Professional Documents
Culture Documents
Taariikhdii Sayid Maxamed Cabdille Xasan PDF
Taariikhdii Sayid Maxamed Cabdille Xasan PDF
Hordhac
Waxaa laga yaabaa dad badankii markii ay dhagahooda kusoo dhacdo magaca iyo martabada uu
Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku lee yahay taariikhda Soomaaliyeed, baalka dahabka ah ee lagu
kaga yaal taariikhdii Daraawiishta ee uu hogaanku u hayey Sayidku, iyo xushmada iyo maamuuska
ay Sayidka u hayaan dhamaan Soomaalidu Bari iyo Galbeed, Koonfur iyo Waqooyi iyo meelkasta
oo ay joogaan inay isweydiiyaan: "muxuu Sayid Maxamed ku mutaystay xusuuustaa karaamaysan
iyo heerkaas geesinimo ee aan cid kale la wadaagin?" Haddaba suuragal ma aha in maqaal qudh
ah lagu soo koobo dagaal 21 sanno soconayey iyo taariikhda Sayidka, haseyeeshee waxaan isku
dayeynaa in aan guudmarno oo aan soo koobno dhiiranaantii, geesinimadii iyo mintidkii
gobonimodoonka Daraawiishta uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdille Xasan kuwaa oo hadh
iyo hoyba u diiday gumaysiga (Gumaystihii Ingriis) dhinac walbana ka wareemay.
Maxamed Cabdulle Xasan waxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-mudug oo ah agagaarka
Degmada Buhoodle balliga la yidhaahdo "Sacmadeeqo" oo magaalada Buhoodle toddoba mayl u
jirta kana xigta dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay guga la baxay "Gobaysane", Waxaana la
sheegay ama lagu soo wariyay inuu ahaa gu' barwaaqa ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay
hanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay odoros ahaan markay taariikhdu ahayd 1863. Daraawiish iyo
dadkii wakhtigaa noolaa badankeedu waxay sheegeen: Sayidku Maxamed saddex meelood ayuu
ka la mid ahaa nabigii"SCW" magaca da'da iyo jihaadka. Hase ahaatee, sheekadaasi inoo caddayn
mayso guguu dhashay. Wuxuu ku koray Nugaal, dadkooduna wuxuu ahaa xoolaley daaqsato ah.
Guud ahaan xoolaha markaas la haystey waxa ugu badnaa geel iyo fardo. Reer miyigana waxaa
badanaaba u taliya roobka iyo baadka dhaqankooduna wuxuu yahay inay gugii iyo dayrtii hadba
dhinac u guuraan, mar haddaan dhulku magaalo iyo beero midna lahayn. Dabeecadaha guurguur
ayaa qof walba waxay ku abuuraysaa inuu xoola raac noqdo.
Sidaas daraaddeed, waxaan odhan karnaa: Sayid Maxamed carruurnimadiisii wuxuu ahaa
xoolraac, lamana carabaabin carruurta kale wuxuu kaga duwanaa ama dheeraa. Sidii dhaqanka
Soomalidu u badnaa ama raaskuu Sayidku maxamed ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa
baa quraanka loogu bilaabay. Macallinkii quraanka u dhigi jirey ee uu ku bilaabay waxa lagu
naanaysi jirey "Kud Quraan". Maxamed tobon jirkii buu Quraanka ku dhammeeye, taasina wax
lala yaabo ma aha oo ardayda ayaa sidaas u badnayd. Wiilnimadiisii waxa lagu sheegi jirey fahmo
badnaan, firfircooni iyo karti dheeraada. Waxa hubaal ah haddii wiilku quraanka dhammeeyo in
calaamooyinkii macallimadu ka muuqato, isla markaasna cilmiga barashadiisa lagu gargaaro.
Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamed aabbihiis kutubta cilmiga ah ugu bilaabay, taasina waxay
dhalisay inuu cullimada xerta ah oo cilmiga raacanaysa la fariisto, markay degmada dhex
marayaanna raaco oo la socdo. Hase yeeshee, markii dambe xertii buu ku mid noqday, taasina
waxay dhaxalsiisay in lagu magacaabo Aw Maxamed Shiikh Cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey
ama u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda iyo dhamaan dadkii
markaas ka ag dhawaa.
Intaas wixii ka dambeeyay Sayidku wuxuu u kacay Makka iyo Madina waxeeyna isu raaceen 13
wadaad oo ay isku xer ahaayeen. Sayidka magaalada Maka waxaa ay isku arkeen wadaad Suudaani
ah oo Saalix lagu magacaabi jiray, Sayidka waxaa uu ahaa Saalixiya oo ah dhariiqo ka tirsan
Suufiyada. Sayidku intuu uu ku suggnaa Makka iyo dhulka barakaysan waxa uu soo bartay cilmi
aad u balaadhan oo uu si fiican u darsan diinta islaamka.
Ingiriisku waa ogaa in Sayid Maxamed leeyahay xer badan hase yeeshee marnaba kama
cabsanaynin odoroskana kumana jirin halgan gobonimodoon ah oo ka bilowdo gayiga
Soomaaliyeed. 1899kii waxaa laysa dhex mushaaxay magaalada Berbera Ingiriiskiina soo
gaadhay in Sayid Maxamed uu uruursanayo rag iyo saanad si uu ugu duulo una qabsado
degmooyinka Koonfur Bari. Dawlada Ingiriisku waxay ku dhaqaaqday inay arintaa isku taxalujiso
si ay u ogaato runtu waxay tahay, hase ahaatee Ingiriiska uma suuragalin inuu si sahal ah ku ogaado
Sayidka iyo akhbaartiisa waayo dadkii Soomaliyeed ee reerguuraga ahaa baa diiday inay Ingiriiska
u xogwaramaan markii la waraystay.
April 12, 1899kii qunsulkii sarre ee Ingiriiska Gaashaanle Sare J. Hayes Dawson waxaa soo
gaadhay warar sheegaya in Sayid Maxamed madax ka yahay ciidamo hubaysan oo tiradoodu
gaadhayso 3000 uuna tabaabusho ugu jiro duulimaad ba'an oo uu Ingiriiska kusoo qaado. Bishii
August 1899kii waxay ilaaladii Ingiriisku soo sheegtay in Sayid Maxamed yimid Burco isaga oo
wata ciidamo 5000 ah oo 1500 oo kamid ahi ay fardooleey yihiin, 300 oo ka mid ahina ay
banaadiikh haystaan. Burco waxay ahayd meel xagga tabcooyinka dagaalka aad ugu haboon
waayo biyo joogta ah bay lahayd xilliyada abaaraha ah. Sayid Maxamed Cabdille Xasan waqtigaa
wuxuu si badheedh ah ugu dhawaaqay inuu dagaal muqadas ah oo gobonimo doon ah Ingiriiska
kula jirro asgartiisiina wuxuu u baxshay Daraawiish, wuxuu u faray qabaa'ilka Soomaliyeed oo
dhan inay la dagaalamaan, jihaadka liddiga gaaladana ay la galaan.
Gaashaanle Sarre Swayne waxaa loo xilsaaray inuu dhiso ciidamadii Sayidka laga horgayn lahaa
wuxuuna adkeeyay heshiiskii uu Ingiriisku la lahaa Xabashida, waxayna go'aan ku gaadheen in
ciidamo huwan ah ay Daraawiish ku kacaan sidaa daraadeed wuxuu Ingiriisku dalka Itoobiya u
diray Gaashaanle sare oo ka tirsanaa ciidamadii la odhan jidhay Royal Guards, ninkaasi oo soo
gaadhay Herer April 1901 si uu u soo qabanqaabiyo una tababaro ciidamo dhinaca galbeed ka
weerara Sayidka.
Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii
boqoradii Hindida ay kula dhaqantay oo ah inay maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso. John
Talon, Maarso 3, 1910 wuxuu baarlamaanka Ingiriiska kasoo jeediyey hindise laysku raacay oo
ah in Sayidka sanadkiiba la siiyo 2,000 oo Istarliin (Lacagta Ingiriiska.) Hase yeeshee Sayidku
gaashaanka ayuu ku dhuftay arintaas wuxuuna u sheegay Ingiriiska inuu doonayo gobonimo,
gobonimadana aan la gorgorin karin.
Taariikhda Sayidka ayaa waxaan markasta ka maqnayn hal abuurnimadiisa iyo maansooyinka kala
duwan ee uu hawada u mariyo kolba cidii uu wax u sheegayo ama la hadlayo, gabaygan soo socdaa
waa gabaygii uu Sayidku u mariyay Ingiriiska ugu sheegayay inaanu heshiish la galin isticmaarka.
Sayidku ku kulmeena waxaa ugu weynaa Af-Bakayle iyo Fardhidin. July 3, 1903 dii waxaa
dhamaaday dagaalkii saddexaad oo intuu socday Sayidka iyo Ingiriisku Bari iyo Waqooyiba ku
dagaalameen.
August 1913kii waxaa dhacay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe) oo ahaa kii lagu dilay taliyihii
ciidamada Ingiriiska Richard Corfield, gaalkaasi oo Soomalidu u taqaanay Koofil ahaana ninkii
Sayidku ka tiriyey gabaygii caanka ahaa, ee Adaa Koofiloow Jiitayoon. Waxaa kale oo halkaasi
ku geeriyooday saraakiil badan oo Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa Dhame J. S. Summers.
Ingiriiska waxaa u muuqatay dagaal badheedh ah in aan waxba Sayidka lagaga qaadaynin haddii
aan la badalin tabcada lagu socdo. November 1918kii gudi uu madax ka yahay General Hopkins
oo loo xilsaaray inay darsaan xaallada Daraawiishta talooyin dagaaleedna ay Ingiriiska siiyaan
ayaa yimid dalka Soomaaliya. October 1919kii baarlamaanka Ingiriisku wuxuu go'aan ku gaadhay
inay Sayidka siddii dawlad xoog leh oo kale ula dagaalamaan, ayna duulimaadka ka qeyb galaan
ciidmada dhulka, cirka iyo badduba.
Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba waa ka tari waayeen Sayidka waana usoo dhawaan
waayeen Taleex iyo qalcadihii kale. Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo taaktiko dagaal. Ugu
dambayntii Janaayo 21, 1920kii, waxaa Sayidka lagu soo kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana
weeraradaa hogaaminayey Dhame Duuliye Gordon wuxuuna Ingiriisku isticmaalayey diyaaradaha
noocoodu ahaa DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihii Sayidka oo dhan. Sidaa
darteed, Daraawiishtu waxay ahaayeen urur gobonimodoon ah ee adduunyada ugu horeeyey ee
dayuuradaad lagula dagaalamo. Taasina waxay muujinaysaa dhiiranaantii iyo halgankii
Daraawiishtu gobonimada usoo galeen.
Ingiriisku wuxuu ugu dambayntii go'aan ku gaadhay inuu Sayidka u diro ergo ka kooban
maashaa'ikhdii Goboladda Waqooyi oo kala ahaa: Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq madaxii
dariiqada Saalixiyada, Skeekh Cabdullahi Sheekh Madar madaxii dariiqada Qaadiriyada, Sheekh
Maxamed Xuseen iyo cuqaal fara badan ooy ka mid yihiin Caaqil Cali Aadan, Caaqil Jaamac
Madar, Caaqil Ibraahim Warsame, Caaqil Xirsi Xuseen, Caaqil Xaaji Cabdullahi Jaamac, iyo
Caaqil Cali Guuleed. Ergadaa ka koobnayd maashaa'ikhdii dariiqada iyo todobada Caaqil waxaa
loo diray ergo ahaan Sayidka waxayna wadeen warqad Ingiriisku ku warsanayey Sayidka inuu
ergadaas soo raaco. Ergadii waxay ka baxday Burco April 9, 1920kii iyadooy hogaaminayeen
labadii nin ee warqada jawaabta ah Sayidka ka keentay, Xaaji Cismaan iyo Sheekh Cali.
16 casho oo socod ah ka dib, April 25, waxay soo gaadheen Qoraxay oo xarunta Sayidku u jirtay
40 mile. Sayidku ergadii waxa uu amar ku siiyey inay Ingiriiska ku noqdaan una sheegaan inaan
Sayidku marnaba isdhiibaynin.
Gunaanad
Geeridii Sayidka & Dardaarankiisii.
November 23, 1920kii ayuu Sayid Maxamed, naxariistii janno Allaha siiyee, si caadi ah u
geeriyooday isagoo gacanta ku haya gamaskii xornimada iyo gobonimada. Allaha u Naxariistee
Sayidku wuxuu ku geeriyooday aaga Webi Shabeelle degmo ku taalo gaar ahaan Degmada Iimey.
Sayidka iyo intii la socotay oo ku sugan Iimey oo ka tirsan Soomaalida Itoobiyada maanta, waana
deegaan Caruuso. Ka dib wuxuu Sayidku galay guri halkaasi uu ku lahaa, waxaanu ku yidhi Raggii
la joogay yaan la ii iman, laakiin duhurkii ka dib ayuu u yeedhay laba hablood oo ay walaalo
ahaaheen oo kala ahaa Jamaad iyo Rooxo, waxaanu u sheegay inuu xannuun hayo, markii casarkii
la gaadhay ayuu u yeedhay Abshir Dhoorre oo ka mid ahaa ragga ugu dhaw Sayidka, waxaanu ku
yidhi” Galabta culays baa I saaran ee Daraawiishta kala maamul, Markii la gaadhay makhribkii
ayuu hablihii ay walaalaha ahaayeen iska diray, waxaanu ku yidhi iska taga oo Abashir Dhoorre
ha ii yimaado. Markii Abshir Dhoorre u tegay ayuu arkay Sayidkii oo naftu ka baxday, markuu
hubsaday inuu meyd yahay, ayuu maro saaray, ka dib laba nin oo gaadh ahaa ku yidhi yaan aqalka
cidi gelin. Ka dib wuxuu Abshir u yeedhay dhawr nin oo ka mid ahaa Daraawiishtii ugu dhawayd
Sayidka iyo weliba qoyskiisii, si uu ugu sheego geerida. Raggii arrintaasi loo bandhigay waxa ka
mid ahaa Sh. Yuusuf Cabdille oo Sayidka walaalkii ahaa, Xuseen Faarax iyo Aw Cabdiile
Ibraahim, waxaana lagu tashaday in la aaso oo la qodo xabashii, sidoo kalena aan la ogaan warka
geerida si aanu u maqal Ingiriisku, halkaas aya lagu aasay Sayidka. Wixii reer Sheekh Cabdille
ahaa iyo dadkii aan ka hadhi karini waxa ay tageen gurigii reer Daadhi oo ka tirsanaa qoomiyada
Oromada, oo ay ku dhaqnaayeen Reer Cabdulle Xasan. Intii kale waxa ay noqdeen kuwa Bari iyo
Nugaal u kaca iyo weliba kuwa webiga Shabeelle hoos u qaada oo Talyaaniga u galay.
Markuu geeriyooday Sayid Maxamed gumaystuhu wuxuu isku dayey inuu daboolo halgankii uu
soo galay iyo ujeedooyinkii uu lahaa ee uu u dagaalamayey in ka badan 21 sanno. Waxa uu
Sayidku mutaystay in lagu qorro magaciisa iyo taariikhdiisaba baal dahab ah waayo waxa uu u
diiday gumaysiga inuu ku lado dalka Soomaaliyeed. Taariikhdii koobnayd ee Sayid Maxamed
Cabdille Xasan iyo halgankii muqadaska ahaa ee uu kula jiray gumaysiga waxaan kusoo af-
jaraynaa tuducyo kooban oo ka mid ahaa gabaygii caanka ahaa ee Sayidku mariyey dabayaaqadii
noloshiisa ee la odhan jiray Dardaaran: