You are on page 1of 6

FAHANKA

GANACSIGA
ISLAAMIGA AH
3/07/2020

Abdirhman Mohamed Aden

Maqaalkan waxa ugu talagalay in qaab electronic ah u baahiyo sidaas darted Qofkasta oo uubaahan
inuu daabacdo maqaalkan wuu daabacan karaa isaga oo ilaalinaya lahaanshaha buugga.

1
Diyaarintii iyo Qallinkii:cabdiraxman maxamed Aaden

Contacts
Jaaburi999@gmail.com
Telephone:+252907288465

G anacsigu waxa uu muhiim uyahay aduunka iyo heer-nololeedka aadanaha,xiliyadii hore


noloshu wey adkeyd sababtana waxey tahay macaamisha ayaa iyaga ayaa ahaa kuwo
sameysta waxey ubahanyihiin,mana aysan kuwo wax-walba awooda soosaaridiisa,

Hadaba ganacsiga maanta waxa uu noqday mid hormaray oo Allahay adoomadiisa ufududeeyey

2
Hababka kaladuwan oo loo ganacsado.

Ganacsiguna hadaba hadaan sooqaadano ‘staub’iyo ‘attner’ oo ah khuburada kuxeeldheer


ganacsiga una dhashay mareykanka ayaa igana kuqeexay ganacsiga sidatan ah .

‘’Ganacsigu waa abaabul yoolkiisu yahay soo-saaridda badeeco iyo adeeg,si loo sameeyo macaash’’

Hadaba ujeedadeydu waxa weeye in maanta maadama ganacsigu balaarta,diinteena islaamku


waxey na amarta intaan ganacsiga lagalin in aad diintaada Aqoon uyeelatid oo aad baratid maxaa
xalaal ah maxaase xaaran ah muxuu yahay waxa asalka u’ah ganacsiga islamiga ah,

Allahay haduu idmo waxaa Maqaalkan uga hadli doonaa,ma’baadida ganacsiga islaamiga ah ,taasoo
xiligii saxaabada aad loo adkeenjirey in uu qofku yaqaano fahanka ganacsiga islaamiga ah

Tusaale hadaan sooqaadano cumar binu khadaab Allaha karaalinoqdee isgoo dadka uga digaya iney
suuqa iska galaan iyagoo aqoon ulahayn ganacsiga islamiga ah waxa uu dhihijirey(Qofkaan aan
aqoon ulahayn fiqiga islaamka suuqa yaga yuusan soo’aadin)

Cumar ushiisuu sooqaadan jirey kaan fiqiga islamka ee ganacsiga kusaabsan ama wax- kala iibsiga
aan aqoon ushaas buu lakorijirey(ku garaaci jirey).

Sidoo kale hadaan sooqaadana Cali binu abii daalib Allaha karaalinoqdee waxa uu yiri(Qofka
ganacsiga bilaaba oo tijaaro gala isgagoo aan fiqiga baran waxa uu kudhacayaa Ribbo).

Ma’baadida ganacsiga islaamka


Ma’baadida ama wax-yaabaha asaaska u’ah iibka iyo tijaarada hadaanu sooqaadano kuwooda ugu
muhiimsan oo larabo inuu qofku sifiican u ilaaliyo inta uu awoodo ,amase kudhaqmo oo kusifoobo
waxaa kamid ah

1:wax-walboo lagagacsanayo in asalka ganacsigu yahay mubaax(mid banana) ilaa inta


shareecadeenu kasoo reebtay mooyee ee kooban ee larabo in uu qofku is ilaaliyo waxaana diliil u’ah
hadalkii Eebe weyne (Allahay waxa uu idiin xalaaleeyey beyca,waxa uu idinka reebeyna Ribbada).

Hadaba inta Rabbi weyne noo baneeyey lama tirinkaro laakiin inta lanagaxarimay ee maslaxadeena
kujirtana waa mid kooban oo layiraahdo buyuucul muxarama layiraahdo oo iyaguna labbo
usiiqeybsamayaan .

2:ganacsiga islaamka waxaa asal iyo Gundhig u’ ah inaad ilaaliso masaalixda guud(danaha guud)ee
bulshada taasoo waa faqsan shareecadeena islamka,wax walboo maslaxada ahna inaad keento kana
shaqeysato,wixii dhib umada ukeenayana ka ilaaliso.

Hadaba wax-yaaba aad ku arkeyso suuqyadeena waxaa kamid ah ee kasoo horjeeda dhaqanka,diinta
iyo guud ahaa masaalixdeena

a. Goobaha lagu iibiyo kimikaada dubka badasha


b. Goobo lagu iibiyo maan-dooriyaha

3
c. Dharka aan muujinaya cowrada rag iyo dumar
d. Dawooyin dhacay
e. Cuno dhacday
f. Iwm

3:markaad badeeco suuqa keeneysid dadka qiimo jaban oo ay awoodaan inaad ugu keentid maxaa
yeeley dadka dantooda inaad kashaqeyso waa muhiim iyagana ka faa’ido,

Rasuulkeena waxaa uu yiri Naxariis iyo nabad-galyo korkiisa ha ahaatee(Qofka wax keena waa qof
Allahay irsaaq siiyey amaa kan dadka kuqaaliyeya kaasi waa mid malcuuna)

Hadaba aanu ogsoonaano hadii aad noqoto mid bulshadiisa ukeena badeeco tusaale Quutul
duruuriga hadada cunaha ku dhagto oo aad qaali uga dhigto iyo wax ay goon waayaan hadee soo
lacnadoona kugu dhici meyso iyo habaarkooda,

Sidaas daraadeed shareecadeena waxey na fareysaa in umada loo keeno badeeco jaban oo ay
awoodi karaan iney iibsadan.

4:wax walboo oo badeecada qaaliyeenaya inaad umada ka ilaaliso sidey doontaba haku timaadee,

Tusaale :reer baadiyaha waxa ay xoolohooda keensadaan magaalada si ay ugu iibsadaan kadibna
alaab ugu qaataan,wixii kalana cadaan ahaan uqaatan oo qiimo dhexdhexaad ah kugataan oo ay toos
suuqa ukeensadaan waxaaa dhacaysa in xoolihii hilibkoodu raqiiso laakiin hadaad sameysid in aad
ninkaas reer baadiyaha ah magaalada meel kabaxsan uga hortagtid oo xoolihiisa gacanta
kusoodhigtid hadhowna suuqa uga iibisid si qaaliya,taasi waxa ay toos usaameyneysaa dadkii
waslada waslada u iibinjirey.

Sidaaas dareedeed shareecadu ma ogola in halqof sidii Gafanihii in uu udhargo,dadka intakale ay


gaajeysanyihiin.

5:waxa kaloo larabaa in qofku ogaado iney xaarantahay in si faduul ah(gardaro ah)in aad ugasho
ganacsi dadkale leeyihiin oo sirahooda galgasho,iyo arimohooda hoose taasoo aysan raali kaaga
ahayn.

6:Qofku in uusan kafaa’ideysan baahida walaalkii haysata ,walaalkaa oo dhiban baad aragtay
kawaran hadaad dhibtaas kasiifaa’ideysato? amase qodoxdii kusii riixdo ,

Hadaba qof walaalkaa ah oo kurbadu hayso ama xaaladu kumurogsantahay waxaa larabaa in aad
murugadaa laqeybsato,oo inta aad caawinkarto caawiso si Allahay biri oo Qiyaama ah kuu caawiyo.

7:intaaad ganacsiga kujirto badi cafiska iyo masaamixida ,maxaa yeeley waxey kamid tahay
akhlaaqda wanaagsan ee islaamka ,

Rasuulku naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yiri (Allaha unaxariisto qof saamaxaad
badan markuu wax gadanayo,markii uu isgu soo iibsanayo,marka uu deynta dadkuu kulahaa
kaqaadanayo)hadaba sadexda marba tasaamux baa lagaa rabaa.

I. Markaad soo’iibsaneyso qiimo fiican kusoo’iibso ,oo qofkaad wax kasoo iibsaneyso raali

4
kayahay
II. Markaad kasii faashleynaysana waa in aad kugadaa qiimo macquul ah,kaan awoodina
kadhintaa,ilaa xad fiican.
III. Deynta markuu kaaqatana kasug una dhibri,hadaad awoodana qaar ucafi.

8:Noqo run sheeg,aamin ah ayaa lagaa rabaa in aad noqoto

Rasuulku waxa uu yiri naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee(Qofka taajirka ah ee muslika ahee
aaminka ah ee runta sheega waxaa lalasooxaadirinayaa Qiyaamaha anbiyada iyo shuhadada )

Runtuna iyo amaanadu ganacsiga waa usaldhig,hadii ganacsigu gacanta u galo been low ganacsigaas
masii raagayo,

Sidaas oo kale amaamnadu in aad ilaaliso iyana ganacsigu kama maarmo hadaba ilaali oo noqo mid
kusifooba amaano iyo run sheegid.

9:shaqo markaad udhaqaaqdo shaqadaas sug ,oo noqo qof shaqada loodiro ka adag oo kamiro
dhaliya qofka ganacsadaha ah waa in wakhtigiisa iyo saacadihiisuba unidaamsanyihiin ,alaab hadaad
sameyneyso soosaar alaab Qiimo leh(quality),sidaas daraadeed Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo
korkiisa ha ahaatee(Allahay waxa uu jecelyahay qofkiin hadii uu shaqeynayo shaqo in uu sugo).

10:inaad kafogaaatid inaad ka ganacsatid shey aan lagaraneyn waxa uu yahay iyo waxa uu ka
koobanyahay ,kaasoo keeni kara dhibaato.

11:waxii hishiis ah ee aad gasho ee waa faqsan sharciga islaamka waa in aad
kasoobaxdaa,hadeysanlahayn wax yaabo looga bixi karo hishaaskaas ee dhaca,

a. hishiiskana asal waxaa u ah In lafuliyo oo laga soobaxo


b. laakiin wixii balan qaad ah iyaga waxaa asal u ah iney banaantahay ,taasoo midkiin uu kabixi
karo balantii uu kiikale lagalay laakiin waa dambi sharci ahaa hase ahaatee maxkamada ku
oronmeyso fuli.

12:in aad kafogaatid in aad badeecadaada dhaar kugadato,oo qofku si ‘uu alaabta kaga gato dhaar
mareysid taasi waa musiibo,asal ahaana dhaarta waa lagu kalabaxaa laakiin dhaar waxba laguma
gato,sidaas daraadeed Rasuul waxa laga wariye xadiis kaasoo noogu sheegayo khasaarada dhaartu
uleedahay xoolaha iyo kala gadashadooda (dhaartu badeecada wey bixisaa laakiin ribixii bey kaa
tirtireysaan

GUNAANADKII

5
Waxaa muhiim ah in qofka muslimka ah in uu
barto diintiisa wixii fardul ceyn ah barashada
ganacsiga islaamiga ahna qofkasta oo ganacsi raba
in uu galo waa ku waajib in uubarto xalaasha iyo
xaaranta amase kadheeraado wixii shubuhaad iyo
khilaaf kujiraan.

You might also like