You are on page 1of 1

Macalin Maxamuud

Macalin Maxamuud Xasan Faarax waa guddoomiyaha ururka Ahlu Sunna, wuxuu kusoo
barbaaray magaalada Dhuusamareeb ee bartamaha Soomaaliya.

Sheekha wuxuu Qur'aanka Kariimka kusoo bartay Dhuusamareeb, sidoo kale wuxuu kamid ahaa
ganacstada Dhuusamareeb.

Wuxuu Sheekha saami ku lahaa shirkad xoolaha ka dhoofin jirtay Soomaaliya oo geyn jirya
dalalka Carabta.

Wuxuu culuumta diinta ka bartay Sheekh Yuusuf Ibraahim oo loo yaqaanno Sheekh Yuusuf
Direed.

Wuxuu Qur'aanka bari jiray carruurta Sheekh Yuusuf Direed sidaas ayuu ugu baxay magaca
'Macalin Maxamuud'

Macalin Maxamuud ayaa ka qeyb ka ahaa aasaaska ururka Ahlu Sunna Waljamaaca sanadkii
2010, waxay gacanta ku dhigeen gobollada dhexe ee Soomaaliya kadib markii Shabaab ka
saareen deegaanadaas.

Ururkan uu hoggaaminayay Macalin Maxamuud waxaa laga asaasay deegaanada Galmudug


islamarkana waxa ay taageero badan ka heleen dadkii deegaanka.

Xilliga waxaa degaanadaasi ku xooganaa Al-Shabaab.

Isla sanadaasi 2011 ayaa waxa ay billaabeen in ay dagaal la galaan Al-Shabaab. Waxaa lagu
bilaabay dhalinyaradii xirta ahayd ee deegaanadaasi kutubta ka raacaneysay.

Asasaakooda ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay al-Shabaab dileen qaar ka mid ah culumadii
halkaasi joogay islamarkana ay qaar kale isaga carareen.

24-kii April, 2011, Ahlusunna Waljamaaca ayaa Al-Shabaab kala wareegtay Dhuusamareeb ee
gobolka Galguduud.

Macalin Maxamuud wuxuu kaaalin firfircoon ka qaatay howlgalladii Ahlu Sunna ay ku


muquunisay Al-Shabaab, isla markaana ka saartay inta badan deegaannada gobollada dhexe.

You might also like