You are on page 1of 9

Ururka Aqoonyahanka ka Soo Qalin-Jabiyay

Jaamacadaha Dalka Sudan


(SOLASUD)
Xeerka Ururka
CUTUBKA 1AAD

HORDHAC IYO QEEXID

Qodobka 1aad: Hordhac:

Dadaal iyo fikir badan ka dib waxaa suurto galay in ay isku yimadaan
aqoonyahanka ka soo qalin jabiyay jaamacadaha dalka Sudan. Waxa la isla qaatay
in la sameeyo urur kulmiya dhamaan aqoonyahaynka ka soo qalin-jabiyay
jaamacadahaas loona sameeyo xeer iyo kala dambayn.

Qodobka 2aad: Qeexid:

Ururkan looma unkin dan gaara, mid siyaasi iyo xisbi gaara. Waxa uu ka
shaqaynayaa isku xidhka iyo kawar haynta, horumarinta aqoonyahn reer
soomalinad ee kasoo qalin jabiyay jaamacadaha dalka sudan.

CUTUBKA 2AAD

MAGACA , XAFIISKA iyo UJEEDADA URURKA:

Qodobka 3aad: Magaca:

Magaca ururku waa, Ururka Aqoonyahanka ka soo Qalin-Jabiyay


Jaamacadaha Dalka Sudan, oo loo soo gaabiyo SOLASUD.

Qodobka 4aad: Xafiiska Ururka:

Xafiiska ururku waxa uu ku yaal , Hargaysa, Somaliland. Waxa uu ka diiwan


gashan yahay xafiiska xeer ilaalinta Somaliland. Waana xafiis dhamays tiran oo
qalabaysan.

1
Qodobka 5aad: Ujeedada Ururka:

Ujeeda Solsuda Alumni waa:

a) Ilaalinta iyo dhiiri galinta midnimadda aqoonyahanka kasoo qalin jabiyay


sudan.
b) Ilaalinta asluubta iyo dhaqanka wanagsan ee islaamka, iyo ka hortaga
dhaqanada xun.
c) Isku xidhka aqoonyahanka, meelkaste ay joogaan dal iyo dibadba.
d) Noolaynta hiddaha iyo dhaqanka somaliyeed.
e) Soo saarida hibooyinka iyo kartida ku dhex qarsoon aqoonyahanka.
f) Soo saarka aqoonyahan awood uleh maamulka iyo hogaaminta dalka.
g) Ka qayb qaadashada horumarinta waxbarashada, caafimaadka, iyo ilaalinta
deegaanka.
h) In ururku saamayn togan ku dhex yeesho dalka.

CUTUBKA 3AAD

XUBINNIMADA URURKA:

Qodobka 6aad: Shuruudaha Xubinnimada:

1. In uu ka soo qalin-jabiyay mid ka mid ah jaamacadaha dalka Sudan.


2. In uu ka soo qalin-jabiyay mid ka mid ah heerarka waxbarasho ee Diplom,
Bachelor, Master ama PhD.
3. In uu u dhashay Somaliland.
4. In uu u hogaansamo dastuurka iyo ujeedada loo aasaasay ururka.
5. In uu ku suntan yahay akhlaaq wanaag.
6. Buuxinta codsiga xubinnimada.
7. Bixinta lacagta diiwaan galinta xubinnimada.
8. Bixinta lacagta billaha ah ee xubnaha laga qaado.

Qodobka 7aad: Heerarka Xubinnimada:

1. Xubinnimo Buuxda: waa dhamaan aqoonyahanka ka soo qalin-jabiyay


jaamacadaha dalka Sudan ee diiwaan gashan.

2
2. Xubin Sharafeed: waa xubinnimada lagu maamuso qof kasta oo ay golaha
fulinta dalladu u aragto in uu xidhiidh fiican la leeyahay.

Qodobka 8aad: Xuquuqda Xubnaha:

1. Waxa uu xubin kastaa xaq u leeyahay in loo doorto golaha sare ama golaha
fulinta ee dallada, marka laga reebo xubin sharafeedka.
2. Xubin kasta waxa ay xaq u leedahay in ay ka qayb qaadato dhamaan
hawlaha samafalka ee ururka.

Qodobka 9aad:Waajibaadka Xubnaha:

1. In ay ixtiraamaan oo ay raacaan xeerarka ururka, iyo go’aamada ay soo


saaraan golaha fulintu.
2. In ay ilaaliyaan sumcadda ururka, muujiyaanna wajiga quruxda badan ee
aqoonyahanka.
3. In ay bixiyaan qaadhaanka billaha ah ee ururka (3$ bishii).
4. In ay ka qayb qaataan dhamaan hawlaha ururka.

Qodobka 10aad:Xubin Waayid:

1. Haddi qofku ka soo bixi waayo qodobada aynu hore u soo xusnay (Qodobka
6aad iyo 9aad).
2. Dhimasho
3. Falalka ka dhana diinta islaamka oo maxkamadda horteed laga cadeeyo
4. Falal ka dhana qaranka jamuuriyadda somalilnad oo laga cadeeyo
maxkamadda .
5. Xatooyo maaliyadeed
6. Ku xad xudub shuruucda ururka.

CUTUBKA 4AAD

QAAB-DHISMEEDKA URURKA:

Qodobka 11aad: Golaha Guud:

1. Waa dhamaan xubnaha ururka.


2. Waxa ay kulmaysaa 1 mar sanadkii.
3
3. Waxa ay xaq u leeyihiin in la tuso waxqabadka iyo xisaab xidhka sanadlaha
ah.
4. Waxa ay iska dhex dooranayaan xubnaha golaha sare ee ururka.

Qodobka 12aad: Golaha Sare:

1. Golaha sare ee dalladu waa gole ka kooban 5 qof.


2. Golaha sare waxa Rag ah 3 qof, halka dumarku yihiin 2 qof.
3. Waxa ay iska dhex dooranayaan Gudoomiye iyo Ku xigeen.
4. Shaqadooda waxa ka mid ah:
a. Soo xulista golaha fulinta.
b. Xallinta khilaafaadka.
5. Golaha sare ee ururku waxa uu shirayaa hal mar saddexdii bilood.
6. Golaha sare waxa uu awood u leeyahay in uu kalsoonida kala noqdo
xubnaha golaha fulinta.

Qodobka 13aad: Golaha Fulinta:

1. Golaha fulinta ee ururku waxa uu ka kooban-yahay 7 xubnood oo kala ah:


a. Guddomiye.
b. Xoghayaha ururka.
c. Xoghayaha Maaliyadda.
d. Xoghayaha Arrimaha Bulshada.
e. Xoghayaha Mashaariicda.
f. Xoghayaha Arrimaha Debedda.
g. La Taliyaha Sharciga.
2. Golaha fulinta waxa dooranaya, xubnaha golaha sare ee ururka.
3. Muddada ay shaqaynayaan waa 2 sano oo ka bilaabanta maalinta la doorto.
4. Golaha fulintu waxa uu shirayaa hal mar bil kasta.
5. Golaha fulintu waxa uu iskugu imanayaa shirarka degdegga ah ee uu soo
jeediyo Gudoomiyaha ururku.

Farqadda 1aad: Gudoomiyaha Ururka:

Godoomiyaha guud waxaa xubinta ugu saraysa ururka waana godoomiyaha golaha
funtinta waxaana awood u leeyay sidan:

4
1. Maamulka dhamaan arimaha ururka khuseeya.
2. Matalida magaca ururka, iyo ka qayb galka shirirka lala galaayo ururada
kale isagoo matalaaya ururka.
3. Ka warhaynta iyo fulinta go’aamada kasoo baxa waaxaha kale ee fulinta.
4. Dajinta barnaamij sanadeedka uu ku shaqaynaayo ururku mudada uu xilka
hayo, isaga oo la kaashanaya xubnaha kale.

Farqadda 2aad: Xoghayaha Ururka:

Xoghaya guud ururka waa mashiinka dhaqaajinaaya ururka marka la eego shaqada
uu qabanaayo waana sidan:

1. Diyaarinta kulamada guud, martiqaadyada, siminaadara, hanbalyooyinka ,


tacsida iyo kulamadda gaarka ah.
2. Maamulidda iyo gacan kuhaynta xafiiska guud ee ururka.
3. Ilaalinta waraaqaha iyo qoraalada ururka.
4. Diyaarinta iyo gacan ku haynta shaanbada uu yeelanaayo ururka.
5. Ururinta iyo diiwan-galinta warbaximaha kasoo baxa ururka.

Farqadda 3aad: Xoghayaha Maaliyadda:

1. Ilaalinta hantidda lacageed ee ururka.


2. Haynta waraaqaha ururka, ee khuseeya arimaha lacageed.
3. Diyaarinta iyo ansixinta miisaniyadda sanadeedka uu ku shaqaynaayo
ururku.
4. Waxa uu ururinayaa lacagaha ururka.
5. Bixinta lacagta hadba inta loo baahan yahay.
6. Wuxuu ka warbixinayaa dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee ururka.
7. Lacagtu waxa ay ku baxaysaa saxeexa gudoomiyaha, xoghayaha iyo
xoghayaha maaliyadda.

Farqadda 4aad: Xoghayaha Arrimaha Bulshada

1. Isku xidhka dhamaan xubnaha ururka, isaga oo kaashanaya social media iyo
hababka kale ee casriga ah.

5
2. Ka warhaynta xaaladaha bini aadamnimo ee soo waajahda xubnaha ururka
soo waajahda.
3. Soo jeedinta qaadhaamada gaarka ah ee la xidhiidha xaaladaha bini
aadamnimo ee xubnaha ururka.
4. Ka warhaynta shaqooyinka la soo xayaysiiyo, una soo bandhigo xubnaha
ururka.

Farqadda 5aad: Xoghayaha Mashaariicda:

1. Waxa uu diyaarinayaa qorshe bileedka mashaariicda ee ururka isaga oo


kaashanaya xubnaha ururka.
2. Waxa uu soo bandhigayaa qaabka loo fulinayo mashaariicda iyo
miisaniyadda ku baxaysa.
3. Waxa uu masuul ka yahay fulinta mashaariicda, isaga oo dooranaya cidda
kala shaqaynaysa fulinta mashruuc kasta.
4. Waxa uu soo bandhigayaa qaabka uu mashruuca u fulin doono, iyo
caqabadaha ka hor imanaya si loola xalliyo.
5. Waxa uu diyaarinayaa warbixin ku saabsan mashaariicda uu qabtay.

Farqadda 6aad: Xoghayaha Arrimaha Debedda:

1. Waxa uu xidhiidh la samaynayaa aqoonyahanka ka soo qalin-jabinaya


jaamacadaha dalka Sudan.
2. Waxa uu xidhiidh la samaynayaa haayadaha iyo ururada kale ee dalka
sudan, ee daneeya arrimaha Somaliland.
3. Waxa uu xidhiidh la lahaanayaa haayadaha iyo ururada kale ee la midka ah
ururka SOLASUD.
4. Waxa uu xidhiidh la lahaanayaa haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga
ah ee Somaliland.

Farqadda 7aad: La Taliye Sharci:

1. Waxa uu ka warhaynayaa arrimaha sharciga khuseeya ee ururka.


2. Waxa uu saxayaa dhamaan qaldaadka sharciga ah ee ururka.
3. Waxa uu ka warhaynayaa dhamaan mashaariicda ururku fulinayo in ay
sharciga waafaqsan yihiin.

6
CUTUBKA 5AAD

DOORASHADA:

Qodobka 14aad: Shuruudda Murashaxa:

Qof kastaa oo xubin ka ururka waxa uu xaq uleeyay inuu isu soo sharaxo sidoo
kalena codeeyo, marka laga reebo golaha sare oo ah iyo xubin sharafeedka. Sidaa
darteed shuruudaha looga bahanyay musharaxa waa sidan:

I. In uu ahaado xubin buuxda oo ka mida ururka.


II. In aanu ku jirin golaha sare ee ururka.
III. In aanu ahayn xubin sharafeed.
IV. Inuu ahaado qof kasoo qalijabiyay jaamcahada ama macaahida
dalka sudan.
V. Inuu wato shahaadadii qalin jabinta.
VI. Inuu ku suntan yahay dhaqanka islaamka iyo akhlaaq wanaag.

Qodobka 14aad: Guddida Doorashada:

1. Golaha sare ee ururku iyaga ayaa noqonaya guddida doorashada.


2. Waxa ay soo xulayaan 7da qof ee ugu munaasibsan in ay noqdaan golaha
fulinta labada sano ee soo socda.
3. Waxa ay soo xulayaan golaha fulinta iyaga oo u eegaya shuruudaha
murashaxa.
4. Haddii xubin soo dalbato in uu ka mid noqdo golaha fulinta waa la tix
galinayaa iyada oo la raacayo shuruudaha murashaxa.

CUTUBKA 6aad

DHAQAN GALKA IYO WAX KA BADALKA

Qodobka 15aad: Taariikhda Dhaqan Galka:

Xeerkanu waxa uu waxa uu dhaqan galayaa marka ay golaha guud ee ururku


aqlabiyad ku ansixiyaan.

Qodobka 20aad: Wax ka beddelka Xeerka:

7
Xeerkan waxa laga badali karaa kaliya marka:

a) In ay isku racaan golaha sare ee ururku.


b) Inay sadex meelood, laba ka mid ahi golaha guud dalbadaan.
c) Inay isku racaan golaha fulinta dhamantood.

8
9

You might also like