You are on page 1of 4

15 Dabeecadood oo aad milyaneer ku noqon karto muddo

kooban

1. Joogtee wax akhriskaaga

Taajiriintu waxay mudnaanta kowaad siiyaan wax akhriska halkii uu lacag kaliya
ka fakari lahaa. Sida uu qorey Brian "Sideetan iyo sideed boqolkiiba taajiriintu
waxay soddon daqiiqo ama in ka badan ku bixiyaan maalin kasta wax akhris"
Intooda badan waxay wax u akhriyaan si ay u kororsadaan aqoon ee kama ahan
madadaalo.
Dadka hodanka ah waxay akhriyaan seddex nooc oo buuggaag ah: taariikh
nololeedka dadka guuleystay, buugaagta ka shakeeya horumarka shaqsiga iyo
taariikhda.

2. Jimicsigaaga badi

Toddobaatan iyo lix boqolkiiba dadka hodanka ah waxay jimicsi sameeyaan 30


daqiiqo ama in ka badan maalin kasta. Jimicsiga wuxuu noqon karaa orodka,
dabaasha, socodka, ama wax kasta oo caafimadkaga iyo jirkaaga dhisaya.
Jimicsigu wuxuu kobciyaah neerfaha maskaxda; jimicsigu wuxuu kaloo
kordhiyaah soo saarka guluukooska. Guluukoosku waa sonkorta/shidaalka
maskaxda. Shidaal badan oo aad quudiso maskaxdaada waxay dhashaa natiijo
miro dhal ah.

3. La fariiso oo saxiib dhow ka dhigo dadka guuleystay

Waxaad uun u la'aragti tahay shanta qof ee kugu hareereysan. Had iyo jeer isha
ku hay shakhsiyaadka higsashada leh, rajada fiican leh, xamaasad leh, fogaan
araga iyo mustaqbal nuuraya leh. Geed dheer ka fuul kuwa rajo xumada iyo
baasaysiga badan.

4. Ku tabaruc aqoontaada, maalkaga, muruqaaga iyo si walba oo


aad dadka kale ku caawin karto

Si aad ula noolaatid dadka wanaagsan oo wada guulaystay ku bixi qayb ka mida
waqtigaaga caawinta dadka kale. Way kuu baahan yihiin, ha sugin intay kuu
sheeganayaan baahidooda, adigu bilow hana ka raadin abaal gud. Waa
caalamadaha lagu yaqaan milyaneerka. Waa shaqsi aaminsan iskaa-waxuqabso
oo u roon dadka kale.

Waa sababta dad badan oo hodan ah ayaa iskaa wax u qabso ugu shaqeeyaan
ururada samafalka, una abuuraan kooxo ganacsi. Tani waxay kaa caawineysaah
in aad noolaato nolol heer sare ah oo farxad iyo qaneeco dhamaystiran leh.
Milyaneeradu waxay ku tabarucaan shan saacadood ama ka badan bil kasta.
Mihiim ma ahan in aad lacag un ku tabarucdu. Immisa hibo, karti oyo aqoon baa
jirta aad gaar la tahay adigu oo dadkaaga aad uga faa'iideyn karto? Isku kawaab
adigu.
5. Is-xusuusi riyadaada mar walba

Riyadaadu waxay qeexaysaa noloshaada mustaqbalka. Adiga isku rumeeh


riyadaada marka hore, aamin in ay macquul tahay dadaal yarna kaa xiggo
rumaynteedda. Riyooyinkeena oo dhan waa run waana macquul haddii aan u
howl galno. 61% milyaneerku wuxuu leeyahay riyo istiraatijidaysan iyo qorshe
cad oo uu ku hawl galo. Ma garan karo riyadaaday, laakiin waxaan hubaah in ay
macquul tahay. Riyo noocee ah ayaad ka leedahay nolosha? Isku jawaab adigu.

6. Ku soco himiladaada

Raacitaanka riyadaada iyo himilooyinkaaga ayaa abuura farxadda ugu weyn iyo
guusha mustaqbalkaga. In kasta oo dadka badan kii raacaan himilada dadka
kale sida: waalidkood iyo saxiibadood, hadaba natiijada ka soo baxaysa halkaas
ma ahan hanti kugu filan. Dadka hodanka ah waxay qeexaan hadafyadooda
waxayna daba galaan ilaa ay gaaraan halkey rabeen. Qeex hadafkaaga oo raaci
u noqo himiladaada waalidkaa ma oga wax kuu suurta gal ah adiga, kaliya waa
waalidkeen waana jecel nahay. Ahamed ahaan hooyadey Ruqiyo oo ah gabadha
dunida ugu qurux badan aana badalkeeda dunida idil siisteen markaan
dhameeyey dugsi sare waxaa mugdi iiga jirey sidaan ku heli lahaa jaamacad.
Galab baan la sheekeystay Hooyo ruqiyo, waxaa hadaladeedii ka mid ahaa
"Hooyo iska joog, aqoon kugu filan waad bartey, waxba jaamacad kaalama
maqna". Iyadu waxay ii diidaneyd welwelka iyo walbahaarka kama ahan naceyb
aysan jaamacad ila jeclayn. Waalidkaa inta badan ma arki karaan adoo
murugoonaya waxay ku siinayaan sida ugu fudud ee aad ku nafisi karto, laakiin
guushu waxay ku xidhan tahay in aad naftaada khatar u galiso. La noolow mar
walba shucuubtaada iyo himiladaada.

7. Seexo ugu yaar toddobo saacadood habeenkii

Hurdadu waxay muhiim u tahay guusha. Daraasad la sameeyey 89%


milkiilayaasha iyo dadka hodanka ah waxay seexdaan toddobo saacadood iyo
badan habeen kasta. Hurdadu waxay kobcisaah maskaxda, xusuusta iyo
caafimadka jirka.

8. Goor hore kac


Ku dhawaad 50% milkiilayaasha iyo dadka hodanka ah waxay kacaan hiirta
waabari. Dhamaantooda waxay toosaan ugu yaraan seddex saacadood ka hor
inta aysan shaqadooda bilaabin. Hiirta waabari waa istaraatiijiyad lagula tacaalo
nafta, laguna qoodeenyo wax-qabtka maalintaada. Waa lama huraan in aad
aroorta hore kacdo. Waa kugu ceeb haddii Digaagadu kaa horseexato kaana hor
kacdo. Kac shanta aroornimo waxay ku siinaysaa kalsooni aad runtii naftaada ku
hagto iyo noloshaada.

W/Q: Ahmed Abdi Qurbaawi


E-mail: qurbaawi2004@gmail.com

You might also like