You are on page 1of 6

MUSUQMAASUQA MADAXDA DOWLADDA FEDERAALKA (Wasiirka Warfaafinta & )

(QORAALLO XASAASI AH OO TAXANE NOQON DOONA)


Lunsashada hantida qaranka waxay ka mid tahay denbiyada ugu waaweyn ee dal laga galo laguna muto
ciqaabaha ugu culus ee bani’aadam jideeyay, sidaaso ay tahay waa arrin aad ugu baahsan dunidoo dhan oo
la oran karo ma jiro dal ka nabad galay xitaa kuwa hore u maray, laakiin wuxuu musuqmaasuqu jilbaha
dhigtay dalalka soo koraya iyo gaar ahaan Afrika oo madaxdoodu ay meherad ka dhigatay haba lagu kala
darnaadee.

Soomaaliya xaalkeedu warba ma leh, laaluushka, eexda iyo musuqa waxay ka mid noqdeen maamulka
dowladeed ee caadiga ah, dowlad kasta oo dalka soo maray waxaa lagu sifeeyay musuqmaasuq aan xad
lahayn waxayna arrintu gaartay heer miisaaniyad la’aaneed hantida guud la iska maamusho, oo mas’uul
waliba meeshii uu ka soo gaaro la laaco tiiyoo aanay jirin cid ku daba galeysa ama kula xisaabtameysa
jariimadaas weyn taasina waa tan keenay inay Soomaaliya kaalinta ugu hooseysa ka gasho liiska caalamiga
ah ee musuqmaasuqa.

Sida ku caddeyd warbixinnada guddiga Qaramada Midoobay ee Cunaqabateynta hubka Soomaaliya


lunsashada hantida qaranka ee ay ka mid tahay deeqaha ay dowladaha caalamka siiyaan dadka ugu horeeyay
waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaan kaloo ka
nabad gelin madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, sidoo kale dadka lagu magacaabay warbixinadaas
waxaa ka mida wasiiro, agaasimayeel iyo ganacsato.

Haddaan u soo daadegno dowladda cusub ee Soomaaliya oo madaxweynahooda balanqaaday inaan wax
dulqaad ah dowladiisu u heyn (Zero tolerence) musuqmaasuq waxaa muuqata inaysan ka badbaadin aafada
lunsashada hantida umadda, waxaana soo if baxaya fadeexado lacag aruursasho ah oo ay ku dhaqaaqeen
qaar kamida madaxda dowladda iyo xukuumadda.
Inkastoo dowladani ku dadaashay inay hantida soo gasha dowladda maareyso haddana dhaqankii hore ee
xaaraan-ku-naaxnimda ma dhammaan waxaana maanta qormadan oo taxane noqon doonta ku soo qaadan
doonnaa mas’uuliyiinta sida aan sharciga ahayn u maamulata hantida qaranka. Waxaa noogu horeeya
wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xersi.

Wasiirkani wuxuu ka mid yahay qurbajoogta ku nooleyd waqooyiga America, waxaana isa soo taraya
musuq balaaran oo uu sameeyay arrimaha lagu hayo waxaa kamida:
I. Inuu xisaab u gaara ka furtay bankiyo ku yaala gudaha iyo dibadda oo lagu shubo si sharci darro ah
lacago magaca dowladda ku soo xarooda.
II. Dhinacyada ay ka yimaadaan lacagaha soo gala Wasaaradda uu mas’uulka ka yahay waxay kala
yihiin:
o Diiwaan gelinta hay’daha warbaahinta, shirkadaha daabacadda iwm
o Kharashaadka ka soo xerooda domainka qaranka (.SO)
o Shirkadaha isgaarsiinta
o Gaadiidka
Lacagahan waxay si toos ah ugu dhacaan koontooyin wasiirku keli ku yahay maamulkooda oo kaliya ay la
wadaagaan dad yar oo isaga ka amar qaata, waxaana soo baxay maalmihii ugu danbeeyay inay isku dhaceen
wasiirka iyo labadiisa ku xigeen arrimo aan ka fogeyn musuqa iyo maamulka wasaaradda.
Wasiirka warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xersi keliya maaha
mas’uuliyiinta ku takri falay hantida qaranka ee qoraalkani gaari doono haddii uu alle idmo, balse waxaan
ugu hormarinayay arrimaha aad arki doontan ee u baahan in degdeg wax looga qabto inta ay quseyso.

1
Qeybta 2-aad

Wasiirka warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xersi keliya maaha
mas’uuliyiinta ku takri falay hantida qaranka ee qoraalkani gaari doono haddii uu alle idmo, balse waxaan
ugu hormarinayay arrimaha aad arki doontan ee u baahan in degdeg wax looga qabto inta ay quseyso.

Waxaan qormadeenii hore ku soo sheegnay ilaha ay dhaqaalaha kas oo galaan wasaaradaha uu isku hayo
mudane Ciilmooge oo haddaan idin xusuusiyo ahaa:
Diiwaan gelinta hay’daha warbaahinta, shirkadaha daabacadda iwm
Kharashaadka ka soo xerooda domainka qaranka (.SO)
Shirkadaha isgaarsiinta
Gaadiidka

Haddaan mid mid u kala qaadno waxaan ku soo koobi karnaa sida soo socota:

I. Diiwaan gelinta hay’daha warbaahinta, shirkadaha daabacadda iwm


Wasaaradu waxay lacago diiwaan gelin ah ka aruursataa hay’adaha kor ku xusan, sida Idaacadaha iyo TV-
yada; idaacadaha waxaa diiwaangelin ahaan looga qaaday mddiiba $700, sidoo kale waxaa lacag gaareysa
$2500 kana badnaan karta laga qaada TV-yada doonaya inay ka shaqeeyaan Muqdisho, waxaa dhinaca kale
jira lacago intaas u dhaxeeya oo laga qaado shirkadaha ama madbacadaha.

II. Kharashaadka ka soo xerooda domainka qaranka (.SO)


Kharashaadka ka soo xerooda domainka Qaranka waa arrin weyn oo qaran musuqeeduna soo taxnaa tan iyo
dowladii hore ee Shariifyada laakiin waxaa wax laga xumaado ah in heshiiska lala galay shirkadda reer
Japan aan la ansixin, laguna wado waddadii mugdiga ahayd iyadoo hantida laga qaado shirkadda iyo qeyb
ka mida domain-ka ay bixiso wasaaradani ee gaarka loo siiyay lacagaha lagu iibiyo toos loogu shubo
xisaabo ka furan Imaaraadka carabta oo uu mas’uul ka yahay shaqsi aan rabin inaan magaciisa ku sheego
halkan oo kaliya wasiirka si toos ah keyd ugu ah.

III. Shirkadaha isgaarsiinta


Shirkadaha isgaarsiinta ee dalka ka jira waa kuwa ugu awoodda badan ee hantida ugu badan leh, waxaana
hada iyo jeer dowladihii hore ay ula dhaqmi jireen sida mooryaan isbaaro u taalla, heer ay gaartay in
shirkadahaasi ay laaluush siiyaan qof kasta oo madax ah, laga bilaabo guddoomiye degmo, Gobol, Wasiir,
Ra’iisal wasaare ilaa madaxweyne. Mararka qaarkood shirkadahaasi waxaa laga qaataa lacago deyn ah oo
aan dib loogu celin ama iyagaa qarta oo madaxda dalka lacag aan xisaab leh ugu geeya xafiisyadooda.

Lacagaha ay bixiyaan shirkadahan waaweyn maaha kuwo qorsheysan ee waxay hadba la jaan qaadaan cidda
la siinayo iyo xaalada lagu bixinayo, waxaana wasiir Ciilmooge la sheegay inuu dib u dhigay sharcigii
warfaafinta iyo isgaarsiinta ee la filayay inuu kala xadeeyo arrimahan, si ula kac ah iyadoo ay ku lug
leeyihiin shirkadahaasi.

IV. Gaadiidka
Gaadiidka oo lahaan jirtay wasaarad u gaara waxaa dib loogu soo daray wasaaradaha uu hayo wasiirkan
aanay ka hadleyno ee C/llaahi Ciilmooge Xersi, iyadoo laga soo jaray wasiirka howlaha guud Mudane
kaalmooy oo arrimo musuq ku saabsan loogala soo cararay, sidaasoo ay tahayna waxay xaaladu u
muuqataa; KUD KA GUUR EE QANJE U GUUR. Gaadiidka waxaa ka soo xerooda lacago kala duwan ha
ahaado kan beriga, badda iyo dhulka, qaarkoodna waxaa gacanta ku heysa wasaaradda Maaliyadda balse
waxaa jira kuwo toos ugu shubma ay caddaan ahaan (Cash) u qaadaan xubno ka mida wasaaradahan uu
hayo C/llaahi Ciilmooge Xersi.

2
Taargada baabuurta la siiyo, Leysimada iyo buugga baabuurka oo is wata waxaa si toos ah loogu qaadaa
iyadoo caddaan ah xafiis ku yaalla KM4 oo hoostaga wasiirka iyo wasaaradiisa lacag marka la isku daro ku
dhow $100, waxaana dhinac kasoo geleya kooxo kale oo arrintan hantida qaranka lunsashadeeda ku lug leh.

Wasiir kasta oo garoonka diyaaradaha la hoos geeyo ama dekadda Muqdisho wuxuu loo arkaa nin ay u
gashay oo sanuud fiican heysta, maxaa yeelay waxaa muddooyinkii danbe caado noqotay in agaasime kasta
oo labadaas ilood jooga uu kharash u gaara siiyo wasiirka ka sareeya lacagtaas waxay gaartaa $2000 ilaa
$5000 doolar bishiiba, waxaana dhacda in wasiirka iyadoo baqshadeysan bil waliba lacagtaas fdhigiisa
loogu geeyo ama isagaba doonto. Arrintaasina kama badbaadin wasiir C/llaahi Ciilmooge Xersi ee waxaa la
caddeeyay in 2000 doolar ku xisaabtamo bishii dhinaca garoonka.

Dhaqaalahaas aan sare ku soo sheegnay dhan oo ku yimaada magaca qaranka ahna hanti ay leedahay
dowladda waxay ku xeroodaan khasnado aan loogu talogelin in hanti dowladeed lagu shubo sida
wasaaradda maaliyada waxayna ku danbeeyaan xisaab celin la’aan iyo inay galaan jeebabka dad aan xaq u
lahayn.

Waa socotaa….

3
Q. 3-aad

Ka sokow ilaha dhaqaale ee aan qormadeenii hore ku soo sheegnay, waxaa jira meelo kale wasaarada
warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ay hanti qaranku leeyahay kasoo gasho C/llaahi Ciilmooge
Xersi oo ah wasiirka wasaaraduna ku lug leeyahay, waxaana ka mida:

V. Kharashaadka Iidhehyada ee ay qaadaan Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka


Lacagaha ka soo xerooda iidhehyada ka baxa Raadiyaha dowladda iyo TV-ga Qaranka oo isagu xilli aan
dheereyn bilaabay arrintan waa iyaduna nasiib darro ah inay ku dhacdo gacanta qaar kamida mas’uuliyiinta
wasaaradda warfaafinta, siiba agaasimnyaasha, wasiirkuna kula heshiis yahay maamulka hantidaas aan
dariiqa dowladeed loo marin. Waxaa ka sii darran in Muqdisho iyo London lagu kala qaado lacagahaas
loona isticmaalo hadba sidii la doono.

VI. Dhaqaale, lacgaha warbaahinta dibadeed iyo qalab loogu deeqo wasaaradda

Waxaa kaloo wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xersi uu
maamulaa ogaalkiisana ku maqan hanti kala duwan oo isugu jirta qalab, gaadiid iyo deeqo kala duwan oo
magaca dowladda wasaaradu ku heshay, tusaale yar waxaa noqon kara FM-yo tiro badan oo wasaarada la
siiyay kuwaasoo si deeq ah hadba qolo la siiyay. Wasiir Ciilmooge wuxuu isagoon ka fiirsan socdaalkii ugu
horeeyay FM ula cararay magaalada Kismaayo, fadeexada FM-taas ka dhalatay waa la wada ogaa inay u
gacan gashay maamulka Kismaayo ee Axmed Madoobe hoggaamiyo ayna diideen in lagu xiro raadiyaha
dowladda.

Raadraac dheer kadib waxaa soo baxay arrimaha soo socda inaysan xilligan jirin ama la lunsaday gaadiid
aan yareyn oo aan ka xusi karno:

a. Gaadiid

i. Laba Gaari oo Runet ah oo ay lahayd Boostada iyo isgaarsiinta oo midkood wasaaradda loo iibiyay
xilligii Ra’iisal wasaare A/weli Gaas.
ii. Leyla Calawi ay lahayd wasaaradda warfaafinta
iii. Mini Bus ay lahayd isla wasaaradda warfaafinta oo la iibiyay xilligii uu wasiirka ka ahaa A/karim
Xasan Jaamac, wuxuuna caan ku ahaa gaarigaasi in dadku lagu wacyi geliyo xiligii Ra’iisal wasaare
Farmaajo.

Gaadiidkan oo lacago aan yareyn ugu fadhiyay qaranka ma rumeysan kartaa in lagu kala kacay oo aanay
iminka jirin, waxaana looga fadhiyaa inay sheegeen halkii ay ka baxday hantidaas qaran wasiir Ciilmooge
iyo agaasimihiisa warfaafinta.

b. Kharashaadka warbaahinta caalamiga ah

Waxay kaloo wasaaradu lacago ka heshaa kiro baahin oo idaacadda dowladda ay FM-keeda adeegsado
Idaacadda VOA, waxaana la sheegay inay bishiiba tahay lacag dhan $15,000 Doolar, idaacadda STAR FM
ee Muqdisho laga baahiyo iyana waxaa la sheegay inay wasaaradda siiso $37,000, BBC-da iyaduna waxay
baaristu sheegeysaa inay siiso wasaaradda $19,000.
Lacagahan oo dhan iyo halka ay ku danbeeyay oo ay ka mid tahay waxa lagu qabto waa su’aal kale oo
jawaab ka dooneysa inta mas’uulka uga ah qaranka oo wasiir Ciilmooge ugu horeeyo.

c. Deeqaha ay hesho wasaaradda warfaafinta

Deeqaha wasaaradu heshay ma yara, inta aan baaritaanka ku helnay waxaa ka mida:
4
1. Turkiga oo April 2013 siiyay wasaaradda $300,000.
2. UNPOS (hadda UNSOM) waxay sii jirtay wasaaradda $90,000 bishii.
3. ITU waxay lixdii biloodba iyaduna bixisaa lacag dhan $190,000

d. Qalab

Matoorada xarunta wasaaradda yaalla waxaa ku deeqay AMISOM, waxaana shidaalkooda si joogto ah u
bixiya isla AMISOM. Laba matoor oo casri ahaa (150 KV- midkiiba) oo dowladda Sacuudiga ugu deeqday
wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa la keenay xarunta wasaaradda warfaafinta kadib markii la isku
daray labada wasaaradood ee uu wasiirka ka ahaa C/kariim Xasan Jaamac laakiin waxaa lagu sameeyay
takrifal aad u xun oo lagu furfurtay, mas’uuliyadaasina waxaa leh madaxda wasaaradda warfaafinta.

Faahfaahinta lacagaha taargada iyo leysinka


Wasaaradda gaadiidka waxay ka mid tahay meelaha dhaqaalah ugu badan ka soo galo dowladda, waxaana
hoos yimaada xarunta Fiisha Baraa oo ah hay’adda bixisa baabuurta, sharciga lahaanshaha iyo leysimada
baabuurta oo hanti badani ka soo xeroota, wasaaradan oo markii hore lagu daray tan howladaha guud waxaa
10-kii Janaayo 2103 Golaha wasiirada iyo Ra’iisal wasaare Saacid kasoo jareen wasaarada howlaha guud
iyadoo markii ugu horeysay lagu biiriyay wasaaradaha hoos yimaada wasiir Ciilmooge.

Wasaaradda gaadiidka waxaa agaasime guud xilligas ka ahaa Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur, laakiin
markii lagu daray wasaaradaha uu maamulo Ciilmooge waxaa kusime agaasime guud looga dhigay Cali
Gacal oo weli si kusime ahaanna u haya xilkaas, waxaana in loo dhiibo xilkaas ka wada shaqeeyay
Dhagaxtuur oo weli ku lug leh wasaaraddan iyo wasiir C/llaahi Ciilmooge Xersi.

Qofka shabka ah ee gaari la yimaada Muqdisho wuxuu u baahan yahay si loogu sharciyeey inuu helo taargo
iyo buugga baabuurka oo qiimahoodu yahay lacag dhan $145. Lacagtan sida soo socota ayay u qeybsan
tahay:

$59 Waxaa leh wasaaradda maaliyadda oo loo qoondeeyay qiimaha taargada iyo buugga oo lagu
soo daabaco dalka Imaaraadka carabta. Waxaana khasnada wasaaradda maaliyadda ee
Bankiga dhexe geeya agaasimaha lacagta ee gaadiidka.
$38 Waxaa lagu magacaabaa service, waxaana kala qaata madaxda sare sida wasiirka, wasiiru-
dowlaha, agaasimaha guud, iwm.)
$11 Waxaa lacagtan loo yaqaan lambarkeeda (kow iyo tobanle) waxaa $ 10 oo ka mida kala
qaata agaasimayaasha guud iyo kuwa waaxyaha, $1 ee soo haray waxaa la siiyaa shaqaalaha
waaxda Fiisha Baraa oo gunno ahaan lagu sheego.
$10 Waxaa loo qoondeeyay Dowladda hoose ee Muqdisho oo lagu wareejiyo markii muddo la
ururiyaba.
$2 Waxaa qaata shaqsiyaad uu ka mid yahay Khasnajiga Fiisha Baraa iyo mas’uul kale oo ka
tirsan wasaaradda.
$25 lacagtan waxaa leh Nootaayo (waxaa jira laba nootaayo oo ku xiran xaruntan-waana Benadir
iyo SII-SII) kuwaasoo ay keensadeen ama ku xiran laga agaasime oo wasaaradda kamida si
ay u sameeyaan sharciyeynta baabuurta.

Marka laga reebo $59 doolar oo kamida lacagtan laga qaado baabuur waliba waxay ku xeroodaan jeebab iyo
khasnado xaaraan ah ama intooda badan shaqsiyaad ayaa dheefsada, waxaana nasiib darro ah inaan waxba
laga qaban wasaardan oo wasiir C/llaahi Ciilmooge Xersi markii ay hoos timid uu ku biiray kooxdii hore
ugu naaxday hantida qaranka ee laa degtay wasaaradda halkii laga sugayay inuu dib u habeyn ku sameeyo
musuqa caadiga noqday ayuu isagiina ka mid noqday madaxa dheefsata musuqa.

5
Haddii aanu eegno dhinac kale oo ka mida hantida wasaaradda gaadiidka ka soo gasha bixinta leysimada
baabuurta, halkii leysin wuxuu qiimihiisu yahay $65, waxaana loo qeybiyaa lacagtan sida soo socota:

$18 oo kaliya ayay ku leedahay wasaaradda maaliyadda.


$25 Waxaa qaata “Agency” magac u yaala oo magaciisa lagu sheegay Hormuud Car Driving, kaliya
waxaa qofka leysinka la siinayo la tusiyaa calaamadaha wadooyinka, wuxuuna agency-gan xarun ku
leeyahay KM4. Inta badan qofka leysinka doonaya gurigiisa ayaa loogu geeyaa markii laga qaado
lacagta iyadoo aan wax imtixaan ah la marin. Shirkadan waxaa la sheegay inuu keensaday
agaasimaha Fiisha Baraa.
$32 Lacagtan waxaa ii suuragashay inaan helo halka ay ku baxdo $8 oo ka mida, taasoo la sheegay inay
tahay service ay leeyihiin agaasimeyaasha gaadiidka iyo sidoo kale $5 gobolka Banaadir loo gooyo.

INTAAS oo musuqmaasuq iyo wax is daba marin ee ka jirta wasaaradani waa su’aale sidee bay ku
dhaceysaa iyadoo dowladda hadda jirtaa ay ku celceliso mar waliba inay ka hortageyso musuqmaasuqa?
Waxaa kaloo is weydiin leh maxay arrimahan wax uga qaban la’ yihiin ama ugu yaraan uga aamustay ciddii
ku shaqada lahayd sida baarlamaanka Soomaaliya?. Sow ma dhici karto in mar qura isku shaandheyn lagu
sameeyo golaha wasiirada kadibna sidaas mas’uul hanti badan lunsaday isaga tago iyadoo aan wax tallaabo
ah laga qaadin, dhibaatada ugu weyni waxay tahay tiiyoo aanay jirin xisaabtan oo la xalaaleystay hantida
qaran.

Akhristow markii intaasoo macluumaad ah aad ogaatay waxaa laga yaabaa inay kugu soo dhacdo su’aal ah
oo lacagtani sidee loo qaadaa, yaase qaada? Waa su’aal muhiim ah oo nafteyda aan ku wareeray sida waxan
oo musuq ah la isku xiray ee loo kala maamulo.! Waxaase arrinta oo dhan ugu sii darran inuu lacagahani
qaado shaqsi caadi ah oo jooga nootaayo (public notary) kadibna qeyb waliba inta ay leedahay ay u
doonato!!!!!!!!!. Waxaa ka sii darran inta badan lacagahan ma jiraan caddeymo la siiyo dadka laga qaaday?

Waa socotaa….
La soco qeyb kale insha Allaah

W/D: Shariif Moalim

You might also like