You are on page 1of 2

BARBAARINTU WAA BADBAADO

Dhiganah magaciisu yahay MIISAAANKA NOLOSHA ee uu qoray maxamed aw cali cartan (haldeeq) oo la
daabacay 2013(daabacaaddii koowaad) yaa runtii noqday mid aad ii soo jiitay oon jeclaystey inaan
sheekooyinka uu ka koobanyahay mid ka mida meeshan idinkula wadaago. Dhiganahan oo runtii
qoraagu si farshaxannimo leh ugu fara yaraystay ayaa ka kooban sheekooyin iyo qisooyin abbaartoodu
tahay wacyiga iyo waayaha bulshada soomaaliyeed,halaagga iyo hagardaamada ummadda ku haabsatay
aafooyinkii,dhalan-rogmadka,dhaqanguurka ku dhacay bulshada soomaaliyeed,hogaan la’aanta iyo in
tiirka lafdhabarka u ah jiritaanka bulsho iyo inay tiigsato hormar taabbo gal ah oo ah soornaan iyo
sinnaantu markii booskoodii daleel noqday in natiijadeedu noqotay wadciga maanta lagu suganyahay.

Waa dhigane si hufan oo waliba afsoomaali badhaxtiran ku qoran lagana dheehan karo in qoraagu yahay
mid aad ugu xeel dheer aqoon durugsanna u leh dhaqan,afka iyo nolosha dadka
soomaaliyeed.sheekooyinka iyo qisooyinka dhiganaha ku qorani waa kuwa inta badan kuu sawiraya
muhiimadda soornaantu bulsho ugu fadhido iyo haddii la waayo kala yaac iyo aafooyin uu ku haabsan
bulshadaas sida gabyaa soomaaliyeedba uu tuduc ku lahaa “rag caddaalad waayaa sidii cawsha kala
yaacye”.

Haddaba sheekooyinka dhiganahan ku xardhan oo midba midda kale ka sii cajiibsantahay ayaan mid ka
mida jeclaystay inaan halkan idinkula wadaago wallow ay waxoogaa dheertahay qaybo qaybo ayaan
idinkula wadaagi.

“waa nin macallin ah,waa mufti ku xeel dheer sida arday loo barbaariyo, wuxuu ka mid yahay dadka
rabbi hibada iyo aqoonta dheeraadka ah u siiyay cilmu nafsiga ee kolka uu arko qofka wajigiisa
xaaladdiisa qiimeeya waa kabiir muddo dheer macallin ahaa kuna dedaala sidii uu mulshadiisa uga dhigi
lahaa bulsho aqoon leh oo filkeed la beretenta, waa tobabbare qalambaawi ah oo ku cirraystay sida
maskaxda dadka loo laylyo,wuxuu kamid yahay dad yar oo adduunka wax laga weydiiyo markay arrin
cilmi iyo daraasadayn u baahan tahay. Waa xidaariye cabbirka nolosha abla-ableeya,waa oday
taariikhyahan ah oo faalleeya bulsho kasta habdhaqankeeda iyo cidhibteeda dambe halka ay ku
abbaarantahaywaa indheergarad lagu yaqaanno hilaadinta iyo oddoroska saadaasha fog iyo waayaha
soo wajahan,sannad guurtada dhacdooyinka,isbeddelka meerayaasha sare,dabaysha iyo cimilada is
fasaqa ee xiddigaha lagu minguuriyo. Waa aqoonyahan dareenkiisu la shaqeeyo xaaladaha maalinlaha
ah ee soo noqnoqda iyo inta soo korodhaba ,waa nin la socda geeddi socodka dhaqanka iyo si beddelka
jiilasha kala dambeeya.

Waxaa dugsigiisa dhigta kun arday oo kala fasal ah,fasalka lixaad illaa heer dugsi sare,waxa uu dareemay
dhaqanka shisheeye ee alka iyo dadkiisaba qarqiyay iyowebiyaasha lagu soo faruuray ee dhalan-
doorsoonka xambaarsan iyo weerarka kusoo afbeelay,duullaanka cilmiyeysan ee bulshada lagu hayo.
Waxa uu ogaaday inuu aafooyinkan xunxun ee ee da’yarta hafiyay,mawjadaha iyo daadka iska daba
imanaya ee ummaddiisa sita waxa uu doonay inuu arrintaas wax ka qabto. Wuxuu markasta oo uu
xiisadda usoo galayo ardayda usoo hormarin jiray suugaan macaan oo ku habboon guubabada wax
barashada oo dhegaha ardayda soo dhufsata sida gabayga oo uu tiriyay aabbo ubadkiisa u tilmaamayay
faa’iidada tacliinta iyo himilada dheer ee hor taalla waa AW-CALI CARTAN JAAMAC oo qurbo jog ahaa
carruurta iyo reerkiisiina kaga dambeeyeen dalkiisii wuxuuna yidhi

Yaan reerka dhiniciinna yaal idinka dheereyne


imtixaanka yeydaan ku dhicin idinku soo dhaw e
yaan macallinkaad soo dhibteen dhoon idiin qorine
anna yaan war dhiiglihi anoo dhoofsan ii imane
dhegtiinna u tudhoo uunku yuun idin dhalleecaynin.

La soco qaybta xigta.

You might also like