You are on page 1of 8

QAYBTA KOOWAAD: TAARIIKH IYO UJEEDADA AASAASKA GUDIDA

1) UJEEDADA AASAASKA GUDIDA


Gudigan oo ka kooban dhalinyar isku kumidowday xal u helida dhabaatooyinka bulshada Awdal, gaar
ahaan, mushkiladaha ay da’yartu ka dhaxashay hoos udhaca ciyaaraha waxa lugu aas aasay
magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal bishii Junuary sanadkii 2012.
Xubnaha gudida seeska udhigay waxay koob naayeen sagaal dhalinya ah oo isugu jira shaqaale
macalimiin,dhakhaatiir, shaqaale dowlada, kuwo hay’adeed,kuwo shirkadeed iyo ganacsato kuwaas
oo isku baahaystay sidii ay waktigooda,maalkooda, maskaxdooda iyo tamartooda ugu midayn
lahaayeen oo ugu hurilahaayeen sidii xalwaara loogu helilahaa dhibaatooyinka ay dhalinta gobolku
kadhaxashay burburkii kuyimid ciyaaraha gobolka bilshaduna uyeelato mustaqbal iftiimaya oo lagu
dhiirankaro. Waxa ay xubnahaa dhalinyarta ahi gu’aan kugaadheen aasaaska guddida horumarinta
dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Awdal iyaga aanay habayaraatee ajandahooga ku jirin dano
gaara oo shaqsiya ama kooxeed in lagu gaadho oo shaqo tag iyo in macaash lagu raadiyaan aanay
fikirkooda kujirin balse waxay gudigan seeska udhigeen iyaga oo ay ka go’antahay in ay
mutadawacnimo ugu adeegaan baahiyaha da’yarta kahaysta dhinaca ciyaaraha una diyaara inay naf
iyo maalba u huraan taageerada da’yarta soo koraysa.

2) Himilada fog
Hiigsiga iyo himilada ay gudidu beegsanaysaa waxa uu yahay in mustaqbalka dhaw la arko bulshada
Awdal oo heshay dhalinyaro:
B) jidh ahaan iyo maskax ahaanba u bad kabta
t) awood uleh in ay wax kataraan aayaha noloshooda iyo guud ahaan ta bulshada oo lagu dhiiran
karo
j) wadaniyiin ah oo mustaqbalkooda lagu diirsan karo

3)DARIIQADA HAWL GALKA

Si looga midho dhaliyo hiigsiga himilada gudida waxa lagama maarmaan ah in dhalinyarada loo
abuuro fursado iyo barnaamijyo ciyaareed oo ay kaga maarmaan isticmaalka balwada kagana
badbaadaan qulubka ama stress-ka iyo halaaga tahriibta lagana taageero koritaanka jidh ahaaneed
iyo ka maskax ahaaneedba

4)HIMILADA DHAW IYO HAWL GALKEEDA

SI looga hortago dhibaatooyinka kuxusan dariiqada howlgalka ee himilada fog waa in loo hawl gala
kamidho dhalinta himilada dhow ee gudida oo hoos ku qeexan

Dhalinyarada Awdal oo heshay:

1) Gooromo iyo goobo ciyaareedyo nuuc walba leh


2) Tababarro ciyaareed,iyo kuwa anshax ciyaareed
3)
4) Gorsoor ciyaareed oo ku tababaran heerarka caalamiga ah
5) Kooxo dhisan oo haysta taageero dhinaca mooralka iyo dhaqaalaha ah una tartama ciyaaraha kala
duwan
6) Tartamo heer caalami ah oo ay kujiraan dhamaan ciyaaraha kala duwani

Qaybta 2aad: sharciyada kamid noqoshada iyo kabixida guddida

1) Kamid noqoshada
Gudidan oo ah mid ku dhisan mutadawacnimo ito iskaa wax uqabso xubnaha kujiraana ay ka
reebantahay u adeegida dana shaqshsiya ama kooxeed iyo macaash ka raadinta howlaha gudida
wax aka mid noqon kara muwaadin kasta oo buuxiya dhamaan shuruudaha hoos kuqoran
SHURUUDAHA KAMID NOQOSHADA
Qofka raba in uu gudidan kamid noqdaa waa in uu
1) Fahamsanyahay himilooyinka gudida islamarkaana ay ka go’antahay in uu naf iyo maalba uhuro
ka midho dhalinta hiigsiga gudida oo aanu shaqo doon ahayn
2) Kamadax banaanyahay taariikh hore oo kudhisan musuq iyo wax is daba marin. islamarkaana ku
caanyahay u adeegida danta guud iyo hurumarinta bulshada. Mutadawacnimo lagu yaqaan
3) Bulshada kalsooni buuxda kahaysto oo ay kartidiisa iyo daacadnimadiisaba lagu kalsoonyahay
4) Kamadax banaanyahay dhaqanada xun ee diinta islaamka kulidka ah iyo kuwa ay bulshadu
karaahiyaysato
5) Shaqsiyad madax banana yahay oo aan kamid noqoshadiisa aan lagu tuhunsanayn in ay cid dan
gaar ah lihi kadmbayso. Xidhiidhna aanu lahayn koox siyaasadeed, qabyaaladeed ama fikir diin
kusalaysan oo cid ugaar ah
6) Wacyigiisu sareeyo oo u fahamsanyahay si fiicana ula socdo duruufaha iyo xaaladaha nololeed,
dhaqaale, siyaasadeed ee dalka kajira una foojiganyahay saamaynta taban ee ay qabyaalada iyo
siyaasada qabiilka kusalaysani kuleeyihiin dhalinyarta iyo horumarka bulshada

KABIXITAANKA GUDIDA
Qofkasta waxa uu xaq uleeyahay in uu iska casilo xubinimada gudida xiliga uu doono iyo sobabta
uu doono isaga oo ay waajib kutahay in iscasilaadiisa umaro shuruudaha hoosku qoran

Shuruudaha iscasilaada
1) Waa in aanay iscasilaadiisu ku beegnayn xili uu mashquul jiro oo aan labuuxin Karin howshii
mutadawacnimo ee uu gudida uhayay.
2) Waa aanay jirin howl u qabyo iscasilaha oo dhamaystirkeeduna daruuri tahay ( hadii ay jirto
waxa ku waajib ah in uu dhamaystiro. Kadib ayuu is casilikaraa)
3) Waa in uu warqada codsiga ee is casilaadiisa uu usoo gudbiyaa masuuliyiinta gudida ee ay
qusayso 15 maalmood kahor wakhtiga uu rabo in u shaqada katago
4) Waa in uu xisaabiyo oo tiriyo wixii hanti iyo agab ah ee u kamsuulka ahaa islamarkaana
xisaabtiisa lagu qancaa

QAYBTA 3AAD: QORASHADA SHAQAALAHA IYO HANTIDA GUDIDA

1)Qorashada shaqaalaha
SILoo gaadho hiigsiga himilada gudida waxa lagama maarmaan ah in shaqaale ladirsado xiliga ay
howlo jiraan ee ay gudidu mashquulka tahay islamarkaana ay lagama maarmaan noqoto in qof
shaqaale ah la adeegsado

Nuuca shaqaalaha gudidu qoranaysaa waxa uu ku xidhanyahay hadba baahida shaqo ee jirta iyo
xirfada qofka shaqaalaha ah laga rabo

Shuruudaha shaqaalaynta

1) In fahamsanyahay himilada guud ee gudida diyaarna u yahay kamidho dhalinteeda iyo


mutadawacnimo islamarkaana kufaraxsanyahay in uu ku howl galo xeerarka shaqo ee gudida
2) Inuu aaminyahay oo aanu lahayn taariikh shaqo oo madaw islamarkaana ka fogyahay
dhaqanada bulshadu karahdo iyo balwadah xun xun
3) Inuu leeyahay dhaqan iyo asluub lagu qanco islamarkaana madaxbanaanyahay oo aanay id
gaar ahi saamayn kulahayn
4) Inuu leeyahay xirfada looga baahanyahay oo sareysa islamarkaana waayo aragnimo kufilan
uleeyahay shaqada uu qabanayo
5) In uu kufaraxsanyahay seexida heshiiska lagu shaqaalaynayo

Xulashada shaqaalaha

Shaqada gudigu waa mid loo simamanyahay oo muwaadinkastaa xaq uleeyahay inuu
kashaqeeyo hawlaha gudidda. Codsadayaasha ama u tartamayaasha shaqada gudida waxa
loo kalasaarayaa sicadaalad iyo sinaan ah oo aanay eex iyo qof jeclaysi kujirin iyadoo loo
eegayo hadba heerka ay gaadhsiisantahay xirfada shaqo iyo waaya aragnimada shaqo ee uu
tartame kastaa layimaado iyo dhaqankiisa

2)HANTIDA GUDIDA

Nuuca hantida

Hantida gudidu waxa ay noqon kartaa lacag cadaan ah oo ku kaydsan qasnada gudida ama
qalab ciyaareed ama qalab xafiis oo lagushaqeeyo ama kayd ahaan uyaal iwm

Lahaanshaha hantida gudida

hantida gudidu kushaqayso ama kayd ahaan uhayso dhamaanteed waa mid dan guud ah oo
ay bulshadu leedahay gaar ahaan da’yarta iyo bahda ciyaaraha oo ah cidda magacooda lagu
helay

Doorka gudida ee isticmaalka hantida

Doorka ay xubnaha gudidu ku leeyihiin hantida ay gudido haysaa waxa uu noqonayaa in ay u


maamulaan si daacadnimo iyo xilkasnimo kujirto oo waa faqsan himilada guud ee aasaaska
gudida ayna gaadhsiiyaan cidii loogu talogalay iyadoo ay lagama maarmaantahay in
marwalba laga fikiro ka faa’iidaystayaasha iyo saamaynta togan ay hanitada oo sidii saxda
ahayd loo isticmaalaa ay kuyeelanayso iftiiminta mustaqbal wanaasan oo ay bulshadu
yeelato.
Waxa kuwaajiba dhamaan xubnaha gudida in ay kashaqeeyaan ilaalinta,daryeelka hantida
gudida iyo gaadhsiinta halkii loogu talogalay.
Waxaana ka reeban u adeegsiga hantida gudida dano gaar ah ama in loo isticmaalo si an
himilada guud waafaqsanayn iyadoo cidii lagu helo arrimo nuucaas ah ay ciqaab mudatay
sida ku cad xeer hoosaadka gudida

2) Sida ay hanti kusoo gali karto gudida

Sida lagu helay Cidda bixisay


Qaadhaan ahaan Shacabka,qurba joogta, ganacsatada
Deeq ahaan Shirkadaha maxaliga, hay’adaha dowliga ah,
kuwa madaxa banana iyo kuwa caalamiga ah,
qurbo joogta

Guddoomiyaha gudida ee fulinta ayaa kamasuus ah ilaalilinta, iyo daryeelka hantida gudida
isaga oo wakiilana masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ee gudida fulinta
Iyadoo aanu gudoomiyaha fulintu sexeexin lama isticmaali karo waxna lagama badalikaro
hantida gudida nuucay doontaba ha ahaatee.
Hantida gudida waxa la isticmaali karaa oo kaliya marka ay daruuri tahay oo lagamaarmi
waayo isticmaalkeeda.

Isticmaalka hantida gudida


Silooga midho dhaliyo hiigsiga hamilada gudida waxa lagama maarmaan ah isticmaalka
shilinkasta oo qasnada gudida kusoo dhaca

Sida loo isticmaalayo

Nuuca hantida Sida loo isticmaalayo sobobta


lacag Bixin kharas,gunno, kiro Kamidho dhalinta himilada
Dayactirka agabka iyo guud
goobaha ciyaaraha
Agab kale Adeega xafiisyada, Ka midho dhalinta himilada
socodsiinta tabobarka iyo guud
tartamada iwm

Laxisaabtanka gudida

Shacabka gobolka, qurba joogta gobolka u dhalatay,ganacsatada,shirkadaha maxaliga ahiba


waxa ay xaq uleeyihiin in ay gudida kala xisaabtamaan markasta oo ay shilin qaadhaan ama
deeq ah ama agab kale ay soogaadhsiiyaan oo ay hubiyaan halka ay martay hantidii ay gudida
ugu deeqeen.
Sidoo kale hay’adaha madaxa banana iyo kuwa caalamiga ahiba way laxisaabtamayaan
gudida marka ay deeq soo gaadhsiiyaan.

Masuulka lala xisaabtamayo

Guddoomiyaha fulintu isaga ayaa u xilsaaran soo dhawaynta, qancinta iyo xisaabinta
wkiilada ay soo dirsadaan maal galiyayaashu. Waxana ku waajib ah inuu hawsha u fududeeyo
oo ugu yeedho marka ay u baahdaan cid isaga ka hooseysa.

QAYBTA 4AAD: QAAB-DHISMEEDKA GUDIDA

1) SHAXDA QAAB-DHISMEEDKA
Gudida Talobixinta

Gudida Fulinta

Gudoomiye

Gud. Xigeen

Qasnaji Waaxaha Fulinta Xoghaye

Qorshaynta Wacyigalinta Tababarka Daryeelka

MASUULIYADA GADIDA TALO BIXINTA

1) TALO bixinta iyo toosinta shaqada gudida fullinta


2) Taageerada iyo kawarhaynta xaaladaha shaqo ee gudida fulinta
3) Daryeelka iyo horumarinta xidhiidhka bulshada
4) Xalinta khilaafaadka guddida fulinta ka dhex aloosma

Xubnaha ay kujira gudida


1) 3 xubnood oo bulshada rayidka ah kasocda
2) 3xubnood oo dowlada matalaya
MASUULIYADA GUDIDA FULINTA

Xubnaha gudida fulintu waxay ay kamasuulyihiin dhamaan hawlaha maalin laha ah


ee lagu horumarinayo ciyaaraha iyo da’yarta gobolka Awdal

QAYBSANAANTA SHAQADA FULINTA


1)GUDDOOMIYAHA FULINTA

-WAXA u kamasuulyahay lagalana xisaabtamayaa dhamaan shaqooyinka maalinlaha ah ee gudida

1)bixinta iyo socodsiinta amarka shaqada

2)kormeerka iyo dardar galinta shaqada waaxyaha kala duwani hayaan

3)qabanqaabada iyo hogaaminta shirarka iyo isugu yeedhida gudida shirarka degdega ah

4) dabagalka iyo ilaalinta hantida

5) abuurida xaalad shaqo oo caafimaad qabta

6) ilaalinta xidhiidhka bulshada

7) seexida heshiisyada ay gudidu galayso qandaraasyada

8) bixinta qarashaadka, gunnooyinka iwm

GU/XIGEENKA

GU/xigeenku waa masuulka labaad ee gudida fulinta waxana uu marwalba qayb muhiim ah ka
qaadanayaa shaqada guddoomiyaha

Waxakale oo uu kamuusyahay

1) Dhamaanba shaqada guddoomiyha marka aanu guddoomiyuhu joogin


2) Waxa uu xilka si kumeel gaadh ah u haynayaa marka guddoomiyuhu iscasilo ama xilka laga qaado
ama sobobo kale awgood aanu howshii gudankarin sida marka uu xaalad caafimaad lasoo daristo
3) Waxa uu gu/xigeenku si gaar ah uga masuulyahay xidhiidhka dhalinyarada

Doorashada gudoomiyaha iyo g/xigeenka waxa lagu qeexay xeer hoosaadka gudida

XOGHAYAHA FULINTA
Xoghayaha fulintu waxa uu kamasuulyahay
1) Isku ku dubaridka shaqad maalinlaha ah iyo iskuxidhka shaqada waaxyaha
2) Isku xidhka guddoomiyaha iyo waaxyaha fulinta
3) Diyaarinta iyo isku dubaridka barnaamijka shaqo
4) Agaasimka bandhigyada shaqo
5) Diyaarinta warbixinada shaqo iwm

QASNAJIG

Qasnajigu waxa uu kamasuulyahay hantida qasnada gudida


1) Ilaalinta xafidaada iyo xisaabinta hantida gudida
2) Ururinta qaadhaanka horumarinta ciyaaraha
3) Qabashada deeqaha horumarinta
4) Bixinta qarashaadka iwm

MASUULIYADAHA WAAXYAHA KALADUWAN EE GUDIDA FULINTA

1) WAAXDA QORSHAYNTA
--horumarinta goobaha ciyaaraha
--Qorshaynta barnaamijyada horumarineed
-- qiimaynta qarashaadka iyo tayada barnaamijyada horumarinta
-diyaarinta iyo qaybinta dukumantiga barmaamijyada horumarinta

2) WAAXDA WACYI GALINTA


 Baraarujinta bulshada muhiimada ciyaaraha iyo doorka ay ciyaaruhu kuleeyihiin
ka hortaga dhibaatooyinka da’yarta haysta
 Diyaarinta barnaamijyada qaadhaan ururinta
 Iyo kuqancinta bulshada sidii looga midho dhalin lahaa himolada guud ee gudida

WAAXDA DARYEELKA
 Kaydinta iyo daryeelka iyo daryeelka agabka shaqada
 Tiroobka agabka iyo kawarbixinta baahiyaha dhinaca qalabka
 Soo iibinta qalabka shaqada

WAAXDA TABOBARKA
 Horumarinta anshaxa ciyaaraha iyo garsoorka
 Diyaarinta barnaamijyada tabobarka
 Diyaarinta goobaha tabobarka iyo xulashada tabobarayaasha

You might also like