You are on page 1of 5

9/22/2020 Caadooyin Xirfad Darro Oo Dadku Kugu Nici Karaan - Daryeel Magazine

Caadooyin Xirfad Darro Oo Dadku Kugu Nici Karaan

Maadaama oo xidhiidhka bulshadu uu muhiim u yahay gudashada dhammaan waajibaadka shaqo ee

qofka saaran, waxaa qasab noqonaysa in aynu wax iska weydiinno caadooyinka iyo habdhaqannada laga

yaabo in dadka aynu la macaamilaynaa dhibsadaan ama sababa in ay qalad ka fahmaan


shakhsiyaddeenna.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah caadooyin ay qortay shabakadda caanka ah ee
Business Insider oo ay qoraaga Rachel Gillette ku soo bandhigayso caadooyinka aan mihnadda iyo xafiiska

ku fiicnayn ee dadka kugu xeerani dhibsan karaan.

Habsan Shaqada: In qofku caadaysto shaqada oo uu goor dambe yimaaddaa waxa ay ka mid tahay

habdhaqannada calaamadda u ah xirfad darrada qofka, si isku mid ahna ay u necebyihiin masuuliyiinta
qofka shaqada uga sarraysa iyo shaqaalaha uu maamulayaa.

Ka dib-dhaca waqtiyada shirarka: Qoraaga Vicky Oliver ayaa buuggeeda caanka ah ee ‘301 Smart

Answers to Tough Business Etiquette Questions’ ku sheegaysa in qofka oo shirarka yimaadda waqti ka
dambeeya ballantu, ay calaamad u tahay in aanu xushmaynayn dadka shirka ka qaybgelaya ee iyagu

ilaaliyey ballanta, iyo sida oo kale dadka shirka soo qaban-qaabiyey.

Is bukaysiinta: In qofku mar kasta isu muujiyo bukaan iyo in xaaladdiisa caafimaad aanay fiicnayn, waxa

ay ugu dambaynta sababtaa in qofka loo arko in aanu muddo dheer shaqada ku sii jiri karin, waxa aanay
caqabad ku noqotaa in qofku uu helo dallacsiin iyo abaalmarinaha kale ee shaqaaluhu mutaystaan.

www.daryeelmagazine.com/caadooyin-xirfad-darro-oo-dadku-kugu-nici-karaan/ 1/5
9/22/2020 Caadooyin Xirfad Darro Oo Dadku Kugu Nici Karaan - Daryeel Magazine

Cuntooyinka beddela urta neefta ama dhididka: Sunnaha Islaamka ayaa diiday in qofku marka uu toon
ama basal cuno tago jamaca salaadda oo dabcan ay meelaha kale ee dadku isugu imanayaanna la mid

yihiin. Waxaa la ogaaday in qofka neeftiisa ama dhididkiisa oo ur aan fiicnayn lihi ay sababto nicis iyo in

aanay dadku jeclaysan la kulankiisa iyo la shaqayntiisa labadaba. Ku dadaal in aanad cunin cuntooyinka

beddela urta neefta ama dhididka. Ha tegin goobta shaqada illaa aad hubiso in urta neeftaada iyo

dhididkaagu aanay diidmo ku abuurayn dadka kugu xeeran.

Hab-dhaqan taban: Sahamin cusub oo natiijadeeda lagu faafiyey shabakadda ‘Career Builder’ ayaa lagu

ogaaday in boqolkiiba 62 ka mid ah shaqaalaha goobta shaqada wada joogaa aanay jeclayn in la

dallacsiiyo ama abaalmarinno la siiyo shaqaalaha niyadda xun, dhinaca xun wax ka eega, ama inta badan

qaata go’aannada taban.

Su’aal badnaan: Su’aaluhu waxa ay muhiim u yihiin in qofku uu fahmo hawsha u taallo iyo midhaha laga
rabo in shaqadiisu soo saarto. Laakiin waxaa jira dad caado ka dhigta in marka cidda ka sarraysaa ay

waajibaad shaqo siiso, ay su’aalo badan ka weydiiyaan shaqada.

In su’aalo kadeedis uun ah qofka kaa sarreeya aad weydiisaa waa calaamad muujinaysa in aanad doonayn
ama xiisaynayn in aad qabato shaqada cusub ee laguu diray. Iska jir su’aalaha tirada badan ee shaqada ka

hor aad warsanayso, ku dadaal in aad shaqada bilowdo kaddibna su’aalaha qaar iyagu iska jawaabaan,
ama waayo-aragnimada aad heshaa ay xaliso caqabadaha qaar, wixii ka maaranwaa ahna su’aalahooda u
mar nidaam anshaxa maamul iyo shaqo dhowraya.

Nidaamka iyo nadaafad xumada goobta shaqada: Boqolkiiba 36 dadka madaxda ka ah goobaha
shaqada waxaa dhibaato iyo cadho joogto ah ku haya shaqaalaha goobtooda shaqo ay ka muuqato

nidaamdarrada iyo nadaafad xumadu, waxa aanay marar badan ku kalliftaa in ay shaqaalahaas sababtaas
oo keliya u eryaan ama ugu yaraan uga hor istaagaan dallacsiinta iyo abaalmarinaha shaqaalaha la siiyo.

Jooge maqan: Qofka shaqaalaha ah waxaa ceeb ku ah in waqtiyada shirarka ay maskaxdiisu maahsanaato

ama meel kale ka fikirto. Waxaa dhibaato ah in uu ku mashquulo taleefankiisa gacanta, sida in uu farriimo
ka diro ama internet ka galo. Waxa ay abuurtaa dareen taban oo laga qaato daacadnimadiisa shaqo.

Waa ixtiraam darro aad u muujinayso maamulka, shaqaalaha iyo guud ahaan dadka shirka kuugula jira.

Warka ha ka dhexgelin dadka: Qof kastaa waxa uu jecelyahay in uu hadalkiisa dhammaysto si uu ugu

qanco in dadka uu la hadlayaa ay fahmaan ujeedadiisa. Haddii hadalka laga dhexgalana waxa uu qaataa
dareen ah in aan la ixtiraamin aragtidiisa iyo in aan la fahmin waxa uu u jeedo.

Waayahaaga gaarka ah laabtaada ku hayso

Noloshu waa dhibaato u joog, waagii baryaba caqabadihiisa iyo waayihii gaarka ah ayaa ku lammaan,
nolosha oo dhamina waa sidaas oo kale, laakiin sida ugu fiicani waa in geesinimo lagu waajaho. Dhibta
adiga ku haysata dadkana dhib ha uga dhigin. In aad mushkiladahaaga gaarka ah dadka joogto ugala

www.daryeelmagazine.com/caadooyin-xirfad-darro-oo-dadku-kugu-nici-karaan/ 2/5
9/22/2020 Caadooyin Xirfad Darro Oo Dadku Kugu Nici Karaan - Daryeel Magazine

sheekaysato, sida dhibaatooyinka qoys ee laga yaabo in ay ku haystaan, waa arrin aanay dadku soo

dhoweynayn. Sida oo kalana laga qaadanayo sawir ah in aanad marnaba sidii la rabay u shaynayn, oo
fikirka iyo walaaca dhibtaasi kugu haysaa u ugu yaraan shaqada tayadeeda dhimayo.

Siyaasadda iyo shaqada

Siyaasaddu waxa ay ka mid tahay arrimaha ka sheekayntoodu dadka xiisaha gaarka ah u samayso, waa
mawduuc ka sheekayntiisu aanay cilmi sii ridan u baahnayn oo qof kastaa in uu ereygiisa ku darsadaa ay
fududahay, taas oo inta badan ka dhigta macno darro iyo sheeko aan gun laga gaadhin. Dhibta ugu badan

ee ay sheekada siyaasaddu leedahay waa in ay waqti dheer lumiso. Waxa ay khasaare ka dhigtaa waqti
aad shaqo fiican oo dheeraad ah qabsan kari lahayd, iyo waqti aad saaxiibbo iyo gacal iyo sokeeye kula

qaadan lahayd sheekooyin kalgacalka iyo isu soo dhowaanshiyaha sii kordhiya. Xitaa waxa ay xumaysaa
xidhiidhka adiga iyo madaxdaada ama adiga iyo dadka aad wada shaqaynaysaan, waayo waxaa qasab ah

in aad siyaasadda ku kala aragti duwanaanaysaan, dooddeeduna idin kala kaxaynayso.

Doodaha iyo sheekada siyaasaddu shaqaalaha waxa ay ka jeedisaa shaqada, waxa ay maahsanaan gelisaa
maskaxda, waxa aanay la dagaalantaa dhugmada iyo dareenka feejigan ee qofka. Waana sabab macquul

ah oo keenaysa in maamulaha shaqada iyo loo shaqeeyuhu aanu jeclaysan in shaqaalihiisu ay sheekooyin
iyo doodo siyaasi ah ku mashquulaan.

Naftaada ku fooganoow

Qof kastaa iin ayaa uu leeyahay, ceebi cidna kama maqna, waxaana dadka ugu Sharaf badan ruuxa

asturidda iyo u fiirsiga ceebtiisa kaga mashquula sheeg-sheegga ceebaha dadka kale. Dadka qaar ayaa ay
dhaqan ka tahay in shaqaalaha goobta shaqada ay mar kasta faalleeyaan, muuqaalkooda, labbiskooda

iwm. Taasina waxa ay abuurtaa kala fogaanshiyo iyo in qofka oo ogaaday ama dadka kalaba ay kuu arkaan

ruux aan shaqadiisa ku koobnayn.

Waxaa iyaduan hubaal ah in haddii qofka labbiskiisa iyo quruxdiisa aad la dhacdo oo aad ka sheekayso,
ama siyaabo kala duwan u fallayso, ay kaa bixiso sawir qaldan oo ah in qofkan aad ka leedahay ujeedo

kale, gaar ahaan marka qofku uu yahay jinsigaaga jinsi ka duwan; waxaa dhacdaba in jacayl iyo dareen

gaar ah loo qaato.

Xidhiidhka taleefanka iyo buuqa

Goobta shaqadu waxa ay ku habboon tahay, xasilooni iyo deggenaanshiyo. Xafiis buuq, muran iyo doodo

ka dhex socdaan macnaheedu waa in aanay shaqo jirin, ama in qofkii shaqayn lahaa aanu waajibaadkiisa
gudan karin.

Waxaa iyaguna goobta shaqada dhibaato ku ah in aad caadaysato taleefanka ku hadalkiisa iyo xidhiidhka
farriimaha taleefanka ama baraha bulshada. Waqtiga shaqadu waxa uu u baahan yahay xirfad yahannimo

www.daryeelmagazine.com/caadooyin-xirfad-darro-oo-dadku-kugu-nici-karaan/ 3/5
9/22/2020 Caadooyin Xirfad Darro Oo Dadku Kugu Nici Karaan - Daryeel Magazine

iyo in aad maskaxdaada ku jeediso waajibaadka kuu yaalla. Saacadaha firaaqada iyo maalmaha fasaxa ku

qaado xidhiidhka bulshada iyo booqashada ehelka.

Qab iyo santaag: Goobta shaqadu kama maaranto is dhexgalka shaqaalaha iyo wada shaqaynta
wanaagsan kibirka iyo in qofku uu qab la santaagaa waxa keliya ee ay abuurtaa waa nacayb iyo kala

fogaanshiyo, taas oo shaqada dhibaato ku ah. iska jir in aad shaqaalaha iska weynayso ama gaar isaga

faquuqdo.

Afxumo: Ereyga xumi nacayb iyo kala fogaanshiyo ayuu horseedaa, afxumadu waxa ay abuurtaa dagaal

iyo rabshad. Waa xarif darro in qofka shaqaalaha ahi qofka ay is qabtaanba afxumo ugu jawaabaa waxa ay
caqabad ku tahay habsami u socodka shaqada.

Goobta shaqada ha u beddelin meherad aad ku ganacsato: Dad badan ayaa ay caado u tahay in ay

goobta shaqada ka dhex wadaan ganacsi u gaar ah. Waxaa jira dad jumlad ku soo iibsada alaabooyin

fudud oo ay shaqaaluhu u baahan yihiin, kaddibna tafaariif qay faa’iido u saarantahay dib ugaga iibiya

shaqaalaha. Waa khiyaamo iyo shaqadii aad mushaharka ku qaadanaysay oo aad shaqo kale ku hoos
wadato, waayo daqiiqad kasta oo saacadaha shaqada ka mid ah waxaa iska leh goobta shaqada oo kaa

iibsatay.

Waxa ay carqalad ku tahay habsami u socodka shaqada, waxa aanay xumaysaa xidhiidhka dadka wada

shaqeeya oo danaha shaqo ee dhex marayaa ay khatar ku yihiin in ay khilaaf iyo kala urursasho ku

abuuraan.

Waxaa iyaduna la mid ah in qofku uu goobta shaqada ka dhex bilaabo qaadhaan ururin, iyo ol’oleyaal
shakhsi ah ama arrimo shaqada ka baxsdan khuseeya, gaar ahaan inta saacadaha shaqada lagu jiro.

Caadooyin muujinaya sakatiga aad qabto: Waxaa jira xarakaad iyo habdhaqanno calaamad u ah cabsi,

walaac ama sakati uu qofku qabo, waxa aanay taasi kugu soo jeedinaysaa dareenka maamulka shaqada

iyo shaqaalaha. Furayaasha oo aad lusho, qalinka oo aad ka sanqadhiso furkiisa, lugaha oo aad si joogto

ah u lusho ama hadba mid ta kale weydaariso, taleefankaaga oo aad si joogto ah u eegto ama u baadho,
xanjada oo aad calaashato, madaxa oo aad xoqato, iyo ciddiyaha oo aad cuntaa dhammaan waa

calaamado muujinaya in xaalad sakati iyo walaac ah ku jirto, waxa aanay maamulaha shaqada iyo qof

kasta oo dan shaqo idinka dhexeyso tusaysaa in aanad shaqada kuu taalla dareen u lahayn, ama qaban

karin.

Munaasabadaha shirkadda: Haddii aad tahay ruux khajilaad badan, ama aad tahay qof hawlo badan oo
ay u taallo shaqo kale oo ay tahay in uu muhiimad siiyo, ama aad sabab uun u necebtahay ka qaybgalka

casuumadaha ay saaxiibbada shaqadu kuu fidiyaan, ama aad xanuun ku marmarsooto, waxa ay dadka

kugu xeeran u muujinaysaa in aad tahay ruux bulshada ka xidh-xidhan, ama qof ka kibirsan in uu
bulshada farxadda la wadaago. Ku dadaal in aad ka qaybgasho munaasabadaha laguugu casuumo iyo

gaar ahaan kuwa shaqaalaha dhexdooda ah.

www.daryeelmagazine.com/caadooyin-xirfad-darro-oo-dadku-kugu-nici-karaan/ 4/5
9/22/2020 Caadooyin Xirfad Darro Oo Dadku Kugu Nici Karaan - Daryeel Magazine

Qallafsanaan iyo erey xumo: Weligaa yaanay kaa suurtagelin in awooddaada aad uga faa’iidaysato ku

xumaynta qof shaqaale ah. Ka dheeroow aflagaadada iyo in aad shaqaalaha erey xun ku tidhaahdo.

Shaqaalaha aad maamusho dadka dhexdooda ha ku canaanan. Ogowna inta tilmaamta iyo hadalka
dabacsani saxo, ma saxaan ciqaabta iyo canaantu.

Xigasho: wargeyska Geeska Afrika

1 Comment Sort by Oldest

Add a comment...

Naima Abdirahman Mataan


Good point wlhi tnx
Like · Reply · 11w

Facebook Comments Plugin

You May Also Like


Dadka
maskaxda

badan,
5 Qodob Oo 5 5
dadka Caadooyin
Wiil Kasta Dabeecadoo Dabeecadoo Qofka Ku
caqliga
badan,

xikmad,

maskax,

www.daryeelmagazine.com/caadooyin-xirfad-darro-oo-dadku-kugu-nici-karaan/ 5/5

You might also like