You are on page 1of 2

Afku waa Furaha Horumarka

Sannadkii 1999 ayaa hay’adda UNESCO waxay u astaysay 21ka Feebaraayo


Maalinta Caalamiga ee ‘Afka Hooyo’.

Qeexitaanno kala duwan ayaa laga bixiyaa ‘Afka hooyo’. Mar waxa lagu
macneeyaa afka ugu horeeya ee ilmuhu guriga ku barto kaas oo uu inta
badan ka barto labadiisa waalid ama midkood. Waxa marar kale looga
jeedaa dalka iyo meesha uu u dhashay, waxa kale oo lagu tilmaamaa
asalkiisa iyo dhalashadiisa. Meelo kale ‘Afka hooyo’ waxa loo adeegsadaa
qoladiisa iyo haybtiisa isirninmo; sida wadamada qaaradaha Aasiya iyo
Afrika (Tusaale : wadamada Hindiya iyo Kiinya qofka afkiisu waxa uu u
taaganyahay qabiilkiisa).

Dhinaca kale afka koowaad ee qofku, khasab ma aha in uu yahay ‘afkiisa


hooyo’. Waxa dhici karta in uu qofku isaga oo yar uu laba af barto. Waxa
iyana marar badan kala duwan afka uu qofku ku hadlo ama uu si joogto ah
u adeegsado iyo kii uu asalkii hore u dhashay, ama waalidkii ku wada
xidhiidhi jireen.

Taariikh ahaan waxa ay xeel-dheerayaasha afafku tilmaamaan in eray


bixinta ‘Afka hooyo’ ay markii ugu horaysay adeegsadeen wadaadadii
Kiristanka ee mad-habta Kaatholiga, marka ay dadka ku wacdiyayaan luqad
aan ahayn ‘Laatiin’. ka dibna waxa isticmaalay oo faafiyey quwadihii
isticmaarka ee reer yurub.

Si kastba ha ahaatee, afku waa astaanta ugu mudan ee ay bulsho isku


afgarato, si wada jir ahna ugu fekerto, kaasoo ka sooca ummadaha kale, isla
markaana ay ku gaadhi karto horumar. Ummad walba waxa horumarkeedu
le’egyahay inta afkeedu horumarsanyahay.

Wadan waliba waxa uu ku tanaadaa oo ku horumaraa afka rasmiga ah ee


dadkiisu ku hadlaan. ‘Biyo sacabadaada lagaga dhergaa’ Tusaale ahaan
wadamada ku bahoobay Ururka Yurub, mid waliba afkiisa ayaa si rasmi ah
loogu aqoonsnayahay in uu yahay afka rasmiga ee Midawga Yurub (EU).
Qoraagii Umberto Eco oo u dhashay Talyaaniga ayaa ku jawaabay mar la
weydiiyey in luqadda yurub ay tahay ‘turjumida’. ‘Translation is the
language of Europe’. Isaga oo ujeeda in aanay jirin luqad keliya oo ka
dhexaysa reer yurub, ee qoloba waliba cadkeeda afkeeda ku goosato.

Ummadda soomaaliyeed oo la daalaadhacaysa duruufo kala duwan, ayaa


waxa la rumaysanyahay in afkeedii uu marayo meel halis ah.

‘Akadeemiyada Af- Soomliga’ ayaa waxay sannadkan halkudhig uga dhigtay


maalinta xuska afka hooyo; ‘Afka hooyo waa furaha horumarka ‘ hadaba si
looga midha dhaliyo halkudhigaa waxa loo baahanyahya in loo guntado sidii
loo horumarin lahaa afka, loona gaadhsiin lahaa heer sare oo la jaanqaada
himilooyinka ummadu higsanayso.

Abwaankii wadaniga ahaa ee sooomaliyeedna ‘Xaaji Aadan Axmed Xasan Af-


Qalooc’ waa kii lahaa isagoo tilmaamaya libintii iyo guushii qoritaanka farta:

Muddo boqol gu’yaa dhaqankaygu nagu magoognaaye


Maantuu bilow yahay codkeen oo laysku maamulo’e
Ka macaan magaabada listiyo malabka Daaloode
Maskaxdii jirroon dayuxu waw madow yahay
In yar oo qalbiga maal ku leh baa ka murugoone
Waa mahado taariikhi ah iyo madhax la tuugaaye
Ku mintida afkii hooyo waa lagama-maarmaane

W/q: Faarax X. Maxamed Canbaashe

You might also like