You are on page 1of 2

CRITICAL THINKING

LEVELS OF ANALYSIS
_____________________________________________________________________________________

HOGGAAMINTA ERDOĞAN IYO HORUMARKA TURKIGA


Individual level
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan waxaa uu ahaa hormuudka horumarka Turkiga,
waana hoggaamiye lagu tilmaamsaddo halganka, hal-adeegga, hanka sare, ee ku hubeysan
aragtidda talmoon, ogaalka tagtada, eegista taaganta iyo odoroska timaadadda.

Dowladnimo calmaani, daalaa-dhac, iyo dimuqraadiyad taag-taagsi ah, waa inta uu


la'egyahay cimriga dhaxalka dowladnimo ee jamhuuriyadda Turkiga, waxaa jirtey baahi-
weyn oo loo qabey hoggaan horu-socod ah, ee dhaanka dowladnimadda daahey ee wali la-
dhowrayo, dhaqso meel u geeya. Doorashooyinka waa fursada dib u curashadda rajooyinka
horumarineed ee bulshada, waana bartilmaameed baratan ah oo muddo soo socda.
Doorashaddi dhacday sanadkii (28 August 2014) waxaa ku guuleystay Recep Tayyip
Erdoğan oo noqday Madaxweynihii 12’aad ee jamuuriyadda Turkiga, shacabka turkiga
ayaana gushiisa ku sifeeyay in la-helay hoggaankii loo hamuun qabey, ee la hardami lahaa
dib u dhaca, horseedi lahaa horumar iyo horu-socod dowladnimo.

Domestic level
Sanadkii 2016 shacabka turkiga waxaa ay ka hortageen inqilaab militari oo ay wadeen
dhaqdhaqaaqii Fethulahi-Güllen, kaa soo lagu weecinayey dimuqraadiyadda curdan ee
islaamiga ah ee turkiga. Go'aanka geesimiadda ah oo ay shacabka turkiga uga horta-tageen
inqilaabka militari ayaa sabab u noday in laga baaqsado dagaal iyo dib u dhac soo wajaha
dalka.
Interstate level
Jamhuuriyadda Turkida maanta waa mid saameyn dhaqaale iyo siyaasadba ku leh dunida.

WQ: Abukar Mohammed Ibrahim (Xaqdoon)

You might also like