You are on page 1of 3

Jaamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

Heshiis Ijaar Rug Ganacsi

Heshiiskaan ijaarka rug ganacsi oo lagu qoray Muqdisho oo ay kala qorteen labada
dhinac oo kala ah:

1. Dr.Cabdullahi Maxamed Cusmaan (Bigmey) oo Soomaali ah, deggan Muqdisho,


laga helo telefoon Lr. 0615386519, oo haatan kadib lagu magacaabi doono “K I R
E E Y E” oo dhinac ah iyo
2.
Magaca Tel. nr.
1-Sayid Cali Muumin 0615539419
2-Cabdixamid Sheikh Xasan 0618557585
3-Cabdi Maxamuud Jimcaale 0615272280
4-Xasan Cali Abiikar 0615904240

oo Soomaali ah deggan Muqdisho, oo haatan kadib lagu magacaabi doono “K I R E E Y


S T E Y A AL”, ahna dhinaca labaad.

Heshiiskan Waxay Labada Dhinac Ku Caddeynayaan:

In Kireeyuhu uu oggolaaday in rug ganacsi wadaag oo ku dhex yaal gurigiisa oo ku


yaalla degmada Xamar Weyne (via Egitto) uu ka ijaaro Kireeystaha.
Guriga oo ay rugtaas ganacsiga ku dhex yaal,kuna yaalla jidka Masar wuxuu dhanka
Koonfur ka xigaa dhaxaltooyada Reer Aabba Xaaji Nuur, dhanka Waqooyi dariikha (via
Egitto), Bari waxaa ka xiga dhaxaltooyada Reer Ibrahim Gaab, Galbeed waxaa ka xiga
waddo laami ah, wuxuuna dhammaantiis ku wareegsan yahay darbi dhagax ah, wuxuuna
leeyahay albaabo bir ah oo laga soo galo, waxaana lagu ijaaray muddada iyo shuruudaha
hoos ku qoran:

1) BILOWGA IYO DHAMAADKA HESHIISKA:

Heshiiskaan ijaarka wuxuu soconayaa mudo afar bilood ah,wuxuuna bilaabanayaa


marka ay taariikhdu tahay 05/09/2019 wuxuuna dhammaanayaa 04/01/2020.
Kireeyuhu wuxuu awood u leeyahay in Kireeystuhu u dheereeyo muddada kirada
lagu heshiiyay ama u diido dheereynta wixii ka dambeeya muddada heshiiskaanu ku
eg yahay. Kireeystuhu wuxuu soo codsan karaa, iyadoo qoraal ah in loo dheereeyo
heshiiskaan, hal bil ka hor intey muddada heshiiskaani dhammaanin.

Page 1 of 3
2) Ijaarka Bisha:

Qiimaha ijaarka lagu heshiiyey bil waliba waa 700 USD (toddoba boqol doolar
ameerikan ah), iyadoo 4ta bilood ee uu heshiiskaan socon doono, hormarin afar
bilood ijaarka hal mar oo qur ah uu kireystuhu bixin doono, lacagtaas oo guud ahaan
ah 2800 USD (laba kun iyo siddeed boqol doolarka ameerican ah). Taas oo ay ku
qaybsadeen sida soo socoto:
Magacaga Qiimaha
1-Sayid Cali Muumin 500
2-Cabdixamid Sheikh Xasan 420
3-Cabdi Maxamuud Jimcaale 1380
4-Xasan Cali Abiikar 500
Wadar guud USD 2800

3) KORONTADA IYO BIYAHA

Rugta waxay leedahay xargaha korontada, dhuumaha biyaha, dhamaana kharajka


isticmaalkooda waxaa iska bixinaya kirestaha.
Kireestaha markuu heshiiska dhammado waa inuu u keenaa Kireeyaha caddeyn
inaysan wax qarash ah ku lahayn shirkadaha korontada iyo biyaha.

4) XAALADA RUGTA GANACSIGA.

Kireeystuhu wuxuu la wareegay rugta isagoo xaaladdiisa ay wanaagsan tahay,


isaguna waxaa waajib ku ah in uu kireeyaha gacantiisa ku soo celiyo isagoo
wanaagsan. Kireeystuhu rugta kuma qori karo astaan iyo wixii la mid ah daarta, iyo
albaabada rugta, haddii uusan marka hore fasax qoraal ah ka helin Kireeyuhu.

5) HAGAAJINTA IYO GACAN KU HAYNTA RUGTA:

Rugta hagaajintiisa yar yar iyo dayactirkiisa caadiga ah wuxuu xil ka saaran yahay
Kireeye. Gacan ku haynta rugta gudihiisa ah wuxuu xil ka saaran yahay oo
hagaajinaya Kireyste. Hagaajinta waaweyn wuxuu xil ka saaran yahay Kireeye.
Gacan ku haynta rugta gudihiisa ah wuxuu xil ka saaran yahay Kireyste.

6) WAX KA BEDDELID HANNAANKA DHISMAHA RUGTA IYO SII IJAAR.

Kireystuhu hannaanka dhismaha guriga ama rugta waxba kama beddeli karo, cid
kalena kama sii ijaari karo haddii uusan marka hore oggolaansho ka helin kireeyaha.
Oggolaashaha waa in uu ahaadaa qoral cad ah oo labada dhinac ay isku racsan yihiin.

Page 2 of 3
7) CUSKASHADA SHARCIYADA LAGU DHAQMO;

Labada dhinac Kireeye iyo Kireeyste waxay isla oggolaadeen in wax allaaale wixii ku
qoran heshiiskaan ay si toosan u raacaan, una hoggaansadaan iyo in Kireeystuhu wax
allaale wixii sharciga ka hor imaanaya inuusan rugta ganacsiga ku iibin karin, ku
kaydin karin, kuna qarin karin. Heshiiskaan wuxuu dhaqan galayaa markay labada
dhinac saxiixan.

KIREEYE

Dr. Cabdullahi Maxamed Cusmaan (Bigmey)

---------------------------------------- ---------

KIREEYSTAYAAL
Magaca Saxiixa Kireeystaha
1- Sayid Cali Muumin
------------------------------------------------- -----------------------------------------------------------------------
2- Cabdixamid Sheikh Xasan
------------------------------------------------- -----------------------------------------------------------------------
3- Cabdi Maxamuud Jimcaale
------------------------------------------------- -----------------------------------------------------------------------
4- Xasan Cali Abiikar
------------------------------------------------- -----------------------------------------------------------------------

Page 3 of 3

You might also like