You are on page 1of 3

STORY: IYADOO DIYAARGAROWGA DOORASHADU

AY BILLAABATAY, AYEY SAXAFIYIINTA


SOOMAALIYEED QAADANAYAAN TABABAR KU
SAABSAN TABINTA DOORASHADA
TRT: 07:18
SOURCE: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS AND
PUBLIC AFFAIRS GROUP
RESTRICTIONS: This media asset is free for editorial
broadcast, print, online and radio use. It is not to be sold on
and is restricted for other purposes. All enquiries to
thenewsroom@auunist.org
CREDIT REQUIRED: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS
LANGUAGE: ENGLISH/ SOMALI/NATURAL SOUND
DATELINE: 09 NOVEMBER 2020 - MOGADISHU, SOMALIA

Muqdisho, 9 Nov 2020 – Kahor doorashooyinka Soomaaliya, muhiimadda doorka


saxaafadda ee geeddi-socodka doorashooyinka soo socdaa waxa uu ahaa mid udub
dhexeed ah iyadoo koox saxafiyiin ah ay isugu yimaadeen tababar muhiim ah, oo ay
taageereyso Qaramada Midoobay oo ku saabsan xoojinta tabinta warbixintooda ee
doorashooyinka iyo wacyigelinta cod-bixiyeyaasha.

“Xilliyada doorashada waa waqti taariikhi ah muhiimna ah oo taxadar badan uga


baahan saxafiyiinta inay bartaan sida wax loo tabiyo. Waxaan jirta labo xaaladood
oo xiisahooda leh, xasaasina ah oo ay tahay in wax laga barto - tan hore waa marka
la soo tebinayo xaaladaha khilaafka, gaar ahaan meelaha ay colaaduhu
saameeyeen; tan labaadna waa goobaha codbixinta, oo waliba ah goobo xasaasi ah
marka laga hadlayo soo gudbinta sida ay wax u socdaan,” ayuu yiri Agaasimaha
Warbaahinta Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
oo ka hadlayey bilowga tababarkan oo lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee
Muqdisho.

“Waad ku mahadsantihiin in aad halkaan keenteen suxufiyiin rug-caddaa ah oo


saxafadda ku soo jiray 40 ilaa 50 sano iyo in ka badan iyo kuwo cusub halkaanna ay
isku dhaafsadaan aragtiyadooda, Wasaaradda warfaafintu waa ay idinkaga
mahadcelineysaa, waxa ayna idinku dhiiragalineysaa in wariyeyaasha la siiyo fursad
tan oo kale, waddanku waxa uu ku jiraa xilli xasaasi ah, waxaa jira weriyeyaal badan
oo naftooda ku waayey iyaga oo shaqeynaya, waxaan anigu ku jira dadka aaminsan
in aysan soomaaliya heli laheyn dowlad burburkii kadib haddii aysan jiri laheyn
warbaahin xor ah," ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta
Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo hadal ka jeediyey furitaankii
tababarkan.

Tababarkan oo uu taageerayo Howlgalka Kaalmada ee Qaramada Midoobay ee


Soomaaliya (UNSOM), waxaa soo qabanqaabiyey Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
(FESOJ), tababarkan oo soconaya muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa isugu
yimid in ka badan labaatan saxafi oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee
warbaahinta Soomaaliya iyadoo ay ku sugnaayeen weriyeyaasha ka howlgala
caasimadda oo ka shaqeeya guud ahaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta, oo
ay ku jiraan telefishanka, raadiyaha iyo kanaallada kale internet-ka.

Saxafiyiinta ayaa qaadanaya tababaro ka bilaabmaya baahiyaha loo qabo


dhexdhexaadnimada iyo adeegsiga ra'yi uruurinta. Ujeeddada ayaa ah in la xoojiyo
aqoonta weriyeyaasha, loona oggolaado inay si wanaagsan uga warbixiyaan
doorashooyinka dalka ku soo wajahan, sidaas darteedna, loo wanaajiyo fahamka
guud ee bulshada ee hannaanka doorashada. Xirfadaha wax ku oolka ah ka sokow,
waxaa si gaar ah diiradda loo saari doonaa dhinacyada habka aragtiyeedka iyo
qaababka loo tabinayo arrimaha doorashooyinka.

“Tababarkan ka dib, weriyeyaashu waxay ku dabaqi doonaan aqoontii ay ka barteen


hawl-maalmeedkooda. Tababarkan ayaa muhiim u ah suxufiyiinta Soomaaliyeed,
maadaama dalku mar kale u baxayo doorasho dadban dadkuna ay u baahan yihiin
inay wax badan ka fahmaan doorashooyinka, ”ayuu yiri Guddoomiyaha FESOJ
Abaadir Abdulkadir Elmi.

Tababarka laga soo tago waxyaabaha muhiimka ah ee tabinta doorashooyinka,


tababarka ayaa sidoo kale waxaa ku jiri doona arrimo ku saabsan tabinta
doorashooyinka ee meelaha aan ammaanka aheyn. Ururada kala duwan ee
warbaahinta caalamiga ah ayaa ka hadlay caqabadaha saxaafaddu kala kulmaan
howlaha ay ka hayaan Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin la macaamilka maamulada
iyo beegsiga argagixisada Al-Shabaab.

Door muhiimka ah in la ciyaaro

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay horey u bidhaamisay kaalinta ay


warbaahintu ku leedahay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo sida ay ugu
baahanyihiin in ay u qabsadaan howlahooda si xor ka ah rabshado, dhibaateyn,
xarig, cadaadis, cagajugleyn iyo faaf reeb, gaar ahaan iyadoo uu dalku isu
diyaarinayo doorashooyinka.

Mar uu ka hadlaayey furitaankii maanta, Madaxa Xiriirka Istiraatiijiyadda ee UNSOM,


Ari Gaitanis, wuxuu tibaaxay doorka muhiimka ah ee warbaahinta soomaaliyeed
leedahay.

“Hadii aan si fudud u dhaho, bulsho dimuqraadi ah waa inay oggolaataa kala
duwanaansha aragtiyada la xariira arrimaha siyaasadda, doorashooyinka, iyo arrimo
kale oo badanba oo si xor ah loo muujin karo.

Warbaahintuna waxay door muhiim ah ku leedahay dhamaan waxyaabaha aan soo


sheegnay, oo ay ku jirto tebinta wararka la xariira doorashooyinka,” ayuu yiri Mudane
Gaitanis.

“Dimuqraadiyaddu ma ahan oo kali ah qabashada doorashooyinka; waxay sidoo


kale ka dhigan tahay xaqiijinta in qof kasta uu ka qaybqaadan karo siyaasadda
dalka. Waxaana carabka ku adkeyneynaa in warbaahinta door muhiim ah ka
ciyaarto arintaan.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay. "In la helo warar ku saleysan xaqiida
ama la sameeyo falanqeyn waxay ku xirantahay sida saxafiyiinta ay u tabiyaan
warar madaxbanaan, oo salka ku haya mabaadi'da aasaasiga ah: 'saxaafad cabsi
la'aan iyo eex la'aan ah.””

Furitaankii maanta, kaqeybgalayaashu waxay muujiyeen sida ay u daneeynayaan


inay ka qayb galaan tababarka.

"Waxaan u maleynayaa in tabinta wanaagsan ay tahay mid muhiim ah, sababtoo ah


tabinta wanaagsan waa muhiim, waayo dadka waxay u baahanyihiin in ay maqlaan
fikrado kala duwan, sida fikradaha madaxda u tartamaysa xafiisyada sare,
halkudhigyadooda iyo natiijada doorashada,” ayuu yiri Xasan Cali Cismaan, oo ah
weriye ka tirsan mashruuca Kalfadhi oo tabiya wararka madaxbanaan iyo arrimaha
baarlamaanka.

"Waa marki iigu horaysay oo aan ka qeybgalo tababar nuucaan oo kale ah, waxaana
ku rajo weynahay inaan waxbadan ka faa’ido macallimiinta bixinaya cashirada.
Xarumaha warbaahintu waxay shacabka u gudbiyaan macluumaad, haddii
doorashada aan sifiican loo tabinin shacabku ma fahmi karaan waxa dhacaya, balse
haddii doorashada si caddaalad iyo howl-karnimo ku dheehan tahay loo baahiyo,
dadweynahu waxay fursad u heliyaan inay ogaadaan xalaalnimada
doorashooyinka,” ayay tiri Fardowsa Maxamed Sahal, oo ah suxufiyad ka tirsan
Telefishanka Galmudug.

You might also like