You are on page 1of 8

Saddex calaamadood Oo Noloshaada Burburin kara Iyo

Sagaal Dariiqo Oo Looga Adkaan Karo

Naftaadaa leh qiimeyta kowaad

Is-yasida iyo isku quuri waaga aad naftaada kula kacdo ayaa
carqalad weyn ku ah barashada sida naftaada loo jeclaado.
Haddii aad had iyo jeer tahay mid dadka raali galiya, waxaad
naftaada kula jirtaa jihaad iyo dagaal joogto ah, kumana noolaan
doontid xasilooni iyo jacaylka aad u baahan tahay.

Markii aad joojiso raaligalinta iyo farxad-ka raadinta dadka kale,


waxaad bilaabaysaa in aad is barato adigu oo is-jacayl idin dhex
maro naftaadda. Waxaad ogaaneysaa in aad u baahnayn qof kale
in uu wanaag dareensiiyo naftaada ee adigu aad u hayso farxada
iyo rayn raynta. Dadka in ta badan farxad ka baadi goobo dadka
kale ama banaanka ka raadsha, waxay nool yihiin nolol cidhiidhi
ah, waxay waqtigooda ku dhumiyaan is-ka dhaadhicinta kuwa
kale, si ay u qaboojiyaan dabka ka holcaya uurkooda. Laakiin ma
oga waxay dhaawac iyo waxyeelo aan dawo la ahany u
geysanyaan nafahoodda.

Barashada sidaad u noolaan lahayd nolol farxad leh macnaheedu


waxay tahay in aad naftaada jeclaato. Sideed ku heli kartaa
farxada aan ka sheekeynayo markey kugu hareereysan yihiin dad
badan oo aad rabto in aad raali galiso mid walba?!

Saddex astaamood oo aad naftaada ku burburinayso

1. Waxaad isku daydaa in aad ka farxiso qof kasta. Waxaa is


khilaafsan waaqica dunidaada hoose iyo mida aad fagaaraha
kaga sheekeyso. Waxaad ka taanaasushay dhamaan hibooyinka
Eebbe kugu kali yeelay, waxaadna dooratey in aad noolaato nolol
qof kale. Xaaladaan waxaad joojisaa in aad diiradda saarto
ahaanshaha qofka runta ah ee aad tahay. Waxaad liidaah
naftaada adigoo u curyaaminaya kuwa kaa tabar yar. Waxaad
mudnaanta kowaad siisaah qof kasta oo aan naftaada ahayn.
Kaama ahan jacayl aad dadka kale u qabto ee waxaad dagaal
qabow kula jirtaa naftaada. Waxaad baadi goobeysaa baadi kugu
dhex milan!

Waad is-qarxin kartaa oo dili kartaa naftaada si aad qof kale uga
farxiso. Si aad u ilowdo baahiyahaaga dhabta ah, waxaad xoogga
saareysaa baahiyaha dadka kale si ay naftaadu u
wanaagsanaato. Markaas waxaad iska dhaafeysaa in aad
noolaato noloshaadii dhabta ahayd, mana buuxin doontid
baahiyahaaga abidkaa. Ma noqon karaysid qof isagu is-bixiya,
daryeela, ama noloshiisa hugaansha. Laga yaabee in aad u
oggolaato baahiyaha dadka kale in ay ka hormaraan kuwaaga. Is-
ahaanshahu waa mid ruuxa siiya xoriyad dhamaystiran iyo nolol
dheeli tiran. Waxaa la yiraah daa jacaylku wuxuu ka bilowdaa
naftaada; ogobey haddii aad naftaada sahwi ka qabto sidee u
jeclaan kartaa dadka kale? Haddii ay naftaadu ka baahi qabto
aragtidaada sidee dadka kale baahidooda uga sheekeyn kartaa?
Hadii naftaadu xasilooni kugu haysan sidee u xasilin kartaa dadka
kale qalbiyadooda? Haddii.... Haddii.... Haddii...... Hadaadan
jecleyn qofka aad tahay, waxaad ku dhibtoon doontaa nolosha,
waxaadna ku dhamaysaneysaa noloshaada in aad ka farxiso qof
kasta oo ahayn adiga. Ilaa in ta aad naftaada hoos u dhigayso
waxaad geed dheer ka fuushay hibo kasta oo aad lahayd adigu.
Sababta dhabta ah ee aadan u joojin karin is-faquuqa naftaada
ayaa noqon karta cabsi iyo shaki aad ka qabto naftaada, taasoo
kugu kalifaysa in aad qariso cid dhabta ah ee aad tahay,
buuxisana baahiyaha dadka kale. Sidoo kale waxaad aaminsan
tahay haddii aad naftaada ka dhigto mid muhiim u ah dadka kale
markaas iyagu kaaama tagayaan.

2. Waxaay noloshaadu ku dhamaan nolosha dadka kale.


Waxaad iska nooshahay nolol aan ahayn taada. Waxaad iska
indho tiraysaa dhibaatooyinka iyo hibooyinka noloshaada.
Waxaad maal gashanaysaa kuwa kale laakiin naftaada cadow
baad u aragtaa. Waxaa door bidaysaa in aad dadka kale ka
dhigto kuwa farxsan, laakiin adigu hoos faruurayahaad qaniinsan
tahay. Waxaad dhibkaas oo dhan u mareyso soo in dowladaada
la aqoonsado un maaha? Si aad u hesho ammaan, jacayl,
taageero, iyo xiriir, marka, su'aashu waxay tahay maxaad ugu
dhiiran la'dahay in aad noloshaada adigu hagaajiso oo u
dhibaysaa? Soo ma heli kartid in aad gudaha iyo dibadaba ka
dhoola cadayso. Adigu haddaad isku istaagto oo naftaada
quwayso dadku soo si bilaa baryo ah kugu sacabin mayaan?

Maxaad u dareemi la'dahay in aad tahay qof go'aan leh oo Eebbe


kaligii abuurey basharkana ugu san dheer waayo waxaad tahay
ku la karaameeyey? Haddii aad joojiso in aad diiradda saarto
dadk kale, waxaad dareemaysaa in aad adigu tahay kan loo
bahaan yahay balse isagu isku baahan. Ha ka cabsan in aad
noloshaada ku nolaato. Iyada ayaa ah farxada iyo hormarka aad
ku riyooneysid.

3. Cabsidu waxay kaa dhigeysaa mid diirada saara dadka kale


oo aan naftiisa daryeeleynin. Waxaad is-moogsiineysaa naftaada,
waxaana dayacaysaa baahiyahaaga dhabta ah. Cabsidu waxay
naftaada ka dhigtaa mid aan qiimo lahayn, oo aan naftiisa jeclayn.
Waxay kuu jihaysaa dadka kale si aad dareento fiicnaan, waayo
iyagu waxay ku ansaxin karaan fiicnaanta sababtoo ah adigu
naftaada uma xaqiijin kartid! Cabsidu waxay naftaada ka
weecinaysaa dareenkaaga dhabta ah, adigoo la qabsanaya
dabeecadaha dadka kale iyo noloshooda kuwaas oo ugu
danbeyn burburinaya noloshaada. Mar kasta oo aad ka orodid
naftaada waxaa sii badanaya dhibaatooyinka noloshaada,
maalinba maalin ayey ka sii dareysaa ilaa aad burburiso oo
lumiso noloshaada oo dhan!

Waqtigaaga iyo cimrigaaga oo dhan ayaa ku lumaya isku dayga


in aad naftaada ka cararto. Waxaad raadineysaa wado ka baxsan
dareenkaaga mana jirto hab kale oo aad dariiqa nolosha ku heli
karto ilaa aad adigu is aqoonsato. Nabi Mohammed(Scw) Soo ma
odhan "Eebbe ha u naxariisto ku noloshiisa tabarteeda gartey".
Halkaasey guushu iyo badhaadhuhu ka bilowdaan. Haddii aad
adigu naftaada weerar joogta ah kula jirto ayaad filaysaa in ay idin
dhexdhexaadinayaan? Haddii aadan adigu naftaada la sheshiin
kareyn ayaa idin heshiisiinaya? Haddii aad adigu is-gumaysatey
yaad ugu ciil qabtaa noloshaada liidata? Si kastaba ha noqotee,
si kastoo aad u soo jiidato dadk kale, ma tihid ruuxa saxda ah ee
aad u maleyneyso inaad tahay. Maahid qofka aad runtii tahay!
Runtu waxay tahay, waxaad raadineysaa kalgacalka dadka kale,
halkii aad ka heli laheyd jacaylka naftaada dhexdeeda, markaas
miyaa tahay ruuxa aad u malaynayso in aad tahay?
Xaqiiqdu waxay tahay, qofna ma beddeli karo dareenkaaga,
noloshaada, hormarkaaga iyo naftaada haddii aadan adigu u
aqbalin naftaada sida ugu fiican. Haddii aadan arki karin
qiimeynta dhabta ah ee naftaada, waxaa badan raaligalintaada
iyo jacaylka idin ka dhexeeya adigiyo dadka kale, taasina waxay
dhaawaceysa naftaada.

Markaad isku aragto astaamahan ogow waxaad burbur kuwadaa


naftaada! Ahayga niyad jabin waxaad wali beddeli kartaa sida aad
naftaada u aragto, waxaadna u noolaan kartaa si aad u qalanto .

Halkaan waxaa ah sagaal siyaabood oo aad naftaada u jeclaan


karto, unna joojin karto wax-yeeleynta noloshaada:

1 Bilow in aad mudnaanta siiso naftaada oo aad diiradda saarto


naftaada, halkii aad mudnaata kowaad siin lahayd dadka kale.

2. Dhageyso naftaada oo run ka noqo baahiyahaaga iyo waxaad


rabto. Weydii naftaada, "Sideen dareemayaa hadda?" ama "Tani
ma waxaan doonayaa?" " Ma noolahay noloshaan doortey anigu,
mase dad kale ayaan ka shidaal qaataah?". Adigu is ahow mar
walba.

3. Baro sidda naftaada loo jeclaado oo aan nafta loo yasin ama
ciqaabin. Naftaadu xaq bay kugu leedahay ee cadaalad sameeh.

4. U muuji naftaada karti adoo qancinaya. Tusaale: Xad u yeel


ama xuduudo oo dheh "maya" waxaadan raali ka ahayn.
5. Aamin naftaada. Dadka kale kaama tagayaan markii aad si
fiican u daryeesho baahiyahaaga iyo noloshaada. Halkii aad ka
dareemi lahayd hoos u dhac iyo liidnimo markaad dadka kale ka
farxiso.

6. Markii ay wax kaa qaldamaan, xusuusnow in aad tahay bashar


ay khasab tahay in uu khaldamo. U fiirso wado kasta oo aad ku
xalin karto dhibkaaga horeyna uga soco.

.
7. Weydii naftaada waxa ujeeddooyinkaagu yihiin, ama waxa
adiga kuugu muhiimsan noloshaada. Adigoon u aabo yeeleyn
dadka kale caddeeh hadafkaaga, si aad naftaada u hormariso.

8. Ha kaa go'naato in aad naftaada xushmeyso oo naftaadana


runlow u ahaatid. Adigoo kaalin mug leh ka qaadanaya is-jacaylka
naftaada.

9. Marka aad dareento in naad ka tanaasusho ama aad iska


ilowdo yoolalkaaga, weydii naftaada, "Sidee bay noqon
noloshaydu haddii aan joojiyo tan"? Waxaad helaysaa is-
maxabayn iyo jacayl kaala dhaxeeya naftaada halkii kolkii hore
aad ku tiirsaneyd dadka kale si ay kugu saxiixan fiicnaanta. Adigu
naftaada xoogga saar halkii aad ka raadin lahayd oggolaansho
iyo kalgacal dadka kale, ha ka tanaasulin naftaada marna.
Waxaad kaga gudbi kartaa adigoo badala dhaqankaaga iyo sida
aad naftaada u aragto.

Isbedelka dhabta ahi wuxuu ka yimaadaa bedelka habka aad ula


dhaqanto naftaada. Abuur farxada halkii aad ka raadin laheyd
meel ka baxsan naftaada. Markii aad naftaata wax daymiso adigu
un baa is daymiyey waxaad naftaada maanta daymiso ayaad biri
heli doontaa. Kala dooro inaad naftaada maal gashato oo aad biri
ku noolaato faa'iidadii ay ku dhashay iyo in aad dadka maal
gashato oo aad khasaaro mooyee faa'iido u joog noqon.
Shaatigaad/diracaad u xidho naftaada adiga un buu ku qurxiyaa,
haddiise aad cid kale u xidho cidaas un baa ku dhalaashee adigu
waad ka aradan tahay.

Markii aan joojino in aan diiradda saarno qof kasta oo kale


noloshiisa, waxaan xor u nahay in aan gaarno himilooyinkayga oo
aan ku noolaano sida nafteyda dhabta ahi raali ka tahay ee aan
qofba qofka kale noloshiisa noolaan. Haddii aad aqoonsatid
calaamadahaas is-dabo marsan oo la yidhi kii dadka raali galiyaa
nin ah, kii naftiisa jeclaadana waa nacas, waad ka gudbi kartaa
oo abuuri kartaa kalgac adiga iyo naftaada ka dhexeeya.

Markaad beddesho sidaad naftaada u dareemeyso/u aragto


waxaad beddeli doontaa sida aad naftaada ula dhaqanto. Markii
aad badasho sidaad naftaada ula dhaqanto waxaad go'aan ka
gaareysaa siday dadku kula dhaqmaan, markaad badasho siday
dadku kula dhaqmaan waxaad iftiin ay wax ku arkaan u
noqoneysaa dadka kale.

Mar haddaad ka adkaato macallinkaaga gudaha, waxaad


garwaaqsan doontaa qiimahaaga dhabta ah, waxaadna beddeli
doontaa aduun-aragaaga, waxaadna ka takhalusi doontaa
dabeecadda-is-dhiibidda iyo isku-quuri waaga leh.

Author Details:
Optimistic, gemmologist, curious, self-trainer, failed many times Ahmed
Qurbaani delivers your most incredible lessons about life, kindly make
sure to share your colleagues and follow my blog posts.

You might also like