You are on page 1of 1

Hantida iyo heshiisyada qarsoon ee hoggaamiyeyaasha caalamka, siyaasiyiinta iyo

maalqabeenada ayaa lasoo saaray, kadib dokumentiyadii ugu ballaarnaa ee qaabilsan


maaliyadda ee abid lasoo dusiyo.

Waxaana dokumentiydan lagu xusay in ka badan 35 madaxweyne oo hadda adduunka ka taliya,


iyo kuwa horeba, kuwaasoo lala xiriiriyay in heshiis uu dhexmaray shirkado shisheeye, waxaana
loogu magac daray Pandora Papers.

Waxay dokumentiyada shaaca ka qaadeen in boqorka Urdun uu si qarsoodi ah ugu keysaday 70


Malyan oo lacagta giniga gudaha dalalka UK iyo Mareykanka.

Waxay sidoo kale warbixinta muujineysaa sida ay u keydsadeen 312,000 oo lacagta giniga ah, oo
ay leedahay ha'yadda canshuuraha, Ra'iisul Wasaarihii hore ee UK, Tony Blair, iyo xaaskiisa,
kadib markii ay xafiis ka iibsadeen London.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee UK iyo xaaskiisa, ayaa iibsaday shirkad shisheeye oo laheyd
dhismahaas.

Warbixinta lasoo dusiyay ayaa sidoo kale muujineysaa hantida qarsoodiga ah ee madaxweynaha
Ruushka Vladimir Putin u taallo Monaco, sidoo kale waxay dokumentiyada muujinayaan sida
Ra'iisul Wasaaraha Czech Republic uu u wajahayo doorashada toddobaadkan la filayo inay ka
dhacdo dalkaas, kaasoo ku guuldareystay in uu shaaciyo inta ay dhan tahay hantida uu geliyay
shirkadaha shisheeye, taasoo uu adeegsaday inuu ku iibsado labo guri oo ku yaalla Faransiiska
oo ay ku baxday 12 Malyan oo lacagta giniga ah.

Arrintan ayaa kamid ah warbixinadii sirta ahaa ee ugu dambeeyay ee daaha laga rogo 7-dii sano
ee lasoo dhaafay.

Waxaa dokumentiyadan darsay ururka dabagalka warbaahinta ee ICIJ, kaasoo ay ka howlgalaan


in ka badan 650 weriyeyaal.

Barnaamijka dabagalka ee BBC Panorama oo ay baaritaanka isla sameeyeen wargeyska The


Guardian iyo warbaahin kale oo ay bahwadaag yihiin, ayaa waxaa u suuro gashay inay helaan 12
malyan dokumentiya ah, oo qaabilsan adeegyada maaliyadda shirkado ku yaalla dalal ay kamid
yihiin British Virgin Islands, Panama, Belize, Qubrus, Imaaraatka Carabta, Singapore iyo
Switzerland.

Madaxda qaar waxay wajahayaan eedeymo musuq maasuq, lacagaha sharci darrada ah iyo inay
baal mareen shuruucda canshuur celinta.

Waxyaabaha ugu weyn ee lagu ogaaday warbixinta ayaa waxaa kamid ah sida madax iyo
maalqabeeno caan ah ay si sharci ah, isla markaana qarsoodi ah ay uga furanayeen UK account-
nada bangiyo, si ay hanti ugu yeeshaan halkaas

You might also like