You are on page 1of 2

Ma jirto been u faaftay sida magaca Ahlu Sunna wal Jamaaca u faafay.

U gu horreyn macnaha magacaa


loo ga jeedo iyo goortii uu baxay cid taqaannaa ma jirto. Waxaa la yidhi “Ahlu Sunnah” waxaa la ga
wadaa dadka raacay dariiqii ama dhaqankii Rasuulka scw, laakiin ma jiro muslin aan sheeganayn in uu
isagu hayo dariiqii Rasuulka. Markaa cid wal oo gooni u sheegata cid kale ayaa ka saaraysa. Si taa ka sii
daran la ma yaqaan wax loo ga jeedo “Al Jamaaca”. Mar waxaa la yidhaahdaa waa saxaabadii iyo dadkii
iyaga raacay. Mar waxaa la yidhaahdaa waa dadkii oggolaaday heshiiskii Xasan bin Cali iyo Mucaawiye
sannadkii 41 Hijriga, sannadkaas oo loo yaqaan Caam al-Jamaacah. Mar kale waxaa la yidhaahdaa waa
dadkii aan ka midka noqon firqooyinkii bilowgii soo baxay ee Khawaarij, Jahamiya, Qadariya iyo Jabariya
ahaa. Mar kale waxaa la yidhaahdaa waa kuwaas oo la gu daray Muctasilada. Mar kale kuwaas baa la gu
sii daray Shiicada oo noqotay Mad’hab weyn oo liddi ku ah cidda isa siisay magaca Ahlu Sunnah. Marka u
dambaysa magaca waxaa dhexdooda ku qaybsamay oo ka la sheegtay intii isu soo hadhay oo ah afarta
mad’habood ee Shaaficiya, Xanbaliya, Maalikiya iyo Xanafiya. Sidaas buu magacu macne ahaan, taariikh
ahaan iyo tilmaan ahaanba u yahay wax aan si iyo meel ku sugnayn.

Waxaa fiican magacan in loo arko mid ay dabada ka riixayaan aragtiyo falsafaded oo yar yar kuwaas oo
siyaasad loo gu danaystay, laakiin aan haba yaraatee wax shuqul ah ku lahayn Shareecada iyo asaasiyada
Islaamka. U gu horreyn sababta Khawaarij loo fogeeyay ee loo gu sheegay in eynan haysan dariiqii
Rasuulku waa siyaasaddoodii ahayd in ay ka baxeen taladii Cali iyo tii Mucaawiye labadaa nin oo
muslinkii is ku halaagay Kitaabkii Allena ku ka la bixi waayay, sidii ay u arkeen, ka dib waxey
go’aansadeen labadaba in ay dilaan oo shartooda muslinka ka qabtaan. Hadhow iyaga oo taa u qiil
bannaysanaya wax ay la yimaaddeen arrinta ah, qofka denbii weyn gala ee aan ka toobad keenini waa
gaal. Nimankaa halkaas baa la ga ga yimid.

Dabayaaqadii dawladdii dhaxaltooyada ahayd ee Banii Umaya waxaa mar soo wada baxay dhawr
aragtiyood oo ka mid ah kuwa la ga saari doono kubtii Rasuulka. Midi waa Jabariya oo uu la yimid nin la
yidhaahdo Jaham bin Safwaan kaas oo taageersanaa dawladda Umawiyada. Si aan boqorradii faasiqiinta
ahaa looga hor iman wax uu keenay in Alle wax walba qaddaray oo dadku xaaladda ay ku sugan yihiin ku
qasban yihiin, ayna tahay in ay ku raalli noqdaan. Taa wax uu u gadan lahaa in xukunka la gu raalli
noqdo. Fikraddaa waxaa ka hor timid mid liddi ku ah oo loo bixiyay Qadariya, taas oo iyaduna diiddan
qaddarka gabigiisaba, masuuliyadda oo dhanna qofka bani aadanka ah dusha ka saaraysa. Is la berigaa
waxaa isaguna soo baxay nin la yidhaahdo Geylaan Dimishiqi oo qaba aragti ah Ilaahay dadka la ma
hadlo oo Nebi Muuse la ma uu hadlin, haddii kale sifada dadka ayuu yeelanayaa, laakiin malag uun buu
farriin u soo dhiibaa. Saddexdaa qolaba waa la gaalaysiiyay waana la laayay, sidaa darteed loo ma oggola
magaca Ahlu Sunnah wal Jamaacah.

Horraamihii dawladdii Cabbaasida waxaa soo baxday qolada la yidhaahdo Muctasila taas oo diinta wax
walba caqliga ku eegtay, eegmadaas oo la gashay in ay ku qancaan Quraanku in aanu ka mid ahayn
sifooyinka Alle ee isaga ka midka ah, laakiin yahay hadal uu isagu markii uu ku hadlay abuuray. Qolada
Muctasilada diiddan, oo Axmed bin Xanbal iyo rag la laayay markaa u gu firfircoonaayeen, wax ay rabeen
in la dhaho Quraanku sifooyinka Ilaahay buu ka mid yahay oo jiritaankiisa ayuu weligii la jiray. Legdan
dheer ka dib qoladanna kuwii hore ayaa la ga daba geyn doonaa, in kasta oo ay jirto culimo u oggol in ay
xayndaabka ku jiraan. Haddaba dhimashadii Ibn Xanbal ka dib ninkii Mad’habtiisa qoray oo la odhan jiray
Abuu Bakar al-Khallaal iyo xertii la jirtay ayaa dhab u hirgaliyay magacan Ahlu Sunnah wal Jamaacah,
iyaga oo dawladda taageeray si ay Muctasilada iyo Shiicada oo xoog lahaa isaga celiyaan dabayaaqadii
qarnigii saddexaad ee Hijriga

Waxaa iyaduna is la qarnigaa dhan kale u baxday Mad’habta Shiicada oo dariiqa Rasuulka la ga saaray
laba arrimood oo waaweyn dartood. Ta hore waa in ay qabaan madaxnimada muslinku in ay ka mid
tahay arkaanta Islaamka, Cali iyo durriyaddiisa oo keli ahina taa lee yihiin, cid wal oo diiddaana gaalo
tahay. Qodobka labaadna waa in iyaga oo kaa hore ka duulaya ay yidhaahdeen intii badnayd saxaabadii
Rasuulku waa ay gaaloobeen ama faasiqoobeen, waxaana gaalnimada u gu horreeya Abii Bakar, Cumar
iyo Cismaan oo tiirkii lixaad ee Islaamka dumiyay, Ahlu Beydkii la doortayna maamulkii iyo maalkii ka
boobay. Qoladan isu taqaan Ahlu Sunnah iyagu wax ay u yaqaannaan Ahlu Khilaaf, oo ah Ahlu Beydkii
iyo amarkii Rasuulka ayaad khilaafteen.

Haddaba magacan sheegashadiisa iyo cidda ku sifoobaysa aad baa weligeed ilaa maanta loo gu
loollamayaa. Waxaa u dambeeyay shir caalami ah oo saddex sano hortood la gu qabtay magaalada
Gorojni ee Jijiiniya kaas oo ay ka qayb galeen 200 oo caalim uu ku jiro Sheekha As’har. Kulankaas oo la
gu qeexayay “yaa ah Ahlu Sunnah wal Jamaacah”? waxaa la ga soo saaray magacaa in ay ku sifoobayaan
oo keliya Ashaacirada, Maaturiidiyada iyo Suufiyada. Halkaa waxaa debedda loo tuuray qolada isu
taqaan Salafiga Wahaabiga ee Xanbaliga ah iyo Takfiiriga, kuwaas oo la gu xukumay bidco tubtii Rasuulka
ka taraartay.

Sidaas buuna magacaasi u lahayn wax nuxur ah oo dhab ah, ee u yahay falsafado yaryar oo loo
adeegsaday dano iyo loollanno siyaasadeed oo xilli walba dawladuhu wataan.

You might also like