You are on page 1of 1

Fanaanada Gloria Estefan ayaa daaha ka qaaday inuu si xun ula dhaqamay xubin ka

tirsan qoyska iyada oo sagaal jir ah.

Xiddigta ku caan-baxaday qoob ka cayaarka oo haysata dhalashooyinka Mareykanka iyo Kuuba,


oo haatan 64 jir ah, ayaa sheegtay in la faraxumeeyay intii ay ku jirtay iskuulka muusigga,
weliba qof ay hooyadeed aamintay.

"Boqolkiiba sagaashan iyo saddex carruurta la dhibaateeyo ayaa garanaya oo aamminsan kuwa
ku xadgudba. Tanna waan ogahay sababtoo ah waxaan ka mid ahaa caruurtaasi," ayay tiri.

Waxay xad-gudubka markii ugu horreysay kaga hadashay barnaamijka show Watch ee Facebook
iyada oo ay weheliso gabadheeda weyn iyo ina-adeerteed.

Ms Estefan, oo heestay heesaha sida Conga iyo Rhythm is Gonna Get You, ayaa barnaamijka ku
sheegtay in qaraabo fog ay ka faa'iidaysteen kalsoonidii hooyadeed si ay iyada u xumeeyaan.

"Muddo dheer ayaad sugaysay," ayay Ms Estefan ina -adeerteed, Lili, oo 54 jir ah, u sheegtay.
"Waan haystaa hadda," ayay fannaanadda ku jawaabtay.

"Wuxuu ahaa qaraabada balse ma ahayn qaraabo dhow. Wuxuu ka mid ahaa madaxda iskuulka,
hooyaday ayaa i geysay iskuulkiisa muusigga isla markiiba wuxuu bilaabay inuu u sheego sida
aan u karti badanahay iyo sida aan ugu baahanahay fiiro gaar ah, hooyadeey ayaa ku faraxday
waxayna u qaadatay inaan ahay qof nasiib badan, "ayay tiri.

Ms Estefan, oo ku dhalatay Cuba laakiin qoyskeeda ula soo guurtay Miami iyadoo socod barad
ah, ayaa sheegtay in xadgudubku uu ku bilowday "si tartiib-tartiib ah ka dibna uu si dhakhsiya u
ballaartay".

You might also like