You are on page 1of 4

Waxa aan u qoraa sida uu Deegas u aslo.

Sulayman Addoniya

Ma xasuusto ammintuu Deegas nolosheyda qayb ka noqday. Balse waxa ay ku aadaneyd


sannadihii hore ee Landhan. Aniga iyo walaalkay baa soo dagney Landhan, laba kuray oo
qaxoontiya, aan la wehelin anaga oo ah. Waxa aanu raadinaynay luuqad cusub, Sawirada aslan
ayaa ka dhawaaq dheeraaday kun kalmadood, wehelna noo noqday.

Maalmahaas ayaa walaalkay soo iibsaday buug ku saabasan sawirada dareen-dhacdo-qabadka ah


(Impressionism). Markii ba sawirada Deegas baa i soo jiitay. Sawirada qoob ka ciyaarayaasha
ayaa aan ugu hor bartay. Aniguna qoob ka ciyaar joogto ah baan bilaabay; si aad moodo si
jiraalka dhaafsiisan. Waxa aan ku xiddido aastay dalkan cusub aniga oo qoob ka ciyaaraya.
Dareen raynrayn ah baan ka heli jiray qoob ka ciyaarka.

Dareenkaasi waxa uu igu soo laabtay sannado ka dib, mar aan gaadhey Baariis ka dib daabacaadii
sheeko-faneedayda koowaad (the consequences of love, la daabacay 2008). Matxaf Siyeena ag
teeda ah baa aan booqday, kana soo gatay buug kale oo farshaxanka Deegas ku saabsan. Aniga
oo ku baalal daymoonaya makhaayad bun, ayaa aan ku arkay naag qaawan oo ku maydhanaysa
tashti dhexdiis. Laga yaabe in aan hore u arkay sawirka, balse sababta igu riixday waxay aheyd;
aniga oo markaa ka fikirayay in buugayga labaad ku saleysnaado xerro-qaxoonti, farshaxankuna
udub dhexaad u ahaado.
Hortayda waxa ah sawir cariyay male-awaalkayga: Naag qaawan oo ku maydhanaysa tashti.
Marka aan sii darsoba dumarka Deegas waxa dhaygag iyo ka fikir igu abuura awooda qaawanida.
Marka qofku qaawan yahay, sooyaalkiisa, haybtiisa iyo dhamaan waxa ku hareeraysan gaar ayaa
uu ka noqdaa. Farshaxanka qaawani waa waxa ugu dhaw ee dadnimada humaag u noqon kara.

U jeedkaygu ma aheyn in aan kaga meermeero baadhista arrimaha siyaasadeed ee la xidhiidha


sheekadayda, haday tahay dagaal, gumeysi iwm. Balse waa busayl aan u qabo ogaanshaha
arrimaha shaqsiga ah ee gabadha jilaysa sheekada.
Waxa aan rabay in aan diirada saaro maanka, riyada, jidhka, boholyawga iyo adduun gudeedka
gabadh Eratari-Itoobiyaan ah. Waxa aan rabay Saba, oo ah magaca aan u bixiyay, in ay nolol ka
baxsan sooyaalka dalkeeda noolaato.
Damacaygu waxa uu ahaa in ay hogaamiso, balse aanu hagin kacaa kufka dalkeedu. Jeerkaas
waxa aan sawirtay Saba oo ku maydhanaysa tashtiga, halkii gabadha Faranjiga ah.

Sawirku waxa uu dib iigu ceshay caruurnimadii iyo xerradii-qaxoontiga. Tabtaas ayaa aan u
maydhan jirnay. Waxaan soo xasuustay aniga oo buulkii yaraa ee madoobaa jooga, qaawan, ku
dhex jira tashti biyo ka buuxaan, waa xasuus jidhiidhico kicinaysa. Waa aan suuraysan karaa
iyadoo jilaaga sheekadu ku raaxaysanaysa.

Waxa aan jeclaan lahaa in jin hal-abuur ahi gabadh Eratariyaana ama Itoobiyaan ah daba galo
iyada oo nolosheeda maalin lahaa iskaga jirta. Uu duljoogsado marka ay soo toosayso, daawado
sida ay u maydhanayso, dhugta markay timaha shaleysanayso, xamuurada isku dhigayso,
bunkeeda subaxnimo cabayso, cadayaneyso.
Marka ay shaqada tagaysana daba galo, maalinta la qaato iyadoo qulqulka nolosha la
gorgortamaysa, soona dhagaysto waxa maankeeda ka guuxaya oo aan kala reebanayn.

Waxa aan doonayaa in aan ag joogo, marka ay habeenkii hurudo; si aan u qoro tafaasiisha sida ay
u seexatay. Qoraagu waxa aan aaminsanay inuu jinkaas yahay, oo aan noqon karo hadhka
nolosha gabadhaas, si aan u diwaan galiyo muudhadhkeeda, jacayladeeda, gadoodkeeda iyo
gaajadeeda tafaasiishooda oo bilaa faafreeb ah. Waxa aan ku aslayaa adduunkeeda
waraaqahayga, sida uu Deegas ugu aslay male-awaalkiisa.

Indho adayg aan ku weydiiyo ayaa aan iska baadhay, gabadh Eratariyaan ah oo aan Landhan ku
aqaanay. Waan ka soo fikirayaa ayaa ay igu tidhi. Balse safar baa i soo wajahay, aan Brassalis ugu
baxay. Waxa aan isku hareereeyay buug halkii dadka. Waxa isdooriyay qaabka uu hal-abuurku
iigu soo degi jiray. Waxaa igu soo dhacdey in aan noqday sida ay Firiida Kaalo sheegtay, Waxa aan
noqday cidaan xogogaalkeeda ahaa.
Cid kaleba uma baahan, hal-abuurka aan u baahnaa in aan isku noqday baa aan u maleeyay.

Waa aan xasuustaa dharaartaan qoob ka ciyaar kadib, muraayad is hor qotomiyay qaawani.
Jidhkaygana u furay daawashada ishayda. Baadi goobkaygu ma aheyn arraga xasuuqii aan
caruurnimadii ka badbaaday, ama sannadadii qaxoontinimada iyo kuwii aan Sucuudiga ku qaatay.
Sawirkaan naftayda ka haystay ma doorin caqabadihii Landhan.
Waxa aan arkay ninkan qaawan badh Eratariyaanka badh Itoobiyaanka ah, wali soo taagan wali
qoob ka ciyaaraya.
Qaawanidu waxa ay ii saamaxday is araga aniga oo ka aradan waxa igu hareeraysan dhamaan.

Daawashada sawiraanta aan iska qaadey qaawani, aniga oo kolba dhan isku qaloocinaya, aniga
oo aanay igu dahaadhnayn cudbiyo ama sooyaalo,; waxa soo faqmay wixii igu duugnaa: naagta
aan ahey iyo waliba ninka, qaxoontiga aan ahay, reer guuraanimadayda, wiilka aamusan, ka
madax adeyga badan iyo aadanaha god daloolooyinka badan ee aan ahay.
Qaxoonti kaliya ma aan aheyn, Waxa aan ahaa boqolaal wax oo kale.

Sawiraanta aan qaawanahay waxa ay ii saamaxeen in aan ka gudbo muuq duleedka. Waa sababta
aartislaha Itoobiyaanka ah ee ku jira sheeko-faneedaydu, kaas oo farshaxanka ku bartay Baariis,
marka uu ka cabanayo la’aanta dumar moodhal u noqda aslidiisa. Marka uu arko Haagoos,
shaqsiyada ninka ah ee sheekada, isagoo hor taagan qaawani. Fanaanku waxa uu garawsanayaa
in aan quruxda dumarku kaliya aheyn waxa carin kara male-awaalka hal-abuurka. Dabadeed
Haagoos baa uu ka codsanayaa in uu moodhal u noqdo. Jidhka labku sida oo kale waxa uu
hogatus u noqon karaa quruxda.

Buuga labaad ee qoraagu waa (Silence is my mother tongue)

You might also like