You are on page 1of 3

Xiisad ayaa weli ka taagan gobollada dhexe ee Soomaaliya kadib markii dhawaan ay dib

usoo rogaal celiyeen Ahlu Sunna Waljamaac oo dib u qabsaday magaalada Guriceel.

Saraakiisha Ahlusuna waxay dhawaan sheegeen in diyaaradaha sida ciidanka iyo hubka in aanay
imaan karin Guriceel.

Haddaba waxaan halkan idiin kuugu soo gudibineynaa taariikh nololeedka laba kamid ah
madaxd ugu sareysaa Ahlu Sunna.

Sheekh Shaakir
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa ah waddaad bartay shareecada Islaamka, iyadoo
gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya aad looga yaqaano.

Waxaa uu dhashey sanadkii 1973-dii, wuxuu ku dhashey tuulada Garsaalo, oo kaga beegan
qiyaastii 20km dhanka waqooyi bari xarunta gobolka Galgaduud ee magaalada Dhuusamareeb.

Tuuladii uu ku dhashey qudheeda, ayuu ka bilaabey waxbarashadii Dugsi Qur'aanka.


Macalinkiisa Qur'aanka waxaa la oran jirey Macalim Maxamuud Axmed Ceynab, oo ahaa
macalim muctarif ka ahaa Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Markii danbe waxa uu yimid Dhuusamareeb, oo uu ka bilaabey barashada culuumta diinta


Islaamka, iyadoo culimadii uu ka loox jiitay ee uu ka qaatey cilmiga ay kamid ahaayeen Sheekh
Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Guuleed Kaarshe.

Sanadkii 1989-kii ayuu safar ugu kicitimey magaalada caasimadda ee Muqdisho, halkaas oo uu
kasii ambaqaadey barashada diinta Islaamka, isagoo Muqdisho uu kula kulmey culumo kala
duwan, cilmiga diintana uu ka qaatey.
Xigashada Sawirka, GOOBJOOG NEWS

Qoraalka sawirka,

Sheekh Maxamed Shaakir

Waqti yar un kadib, waxaa uu safar ku tagey dhanka dalka Itoobiya, oo iyana uu barashadeeda
kusoo qaatey qeybo badan oo kamid ah Culuumta Shareecada Islaamka.

Waxa uu kasoo qalin jabiyey mu'asasada Al Mamuun, kadibna waxa uu aqoonta jaamacadda u
tagey dalka Yemen, isagoo galey jaamacadda Axqaaf ee ku taallo magaalada Sanca ee xarunta
dalka Yemen.

Waxa uu kusoo qalin jabiyey Sheekh Shaakir shahaadada heerka Diploma, oo uu ka qaatey
Culuumul Xadiis.

Axqaaf jaamacadda la yiraahdo, ayuu ka qaatey shahaadada heerka koowaad iyo tan labaadba,
isagoo bartey Shareecada iyo Qaanuunka, iyo Cilmiga Siyaasadda. Waxa uu qaab darsiga
masaafada dheer uu kaga qaatey shahaadada PhD, isla jaamacadda Axqaaf.
Dalal kala duwan oo ku yaalla qaaradda Afrika, ayuu u tagey aqoon kororsi Sheekh Shaakir, sida
Kenya, Nigeria, Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Ahlu sunna iyo Galmudug oo midoobay

Ahlu Sunna: Dadka Galmudug ha is difaacaan

Maxaan ka ognahay kooxda Ahlu Sunna ee la wareegtay Guriceel?

Wuxuu Sheekha si gaara ugu takhasusay Maareynta iyo maamulka, isagoo ka heysto shahaadada
labaad. Sidoo kale, Sheekhu ugu ambabaxey fidinta diinta Islaamka waddamo badan, oo ku
yaalla qaaradda Afrika.

Waxaa loogga magacaabay xilal kala duwan. Waxa uu Ahlu Sunna, u ahaa wasiir ku xigeenka
waxbarashada, ku simaha guddoomiyaha golaha fullinta Ahlu Sunna iyo sidoo kale wuxuu
madax ka noqday maamulka la magac baxay Gobolada Dhexe, waxa uu soo noqdey madaxa
xukuumadda Galmudug.

You might also like