You are on page 1of 37

W/Q Mr: Hamud Husein Ducaaleh (Ducaale).

In ASossa University

Ku Ardayda somalida ah

Dheef baad ka heshaa

DHEEF BAAD KA HESHAA

Subagii cilmiga laga lulay bay sare u heensheenee


Raguse hooyo soo wada mar oo aabo loo sumadiye
Sideenaa sagaal lagu dhalee inagama sidig waynayn…
(Abwaam Cabdilaahi Suldaan (Tima-cade) “AHUN”).

Qalinkaa wax suureeya


Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeyi
DHEEF BAAD KA HESHAAA
Sunto faro ku hayntiisa
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)
Waligaa
W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
ha siidaynin. I
(Abwaan Hadraawi).
Mahadnaq:
Waxaa marka hore mahad iska leh Allaha (swt) awooda leh kaaso inasiiyay garashada iyo
caqliga han kaga duwanahay makhluuqa intiisa kale, waxa marka labaad mahad iska leh
dhamaan ardaydii somaalida ahayd ee jaamacada Assosa University gaar ahaan Shakhsigii lahaa
fikir ka guud ee ah in laqoro buugan lamagax baxay DHEEF BAAD KA HESHAA ,Eng Da’uud
Abdi Liibaan oo ku magac dheer (Deeq), da,uud runtii waa shakhi jecel horumarka dalka iyo
dadkiisaba waxa uu marwalba ku dhiirigaliyaa ardayda horusocodka iyo dadaalka waxbarasho.
Waxa kaloo mahad u celinaynaa Gudoomiyaha ururka ardayda somaalida ah ee jaamacad Assosa
University Maxamed Cabdiraxmaan. waxa kaloo aan u mahad celinayaa qaar kamida wasiirada
maamulka suuban ee DDSI, wasiir ku xigeenka xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta
reermiyiga ee DDSI, Dr: Guuleed Aw Cali Kaahin iyo wasiirka Cilmi-baadhista Dr: Suldaan
Wali oo runtii dhiirigalin dheerada aan ka helnay, xiligaa oo ay ku jireen hawlo shaqo nagu soo
buuqday jaamacada ASU iyo dhamanba ardayda soomalida ah oo codsatay buugan.

Waxa kaloon u mahad celinayaa waalidiintayda iyo walaalahayga aan aad ka u jecelahay
dhamaantood oo aanan ku sookoobi Karin qoraal ahaan, waxaa kaloon u mahad celinayaa
dhamaanba shaqsiyaadkii igacan qabtay nidaamkayga waxbarasho dugsi sare illaa heerka
jaamacada, kuwaso hoo iyo hiil, dhiirigalin aan ka helay una sabab ahaa inaan siiwato
waxbarashadayda, ha ugu horeeyo adeero Dr: Mohamed Isak yusuf (maxamed-sacad), Dr:
Mubarik Muxumed Maax, Xuseen Xaamud Faarax (xuseen xabashi), Mr: Kayd Aw Muuse Abdi,
Maxamed Badri yuusuf, Mustafe Ibrahim Yoonis, Cabdikariim Mahad Muxumed (karaye),
Xuseen Haybe Maygaag, Dr: Muxiyadiin Jibriil Muuse, Ahmed Maxamed Muuse, Cabdilaahi
Yuusuf ( Tog-wajaale hotel owner), Sayid Abdi Abaas (sayid-caanoole), waxaan leeyahay
jazakalaha khyran kaalinta aad iibuuxiseen.

Waxa kaloo xusid mudan asxaabtii aan dhiirigalinta dheeraad ka ah ka helay, waa Prof:
Abdirahmaan Aw Muuse Abdi (awliyo), Abdirahman Aw Muuse Muxumed (yamani), Mohamed-
keder Abdirahman Maxamuud (khookho), Fu’aad Abdiqadir Maxamuud, Nimcaan Kaamil Nuur,
Sheekh Cabdicasiis Cabdilaahi, Cabdilaahi Cabdi Xasan, Hibo Ahmed Gooraan, Zakariye
Cumer Nuur, Xamse Maxamuud Cabdi (X.dhagax) iyo dhamaanba asxaabta kale ee aanan
halkan ku soo koobi Karin.Waxa ka loo mahad iska leh dhamaanba waalidiinta soomaalida
hooyo iyo aababa ku waaso markasata ku dadaala sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen korinta iyo
kobcinta u badkooda. Waxa kaloo iyaguna xusid mudan maamulka suuban DDSI oo runtii
dhiirigalin marwalba la garab taagan ardayda ku jirta jaamacadaha, marka ay soo qalin jabiyaana
sida ugu haboon u shaqaalaysiiya iyagoo si cadaalada iyo cadcadaan leh u hawlgaliya ardayda
soo dhamaysata hayaanka iyo geediga waxbarasho.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) II


Tusmada buuga:

Mahadnaq: ............................................................................................................ ii
Tusmada buuga:..................................................................................................iii
 1. Hordhac: - ........................................................................................................................1

1.1 Sababaha Keenay in La Qoro Buugan. .......................................................................2

 1.2 Ujeedooyinka Guud Ee Buugan (Genaral objectives). .................................................3

2. Dheefta Cilmigu Ha ku Dhaxalsiiso Garasho. ............................................................4


3. Tiiri Kaalintaada:.......................................................................................................7
4. Adigaa Masuul Iska ah: .............................................................................................9
4.1 Qiimo Uyeel Noloshaada: - ...................................................................................10
5. Astaamaha Guusha:................................................................................................11
6. Muuqaalka Maskaxeed Ee Mustaqbaka Fogi Waxa uu kugu Hogaamiyaa Wadada
Guusha. 13
7. Maaraynta Warwarka/Walalka (tension): -............................................................15
8. Qaabkee Ayaan Uga Guulaysan Karnaa Imtixaanaadka: - ......................................16
9. Maaraynta Wakhtiga: - ...........................................................................................18
10. Qaabkee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta: ......................................20

12. Baro Talaabooyinkan Muhiimka Ah. ..................................................................... 24

13. Qaabkee U Doorataa Takhasuskaaga Waxbarasho: .............................................26


14. Iska illaali Dhawaaq Gudeedka Taban (inner negative voice): .............................28
15. Hadii Aad Tahay Arday Raac Sharciyada Jaamacadaada u yaala ....................... 29
16. Maansada Tiirikaalintaada: ..................................................................................31
17. Maansada Ardayohow Dugsiga dhigo ..................................................................31
18. Faahfaahin kooban oo ku saabsan qoraaga:.........................................................32

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) III


1. Hordhac: -
Buugan lamagac baxay “DHEEF BAAD KA HESHAA” Waxa qoray Xaamud Xuseen ducaale
oo ah arday kamida ardayda soomaalida ah ee DDSI kaaso kasoo baxay jaamacada (Assosa
University) ee ku taala dalkeenan Ethiopia gaar ahaan kililka lixaad (06) ee qoomiyada
Bishangulgumuz ka. Buugani sida ka muuqata ciwaan kiisaba waxaa u sharaxayaa dheefta iyo
faaiidada laga helo barashada cilmiga iyo aqoonta, waxa uu xanbaarsanyahay buugani xikmad
iyo waayo aragnimo badan oo la ururiyay taaso si faahfaahsan u qeexi doonta dhinacyo badan oo
ku saabsan nolosha aadamaha gaar ahaan, hayaanka iyo geediga wax barasho ee uu ardaygu
maro marka uu ku gudo jiro wadadaa dheer ee heerarka waxbarasho laga bilaabo dugsiga dhexe
illaa heer jaamacadeed.
Hadaba inta uu ku gudo jiro ardaygu hayaankan iyo geedigan ka midhadhalinta hadafkiisa
waxbarasho waxaa uu wajahaa oo ka horyimaada (challenges) ama carqalado ku waasi oo
dhaawaca hakadna galiya himiladii, hadafkii iyo gool(goal) kii uu lahaa ardaygu, taasoo sababta
inuu dhamaanba ka hadho wadadii waxbarasho. Waxa uu buugani si qoto dheer uga hadlayaa
cabadaha ardayga ka horyimaada iyo waxyaahabaha sababa, sida looga gudbi karo, waxa uu talo
iyo tusaaleba siinayaa ardayga galaya jaamacada (fresh time) ka xigilgani oo ah xiliga ugu adage
ee ardaygu ugu baahibadanyahay in wax loosheego lana tilmaamo.
Waxa uu buugani si buuxda u qeexayaa xeerarka iyo qawaaniinta u dajisan dhamaanba
jaamacadaha dalka, xeerarkani ayaa noqon doona kuwo u sahla ardayga inuu sifudud u fahmo
nidaamka waxbarasho ee jaamacadaha. Guul iyo guul daraba waa laba shay oo dabiiciya oo
Alleh (swt) abuuray, ruuxii dadaalana Eebe ma qadiyo dadaalkiisa, hadaba waxa uu buugani ka
waramayaa qofka ku guulaysta wadadani faaiidada uu cilmigu dhaxal siiyo.
Waxa kaloo buugani ka waramayaa dhinacyo badan oo khuseeya nolosha ardayga xiliga uu ku
jiro jaamacada bilowga illaa dhamaadka, waxa uu u qaybinayaa cabadaha ka horyimaada
ardayga laba dhinac. Kuwo dhinaca haynta ah iyo kuwo looyaqan isku buuq (tension) oo ay
sababto waxbarashada oo adkaata, Ku waasi oo kusoo gudbinayo sheekooyin iyo qaab
farshaxanimo.
Waxaa kale oo u xog buuxda kaa siinayaa nidaamka sharciyada u dajisan jaamacadaha iyo inaad
illaaliso oo aad dhawrto, kaaso ah mid dhaxal gala talo iyo tusaale unoqonaya arday kasta oo
galaya jaamacad. Waxa aad buugan ka faa’iidaysan doontaa qaabab kala duwan oo wax loo
akhriyo, nidaamyada loo maro guusha, sidaad u dhisanlayd jadwalkaaga nolol maalmeed, sidaad
isku waafajin lahayd culuumta tan maadiga ah iyo tan xaqa ah (waxyiga iyo sunada xaga Alleh
(swt) ka yimiday.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 1


1.1 Sababaha Keenay in La Qoro Buugan.
Waxa marag ma doonta ah in markasta oo arday jaamacad lagu soo qoro inuu la kulmo
dhibaatooyin aad u fara badan oo dhinacyo badan leh, khaasatan marka ugu horaya marka uu
ardaygu jaamacada galo soo wajaha. Ku waasi oo sabab inuu ardaygu ka hadho jaamacadii iyo
dhamaanba nidaamkii waxbarasho iyo dadaalkii uu mudada soo waday, si looga gudbo taa
waxaa fikir kan soo jeediyay mid ka mida aradayda Jaamacada Assosa Eng Da’uud Abdi Libaan
(Deeq) in la qoro buugan si loogu gudbiyo jiilka ama dhalinyarada inaga danbaysa khibradii iyo
waayo aragnimadii aan ka dhaxalnay xiligii aan ku gudo jirnay nidaamka wadada waxbarasho.

Waxa kaloo ka mida kadib markii aan u kuur galnay dhalinyarada deegaanka waxaan ogaanay in
carqaladaha ugu badani ay tahay ayagoo jaamacadaha ka aaminsan meel aanay Diin oolin,
dhaqan xunmo, gaajo iyo waxyaabo kaloo cadaab ahi ay jiraan, cuntada oo aanay la qabsan
Karin. Intaas aan soosheeganay oo dhan waxaan u aragnay in ay tahay mar-mar siiyo iyo waxaan
jirin ka dib markii aan daraasaynay wakhtina ku qaadanay jaamacadii aan dhiganaynay.

Wax yaabahaso dhami waxay keeneen dib u dhac ku yimid dhamaanba ardayda soo maalida ah
ee ka soo baxda school lada sare ee deegaan ka kuwaasi oo aad uga gaabshay inay buuxiyaan
kaalintii ay ku lahaayeen dhamaanba deegaanka iyo dalkaba fikiro qaldan oo ay aaminsanyihiin
awgeed abwaan soomaaliyeed ayaa waxa laga hayaa “Ragow kibirka waa lagu kufaa…’
abwaan cabdilaahi suldaana (tima-cade) (AHUN) waa kii lahaa;’
‘wadaadow hawl yaraan laguma helo
waxaan cidi ku hawshoonee
naftaa loo hantaaqaa waxay hiigso leedahay’.

waxaa uu tilmaamayaa abwaanku in ay wax waliba dadaal iyo u baahan yihiin Samir ee wax
bilaash lagu helaa uusan jirin ‘waxaa layidhi riyahaa iyagoo cuudka dhulka saran arkaya ayay
kan sare laacaan, faan iyo kibir awgeed dabada banana ma dadan karto sidaas oo kale wax ka
dhigan dhalinyaradeena, waayo iyagoo arkaya waxbarasho lacag la’aana ayay u fakiraan mid
lacaga iyo tahriib taasoon diinteena iyo dhaqankeena toona ku wanaagsanayn caqliga saliimka
ahi diidayo Waana israaf (extravagance).

Si aan taas u joojino ulana tartano qoomiyadaha kale ee wadanka iyo caalamkaba ugana baxno
fikirka ay inaga aaminsanyihiin ayaa waxa aan damacnay inaan qorno buugan si aan u dhiiri
galino kuwa naga danbeeya ee dhamanba jaamacadaha dalka iyo deegaankaba.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 2


1.2 Ujeedooyinka Guud Ee Buugan (Genaral objectives).
Ujeedada ugu muhiimsan ee buugani waa sidii kor loogu qaadi lahaa dhamaan horumarka
ardayga soomalida ah ee dhigata jaamacadaha dalka, si loogu gudbiyo fikirkii iyo waayo
aragnimadii laga dhaxlay ardaydii ka horaysay. Waxa kaloo kamida ujeedooyinka: -
 In ardayda soomalida ah laga saaro tuhunka iyo fikirka qaldan ee ay ka aaminsan yihiin
jaamacadaha dalaka, loona sheego inaan wax adagi jirin e wax waliba ay u baahan yihiin
dadaal iyo Samir.

 In la tuso ardayda laguna dhiirigaliyo in ay tartami karaan oo ay lamid yihiin dhaamba


qoomiyadaha kale ee dalkeena iyo deegaankaba.
 In la tuso in uu ardaygu kaalin uu ku leeyahay bulshadiisa, dalkiisa iyo deegaankiisaba,
lana tuso oo lagu dhiirigaliyo ardayda in ay jiraan wadooyin kale oo lagaga gudbi karo
dhibaatooyinka soo food saara xiliga ardaygu ku jiro geediga iyo hayaanka waxbarasho.
 In ardayga la tuso qaabka iyo wadiiqooyinka wax akhriska iyo qaabab ka loo samaysto
jadwal nolol maalmeed kaaso kaalin muhiima ka qaata horumarka ardayga iyo noloshaba.

 In lagu dhiirigaliyo dhalinyarada kaalinta ay bulshadooda ku leeyihiin iyo qiimaha


dhalinyarnimo.

Muhiimada ugu balaadhan ee buugani waa dhiirigalin in dhalinyaradu fahamto faa’iida akhriska,
waxaanu awooda saarayaa wadooyinka iyo qaabab ka wax loo akhriyo, guusha iyo wadada loo
maro, guud ahaan cilmiga iyo dheefta laga dhaxlo, isagoo u isticmaalaya ciwaanada si maqaal
ahaana.
Afeef; waxaan ka cudur daaranayaa aniga oon ahayn qoraa hadii aan wax qaldo dhaliishu waa
xagayga, wixii aan saxayna Allah (swt) ayaa iwaafajiyay.
Wixii sixid iyo dhaliil ah iigu sohagaaji ciwaankan:
Xaamud Xuseen Ducaale (ducaaleh)
E. mail: wacays410@yahoo.com

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 3


2. Dheefta Cilmigu Ha ku Dhaxalsiiso Garasho .
Aqoonta iyo waayo aragnimadu waa dheefta iyo midhaha laga goosto barashada cilmiga.
Cilmiga ama aqoontu waa sheyga kaliye ee aadamaha haga kuna gaadhi karto guul adduunyo iyo
mid aakhiraba, waa wada iyo tooshka u iftiimaya noloshiisa, kuna dhiso mustaqbalkiisa iyo
aayaha bulshada uu la noolyahay.
Jahliga ama aqoon darradaduna waa cudur xun, kaas oo kuu horseedi kara in aad ka hadho
bulshada inteedii kale. Cilmiga iyo aqoonta siyaabo badan ayuu qofku ku helaa, ha ahaato mid
maadi (schooling system), mid waayo aragnimo iyo kan ugu qiimaha badan ee waxyiga Alleh
(sw), quraanka kariimka ah iyo sunada, axaadiista ah mid sharciya waajibna ku ah qokasta oo
aadama ah, sidaad doonto ku heloo wax la isku waafaqsanyahay in aqoontu faa’iido dhaxalsiiso
aadmiga haba yaraate.

Cilmiga faa’iidada leh adduunka isagaad ku heshaa magac iyo sharaf, Akhirana isaga ku
gaadhsiin kara Jano, waayo Cilmiga sharciga ah dadka leh waa ka Illaahay u dhaweeya, ugana
marag kaca in ay Illaahay si dhab ah uga baqaan. Illaahay ayaa quraankiisa ku yidhi “miyey
siman yihiin qof aqoon leh iyo qof aan aqoon lahayn.” Qofka aan cilmiga lahayni ma aha qof
meel fog wax ka arka laakiin qofka aqoonta leh meel fog ayuu wax ka arkaa oo ka saadaalin
karaa.

Waxaa kaloon isku waafaqsanahay in aqoon la’aani ay tahay iftiin la’aan, dhamaan dadka dunida
ku noolina waxay kukala suganyihiin xaalado aad u kala duwan dhanka nolosha ah, sidoo kale
waxaan oganahay in dunida maantu u qaybsantahay qaybo ku waaso ku kala duwan waxkasta.
Wadamada dunida horeumartay iyo ku dib u dhacay waxa kala fogeeyay waa waxbarashada iyo
dhanqaalaha taasoo ay uga faa’iidaysteen qaabkii loobaahnaa. Sida ku cad odhaahdii Allaha u
naxariistee abwaan Cabdilaahi suldaan (Tima-cade) waxa uu yidhi
subagii cilmiga laga lulaybay sare u heensheene
Raguse hooyo soowada mar oo aabo loo sumadiye
Sideenaa sagaal lagu dhalee inagama sidig waynayn.
Wuxuu tilmaamayaa in wadamada horeumaray ay dhaxleen oo ay dhadhamiyeen faa’iidada
cilmiga iyo aqoonta isagoo ka markhati kacaya in ay dadaaleen, wadama aadka looga qadariyo
waxbarashada waxay gaareen horumar la taaban karo halka wadamada aan laga danayn
waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego. si la mid ah sidaas
waxaa aad ku kala duwan dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimayn waxbarashada.
Waana dunida hormartay iyo dunida danbaysa. xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay
sidaas ayaa ah waxbarashaduna ay ugu kaladuwan yihiin wadanba wadankale ugu duwanyahay.
Aqoontu waa sheyga kaliya ay dadku ay ku horumari karaan waxana lagama maarmaan ay u
tahay nolosha beni’ aadamka marna masimano qof aqoonle iyo qof aan aqoon laheyn.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 4


Waxbarashada waa aasaaska nolasha waxaana lagama maarmaan ah inuu qofka waxbarto si uu u
noolaada, waxaad ka dareemikartaa xaalada miyiga dadka kunool waxaa waalidka caruurtiisa uu
baraa ugu yaran sida wax loo tacbado ama xoolaha loo raaco maxaa yeelay waxay cadaynaysaa
in uusan qofka noolaankarin ilaa uu waxbarto wuu noolan kara laakin ma ahan mid uu asaga ku
qanacsanyahay noolashiisa.

Qofku wuxuu nolol sharaf ah oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu
ku shaqaysan karo. sidoo kale dal wuxuu ku horumari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii
horumarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku
horumarin lahaayeen, waana taas sababta kaliya ee dalalka dib u dhigtaa.

Faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah ma ahan mid lagu soo koobi karo
qoraal iyo wax la mid ah. Sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa si ay dadku ay u fahmaan
qiimaha ay leedahay aqoonta waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay
horumar dhinackasta ah, khaastan dhinaca maskaxda oo ah runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku
heli karo.

Dhamaan noocyada kale ee hormarka waxaa sal iyo asaas u ah horumarka maskaxda. oo hadii la
waayo ay aad u adkaan doonto in lagu riyoodo wax uun horumar ah. Aqoondarida ama jahliga
ayaa ah cadowga ugu wayn ee uu qof yeelan karo inta uu noolyahay, jahligu wuxuu qofka u
diidaa markasta in uu ka fakaro waxa dantiisa ah, sidoo kale aqoon la’aantu waxay dadka
dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha fudud ee loo noolaan karo.

Markasta oo uu jahligu bato waxaa aad u adkaada nolosha, sidoo kale waxyaabaha laga
dhaxlo aqoon la’aanta waxa ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba
dan ugu jirin, sida in lagu xiiqo wax aan la fahamsanayn.
Hadii aad u kuur gashid dhamaan dalalka gaaray horumar la taaban karo, waxaa kuu soo baxaya
in ay waqti iyo hanti badan galiyeen sidii ay wax ku baran lahaayeen. tusaale ahaan dalkeenan
Ethiopia wuxu awooda saara waxbarshada isagoo jaamacadaha iyo school ladaba bilaash ka
dhigay taasi waxay dhaxalsiisay in dadkiisu aad u qadariyaan aqoonta, waana taas sababta ay
Ethiopia u noqotay mid kamida dalka ugu horumarsan dhinaca waxbarashada geeska Afrika.
Akhriste waxan is waydiin karaa waxbarasho noocee ah ayaa lagu hormari karaa, hadii aan si
fudud uga jawaabno su’aashaas waxaa malaha lagu soo koobi karaa in nooc kasta oo waxbarasho
ah ay kaalin wayn ka ciyaari karto horumar ka dhankasta oo aynu u baahanahay.

Hadaba waa in aynu ku dadaalnaa ubadka, dhalinyarada iyo qofkasta oo rabo inuu waxbarto waa
in lasiyaa fursad ay ku baran karaan cilmiga ay markaas jecelyihiin in ay bartaan ama
maadooyinka ay ku fiicanyihiin.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 5


Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka ugu muhiimsan ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada
ayaa ah xoriyad xaga maskaxda ah qof kasta oo aqoon leh waxuu sameen karaa fakir uu u madax
banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidato uu ku tiirsanyahay.

Marwalba fikirka ama aragtida dadka kale. Sidoo kale qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku
curin karaa aragti ama fikrad horumarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar
ahaaneed. Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa kalsooni buuxda, kasloonidana waxay qofka u
fududaysaa in uu si hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha.

Sidoo kale aqoon la’aantu waxay ku beertaa nafsada qofka in uu ka baqo wax kasta oo ku cusub
noloshiisa, taaso mararka qaar laga yaabo in uu kala horyimaado waxkasta oo horumar keeni
kara diidmo iyo baqdin is barkan, fariinta ugu wayn ee ay aqoontu xanbaarsan tahay ayaa ah
isbadel dhinac kasta ah oo taabanaya qaabka loo noolyahay markaas. Markasta oo ay aqoontu
kororodho waxaa badanaya isbadalka xaga nolosha ah. Markasta oo uu isbadel jiro waxaa
fududaanaya in la horumaro.

Aqoonta ama waxbarashada ayaa ah hanitida kaliya ee ay da’ayerta dhaxli karaan si ay u sii
horumariyaan nolosha markaas lagu sugan yahay. Hadii ay dhalinyaradu dhaxlaan jahli ama
aqoon daro waxaa mugdi aad u wayn galaya mustaqbalka iyo horumarka aan hiigsanayno.
Aqoontu waxay dhistaa guri aan tiir laheyn jaahinimada ama aqoondaridu waxay bur burisaa
guri sharaf iyo barwaaqo ay kunool yihiin dadkiisa.

Ugu danbeentii waxaan idinleeyahay aqoontu waa iftiin ama nuur jahligu waa mugdi aynu ku
daadaalno waxbarashada si aynu ugaarno horumar looriyaaqo iyo bulsho caafimaad qabta.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 6


3. Tiiri Kaalintaada:
Qofkasta oo bali aadan ahi waxa uu nolosha ku leeyahay kaalin muhiima dhinac kasta, illaalinta
diintiisa, naftiisa, dalkiisa iyo dhaqankiisaba, hadaba inagoo ku salaynayna ujeedada mawduuca
buugeenan waxa si qoto dheer u sharixi doonaa kaalinta dhalinyaradu ku leedahay bulshadeenan.
Dhalinyaradu waa meesha kaliya laga qaato miqyaaska jiritaanka umadeed, hadii umadaasi
dhalinyaradeedu tahay kuwa buuxiyay kaalintii looga baahna bulshadooda, oo ay dhalinyaradasi
noqdaan kuwa u fakira dhinaca fiican iyo horumarka, illaalinta diindooda, dhaqankooda,
dadnimadooda, jiritaankooda, ka qayb qaadashada technologiyada iyo tartanka wax barasho
waxaa layidhaa umadaasi jiritaankeeda iyo mustaqabalkeedu waa mid rajo fiican leh.
Dhalinyarada iyo mustaqbal ka ummad kastaaba waxay leedahay madal iyo meel laga maamuuso
dhaqankeeda iyo jiritaankeedaba, hadayna taasi jirina waxaa suuro-gal ah walibana hubaal ah, in
ay noqoto umad habawsan oo halaysan kuna dhex milanta si fudud umadaha kale, dhalinyarada
ayaa laga miisaamaa umada jiritaankeeda iyo hoogeeda.

Haday dhalinyarda iyo ardaydu ay yihiin dad ifafaale wanaagsan leh oo tarminaya hadafkooda
iyo hiigsiga ay leeyahiin, qadarinaya aqoonta iyo asluubta suubban ee ay leeyihiin waxa lahubaa
in ay horumar gaadhayaan, buuxinayaana kaalintii looga baahna. Hadiise ay xiiseeyaan
dhaqanada aan bulshadooda u fiicnayn iyo diintoodaba, sida qaadka iyo sigaarka, qabyaalada, ku
dayashada dhaqadama kale oo ay ka jeestaan tacliinta iyo dhaqankooda, asluunta iyo ashaxa
waxa la filayaa in ay umadaasi qarka u saarantahay baaba’a iyo balanbal bulsheed. Waxaana taa
ka markhaati kacday taariikhda aan bukoon beentana sheegin.

Waxa jira hadaba waxyaabo dhiiri galiya dhalinyarada oo ku hogaamiya wanaaga iyo
waxqabadka si ay u buuxiyaan kaalintooda, waxaana ka mida in ay helaan dad wanaagsan oo ay
ku daydaan (role model) ah, kana dhigtaan muraayadii ay isku eegi lahaayeen. Waxan hadaba
soo jeedinayaa in ay dhalinyaradu noqoto kuwo ka dhisan caqli iyo cilmi ahaanba, isku booriya
inay fikiradooda fayaw falgalaan dabadeedna ay soo tuujiyaan nuxurka figradeed ee ay ka heleen
maan kooda iyo waayo aragnimadooda ayna u gudbiyaan bulshada inteeda kale. Hadii intaa laga
helo dhalinyarada iyo ardayda waxa la hubaa in dhalinyardu noqon doonto dad taariikhdu xusto
oo laguxardho qalimaan iyo saxfado kala duwan.
Qofku waxaa uu wax tari karaa marka uu tiisa habeeyo “tiisaba daryeelaa tu kale ku dara” waa
odhaah soomaaliyeed, marka uu qofku garto wacyiga iyo waayaha ku xeeran sidii uu u latacaali
lahaa, ee uu u la saanqaadi lahaa waayaha bulshada ku xeeran, sidaa daraadeed waa qaaciido
kugu ridi karta tubta toosan, illaasho wakhtigaaga, oo xisaabi saacad kasta, miridh kasta iyo
ilbidhiqsi walba waxaad faa’iidayso, ku noqo wakhtigaaga bakhayl, maskaxdaada iyo maan
kaaga ku hayn sidii ay dadkii adduunkan badalay ku ahaayeen wakhtiga. Waxkhtigu waa waxa
kala saara dadka kan geesiga ah iyo kan habayaca ahba, waayo wakhtigu waa nolosha, qofka
fahmaana nolosha ayuu fahmay.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 7


Hadaba dhalinyarada waxaan leeyahay hadii aduunka wadan kasataa taariikh baal ka galay, waxa
timid xiligii aan ka gali lahayn baalka dahabiga ah ee isku diyaariya oo barta qaabka aan ula
loola manayno, ula tartamayno wadamada horeumaray sahayduna waa adiga oo buuxiya kaalinta
aad ku leedahay bulshadada cilmiga iyo dhabar adayga oo lagu daro hawkarnimo iyo dadaal aan
la hagranayn. Dhalinyarooy waa idinka manta cida laga sugayo in ay wax bartaan, badalaana
waalid kooda iyo horumarka dalkooda iyo diintoodaba. Qofna kama marmo in wax loosheego
walaw caalim kasta ahaw woo markaa buugani waxa uu dhiiri galinayaa dhamaanba
dhalinyarada u fikirta dhinaca fiican (positive) ka ah.
Erayo ka mida maansada galiilyo ee abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (weedhsame): wuxu yidhi:

Qofbaad tahay guri yagleela


Qofbaad tahay gaar ahaantii
Ku gaajo baxoo is keena
Gankaa kuma dheero caaro…
waxaa uu tilmaamayaa in qofkastaaba wax qaban karo horumarna gaadhi karo. Waxa uu kugu
dhiirigalinayaa inaad dareento inaad tahay qof jira oo ina Nabdi Aadan (cs) ah, oo wax qabsan
kara kaalin kuleh bulshadiisa, hadaba dhalinyaro adaa lagu sugayaa ee tiiri kaalintaada, Halka uu
abwaan Cabdilaahi Sulaana uu yidhi …

Subagii cilmiga laga lulay


Bay sare u heensheene
Raguse hooyo soo wada mar
Oo aabo loo sumadiye
Sideenaaa sagaal lagu dhalee
Inagama sidig waynayn…

Waxaa uu tilmaamayaa in aan qofna qof caaro dheerayn ee laka dadaal badanyahay. Taa
macneheedu waa in wax kaa mancinayaa jirin inaad wax qaban karto buuxina karto kaalintii
lagaaga baahnaa insha Allah, dhalinyaro xubno laaban xoolo kuma yimaadane buuxi kaalintaada
bulsho, tii waalidkaaga iyo naftaadaba.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 8


4. Adigaa Masuul Iska ah:
Sida aan ognahay qofka bili aadanka ahi waxaa uu masuul ka yahay naftiisa, noloshiisa iyo qaab
nololeedkiisa sida uu u maaraynayo waxyaabaha soo foodsaara nolosha farxada, murugada, iyo
walwalka iyo walbahaarka, waxyaabaha kale nolosha inagoo ku salaynayna ujeedooyinka
mawduuca buugeenan dhinaca waxbarashada iyo geediga iyo hayaanka loomaro. Kasoo qaad
Waxaad tahay ardy waxaad ku gudo jirtaa wadada waxbarasho waxaa ku saran masuuliyad, si
aad u illaaliso waajibaadkii ku saarna waxaa loo baahan yahay inaad ogaato in xil ku
saaranyahay adiguna aad masuul ka tahay waxkastoo oo noloshaada ah. Kasoo qaad waxaad
tahay arday soo dhamaystay nidaamkii waxbarasho 12 ka sano oo manta jaamacad lagu qoray, si
aad usii wadato waxbarashadaada, hadaba waxaa masuuliyadi kaa saarantahay inaad tagto
jaamacadii lagugu qoray ama wax u dhigma waayo maanta waa maalintaadii waalidiintaadii way
guteen waajibkoodii waxaanay kugu simeen maalintii aad u hiilin lahayd ee ad adigu
mustaqbalkaaga dhisi lahayd, waa inaad ogaato in manta maalintaadii ay tahay halka aad adigu
manta isdhigto ayuun baad ahaanaysaa, ka kac jiifka oo fuli waajibaadkaaga dhinackasta.

Waxa jira waxyaabo badanoo kaa hor istaagi kara hadafka iyo mustaqbalka aad rabto inaad
noloshaada ku dhisto, si aad uga gudubto la kaalay samir, dulqaad iyo dadaal dheeraada. Waxa
jira waxyaabaha qaar, dadka qaar, dareenada qaar kusoo maray oo kaaga baahan inaad iska sii
dayso sababtoo ah waxay kaa hor istaagi karaan horumarka noloshaada. Adigaa masuul ka ah,
isticmaal awooda illahay ku siiyay adigoo markasta fiirinaya isna waydiinaya su’aasha ah…
maxaan ka faa’iidayaa inaan ku dhaganaado cadhada, cafis la’aanta iyo dareenada negative ka
ah, ha u ogolaan in dareenadaasi kaa qaadataan nabada qalbigaaga iyo caafimaadkaaga
maskaxeed.
Ka fogow dareenadaa si aad uga waynaaato, go’aana uga qaadato wax walboo gadaal kuu
celinaya, ma aha wax fufud waxay kaaga baahantahay dadaal iyo marwalba inaad la socoto
dareenadada nafsiga ah una fikirto dhinaca fiican (positive) ka. Ogow qofka kaliya ee farxadaad
iyo noloshaada masuul ka ka ahi inaad adiga tahay, farxadu waxay ku dhexjirtaa naftaada, adiga
ayaa abuuranaya qaabka aad u noolaanaysid.
Dooro qof ka aad la saaxiibaysid, cida aad (role model) ka dhigaynso, waxaa aad hiigsanayso,
tani waxay kuu suurto galinaysaa inaad noloshaada u madax banaanaato, hadafka iyo goal ka aad
leedanahayna aad u gaadho, adigu naftaada la tartan, la xisaabtan waydii maxaa kuu qabsoomay,
maxaana kuu hadhsan, yoolkaaga ama goal kaaga inaad garaad kaaga koriso haku dhererin dadka
kale, cabirna ha ka dhigan ee isku day inaad adigu ka korodho caqli ahaan iyo cilmi ahaanba.
Halkaad manta joogto isku day inaad ka korto oo halkaad manta joogto bari aanad joogin,
hadaad dadka kale cabir ka dhigato waxba uma kordhinaysid ee adigu naftaada latartan oo
waagii baryaba wax cusub korodhso.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 9


4.1 Qiimo Uyeel Noloshaada: -
Si’aad u meelayso noloshaada, aamin marka hore Eebihii ku abuuray, aamin naftaada,
deegaankaaga, jooji dhaliisha aad dhaliilayso, dalkaaga, naftaada iyo dadka kaleba. Iska illaali
inaad dhan kaliya wax ka eegto, noqo qof markasta dhinaca wanaagsan u fikira, iska illaali inaad
dhanka xun wax ka eegto, ku dadaal inaad ahaato qof faraxsan, markasata dhoolo cadeeya, sida
aad u fakirtid ayaad markasata natijadeeda heshaa. Qofka xuni markasta si xun ayuu u fakiraa,
qofka wanaagsana si wanaagsan ayuu u fakiraa. Hadba waxaad ku fikirtid iyo sidaad u fakirtid
ayaad tahay ama aad gaadhaysa.

Naftaada ka malayso fiicni iyo wanaag, sidoo kale dadka aad la jooto ka filo khyr, ogsoonow
waxaad dadka kale ka filato ayay kuu noqonayaan, dadku waxad ka dhigato ayay kaa
dhiganayaan, waxayna kuu jirsanayaan inta aad u jirsato, waxaanad ka helaysa waxaad gashato
ama aad ka dhigato, sidaad u qiimayso ayay kuu qiimaynayaan. Wanaaji dadka aad taqaano iyo
kuwa aanad aqooninba, noqo qof dadka caawiya, dulmigana ka fogaada, hadaanad umada wax
taraynin ka illaali dhibkaaga, qofna ha ugu turin waajibka ku saran, waayo adiga ayaa masuul
iska ah.
Hadaf yeelo hana cadaado hadafkaagu, ogow hadaanad dadaf lahayn ama hadafkaagu aanu kuu
cadayn inaad tahay fuliyaha ahdaaf kale isla markaana aad noqonayso xamaali bilaash ku
shaqeeya. Ku dadaal inaad adigu kaaga hirgaliso, iska illaali inad dadka liido (xaqirto), waayo
waxay tusaysaa inaad tahay qof liita ama hooseeya maskax ahaan. Ku farax horumarada aad
gaadhay, isku day inaad marmarka qaar uga sheekayso qofka aad ku kalsoontahay, waayo waxay
kaa caawinaysa inaad hore usii socoto laakiinse ha ku fogaanin, waayo waxay kugu sababi kartaa
inaad is cajabiso.
Iska illaali inaad dadka kale isku ekaysiiso, tani waxay abuuraysa ama tusaysaa kalsooni daro
aad naftaada ku qabto, ku kal soonow naftaad oo ku qanac waxa aad adigu tahay ama aad taqaan,
qofka aad tahay ayaad ku haboontahay sharafna ku leedahay. Waa hadii hawsha aad ku
fiicantahay joogtayso ama aad horumariso, ha cabsanin inaad isku daydo inaad wax abuurto.
Isku day inaad qaybtaada ka qaadato horumarka caalamka ka socda iyo kan deegaankaba, isku
day inaad noqoto qof wax tarleh (effective) ah, isku day inaad dhaqamada xun xun badasho, isku
day nolol cusub inaad tijaabiso, isku day inaad ka wanaagsanaato xaalada hada aad ku
sugantahay, isku day isbadal inaad ku dhaqanto, isku day dhanka fiican inaad u dhaqaaqdo, isku
day hadalka fiican inaad ficil muuqda u badasho.

Ugu danbayn waa inaan garanaa waajibka ina saran, ogaanaa, si aan u miisaano heerka aan
marayno ulana socono dhaqamada xun xun si wixii qaldama aan u saxno, had iyo jeer han ku
dadaalno ka shaqaynta horuamrinta nafta iyo tan umada, ha dhayalsan hana yaraysan waxkasta
oo aad horumar ku gaadhi kartid.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 10


5. Astaamaha Guusha:
Inaga oo ku salaynayna mawduuca buugeenan waxan marka hore sharixi doonaa micnaha guud e
erayga “guusha’ inagoo is waydiinayna waa maxay guushu?
Guushu waa himilo iyo hiigsi aad leedahay oo aad gaadho, mana aha mid ku timaada xaglo
laaban, sahal, fikir gaabni, hami yari iyo Samir yaraan toona.

Hadaba guushu waa shay cayiman oo la isla yaqaan, laakiin waxa lagu kala tagsan yahay heerka
guusha. Qof waxa guul u ah ayaa qof kalena bar bilawga guusha u ah, ufiirso labadan arday
isbarbar dhig, mid ahaan hamigiisa u sareeyaa ee waxbarasho waa inuu shahaadada darajada
koowaad jaamacada ka qalin jabiyo (ka qalinqorto), hadii uu gaadhana ay uga dhigantahay inuu
guul gaadhay, halka ardayga kale hankiisu gaadhsiisan yahay qaadashada darajada jaamacadeed
ee ugu saraysa kana aflaxo. Markaa qaadashada shahaadada koowaad waa irridda uu ka galayo
hamigiisa sare iyo meesha uu rabo.
Guusha waxaa sargooya hanka, hiigsiga iyo humaagyada mustaqbaleed ee uu qofku meel
dhigtay. Markaas waxay ka dhigantahay, nin waxa guul u ah ayaa mid kale u ah bilawga
hayaanka guuleed ee uu hiigsanayo. Sida caadada ah dadka aad fikir wadaagta tihiin waxay in
badan kaaga waramaan guul, hadaba wadada guusha ee qof gaadhsiisay inuu noolado isagoo
guulaystay, ayaa qof kale in ay u mari waydo suuro galtahay, waayo waxa jira kala duwanaansho
dadka dhexdooda ah.
Hamiyada uu qof ku fikirana waxa ugu wayn, inuu guulaysto if iyo aakhiroba, waligaa miyaad
aragtay cid leh waxaan rabaa inaan guul daraysto? Mase aragtay cid raadianaysa wada guul
darada si ay u guul daraystaan? Jawaabaha su’aalahaasi waa maya, taas iska dhaafe waxa dhacda
in dadka qaar baadi goobaan wadada ay mareen kuwii guul daraystay, si ay u ogaadaan ugana
leexdaan wadadaa, waxaynu odhan karnaa taasi waxay ka dhalatay baqasho ay ka baqanayaan
guuldarada.
Dadka badan koodu guul daro way la kulmaan, iyagoo u kala baxa laba, qaar marka ay
guulaysan waayaan is dhiiba, nolosha ka dhaca, han iyo hiigsi danbana yeelan, iyo qaar marka ay
guuldaraystaan wax ka barta oo ogaada khaladaadka ay ka sameeyeen si ay u saxaan. Waxayna
dardar galiyaan dadaalkooda u jihaysan in ay mar uun guulaystaan, dadaalkaasna waxay isku
dayaan iyagoo ku yididiiloonaya inay guuli u dhaw dahay.
Hadaba, wadada guushu waa ku kalsoonaanta naftaada, dadka aflaxay waxay ku kalsoonyihiin
naftooda iyo kartida ay leeyihiin, dhag ha u dhigin dadka dhaqanka u leh erayga “ma kartid”
iskugu gee dadaalkaaga hal meel ama hal mawduuc, waxa hubaal ah inaad guul ka gaaraysid.
Naftaada ha liidin, wanaajina aragtida aad ka haysato naftaada, waayo hadii aad isla xumaatid
waligaa meel ma gaaraysid, waxaad naftaad u sheegtaa inaad tahay nin rageed, karti iyo awood
leh wax walbana qaban kara. Ku fikir wax mar walba naftaada u roon, kana illaali naftaada
warwarka iyo walbahaarka. hadii aad ku talax tagto fikirka waxa laga yaabaa inaad fikiradaa ka
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 11


qaado kuwo lid ah, ha ku dhererin naftaada dadka kale, siiba kuwa fashilmay, dhag ha udhigin
kuwa raba inay fadhiid kaa dhigaan, raadi meelaha aad ku liidato ka dibna iska sax, sidoo kale
badh meelaha aad ku wanaagsantahay, dabadeedna xooji meelahaas, yabaalka iyo cabsida aad ka
cabsanayno tijaabada wax cusubi waa fashilaad kadinkeed, kaal maysiga Allaah (swt) iyo
kalsoonidiisu waa jidka koowaad ee horumarkaaga. Qofka aan qaldamin waligiis waa dadka aan
waligood waxba baran, qaabee naftaada si ay u guulaysato, ugana fogaato guul darada soo
gaadha, hinqashadu waxay dhaantaa in lagu dul maro adigoo wadhan dhulka, ha is waydiin siday
dadku kuu arkaan ee waxaad is waydiisaa seed adigu isku aragtaa naftaada. Laguma qiyaaso
liibaanta hanti ama waji, ee liibantu waa hanuunka Alleh (swt) oo lagu haleel siiyo. Dhibkaagu
maaha yaraanta waxa aad haysato ee waa dhiiri galin la’aan, hadii aad ku sugantahay mushkilad
ha dafirin dhibkaas, waayo hadad dafirto ma xalin kartid dhibkaas. Dadka oo aad yaraysataa
waxay ku keenaysaa in adiga lagu caaluqo. Is baro adigu si aad u gaartid yookaaga.

 Hadaba waxa haboon in aynu ogaano astaamahan ay leeyihiin dadka nolosha ka


guulaysan karaa:
 Isbeddel: dhamaan dadka raba inay nolosha ka guulaystaan, waxay isku qanciyaan inuu
isbedel waajib ku yahay, waxay hoos iyo korba dadka codkoodu uu gaadho ugu sheegaan, in
isbeddel loobaahanyahay, waxa mararka qaar dhacda in laguu arko qof qaldan, balse waa
wax nolosha ku caadiya, isbadal ka nololeed.

 Humaag iyo qanaaco: dadka nolosha ka sameeyey horumarku waxay ku qanacsanaayeen,


inay gaadhayaan meel ka fiican halkan ay joogaan. Dhamaan waxay madaxa ku haystaan
sawir ka turjumaya nolosha ay geediga ugu jiraan, waxay markaad la sheekaysato ama
akhrido buugta taariikh nololeedka arkaysaa, riyo kuula muuqata hawo balse isaga ula
muuqata xaqiiq, waana ta dhaxalsiisa ku adkaanta nolosha ay rabaan.

 Dadaal iyo karti: dhamaan dadka wax soo kordhiyay ee kugu xeerani, haday noqoto sheek
iyo shariifba, midkastaa wuxuu goostay wixii uu beertay, midkastaaba waxa uu ku
noolaanayaa habeenkiisii iyo maalintiisii wixii uu gashaday, taasaana rag iyo haweenba kala
geeyay circa iyo dhulka.
 Go’aan iyo xoog saarid: majiro qof meel gaadha oon dadka fikirkiisa ku qancin, dhamaan
dadkii nolosha macnaha ku sameeyay waxay ahaayeen kuwo ku adag waxay rabaan kuna
qanacsan fikirkooda nololeed.
 Samir iyo dulqaad: u fiirso dadka wax ah ama aad farta ku fiiqdo ee noloshaada ku xeeran,
meel fog ha ka eegin, ma jiro qof habeen ku gaadhay nolosha uu gaadhay, mana jiro qof
saacadaha tiriyay si uu u beddalo nolosha uu rabo, balse qof kastaa wuxuu huray wakhti
dheer isagoo muujiyay Samir iyo dulqaad xad dhaaf ah.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 12


6. Muuqaalka Maskaxeed Ee Mustaqbaka Fogi Waxa uu kugu
Hogaamiyaa Wadada Guusha.
Hawl kasta iyo waxkasta oo aad qabanaysaa waxa ay ka aasaas maan maskaxda iyo garaadka,
hawsha iyo shaqo wanaagu waxa ay ku xidhan tahay hadba sawirka maskaxdeenu ina siiso ama
nooca aragtida ee aan ka haysano mustaqbalkeena ama ka dhex guuxaya maskaxdeena.
Fikirkaagu waa bar bilawda guushaada, maxaa yeelay waxa maskaxdeena ku jira habka aad u
marayso hamigaaga iyo himiladaada waxaanad ka fikiraysa wada aad u mari lahayd guusha si
aad u gaadho hamigaaga. Waxa xaqiiqo ah in aad tahay qofka aad tahay, cabirkaaga guud ee
guushaada waxa miisaan iyo kafad u ah halka aad taagan tahay, hadii aad rabtid inaad samaysid
isbedelka ku wajahan horumarka nolosha waa inaad bedeshid waxa maskadaada ku jira.

Maxaa yeelay waxa ugu badan ee isbedelka nolosha keena ee kugu hogaaminaya guul waxaa
xudun u ah maskaxda, hadii aanad fikirin waxba ma bedeli kartid waxa maskadaada ku jiraana
waxaa uu bedeli karaa guud ahaan qaab nololeed kaaga. Markasta kobci oo kool kooli maskaxda
si aad u hesho isbedel iyo wax cusub oo faa’iido iyo dhaxal gal u noqda noloshaada, dadka badan
kooda waxa ku adag oo aanay marnaba la qabsan Karin isbadelka dhinaca nolosha ka soo
wajaha, waxay faa’iido balaadhan u arkaan in ay ku jiraan xaaladoodii hore oo aanay samaynin
sibedel, waayo waxa uu u baahan yahay isbedel ku fikir, hawl, dadaal, u adkaysi, iyo dulqaad ku
wajahan, xaalada cusub ee aad bilaabayso. Soomaalida ayaa ku maahmaahda ‘noloshu waa
siyaasad kaan garan habaynteeda ma islaaxiyo wanaageeda.
Qofka caqliga la saaxiibka ahi waxa uu dabka u shitaa si uu u dugsado, qofka maan gaabka ahina
waxa uu u shitaa si ugu gubto, nimcooyinka illahay inagu manaystay ee aynaan ka warqabin
faa’iidadooda ayaa waxa ka mid ah ‘maskaxda’ waxay dadka badan koodu garab marsan yihiin
waxqabadka maskaxda, taaso hadii aynu u kuur galno faa; iidooyinkeeda laga dheehan karo
guulo badan oo aynu ka gaadhno nolosha aduunyo iyo tan aakhiroba.

Sida la cadeeyay maskaxdeena waxa ku duugan nimcooyin badan oo loo baahanyahay in aynu
isticmaalno oo aynu ka shaqaysiino. Tusaale ahaan nolosha miyiga ayaa ku dhaqan marka uu soo
dhawyahay gu’ugu in loo diyaar garoobo oo gaawaha loo cugo (cusho), sidii looga bixi lahaa
dhibaatadii soo wajahday xiligii jiilaalka, sida xiligaasi ku cad waxa laga dhaxlaa diif badan,
caano la’aan, abaar waxana gaawaha loo cushaa xiliga guga oo laga raysta jiilaalka,
maskaxdaadu waa fure ka mida ah guulaha noloshaada.
Dad yar ayaa diirada saara mustaqbalka maxaa yeelay nolosheena Ayaan ku kharash
garaynaynaa halkaasi (mustaqbalka fog). Xusuusnow hadii aanu wakhtigii hore aanu ahayn mid
mug wayn kuu leh noloshana inta badan aad ku guul daraysatay isticmaalka maskadaada maaha
inaad iska raarido mustaqbalkaaga danbe uu madaw ku jiro, illaahay talo saaro waxaanad
aamintaa awoodaha qarsoon ee aad leedahay si aad mustaqbalkaaga fog guul uga gaadho.

 Ku sifow arimahan si aad guul uga gaadho arrimaha aad ku foogan tahay ee
dhinaca isbedelka noloshaada.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 13


 Yeelo fikir durugsan: hadii aad yeelato fikir fog oo durugsan waxa aad had iyo jeer ku
fikiraysaa sidii aad u gaadhi lahayd hamigaaga iyo fikirkaaga, waxaanad wakhtigaaga inta
ugu badan ku bixisaa wax yaabaha aad ku guulaysanaysid.

 Noqo waaqici: markasta waxa aad ku dadaashaa inaad noqoto qof xaqiiqada wajaha, oo aan
iska indho tirin waaqica, runtu waa lama huraan, runbaa reer lagu dhaqaa, runbaa rays lagu
degaa.
 Markasta dhinaca wanaagsan wax ka eeg: waxa aad ku dadaashaa inaad noqoto qof
dhinaca wanaagsan wax ka eega, oo aanad noqonin qof balaayo sheega ah, isticmaal
erayadan (insha Allah, waan qaban karaa, waa ay hagaagaysa, waa ay fiicantahay).
 Ha rajo dhigin: rajadu waa dhiiri galinta hawlaha aad ku foogan tahay, rajadu waa awooda
naftaada carcar galisa, rajadu waa awaada sahasha in qofku sameeyo diyaar garaw dhinaca
noloshiisa.

 Ha ku mashquulin caqabadaha nolosha ee ku soo wajaha: indhahaagu yay arkin


caqabadaha kusoo wajaha balse waa in ay indhahaagu arkaan meesha aad u socoto, go’aan
kaagu ha noqdo meesha aad u socoto.
 Guul daradu kuma xidhna wakhti ku soo maray: guul daradu maaha kaliya inaad guul
daraysato wakhti tagay balse waxa ay ku xidhantahay guul daradaadu hadba sida aad u
dayacdo wakhtigaaga, maskaxdaada iyo dhamaan awoodaha dayacan ee aad haysato balse
aad moogan tahay.
 Wax qabadkaaga koob: hadii aad istidhaa mar wada samee isbedelka nolosha waxa laga
yabaa inaad guul daraysato fadlan isku dey inaad taako taako aad isbedelka noloshaada u
samayso.
Salaanka noloshaadu marnaba ma noqdo mid toosan oo siman wakhtiyada qaar waxa laga
yaabaa inaad tirsato dhibaato, waligaa ha niyad jabin caqabadaha noloshaada u qaado cashar
ahaan, wax ka baro, waxa laga yaabaa inaad maalin maalmaha kamid ah ku guulaysato.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 14


7. Maaraynta Warwarka/Walalka (tension): -
Waxkasta oo soo foodsaara noloshaada sababana kacsanaan, fikir badan, murugo, khalkhal iyo
degenaansho la’aan nafeed, xaga jirka iyo maskaxda ah, ayaa la yidhaa walbahaar, warwar iyo
walaac. Hadii aad arday tahayna waa waxa loo yaqaan (tension) ka. Hadaba, hadii aad
walbahaarsan tahay waxad ogaataa inaadan kali ku ahayn ee dad yowga dunida ku nool waxa la
cadeeyey in ay 70% uu yahay, waana wax nolosha caadi ku ah, waxa dhacda in heerka walaaca
ku soo wajaha lagu kala duwan yahay, oo ay dhacdo in aad maarayn kari waydo.

 Waxyabaha keena walbahaarka:


Waxa keena inta badan nafta oo aan awood u yeelan in ay samayso waxay doonaysay, ama ay
qaban karaysay, oo aad dayacdo, markaa waxa la yidhaa dhiiga ayaa sare u kaca, waxaana
saamayn ku dhacaysa qalbiga, xaalada noocaasa waxaad doonaysa inaad degdeg uga dhaqaaqdo
arin aanad ka fiirsan. Hadii aad arday tahay wax yaabaha ugu badan ee keena welbahaarka waxa
ka mida in aad imtixaan aad akhriday hoosayso, ku kugu soo socda oo aad ka walaacdo, laakiin
labadaasiba qofka waxba uma taraan wax tagay ka werwerkiisa iyo wax soosocda ka walaaciisa,
tan joogta isku day inaad maarayso laakiin ta soosoco Alle (swt) isku xidh, oo Alleh talo saaro.

 Ogaanshaha waxyaabaha sababa walbahaarka:


Ogaanshaha iyo barashada walbahaarka ka hor waxa iyana muhiim ah inaad adigu is taqaan,
qofka aad tahay, dabcigaaga, akhlaaqdaada, iyo xusuustaada, waayo waxay kaa caawinaysa
inaad ogaato murugada inta ay leeg tahay iyo sidii aad ula falgali lahayd. Maaraynta
walbahaarku waa maamulida naftaada, dareenkaga, aragtidada iyo inaad xukunto kana awood
roon tahay la dhaqanka mushkiladaha kusoo food saara, baro sidaad ula tacaalayso arimaha
adage ku soo food saara nolol maalmeed kaaga adoo Eebe (swt) kaashana. Yoolka kowaad ee
hiigsimaad ka leh waa nolol ka dheelitiran xag walba sida, xiriirka qoyska, asxaabta shaqada,
ama wakhtiyada kuu gaarka ah ee aad ku hawlan tahay arimahaaga iyo waxbarashadaada.
 Samee talaabooyinkan:
a) U samee wax kasta raali-galinta Alleh(swt), kuna salee noloshaada sunada Nabi
Maxamed (NNKH), si aad uga fogaato warwarka iyo walaaca.
b) Samayso jadwal nolol maalmeed, ujeedada aad ka leedahay noloshaada iyo halka aad
hiigsanayso.

c) Hayareysan awooda maskaxeed ee aad leedahay, tirtir codkasta oo kuleh waxba ma


qaban kartid, ku fikir dhinaca wanaagsan, isticmaal odhaahdan wax walba waad qaban
karta.
d) Ka dhigo saaxiibkaaga koowaad qoraal akhriska, daraasaynta culuumta kala gadisan,
hadii aad tahay arday hankaaga kaliya ha ku koobin warqada (hand out) ka.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 15


8. Qaabkee Ayaan Uga Guulaysan Karnaa Imtixaanaadka: -
Waxaa layidhaa imtixaan waa imtixaan xataa hadiiba lagu waydiiyo magacaaga. Kaliya imtixaan
ku waxa uu muujiyaa inaad dadaal samaysay, oo aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid,
xafidid, ku celcelin iyo dib u eegid badan. Odhaahda dhiirigalinta ah ee soomalida waxa ka mida,
‘Ninba wuxuu dhaquu dheeftiisa maalaa’, waxa kaloo jirta ninba intuu cunuu caydamiyaa,
kuwaaso dhaman tilmaamaya waxaad tabcatay inaad leedahay. Hadaba maskaxduna waxay
dhiiqdaa hadba inta hawl lagaliyo, laga shaqaysiiyo, la xafidsiiyo, waxa layidhaa weel kasta
waxa kasoo burqada waxa gudihiisa ku jira.

 Maxay tahay u jeedada imtixaanku?


Aqoonta kaliya looma barto si aad imtixaan ugu dhaafi lahayd, sidoo kale imtixaan la’aantiina
aqoontu ma xasisho. Culimada fahamka islaamka waxay yidhaahdaan ‘hadanay jirin waayo’
damiirkuba waxa uu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan. Hadii aan
imtixaan jirina lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuska ma galeen. Mar waa maskax-
carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo, hayse yeeshee, imtixaan ku ma u jeedada wax loo
bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaan kaga gudub, bal dib u eeg maado kastoo aad u baratay
imtixaanka kaga gudub, marka aad imtixaan ka sidaa uga soo baxdo hal saac ka dib hadii
imtixaan labaad lagaaga qaado waxaa xaqiiqo ah inaad ugaran waydo sidii markii hore, iskaba
daa hadii maalmo, todobaadyo iyo bilo kasoo wareegaane, mar hadiiba ay niyadaada ku jirtay
imtixaanka uun kaga gudub.
Waayo waxa aad akhrinayso maskaxdu waxa ay dhigaysa keyd keeda ku meel gaadhka ah,
umana gudbiso keyd ka waarista ee mudada dheer. Hadiise ay kaa tahay aqoon kasbasho iyo
naftaada, qoyskaaga, iyo umadaada inaad ku anfacdo waxa aad u gudbinaysa qaybta maskaxda
ee kayd ka waara, Taasna noqota tan kugu hadhaysa ee hadhaw loo aayo. Inta aanad imtixanka
galin waxa kuu taala hawl adag, nin la sugayow adna yaad sugi, hadaba goor maad bilaabaysa
diyaar garawgaa? Ma wiig ka hor? Mise bil ka hor? Eeg qodobadan yar wax laga yaaba inay kaa
caawiyan diyaar garawgaaga.
A) Diyaar garawgaagu ha ka bilaabmo maalinta aad casharka qaadataba, ha sugin maalinta
imtixaanku fooda ku sooro sida ardayda badan koodu yeelan.
B) Diirada saar qaybaha ugu muhiimsan ee darsiga aad imtixaanka ku galayso, ha is
dawakhin hana qaybin buuga dhan, ee akhri daris kastaaba wuxuu leeyahay nuxur kaana
awooda saar, qaado fikrada guud, adigu ku darso wixii dheerada imtixaanka dhexdiisa.

C) Marka aad akhrinayso deriska saadaali su’aalaha suuro galka ah ee ka iman kara
casharkaa.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 16


D) Habeenka imtixaanka ka horeeya ha soo jeedin, seexo hurdo kugu filan. Ardayda qaar ba
wax akhriya iyagoo luloonaya, taasina waa bar kuma taal.

E) Goobta imtixaan ka kaalay wakhti ka hor, si aad ula sii qabsato sidee ayaad imtixaanka
uga guulaysan kartaa.
F) Ha nixin, hana warwarin, waxa lagu waydiinayaa waa wixii aad soo dhigatay ee aad soo
diyaarisay uun.

G) Aamin naftaada, kalsoonina ku qab inaad garanayso waxa lagu waydiin doono.
H) Iska fogee buugta, waraaqaha iyo waxkasta oo keeni kara inuu buuq ku galiyo oo lagaaga
shikiyo qish, waayo waxyaabahasi waxay kaa luminayaan kalsoonidadii.

I) Marka warqada laguu dhiibo, bisinka Alleh (swt) ku bilaw intaanada wax kale qaban,
magacaagana ku qor.
J) Akhri tilmaaha dhamaan qaybaha imtixaanku ka kooban yahay, si aad u ogaato inta laga
shaqaynayo, inta laga tagi karo, kuwa khasabka ah in laga shaqeeyo. Tilmaamaha oo aad
raacdaa waxay suuro galisa inaad ka guulaysato imtixaankaa.
K) Marka horeba ka shaqeeya su’aalaha aad hubto jawaabtooda 100%, marka labaad ee aad
ku soo noqoto ka fikir kuwa aad wax ka garato, markaad kuwa dhamayso u kaalay kuwii
kugu adkaada.

L) Waligaa meel madhan ha ka tagin, erayada iyo weedhaha meesha ku yaal inta aad
dhuuxdo, hadii aanad xasuusanayn jawaab sax ah, isku day inaad qiyaas xikmadaysan
samayso waxaaba la arkaa inaad ku guulaysato ee.
M) Ha degdegin, hubi inaad dhamaysay, inaad saxday, inaad jawaabaha wada dhamaysay.

N) Marka aad hubiso inaad waxwalba dhamaysay Illahay la kaasho, ha walwalin si aanad
kuwii aad saxday iskaga qaldin.
O) Ha ka warwarin ardayda kaa hor dhamaysa, waayo iskuma xidhnidin ee adigu
wakhtigaaga illaasho si aanu kaaga dhicin.
P) Mar labaad hubi inaad magacaaga iyo wixii kale loobahan yahay u qorto.
Ardayga wanaagsani waxbarashada hadaf buu ka leeyahay, ee kama aha qayrkaaba wuu bartee
adana samee. Marka ha noqon imtixaan u noole, waayo imtixaan u noolayaashu way
dhayalsadaan waxbarashada, way iska baashalaan, marka danbena warwar bay la dersan
‘ardaygaan dadaalin marbuu dabinta ruugaa’, markaa noloshaada iyo wakhtigaaba qorshee si ay
suuro gal kuugu noqoto inaad diyaar garawdo intaan imtixaanku kuu iman ka hor. Maal maha
imtixaanka waa inaad xooga saartaa kaliya meelaha ugu muhiimsan, waa inaad imtixaanka
adigoo odorosaya su’aalaha ku iman kara jawaabtooda raadisa.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 17


9. Maaraynta Wakhtiga: -
Bini’aadanow waxaad tahay maalmo, markasta oo maalin tagto, waxa tagtay badh ka mid ah
noloshaadii, ‘Xasan Albasri; ‘wakhtigu waa nimco ka mid ah nimcooyinka ugu qaalisan ee
illahay (swt) inagu deeqay si aynu uga faa’iidaysano, waana mid ka mid ah waxyaabaha illahay
ina xisaabin doono maalinta qiyaame. Wakhtigu waa cimriga qofka, waana hantida kaliya ee aan
la kaydin Karin, saacad kasta oo ku dhaafta waxaad u dhawaatay qabrigaagii, ma ogid intaad
noolaanayso si aad u noolaato, waad u baahantahay inaad ka faa’iidaysato intaad neefsanayso.

Ma joojin kartid sido kale waxba kuma dari kartid wakhtigaaga laakiin waxaad awood u
leedahay inaad ka faaiidaysato, wakhtigaaga oo aad qorshaysaa waa noloshaadii oo aad
qorshaysay, nolol qiimo leh oo qaab qurxoon leh hadii aad rabtona waxa kaa xigta inta
wakhtigaaga aad qorshayso.

 Maxaa wakhtiga loo qorsheeyaa; -


Qofkastaaba waxa uu jecelyahay, inuu nolosha meel sare ka gaadho, oo uu noqdo mid wax tarleh
oo lagu hirto. Hadii aanad hawlahaaga iyo wakhtigay kugu qaadanayso qabashadoodu kuu
qorshaysnayn, noloshaadu qiimo yeelan mayso, oo way dhadhan beelaysa, noloshu dhamanteed
way qorshaysan tahay, oo aduunyadu idil ahaan teedba illaahayba (swt) qorsheeyay. Bal u fiirso
ilbidhiqsigu waxa uu sameeya mirir, mirir kuna saacad, saacaduna maalin, maalintuna todobaad,
todobaad kuna bil, bishii sanad…way sii socanaysa. Hadaba hadii aad dayacday ilbidhiqsi
noloshaada ka mida waxa dayacday qayb ka mida noloshaadii. Wakhtiga waxa loo qorsheeyaa in
laga faa’iidaysto oo wax badan lagu qabsado, laguna noqdo qof wax soo saar leh, oo la tartami
kara filkii, ogow aduun yada waxaad u joogtaa tartan, oo waxaad u tartamaysa inaad ku
guulaysato aakhiro iyo aduunba, si aad ugu guulaysato waxaad u baahan tahay inaad
wakhtigaaga qorshaysato.

Waxyaabaha wakhtiga lumiya waxa ka mida, hurdada badan, qorshayn la’aanta hawlahaaga, wax
yaalaha lagu madadaalado sida TV yada, social medea (facebook, whatsapp, instigram, Twitter),
games ka iyo IWM.

Qaabka loo qorsheeyo wakhtiga waxa ka mida: -


1. Faham: inaad fahamto dhibaatada kaa haysata qorshayn la’aanta wakhtiga, waa
talaabada ugu horaysa ee kuu sahlaysa inaad wakhtigaaga qorshayso.
2. Qaado go’aan: hawl kasta marka la bilaabayo waxay u baahantahay inaad ka gaadho
go’aan cad, Marka aad ogaato dhibaatada ay leedahay wakhtiga oo kaa lumaa, waxay kuu
sahli kartaa inaad ka gaadhi karto go’aan.
3. Tax qorshayaashaada: soo qaado buug iyo qalin oo fadhiiso meel bilaa buuq ah, qor oo
tax dhamaan qorshayaashada, ugu danbayn dooro saddexda hawlood ee aad rabto inaad
qabato kana gun gaadh.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 18


4. Jadwal maalmeed samayso: jadwal maalmeedku waa talaabada ugu mug wayn ee aad
ku guulaysan karto, taaso kuu horseedi karta qorshe nololeed oo cad, marka aad
qorshaysato maalintaada waxa hubaal ah inuu todobaad kaaguna qorshaysnaanayo,
todobaad kaagu haduu qorshaysmana waxa qorshaysnaanayo dhamaan wakhtigii kale ee
noloshaada.

5. Iska illaali qabashada hawlo badan mar kaliya: inaad hawlo badan qabataa waxay ku
dhaxalsiinaysa in wakhti badan kaa lumo, wax soosaar kaaguna hoos udhaco, hawl kasta
wakhtigeeda sii oo ha ugudbin tukale illaa aad ka dhamayso.

6. Is xisaabi: inaad habeenkii marka aad sii seexanayso is xisaabisaa waxay ku dhaxal
siinaysaa inaad ogaato natiijadii hawl galkaaga, waxa kale oo aad ka helaysaa dhiirigalin,
sidoo kale waxaad ogaanaysaa xadiga uu is bedelkaagu le’egyahay.
7. Habeenkii jadwal maalmeed kaaga sii samayso: bar bilawga maalintu waa salaada
subax, si uu kuugu fududaado hawl maalmeedkaagu, dejiso jadwal kaaga habeen kii inta
aanad seexan ka hor, taasi waxay kuu sahlaysa in subaxa marka aad kacdo hawlahaagii
uqabato sida ugu haboon.
8. Aamin: hadii aanad aaminin inaad qorshayaashada ku guulaysanayso, col hortii ayaad
jabtay, aaminaadu waa awooda ku dhaxalsiinaysa inaad hesho firfircoonida aad ku
hawlgalayso.

9. Ka dheeraw caajiska: caajisku waa awood dilaha qof kasta oo uu haleelo, hadii aad qof
caajisa noqotana hawl ma fulin kartid.
10. Talo saaro Illahay (swt): dhamaan hawlahaaga aduunyo waxa kuu sahli kara Allah,
hawl kasta oo aad ku kacaysana hadii aanad Alleh talo saran noqon mayso hawl midho
dhal fiican leh.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 19


10. Qaabkee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta:
Waxan marka hore is waydiinaynaa su’aalahan, ma tahay arday? Hadii aad tahay arday ma
rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? Hadii aad “haa” ku jawaabto labada
su’aaloodba, su’aal kale: sidee baad u noqon kartaa arday wanaagsan oo aflaxa?
Hadaba akhriste inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka
hore hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo hiigsigana waxa lagu gaadhaa dadaal ka iyo tamarta
aad naftaada galiso hadba inta uu le’eg yahay. Waxa geela loogu maahmaaha “ninba tacabkii
togaay kaa maal” taaso ka dhigan hadba inta geela la foofiyo ayaa laga maala, sidoo kale
dadaalaa xaaji cabaas ayuu gaadhaa, wuuna dhaafaa, xaqiiqadu waxay tahay inaanad noqonayn
arday wanaagsan oo guulaysta hadii aanad naftaada hawlin, in badan wax akhriyin, in badan soo
jeedin, oon marar badan qoraal iyo akhris ku foorarin, iyadoo saaxiibadaa iska dheelayaan
naftaaduna u baahan tahay wehelkooda aanad ka saacidin. Abwaan cabdilaahi suldaan (tima-
cade) na waa kii laha’ “wadaadoow hawl yaraan laguma helo waxan cidi ku hawshoone, naftaa
loo hantaaqaa waxay hiigso leedahay”.

A) Qorshee waxa aad qabanayso isla markaana kala hormee jadwalkaaga waxbarasho.
Ardaygu waa inuu bartaa qorshaynta, iyo kala mudnaanta hawlaha uu odorosayo. Qorshayntu
waxay ka bilaabantaa inaad is waydiiso “waa maxay hadafkaagu?”, tusaale ahaan waxad tahay
arday imika jaamacada bilaabaya, maxaa hadaf kuu noqon kara? Waxan odhan karnaa ‘sanadkan
waa inaan inta maado midna ka hoosayn 90%, hurdo badan, ciyaar iyo dheel dheelna kala tagte,
mar hadii hadafkaagu noqdo inaad figtaa gaadho. Waxaad markaa u baahan tahay inaad ka
fikirto kaliya hawlaha aad qabanayso, si aad u gaadho darajadaa aad rabto.
Hawlaha lagaaga baahan yahay waxa ka mida wax akhris, qoraal, hawl wadareed aad ardayda
kale la wadaagto, baadhis ilaha kale ee aqooneed, IWM. Marka hawlaha aad qabanaysaa kuu
cadaadaan waxaad u baahan tahay inaad kala hormayso, mudnaanta siiso kuwa wax badan ku
soo kordhinaya hadafkaaga. Marka aad doorato hawlaha aad is leedahay waad ku liibaanaysaa, is
waydii waxaad u baahan tahay e khyraada, sida buugta, internetka, lacag, qalab, saaxiibada aad
isku galaaska tihiin, macalinkaaga, iyo cid kasta oo wax ku tari karta. “qorshaha wanaagsan
ayuunbay nolosha wanaagsi ka bilaabantaa”.

B) Akhris, faham iyo dadaal dheeraada ku bixi duruustaada:


Xaqiiqadu waxay tahay in aqoontu ka dhalato, ku kobocdo, ku korto, kuna adkaato akhriska, wax
ku ool ka ah ee fahamku weheliyo. Markaad tahay arday dadaalaya, mustaqbalkiisana dan ka leh,
waxa kugu waajiba inaad wakhti badan u hurto inaad akhrido duruusta laguu soo dhigay, ka
shaqayso laylisyada, baadho culuumta la xidhiidha aqoontaada, iyo aqoonta guudba.

o Sidee baa hadaba ugu haboon ee wax loo akhriyaa?

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 20


Jawaabtu ma fududa laakiin han tusaale yaal ku siiyo hanaan aad loogu bogay oo ka mid ah
hababka wax loo akhriyo. Waa hanaanka afka qalaad lagu yidhaa “SQ3R” = where
S=survey, Q=question, R=reading, R=recite/writing, R=review. Hanaan kan hadii aad
raacdo waxaad arkaysaa in waxaad akhrinaysaa aanay kuwada dhaafayn, ee aad wax kala
hadhayso. Eeg talaabooyinkan hoose:

 Eegmo kor-xadis ah (survey): si kor xaadis ah baad u indha-indhaynaysaa


ciwaanada, qoraalada, jaantuusyada, maababka, hordhaca, gabagabada iyo hadii uu
cutubku leeyahay soo koobid.

 Su’aal (question); ciwaan ka iyo ciwaan hooseedyadaba waxad u rogaysaa su’aalo.


Sidoo kale akhri su’aalaha cutubka, deedna naftaada waydii su’aalahan: muxuu
macalinku cutubkan iga waydiin karaa? Maxaan hore uga aqaanay cutubkan? Iwm.
 Akhri (Reading): haduun baad bilaabaysaa akhris kii dhabta ahaa, inta aad
akhrinayso, aad u dhugo inaad su’aalahaagii jawaab u heshay, dib u akhri macnaha
iyo qoraalada ku hoos yaal sawirada, jaantusyada, iwm. Waxaad il-gaara ku eegtaa
meelaha xariiqda la hoos dhigay, farta la yar seexiyay (italic), amaba la muujiyay
(bold), meelaha aan kuu cadayn, ama mad madaw kaa galena xawaaraha akhriskaaga
hoos u dhig, kuna noqo hadii aad mar kaliya aad ku fahmi waydo.
 Dib u dhihid/ ismaqashiin codka akhriskaaga (recite): su’aalo hadal ahaana iska
waydii wixii aad imika akhriday, ama soo koob adigoo isticmaalaya erayo adigu aad
leedahay. Calaamadi meelaha muhiimka, afkaarta aad la dhacdayna isku day inaad
erayadaada dib ugu cabirto, inaad dib u odhan karto xasuusan karto wixii aad
akhriday, waxa kaa saacida inaad is ticmaasho dareemadan, sida: araga, dhihida,
maqalka codkaag oo aad sare isku maqashiiso, iwm.
 Dib u eegis/ naqtiin (review): wixii aad akhriday ee aad dib u dhihida ku samaysay,
baad hadana su’aalo iska waydiinaysaa si aad xoog ugu sii fahamto. Caadiyan
talaabadan ugu danbaysaa waa mid joogto ah, oo laga rabo inaad samayso marar
badan, si aad u meelayso, una fahamto wixii aad akhriday, qortay. Waan akhriyay
cutubkaa halna ka garan mayo maaha laba is qabata, hadii uu hanaan kani kaa caawin
waayo akhris waxaad baadhaa hanaanada kale ee wax loo akhriyo ee la tijaabiyay.
Waxaanad u baahan tahay Samir iyo ku celcelin ee maaha wax maalin qudha la
qabto.

C) Fasalka (class) ka u xaadir si joogto ah: soo xaadirda joogtada ahi waxay ardayga
siisaa fursada ah inaan waxba seegin wixii duruus la qaato xiligaa. Macalin ka wanagsan
iyo kana an wanaagsnaynba wuu ka faa’iidaystaa, kaliya waxa kugu filan figrad galaaska
dhexdiisa macalin ka sheegay, oon buuga ku qornayn, hadii ay imixaan ku timaado, waxa
la arkaa in kuwii joogay ay u fududaato, halka adi ay kugu adkaanayso, sideedba way

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 21


fiican tahay inaad galaska xaadirtaa, waayo waxad gudanaysaa waajibkaagii ardaynimo,
si xilkasnimo iyo masuuliyadleh.

D) Ka shaqee laylisyada, shaqo-gurida, iyo wixii kale laguu diro isla markaana gudbi
wakhtigii laguu qabtay:
Waxbarashadu maaha inta macalinku jeediyo uun, qaybta ugu muhiimsani waa inta aad adigu
qabato. Taasna waxa kow ka ah inaad si macno leh uga shaqayso laylisyada, iyo hawl aqooneed
ka laguu soo diro, ku dadaal markasta inaad hore uga shaqayso.

E) Adaabta, asluubta iyo nidaamka fiican ku dhaqan:


Aqoon bilaa adaab iyo asluub ahi waxay kaa dhigaysa dameer malab la saaray oo kale. Aqoontu
waa inay kuu kordhisaa akhlaaq, haybad, sharaf iyo hanaan nololeed oo wacan. Waa inaad ka
dheeraataa liidnimada, xumaanta, xasadka iyo dhegxumada si aad u noqoto qof la hiigsado oo
dadku jeclaystaan in u bad koodu adiga oo kale noqdaan, oo lagugu magac daro.
Aqoon iyo akhlaaq wanaagsan oo si weheshaday waxay kaa dhigaan qof dhamays ah. Soomalidu
waxay tiraahdaa “cilmigu qofna wuxuu ka dhigaa nin, qofna ninamyaw” taas oo micnaheedu
tahay hadiiba aanad ahayn nin raganimadiisu aad u xoogan tahay waxay ku soo gaadhsiisa raga,
hadii aad markii horeba nin ahaydna waxay kaa dhigtaa nimanyow.

F) Wakhtigaaga maamul:
Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee Illahay (swt) aadmiga ku manaystay. Nin sheekhaba
yidhi’ wakhtigu waa nolosha” noloshuna waa daqiiqado, saacado, maalmo la isku geeyay oo
noqday bilo, sanado iyo qarniyo. Cimriga aadamuhu wuu xadidan yahay ee in ta yare ee aad
nooshahay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal galiso, kuna isticmaasho wax ku anfacaya
aduun iyo aakhiroba.

G) Mar walba dib u eegis ku samee, qiimee, isla markaana hore-umari hanaanka aad u
maamusho wakhtigaaga:
Mar walba dib u qiimee sida aad u maamusho wakhtiga, habab ka aan shaqaynayn badal, kuwa
aad ku raysayna xooji, kuwo cusub oo wax tarlehna soo kordhi. Ugu danbayn ardayga wanagsani
waa kan qorshaysta noloshiisa, hadafna ka yeesha duruusta iyo hawsha uu qabanayo.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 22


11. Tilmaamo Kale Oo Wax loo Akhriyo.
Waxaan markasta awooda saaraynaa ciwaanada buugeenan awooda akhriska, waayo waa inaad
aamintaa inaan laka aqli badnayn, laka waynayn ee lakala akhris badan yahay, qof walibana
waxa uu leeyahay inta uu akhriyo, eraygaad baratee akhridaa anfacaaya naftaadee ogow. Ma
tahay qof wax dhigashada jecel? Ma tahay qof jecel inuu darajo wanaagsan ama marks
wanaagsan imtixaan ka ku guulaysto? Sideed wax u akhridaa? Wakhti bay qaadan kartaa inaad
badashid dabeecadahaaga wax akhris laakiin markii aad isku daydid waxay noqon doontaa shay
dabiici ah insha Allah.
A) Casharkaaga ka dhig mid xiiso badan: inaad tiraahdid hadaan darajo sare keeno shaqo
wanaagsan baan ku helaya ku xiiso galin mayso. Waa inaad jeclaataa waxaad qabanaysid,
isku day inaad cashar kasta ku xidhid ama xidhiidh aad u yeeshid noloshaada, ha ku xiiso
galiyo qaabkaaga wax akhris.
B) Wakhtigaaga si wanaagsan u maamul: yeelo oo samayso jadwal aad wax ku akhridid
sidaan horeba u soo tilmaanay raac wadiiqada loo samaysto jadwal wax akhris.

C) Wax u akhriso waslad waslad 30 ilaa 50 daqiiqo: maskaxdaadu wakhti ayay qaadataa
si ay u xasuusato ama u keediso macluumaad cusub mudo dheer. Markaa qaado mudo 5
ilaa 10 daqiiqo ah oo nasasho ah, laakiin akhriskaagu yaanu ka yaraan ugu yaraan afar
saacadood, waxa layidhaa hadii aanad 4 hours wax akhriyin waxba maad akhriyin.

D) Dooro meel akhriska ku haboon; meeshad wax ku akhrisanaysa waa inay noqotaa meel
aad si fudud oo raaxo leh wax ugu akhrisan kartid, laakiin yaanay noqon meel raaxo
badan oo aad ku seexan kartid. Kaliya waxa la rabaa in ay meeshu noqoto meel buuq yar
oo degan, oo aan lahayn wax kaa jeediya wax akhriskaaga.
E) Maskaxdaada saafi ka dhig: haduu jiro wax maskaxdaada mashquulinayaa, sida hawl
kale oo ku sugaysa ama dhibaato kale ku haysataa jirto, ku dadaal si aad wax yaabaha
maskaxdaada uga saartid. Soo qaado warqad iyo qalin kadibna ku qor waxyaabaha
maskaxdaada mashquuliya, intaasi waxay kaa caawin kartaa inaad maskaxdaada saafi
garaysid.
F) Sii diyaarso cunto fudud ka hor intaadan bilaabin wax akhriska: ha sugin ilaa inta
aad ka gaajoonaysid inaad cunto raadisid, sii diyaarso cunto fudud, tusaale ahaan keeg
ama buskut. Si aanay hadhaw kaaga jiidhin wax akhriskaagii.
G) Casharkaaga dib u qor: markaad fasalka dhex joogtid ku dadaal inaad si fiican
macalinka u fahamtid ula socotid. Muhiim maaha qoraalkad macalinka ka qoraysid inaad
fasalka ku dhex nidaamisid, markuu casharku sidaa kuugu dhamaado ku dadaal inaad dib
ugu noqotid, waxaad samaysan kartaa note buug aad dib ugu habaysid.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 23


H) Marka horeba casharkaaga inta ugu muhiimsan baro; dadka badan koodu markay
casharka akhrinayaan waxay ka bilaabaan inta u horeysa waxayna ku joogiyaan casharka
dhamaad kiisa, qaab u akhriskaa waxa dhaama inaad ka bilaabtid inta casharka ugu
muhiimsan adoo raacaya nidaamkii ahaa SQRRR.

12. Baro Talaabooyinkan Muhiimka Ah.


 Aamusnaantu waa hubka lagula dagaalamo lagagana guulaysto jaahiliinta, si cilmiyaysan
ula dood kana aamus wixii laqwi ah.

 Sida biyaha u soco: biyhu marakay ku soo hagaagan meel taag ah ama tuur ah aayar
uunbay iskaga leexdaan. Sidaa awgeed hadii aad qof moran badan ku soo hagaagto hala
mormin ee aayar iskaga leexo.

 Inaad dhulka ku dhacdaa/kuftaa ceeb ma aha, laakiin waxa ceeb ah inaad ka kici waydo
boodhka ama halkii aad ku kuftay, ogow guul daradu waa jidka guusha, iyadaa cilmi laga
bartaa hadhaw lagu dhaafo takale.
 Hadii aad noqotid nin/gabadh caan ah oo dadku wada yaqaano, ogow waxa aad sidaa
magac, illaali sharaftiisa ahawna mid lagu daydo.

 Inaad hesho manfac ama maal waxaa ka wacan inaad hesho sharaf waayo maalku waa uu
dhamaadaa laakiin sharaftu ma dhamaato, ha ku doorsan maal wax sharaftaada wax
yeelaynaya. Islaanimadaada dilaya, dhaawacaya dadkaaga iyo dalkaaaga.

 Dhib walba oo ku haleelaa ogow inuu yahay dhacdo aad ku baratay dheesha aduunka
kuna sahlaysa in aad noqoto caalim ku takhasusay nolosha waxna ka yaqaana.
 Ogow fulayga marka ay dhibi ku timaado waxa uu helaa xalal kala duwan laakiin waxa
uu qataa hal mid kaasi oo ha inuu cararo oo kaliya, ku kalsoonow naftaada oo aamin
awoodaada adkaysina lahaw.

 Aqoontu waa iftiinka nolosha, lagamana waynaado, markasta wax baro waxna bar
naftaada, waayo waa furaha guusha noloshaada.
 Qof ka xooga wayni maaha kan dadka markiiba lagda, laakiin waa ka qabta naftiisa
marka ay cadhooto, is deji oo dulqaad u yeelo arimaha nolosha oo ha degdegin.

 Shinbir walba waxa ay soo kalahdaa iyadoo gaajaysan oo aan cunto melena ku ogayn
waxayna carawdaa iyadoo dharagsan, waayo waxay talo saarataa Illahay (swt). Ficil
samee Allena taladaada u dhiibo, waayo Alleh marnaba kuma hoojinayo hadiiba aad
dadaal latimaad.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 24


 Geedka gobka ah dadku waa ay shiidaan isna midho macaan ayuu usoo daadiyaa, ahaw
qof gob ah, fiican, iska cafi qofkii ku xumeeya, oo adigu wanaaji, sidii uu xadiisku ahaa
‘xumaha wanaag ku gud’ sidaasi ayuu khyrku ku jiraa.

 Salaadaha oog oo ku illaali wakhtigooda, sakada bixi, soonka ogow, dadkana wanaag
kula dhaqan waxaad gaadhi doonta insha Allah liibaanta iyo guusha dhabta ah (Road to
success).
 Afmiishaarku kuma fashilmo golaha dhexdiisa, laakiin waxa uu ku fashilmaa go’aan
qaadashada. Waligaa mabda’a yeelo iyo go’aan wacan.
 Dhoola cadayntu waxa ay abuurtaa daganaansho, daganaanshuhuna wuxuu abuura nolol
wacan, nolosha wanaagsanina waxay abuurtaa caafimad, caafimaad kuna wuxuu abuuraa
cimri dherer.

 Sida loo kala degan yahay ayaa lookala dhawrsoon yahay.


 Ha ka fikirin shalaytoole, ka fikir manta iyo barri toole, maxaa yeelay waa fursan aad ku
sixi kartid qaladaadkii shalaytoole.

 Waligaana si run ah uma farxaysid, hadaad kor u haysid ashyaa ama waxyaabo kuwaso
naftaada murugo galinaya.
 Ogow guushu ha soo daahdo ama ha soo degdegte dadka qalbiyadoodu daacada yihiiin ee
samirka iyo dadaal ka leh ayay ku danbaysaa.

 Noloshu waa ficil ee maaha khayaali iyo talan (wax aad iska dhaadhicisid inaad
qabanayso laakiin aanad qabanayn, tusaale ahaan waan qaban doona, waa inaan waxa iyo
waxa yeela) oo aan run kaa ahayn, laakiin noloshu waa ficil iyo tartan, hadii aad caawa
guri dhis istiraa oo aad cid la tartamayso waad dhamaynaysa.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 25


13. Qaabkee U Doorataa Takhasuskaaga Waxbarasho:
Cilmigaad baranaysid, ma doonaysa inaad doorato takhasuska ugu haboon? Hadiiba aanad
haynin kii aad kuugu haboonaa sided u dooran kartaa ku ku raali galiya? Raac talooyinkan
muhiimka ah.

Doorashada maadada aad ku takhasusaysaa amaba aad jaamacada u galaysa maaha mid fudud,
lkn ardayda way ka fududahay waayo waxaanay helin talo fiican oo ka saacida doorashada
kuliyada ay galayaan. Sida aan ognahay ardaydu markay bilaabayaan jaamacadaha waxay
warsadaan ku wii ka horeeyay, ama waxay eegaan suuqa iyo qof imika shaqo wanaagsan haysta,
ama wuxuu arkaa uun ardaydii oo meel u badan deedna wuu iska raaca, hadaba waxaa haboon
adoo ku qancaaya marka horeba nasiibkaaga, hadana inaad jaamacada iyo takhasuska lagu siiyo
aad si xikmadaysan u kala horto.

Hadaba si aad u samayso doorasho xikmadaysan, waxa daruuriya inaad adigu is waydiiso
sadexdan su’aalood isla markana aad uga jawaabto si daacad ah adigoon naftaada khayaamayn.

 Awood ma u leedahay inaad barato maadadan ama koorsooyinkan?


 Ma jecelahay inaan barto maadadan ama koorsoyinkan?
 Maxay fursado shaqo leedahay markaan barto?
Han kala hormayno su’aalahan:

 Awood ma u leedahay barashada maadada aad ku takhasusayso?

Run ahaantii su’aashani waa laf dhabarta doorashada, hase yeeshe awoodu way noocyo badan
tahay. Awoodu waxay noqonkartaa seeskaaga aqooneed inta uu leeg yahay, tani waxay kuu
sahlaysa barashada maado gaar ah. Tusaale ahaan hadaad doonayso inaad Engineering barato oo
aanad maadadii xisaabta ku fiicnayn, awooda aad galinayso barashada maadadaasi way
yaraanaysa. Awoodu waxay noqon kartaa inaad karayso safarka hadiiba jaamacada nasiibku ku
siiya fogaato, dhanqale ahaan iyo caafimaad ahaanba inaad kartideeda leedahay nolosha
campuska, awoodu waxa kaloo ay noqon kartaa inaad leedahay awooda go’aan qaadashada iyo
hadafka aad ka leedahay waxbarashada, awooda aaminaada naftaada inaad tahay qof wax walba
qaban kara. Waayo tani waxay kuu suuro galin doontaa inaad awoodeeda yeelato maado kasta oo
lagugu qoro ama nasiibkaagu ku siiyo inaad barato oo aad siiwado.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 26


 Ma jeceshahay inaad barato takhasuskaaga?

Maadada aad dhiganaysaa waxaa suurto gal ah in ay noqon karto mid kula xidhiidha noloshaada
oo dhan, waayo waxa suuro gala inaad ku shaqaysato inta noloshaada ka dhiman, sidaa
daraadeed waxad u baahantahay inaad marka horeba doorato, uguna horaysiiso liiska maado aad
jeceshahay barashadeeda iyo ku shaqaynteedaba. Tani waxay kaa caawin doontaa in waxa aad
baranaysaa qiimo kuu sameeyo. Waxa suurto gala inaadan helin takhasuskii aad rabtay oo mid
kale kuu soo baxo, laakiin waxaad marlabaad nasiib u haysataa inaad ku badalan karto markaad
tagto jaamacadii lagugu qoray, oo aad hesho tii aad jecelayd, tani waxay ku xidhan tahay marka
horeba rabitaankaaga iyo xiisaha aad u qabto barashada maadadaa.

 Ma ku helaysaa fursado shaqo?

Barashada culuumta aan diiniga ahaynin inta badan ujeedada loo bartaa waa in lagu shaqaysto.
Maadada aad baranaysa waa xirfadii aad mustaqbalka ku shaqayn lahayd ood yagleeyayso. Sidaa
daraadeed waa inaad odorostaa furaska shaqo ee ay leedahay iyo sida deegaanka iyo dalkba ku
tahay, waa sida loo badan yahay marka ardaydu dooranayso takhasuska jaamacadaha, laakiin
waxa ka haboon inaad Alleh (swt) aad aaminto arsaaqda iyo risiqa inuu isagu bixiyo ee aanay
maado ku xidhnayn, waxkasta oo aad barataana uu faa’iido leeyahay, hadii aad dadaashana
Illahay dadaalka qofka ma qariyo halkaa ayuu kuu galinayaa risiqaaga.

Dhinaca kale cilmi kasta oo aad barataa ogow maalin uunbaad u aayaysaa, oo faa’iido ku
helaysaa, cilmiga aad barataa khasaaro ma galo, wixii aad barato maalin uun baad u aydaaye
jaahilnimo uunban waxba kuu tarin ee intaad da’a yartahay waxbaro.

Talo guud soo jeedin ardayda iyo waalindiinta iyo bahda waxbarashada:

1. Arday kuliyada aad rabto inaad u horaysiisataa ha ahaato mid adiga rabitaankaaga ka
timid ka digtoonow laab lakaca iyo saaxiibkayba dhigta kuliyadaas oo ana waan
baranayaa.

2. Waalidka aqoonta lihi waa inuu talo siiyaa ilmihiisa inta uu ku jiro dugsiga sare iyo
hoosaba, taasi waxay ka caawin karta waxa uu rabo inuu noqdo mustabalka.

3. Macalin ardaygaaga ku dhiirigali maadada uu ku fiicanyahay iyo waxa uu ku fiicnaan


karo inuu barto mustaqbalka.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 27


14. Iska illaali Dhawaaq Gudeedka Taban (inner negative voice):
Codkani waxa uu kuula hadlaya hab aad adigu maqlayso uun, waxaana uu la doodayaa naftaada,
isaga oo ka joojinaya dhamaan waxa danta u ah oo dhan. Sida oo kale codkani ma maqashaa cod
kaa dhex hadlaya oo kaa joojinaya dhaam hawlaha wanaagsan? Ma ku faraa mararka qaar inaad
iskaga fogaato ehelkaaga iyo asxaabtaadaba? Ma kuu sheegaa inaadan waxba qaban Karin oo
aad daciif tahay? Ma dareentaa inaad ka duwan tahay dadka? Talaabo kasta oo aad isku daydo in
aad qaado m ajiraa cod kaa joojinaya oo ku leh “ma qaban kartid? Ma iska saniftaa dadka qaar
oo ma iska saartaa noloshaada iyaga oo aan waxba kugu samayn?

 Waa maxay dhawaaqan gudeedkan tabani?

Dhawaaq gudeedka tabani waa cod gudeed, kaas oo ah mid ku lid ah oo burburinaya nafteena
iyo horumarkeena, sidoo kale inagu diraya asxaabteena ama se dadka inagu xeeran. Codkani
waxa uu ku samaysmaa maskaxda qofka, kaaso noqda hab fikir taban oo saamayn wayn ku
yeelan kara noloshaada iyo hab dhaqankaagaba. Codkani waxa uu kuula hadlaya hab aad adigu
maqlayso uun, waxaana uu la doodaa naftaada, isago joojiya waxa danta kuu ah, sidoo kale
codkani qofka waxa uu ka dhigaa mid u dhaqma si taban oo wax walba ka arka dhanka xun,
niyad jab, kalsooni daro, iyo hoosayn ayuu u sababaa codkani qofka uu haleelo.

 Maxaa sababa dhawaaq gudeedkan taban?

Dhawaaq gudeedkan tabani maaha mid aynu ku dhalano se waxa sababa dhibaayooyin nololeed
oo uu hore ula kulmay qofku markii uu yaraa, sida khilaafaad qoys oo uu illmaha yari ku so
dhexbarbaaray, hadalo taban oo uu waalidku marwalba u adeegsan jiray ilmaha yar sida:
(waxaad tahay doqon, waxba ma garanaysid, iwm), dhibaatooyin kan iyo kalmadahan khaldan ee
inagaga iman kara xaga qoysku waxay qayb laxaad leh ka qaataan inuu qofka ku dhex samaysmo
hab-fikirkan codka ah ee baabiiya mustaqbalka qofka, kaaso ku soobaxa wakhtiyada
qaangaadhka. Mararka qaarkood waxa dhacda in qofkii uu soomaray nolol wanaagsan, si fiican
loo soo koriyay, laakiin waxa layidha waxa dhacda inuu waynaanta ku soo baxo codkani, sababa
la xidhiidha dhibaayinka sowajahay, sida dhaqaale daro, arimo guur ama jacayl uu ku guul
daraystay oo isku buuq ku dhaliyay ama se fikir shaqo.

 Sidee ayuu codkani inoo saamayn karaa?

Codkan gudeed waa cadaw gudeheena ku nool kaas oo saamaynkara dhinac kasta oo nolosheena
ah, sida kalsoonideena, sidaynu nafteena u aragno, xidhiidhka aynu la samayno dadka inagu
xeeran, shaqooyinkeena, waxbashadeena, iyo dhamaan yoolka aynu nolosha ka leenahayba.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 28


Hab-fikirkan ama codkan tabani waxa uu hoos u dhigaa dareenkeena iyo aragtideena togan
(wanaagsan) ee aynu nafteena iyo nolosheena ka qabno, waxaanu inagu hogaamiya iscanaanasho
badan oo aan sixid lahayn, niyad jab, liidnimo, caajis, madax xanuun, baqasho, hoosayn, go’aan
jilayc, joogtayn la’aan iyo aaminaad la’aan. Taaso sababta in aynu nolosha quus ka istaagno si
kasta oo aynu u haysano fursado, waxa uu nolosha inaga tusaa dhinaca madaw.

Waxyaabaha uu codkani dadka ugu sheekeeyo:

Hadii aynu ka soo qaadano tusaalayaal guud kalmadaha uu codkani adeegsado waxa kamida:

 Waxba ma tihid, lama tartami kartid qayrkaa, awood u malihid inaad wax qabato, dadka
lama mid tihid oo waad ka liidataa, culayska ku, culayska ku saran iskama cabin kartid,
waligaa guulaysan maysid, waa lagu neceb yahay, cidna kuma rabto, waxba ha isku dayin
hadii kale, qof xun ayaad tahay iyo iwm.

 Sidee la iskaga daawayn karaa dhawaaq gudeedkan taban?

Dhib kasta oo ka jirta aduunyada Illahay (swt) waxa uu abuuray xalkeedii, ha ka warwarin
waligaa in ay jirto dhib bilaa xal ahi. Si aad isaga daawayso, oo uga guulaysato codkan taban
waxa aad u baahan tahay inaad qaadato talaabooyinkan, ku waaso ku anfici kara:

1. Faham micnaha guud ee nolosha: in aad fahamto macnaha ama u jeedada guud ee
aduunyada laguu keenay waxay kaa caawinaysaa in aad noqoto qof aan u nuglayn
waayaha aduun ee kugu xeeran, Samir, dulqaad iyo ficil wanaagsana ku wajaha,
maadama ay noloshuba tahay mid aan lagu waarayn. Illahay (swt) ayaa quraankiisa ku
yidhi: ‘kuwa iimaan ka laga helayoow kaalmaysta Samir iyo dulqaad illahay waxa uu la
jiraa kuwa sabree’ Surat Al-baqra.

2. Codkani marka uu wax kaa joojinayo maaha mid kuu cadaynaya sababta, waxa uu
adeegsadaa daliilo daciifa oo aad burburin kartid, markasata oo uu ku yidhaa waxa ma
samayn kartid u sheeg naftaada ta togan (positive) ka ha, ku celceli waan qaban karaa,
waan qaban karaa,

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 29


15. Hadii Aad Tahay Arday Raac Sharciyada Jaamacadaada
Uyaala:
Hadii aad tahay arday dhigta jaamacad amaba u socda, waxaa muhiim kuu ah inaad ogaato
sharciyada guud ee jaamacada, jaamacad kastaaba waxay leedahay sharciyo u gaara ku waasi oo
ay ku dhaqanto si loo dhawro, illaaliyo masuuliyadii ka saarnayd ardayga lagu qoro jaamacada.
sharciyadani waxay ardayga ku hagaan inuu noqdo arday wanaagsan oo akhlaaq iyo asluub leh,
waxay ardayga tusaan nolosha dhabta ah ee taala jaamacada, waxay ku kala duwan yihiin
jaamacaduhu nooca sharci ee ay dejistaan, hadaba waxaan si guud u dul mari doonaa qaar
kamida kuwa ugu muhiimsan ee loo baahan yahay arday inaad illaaliso.
 Illaali wakhtiga soo galintaan ka iyo ka bixi taan ka habeen kii ee sharciga jaamacada u
yaala.
 Illaali sharciyada u dejisan libareeriga jaamacada, sida bakhtiinta moobaylada, buug
dheeri ah oo aan lala galin, iyo wax kasta oo rabshaya ardayda wax akhrinaysa.

 Illaali shuruucda u dejisan maqaayada cuntada, oo ah tan inta badan ardaydu qaldaan
sababtana in lagu eryo oo lagaga saaro jaamacadii.
 Illaali sharciyada u dejisan dhoormiyda (blocks) yada hurdada iyo illaalinta qalabka
yaala, oo inta badan sababta in lagaa kafilo hadiiba aad dhawacdo, jabiso ama lumiso.

 Illaali xiliga galintaan ka galaaska, fasalka aad dhiganayso waayo way ka gedisan tahay
xiligii aad ku gudo jirtay dugsigii sare iyo hoosaba. Waxayna sababi kartaa inaad ku
dhacdo (incomplete).
 Kutalo gal oo dhawr dhaqamada qoomiyadaha kala gadisan ee aad isku qolka tihiin, kula
dhaqan dabeecad wanaagsan si aad u badasho oo ay kuu jeclaadan, hadii aad lid ku
noqoto waxay sababta in lagu eryo.
 Iska illaali inaad balwado yeelato, waayo tani waxay kuu horseedi doonta inaad ka
hortimaad dhamaan sharciyadii u yaalay jaamcada, oo ay sababto in lagu cayrsho.

Intaa iyo in kaloo badan ayaa lagu akhriyi maalinta aad gasho jaamacada, hadaba hadii aad tahay
arday dhigta jaamacad ama u socda waxaan kugula talinayaa inaad dhawrto dhaqan kaaga iyo
diintaada. Ha ku milmin dhaqamada kale, waayo waxa dhacda in ardaygu inta uu ku fikirayo
inuu barto luuqadaha kale uu damco inuu ku dedaalo raacida dad aanu la dhaqan iyo diin ahayn,
hadiiba aad marka hore caqiidadaadu xooganayn waxa dhacda in wixii kaa xaaraan ahaa kuu
xalaalaado adoo tix galinaya asxaabta aad ku biirtay.

Way dhacday oo arday badan ayaa ay ka xoog roonaatay mawjadii uu galay, deedna wax kastaa
oo uu xumo u yaqaanay waxa u qaatay wanaag, wixii wanaagsanana wuxu u qaatay xumo. Si
aadan taa ugu dhicin marka horeba ka taxdir, baro luuqad laakiin ha ku milmin.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 30


16. Maansada Tiirikaalintaada:
Maansadan waxa curiyay qoraaga buugan, Xaamud Xuseen Ducaale (ducaaleh), Xaamud runtii
maaha abwaan laakiin waa dadka jecel inta badan dhiirigalinta waxbarashada iyo arimaha
bulshada, maansadan waxa uu curiyay wakhtigii uu ku gudo jiray, waxbarashadiisii dugsiga sare
12/05/2012 G.c waxa uu ku tilmaamayaa kaalinta uu ardaygu ku leeyahay bulshadiisa, dalkiisa
iyo diintiisaba, waxa uu dhiiri galinayaa ardayda ka baxaysa dugsiga sare ee u socota
jaamacadaha in ay buuxiyaan kaalinta naftooda iyo waalid koodaba waxaanu yidhi:

Tiiri kaalintaada
Anigoo tilmiidoo Tamaarigu deegaankeena
Tixda caan ku noqonoo Ha ku taamo PHD
Maansooyin badan tirin Adiguna tiijaroow
Tilmaantii abwaannimo Tacliintaad dhamaysiyo
Wali taashkeedii sidan Cilmigu ha tiriigtoo
Xafladeenan talo bixin Taag iyo laxaad wayn
Waxaa aan tabinayaa Ha u taro dad waynaha
Tix ardayda ku socotoo Adna tusmada noloshiyo
Turjumaysa qiimaha Hani wacan ku taabo
Ay tacliintu leedahay Ehelkaa ku taakuli
------ Maankaaga ku tayee
Hor umar tisqaadiyo Maamulkeenan toosani
Tiigsiga hirkaa sare Tashi iyo aqoon buu
Tubta loomaraa waa Tiskaa sare ku gaadhee
Dugsigeeda tagidiyo Tafaraaruq waa cudur
Tiinbashada aqoontee Kala tuura xoogiyo
Aan tayayno maandhow Hawshii timaadee
Talaabada dadaalkee Tookh iyo qabiilkii
Tusaalaha macalinkiyo Ma jiro tii dhargigiiye
Buugaba tixraacoo jahligii laga tagyoo
Ku tuntuunso qalinkana dugsiyo tacliinluu
Tagitaanka jaamacad xisbigu tayeeyoo
Turxaan bixinta nuxurkiyo markuu taabo qaaday
Tifa tirida noloshiyo tobankunoo aqoonloo
Cilmaad kala tagaysaa Ms/Dgree ku tuntuunsada
Hawlaha ku tacaluqa Talada inoo hayoo
Markaad taa dhamayso Waynu taabo qaadnee
Toos u qaado shahaadada Toobiyaha aan raacnee
Taag la isku geeyaa Adiguna tilmiidoow
Dhasha tayo barwaaqee Taageerdhankaaga.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 31


17. Maansada Ardayohow Dugsiga dhigo.
Maansadan waxay kamid tahay maansooyin ka dhiirigalinta ah ee qoraagu Uu alifay xiligii u
ku gudo jiray waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe isagoo intabadan waano ahaan u akhrin
jiray ardayda waxay soo baxaday 18/12/2010 Gc micnaha iyo muhiimadeeda iyada ayaad ka
fahmi doontaa. Waxa uu yidhi:

Dugsiga dhigo Kugu daray quraanka


Ma ogtahay dadwaynoow Darajay rabaane
Dugsigiyo waxbarashadu Adoon dayrin dhaqankaa
In ay tahay darajo sare Aqoon durugsan yeeloo
Dariiqii fahmada iyo Lafahaagana daryeeloo
Darka nolosha in ay tahay Abaalkiina dib u celi
**** Aqoontaada daadihi
Da’ayartaa waxbarashiyo Hasaawahana dib u dhigo
Dugsigayga dhigatana Intaad da’yartahay wax baro
Mid dadaalayaa jira ****
Mid duloobay baa jira Labadaasi doorkii
**** Da’ayartii schoolkiyo
Mid dadaalayaa jiroo Dugsigeena weeyaan
Markastoo ladaalaba ****
Dariiqaa waxbarashada Ruux waliba dadaalkiis
Ku dadaalayaa jira Ayuu guusha dunidiyo
**** Daaqsin uu ku gaadhaa
Mid duloobay baa jiroo Duulimaad ka dayixiyo
Daba orodka qaadkiyo Waxaa uu daruuraha
Doon doon sigaar iyo Ruuxba darifka uga maray
Dibjirnimo ku faafoo Dalmaroow aqoontiyo
Dareenkiisa raacshoo Daadihinta cilmigiyo
Hooy duloobay baa jira Ogow waa duruustee
**** Aqoonyahano dooroo
Labadaaba duuduub Caqligoodu dihinyaa
Sida daad u soodhaaf Inoo doora manhajkiyo
Ka danbee duloobaan Dawgaa baris barashada
Arday yahay udigayaa Ku darsoo dulqaadkiyo
Oon dardaaran leeyahay Diintiyo xishoodkana
Inanyohow dugsiga dhigo Rabaa ugu deeqoo
Hooyadii ku dihatiyo Iyagoon ku doorayn
Aabihii dadaalkii Duruustay dhigayaan
Dibjiraayay dhaxantee Daaha ay ka faydaan
Dusha kuugu rari jiray Ardaygii dareenkiyo
Waalid kaagii doorkee Siiya daymo dhugashada
Dariskaa schoolkiyo Abidkii ma dayroo
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 1


Masii daayo dariskaa Dugaagiyo kama duwana
Isna ubadkii danbeetiyo Duurjoog cidi daajinayn
Da’ayartii koraysaa Ducadii hooyooyinkiyo
Dardaarankii aabonimo
Dib uga daxashoo Haduu waalidku dayaco
Aayaha dalkoodiyo Dariskiyo schoolkiyo
Danta wada jirkoodiyo Diin iyo quraan ku darin
Dadmidaysan keena Dabadeedna daba galin
**** In ay dayac noqonayaan
Ku darsoo dadwaynoow Caruurtu dibad yaalayaan
Imisaa nin door ahaa Dad yohow taa ma ogtihiin
Nabadiidku doorshoo *****
Damiirkiisa dilayoo Afartaa dardaaran iyo
Cilmigoo ladiidiyo Digniin waxbarasho
Digrigiyo cibaadada Han dabaalo maansade
Dayacoo dulooboo Hadii aan darjiidhay
Daleed aan nafluhu marin Ama deelku ilabaydhay
Geedaha dushoodiyo Daa’imoow Allahayoow
Dhaxamaha duryamayaan Adaa deeqsiyee
Jahli uu dugaashaday Daymo naxariisleh
Dulmiga iyo madawgaa Inagana duco ayaa inala gudboon
Ruuxii damiirlaa Inaan ku deeqnaaye
Damqanaaya maqalkee Aaminta igu dara
Waxa lagu dabiibee Daa’in ha inoo aqbale
Lagu dabarjaraayaa Allahayoow waxaan darisniyo
Darkuu xisbigu dhigiyo Diinta noo adkee
Dadaalkaa waxbarashiyo Dariiqaan maraynaba
Ogow dib u curasho weeyan Allahayoow adigu noodoor
**** Allahayoow wax nadaariyo
Waxaan taa ku darayaa Dulmiga naga dhawr
Maahmaah durugsan baa tiri Ruuxii dulqaadlaa
Damalkii yaraan ku jabay Samirku deeqaaye
Wuxuu daranyada la dhaco Inta deeqsigee
Darajo magaadhayee Sunaha iyo diintiyo
Waxaan uga danleeyahay Salaadaha daryeesha
U bad kaan lala dadaalini Aaaaaaaaaaaaaaaaamiin.
Dariiqa wanaagsan iyo
Dhabada aan lagu duwin
Ogow damiinbay noqdaan
Dadnimo darif bay ka yihiin

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 2


18. Faahfaahin kooban oo ku saabsan qoraaga.
Xaamud Xuseen Ducaale Maaha qoraa laakiin waa markii ugu horaysay ee uu qoro buug noocan
ah, waa akhriyaa inta badan waxa uu akhristaa buugta nolosha iyo suugaan ta khusaysa,
shakhsiyad ahaan waa qof degan, dad ladhaqan wanaagsan, xaamud waxa uu wax kusoo bartay
magaalda wajaale dusiyadiisii dhexe iyo sareba, dugsiga saree ee magaalada jigjiga, waxaa u ka
soo qalinjabiyey jaamacada Assosa University, gaar ahaan cilmiga khayraadka dabiiciga ah.

Faahfaahin dheerada:
Xaamud Xuseen Ducaale (Ducaaleh) waa arday ka mid ah ardayda reer wajaale .
 Waxdhigashadiisii wuxuu ka bilaabay Tog-wajaale

1. Dugsiga hoose dhexe Tog-wajaale


2. Dugsigii Sare/ Dugsiyada/Tog-wajaale secondry iyo jigjiga high school
3. Jaamacadii Assosa University – “first degree” gaar ahaan cilmiga khyraadka
dabiiciga ah (Natural Resource Management (NaRM).

Shaqooyinkii:

 Macalinimo – mutadawacnimo ah tog-wajaale dugsiga hoose iyo kadhexaba


 Mutadawacnimo – arimaha danta guud isagoo ka qayb qaatay dhismaha
dugsiga sare ee tog-wajaale
 waxaa uu ahaa gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee magaalada wajaale
 Waxaa uu ahaa xubin baarlamanka Magaalada Tog-wajaale
 Waxa uu ahaa aasaasayaashii ururka Wajaale Anti-Aids Club (WAAC)
isagoo ahaa xoghaye guud iyo xubin aad u muhiim ah.
 Waxaa kaloo uu aasaasay naadiga akhriska ee dugsiga saree ee Tog-wajaale.

Tixraac:

1. http://www.ehow.com/how_2039704_be-good-student.html
2. http://www.studygs.net/texred2.htm
3. Other google time management materials.

DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO)

W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) 2

You might also like