.

Intaas markuu maqlay ayuu isaga oo kurbanaya oo ay faruhu gariirayaan ka


qaaday warqadii waana uu akhristay waxaana ku qornayd warqada oo ay ku
xustay Mahad celin iyo abaal balaadhan inay u hayso sidoo kalena ay
dareentay jacayl xad dhaaf ah iyo naxariis markii uu dhiigii uu u shubay dhex
qaaday wadnaha iyo xiddidada jidhkeeda xinjiro jacayl ahina ku qulqulay

36
Tudhaale

qalbigeeda, oo ay doonayso inay la wadaagto nolosha Gurrina wada


yagleelaan laakiin ay ka tagayso meel dheer oo laga yaabo inaanay mar danbe
kulmin.

Mustafe aad ayuu u naxay oo anfariir iyo naxdin ayaa iskugu darsamay intuu
shaqadii dib uga laabtay ayuu tagay meeshii ay ka shaqaynaysay oo ahayd
halka kaliya ee uu xog ka soo heli karo ee ugu dhawayd.

Isla markii uu tagay meheradii ay ka shaqaynaysay ayuu toos u abaaray


xafiiskeedii oo uu ugu tagay gabadh kale, markii uu salaamay ee uu fadhiistay
ayuu waydiiyey Saynab waxayna u sheegtay inay fasaxday shaqada ka dib
markay xanuusatay wax xog ahna ayna ka hayn.

Mustafe waxa uu ku soo laabtay xagii Gurrigoodii isagoo caga jiidaya oo


jahawareersan qalbiguna xanuunayo sababtoo ah waxa uu ogaaday in qof uu
jeclaa ka baxay noloshiisa oo uu meel ugu hagaagaana jirin.

Waxa uu naftiisa ku canaantay inay ka gaabisay qirashada jacaylka uu u qabo


Saynab oo haddii uu horteeda ka qiran lahaa wax badan ayaa hagaagi lahaa se
laakiin qadar ayay ahayd oo xal ayuu raadiyay..

Waxa uu go’aansaday inuu soo helo xaafada ay daganaayeen baadi goobna u


galo, kolay way adagtahay qof aanad garanayn xaafadooda iyo meesha uu
daggana sida aad ku soo hesho.

Waxa uu muddo billo ah ku mashquulay oo uu shaqadiisii kaga tagay inuu


helo qof garanaya Saynab laakiin siduu ku heli lahaa ayaa is waydiin mudan.

Waxa uu xasuustay in warqadii ay uga tagtay uu ku dhex jiray sawir ay lahayd


laakiin uu ka dhacay oo aanu garanayn meel uu kaga lumay.

Gabadhii kalkaalisada ahayd ee ay wada shaqaynayeen ayuu waydiiyey


waxayna u sheegtay inaanay arag haddana xaafadoodii ayuu waydiiyey
waxayna u sheegeen inaanay arag wax sawr ah..

Subax subaxaha ka mid ah isaga oo soo toosay oo ku dul fikiraya sariirtiisa


ayuu sariirta dhinaceeda ku arkay wax sawir u eeg oo ka muuqda, si dag dag
ah ayuu ugu soo booday oo gacanta ugu dhigay, “Alla! waa taswiirtaan

37
Tudhaale

daydayay in badan Alxamdulilah” ayuu la soo booday, waxa uu eegay xaga


danbe ee sawirka mise waaba nambar tilifoon oo ku xardhan.

Dag dag ayuu u wacay laakiin nasiib darro lagama qaban in badan ayuu ku
celceliyay wadnaha ayaa fugtaa haya oo waxa uu isleeyahay armuu qof kale
kaaga soo baxaa oo aad waydaa iyadii.

Qof ayaa ka qabtay u cod eeg iyada waxana ay u sheegtay inaanay ahayn
Saynab ee ay tahay walaasheed, waxa uu ka codsaday inay u sheegto xaga ay
joogto Saynab waxaana ay u u sheegtay inay dhooftay oo ay waxbarasho
dibadeed u baxday.

Maroor dilaac labaad ayaa ka soo gaadhay hadalkaas oo warwarkii hore iyo
walbahaarkii ayaa ku sii libbin laabmay, waxa uu ka codsaday inay u soo
hesho nambar uu kala xidhiidho waanay ka aqbashay.

Muddo todobaad ah markii uu sugayay ayay u soo heshay nambarkii deetana


waa uu la hadlay waana uu waraystay waxayna u sheegtay inay dibada u
tagtay inay wax ka soo barato oo ay soo laaban doonto sanado ka bacdi marka
ay waxbarashada soo dhamaysato.

Mustafe aad ayuu uga xumaaday inay dhagahiiisa ku soo dhacaan


kalmadahaasi oo uu ka maqlo Saynab waxaana uu ku yidhi “ waan ku sugayaa
ilaa intaad soo laabanayso”.

Saynabna waxay u sheegtay inay sidoo kale ku rajo wayntahay inay timaado
fasaxyada markay hesho si ay isku mehersadaan, sanad ka dib ayay timid
iyadoo fasax ah markii ay xaafadooda ku soo dagtay ayay u sheegtay inuu soo
dooni doono wiilkii barrigii u shubay dhiiga waana laga aqabalay.

Mustafe waxa uuu soo doonay Saynab si milgo iyo maamuusba leh waana la
siiyey waxayna ku heshiiyeen inay markay soo dhamaysato waxbarashada ay
aqal gali doonaan.

Xidhiidhkoodii guur halkii ayay ka sii amba qaadeen oo mar walba way wada
xidhiidhi jireen markii ay Saynab soo dhamaysatay waxbarashadii ayay soo
laabatay diyaaradna soo raacday laakiin isla markii ay Airport-ka soo
fadhiisatay ayay diyaaradii shil gashay waxaana ku dhaawacmay dhawr iyo

38
Tudhaale

labaatan qof oo ay ku jirto iyadu taas oo uu soo gaadhay dhaawac jabniin ah


oo xaga lugaha ah.

Mustafe iyo Reerkii innantuba way sugayeen laakiin halkii farxad lagu soo
dhawayn lahaa ayuu murugo isku badalay jawigii mar kaliya waxaana loo soo
qaaday dhakhtarkii sii loola tacaalo jabniinkeeda oo loo kabo.

Mustafe ayaa la joogi jiray oo ku hayn jiray dhakhtarka ilaa ay ka bogsatay


muddo bilo ah ka dib ayay ku istaagtay labadeedii lugood oo way
caafimaaday.

Isla markii ay caafimaaday ee dhakhtarka laga soo saaray Saynab iyo Mustafe
way aqal galeen,Imika laga bilaabo Mustafe iyo Saynab waxay noqdeen laba
qof oo ku wada nool Gurri isku mid ah oo ay ku guulaysteen ugu danbayntii
inay wada jir u dhistaan dhibaatooyin badan ka dib.

Dulucda Sheekada

JACAYL LOO SAMRO MIDHO SUUBAN BAA KA BAXA

Maah-Maah

( Jacayl u samir ama ka samir )

39
Tudhaale

Isa Seegnay Inaguye Ubadka Aan Isa Siino

Ibraahim wuxuu ahaa wiil ku nool meel tuulo ah , waqtigu wuxuu ahaa mid
gu’ ah oo dhulka baadka ka baxay dhammaan wuxuu ahaa mid cagaaran oo
qurux badan.

Waxay ahayd goor casar gaab ah oo cadceeda casar cidhifka la gashay


godkeedii, muuqaalka cirku wuxuu ahaa mid aan daruuro badan lahayn,
dhagaha waxa ku soo dhacayay codadka shimbiraha ee kala duwan iyo cidda
Raha.

Waa xilli dhiiluhu caano ceegaagaan oo dhay iyo may-dhanaanba ka buuxaan,


xooluhuna dharag ay la jiifaan oo mid walba meeshii ku beegnayd baadka
markay ka haagtay ee ay dhamayn kari wayday fadhiga miciinsatay.

Laydha qaboow ee dhacaysa waxa ku lamaan saxnsaxo udgoon oo xareed ka


urayso, Ibraahim wuxuu leeyahay Geel boqol ku dhawdhaw laakiin waa doob
hase ahaatee umuu jeesan xagaas iyo Dumarka oo Hasaawe iyo guurtoona
iskumuu hawlin.

40
Tudhaale

Geelii uu watay ee uu daaq keenay ayaa kala halaabay, waxaana uu xilligaas


ahaa mid baadidoon ah oo geela baadi goobaya, isaga oo socodkii ku guda jira
ayuu la kulmay gabadh gashaanti ah oo Illaahay ku manaystay Joog iyo
Jamaalba, taas oo xayn Adhi ah caraabinaysa, wuu salaamay in kasta oo aanu
aftahan ku ahayn xaga dumarka hadana Rag damac iyo dacari toona kama
dhamaatee wuxuu ku ashqaraaray qoftan quruxda Illaahay ku maystay ee jidh
iyo joogba dhamayska tiran.

Falaadh caashaq ayaa dhanka bidix kaga dhacday oo dareen galisay, salaan ka
dib waa lays waraystay iyada oo geed dhabarkii ka soo jeedisay qoorteeda
kana muuqdo dareen xishood oo xooggani.

Is waraysi ka dib in muddo ah ayaa la haasaaway waana lakala tilmaan qaatay


deetana waa lakala caraabay.

Gabadhu magaceeda waxay ugu sheegtay Amran, waxay u kacday xagii ay


markii horeba ku jeeday oo ahayd Gurigooda iyada oo xayntii Adhiga
ahaydna dabada ka gashay caraabisayna.

Ibraahim laftigiisu wuxuu ahaa baadidoon oo socodkiisii ayuu halkii ka sii


watay isagoo ku talamaya inuu u kaco hawl guur maadaama uu leeyahay xoolo
ku filan, helayna qof qancisay.

Wuxuu soo helay Geelii ka halaabay oo uu xerada ku soo hubsaday , isla


habeenkiiba wuxuu yimid aroos ka dhacayay Amran xaafadooda meel ku
dhaw, markuu soo galay goobtii arooska ayuu indhaha ku dhuftay Amran oo
meel ku beegan fadhida halka uu fadhiyo oo soo eegaysa, goor uu kacayba
wuu garan waayay oo uu ag fadhiistay.

Ciyaar dhaqameedyadii ka socday arooska ayay wada ciyaareen oo ay laba


rogeen caways wanaagsana way soo wada qaateen, markuu Arooskii soo
gunaanadmay ayuu Amran xaafadoodii geeyey oo uu u kexeeyey, markay
xaafada duleedkeeda joogaan ayuu u sheegay inuu rabo guur oo uu u diyaar
yahay inuu iyada guursado.

Way ka aqbashay deetana way iska hoyatay habeenkaas farxad ayuu seexan
kari waayay iyada laftigeeduna way la qabtay, barrigii hore inanka iyo innantu
markay guur u kacaan dhankiisa ee ay is calmadaan intaanay hawsha guurka

41
Tudhaale

galin ayuu midba midka kale soo ogaan jiray qoyska iyo reerka uu ka soo
jeedo, siday caadadu ahayd midba midkii kale ayuu soo ogaaday reerkoodi iyo
qoyskoodii oo uu ka soo xog helay.

Ibraahim iyo Amran waxa soo waajahday carqalad adag oo hawlbowlaha


goysay heshiiskoodii guur, taas oo ah inay labada Reerood ee ay ka soo kala
jeedaan yihiin laba reer oo col ah oo godobi dhex taalo oo intaanay dhalan
labadooduba ayuu dagaal qadhaadh dhex maray oo naf iyo maalba lagu
waayay laakiin aanay iyagu ka war qabin oo aanay maqal xiitaa maadama
waqti fog ahayd.

Xaajadu iyadoo sidaas ah hadana Ibraahim wuxuu ku calool adaygay inuu


doono gabadha oo way ka go’onayd arintaasi waxaana uu kaxaystay
odayaashiisii waanu uu u soo geed fadhiistay nasiib darro se waxa uu kala
kulmay diidmo oo inantii lama soo siin.

Isri way jeclayd wayna rabtay Ibraahim isaguna sidoo kale laakiin reerahooda
ayaa laf dhuun gashay ku noqday guurkoodii jacaylkoodiina saqiiriyay bartiina
way ku kala dhaqaaqeen iyaga oo isku calool fayow.

Gabadha Reerkoodii markiiba waxay siiyeen wiil ay xigaal ahayeen si dagdag


ahna waa loogu guuriyey, Ibraahim laftigiisuna waxa uu helay oo calafku ku
simay gabadh kale.

Maalin maalmaha ka mid ah oo ay carruurtoodii waawaynaadeen iyaguna da’a


noqdeen ayay ku kulmeen meel dariiq ah wayna is waraysteen iskuna xaal
warameen waxaana uu Ibraahim u sheegay inuu dhalay carruur badan oo uu
ugu waynyahay Wiil imika 20 jir ahi iyaduna waxay sheegtay inay leedahay
dhawr carruur ah oo ay ugu wayntahay iyana gabadh 20 jir ahi way ogaayeen
inuu calaf ka adeegay wayna aamineen qadarka deetana Amran ayaa la soo
booday hadal layaab leh oo tidhi “ Waar isa seegnay inaguye Ubadka aan isa
siino”

Muddo todobaado ah ayaa lagu guda jiray xafladii meherka waana laysku
meheriyay deetana aroos qurux badan ayaa loo dhisay.

42
Tudhaale

Labadii ubad ahaa ee laysku dhisay waxay noqdeen qaar jacayl rabaani ahi ugu
darsamay calafkii ay isku heleen iyo kalgacaylkii waalidiintood u soo beereen
oo ay u aayeen.

Dulucda Sheekada

( Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane )


Maxamed Suldaan Tima Cadde

43
Tudhaale

Waligay Guursan Maayo!

Cidna lamay hadlayn oo afkaa juuqda gabay, waxay ahayd indho iyo jidh nafi
ku jirto oo dhaqdhaqaaq samaynaya, laakiin aan bixinayn wax jawaab ah.

Baska waxa ka dhex socday kaftan iyo sheekooyin laakiin iyadu intaas midna
kumay darsan hal kalmad ah, mid ka mid ah dhalinyaradii la saarnaa Baska
ayaa isku dayay inuu la hadlo oo uu waydiiyo bal waxa ku dhacay gabadhan,
laakiin way ka dhaga adaygtay, hase ahaatee kamuu daynin su’aashii ahayd "
walaal maxaa kugu dhacay ee aad la aamusantahay?"

Iyadoo is ciil kaambiyaysa ayay ugu jawaabtay " maxaad iga rabtaa,? waxba
hay waydiinin Ragga waan necbahaye…"

44
Tudhaale

Inankii oo yaaban ayaa ugu jawaabay isagoo dhoola cadaynaya " Walaal
Raggu waa gayaanka oo maalin ayaad la aqal gali Ninka calafkaagu kugu
darro ee maxaad ku nacday ee ay kugu sameeyeen?"

Markay intaas maqashay ayay ilmo shagax ka soo tidhi, mar kaliya ayay
indhaheedii isku badaleen qaar qoyyan, wajigeediina casaaday, waxanay
iyadoo hoos u hadlaysa oo khajilaad iyo cadho ka muuqato ku jawaabtay "
Waligay guursan maayo!".

Inankii ayaa markuu arkay siday inantu uga maroora dilaacday hadalkiisi iyo
su’aalihiisii dib u fadhiisaty oo kursigiisii si fiican ugu tiirsaday, isagoo is
waydiinaya su’aalo badan laakiin hadana waa uu ka adkaysan kari waayay
waxa ku dhacay inantan ee sidaas oo dhan u galay kana dhigay qof cuqdad ka
qabta Ragga oo dhan.

Mar kale ayuu ka soo hinqaday kursigii uu fadhiyay isagoo wali aan ku qancin
hadalladii ay ku lahayd, waxa uu isku dayay inuu dajiyo oo uu raali galiyo,
iyaduna way ka aqbashay waxanay markan ahayd qof ka dabacsan sidii hore,
waayo waxa uu inanku u muujiyey naxariis aad u badan.

In kasta oo uu basku ahaa rakaab, oo uu meel aan fogayna ahaa istaanka uu


dadka dhigaya waxa uu inankii isku dayay inuu ogaado intaanu baska ka dagin
waxa inanta nacsiiyey Raggii oo dhan ee ay saska uga qabto.

Laakiin suurto gal may noqon oo waqtigaa hayay, waxa uu waydiistay inay
siiso numberkeeda waanay siisay, Waxa la soo gaadhay halkii basku uu ku
istaagayay, waanay ka daggeen dabeetana waxa uu u sheegay inuu la soo hadli
doono markuu xaafada tago.

Markii uu ka soo laabtay suuqii ayuu wacay inantii waxaana dhex martay
sheekadan:-

Waxay inantii u sheegtay inankii in ay nin in muddo ah soo wada socdeen oo


ay wadaageen xidhiidh jacayl oo fiican, inankaasi waxa uu ku maqnaa
Qurbaha, markii uu yimid ee uu soo doonay si fiican oo maamuus iyo milgo
lehna loo siiyey waxa uu la joogay muddo kooban maadaama u fasaxa uu soo
qaatay ku koobnaa mudo yar.

45
Tudhaale

Run ahaantii wax aqoona umay lahayn innanta iyo reerkooduba ninkan ay
guursatay laakiin waxay u arkayeen qof wanaagsan.

Markii uu dib ugu laabtay qurbihii ee uu ku maqnaa muddo billo ah, biilkana
uu u soo diri jiray ee uu si fiican ula soo xidhiidhi jiray xaaskiisa, ayaa ay
habeen habeenada ka mid ah u sheegtay inay leedahay Uur, halkii uu kaga
farxi lahaa inuu ilme yar u calool galay ayaa uu ka xumaaday, iyana ay
dareentay inuu ka xumaaday, khadkii tilifoonka ayuu jaray laakiin wax
waynba kamay soo qaadin oo shaydaanka ayay iska naartay waanay iska
seexatay.

Habeenkii laga bilaabo wuu is badalay oo mabuu soo wici jirin, iyana danba
kamay galin ee sidii ayay iskaga daysay, ileen gabadh wax jecel weeyee
hadana way ka adkaysan kari wayday oo habeen ayay tilifoonisay, nasiib darro
se umuu jawaabin.

Habeenkii habeenkaas ka danbeeyey ayuu soo wacay goor saq dhexe ah, oo uu
ka soo wacay telefankeeda gacanta, in kasta oo ay dhabanka dhulka si fiican u
dhigtay hurdo macaana ku jirtay, hadana markay aragtay isaga oo soo wacay
farxad ayay kala badatay oo si dagdag ah ayay gacanta ula haleeshay
moobilkeedii waanay ka qabatay.

Salaan markii lays dhaafsaday ka dib ayuu ku yidhi “ caawa waxaan kuu soo
wacay inaan kuu sheego inaan ku furay oo ay iskugu keen danbaynayso
saacada aan kula hadlayo, kuuna soo dirayo waxaad xaq iyo xuquuq iigu
lahayd iyo warqadaadiiba!”

Waxay si yar oo dagan ugu jawaabtay “waayahay” intaas markay afkeeda ka


soo baxday ayuu jaray khadkii.

Waxay ka kacday huradadii, waanay waysaysatay ka dibna waxay gashay


salaad oo Illaahay ayay barriday, waayo meel loo ciirsado xaga Alle ayaa ugu
wanaagsan uguna haboon oo aan lagu iilanin.

Markay dhamaysatay salaadii, ayay iska seexatay iyada oo aad moodo inaan
waxbaba loo soo sheegin ama aanay waxay dhibsataba arag.

46
Tudhaale

Hiirtii waagu markuu baryay ayay u gashay hooyadeed si ay ugu sheegto


arinka dhacay iyo sida ay wax yihiin.

Hooyadii inanteedii waxay u dhistay niyada, waayo waxay ahayd hooyo


wanaagsan, waxaanay u sheegtay inaanay waxba ka warwarin oo uu
calafkeedu iman doono goortay ahaataba.

Markii danbena waxa la ogaysiiyey aabaheed, waxaanay reerkii isku raaceen


in ay ninka ka aqbalaan warqada iyo xaq iyo xuquuqba waxay ku lahayd.

Muddo yar oo gaaban ayuu ku soo diray warqadii iyo xaq iyo xuquuqba waxay
ku lahayd.

Haba yaraatee xaafadii iyo inantii may daba galin sababta uu ninkani ku furay
innantooda.

Ilmihii u calool galay waxa ay noqotay gabadh, iyadaana korsatay oo


masuuliyadeedii qaaday oo u gashay halkii aabaheed.

Muddo ka dib, ayaa gabadh ay inanta saaxiib ahaayeen soo dagtay,


waxaanay maalin maalmaha ka mid ah kulmeen innantan la furay, way ogayd
inuu soo doonay ninkaasi laakiin wax aqoona umay lahayn isaga, se laakiin
waxay ogayd inay is guursadeen oo waqtigii arooskooda ayay joogtay, manay
ogayn inuu furay, waxaanay u sheegtay inay aragtay ninkii oo ka ganacsanaya
Daroogada, ahna qof aanay moodayn siday ku aragtay laakiin uu yahay ruux
qudhun faraha kula jira oo aan wanaagsanayn waxa kale oo ay maqashay,
inuu yahay nin caan ah oo dumarka guursada intuu yimaado oo uu soo daggo
muddo yarna fura oo iskaga taga, ee ay iskaga tagto oo ay iska furto. iyada oo
qoslaysa ayay ugu jawaabtay “waan kala tagnay muddo hore.”

Waxaanay ogaatay sababtii uu u furay, ee aanay iyadu khalad lahayn, markii


hore se ay ahayd khalad dhankiisa ka imid oo ah inuu caado u leeyahay inuu
dumarka xumeeyo.

Sheekadii markay u dhamaysay ayaa uu wiilkii ka codsaday, inuu doonayo


inuu la sameeyo xidhiidh guur, wayna ka aqbashay waayo waxa uu u balan
qaaday inuu ilowsiin doono dhibkii ka soo maray guurka.

47
Tudhaale

Wiilkii waxa uu u soo geed fadhiistay gabadhii ka dib markii ay in muddo ah


xidhiidh soo jireena ay wadaageen, waana laysku hibeeyey.

Muddo ka dibna way aqal galeen waxaana ay ku wada naaloodeen farxad iyo
badhaadhe iyo ubad wanaagsan oo ay heleen.

Run ahaantii, qofna kama muuqan karto, oo wajiga kagama taalo waxa uu
yahay, se waxa la ogaadaa marka lala dhaqmo ee hoy lala dago, qof kaa fogna
way adagtahay inaad ogaato waxa uu samaynayo iyo waxa uu yahay.

Dulucda sheekada

“Ruuxaanad baran wali ha u raxlaynin waligaa”

48
Tudhaale

Lamaanaha casriga Iyo Dhibaatada


Facebook-ga

Aamina iyo Farxaan waxay ahaayeen laba qof oo ku kulmay baraha intenet-ka
ee ay bulshadu ka wada xidhiidho, waqtiyadan dambana noqday suuqa ugu
wayn ee lagu kulmo gaar ahaan barta ugu caansan ee loo yaqaano Facebook.
In muddo ah, markii lays yaqaaney ee lays bartay, ayuu Farxaan u soo
bandhigay Aamina inay guur iyo nolol cusub bilaabaan, oo uu doonayo inuu
guursado, maadama uu aaminsanaa inuu si fiican uga bogtay akhlaaqdeeda iyo
waliba shaqsiyadeeda.

Marka dhinac laga eego may ahayn laba qof oo aad u kala fog ama laba dal
kala jooga laakiin waxay ku wada noolayeen dal qudha iyo waliba magaalo
qudha.
Aamina way ka aqbashay Farxaan inay wadaagaan xidhiidh ay ku doonayaan
inay gurri ku wada yagleelaan, xidhiidhkii waxa uu socday in muddo ah,
waxaana laga wada hadli jiray Mobile-ka iyo waliba Facebook-ga, markii
danbe ee uu in waxoogaa ah xidhiidhkii socday, ayay ku heshiiyeen inuu soo

49
Tudhaale

doono Farxaan oo uu u yimaado inanta reerkooda si loo siiyo deetana uu la


aqal galo.

Todobaad ka dib, Farxaan waxa uu isku diyaariyay doonista iyo soo xero
galinta Aamina, todobaadkii labaadna wuu u geed fadhiistay, deetana markii
bil laysku doonanaa ayuu u dhigay aroos qurux badan oo ay ku dadab galeen.

Imika wax walba way is badaleen oo noloshii waxay noqotay mid xaqiiq ah,
waxaana laga rabaa labadoodaba in nolosha midba dhiniciisa ka soo tiiriyo si
aanay ugu ciirin.

Farxaan waxa uu iska haystay shaqo fiican, waxa uu ka qalin jabiyey


jaamacada sanad ka hor sidoo kale Aamina iyaduna kamay dhacayn oo isla
sanadkaas uunbay ka qalin jabisay.

Wax farxad iyo wanaag lagu wada noolaadaba, waxa dhacday inay labaduba
sii isticmaalayeen barta internetka ee bulshadu ku kulanto Ee Facebook-ga.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayay Aamina waxay soo gashay account labaad
oo ay barri samayastay, si ay ugu xaraabaysato; account-kaas oo aanu ogayn
ninkeedu, oo ay ka qarisay, waxaanay bilowday in dhammaan Ragga ugu jira
ay sheeko u furto sidii ayayna iskaga wadatay.

Farxaan laftiisu kamuu dhacayn oo isna waxa uu lahaa account labaad, kaas
oo isna uu iskaga toocsan jiray; markii uu ku jiray waqtigiisii xaas la’aanta,
laakiin muu isticmaalin baryahanba inta uu xaaska yeeshay.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu furay accountkiisii labaad ee uu ku lahaa


Facebook-ga oo uu arkay xaaskiisii Aamina oo ugu jirta, wuu yaabay oo uu
amakaagay ;naxdina kala qaboobay. cabaar ka dib markii u yara nafisay, ayuu
salaamay, waanay ka qaaday, hadalo kaftan ah ayuu ku tuuray deetana iyana
kamay aamusine way la jaanqaaday, in cabaar ah markii lays waraystay ee si
fiican sheekadu iskugu duba dhacday, ayuu waydiiyey xagay joogto; waabay u
sheegtay hadana waxa uu ku yidhi “ma xaaslaybaad tahay; mise kalibaad
tahay?” waxanay ugu jawaabtay "kalibaan ahay."

50
Tudhaale

Farxaan wuu u qaadan layahay gabadhiisii oo sheeganaysa inaanay xaaslay


ahayn, iyana way waydiisay inta in leeg waxaana uu ugu jawaabay isla
jawaabtay siisey, waxa kale oo uu u sheegtay inuu joogo Maraykanka.

Dareen qosol muujinaya iyo farxad ayay muujisay Aamina, waxaanay ku tidhi
“aad baan u soo dhawaynayaa inaan is barano.”

Waxa uu ka codsaday inay u soo dirto sawir si uu u arko muuqeeda, hadalba


kamay soo celine calaa duul ayay ugu soo dirtay sawir ay leedahay oo ay
gashay maalmihii arooskeeda.

Isna sidoo kale way ka codsatay oo waxa uu u diray sawir wiil ay


saaxiibyihiin oo jooga Maraykanka, waxanay ku tidhi “Aad baad u uqurux
badantahay kaagana helay!”

Marka uu shaqada ka yimaado Farxaan; waxba uma sheego xaaskiisa mana


dareensiiyo, laakiin si caadi ah ayuunbuu ula dhaqmaa.

Aamina maaha qof kaligeed guriga joogta oo ka shaqaysa lakiin waxay


qabsatay gabadh u shaqaysa. Inta uu Farxaan ku maqanyahay shaqada ama se
uu dibada u baxana waxay ku mashquulsantahay barta bulshadu kuwada
haawasawdo ee Facebook, taas oo ay ka dhiganayso mid ay caajiska iskaga
biiso; madadaalana ka hesho, laakiin aanay ogayn caqabada kaga iman karta
iyo inay ku waayi karto gurigeedan ay dhisatay ee imika uun hana qaadka ah.

Farxaan maalin walba marka uu shaqada ka imaado waxa uu u soo gala iyada
oo uu Laptop horteeda yaalo oo aan qaban wax hawl ah oo gurigeeda ku jirta,
ugu yaraan gabadha u shaqaysaba ha caawisee.

Waxba ma waydiiyo laakiin wuxuu kula taliyaa mar kasta iska daa Facebook-
gan aad isticmaalayso, dhawr jeerna way isku khilaafeen laakin dhag jalaq
umay siinin.

51
Tudhaale

Waxay sidii ahaataba, waxa dhacday inuu Farxaan samaysto SKYPE oo ah


Bar maqal iyo muuqaal ah oo laga wada haasaawo, wuxuuna ku soo galay
magac la mid ah kii uu Facebook-giisii uu kala hadli jiray iyada ee aanay
ogayn.

Markii ay soo gashay Facebook-ga ayay qaateen sheeko sidii caadada u ahayd
waxaana uu ku yidhi “Maanta waxaan doonaya inaynu u wada sheekaysano, si
Maqal iyo Muuqaal ah, ee ii sheeg SKYPE-kaaga; magacaad ku soo gasho,
waxay u sheegtay Magacii ay ku soo galaysay; waana uu ku darsaday.

Runtii waxay ka ahayd Aamina sheekadani mid aanay ka rabin mustqabal se


waxay isku dhaafinaysay waqtiga, ileen shaqo kama qabanayso gurigeeda oo
waa loo shaqaynayaaye.

Runtii ismay saarin masuuliyad ah inaanay imika ahayn qof kali ah ee ay tahay
xaas oo ay ka mamnuuc tahay inay la sheekaysato ama hasaawe u furto Raga,
kamanay filayn inuu fahamasanyahay ninkeedu waxan ay wado oo meeshaba
may soo dhigan isagaa kaaga soo bixi kara.

SKYPE-ka marka laga wada hadlayo waa lays arkaa laysna maqlaa oo maqal
iyo muuqaal weeyaan.

Farxaan waxa uu doonaya maanta inuu tuso inuu fahansayahay waxan ay


wado oo uu deetana iska furo waayo qofka sidaas ahi ma noqon karo qof qaadi
kara masuuliyadii qoysnimo.

Isla markii ay furtay Camera-da; Laptop-keeda waxa kaga soo booday


Farxaan! indhahaa waynaaday ;wayna u qaadan wayday inay riyo tahay iyo
inay dhab tahay, naxdintii daraadeedna way suuxday oo miir doorsoontay!!!!

Farxaan shaqadii ayuu ka soo cararay iyada oo aanay waqtigeedii gaadhin,


waayo waxa uu dareemay inay Aamina wax ku dhaceen.

52
Tudhaale

Gurigii markii uu soo galay ayuu arkay xaafadii oo lagu buuqsanyahay oo


Aamina laga laayahay wax dhaqdhaqaaq ah, isla markiiba waa uu qaaday
waxaana uu geeyey cusbitaalka, inyar ka dibna waxa ku soo laabtay miirkii oo
way kacday, waxayna indhaheedu qabteen Farxaan oo dul fadhiya.

Runtii muu doonayn inuu sidaas oo dhan uga nixiyo laakiin waxa uu tusayay
waxay tahay khiyaamadu iyo inaanay u wanaagsanayn dad is aaminay.

Aamina khajilaad iyo naxdin ayay isloodin kari wayday; wajigana way siin
kari wayday xaajigeedii Farxaan, saiaga laftisgiisuna mar cadho ayaa qabata
laakiin hadana waxa uu ahaa qof iyada aad u jecel. Reerkoodii way
yaabanyihiin oo waxa lays waydiinaya “talow maxaa ku dhacay inanta ee ay la
miir doorsoontay?.”

Laakiin Farxaan labadii qoys ee ay ka soo kala jeedeenba, midna waxba umuu
sheegin ee afkiisa ayuu haystay oo muu rabin inuu furo gabadhiisa waayo waa
uu jeclaa isla markiina waxa uu ka noqday go'aankiisii ahaa inuu furo laakiin
inuu waaniyo oo uu arintaa xaliyo ayuu rabaa.

Guriga ayaa lagu soo celiyay iyada oo caadi ah laakiin naxdintii ku sii jirto
dadkiina way kala tageen.

Xabaal iyo ninkeed loo kala tag ayay maahmaah soomaali ahi ahayd ee markii
guriga loo faaruqiyay labadoodii. ayuu la soo fadhiistay gabadhiisii oo
waydiiyey waxa ku kalifay inay waxaas oo dhan samayso, waxaanay ugu
jawaabtay “ Anigu waan ku jeclahay Farxaan laakiin waxa igu kalifay inaan
sidaa sameeyaa, waa inaan noqday qof la qabsaday oo muddo badan soo
isticmaalayay Facebook, kamanaan fikirin dhibaatada uu inoo keeni karo
arinkaasi oo caajiska ayuunbaan iskaga biinayay, laakiin wax kale ugamaan
jeedin’ waanan khaladamay, dibna ugu noqon maayo ee markaas uun isii
jaanis, ina saamax fadlan walaal.”

Farxaan aad iyo aad ayuu u jeclaa iyaduna sidoo kale laakiin dhibataada ayaa
ka timid masuuliyad daro xageeda ah.

53
Tudhaale

Farxaan waxaa uu ugu jawaabay “waan ku saamaxay laakiin ii balan qaad


inaanad dib u isticmaalayn Facebook iyo wax la mid ahba daacadna aad ii
noqonayso oo aanad cid danbe la xidhiidhayn.”

Aamina way u balan qaaday, xagii ayuu farxaan waano dabada uga galay
xaaskiisii.
Farxaan iyo Aamina waqtigaa ka dib waxay ku wada noolaadeen farxad iyo
daacadnimo.

Dulucda sheekada

(Tiknoolajiyadu maanta waxay qayb wayn ka qaadatay dhibaatooyinkii


qoysaska, gaar ahaan bulshadeena, hadaan laga feejignaana waxay inagu
keeni kartaa dhibaato aad u balaadhan oo qoysas badan ayaa ku burburi
doona.)

54
Tudhaale

Jacaylkii Qabyoobay

Waxay ku soo wada barbaareen xaafad waxayna ahaayeen jaar guryahoodu


iska soo horjeedaan.

Waxay qaybsadeen nolosha oo waayo qurux badan ayay soo wada qaateen,
jacaylkay isku qabeen mid lafaha iyo dhuuxa u dhaadhacay ayuu ahaa oo

55
Tudhaale

dushooda laga akhrisan karayay inay yihiin mucaashaqiin uu jacaylku


dhuuxooda iyo dheecaankoodaba raacay.

Waxay ay wada dhigan jireen Dugsiga ilaa yaraantoodii isku fasalna way
ahaayeen, imikana jaamacad ayay isku fasal yihiin oo ay kulliyad isku mid ah
ka diyaarinayaan.

Qoysaska ay ka soo jeedaan wiilka iyo gabadhu way isku yaqaanaan oo waxa
la wada rajaynayaa inay nolosha ku rafiiqi doonaan, waxay sidii ahaadaanba ee
ay farxad iyo wanaag ku wada socdaanba waxay ku heshiiyeen inay is
guursadaan, maalintay waxbarashadooda dhamaystaan.

Inanku wuxuu ku rajo waynaa inuu shaqo fiican heli doono maalinta uu
Jaamacada dhamaystirto oo uu isku filaan doono laakiin may noqon sidaas uu
rabay, inanta laftigeedu shaqo ayay raadsan jirtay si ay uga caawiso isaga inay
nolol fiican ku wada noolaadaan.

Waqtigu wuxuu is guraba waxay gaadhay maalintii qallin jabinta


jaamacadooda, niyad-samaan badhaadhe iyo barwaaqo ayay kuwada qaateen
xafladii qallin-jabintooda.

Dadka xaafada ku wada nooli waxay rajaynayeen inay xaflada meherkooduna


ku xigi doonto.

Nasiib darro se wuxuu waayay kharashkii iyo wuxuu doonayay oo ahaa inuu
shaqo helo, oo jeebkaa ka liitay.

Inanku ma laha farxaduu lahaa iyo hamigiisii horumar ee uu ku jiray mar kasta
laakiin waxa niyada u dhisi jirtay innanta oo u sheegi jirtay inay samraan,
waayo maalin ayay heli waxay rabaan gurri wacana ku wada noolaan.

Wuxuu xaalku sidii ahaadaba oo sheeko iyo haasaawe laysku madadaaliyo


waxa timid xaqiiqdii nolosha sababtoo ah hadaad runta isku sheegi waydo
waxa runta ku tusi doona kuuna sheegi doona waayaha iyo waqtiga kugu
gaddaaman, markaasad mar kaliya xaqiiqda ku hambabaraysaa oo aad
ogaanaysaa inaad foosto gun la’a dhaaminaysay.

Inantii waxa si lama filaan ah ugu soo geed fadhiistay inaabtigeed oo kula
noolaa magaalada, kaas oo ah nin isku filan oo shaqo wanaagsana haysta,

56
Tudhaale

innantii Aabaheed wuu siiyey waxaana uu u sheegay inuu inaabtigeed soo


doonay oo uu u soo geed fadhiisan doono rabana inuu la aqal galo.

Innantii talaa ku ciirtay waxaana iskugu yimid laba talo oo kala darran
culayskeedana leh. Waxaanay xaajadu noqotay laba darran mid dooro.

Inankan ay is jeclaayeen ee ay muddada wada socdeen kama tagi karto, laakiin


rajo guur ma leh, inaabtigeedna ma diidi karto oo waxa uu u soo bandhigay
wax wanaagsan (Guur) waana waxay adagtahay in la diidi karo, waayo godob
ayay noqonaysa sidoo kale way taqaana inaabtigeed oo waa qof wanaagsan oo
dabeecad leh lalana dhaqmi karo.

Waxay taladii gorfaysaba waxay go’aansatay inay u sheegto inankii oo ay kala


tashato, in kasta oo ay is jeclaayeen hadana calaf lama baajiyee rajadii
jacaylkoodu way laalantay.

Waxay go’aan ku gaadheen inay wanaag ku kala tagaan kol haddii uu calaf ka
adeegay jacaylkoodiina booran ku dhacay.

Inantii inaabtigeed muddo kooban ayuu ku soo gabogabeeyey meherkii iyo


arooskiiba sidaasna way ku aqal galeen.

Inankii wuxuu galay in muddo ah xaalad is dhaafa waayo waa qof wax jecel
lakiin haddana waxa uu naftiisa u tiraabay oo uu u sheegay runta oo qadarka
ayuu aaminay waana uu samray.

Xaqiidaa ayay waxay tahay inuu raasamaalku yahay ruuxa uu calafku isku kiin
geeyo.

Dulucda Sheekada
“ Calaf weeye Guurkuye Haku daalin caashaqa”

57
Tudhaale

Godob Caashaq U Eeg

Isku fasal ayay ahaayeen Dugsiga sarre, Sanadbaa uga hadhay inay
Jaamacada gallaan, muddo saddex sano ahna waxay wadaageen xidhiidh
jacayl la mood ah oo aan saxnayn, Habeen kasta way isku iman jireen oo
caways ayay wada qaadan jireen.

Markaad aragto waxaad moodaysay inay yihiin laba qof oo is xalaashayaday


siday u wada dhaqmi jireen daraadeed.

Waxay sidii ahaataba markii ay noqdeen Fasalkii 4aad ee dugsiga sarre


imtixaankii ay kaga gudbi lahaayeena ay dhawr bilood uga hadhsanyihiin ayay
ceeb wayn oo lama filaan ahi soo waajahday oo waxay u aayeen khaladaadkii
ay samayn jireen ( fawaaxish).

58
Tudhaale

Qalbiyadooda wax jacayl u eeke ah ayaa ka buuxa, intaa waxa ka sii daran
xadkii ayay ka talaabeen iyo xuduudii loogu talo galay oo mugdi iyo mawjado
dhibaato ayaa afka ka soo galay badhatankana u fadhiisteen.

boogo ay qarsanaysay in muddo ah ayaa soo ritay oo Gabadhii uur ayay


yeelatay aan xalaal ahayn.

Arinkiina xaafadihii ayuu ku dhex faafay iyo Bulshadii ay la noolaayeen,


naxdin iyo ciil waynaa! laakiin is ciil kaambi waxba kuma hagaagayaan.

Waxay u sheegtay inay uur leedahay oo uu ku soo baxay, isna yahay qofka
iska leh ilmahan uurka ku jira, iyadu ceeb daraadeed ayay ka baxday dugsigii
oo yaxyax ayay nafteeda iyo ta waalidkeedba u soo jiiday.

Xaafadoodiina way wada qaracantay oo il xun ayaa lagu eegayaa, waxa loo
tagay xaafadii wiilka oo loo sheegay dhibta uu gaystay wiilkoodii, waxayna ku
heshiiyeen in laysku dhiso oo laysku asturo.

Wiilka iyo gabadhu diyaar umay ahayn guur laakiin danta ayaa is baday oo
waxbarasho halkaas ayay ku seegeen in kasta oo wiilka iyo gabadhuba ku
wanagsanaayeen waxbarashada hadana way ka dhaceen.

Muddo ka dib Waxa dhacay meher ka dibna way isla xaroodeen oo way dadab
galeen, inanta xaafadoodu waxay la damacasnayd meel sare inay ka gaadho
waxbarashada iyo noloshaba laakiin rajadaas iyadaa ku riday bohol madoow.

Muddo markii ay wada joogeen waxa soo gabogaboobay jacayl lamoodkii,


dagaal iyo qaxar ayaa bilwoday waana lays nacay , waxa u dhashay ilme
mayd ah oo ku soo dhintay uurka, waanay iska aaseen deetana waxa heshiin
waayay reerkii inanka iyo gabadhii, ugu danbayntii markii ay wada joogeen
mudo sanad iyo badh ah ayay kala carareen oo wiilkii warqadii ayuu indhaha
kaga dhuftay inantii.

Qofkii ay isku halaysay ee ay wax walba ku aamintay ayaa sidaas u galay!!,


dee layaab ma lahoo markii horaba gurigu mid khayr ku dhisan muu ahayn ee
xumaan ayaa isku keentay oo hore ayaa loo yidhi hal booli ahi nirig xalaal ah
ma dhasho oo xaaraan ayay guriga ku abuureen.

59
Tudhaale

Inantii dhinac walba seegtay ceebtu iyaday ku dhacday reerkoodiina way kala
dhinteen mustaqbalkeedii waxbarashana wuu soo idlaaday oo niyadii ayaa ka
dhimatay waayo Inanimadeedii ayay ku ciyaartay (dheeshay).

Waji fiican xaafadoodii uma yalo haday ku noqon lahayd oo way ka baqaysaa
laakiin hadana way tagtay oo way indho adaygtay, in kasta oo xaafada cid u
roonayd jirin ileen iyadaa is dayacdee waa la daayay oo waxba lama odhan.

Sidii ayay ula noolaatay reerkoodii ilaa ugu danbayntii ay saamexeen waayo
waa jiidhkoodii oo khaldamay laakiin wax badan soo noqon maayaan!.

Dulucda Sheekada

(Dhubuq-dhubuq hore dhabano hays danbe ayay leedahay)

60
Tudhaale

Aabo Gabay Xilkiisii!

Waxa uu isticmaali jiray xashiishada, iyo dhammaan mukhaadaraadka kale


waxaanay da’adiisu ahayd 20 jir, oo ah xilliga ugu wanaaagsan shabaabnimo,
wuxuu ka ganacsadaa xashiishada(shiishada) oo badhka uu isticmaalo
mooyaane badhka(qaybta) kale ka iibiya dad u macmiil ah oo ku xidhan.

Maaha agoon mana aha rajjay reerkooduna maaha qaar caydh ah ee aabihii
waa gacansade leh meherado ganacsi oo waawayn, Lagama war hayo oo waxa
lagu ogyahay jaamacada uu dhigto wax daba gal ahna laguma sameeyo.
Aabihii waxa uu soo hoydaa isaga oo hurda waxaana uu baxaa oo uu shaqo
tagaa isaga oo hurda, mana siiyo fursad uu kula sheekaysto wiilkiisa oo uu
wax uga tilmaamo sirta nolosha iyo Waayaha Aduunka ee ku gaddaaman.

61
Tudhaale

Hooyadii wax war ah kama hayso oo iyadu masuuliyadii way ka soo baxday
korsiimo oo imika waxay u aragta qof tashanaya oo dariiq wanaagsan ku socda
maadaama ay da’adiisu tahay mid ku filnaan karta waayo aragnimadiisa
nololeed oo ma oga inuu janjeedho oo uu jar ka sii dhacayo.

Wuxuu heehaabanaya laba gabi dhexdood waxaanu ka lushaa jar khatar ah oo


uu ka sii dhacayaa, waayo waxa uu ku ciyaaray noloshiisii oo dhan gabi
ahaanba, hoyga marka uu yimaado wuu seexda wuuna soo toosa isaga oo iska
dhigaya inuu tagayo jaamacada se galabtii markuu ka soo baxo gurriga wuxuu
toos ugu yimaadaa asxaabtiisii ay isku shaqada ahaayeen ee ay qudhunkan
wada walaaqdaan, halkaasuu habeen oo dhan joogaa deetana xaafada waxa uu
yimaada isaga oo aanu Aabihii iman, si aanu u dareemin, habeenada qaarna
waabu dhaxaa.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa Inankii la xidhay oo jeelka gunta loo dhigay
markii lagu qabtay isagoo ku dhex jira hawlihii maandooriyaha.

Aabihii ayaa loo sheegay inuu xidhanyahay wiilkisii laakiin dhag jalaq umuu
siin ee hawshiisii ayuu iska sii watay oo kamuu ag wareegin, deetana Hooyadii
ayaa timid, waxaana lagu yidhi “aabihii mee

Inanku ma agoonbaa?”

Markaasay ku jawaabtay “Aabo ma leh Agoona maaha ee haduu Aabo


leeyahay sidaaba muu ahaadeen.”

Markay aragtay wiilkeedii oo ka soo eegaya daaqada jeelka diif iyo daalna ka
muuqdaan ayay oohin qabsatay hooyadii wiilka dashay, iyadoo ciiloonaysa
kuna calaalaysa “ Aabayaashii maanta xilkoodii way gabeen oo qaar
majaaliista ayay fadhiyaan iyagoo qayilaya qaar kalena hawlahoodii aduun
ayay ubadkoodii kaga mashquuleen…….”

Hooyadii waxay dalbatay in loo sii daayo wiilkeeda laakiin lagama aqbalin,
waxaana loo sheegay in la gudbinayo deetana la xukumayo maadaama lagu
qabtay fal ah inuu xashiishad ka ganacsanayay sidoo kalena isticmaalayay oo
aanu istaahilin in si dhib yar loo sii daayo.

Wiilkii waa la gudbiyey dabadeedna xukunba lagu riday.

62
Tudhaale

Markii uu soo dhamaystay xukunkii ee la soo daayay ayuu ku soo laabtay


gurrigoodii, isaga oo warwarsan waqti badana ka lumay oo ay qayrkii heer
gaadheen magaaladana dhinac ka galeen, waxa ku adkaatay inuu la qabsado
noloshii caadiga ahayd, waxaana ka hor yimid carqalado badan laakiin wuu ka
dib dhacay oo wuxuu u nuglaaday waayihii ku weegaarsanaa.

Isla halkii ayuu hadana ka miisay maadama aanu haysan ama se uu ka lumay
hab dhaqankii bulshada uu kula noolaan lahaa, xaafada maalin kasta dagaal
ayuu kula kici jiray oo Hooyadii ama se Aabihii iyo carruurtoodaba kula kici
jiray. Ugu danbayntiina waxa uu ku danbeeyey inuu noloshii quus ka istaago
oo uu is dabbo, maalin maalmaha ka mid ahna la arko isagoo daban oo meel ka
laalaada.

Aayihiisii iyo mustaqbalkiisii halkaasuu ku lumay Aduunkiisiina wanaag


kagamuu tagin ee wuu dayacay noloshiisii, Aakhirana umuu shaqaysan ee
danbi ayuunbuu faraha kula jiri jiray.

Dhibaatadu waxay ka bilaabantay Aabe xilkiisii gabay oo Aduunyo raac


noqday halkii uu ka dhisi lahaa Ubadkiisa uuna bari lahaa hab dhaqanka
wanaagsan iyo hanaanka ugu quruxda badan ee loo noolaado.

Tani waa dhibaatada haysata qoysas badan oo inaga mid ah, waayo maanta
aabayaashii badankoodu waa qaar seegay oo ka sagsaagay masuulyadii ka
saarnayd ubadkooda gaar ahaan wiilashooda.

Carrruurtoodii maaha qaar uga war haya sidii looga baahna una daba gala,
waana ta sababtay inay lumaan wiilaal badan iyo gabdho oo lays lahaa waxbay
taransanayaan kuwaas oo dariiq qaloocan maray, markay waayeen ee ay
meeshii ka baxday taladii iyo tusaalihii Aabayaashood siin lahaayeen.

Dulucda Sheekada
( Balaayo Ka hortag ayay leedahaye Ka daba tag ma laha)

63
Tudhaale

Dayac Hooyo Ka Danbaysay

Waxa uu ahaa mid ay ka muuqato diif oo aad moodo inaan sannado loo
maydhin wax jal ahna la siin, Talow ma ciyaala suuqbaa ayay dadku is
waydiiyaan markay arkaan, waxa uu ku labisanyahay garan yar oo cawlan iyo
surwal Jeans ah oo dildilaacsan.

Waa dibad meer aan cidna ka baqan meelna ka waaban baakidho Sigaar ah iyo
geedo Qaad ahna ku tagaan maalin walba.

Waxa uu gurriga ku soo laabtaa isaga oo la soo wax yeeleeyay oo la soo dilay
ama se wax soo dilay , waxa uu kaligii kula noolyahay hooyadii iyo laba
hablood oo ay walaalo yihiin gurri aad moodo qasri oo aad u qurux badan se

64
Tudhaale

aanad moodayn ama u quudhayn inuu isagu ku noolyahay, xaafada isagaa ugu
wayn oo curadkii ah, Dugsi waa loogu taag waayay waxbarasho kalena
hadalkeeda daa.

Fil ahaan waa 16 jir laakiin aad moodo 10 jir, waayo waxba ma cuno
jidhkiisiina koritaankiiba ku yaraaday, oo wax daryeel ah oo ku filan ayaanu
helin.

Aabihii waxa uu ku maqanyahay magaalo kale oo uu u xoogsi tagay sidii uu


carruurtiisa noloshooda u kafayn lahaa, waxaana uu masuuliyadii daryeel iyo
kobcin wada saaray hooyadood (Gabadhiisii), Biilka waa uu u soo diraa,
sanadkiina maalinbuu yimaada, habeenkii waxa uu ka yari soo hoydaa saq
badhka, waa qalqaali faraha lagaga gubtay, intaa waxa u dheer Innamo yaryar
oo kale oo ay is raacaan si ay dadka u dhacaan mobile-dana uga xafaan, waxa
khaatiyaan ka taagan magaaladii oo habeen hadduu nabad qab ku seexdo
gurrigooda habeenka kale Saldhiga ayuu u hoydaa.

Waa faraha laga qaad cid walba karahday oo caan ka noqday magaalada,
hooyadii faraha ayay kaga gubatay oo ammaan ay hesho daayoo noloshuuba
ku cidhiidhyay, maalinta uu waayo Sigaar iyo Qaadna gabal baas ayaa u
dhacay hooyadii oo qasab ayuu kaga qaadi jiray waxoogaaga yare ee biilka ah
ee ay xaafada u hayso.

Aabihiina afarata cisho ee uu joogo masaajidka kama baxo oo waa qof toosan,
hadana marka uu noqdo ayuunbuu halkiisii ka bilaabaa.

Saldhigyada Magaalada waxa uu ka noqday caan oo askari kastaa wuu


yaqaanaa waxaanu ku jiraa liiska qamaamuurta waawayn ee wax dhacda

Jidh dilka lagula kaco marka uu wax dhaco ma damqo oo warba kama hayo
inay nabaro soo gaadheen, jidhkiisu meel fartaas la saaro malaha oo
argagaxbaa kugu dhacaya hadaad aragto waxa dhaawac ku yaala.

Waxa uu la saaxiibyahay afar kale oo noociisa oo kale ah oo ay isku mabda’a


yihiin, Mar walba waxay hooyadii ku tawaawacda habaarkani halkuu kaga
dhacay wiilkayga se maxaa sababay inuu isaga oo wanaagsan noqdo mar
kaliya dibjir?

65
Tudhaale

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gabadh ay saaxiibyihiin u timid kii yaraa


hooyadii waxaanay waydiisay waxa ku dhacay wiilkeedii ee uu u noqday qof
dadkii khaatiyaan ka istaageen oo dhac iyo booba yaqaan kuna walfay
balwadaas.

Waxay ugu jawabtay iyada oo murugaysan “ Wiilkayga anigaa baday dhibtaas


uu qabo iyo taa uu dadka iyo anigaba noo gaysanayo, maantaanan gartay
khaladkaas aan galay!!”

Gabadhii ayaa iyada oo yaaban hadana waydiisay “Oo maxaad adigu sabab
ugu noqotay?”

Waxay ku bilowday sheekada sidatan iyada oo murugo wajigeeda ka


muuqato:-

“ Inankaygu waxa uu ahaa qof toosan oo aan xumaan u dhawaan dadka xun
xuna raacin, sidaas ayaanu ku barbaaray ilaa uu gaadhayay 6 jirkiisii.

Maalintii uu lix jir gaadhay ayaa uu Aabihii ka helay shaqo magaalo kale
deetana waa uu tagay, waxaana markii uu tagayay igula sii dardaarmay inaan
ilaaliyo Akhlaqda iyo koriinka carruurta dayeelkoodana ka adkaado maadaama
uu isagu naga fogaaday, Laakiin waan iska dhagatiray arrintaas waana uu
anba baxay, Biilka ayuu noo soo diri jiray bil kasta dhawrkii biloodna
todobaad ayuu soo fasax qaadan jiray si uu noola soo joogo warna nooga soo
helo. Wiilkaygani waxa uu dhigan jiray Madarasad Quraan iyo Dugsi,
waxaana uu ahaa qof ku wanaagsan kuna dadaala dhanka Tacliinta, marka uu
waqti firaaqo ah helana waxa uu daawan jiray TV-ga (Muuq-Baahiyaha)
meelna umuu bixi jirin.

Deetana markii uu gaadhay 7 jir ee uu Aabihiina naga maqnaa ilaa sanad


ayaan bilaabay inaan daawado filimaanta musalsalka ah, maan danayn jirin
isaga manaana siin jirin waqti uu igula hadlo iguna waydiiyo waxa uu u
baahanyahay manaan daryeeli jirin oo farahaan ka qaaday,

TV-ga (Muuq-baahiyaha) hadduu is yidhaahdo daawana indhahaan ku dhufan


jiray oo dibada ayaan aqalka uga saari jiray, waxanan ku odhan jiray orod
qayrka raac waayo waxaan rabay inaanu iga mashquulin filimaantan aan
daawado ee musalsalka ah.

66
Tudhaale

Marka aan dhamaysto filimaantaydana waan iska seexan jiray oo warba


kamaan hayn jirin waxa uu qabanayo iyo xilliga oo soo hoyanayo iyo cida uu
raacayo.

Nasiib darro waxa uu inankaygii la qabsaday dibad meerkii aan habeenkii is


odhan jiray iskaga madadaali intaad dhamaysanayso filimaanta laakiin
dhibtuba waxay ka bilaabmatay xagaas oo xadhkaha ayuu goostay oo wiilal
iyaguna budhcad ah oo dadka baadha ayuu la saaxiibay oo uu raaci jiray
habeenkii.

sidaasna farahayga ayuu kaga baxay ilaa uu soo gaadhayay heerkan uu imika
taaganyahay, Aabihii umaan sheegi jirin marka uu noo imaado ee waan ka
qarin jiray si aanu isna ii sheegin inaan daawado filimaan oo aan kaga jeestay
daryeelkoodii.”

Markay sheekada halkaas marinaysay ayay baroor qabsatay iyada oo ka


maroora dilaacsan khaladka ay samaysay, Gabadhii saaxiibadeed ahayd way
aamusisay waxaanay u dajisay niyada.

Iyaga oo sidii u fadhiya guriga oo aan ka kicin qolkay wada fadhiyeen ayuu
soo galay wiilkeedii oo ilmaynaya isaguna, Shaw waxaabu dhagaysanayay
sheekadan dhex martay hooyadii iyo gabadha kale.

Waxa uu isaga oo qaylinaya oo ooyaya ku dhawaaqay “ Hooyo adiga ayaa


xagaas I dhigay, adiga ayaa i dilay dhaqankaygiina lumiyay daryeelkaygiina
dayacay waajibkaagii aan kugu lahaana guddan waayay oo ka gaabiyey, ee
hooyo maxaad ii dhalaysay hadaad sidaas oo dhan ii dayacayso?

Hooyadii intay kor u kacday oo ay gacanta soo qabatay wiilkeedii ayay


madaxa ka dhunkatay oo ay tidhi “ Hooyo waan ku jeclahay laakiin khalad
wayn ayaan kaa galay ee i saamax aniga ku qaloociyee, imikana diyaarbaan
kuula ahay wax kasta oo wanaag ah oo aad rabto xumaantana ka dhex bax.”

Wiilkii waxa uu ugu jawaabay “waayahay hooyo” waxaana uu u balan qaaday


inaanu isna ku kici doonin fal danbe sidaasna danihiisa uu ku raaci doono oo
aanu cid xun oo danbe raaci doonin talaabana la wadaagi doonin.

Dulucda Sheekada

67
Tudhaale

Maah-maah soomaali ah ayaa waxay tidhaa (Haani guntay ka tolontaa)

Waxaan uga jeedaa Ilmuhu marka uu yaryahay hadduu koriinka daryeel ka


xumaado isna waa uu qaloocda, waxyaabo badan oo aan la moodayn inay
mustaqbalka carruurta mugdi galin karaan ayaa jira oo aanay ka war qabin
waalidiintu gaar ahaan hooyooyinkan casrigan danbe jira”

U Hiili Naftaada

Bari ayaa waxa jiray Dabagaale yar oo aan aqoon habka qadhaabsiga, cabsi
badana ka qabi jiray inuu qadhaabsado oo uu la tartarmo qayrkii. dhammaan
dabagaalayaasha kale way dili jireen oo inta yar ee cunto ah ee uu meel ka
helena way ka qaadi jireen.
Waqti waqtiyada ka mid ah ayaa dabagaalihii tashaday oo uu go'aansaday inuu
noqdo mid qadhaab taga duruuf kastana u samra oo ka soo waajahda
qadhaabsiga, sidoo kale wuxuu sameeyey tababar aad u adag waxaanu go'aan
ku gaadhay inuu noqdo mid aan isku dhiibin duruufaha qalafsan ee ku

68
Tudhaale

gadaaman, Dabagaalayaashii kale waxay arkeen inuu noqday mid firfircoon


oo awood leh cidna u joojinayn, lagana badinayn dhanka qadhaabsiga, uu
yahayna mid la soo baxay hab fudud oo uu ku qadhaabsan karo.
Wuxuu arkay dabagaalayashii ku dili jiray ee hor yaci jiray oo daba socda,
wuxuu qaatana aan ku habsaamin ee ka leexda. qaarkood way ku soo
dhawaadaan oo garabsadaan si ay uga dhigtaan saaxiib sidoo kalena waxay ku
eegaan indho naxariis leh iyo waji hufan oo wanaag ka muuqdo, Asxaab
badana wuu yeeshay.
Markuu diciifka ahaa ee uu yaraa mid walba waxa uu isku dayi jiray inuu ka
hafo inta yar ee uu haysto isagoo garabka ku dhufanaya waji xuna ku eegaya,
mar kasta waxa uu ahaan jiray ka ugu danbeeya, mid u naxariistaana muu jirin.
Saaxiibna hadalkiisaba daa oo ka raacaaba la maagi jiray.
Wuxuu ogaaday Inuu markuu tashaday ee uu naftiisii wax taray ee uu go'aan
adag qaatay si adagna u shaqeeyey ee aanu cid daba fadhiisan lagu soo daba
faylay.
Wuxuu garwaaqsaday inuu Noqday halyeey aan cidi ku soo habayaamin oo
imika isaga wax la bidayo. wuxuu ogaaday maalintuu naftiisa u kacay ee uu
garawsaday inuu yahay mid jira waxna qabsaday, Sidii ayuu u ahaa mid jira
taladana wax laga waydiiyo.

Ogoow oo ogsoonoow in maalintaad naftaada u kacdo kadeed oo dhana u


dhigato dhabarka inaad noqonayso mid lagu daba faylo waxna la waydiiyo
isaguna wax is tara inta kalena wax tara.

Mid kalena iga gunud oo xaqiiqso inaan cidna intay gacanta ku qabato ku soo
kicinayn cid ku sii jabisa mooyaane ilaa intaad odhanayso " Waa inaan wax
noqdaa oo aan noqdaa waxaan rabo ee aan naftayda ku caawin karo gartaana
dawga iyo booskaan kaga jiro Nolosha iyo Aduunyada" deetana kacdo oo aad
xariiq jeexato falawgeedna aad gasho sidii aad u gaadhi lahayd una dhaafi
lahayd xariiqdaa kuu astaysan.

FG: sheekadan waxaan u mala'awalay si aan u hoga tusaaleeyo waxyaabo


badan oo ku xeeran nolosheena

Dulucda Sheekada

( U Hiili Naftaada oo Garawso Awoodaada )

69
Tudhaale

Odhaahyo Dhiiri galineed


(Waa hawraar dhiirigalineed iyo hadal waxtar ahoo, Hawd iyo
barwaaqana kuu hogaaminaayee)

“Talo Lagama Gaajoodo Laakiin Cunto Waa Laga Gaajoodaa”

“Cilmigiyo Aqoonbaa Meel sare ku geeya.


Camal Suubaniyo ceeb la'aanbaa aakhiro sahay u ah.
Cimrigaagu waa fursad Illaahay ku siiyey.”

“Inaad lahaato aragti caafimaad qabta oo kuu gaara taas oo aad wax ku
cabiri kartaa, waxay muujinaysaa awoodaada fikir ahaaneed.”

“Shaqsiyada wanaagsani waa sida Birlabta oo kale taas oo soo jiidata


shaqsi walba oo damiir iyo dadnimo leh”

“Maskaxdii fayowbay fikirado fiicaniyo ka soo ifbaxaan muuqaalo toosan”

“Aqoonsiga himiladaada iyo hiigsigaagu waa meel


Waxaad se garawsataa meel mariya mabda'aagee.”

“Maskaxda maal oo muruqa maal laakiin indhaha ha maalin badanaa


waayo Indhuhu wax dhaw ayuunbay arki karaan laakiin maskaxdu meel
dheerbay wax ka arki kartaa.”

“Samirku waa shiidaalka Rajada

70
Tudhaale

hadaanada Samir lahayn Rajo yeelan maysid”

"Niyadu waa Quraarad taas oo laga dhex arko kolba waxa layska
dhaadhiciyo"

“Runtu waa Dawo qadhaadh, Beentuna waa Sun macaan."

“ Haddii aad Naftaada runta u sheegi waydo, dadka kugu xeeran ayaa kuu
sheegi doona”

“Waligaa ha noqon qof ku riyooda waxa uu rabo ee noqo qof rajeeya waxa
uu rabo.Waayo markaad riyoonayso waa xili uu maqanyahay caqligaaga
iyo ruuxdaaduba oo aanad ahayn qof soo jeeda laakiin rajada waxaad
sawrataa adiga oo soo jeeda oo miir qaba, waana sawr ku hor imaada adiga
oo fayow laakiin u baahan uun inaad ficil samayso aad ku gaadho rajadaas
waayo noloshu maaha Riyyo ee waa Rajo.”

“Wax kastaaba hubsiimiyo hawl-karnimay ku bilanyiine Hawl kastood


qabanayso labadaas la ogoow”

“Waligaa ku dhawoow meelahaad ka shiidaal qaadan karto, meelahaas oo


ah xarumaha aad ka heli karto ama ku arki karto wax kugu dhiiri galinaya
inaad hankaaga iyo himilaada gaadho, kana dheeroow meelaha niyad jabka,
calaacalka, is qoomamaynta iyo dib u dhaca.”

"Saldhigaad dagaysiyo waa la sahanshaa surinkaad maraysaba."

“Daganidu waa dabarka dulqaadka


Deeqsinimaduna waa dayrka baahida lagaga gabado.”

71
Tudhaale

“ Maamuus naftaada maaree waqtigaaga oo meel mari hankaaga iyo


himiladaada heer sarena gaadhsii.”

"Ha saluugin naftaadee


Hadafkaaga hawayso
Halkaad doonayso gaadh."

"Qof walba waxa uu jecelyahay inuu guulaysto, laakiin waxa kala saaraa waa
dadaalka, dulqaadka, iyo duruufaha iyo habka uu ku wajahayo.”

“Maxsuulka kuu soo baxayaa wuxuu ku xidhanyahay ficiladaad samaynayso.


Samee ficil wanaagsan si aad u hesho maxsuul wanaagsan."
"Ikhtiraac hillinkay marayso noloshaadu oo habayso halkaad gaadh
isleedahay."
"Aasaas, Astee oo ka arimi qorshahaaga qofeed qalbigana ka aqbal deetana
qabo oo qaabe qarfaha aad maraysana qalabkeeda samayso."

"Ku dhicista inaad ku dhiirato waxyaabaha ku cabsi galin kara waa qayb ka
mid ah geesinimadaada aad ku abaari karto badwaynta iyo mawjadaha nolosha
ee aad dhex muquuranayso."
"Haddii lagu canaanto maaha inaad niyad jabto ee waa inay ku dhiiri galisaa
haddii lagu amaanana maaha inay ku hoddo ee waa inay ku sii hanuunisaa."

"Hufnaan, Halkarnimo,Hawl karnimo iyo Hagrasho la'aan waa tiirar ka mid ah


tiirarka horumarka shaqsiyadeed ee wax badan kaa caawin kara hadaad
dabaqdo kuna dhaqanto."

72
Tudhaale

"Habsami u socodka noloshaada inta badan waxa saameya shaqooyinkaad


qabanayso iyo habkaad u qabanayso"

"Cidna ha uga tanaasulin xaqiijinta himiladaada, Hubee naftaada oo ku hubee


kalsooni iyo samir kuna hami meel saraysa."

" Fiqiirnimo maaha inaanad haysan kharash kugu filan laakiin fiqiirnimo waa
inaanad lahayn maskax kugu filan oo aad nolosha kula tacaasho"

"Haybad baad ku nooshahee hamigaaga ha waydayn"

“Qof walba waxa uu tabaa guusha, laakiin qof walba ma raadiyo”

"Kalsooni darro waxa kuugu filan adigo naftaada u sheegi kari waaya
xaqiiqada"

"Carqaladaahaga uga faa’iidayso oo ka dhigo salaan aad ku fuusho kaabadaha


guusha"

"Dadka qaar guusha ayay kula wandaafiyaan qaar kalena hareerahay kaa
istaagaan halka kuwo kalena sacabka iyo mashxarada guushaada ku toosaan"

"Baafi awoodahaaga iyo tayooyinka kugu jira si aad u hesho in badan oo kugu
dhex dhuumanaysay"

" Qofka Dadnimadaada kugu qiimayn waayay haka yeelin inuu magacaaga
kugu qiimeeyo"

73
Tudhaale

" Guushaadu waxay ku tustaa inta taageerayaal ee aad leedahay halka Guul
daraduna ku tusto inta tiir ee aad leedahay"

"Waqtiga adagi wuxuu kugu caawiya inuu kuu kala shaandheeyo cida ku garab
taagan ee ay daacada ka tahay iyo cida aan si dhab ah kuu garab taagnayn
laakiin afka gobaadsiga kugula dhaqmaya"

“Haddii aanad ugu istaagi Karin lugahaaga si kuu gaar ah adiga dadka kale
ayaa ku bari doona qaabka ay u istaagaan”

Dhammaan Odhaahyadan waxa iska leh Aniga, maaha qaar aan


cid kale ka soo amaanaystay ee waa hanti maskaxeedkayga aan
anigu hantida u leeyahay.

Dhammaad
Waxaan rajaynayaa in Dhiganahani idinka caawiyay wax badan oo
noloshiina khuseeya kana faa’iidaysateen Macnaha uu xambaarsanyahay,
kaas oo ka kooban Sheekooyin iyo Murti Dhiiri galineed.

Allaa Mahad leh.

74
Tudhaale

W/Q : Xamse Siciid Maxamed

Fiiro gaar ah
Xuquuqda Buuggani waxay u dhawrantahay
Qoraaga.
Lama Daabacan karo, sifo kalena looma isticmaali
karo, iyadoon amar laga haysan Qoraaga.

Fadlan Wixii Talo iyo Tusaaleba ah iigu soo hagaaji


Mobile: 0634410163
Email: qoraaxamze@gmail.com

75

You might also like