You are on page 1of 96

BUUGGA

AFKA
SOOMAALIGA EE
DUGSIGA SARE.
EE
aad
Fasalka 12

Soomaali
1
TUSMADA BUUGGA
1. Biyuhu waa halbawlaha nolosha.
2. Mas,uuliyad (sheeko).
3. Naxwaha Afsoomaaliga
4. Dardaaran Oday.
5. Waxtarka dhirta (gabay).
6. Miisaanka milgaha qofka. (shirib).
7. Ka macaashnay (Gabay)
8. Ilaalinta deegaanka (qoraallo).
9. Foomka ogolaanshaha jaamacadda.
10. Milgaha bulshada (Gabay).
11. Saynu yeelnaba waa saanu eednay (sheeko).
12. Meeleeyeyaal (naxwe).
13. Tiirka diintu waa salaadda.
14. Waa mahad ALLe (geeraar).
15. Sahan (saar).
16. Kulub ha noolaado (gabay).
17. Asluubta hadalka.
18. Guubaabo (gabay).
19. Dhibaatada Qaxa (sheeko)
20.Dardaaran waalid (gabay)
21. Horumarka Ilbaxnimada (gabay)
22.Maahmaah iyo Murti.
23.Ninkii dawlad khiyaana (geeraar).
24.Odaygii daacadda ahaa (Sheeko).
25.Heeso Hawleed
b) Heesta Geela
t) Heesta Lo'ada
26.Qiimaha baraha.
27.Ninkii damaca waalnaa (Sheeko).
Cutubka 1aad
2
Biyuhu waa halbowlaha nolosha

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo oona qoro qoraal ka mid ah waxtarka biyaha.
 Ka jawaabo su'aalaha

Inta aadan wax ka qorin biyaha ka hor akhri qoraalka:

Biyuhu waa halbowlaha nolosha aduunka oo idil, dunida aan ku nool nahay saddex
meelood labo ama 75% ayaa biyo ah inta kalena waa berri. Alle (SW) waxa uu noogu
caddeeyay in ay xagga biyaha ka ahaadeen noloe dhammaantood "waxaan ka yeelnay
biyaha nolol ashyaada dhammaantood", sidaa daraadeed biyo la'aantood nololi ma
jirteen. Biyhu waxa ay isugu jiraan kuwo ka yimad samada iyo kuwo dhulka,
durdurya, dhammantooda Alle ayaa noogu nimceeyey anaga iyo xoolaheenna.

Biyaha waxaan u isticmaalnaa siyabo kala duwan sida cabbid,, qubays, dharka oo aan
ku dhaqanno, cuntada oo aan ku karsanno iyo beeraha oo aan ku waraabsanno. Waxaa
kale oo ay biyuhu yihiin hooyga kalluunka iyo xaywaanno kale oo weibyada iyo badaha
ku jira. Intaas waxaa dheer in biyuhu naga kaalmeeyaan xagga gaadiidka badda,
Webiyada iyo harooyinka oo maraakiib iyo doomo ay isaga gooshaan waddamo badan
oo adduunka ka mid ah ayaa biyaha kala soo baxo khayraad ay ka mid yihiin
kalluunka, kuwa kalena sida Itoobiya waxa ay biyaha ka dhaliyaan koronto

3
Waxtarka biyuhu u leeyihiin Jirka.
Ardayow ma ogtahay in jirkaaga intiisa badan wuxuu ka kooban yahay biyo. Haddaba
masheegi kartaa waxtarka ay biyuhu jirkaaga u leeyihiin? Sii biyo ku filan jirkaaga
waxtarka biyuhu ay kuu leeyihiin waxaa ka mid ah:

- Qashinka jirkeenna ku jira oo ay dibadda u saaraan.


- Dhiiga jirkeenna oo ay biyuhu si fiican u shaqo geliyaan.
- Dheef shiidka cuntada oo ay ka qeyyb qaataan.
- Kuleylka ama qabowga jirku u baahan yahay oo ay isu dheeli tiraan.
- Jirka caafimaadkiisa oo ay qeyb weyn ka qaataan .
- Jirka dadka qeybtiisa kore oo wasakhda looga meyro.

Biyaha nadiifka ah waxaa laga helaa caafimaad, hadaba si aan isaga ilaalinno
cudurrada, waa in aan cabno biyo nadiif ah ama aan iska karkarino, si jeermiska
looga dilo.

Maadaama biyuhu ay yihiin muhiim waa in aan ilaalinaa deegaanka inagu xeeran. Waa
in aan lagu qubaysan biyaha balliyada iyo ku durdurada lana wasakhayn. Waa in laga
ilaaliyaa xoolaha biyo dhacyada iyo balliyada. Waa in dhirta agaheenna ka baxda biyo
lagu waraabiyaa si annaga iyo xoolaheennaba xaaluf inoogu dhicn, taas oo keeni
karta ugu dambeyntii in aan ka guurnno deegaannadeenna.

Biyaha waxaa ku dhaca isbeddel qaabeed marka ay isu rogaan adke ilaa hoore, hoore
ilaa adke, hoore ilaa neef iyo neef ilaa hoore. Isbedelka heerkulka ayaa sabab u ah
in biyuhu iska-beddellaan qaab oo isu beddelaan qaab kale. Heerkulka biyo hoore ah
oo kor loo qaado ayaa waxaa keena in uu isu-beddelo Uummi biyood oo ah neef.

4
Su'aalaha Casharka

Ka jawaab su'aalahaan adiga oo qoraaya.


1. Waxaan ognahay in uusan nooluhu noolaan karin biyo la'aan, sheeg
faa'iidooyinka ay biyuhu noolaha u leeyihiin adigoo taxaya?
2. Immisa ayuu qofku noolaan karaa biyo la'aan?
3. Maxaa keena nabaad guurka?
4. Balliyada iyo waraha oo la wasakheeyo maxaa inooga imaan kara?
5. Alle (SW) wuxuu Qur'aankiisa noogu sheegay in nooluhu ka samaysan yaahy
biyo immisaa jirka bini'aadamka ah biyo?
6. Maxaa keena isbeddelka biyaha?
7. Meeqa heer ayay mari-karaan marka ay is beddelayaan?

5
Cutubka 2aad

Mas'uuliyadda

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo qoraalka si uu fasalka hortiisa uga sheego wixii uu ka
fahmay
 Ka jawaabo layliga
 Qeexo fal iyo falkaab
 koox-koox uga dooda maahmaada

Hoos u akhri qoraalkan oo fasalka hortiisa ka sheeg wixii aad ka fahamtay

Barashada mas'uuliyaddu waxa ay qof walba ka kaalmaysaa sidii uu ku garan lahaa


qaybta uu ka leeyahay ama ka joogo dadweynaha uu ku dhex nool yahay, waxa ay
kale oo ay ka kaalmaysaa sidii uu qofku uga qayb qaadan lahaa ilaalinta hantida
ummadda ka dhaxaysa. Waxa ay kaloo ka kaalmaysaa ogaashaha xuquuqda uu
leeyhay iyo midda ay ku leeyihiin Bulshada.

Xilka qofka saaran waxa ka mid ah kuwan soo socda:

1. Ilaalinta hantida dadka ka dhaxaysa sida qalabka Dugisyada, qalabka


isbitaalada, korantada, qalabka biyaha ee ceelasha Dawladda, warashadaha
iyo wixii lamid ah.
2. Ilaalinta deriska iyo hantidooda sida guryaha iyo dukaannada
3. Ilaalinta dadka jilicsan sida waayeelka, dumarka, carruurta iyo masaakiinta.
4. Ka xishoodka dadka waaweyn
5. Edeb kula dhaqanka dadka aad isugu timaadaan basaska, dugsiyada iyo
suuqyada.

6
6. Wax ka qabashada munkarka iyo gaalo iska yeelka. Ha ka aamusin haddii aad
aragto dhaqan xumo diinta Islaamka ka horjeedo.
7. Iska ilaali wixii ay dadku dhibsanayaan sida cayda, buuqa badan, muranka iyo
dagaalka.

Dadka dhibka u geysta dadka iyo hantidooda waxa ka maqan aqoonta mas'uuliyadda
ee Islaamku tilmaamayo. Rasuulka (NNKH) waxa uu yiri "Qof waliba waa mas'uul,
waxaana wax laga weydiin doonaa wixii loo dhiibey sidii uu yeelay".

Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay:

1. In uu meesha uu doonaya tago ama dego.


2. In uu nabadgelyo u helo naftiisa, xoolihiisa iyo qoyskiisa.
3. Inla ixtiraamo oo la dhowro sharaftiisa.

Qof kasta waxaa laga doonayaa oo xaq loogu leeyahay arrimahan soo socda:-

1. Inuu la socdo waxyaabaha hareerihiisa ka dhacaya. Waa in uu ku dadaalaa


sida uu xumaanta uga hortagi lahaa, af iyo addinba.
2. Waa in uu u hoggaansamo amarrada diinta Islaamka ee ina faraysa wanaagga.
3. Waa in uu maskaxda ku hayaa xilalka saaran sida kuwa ku qoran bilowga
casharka.

Su'aalaha Casharka
I. Ka jawaab su'aalahan hoos ku qoran

1. Sheeg qof waliba oo Soomaali ahi waxa uu xaq u leeyahay?


2. Maxaa looga baahan yahay in qofku ogaado waxa agagaarkiisa ka
socda?
3. Barashada mas'uuliyaddu qofka maxaa ay ka kaalmaysaa?
4. Burburka Soomaaliya oo naf iyo maalba leh maxaa sababay?

7
II. Ereyada ay xariijintu hoos marsan tahay kuwo la macno ah keen.
Tusaalaha fiiri.
III.
1. Hantidu waa deeq Alle bixiyo.
Hanti = Maal.
2. Qof waliba oo muslim ah waxaa ku waajib ah in uu aqoon raadiyo.
3. laab Sinnaanta dadka sharciga hortiisa waa muhiim
4. Kal iyo laab furan ku shaqee
5. Dhawr waqtiga mar waliba
IV. Maahmaah
1. Alla aamin ma iisho.
2. Baadi lo'aad biyaa loo fariistaa.
3. Balaayo laguma bato
4. Aqoon la'aan waa iftiin la'aan.
5. Bidhaan fog waa loo arag badiyaa.
6. Nin daad qaaday xumbo xuskaday.
7. Maal nin leh ayaa dhaqa.
8. Bakhti wareen waa xaaraan.
9. Ballan waa dayn.

8
Cutubka 3aad
Naxwaha Af-Soomaaliga

Waa maxay Naxwe ?

Sida aan ognahay luuqad waliba waxa ay leedahay qaab dhismeed luqadeed oo loo
yaqaanno naxwe.
Naxwe waa xubin muhiim ah oo saldhig u ah dhismaha hadalka, waxay luuqadi
leedahay qaab dhismeed inoo kala muujinaya qeybaha kala duwan ee uu leeyahay
hadalku ama ka kooban yahay. Hadaba qaab dhiska ay luuqaddu leedahay ayaa loo
yaqaannaa naxwe, waana qeybahaas hadalka oo idil ka kooban yahay.
Qaybaha hadalka waa: Magac, Magac-u-yaal, fal, Falkaab, Tilaame, Qurub iyo Lifaaq,
Xiriiriye IWM.

I. Qeexida Magac

Magac waa eray sheegaya magac qof, magac goob, magac shay, iyo magac
xayawaan. Haddaba magac wuxuu leeyahay saddex sumadood oo u gaar sida
Lab iyo dhadig, keli iyo wadar iyo qodobbada raaca lab iyo dhedig sida (Ta iyo
Ka). Magacyadu waxa ay u kala baxaan afar qeybood oo kala ah magac gaar ah,
magac guud, magac wada-jir, magac qarsoon.
Waxaa magac wakiilka ah magac-u-yaallo oo buuxinaya kaalinta magacu uu ka
maqan yahay.

II. Qeexida Fal


Falka waa eray muujinaya hawlgal la fulinayo oo ku salaysan xilli socda, tegey,
soo fool leh had iyo jeer iwm.

Summada uu leeyahay ee u gaarka ah falka waxaa ka mid ah: Isaga oo la jaanqaada


ama isla beddela xilliyada/gooraha kala duwan ee falka la fulinayo. Falku qaababka
uu u shaqeeyo waa badan yihiin, sida tusaale ahaan aan u qaadan karno fal amar,
faljooge socda, fal foolane IWM. Kuwaas oo mid waliba goorayntiisa ku salaysan
tahay isbeddelka waqtiga.

9
III. Qeexida falkaab:
Waa caawiye tilmaame, falkaab kale ama fal.
Falkaabku waxa uu qaybsamaa

1. Falkaab qaabeed Xasan Waxa uu ku yimid tartiib


2. Falkaab waqtiyeed Hassan waxa uu yimid hadda
3. Falkaad heereed Ibraahin waa nin aad u daalan
4. Falkaab meeleed Bilaalow imaw halkaan
Aan eegno markaan seddexda qaybood ee uu raaco falkaabku ee kala ah:
1. Falkaabka iyo falka.
2. Falkaabka iyi sifada.
3. Falkaaba iyo falkaab kale.

1.Falkaabka iyo falka


Falkaabku waa kaabaa falka

Tusaaleyaal:
Aad baa inanku u ordi hayay mar kii uu dhacay.
Hal kan baa aannu fariisannaa.
Si xun baa Cali u hadlay.
Xoog baa ay u qaylisay.

Berri ayaa Cali imaan doonaa, haddii Eebbe Idmo.

Weerahaan kore, ereyada waa weynaysaan ee aad u, hal kan, si xun u iyo xoog u
iyo berri waa ereyo ah falkaabyo. Dhammaan waxa ay kaabayaan falalka weeraha
oo ah ereyada ordi hayay, fariisannaa, hadlay, qaylisaa iyo imaan doonaa.
mar kaa sidaa aad u arki haysid, falkaabku waa erey wax ka sheega falka. Waxaana
uu inoo sheegaa sida falku u dhacaayo amma u dhacay; meelaha uu ka dhacaayo,
goorta la filaayo in uu dhaco iwm.

10
2.Falkaabka iyo sifada

Falkaabku sifada tayada ahna waa uu kaabaa

Tusaaleyaal:
Cunto badan baa Cali loo keenay
Cunto aad u badan baa Cali loo keenay.

Inan dheer
Inan aad u dheer

Sifada weerta koowaad, waa ereyga badan. Weerta labaad, waxa sifada xagga hore
ka raacay ereyada aad u oo ah falkaab.
Weeraha saddexaad, sifadu waa ereyga dheer. weerta afaraad, waxaa xagga hore
ka raacay sifada ereyada aad u oo ah falkaab.
Weeraha oo dhan, falkaabku waxa uu kaabi hayaa sifada oo waxa uu inooga
sheegayaa sida ay u badan tahay cuntadu iyo sida ay u dheer tahay inantu. Mar kaa
falkaabku sifada waa uu kaabaa.

j. Falkaabka iyo Falkaab kale


Falkaabku falkaab kalena waa kaabaa.
Tusaaleyaal:
Si kulul baa Cali ula hadlay wiilka.
Si aad u kulul baa Cali u la hadlay wiilka.
Ereyada waawaynaysan ee si kulul u ee weerta hore waa falkaab. Falka uu
kaabaayana waa erayga hadlay. Waxa falkaabku inoo sheegi hayaa sida Cali u la
hadlay wiilka in ay tahay si kulul.

Weeraha dambe, ereyada falkaabka si kulul u waxa ku soo kordhay ereyada aad u.
Ereyadan dambana waa falkaab kale. Falkaab kan dambe ka hore ayaa uu sii macnayn
hayaa. In kulaylku ka sii xoog badan yahay sidii weeraha hore ayaa uu inoo
sheegaayo.
Markaa waxaa halkaa inooga cad in falkaabku falkaab kale kaabi karo oo wax ka sii
sheegi karo sida falkaabku wax uga sheego falka.

11
T. Tubta falkaabka
Falkaabku meel baa uu ku leeyahay weerta oo uu ka fariistaa. Waa uu ka horreeyaa
falka iyo sifada uu kaabaayo. Falkaabkana waa ay is dhex galaan.

Fiiri Tusaalayaalkaan:
Qun yar u soco.
Xoog baa Cali u shilis yahay
Si aad u fool xun baa loo caayay inanta.
Weerta u horreysa seddaxda weerood, falkaabaaku waa mid fal kaabaayo.
Falkaabkuna waa ka horreya falka uu kaabaayo. Falkaabku waa ereyada qun yar u.
Falka falkaabku wata uu kaabaayo ereyga soco. Markaa falkaabku waa hormaraa
falka uu kaabaayo.

Weerta labaad, falkaabku waa mid sifo kaabaayo. Falkaabkuna waa ka horreeyaa
sifada uu kaabaayo. Falkaabku waa ereyada xoog u. sifada la kaabaayana waa ereyga
shilis.

Weerta saddexaad, falkaabku waa mi dkaabi haya falkaab kale. Labadii falkaab waa
is dhex galayn. Falkaabka wax kaabaya waa ereyada aad u. Falkaabka la kaabaayana
waa ereyada si fool xun. Markaa labadii falkaab waa is dhex galayn.

Markaa falkaabku waa ka hormaraa falka iyo sifada uu kaabaayo, falkaabkana waa
ay is dhex galaan.

Su'aalaha Casharka
ka jawaab weydiimaha soo socda
1. Waa maxay fal?
2. Waa maxay falkaab?
3. Sheeg summadaha u gaarka ah falka.
4. Waa maxay magac-u-yaal?
5. Sidee loo adeegsadaa magac-u-yaalka?
6. Sidee loo adeegsadaa falkaabka?
7. Ka soo saar falkaabka ku jira weerahaan hoos ku qoran.
b) Imaw Jaamacadda Berrito
t) Imaw halkaan haddii Eebbe idmo.
j) Xasan waxa uu u socdaa si tartiib ah.
x) Fadlan xoog u orod oo ii keen kitaabka Qur'aanka

12
kh) Ha noqon si xun wax u sheeg.

Cutubka 4aad

Dardaaran oday

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo gabayga iyo ereyada ka dambeeya
 Ka jawaabo su'aalaha ka dambeeya gabayga.

Nin gabyaa ahaa oo ku magac dheeraa ina Cabdulle Muuse lana oran jiray Yuusuf
Cabdulle Muuse ayaa gabaygaan curiyey. Yuusuf markii uu arkay in uu da' noqday
ayaa waayo aragnimadiisa tustay in uu dadka raad kaga tago uu la dardaarmo, waxa
uuna dadka kala sii dardaarmayey wax yaabo nolosha ku habboon ee dunida la xiriira
waxa uuna yiri:-
1. Haddii dunida lagu waarayoy daayii noqoneyso
2. Waxaa laga dileen nebiyadii laysu soo diraye
3. Asaxaabihii baa degeen daahirka ahaaye
4. Faadumo iyo dirkeedii ayaan dumug yiraahdeene
5. Daabaa ku noolaan lahaa delegyadoodiiye
6. Anse waxaa daliishaday inaan laga dambeyneyne
7. Dawliilka uun baan arkiyo diray arwaasdiiye
8. Durdurkii .makaad iyo xajkaari daalib leeyahaye
9. Deeblahabkaan. geela iyo ariga waa dalaal marane
10. Daaraha la'weegaarayaa waa aduun dumaye
11. Udadaala diintiyo waqtiga daacadna ahaada,
12. Cabdalaha dushiisiyo ayuu deyro kale sheegan
13. Darkii odayadii hore xidlieen dalagu yuu goynine.
14. Doqon xaajo waa kaa dilaa dibadaba u tuura.
15. Shisheeyuhu hadduu idin danqaro dogob u nooleeya
16. Rag idaayakaaama tagee dab u fagaareeya.

13
17. Meeshii daledaa musaka bahalku doonaaye
18. Duldhabaha waxa loo saarayaa yaan dugaag marine,
19. Is dugsada walaal kala durkaa dagan dharaartaase,
20.Anna dulka aan celinay iyo daaddka aan moosi
21. Dal shisheeye waagaan tagee Idinka duukeeyo
22.Amase mowdku igu soo dagee dabaqa laysaaro.
23.Dadbtiyo aloolkaan ahaa dib u shalaantooda.

Sharraxa Ereyada

Asaabihii baan dageen : Asaxaabihii baan dhinteen


Faadumo : Waa inantii nebiga Muxamed dhalay (SCW)
Dirkedee :Caruurteedii
Damug yiraahdeen : Madheen
Daaha : Nebi Muxamed (NNKH)
Degaladoodii : Guryahoodii
Dowliilka : Bidhaanta
Daleel maran : Dhalanteed
La meegaarayaa : La dhisayaa
Idin manqaro : Indinka taabto
Darku: : waa wadaanta ceelka biyaha lagaga dhuro
Duldhabaha : Waa ooda badan
Is dugsada : Waa isku tiirsanaadaa
Idinka dudkeeyo : Idina tago
Dabaqa leeysaro : luxudka laysaaro

14
15
Su'aalaha Casharka

1. Yaa curiiyay Gabayga?


2. Sheeg sababta uu u curiyay gabyaagu gabayga?
3. Maxaa uu ula jeeday gabyaagu markii uu yiri:- Faadumo iyo diirkeedii
ayaan dumug yiraahdeen.
4. Sheeg macnahooda ereyada kala ah: Dowliilka, waarid, luxud,
dhalanteed iyo daaca.
5. Maxaa Nebiga iyo asaxaabtiisa had iyo jeer tusaale kku dayasho mudan
loogu soo qaataa? sheeg sababta?
Curis: Curis gaaban ka qor ujeeddada uu gabaygu u tiriyey curiskani

16
Cutubka 5aad
WAXTARKA DHIRTA (GABAY)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo gabayga kana jawaabo layliga ka dambeeya

Gabaygan oo uu tiriyey Axmed-Nuur Gamaje waxa uu ka hadlayaa dhirta


waddankan ka baxda nooc yadeeda badan iyo manaafiicdooda aan la koobi karin.
Axmed umay suuro gelin in uu dhir wixii waddankeenna ka baxa oo dhan ku
koobo gabaygiisa, isaga oo dhawraya habka gabaygiisu u dhigan yahay, hase
yeeshae tuducyadan gabaygiisu ka kooban yahay inta ay koobi karayeen wax kamuu
dhaafin. Waxa uuna gabaygiisii ku yiri:
1. Waxaan idin muhiibsiinayaa, geedo magacoode,
2. Maqla qaar manaafiic leh oo, miidhan baa jira e,
3. Midhaa darayga iyo tiinku waa, muunad goonniyahe
4. Yicib madaxle waa maar haddii, meel aad dhigataaye,
5. Garaska mooyayaashale ninkii, miiggan baa garane ,
6. Midhayo gaaban mudhe muud dhanaan, wacari iisaanle,
7. Masaalkeeda caashacada dhebi, iyo madheedhkaa cas,
8. Gommosh maararoowliyo hohobif waa manfaco weyn,
9. Gob macaan daboobays marxala, midhamddow toosan,
10. Minyartii ja eelo iyo-kordhise, iyo magaca geedsaarka,
11. Intaas waa wixii miro leh iyo, maakin lagu dhaafooye,
12. Gun ballaar mar lagu oon bixiyo, madaxyarow goonka,
13. Cillal meel ku yaal Dhagax lehiyo, magac Karaydhooyin,
14. Marraag-xadhigan go'in coodan baa, laga maleegaaye,
15. Waa magac-ka-kow gocoso iyo jamarri muuqdaaye,
16. Meelbuu ka foocaa likuu, milay kaliileede,
17. Mar dambuu tamaayuluq noqdaa, madaxi aasnaaye.

17
18. Midab cad waarikeed waa dundumo, wuxuu ka muuqdaaye t
19. Barrashku hoosta waa mana korkana, muuqa kala dheere,
20. Marooriyo xangeeyiyo cambuul, mayay gu'soo saaray,
21. Mararri iyo xamakow gacayr, midabyo giirgiiran,
22. Intaasuna curdayn madaxlehiyo, maandhe waa bariye,
23. Aan u meero eegana halkay, muhatay laabtayda;
24. Haadaan mudh iyo kidigu waa, loox marxaladiise,
25. Xagar-madow iyo yoocaduna, waa markiyo haane,
26. Malmalka iyo hadi beeyo waa, kayn manfaco weyne,
27. Migil iyo argeegiyo qabuu, mudac tolaayaaye,
28. Muruxaa garbida iyo qaroon, maakin loo goraye,
29. Morohda iyo yucub koorle iyo, maydhanow lebiga,
30. Mowliyaa qildida eerigiyo mayraxley qaranro
31. Dacarta iyo meegaar xaskula, duur la maranaayo,
32. Mirrawga iyo laaleeska iyo, maahmah ruqumbaaya.
33. Midabka cawsku waa badan yahayee, mooradii saxati
34. Maadhiyo gargooriyo dhurbiyo caws-alool madaxle
35. Maraaga iyo galoolka iyo qudhac, amase meygaaga,
36. Ma'ays iyo warsaamays cadaad, maradka kaa qaadda,
37. Markan kuma dhammayn kayo wixii, meel ka baxay kayne,
38. Midka yariyo geed koodaweyn maanka ka ogaada,
39. Muraad nin u leh mooyee ayaan, layska male-goynin,
40. Maamus u yeelo kurtiin, magan-dhaqaaleeya.

Su'aalaha Casharka

1. Adoo la kaashanaaya macailinkaaga Suugaanta, iyo dadka aqoonta weyn u leh


dhirta kala duduwan, ee waddankeenna ka baxda, manaaficdeeda iyo dhulka
kala jaadka ee ay ka baxdo, waxa aad soo qortaa geed walba oo gabaygan ku
tilmaaman manfaciisa, meesha uu ka bixi karo, iyo haddii magacyo kala
duduwan looga yaqaan meelaha kala gaarka ah ee uu kabaxo
2. b) Tuduca 3-11: Dhirta uu tuducyadaa dhexdooda ku tilmaarnay Axmed, wax
buu gebi ahaantooda ka dhaxaysiiyey, waa maxay waxaa ay wadaagaan?
t) Tuduca 23 «intaasuna curdayn madaxley iyo maadhi waa badhiye> Mid-mid u
magacow dhirta uu tuducan ku soo koobay, una kala saar curdayn iyo badhi?
j) Dhirta xagga dhismaha innaga caawin karta ee gabayga ku jirta maxaa ka mid ah?

18
x) Labada tuduc ee u-dambeeya gabayga, waano ku saabsan dhaqaaleynta dhirta
ayaa uu Axmed inoogu soo jeedshay. Maxay tahay waanadaasi?

Curis: Nebi Yuunus (CS)

Akri qisadan gaaban ee Nebi Yuunus (CS) ku saabsan

Marka hore fiiri sida loo qeybiyey qoraal qisada.

Qeybaha qisada waa:

1. Magacii kale ee Nebiga loo yiqiin


2. Dadkii iyo dhulkii lo diray Nebi Yuunus
3. Falkii ay sameeyn jireen.
4. Nebi Yuunus jawaabtii uu ka bixiyey.
5. Ugu dambeyntii Alle (SW) waxa uu siiyey.

Nebi Yuunus waxa sidoo kale la dhihi jiray saaxiibul xuut (The companion of fish),
Nebiga waxaa loo soo diray dadkii loo yaqaanay Reer 'ninevah' kuwaas oo ku
noolaayeen hareeraha webiga loo yaqaan Tigiris ee ku yaal dalka Ciraaq. Waxaa la
sheegay in dadkii lo diray ay sameyn jireen oo noloshoda ka mid ahed in ay
sameeyaan dembiyo waaweyn ee halis ah. Nebi Yuunus waa waciyey oo waa uu u
digey laakiin waa ay diideen. Jidkii toosanaa ee Alle (SW) Raalli ka ahaa. Nebi
Yuunus markii uu ka daalay ayuu iskaga tagay asaga oo amar aan ka qaadan Alle (SW)
waxa uuna raacay doon taasoo ay ruxday dabeyl weyn markii uu raacay kadib
nimankii doonta watay waxa ay u qaateen in uu nebiga u keenay dhibaatada ay
doonta la ruxmayso waxa ayna kku tuureen badda.

Waxaana liqan Kalluun weyn. Nebi Yuunus (CS) waxa uu xaqiiqsaday khaladkiisii waxa
uuuna Alle (SW) weydiistey cafis. Alle (SW) waa uuna cafiyey waxa uuna amray
kalluunkii in uu tago xeebta soona matago. Nebiga markii uu kalluunka yeelay amarkii
Alle (SW) oo uu ku matagay xeebta ayuu Alle (SW) u fidiyey geed dirin oo kale ah
oo jilicsan.

19
Hadda waxa aad wax ka qortaa curis ilaa 15 sadar ah ee ku saabsan Nebi Ayub (CS)
curiskaaga u samee qaybo (out line) dabadeed qor.

Cutubka 6aad
MIISAANKA MILGAHA QOFKA
(Shirib) Sh.Xasan Calasaw.

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo tixdaan kana jawaabo su'aalaha ka dambeeya

Akhri tixdaan oo ka jawaab su'aalaha ka dambeeya.


Sheekh xasan calasow,waa nin murabi ah,oo wax badan ku soo dhex jiray hawlaha
waxbarashada ilaa iyo haddana ku dhex jira, waa macallin, waana daaci caan ku ah
dadka sida wax loogu sheego.
Waa maxay shirib?
Shiribku waxa uu ka mid yahay qaybta tixda ama suugaanta afka Soomaaliga ,gaar
ahaan laanta maansada oo ah laamaha maansada Soomaaliyeed tan ugu baaxadda
weyn.
Shiribku waxa uu u kala baxaa qaybo kala duwan ,waxa uuna sida badan xambaarsan
yahay oo lagu gudbiyaa murti iyo xigmado faro badan oo ka hadleysa qaybaha
nolosha bulshada .
Shiribku waxa uu ka mid yahay suugaanta laga isticmaalo koonfurta dalka
Soomaaliya, gaar ahaan qeyba ka mid ah gobalka mudug ila laga gaaraayo halka ugu

20
dambeysa koofurta dalka,waxa uuna leeyahay magacyo kala duwan,sida
shirib,shurub,weerar,shir iwm.
Shiribku waxa uu leeyahay hab iyo hannaan loo lebisto marka la doonaayo in lagu soo
bandhigo munaasabadaha waa weyn ,waxaana ka mid ah hannaankaas lebis qurux
badan oo lagu lebisto dharka hiddaha iyo dhaqanka, gaashaamon xardhan,warmo
bilcsan,iyo hannaan qurux badan oo ay isula jaan qaadayaan barbaarta gaashaaman
ee shirbeysa habka loo soo bandhigo waa in uusan noqon mid aanan waafaqsaneyn
qiyamka Islaamka maadaama aan nahay dad Muslim ah.
Tixdaan shiribka ahi waxa ay noo tilmaameysa aqoon iyo waaya aragnimo qota dheer
ee laashinku u leeyahay miisaanka wax lagu qiimeeyo, waxa uuna Sheekhu tuxdaan
kooban ku cabiraayaa dareenkiisa ku aadan qofku waxa uu qiimo ku yeelan karo ,
waxa uuna yiri:

1. Afar walxaad alif ku taal * Afar kale eey u egyihiin (fure )


2. Insaanka kaan Alle aqoon * Ibliiska weysu egyihiin.
3. Ardayga kaan aqoon laheyn * Ummiga weysu egyihiin.
4. Idaaro aan la aamiineeyn * Abeeso weysu egyihiin.
5. Ummadan aayatiin aqoon * Ilmuhuu weysu egyihiin.
6. Intaas nimaan ogaan kareyn * Ummad wax u anficimaa.(nikax)

SU,AALAHA CASHARKA.

Akhri tixda mar kale dibna uga jawaab su,aalaha soo socda:

1. Maxa uu laashinku ka hadlaya?


2. Maxaa uu ku shaabahay Sheekhu ruuxa sida xun wax u maamula?
3. Sheeg meelaha ay isaga egyihiin ilmaha aan wax kala ogeyn iyo kuwa ummadda
hor booda oo aan garaneyn waxa ummadooda anfacaaya?
4. Maxaa laga doonayaa ardayda waxbaraneysa mar haddii ay ku dhax jiraan
hawlaha waxbarashada?.
5. isku day in aad keentid tixa kale oo ka hadleysa isla ujeeddada tixdu ka
hadleyso.

Maahmaahaha Casharka.

21
Koox koox uga dooda maahmaahdaan hoos ku qoran
- Aqoon la,aani waa iftiin la,aan.
- Aqoontu waa irmaan aan kaa gurin.
- Ilbaxnimada dunida aqoon baa u indha ah.

CUTUBKA 7aad

Ka Macaashnay (Gabay)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo Gabaygaan fahmana dulucda Gabayga
 Inuu sharraxo erayada gabayga ku jira
 Ka jawaabo su'aalaha ka dambeeya

Horudhac

Gabaygan waxa tiriyey Ustaad Cabdirashid dhaqane Axmed oo ka mid ah

macalimiinta Soomaaliyeed, waxa uuna ka hadlayaa mas’uuliyadda wayn ee uu

macallinka Soomaaliyeed xambaarsan yahay horumarinta bulshadiisa dhinaca

tacliinta iyo kobcinta garaadka ubadka Soomaaliyeed iyo sida uu bari uga ahaa bur-

burintii loo geystay dalka waqtigii dheeraa ee dowlad la’aanta lagu jiray.

Macalinka Soomaaliyeed waa kan umadda ka soo badbaadiyey haadaantii aqoon

la’aaneed iyo jahligii xilligii uu bur-burka dalka ka jiray, waxa uuna ku guulaystay in

uu isku xiro sooyaalka tacliinta Soomaaliyeed (kii hore iyo kii dambe), wuxuna yiri:

22
1. Milgaa gabay haddaan Maxamadow Uga muraad yeesho

2. Hadba moosinkuu taagan yahay ayaan Kaga maliilaaye

3. Aan majeerto maantana halkay Mohatay laabtaydu

4. Maalinta tan maanta ah haddaan Maadha ka caddeeyo

5. Waa munaasabad weynoo Dunida Laga majeertaaye

6. Maamuusku waa macalinimo Marag furkeediiye

7. Maqrib iyo baraa laga Xusaa Meel la joogaba e

8. Malakul Jabriil baaw horeey Macallim koonkaane

9. Messenjarada Ambiyada ayuu Maamulkood wadaye

10. Nabi Moxamed (NNK) baa ugu dambey Magangalkoodiiye

11. Haddaan macalimiinteeni hore Dib u milaaleeyo

12. Macalim jaamac meeshuu Maraan Cidina moogeyne

13. Muftigii Al-Koownayn majiro Ruux la meel dhigaye

14. Maxamuudigii Axmed Calaan Maanka ku hayaaye

15. Mugdigii cadada loo bedelay Tagu mataanowye

16. Mahwi ceela weeyoo bulshada Laga milaalaaye

17. Ka macaashnay manfacoodi iyo Mirahay beereene

18. Waa mudan yihiin inaan xusnaa Maalin iyo layle

19. Mowlow Allahayow adaan Kuu maciin ahaye

20.Macsharkii qiyaamaha markii La isu soo muuqdo

21. Maalintaan macaash iyo Lahayn Maalqab iyo xoolo

22.Ee milicdu mayl taagan tahay Madaxa guudkiisa

23.Miisaanka Eeb0w u geli Wa ay mutaysteene

24.Oo uga maciim xaajadaa Waa mushkilad weyne

25.Afartaa malkeeyaye hadaan Meeris kale eego

26.Mushaakiladu waagay dhacdee Magacu naafoobay

23
27.Ee Soomaali kala miirantee Qolaba meel aaday

28.Masiibooyinkiyo aafadii Nalaku maasheeyey

29.Ee middiba middi loo tuntee Mowdku ka adeegay

30.Madfaciyo rasaastii markii La isu miisaayey

31. Ee meesimada loo Go’aan Cidinna moogeyne

32.Meleteri maqaamkiyo markuu Magacu weydaartay

33.Ee mas’uul yadiisii qabiil Lagu makaakeeyey

34.Mooryaan careysani markay Malalaflaynaysay

35.Ma ay galin macalimiintanadu Heerkan maanacane

36.Marqaataan ka nahay shacabkayow Tii lasoo maraye

37.Lama arag macallim tuug ah oo Meel xun yuurara e

38.Lama maqal mid mooryaan ah oo Maata dhacayaahe

39.Ma uu jirin mid meereysta oo Midigta taagtaaye

40. Inkastooy macluul iyo qabeen Mahadhadii gaaray

41. Ku mitide mustawahoodi iyo Meheradoodiiye

42.Mowjado macaan bay Intaa Kuu melmelayaane

43.Waa muraayad lays daawadoo Minanka kuu taale

44.Maal kama shaqaystaan bulshada Maqaddin mooyaane

45.Manfaciyo dadaalkay hayaan Waa la mahadshaaye

46.Waxba gabaygu yuu iga mirane Waxan ku soo moosay

47.Marxaboon iraahdiyo makaro Midig aan saaraaye

48.Maxabiyo salaan baan u diray Meel u joogaba e

49.Magaciin ha waaree Waxaan Idin mahiibsiiyey

50.Maantadatan maanteeda kale Samo ku maashooda

51. Masiibooyinkana Eebahey Ha idin moodsiiyo

24
NO Erayga Sharaxa ereyada

Milgaa gabay qiimaha gabay


Moosinkuu taagan yahay xaaladda la joogo markaa ee mudan in laga
gabyo
Kaga maliilaaye ka cabbiraa; ka gabyaa
Aan majeerto aan u gudbo
Maadha ka cadeeyo xayga ka qaado; daaha ka rogo
Maqrib iyo baraa labada qiblo ee qoraxdu ka soo baxdo una
dhacdo
Macallim koonkaa macallim aduunkaan; macallimkii ugu
horeeyey adduunka
Dib u milaaleeyo dib u jaleeco; dib u milicsado
Mahwi ceela weeyoo ceel buuxa oo uu kaga jeedo macallimka
aqoontiisa
Bulshada laga milaalaaye bulshada laga waraabiyaa
Macshirkii qiyaamaha banka yoomal qiyaamaha
Mugdigii cadada loo bedelay Jahligii aqoonta lagu bedelay
Meesimada loo go’ay tarab-tarab loo dhamaaday; kooox koox
laysu duugayey
Lagu makaakeeyey qabiil lagu ibtileeyay
Malalaflayn gaalaa bax ; gaaf wareegid ( baarasho dhac
iyo isbaaro)
Heerkan maanacan dhaqankan xun ee aan la aqbali karayn
Mahadhadii gaadhay dhibtii gaadhay
Kuu melmelayaa kuu soo bandhigayaa oo uu ula jeedo
aqoonta macallimka ku jirta
Maqadin mooyaane sharaf iyo magac mooyaane
25
Idin mahiibsiiyey idiin hibayey; idiin hadiyeeyey

26
Su'aalaha Casharka

1. Gabayga yaa tiriyey muxuuse ka hadlayaa?


2. Ma sax baa Ustaadku cidda macallim koonkan ugu horeysay ee uu gabayga ku
sheegay? Faalo ka bixi
3. Mushaakilada goorta ay dhacday waa goorma ee Ustaadku gabayga ku
sheegayo?
4. Ma leeyahay macallimku sifooyinka gabayga lagu sheegayo?
5. Qor 5 sifo oo gabayga ku jirta ee macallimku leeyahay.
6. Waa maxay heerka maanacan ee aysan macallimiintu galin ee Ustaadku
sheegayo?
7. Ma ku raacsan tahay gabayga inaysan macallimiintu ka qayb qaadan
dagaaladdii sokeeye?
8. Sharax tuducan gabayga ku jira “ Ee middiba middi loo tuntee mowdku ka
adeegay”
9. Sidee Macallimku u yahay muraayad minanka kuu taalo? ka faalood?
10. Maxay tahay dulucda guud ee uu gabaygu xambaarsan yahay? Faallo kooban
ka bixi?

27
Cutubka 8aad
Ilaalinta Deegaanak

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Dhowro deegaanka
 Sheego sida loo ilaalinayo deegaanka
 Sheego sida loo beero dhirta.
 Wax ka sheego dhagaaleynta dhirta deegaanka
 Akhri qoraalkan kana jawab su'aalaha ka dambeeya
 Diyaariyaan qodobo shir waxne ka qoraan

Akhri qoraalka kana jawaab su'aalaha

Hordhac:
Casharkan waxaa loo la jeedaa in la fahmo qiimaha dhirtu deegaanka ay u leedahay,
iyo dhibaatada ka imaan karta xaalufinta iyo nabadguurka deegaanka.
Adauunyada aannu ku nool nahay waa meel qurux badan. Allana wuxuu wakiil uga
dhigay Aadamaha inuu sidii loogu talagalay ugu dhaqmo Dhulka waxaa laga helaa
buura, dooxooyin, Kaymo, Bado, Wabiyo iyo Harooyin qurux badan. Waxaas oo idil
waxay ka mid yihiin Deegaankenna. sannadyo fara badan waxaan ku guul darraysanay
inaan ilaalino deegaankeenna, sababtoo ah waxa aad arkeeysaa in geedihii lajarayo
ayadoo ujeedooyin badan laga leeyahay . Dunida waxaa lagu arkayaa in meelo keeymo
aay ku yaaleen la jaray oo laga dhigay dhul bannaan, ujeedadeedu tahay in beer laga
dhigo meelaha qaar ee dhirta laga jaro waxay noqdaan meelo bannaan oo aay
carradu noqoto mid qaawan . Dhirta dhulkaas laga jaray waxaa laga dhigaa Dhuxul.
Arrintaan waxaa ku caan ah dalka Soomaaliya oo aad ku arkeeyso dekadaha waa
weyn iyo kuwa macmalka ah baabuur fara badan oo dhuxul sidda . dhuxushaas waxa

28
loo dhoofiyaa dibadda waxaana lagu badashaa lacag adag. Sidoo kale waxaa wasakh
summeeysan lagu daadiyaa badaha iyo wabiyada .dhalkeenna. Soomaaliya waxa ay
leedahay xeeb dheer waxaana la sheegaa in maraakiib ay wadammadooda kasoo
qaadaan wasakhda warshadahooda oo ay ku daadiyaan xeebaha badda soomaaliya .
taasna waxa ay ugu faa'iideeysteen dhowlad la' aanta ka jirto wadanka muddo
dheer. Tan kale waxay ku tuseeysaa in dadka aynan laheeyn wadanka oo aay ka
guurayaan .
Dadka ma ilowsan yihiin marka ay geedaha gurayaan inay baabi'inayaan deegaanka
xayawaankooda uu ku nool yahay, waxna ku dhala kuna dhaqma . Dadka ma illoowsan
yihiin in hadii dhirta la dhameeyo aysan heli doonin wax ay shitaan , harsadaan .
Dadku ma iloowsan yihiin in dhirtu u tahay iyaga iyo duurjoogtaba gabbaad nolosha
ku habboon. Dadka ma iloowsan yihiin, haddii dhirta lajaro xoolaha la dhaqdo iyo
kuwa kalaba in ay qaxayaan . Dadka ma iloowsan yihiin in dhirtu tahay indhaha
nuurkooda. Hadda waa waqtigii aan ku baraarugi laheen in aan badbaadinno
deegaankeenna si aan u dabaqabanno waxa haray. Waddamada qaar waxaa laga helaa
dad xannaaneeya dhirta kana badbaadiya wixii cadaw ku ah.
Waxay abuuraan dhir aay ku kordhinayaan deegaanka haddii ay jirto kuwa la jaray.
Waxay ka hor tagaan carro guurka. Waddamo badan ayaa ka mamnuuc ah in la jaro
dhirta. Qofkii lagu arko asaga oo amar la'aan jaraya waxaa la iskugu darayaa xarig
iyo ganaax. Dadka qaarkiis waxay hadiyad qaali ah ku helaan ilaalinta deegaanka.
Waxa had iyo jeer fiican in dadka noocas ah lagu dhiiri geliyo si cadowga dhirta
jaraya looga celiyo.

29
Su'aalaha Casharka

1. Magacow Toban geed oo deegaankeenna ku taalla?


2. Qor waxyaabaha imaan kara haddii aan dhirta jarno?
3. Xaggee aad u maleeyneysaa in laga heli karo dadka ka hortaga baabi'inta
deegaanka?
4. Soomaallida maxaa uga wacan in ay jarto dhirta oo ay ka dhigto dhuxul una
dhoofiyaan dibadda.
5. Sidee ayaad u malayni in looga hortegi karo dadka xoolaha dheddiga ah
dhoofinayo iyo dhirtana jarayo.

II. Isla doono ereyada iyo macnahooda

Erey Macnihisa
Deegaan Kuleyl dabeyl wehliso
Dhowrid Qadaad
Golihii In aad shey ku keeydsato warar
Wasakheeyn Dufan la'aan
Diiwaan gelin Wasakheeynta wabiyada iyo hawada
Jeegada Ka hortagidda xaalufinta dhirta
Taban-taabo Kaalmo
Basaas Dhulka, biyaha, hawada , dhirta, xayawaanka ee nagu Wareegsan
Hanti Ardaagii

30
III. Sida loo qabto shirarka.
Shir ururo wada shaqeeya ay qabnayaa ayaa waxa uu u dhacay sida soo
socota:

1. Waqti la qabtay : 25 Juun 2014


2. Xaruntaa lagu qabtay shirka : Xafiiska Mu'asasada Himilo fog
3. Magacyada ka qayb galayaasha shirka.

NO Magaca Hay'adda
1. Xasan Xuseen Xalane LCD local MGO
2. Cali Faarax Kulane Nur international NGO
3. Xasan Sheekh Aadan SRC local NOG
4. Cabdullaahi Saalax Geeddi UN Organization
5. Abukar Geelle Cabdullahi CDC
6. Liibaan Maxamed Muumin Local NGO
7. Eng. Hassan Dhiblaaw International NGO
8. Muumin Tooxow Barre International NGO
9. Bilaal Sheekh Xuseen International Muslim Fund

Qodobbada shirka looga hadlayo

1. Ammaanka magaalada
2. Taagyarada Agoonta
3. ko u qaadista tayada waxbarashada
4. U diyaar garowga Bisha Ramadaan
5. Dhisida Dugsiyo Qur'aan

Kh) Diyaari shir dhici doona Insha Allah Qodobbadiisa qaar kamid ahna
warbixin ka qor.

31
Cutubka 9aad

Foomka ogolaashaha jaamacadeed

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Diyaariyo foomka Ogolaashada Jaamacadda
 Qoraa waraaqo rasmi ah iyo kuwa aan rasmi ahayn
 Astaamaynta weeraha.

Hordhaca Cutubka
Cutubka waxa uu noo faa'iideynaya sida waraaqaha, foomamka ah iyo waraaqaha kale
loo qoro.

Ardaygu waa inuu awoodaa in uu buuxiyo foomkasta sida foomka hoos ku qoran oo
kale.

Buuxi foomkaan adiga oo far qurxan isticmaalayo

Magaca Ardayga oo Seddaxan:_______________________________________

Magaca Hooyada:_________________________________________________

Goobta dhalashada:_________________ Goortuu dhashay:_________________

Dugsiga sare ee uu ka soo baxay: _____________________________________

Xilliga uu ka soo baxay: ____________________________________________

Darjada uu ku gudbay: _____________________________________________

Maaddada uu jecel yahay: __________________________________________

Cidda kharashka ka bixinaysa: _______________________________________


32
Saxiixa Codsadaha: _______________________________________________

Waqti:________________ Goob:______________________

Waqtiga Bilaabidda:

_______________________________________________

Fududeeyaasha:__________________________________________________

Magac:_________________________________________________________

Magaca Shaqada:_________________________________________________

Hay'adda:______________________________________________________

Cinwaanka:_______________________Tel:no__________________________

E-mail:__________________________ Fax:___________________________

b) Si kooban u tix waayo aragnimadaadii hore ___________________________

______________________________________________________________

______________________________________________________________

______________________________________________________________

t) Qeex doorka aad kaga jirtid hay'adda:_______________________________

j) Ma qabtaa baahi gaar ah? _________________________________________

haa haddii ay tahay sheeg.

33
I. QORAALKA WARQADDA RASMIGA AH

Dhammaadka Casharka ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Qoro waraaq rasmi ah

Guddoomiyaha
Gobolka Jubbada Hoose
Kismaayo
25/09/2014
Agaasimaha Guud ee wasaaradda
Waxbarashada iyo barbaarinta.
Ujeeddo: Dhismo Fasalo Cusub

Mudane,

Agaasime, waxaan kugu wargelinayaa in tirada ardayda ay korodhay bulshada oo


fahamtay muhiimadda waxbarshada awgeed.
Sannadkan waxa aan qaadanay 3 Fasal oo koowaad ah ee Dugsiga sare, qololkuna
naguma filna, sidaas daraadeed waxa aan kaa codsnaynaa in naloo dhiso fasallo
cusub maadaama aan taageero dhaqaale oo 20% ah aan ka helnay bulshada,
dhismahaas oo aan uga faa'iideysanayno wajiyo waxbarasho oo badan. Waxa aan
doonaynaa gelinka dambe in aan wax barno 2 fasal oo gabdho ah oo da'da
waxbarashadu ay dhaaftay.

Mahadsanid

Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose


Maxamed Maxamuud Cali
______________________

34
II. Qorista Waraaqadaha aan rasmiga aheyn

Ardaygu waxa uu awoodi doonaa in uu:


 Qoro waraaq aan rasmi ahayn

Jidka Maka Al-mukarama


Hodan
Muqdisho
P.O.box:240
20ka Luuliyo, 2014

Gacaliye Calasow,
Waxa aan ku faraxsanahay in aan kuu soo diro warqad, taas oo aan kugu
wargelinayno in aan helay dhibicihii ugu sarreeyey dugsigeenna oo maamulka abaal
marin iiga dhigeen in aan lacag la'aan ku dhigto Sannadka dambe. Mahaddaas Alle
(SW) ayaa iska leh, waxan ku dadaalayaa in aan idiin soo booqdo inta aan sannad
dugsiyeedku billaaban

Saaxiibkaagii qaaliga ahaa


Jimcaale Faarax
_______________

35
III. Astaamayn (? , . " " ')

Geli Astaamaha ka maqan weerahaan hoos ku qoran

Maxaa dadku guryaha dadka u dhistaa


Guryaha waxaa loo dhistaa in dadku ku nasto seexdo hantida ku kaydsadaan maxaa
kale ee guryaha lagu falaa waxaa kale ee laga galaa kulaylka dabaysha qabowga
bahalada dadka qaniina iyo kuwa cuno intaba wiil ku dhashay magaalo ayaa yiri,
guryaha baadiyuhu qolal ma leeyihiin Nin baadiyo ku dhashay ayaa u jawaabay wiilkii
oo yiri guryaha baadiyuhu malahan qolal waxaana loo yaqaan aqallo.

IV. Maahmaah
koox-koox uga dooda dulucda maahmaahdan
1. Naag la furay fadhi uma yaal.
2. Ninkii seexdaa sici dibi dhalaa.
3. Nimaan ku furi doonin yuusan kuu rarin.
4. Nin buka nin baahan barax looguma dhiibo.
5. Nin dhalasho huwan dhar uma baahna.
6. Nin intuu ul ka boodo ayuu erey ka boodaa.
7. Nin xasilan xanfar ma rido.
8. Marti iyo meydba waa la maquunshaa.
9. Miskiin xanaaqay madaxaa daala.

36
Cutubka 10aad
Miligaha Bulshada (Gabay)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo horudhaca gabayga.

Akhri gabaygaan kana jawaaba su'aalaha ka dambeeya

Gabaygan waxa tiriyey Jaalle Cumar carte Qaalib oo marka ahaa danjiraha
Soomaaliya u fadhiya Itoobiya. Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa 1930kii.
tacliinta dugsiga hoose waxa uu Ku dhammaystay Hargeysa, dabadeedna waxa uu
galay dugsiga macallimiinta lagu tababaro 1947kii oo uu ku dhammaystay tacliinta
dhexe, macallinimadana ka bartay (Magaalada Sheekh dugsi ku yiil). Taciiinta Sare
waxa uu ku dhammaystay Sheekh, dabadeedna Jaamacad ku taal dalka Ingiriiska oo
la yiraahdo Saint Paul's ayaa uu ka bartay macallinimada iyo cilmiga Bulshada (Social
Studies). 1959kii waxa uu noqday guddoomiye ku xigeenka Degmada Hargeysa;
1961kiina guddoomiyaha degmada Ceerigaabo. 1962kii waxa uu u wareegay
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu jagooyin kala duwan ka qabtay. Gabaygan soo
socda marka uu tirshey waxa uu ahaa danjiraha Dawladda Soomaaliyeed u fadhiya
Addis-Ababa 1968kii, waqtigaas oo jaalle Cumar waxa uu rabey, in uu ka qayb qaato
tartankii doorashada kuraasida baarlamaanka oo uu galay. Tartankaas isaga ah
Jaalle Carte, waa uu ku guulaystey waxaana laga soo doortay Hargeysa, 21 kii
Oktoobar 1969kii. Markii Kacaanku dhashay waxa loo doortay Xoghayaha Arrimaha
Dibedda.

37
Jaalle Cumar Carte waxa uu la kulmay maanafeysto, dareen qarannimo kas ah , aqoon
iyo aragti foojigan leh milgaha iyo horukaca Ummadda Soomaaliyeed. Intii uu
macallinka ahaa ardayda waxa uu ku guubaabin jirey dalka hooyo in ay si hufan ugu
adeegaan, cilmiga ay bartaanna bulshada Soomaaliyeed horukac ugu hoggaanshaan,
xumaantada iyo naca qabyaaladdana ku tiraan, Jaalle Cumar ardayda waxa uu ku
hanuunin jirey dadka gabayo, heeso, riwaayado iyo tusaalooyin af-Carabi ama Af-
Soomaali ah. 1954kii markii ingiriisku ku dhawaaqay in Hawd iyo Rissef Eeriya
Amxaarada lagu wareejin doono, gabay Carabi ah aysa uu tirshay oo uu ku
tlimaamayo tabaha gumeysigu dalka Soomaaliya ku kala qoqobay, dadweynahana ku
guubaabinayaa dabarka gumaysiga in ay jaraan, xaqoodana ay dhacsadaan Jallae
Cumar Carte gabayo fara badan oo af Soomaali ah ayaa uu ku tiriyey. hase ahaatee,
halkan waxa aan ku soo qaadi doonaa gabay uu tirshey

Murtida gabaygu waxa uu bartilmaameed u tahay jacaylka uu Jaalle Cumar u qabo


milgaha qaranka Soomaaliyeed, waayo-aragnimada uu u leeyahay dhibaatooyinka
Soomaaliya haysta, maan iyo aragti ifsan rabta. aqoon, cilmi, karti, iyo yaqiinta
diinta Islaamka iwm.

1. Dunida macaankeedu waa, maalin kuu qorane


2. Magac baa ka hara maalintay maro ku saraane,
3. middaan doonayaa waa dadkoo hela muraadkiise,
4. Miyi iyo magaalo daryeel, laga maseeyaaye,
5. Dhallinyarada waxa lagu maslaa, qoom maalaa'igahe,
6. Madlabkooda waa in uu gartaa, kii mas'uulihiye
7. Midday tabanayaan baan rabaa, in aan u muujaaye
8. Mudanaha dirayska leh kuwaa, qalabku mareeyey
9. Waatay maalintii loo ogaa, cadow muquunsheedne,
10. Magacood ha raagee iyagaan, maanka ku hayaaye,
11. Milic iyo mahiigaan kuweer, meel walba u miiggan,
12. Madfacoo holcayiyo, garnayl kuwaan ka maagaynin
13. Markaan hurudno kuwa meerayee magaca dhawraaya,
14. Mas hadduu qaniiniyo hadduu aarku miciyeeyo,
15. Kuway mayadu xaaraan ka tahee, maaha oranaynin

38
16. Masiibadu markay dhici kuwaa, laysku maageero,
17. Maskaxdeyda Eebbaa ku qoray, meel aan joogaba e,
18. Culimada maqaankoodu waa, mid aan la moogayne
19. Masalooyin wixii diinta iyo, gala mastuurteenna,
20.Waa in aan ka mqallaa siduu Nebi Maxamed, noo sheegay,
21. Dhididkooda kuwa maalayee, muruqa duubaaya,
22.Ee shaqada noo maamulee, lana masruufaynin
23.Magac iyo abaal biiray bay, maalin uun wehliye,
24.Fannaaniinta maamusha waa, lagama maarmaane,
25.Waddan wuxuu ku muuqdaa iyagoo, meel walba u maraye,
26.Magacoodu waa inuu kacaa , lana milgeeyaaye,
27.Haweenkana mid baan oronayaa, tala masuugaaye,
28.Magacaa baxay ee waxaa tihiin, laba midkoodiiye,
29.Muunaddii addunkaa tihiin, midigta reeraaye,
30.Inkastoo muraayad u tihiin maanta camalkeeda,
31. La'aantiin lib lama maali karo, muranku waa dhiife,
32.Marwooyinow mikeenni hore iyo, magaca nooleeya,
33.Intaa mariyaye bal aan murtida, miinka ka higgaadsho,
34.Ninkii magan Ilaahay ku jira, looma maar helo e,
35.Makastuna hadhbay moodi jira, malaha hoosiise,
36.is ma mogin saaxiibbaday, talana waa meeleh,
37.Inkastoon macaan raaxo qabo, maaha teydiiye,
38.Ergis lama majeerto tantadi, malaha tiigaale,
39.Maxaa iiga dana Minilikh iyo, Xayle minankooda,
40.Magaalooyinkeena dhismaan, maanka ku hayaaye
41. Mugdigaa jahligu keenay baan maydh is-leeyahaye,
42.Cudurrada na miidhaan rabaa, inaan mar tuurraaye,
43.Baahidaa na dhaaftaan rabaa, inaan mar tuurnaaye,
44.Dhirteennaa magooshaan rabaa, inan miraynaaye,
45.Macdanteenna dihin baa rabaa, inan ka maalaaye,
46.Inta muruqu ii ada yaheen, muran oodaayo,
47.Soomaali waxaan dhaar ku maray, in aan mideeyaaye,
48.Maabka Afrikaan, doonayaa, inay ka muuqdaane,

39
49.Meeshii nagu haboon baa rabaa inaan midaynaaye,
50.Muslinkaa la ciilaan rabaa, inaan maciinaaye,
51. Eebow muraad kayga qumi waa, midkaan iriye,
52.Adigaan mildhaw iyo lahayn, maagga aadmiga e,
53.Eebbow adooo magan gudee, marinka hay seejin,

Su'aalaha Casharka

1. Gabaygani intan kuma dhamma. Dhaantada shacbigu qaadayaa, waa dhibtii


hore e, 17. Tuduca hore maxa uu gabyaagu uga jeedaa?
2. "Magac baa ka hadha maalintay maro ku saareene"
b) Maxa uu uga jeedaa erayada hoosta ka xariiqan?
t) Sheeg Af-maldaha uu isticmaalay gabyaagu
3. Sidee buu gabayaagu u tilmaamay kaalinta Ciidamada Qalabka sida
dhibatooyinka ay mutaan iyaga oo gudanaaya waajibkoodaas sida gabayaagu u
sheegay?.
4. Adoo fiirinaya gabayga, Maxaad ka sheeg laheyd himilooyinka gabyaaga?

Dulucda gabayga
Nolosha adduunyada wanaageedu waa muddo gaaban,
magac iyo sharafna waa ka maalinta aad dhimato taariikh ahaan kaaga hara, Aniguna
ujeeddo keli ah baan nolosha ka leeyahay, taasina waa dadka Soomaaliyeed oo miyi
iyo magaalo mid kastaba ha joogee horumar iyo barwaaqo gaara, daryeelkana ka
sinnaada.

Dhallinyarada oo ah, lafdhabarta dadka, ayaan rabnaa in aan waxa ay tabanayaan


tuso, Ciidammada Qalabka sida weeye kuwa run ahaantii nabadgelyada dalku ku
tiirsan tahay, waajibkoodana had iyo goor xusuustaa, maankana ku hayaa. Dhibaato
oo dhan bay madaxa u dhigaan, iyagaan soo jeedkooda ayaan ku seexannaa.
Culimada diintu waxa ay bulshada kaga jiraan meel aan cidina moogeyn, lyagaa
masalooyinka diinta inoo macneeya ee waa in aan ka maqalnaa, OO ka barannaa.
Shaqaalaha dhididka uu quba in aynu tacabkooda dheeftiisa masruufanno waxa ay
40
innaga mudan yihiin abaal weyn. Hoballada Fanka u go'ay baa iyaguna abaal weyn
innaga mudan.

Waddanna ma muuqan karo, haddii aanu haweenku kaalintooda iska taagin oo ay ka


soo dhalaalin. Iyaguna waa in ay magacooda iyo maamuuskoodii horeba nooleeyaan.
Intaas ka dib, bal aan murtida iyo u jeeddada u daadego. Haddii uu ruux Ilaahiis
talo saarto, cidina madaxiisa ma loodin Karto. inkasta oo dadka aqoonta gaaban lihi
aanay xaqiiqdaas ogeyn. Aniga iyo saaxiibbaday waa iska war haynaa, arrntuna meel
Ilaah uun ogyahay bay nootaallaa.

In kasta oo shaqo, raaxo iyo maamusba leh (Cumar haystay marka uu gabayga
tiriyey, wuxuu danjire ka ahaa dalka Xabashida). haddana iima dhadhamayso, maxaa
yeelay, tii aan rabey baanay ahayn. Shay aad soo ergisatey, laguma faani karo,
sidaas darteedna tan aan hayo arrinteeda iskuma hallayn karo.

Bal maxaa iigu jira caasimaadda xabashida joogisteeda? Waxa aan rahaa in aan
magaalooyinka dalkeyga tago oo dhiso.
Waxa aan rabaa inaan dadkayga mugdiga aqoon la'aanta ka saaro. gaajada iyo
Cudurka dadkaygu qabaan baana rabaa in aan ka cirib tiro Haddii Alle (SW) idmo.
Barwaaqada dhulkayga dihin baan rabaa in aan dibedda soo dhigo oo dadkayga uga
faa'iideeyo
Waxa aan ku dhaarsanahay in aan inta aan xoogga leeyahay; Soomaali ugu
shaqeeyaa. Waddankayga yaan rabaa in aan khariidadda Afrika meel sare ka geliyo.
Waxa aan rabaa in aan muslinka la ciilay u hiiliyo, ee llaahayow ila qabo.

41
Cutubka 11aad
Saanu yeelnaba waan saanu eednay (sheeko)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo sheekada.
 Ka jawaabo su'aalaha sheekada
 Koox-koox uga doodaan maahmaahda iyo murtida.

Waxaa la yiri: Nin doob ah ayaa beri doonay in uu guursado Xoolihiisuna waa xoogaa
ari ah iyo neefaf geel ah ayey ahaayeen Wiilkii baa intuu isla hadlay, yiri; "Gabar
uma geed fariisan karti, oo xoolahaagu gabbaati yarad iyo wax kuu soo hara kuuma
wada gaari karaan, waxa aad kurrayn laheyd qoos xaas yar ah oo xoolo badan, gabar
wanaagsanna leh; oo aad isku tiirsataan" Inankii oo sidaa niyadda ku haya, ayey
berigii dambe reer jees ah oo ari badan isa soo agdegeen, Reerka jeeska ah
dadka jooga waxa ay ahaayeen: Oday la oran jiray, Diiriye Miskiin, iyo Islaantiisii oo
aheyd Dahaba guryama iyo Gabar tima tidcan oo la oran jiray Deeqa. Inankii bay
reerkii is-barteen. Inantii iyo aabbaheed iyo hooyadeeba, iyaga oo aan is wediin baa
mid waliba inankii jeclaaday,
Inankiina inanti iyo qoyskoodiiba kuwii uu Ilaahay ka baryaayey bay noqdeen, sidii,
ninkii yiri "Reerkii aan doonayey roob igu eri"

Kolkii Inankii uu arkay in qoysku wada jecel yahay, ayuu odaygii ku yiri: "Aabbo maad
ii noqon, Dahabana hooyo may ii noqon, oo inanta deeqa ma laysiin karaa"?

Diiriye iyo dahabo oo kolkii horeba inanka jeclaaday oo garan la'aa si ay isaga oon
weydiisan inantooda ula maagaan,ayaa reerkii inankii inanta ina siiya yiri, intay aad
ugu farxeen ayey ku yiraahdeen: "ku siinay"

Inankii baa inantii loo dhisay. Labadii reer, inanka reerkoodii iyo inanta qoyskoodiina
way wada degeen; waayo badan kolkii ay wada degganaayeen oo inankii iyo inantii is

42
guursadayna dhawr carruur ah yeesheen, ayaa odaygii Diiriiye miskiin ee inanka
soddogii ahaa, inantana aabbahaheed ahaa dhintay.

Islaantii Dahabo guryama sidii caadadu ahayd bay asay xiratay hadalkiina way
yareysay, Asayda, waxaa xirata afada ninkeedu dhinto oo afar bilood iyo toban
habeen bay xirataa. Magaci bilaash uma baxo e, Islaantii Dahabo-guryama kolkii
muddadii asaaydu ka dhammaatay bay hadalkeedii badnaa la soo noqotay.
Maalin maalmaha ka mid ah, oo xilliguna jiilaal yahay oo reerihii soo ceel fariisteen,
ayaa kolkii ugu horreeyey aryihiin reerku SOO arooreen. Ninkii Deeqa qabay ee
Dahabo-guryamana sodohda u aheyd oo aryaha wax ka waraabinaayey ayaa "is yiri
Ariga Soddohda ha hor cabbo. Oo durba kayn caws leh ha gaaro inta aryaha kale la
waraabinayo.

Arigii soddahda oo barqadiiba dardugay oo weli sabadii jooga, ayuu ninkii maqlay
soddohdii oo hadlaysa oo leh, "bal ariga la waraabiyey daya ; waa qaboone e ma isagaa
biyaba qaatay, sidii buu arigii ku fulay.

Kolkii xigay baa soo galay. Kolkaasuu ninkii yiri: waa tii soddohdii kalkii hore
cabanaysay ee laheyd arigii goor qaboone ah oo aanu biyo qaadanayn baa la
waraabshee bal kalkan aryaha kale ha u dhexeeyo oo bartanka ha galo. Sidii buu
yeelay.

Kolkii cadceeddu sidratay ee ay ugu kululayd buu arigii soddohdu cabbay. Arigii oo
durduurayana ayuu ninkii maqlay islantii Dahabo-guryama oo hadlaysa, oo leh "ma ari
cidi dan u leedahay baa, bal goorta ariga la'waraabshay eega, sida qorraxdu u
kulushahay ee neef waliba biyaha ugu kawkabiyo. Sow wada biyo reebi maayo.

Kolkii saddexaad baa soo galay, markaasuu ninkii is yiri: "Waatay islaantii soddoha
aheyd labadii kal ee hore cabanaysay ee aad kalna arigeedii ugu. hor waraabisay
kalkii xigayna aad u dhexaysiisay ee bal kalkaan arigeeda ha u dambeeyo.
Kalkii saddexaad baa arigii sodohdii, Dahab-duryama sabadii ku soo daba imaaday
goor casir ah. Kolkaasuu maqlay soddohdii oo hadlaysa, oo leh "Waa habeen ee bal
goorta arigaasu fulaayo dhowra, aryihii ragga lahaa waa hore ayey meyracdeen.
Dabadeed ninkii oo arigii durdurinaya ayaa heesay:

Saanu yeelaba waa saanu eednee


Saanu yeelaba waa saanu eed
Saanu yeelaba waa saanu eednee

43
Dulucda sheekada waxa ay tilmaami in aan bani'aadamka aan la raalli-
gelin karin. Ninkii ay sodohda u aheed. Dahabo Guryama waxa uu waayey
waqti ay raalli ku tahay ee uu arigeeda ku shubo waraabiyo, waqti weliba
sida sida subax ah, duhur ah iwm waa ku dayey wiilkii ay sodhda u aheed
kumana raalli noqon arrintaas, sheekadaan waxaa la mid ah sheeko kale
ee nin wiil uu dhalay ku tusaayey in dadka aan la raalligelin karin, waxa
uuna tusaale u soo qaatay dameer ay doonayeen in ay suuqa ka soo
gataan. Aabbihii ayaa fuulay dameerkii wiiliina waa lugeeyey, markaa
dad jidka maraayey ayaa yiri,; Aabbuhu naxariis daranaa muu - wiilka
saaro dameerka, wiilkii ayuu saaray dameerkii odaygii.Markii xigtay dad
jidka maraayey ayaa yiraahdeen, wiilku caasisanaa waa ka odaygu
lugaynaayo. labadoodii ayaa fuuleen dameerkii, markii waxaa lagu
eedeeyay in dameerka miskiinka ah ay qaadaan meesha ay ka fuulayaan
asaga. Dameerkii oo buundo dhex-maraa ayaa ay ka degeen waana
qaadeen waxa uuna ku dhacay webigii. Odaygii waxa uu tusay wiilkii
taladii dadka khasaarihii ay u keentay taas oo ku dhisneed aragtiyo kala
duwan.

Curis:
Curis ka qor sida aad u aragto sheeka dahabo guryama.

Su'aalaha Casharka

Koox koox uga dooda

1. Xidid wada yaal waa xil wada yaal


2. Xidid xeradiisu waa isu furan tahay.
3. Ninkii ka daraaba ka ree buu is lahaa
4. Lillaahi iyo laqdab meel islma galaan
5. Sir ma qabe saabaa biyo u celiya.

44
Cutubka 12aad

Meeleeyeyaal (Naxwe)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Kala saaro noocyada meeleeyeyaasha
 Koox kala doodo ardayda fasalka ah.

Meeleeye waa eray ku jira weerta kana horreysa falka oo qeexa meesha falka lagu
fali-hayo amma falku ka dhici hayo

Meeleeyaasha qumman waa ereyo gaagaaban oo had iyo jeer ku lamman falalka.
Waxaana ay ku tusaan meesha falku ka dhici hayo. Hawl aan taa ahaynna loo ma
isticmaali karo. Meeleeyaashu qumman. Marka ay wax kale ku lammaan yihiin ayaa
meeleeyaasha si fiican loo gartaa meeleeyayaal quman waa.

ka, ku, la, soo iyo sii.

Tusaalayaal

Warqad baa ka timid Kismaayo


ku dhufo ul wiilka
Waa la la hadlay Yusur
Reer kii waa soo guuray
Sii dir caruurta inta aadan dhoofin

Weeraha kore ereyada hoos ka xarriiqan ee ka, ku, la, soo iyo sii waa meeleeyeyaal
qumman. Dhammaantoodna waa ka horreeyaan falalka ay ku lammaan yihiin ee ay
meeleynayaan.

Bal aynu soo qaadanno xarfaha ka, iyo ku, Maxaa ay inoo
sheegi hayaan?

45
ka waxa uu sheegi hayaa in ay tahay Kismaayo meelaha laga soo diray warqadda. Ku
na waxa ay sheegi in ushu korka wiilka ay ku dhaci hayso. Sidaas baa la, soo iyo sir
na ay u wada falalka ay ku wada meeleeyan falalka ay ku lammaan yihiin.

Meeleyeyaal kale ee an qummanayni waa ereyo mar-kooda hore magacyo ahaa. In ay


magacyo yihiinna, waxa ku tusinaya; qodobbo ayaa ay qaadan karaan.

Meeleeyeyaasha erayada ahi waa kuwa soo socda:

Hor, dhinac, ag, dabo, kor, hoos, iwm.

tusaaleyaal:

Weli waa la is hor fadhiyaa ee colkii eeg.


Cali baan dhinac socdey markii nala galay
Waa uu na ag fadhiistay
Waa ay na dabo joogta in kasta oo ay daallanayd
Aabbe ayaa inanku kor uga baxay
Miiska hoos gal si aan macallinku kuu arkin.

Ereyada hoos ka xarriiqan ee hor, dhinac, ag,kor iyo hoos ee weeraha dambe waa
meeleeyeyaal maxaa yeelay waxa ay inoo sheegayaan meelaha ay ka dhacayaan
falalka fadhiga, socodka, joogista, bixidda (fuulidda) iyo gelistu.

Koox koox uga dooda Murtidaan


Raga waxaa ugu liita
1. a) Nin maqan oo aan la tabin
b) Nin jooga oo aan la tirin
t) Nin tagaya oo aan la celinin
2. b) Matoshe
t) Matashiishe
j) Matashade
3. b) Taada mayeele
t) Tiise ma bixiso
j) Tuu keeno, uma hurto
4. b) Ma horreeye
t) Ma hambeeye
j) Ma hagaajiye

46
Seddax baa rag ugu wanaagsan
1. Nin tolkii u nacas ah
2. Shisheeyaha u nacab ah
3. Reerkiisana u naag ah.
Seddax adiga iyo tolkaaga ayaa ay idiin dhexeysaa
1. Dadkaaga mar cadowgaa laga celiyo
2. Mar iyaga ayaa la kala celiyaa
3. Marna waa la iska celiyaa
Seddax ma gaartid
1. Nin kaa beer wanaagsan sannad ma gaartid
2. Nin kaa faras wanaagsan maalin ma gaartid
3. Nin kaa naag wanaagsan weligaa ma gaartid
Magaalo waxaa lagu joogaa
1. Maan kaa badan
2. Maro kaa badan
3. Maal kaa badan
4. Minin kaa badan
Seddax Ilaahey baa kugu neceb
1. Salaad la'aan
2. Soon la'aan
3. Saddaqo la'aan
Seddax dadkaa kugu neceb
1. Xishood la'aan
2. Xoolo la'aan
3. Xilo la'aan
Seddax baa madaxtinimo kaa qaadda
1. Gacan gurracan
2. Guddoon jilicsan
3. Gar weecan
Seddax dadka waa kugu nacaan
1. Baahi badan
2. Baryo badan
3. Bugto badan
Seddax waxaa lagu gartaa seddax
1. Qofka dulqaadka badan waxaa lagu gartaa marka uu xanaaqo.
2. Geesiga waxaa lagu gartaa xilliyada dagaalka.
3. Saaxiibka runta ah waxaa lagu gartaa waqtiga baahida.

47
Cutubka 13aad

Tiirka Diintu waa Salaadda


Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in
uu:
 Akhriyo qoraalka salaadda,koox koox uga doodaan nuxurkiisa
 Ka jawaabo su'aalaha ka dambeeya
 Akhriyaan xaddiisa Rasuulka (NNKH), koox-kooxna uga doodaan si ay u

U akhri qoraalkaan hoos, kana jawaab su'aalaha ka dambeeya

Islaamku waxa uu leeyahay shan tiir oo aasaasi ah oo dadka muslimiinta ah laga rabo
in ay gutaan. Waxaana loo yaqaan shanta tiir ee islaamka. Waxa ay kala yihiin sida
tan:
Shahaadateynka, salaadda, sekada, soonka iyo xajka .
Salaaddu waa tiirka labaad ee Islaamka. Waxaa laga rabaa qofka muslimka ah ee
oofiyey shuruudaha salaadda in uu tukado shan salaadood maalintii iyo habeenkii.
Waxaa lagu tilmaamaa salaadda in ay tahay tiirka diinta, ka tegiddeeduna waa dembi
weyni iyada oo Alle (SW) cibaadada uunkiisa oo dhan ka kaaftoon yahay ayaa uu
aadamiga faray wixii waxtar u leh kana reebay wixii u xun isaga. Waxa uu u sakhiray
(u fududeeyey) kownka (adduunkaj wixii ku jira oo dhan in uu ugu dhaqmo sidii uu u
faray Alle (SW)

Alle (SW) waxa uu na amray in aan yeelno waxa uu na faray kana harno wixii uu naga
reebay iyo in aan ku keliyeelno cibaa-dadiisa, rabbinnimadiisa, magacyadiisa wan-
wanaagsan ee wata tilmaamihiisa.
Salaaddu waa cibaado fal iyo oraahba ah. Qofka muslimka ah waxa ay salaaddu u
faa'iidaysaa waxyaabo badan oo la fahmi karo iyo kuwo aan la fahmi karin. Waxa ka
mid kuwa la fahmi karo:

1. Nadaafad joogto ah.


2. Asluub wanaagsan iyo wakhtiga oo la ilaaliyo.
3. Ruuxa oo kalsooni hela
4. Xiriirka Alle (SW) iyo qofka oo joogta noqda
5. Firfircooni jireed iyo mid ruuxiyadeed laga helo.

48
Su'aalaha Casharka
I. Kajawaab su'aalahan.

b. Tiirarka Islaamku waa meeqa? Sheeg waxa ay kala yihiin?


t. Qofka goormaa laga rabaa salaadda?
j. Waxaa loogu tilmaamay salaadda tiirka diinta sheega sababta?
x. Qor shan faa'iido ee salaadda laga helo?

II. Buuxi meelaha bannaan.


Salaaddu waa _________ labaad ee Islaamka. Waxaa laga rabaa
qofka__________ah oo fuliyey salaadda in uu tukado shanta
salaadood, maalintii iyo habeenkii. Waxaa lagu tilmaamaa
salaaddu in ay tahay tiirka________ka tegiddeeduna waa ____________ weyn.

III. Curis: Waxaad wax ka qortaa ama ka sheekaysaa faa'iidooyinka Salaadda.

Tus saaxiibkaa wixii aad qortay kalana munaaqashoo.

IV. Xaddiiska Rasuulka Alle (SW)


Akhri xadiiskan koox koox ugu dooda Cabsida ku jirta

Waxaa laga wariyey Abuu-Najiix Al-Cirbaad ibn Saariye (Alle ha ka raali noqdee), in
uu yiri: Waxaa noo wacdiyey Rasuulkii Alle (SW), wacdi qalbiga dhalaaliyey oo
indhaha ka ilmeysiiyey,markaas ku niri Rasuulkii Allow Wacdigaagani wuxuuu eg
yahay wacdi sagootin ahee inoo dardaaran. markaasuu yiri: waxaan idinkula
dardaarmayaa cabsida Allaha (SW) casiiska ah ee weyn iyo maqal iyo adeecid
madaxdiinna, xataa haddii uu madaxiinnu yahay nin addoon ah, niinna noolaadana
wuxuu arki doonaa khilaaf fara badan, si aad uga bad baaddaan khilaafkaa waxa aan
idin kula dardaarmayaa in aad raacdaan jidka Nebigiinna iyo jidka Khulafadiisii
hanuunsanaa, jidkaa ku dhega oo gowsaha ku qabsada, kana digtoonaada arrimaha
soo dirrin doona, maxaa yeelay, wax kasta oo Diinta lagu soo daro waa bidco,
bidcaduna waa baadinnimo, qofkii ku socdaana waa ahlu-naar.
Waxaa weriyey Abuu - Daawuud iyo tirmidi, waxa uuna yiri waa xadiis Xasan ah oo
saxiix ah

49
Cutubka 14aad
Waa Mahadda Alle (SW) (geeraar)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo gabaygaan sheegana nuxurka uu xambaarsan yahay
kana soo jeediyo fasalka hortiisa.
 Ka jawaabo weydiimaha

Akhri gabaygaan oo dhuux muritda uu xambaarsan yahay, fasalka hortiisana ka


soo jeedi

Markii 1960 calanka la saaray, Cabdullaahi Suldaan Tima-cade waxa uu tiriyey


geeraar aad loo jeclaystay goobtii calanka laga taagay ka tiriyey.
Geraarkas oo magaciisu ahaa {Kanna siib kana Saar}. Markii Cabdullaahi waxa uu
tusaale ka bixinaynaa Ilaahay awoodiisa lixaadka leh iyo waxyaabaha la yaabka leh
ee uu si fudud ugu suurta geliyey waxa uu yiri:
1. Ilaahii cirka taagayee
2. Dayaxa iyo cad-ceedii
3. Xiddiga ku cidaadayoo
4. Ilaahii caadil ahaayee
5. Dhulka caynkan u daadshee
6. Ku culaysiyey buurte e
7. Isagoon cidi joogin
8. Casiiskii nebi Aadan
9. Ka abuuray cammuuda e
10. Cirifkaa bidixdiisa
11. Intuu caara ka jeexay
12. cadkii Xaawo ka yeelayoow
13. Ilaahii caadil ahaaye
14. Cayaarsiiyey baxuurta e
15. Ciijiyee amar siiyayoow
16. Casiiskii nebi Nuux

50
17. Kuwii caasi gareeyey
18. Amaba ceebta yaqiinay
19. Habeen cawda u gooyayoow
20. Casiiskii Sulaymaan
21. Dabayshoow u carbiyayoow
22. Allaahii nebi Ciiise
23. Cilmigiisa ku qaadayee
24. Cishaduu iman doono
25. Cawar seef ugu dhiibayoow
26. Casiiskii Ayuub
27. Cudurkii uu ku raajay
28. Markii uu caban waayey
29. Caafimaad ugu doorshee
30. Curuqdiisa dhamaantiyo
31. Raxmadii ku dul caastay
32. Cimrigooda yareeyey
33. Cusboonaysiiyey jirkooda
34. Caruusiinta ka yeeloow
35. Casiiskii nabi Yuusuf
36. Carruurtii uu la dhashay
37. U kaxasay ciyaartee
38. Markii ay ceel ku riden
39. Ciidan ooman u keenayoow
40. Uga saaray cajuula e
41. Allahii carshigiisa
42. Cishihii micraajka
43. Salallaahu calayhi
44. Wacalaa aallu baytii
45. Mustafa ku casuumayoow
46. Ilaalhii caadil ahaayoow
47. Cabdigiisa ahaynoow
48. Waxba kuu caban maynee
49. Adigaa caalimu qeyba
50. Wax badan baan cucubnayne
51. Kufaartii cadcadaydoo
52. Col kaloo madmadow iyo

51
53. Isticmaar na cunaayiyo
54. Carradaad nagu beertay
55. Canshuur baan bixinaynayoo
56. Ciriiri baan ku jirnaayoo
57. Cunahay na hayeenoo
58. Cadkii waana dhamaadeye
59. Iimaankaan cawirnayniyo
60. Cidaamkaa na fayow
61. Calankaan ku su’aalnaye cirshigii la socsday
62. Cirshigii la socaday
63. Hadii aad cawo na siiyey
64. Casiisoow mahadaa

Su'aalaha Casharka
Ka jawaab su'aalaha soo socda

1. Sheeg ujeedooyinka guud ee gabayga uu kaga hadalayey gabyaagu ?


2. Maxaa uu gabyaagu ugu jeeday tuducda hoos ku qoran ?
Casiiskii nabi Yuusuf caruurtuu la dhashay u kaxeeyey cayaartee markii ay
ceel ku rideen ciidan ooman u keenay?
3. Meeqa Nebi ayuu soo qaatay gayaagu markii uu tirinaayey gabayga?
4. Qor 7 shay ee cabdullaahi suldaan ee uu ka tilmaamay awoodda Alle (SW).
5. Gabyaagu maxaa uu Alle (SW) uga mahadnaqeeyey?

Sharrax ereyadan

 Carshiga ________________
 Caalimulqeyb ________________ > Curuq ______________
 Micraaj ________________ > Caastay ______________
 Curuq ________________ > Caruusiin ______________
 Cirif ________________ > Ooman ______________
 Baxuur ________________ > Cajuula ______________
 Cawar ________________

Curis: Qor toban iyo shan sadar adiga oo ka faaloonaya argatida aad ka
qabtid gabaygaan?

52
Cutubka 15aad
SAHAN (SAAR)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo geeraarka
 Wax ka qoro dulucda geeraarka.
Akhri saarjaan uu tiriyey carees ciise, kana jawaab su'aalaha soo socda;
Saarkaan hal ku dheggiisu yahay Sahan" waxaa tiriyey Allaha ha u "naxariistee
Abwaan Careys Ciise Kaarshe, waxa uuna si qoto dheer uga hadlayaa dhaqanka
dadka soomaaliyeed ee la xiriira marka xoolaha loo sahmiyo waxa uuna yiri:-
1. Ga,baa gabey laga galaa,
1. Gawaan waa lagu kufaa,
2. Gabiib waa la cuskadaa,
3. Goon waa laga dhaadhacaa,
4. Ga'dii kale waxaan lahaa,
5. Abaar xooluhu go'een,
6. lyadoo geelii gawaray,
7. Gudbanahaan deyrta sugin,
8. Cirka soo daayey gugac.
9. Habeen baa reer ka guday,
10. Gudcur ay goortu tahay,
11. Go'doon weeyee carradu, .
12. Galool fooryaaya iyo,
13. Waxaa igu yeerey galow.
14. Libaax baa igu gurxamey,

53
15. Abeesada gaamurtiyo
16. Good iyo gugume,
17. Waraabe igarab ordiyo,
18. Gufashada geedka iyo,
19. God dheeraadoon geliyo,
20.Sidaan guuraha u wadey,
21. Jidkii baa kala gudoo,
22.Faalbaan gaagaabiyoo,
23.Guntanaa ii soo baxoo,
24.Mid waataan saarey geed,
25.Midkii kale waan lagaley
26.Cabbaar goortaan gurmadey,
27.Hirdana aan siinin gama
28.Gaduudkii waaga iyo,
29.Salaaddaa galac ku tiri,
30.Aniga oo gaaja qabah,
31. Oo gamaayadu saa'id tahay,
32.Fuley baa gabi rogtee
33.Intaan dhuuqsadey guntiga,.
34.Guluf waa taan lakacay,
35.Harkii oon geesna jirin,
36.Haduu soo galay gondaha,
37.Geed hoostii baan gabadey,
38.Dhuunyaalaa igu gab yiri,
39.Go'doon weeyee carradu,
40.llleen waa guul daree,
41. Cabbaar anigoon gal galan,

54
42.Hadiibana weys gadiyey,
43.Waxaan galay galab carow,
44.Kabteyduna wey gabtoo,
45.Ilaashkii baa ka go'ay,
46.Gacmaha anigoo ku sida
47.Markaana aan gaabshay socod,
48. Gabalkii baa igu dhacay
49.Waa ii guurihii labaad,
50.Cabbaar goortaan gurmadey,
51. Gufaacadii roobka iyo,
52.Geedaha ii soo carf iyo.
53.Naqii waatuu igalay,
54.Illeen waa goobayee,
55.Go'ii baan saartay geed,
56.Katiga warankaan la baxay,
57.Dhulkii baab ciid ka gurey,
58.Oo geed dheersadaan ka qodav,
59.Aniga oon gaariir wali.
60.Caloosheeydaan gocdoo,
61. Hadiibana weys gadiyey,
62.Cabbaar goortaan gurmadey?
63.Habeenkii galin dhexaad,
64.Gondoob loogama noqdee,
65.Gugacu meeshuu ku dhacay,
66.Guntii roobkaan u tegey,
67.Haraad bey gubahayee,
68.Biyihii goortan dhex galey,

55
69.Gacalo anigoo uqaba,
70.Qur qura gawdaan ka suray,
71. Waa gacan weynyahey ilaah,'
72.Ninkuu guuleeyso dhaho
73.Talada waa kii gattee,
74.Geedbaan guudka iiga baxay
75.Saa waa gaajeysanahaye
76.Miraha goortaan ka guray,
77.Hadii aan gowska dhgay,
78.Garoorkii caanihiyo,
79.Waxaad moodaa galey
80.Calooshii baa gig tir,
81. Sahay rneel gaara iyo,
82.Guntiga qaar baan ku ridey,
83.Aniga oo gushii wada,
84.Salaadii weys gadiyey,
85.Go'doon kaan soo marana
86.Gartmaamaan kaga baxay,
87.Oo ciddii goortaan ugaley,
88.Gaadiidkaan soo qabtayoo,
89.Reerkaan geedaan u raray
90.Habeen guul oomaniyo,
91. Gesiin iyo galab carow,
92.Naqii goortaan ku galay,
93.Dhulkii geedaha lahaa,
94.Guriga goortaan ku furay,
95.intaan goolaha u culay

56
96.Geelii baa ii godladay
97.Ritigu waa guuxay
98.Oo qaalmuhu waa goojiyeen

Curis: Wax ka qor dulucda geeraarku uu xambaarsan yahay

Maahmaah
Koox-koox uga dooda maahmaahdaan hoos ku qoran.
1. Doob dareen baa dilay.
2. Doqon hadal kama demana.
3. Fal kaliya fool ma dhaqdo.
4. Gacal kala maqnaa iyo geelu way isu ololaan.
5. Cabaad badan waa rag ceebtii.
6. Hilmaan hadal kuma jiro.
7. Iimaan allaa (SW) uu buuxsha.
8. Indho run bay ku ooyaan.
9. Is xasuustaa is xabaashaa.

Su'aalaha Casharka
Ka jawaab su'aalaha soo socda
1. Carays Ciise kumuu ahaa?
2. Saarku ma waxuu baahan yahay maansada mase heesaha?
3. Waa maxay dulucda saarku?
4. Saarku imisaa loo kala qeybiyaa?

57
Cutubka 16aad
KULUB HA NOOLAADO (Gabay).

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo gabayga koox kooxna uga doodaan
 Micneeyo ereyada

Halgankii gobanimadonka (gabay).


Akhri gabaygaan oo dabadeed koox koox uga dooda
Markii ugu horreysay ee dalka soomaaliya laga aasaasay ururkii SYL. Sannadkii
1943kii,jimcaale Dhega taag oo ka mid ahaan jiray askartii talyaaniga waxa uu ka
mid noqday taageerayaasha ururka kuwa ugu af dheer oo goobaha la isugu yimaado
iyo xafladaha waaweyn ka jeediya gabayada iyo geeraarada qiirada wadanimo
ximbaarsan oo uu ku kicinaayo sidii ay fadhiga dadka uga kici lahaayeen oo ay u soo
dhacsan lahaayeen gobannimadooda gumeystayaashu ka hor taagan yihiin
Munaasabad weyn oo lagu soo dhaweynaayay aasaasidda ururka cusub oo lagu
qabtay magaalada muqdisho ,ayaa looga yeeray laashinka si uu halkaa uga jeediyo
suugaantiisii qiirada laheyd ee looga bartay,waxa uuna tixdaan gabayga ah oo uu
soomaalida ugu yeeraayo haddii ay miyi joogto iyo haddii ay magaala joogtaba in ay
ka mid noqdaan ururka SYL ,si ay xurnimadooda u soo dhacsadaan,waxa uuna yiri:
1. Afar kaafku yiri baan la kacoo, karisay laabtedu.
2. Oo qasadaka kulubkaan ahaan, idinku kaalmeyne
3. Kaabbe faarax shuuriyaa gabay, igu karaameeyay
4. Oo kuman ducaa iigu maray, kulub ha noolaado.
5. Kariimkii na uumaan baryee,kulub ha noolaado.
6. Intaan beer kurtuma goyn lahaay, kulub ha noolaado.
7. Intaan koora geel qori lahaa,kulub ha noolaado.
8. Intaan eriga kaaleyn lahaa,kulub ha noolaado.

58
9. Kirishbooy intaan noqon lahaa, kulub ha noolaado.
10. intaan kaba la,aan socon lahaa,kulub hanoolaado.
11. intaan karis la,aan duban lahaa,kulub ha noolaado.
12. intaan carab u kaalmeyn lahaa,kulub ha noolaado.
13. kii koos iyo keyfa xaalagey ,nagu kadeedeene.
14. kebedaa na saarnaan jirtee,kulub ha noolaado.
15. kurayadiinni soomaaliyeey,kori lahaanyeenba.
16. koolley ku kariyaan derbiga ,kumanna waa meyde.
17. kibistoodi cadawgaa cunee, kulub ha noolaado.
18. kasi meynin kolkey furdada,kaba la,aayeene.
19. oo ay kutaanta boodada wateen,iney kibraayaane.
20. iminkey kuraas inya gateen, rogog ku kaadsheene.
21. kufkood niman aheyna gabdhuhu,nagala koodaane.
22. ku kurrey intey noqon lahayd, kulub ha noolaado.
23. kufri sii dhacaayaad gacmaha, kor ugu heysaane.
24. kaniisadda ninkii doonayaw ,waa kuugu kalgaahe.
25. nin waliba kolkiisa kursiga,looga kacayaahe,
26. annagey kolkeennii tahee,kulub ha noolaado.

NO ERAYGA MCINIHIISA
1. Kulub Faarax shuuriye.waxuu ahaa lashin caan ku ahaa tirinta
maasada ,oo noolaaylaba boqol sano ka hor
2. Kurtun geed la gooyay salkiisa dhulka ku hara oo dadka suulka ka
gooya.
3. Koor geed la qoro oo inta dhaxda laga qoro qudad loo yeelo ,si u
sameeyo cod la maqli karo,oo xoolaha lagu xirto.
4. Kaaleyn cod loogu yeero xoolaha ,gaar ahaan Ariga marka la doonaayo
in uu dadka raaco.
5. Kirish booy wiil yar oo darawlka baabuurka wada kaalmeeya

59
NO ERAYGA MCINIHIISA
6. Kii koos eray talyaani ah oo macnihiisu yahay waa maxay.

7. Keyfa xaalak ka waran xaaladaada

8. Kibistooda muufadoodi ay cuni lahaayeen

9. Kufkooda aan gayaan u aheyn in ay guursadaan

10. Kurkurrey magac loo aqoon jiray naagaha jirkooda ka gancsada.

Su'aalaha Casharka
Akhri gabayga ka dibna ka lawaab su,aalaha soo socda:

1. Goormee la aasaasay ururkii u horreeyay


oo siyaasi ah oo ka dhasha dalka soomaaliya?
2. Xilliga la furay ururkii la dhihi jiray (syl) yaa dalka xakumaayay?
3. Laashinku yuu la hadlaaya oo uu doonaaya in uu ku kiciyo suugaantiisa?
4. Sheeg erayada soo socda macnahooda?
(Kukurrey,kii koos,kaaleyn, kirish booy,kuf.)
5. Yey ahaayeen kuwa laashinku leeyahay kuf uma aha gebdhaheenna?
6. Raggii aasaasay SYL waxa ka mid ahaa: Qor inta aad xasuusato.

1. ……………………………………………………………………………………………
2. …………………………………………………………………………………………...
3. .……………………………………………………………………………………….....
4. ………………………………………………………………………………………......
5. ………………………………………………………………………….....................

60
Cutubka 17aad
Asluubta hadalka

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo qoraalka asluubta hadalka kana jawaabo su'aalaha ka
dambeeya.
 Curis ka qor faa'iidada laga helo akhlaaqda wanaagsan.

Akhri Qoraalkaan kana jawaaba su'aalaha ka dambeeya.

Dadku waxa ay xayawaanka kaga duwan yihiin waa ay fekeraan, weyna hadlaan,
weyna is ixtiraamaan. Bulshadii aan is ixtiraamin ama is raalli gelin waxa ku badan
karo qas iyo nacayb dhex mara dadka isla nool. Bulshadii aan is qaddarin waxaa laga
yaabaa in ay aakhirka burburto, maxaa yeelay xiriirka ka dhexeeya dadka ayaa
xumaanaya.
Haddaba, si uu u tooso xiriirka idinka dhexeeya dadka kale, waxaa habboon in aad
garan karto baahida dadka aad la dhaqantid. Talooyinka soo socda waxa ay kaa
caawin karaan in aad raalli geliso dadka aad la nooshahay.

1. Wanaaji hadalkaaga. Haddii aad dadka sheeko la gashid, dhegeyso waxa ay


kuu sheegayaan oo ka bixijawaab ku habboon. Ha caayin dadka iyo

61
fikradahooda, hana badin hadalkaaga. Haddii aad weerarto waxa ay dadku
aamin-san yihiin waa ay kaa xumaanayaan.
2. Waxba ha ka sheegin qofka naftiisa. Haddii aad qofka kale wax ka sheegtid,
isaguna wax buu kaa sheegaya, waana
isku xanaaqeysaan.
3. Baro in aad tiraahdo; "raalli ahow". Haddii aad aragto in uu
qofku ku dhibsaday.
4. . Dheh, "fadlan" marka aad qof wax ka rabtid. Dheh "Mahadsanid Alla (SW)
khyer ha kuugu jaseeyo marka uu qofku wax ku siiyo ama uu wax kuu qabto
Haddii aad qof qalin ka amaahatid, dheh "mahadsanid" marka aad u soo celiso
qalinka.
5. Waxba ha ka sheegin waxa uu qofku jecel yahay haddii wax Alle (SW) diidey
oo mamnuucay haddii aysan aheyn. Qof waliba waxyaabo gaar ah ayaa uu jecel
yahay. Markaas ha caayin waxa uu qofka kale jecel yahay. Waxa wanaagsan in
aad adiguna u sheegto waxa aad danaysid. Haddii waxa uu sheegaa ay yihiin
wax aan waxtar laheyn tartiib uga tag.
6. Ha u faanin dadka. Waxaa ceeb ah in qofku ku faano qoyskiisa, xoolihiisa iyo
naftiisa. Ma fiicna in uu qofku is cajebiyo ama isla fiicnaado. Waxa aad
haysato Alle (SW) ayaa ku siiyey qofka kalane u diidey uma waayin wax uu
siiyo.
7. Ka aamus haddii muran idin dhex maro qof kale. Muranku sidiisuba faa'iido ma
keeno ee dhibaato ayuu dhaliyaa. Haddii ay doodi qof idin dhex marto, waa in
aad tiraahdaa; "waan kugu raacsanahay meelaha qaarkood laakiin qodobkaas
waan kugu diiddanahay".
8. Ha ka riwaayadaysan dadka. Qaar baa ku cayaara dadka reer miyiga ah iyo
dadka waayeelka ah. Haddaba, adigu si daacad ah ula xaal ama ula dhaqan
dadka, iskana ilaali qiyaanada iyo nifaaqa.

62
I. Su'aalaha Casharka
Ka jawaab weydiimaha.
1. Maxaa ku dhaca bulshadii is qaddarin weyday?
2. Maxaa dhici kara haddii qofka kula hadlaya aad hadalka ku
1. badisid?
2. Maxaa dhici kara haddii aad caydo dad uu jecel yahay qofka
3. aad la hadlayso?
4. Maxaa laguu yiri; "ha weerarin shakhsiyadda qofka kale"?
5. Maxaa ay dareemaan dadku haddii aad faaniso qoyskaaga?
6. Maxaa loogajeedaa marka lagu yiri; "ha ka riwaayadeysan dadka?". *

II. Buuxi meelaha bannaan,

1. Haddii aad qofnaftiisa wax ka sheegto waa uu______________


2. Haddii qof uu ku qoonsado ku dheh__________________
3. Haddii uu qofku wanaajiyo ama wax kuu qabto ku
dheh__________________
4. Haddii aad qofwax ka rabtid, ku dheh _________________
5. Haddii uu muran idin dhex maro qofka, waa inaad______________
6. Haddii aad wax ka sheegtid qofku waxa uujecel yahay, waa uu
__________________

III. Curis: Wax ka qor (ilaa 25 sadar) faa'iidooyinka laga helo


akhlaaqda wanaagsan.

63
Cutubka 18aad
Guubaabo (Gabay)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo gabayga guubaabo

Gabaygan waxa tiriyey Axmed Ismsaciil Diiriye oo ku magac dheer Qaasim, Sida la
ogsoon yahay Qaasim waxa uu ahaa nin gabayadiisii ka horreeyeen 1969 had iyo
jeerne ku canbaareyn jirey maamulkii dawladihii ka horreeyey kacaanka. iskama uu
canbaareyn jirin maamullada hore, oo ceeb ayna lahayn in uu sheego wax aan Jirin,
hase yeeshee waxa uu isku deyi jirey in uu ku baraarujiyo, una tilmaamo,
dareensiiyana dawladahaas danta dalka iyo dadka oo ay la ahayd Qaasim in ay ka
leexsan yihiin nimankii hore inoo maamuli jirey,
Qaasim gabaygan waxa uu tirshey 1970, markaas oo kacaanku jirey, in ka yar 1 sano.
(isaga oo ku niyadsan in kacaanku isbeddel weyn waddankan u keeni doono, musuq-
maasuq iyo waxyaabihii jirey ee dib inoo dhigayna tirtiri doono, Waxa uu gabaygan
Qaasin ku sheegayaa in Soomaaliya hadda geeddi dheer ay guurtey, geeddigaas
dheer oo ay wadi doonaan dad hawl kara oo maddaalayaal ah, waxa loo mari doonaa
dhibaatooyin waaweyn oo fara badan kana mid yihiin gaajo, harraad iyo kuwa badan
oo gabayga ku tilmaaman, laguna gaari doono baraare iyo barwaaqo haddii loo
adkeysto oo Alle (SW) irdahaas furo.
Waxa kale oo Qaasim uu sheegayaa madaxda kacaanka in noloshu tahay wax aan lagu
waareyn, waxa qura ee qof madax ahi reebaanna ay tahay waxa uu tilmaami jirey oo
ay taariikhdu dhigto. Sidass daraadeed waxa uu tilmaamayaa horseeddada geeddiga,
ama madaxda talada haysa in dadku uu ogaan doono hadba wixii sammaan iyo
xummaan ah oo ay la yimaaddaan oo ay dalalka gashadaan, taariikhduna ay sidaas
dhigi doonto.

64
1. Geeddiga is raray meel fog baa, loo gol leeyahaye
2. Gaadiidka waxaa loo hormarin, ku qarqaar dheer
3. Gargaarinmeyso askari,, giigsan baa wadayee
4. Gudoodiyo mir baa loo ballami guuro bahallayne
5. Gabbal dhacday iyo waaberi jid baa, lagu galoolaanne
6. Gaajiyo harraad iyo surmaa guudka loo dhigiye
7. Gocondhiyo cagaagbaa lugaha, gaaar ku soo bixiye
8. Guryasamo ilaa lagu furay, gibishu saarraane
9. Garbo jar baa laysku shubi, gootin iyo laage
10. Waxay galbata soomaalinnimo, giilaalyo u hayso
11. Ee guul ku tamihii dhibtaa, wa guddonsadaye
12. Hayeeshee dhibtaa lagu gurmadey, gel u bixinteeda
13. Awr garab ku daaqiyo ninkii, gaarimahayaane
14. Giiryaale fulihii xumaa, wuu gabaabsiyiye
15. Gaangaanbiyuhu wauxu ku hari guri abaareede
16. Gudcurkuu waddada baal ka mari, gacan ku dhiigluhuye
17. Gumeystaha raggii uur jeclaa, way gubtahnyoone
18. Waxay galabsadeen iyo nabsaa, geed ku soo xiriye
19. Gawraaro iyo meel xun bay, gibi madoobaanne
20.Gu'gaa lagu hayaamay ka qadi , gaalo qudhunleeye
21. Ninkey godobi jiiftiyo wixii, gaabisaa hariye
22.Garoo noloshu gebigeedu waa, golo cayaareede
23.G;aankeedu waa sheekadoo geleysa taariikhe
24.Gardarro iyio xumaan iyo samaan, gees ay noqtaaba
25.Ninba wuxuudadweynha gashaday gumaradeed tuugye
26.Nafiba geedka ay beerataa bey,goosan mirihiise
27.Aniguna garsoor iyo xornimo, waw god gelayaaye
28.Ilaa aan gobolladii iga maqnaa, calan ka guud taago
29.Oon garangar Soomaaliyleed, guri u weegaaro
30.Geeraar haddaan tirinayo iyo gabay haddaan maago
31. Guubaabadaaseytixuhu iiga soo go'iye

65
Su'aalaha Casharka

1. b) Tuduca hore: aftahannada uu isticmaalay Qaasim magacow


t) Muxuu uga jeedaa geediga la raray?
j) Meesha fog ee loo gol leeyahay waa halkee?
x) Gaadiidkan lagu guuraayo maxaad ku sheegi laheyd?
Kh) Kaa uu garaadka dheeri muxuu yahay?
Askariga giigsan ee uu Qaasim sheegay inuu wadi doono geeddiga maxaad ku
tilmaami laheyd?
2. Dhibaatooyinka geeddiga dheer loo mari doono ee gabyaagu uu wax ka
tilmaamay wax ka sheeg?
b) Kuwa sidaa guddooonsday waa kuwee?
t) Kuwa aan guddoonsanin sidaasi waa kuwee?
3. Tuduca 24 - 29 ee gabayga si tafatiran uga faalloo
Waa maxay waxa Qaasim gabayga ka keenay sida uu gabaygiisan ku
tilmaamay?

Sharraxa ereyada

1. Loo gol leeyahay : loo jeedaa, lagu socdaa


2. Garqaadd (garqad) : kan ugu dheereeya
3. Gaargaarinmayso : gaabinmayso
4. Lagu galoolane : La hayn doonaa,la socon doonaa
5. Surmi : Haaraad
6. Gocondho : Qodax gaar-xarsuun
7. Gibishu : rarku
8. Laag : garbo
9. Giilalyo : Naxdin jaceyl
10. Guul ku taam : iib jecle
11. Garab ku daaq : awr silga oo raran daaqa iyo ninka wataa meel fog
ma gari karaan
12. Gaangaambiye : Ma orde, tukuba
13. Gumaaradeed : Abaalkeed

66
Aftahammo
1. Cali qalinkiisuu maalaa

haddii aad weerta kor ku qoran u fiirsato, waxa aad arkysaa, in qalinkii neef xoolo
ah oo caano laga maalo laga dhigay. Halkaas waxa ka muuqata in tilmaan xooluhu
leeyihiin qalinka la siiyey. Taas oo ah: "caano". Haddii aftahannimadii ee aynnu hore
u soo qaadannay dib u eeno, waxa aynu arkaynnaa in noocan oo kale, ergis loo
yiraahdo, maxaa yeelay: caanaha waxa laga soo ergistey, xoolo, waxaana la siiyey
qalinka.
Haddaba adiga oo tusaalahaas raacaya
1. Su'aasha koowaad ee weydiiimaha gabayga Qaasim ka jawaab.
2. Sharrax kooban ka bixi tuducyada: koowaad iyo kan labaad.
3. Macnee erayada hoos ka xariiqan adiga oo u fiirsanaya waxa loola jeedo
weerta oo idil
b. Roob Allah (SW) keeno
t. Xasan duubka waxa uu u dhuuqsadaa si uu wax muuqda u qabto
j. Ilmaha rootigooda waxaa u soo dhiciya Aabbaha
x.Cidda dabku waa ka dansan yahay.
kh. Ninkaasi waxa uu ku nool yahay nolol xun

67
Cutubka 19aad
Dhibaatada Qaxa (sheeko)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Wax ka qoro dhibaatada soomaalida kala kulanto markii ay ka
qaxaan dalkooda hooyo

Markii aad akhrido qoraalkaan, qor curis ka sheekeynaya dhibaatooyinka


soomaalidu la kulanto markii ay ka tagaan dalkooda hooyo.
Guuleed qoyskoodu waxa ay degganaayeen magaalada Xamar. Waxa ay ka
koobnaayeen shan caruur ah, Aabbe lyo Hooyo. Aabbe waxa uu dukaan ku lahaa
xaafadda Xamar-weyne. Iyaga oo meeshii deggan ayaa waxaa qarxay dagaakii
sokeeye, sannadkii 1991kii.
Guuleed qoyskoodii waxa ay maqleen rasaas dhacaysa. Waxa ayna arkeen deriskii oo
qaxaya. Qoyskii waxa ay ku tashadeen in ay u qaxaan miyiga Xamar ee ka sokeeya
Balcad. Waxa ay qaateen laba boorso oo dhar kujiro, raashin, joodariyo, maacuun iyo
saliyo ay ku dukadaan. Markii ay wax badan socdeen ayaa ay qaadi kari waayeen
alaabtii. Guri u dhowaa meeshii oo ay marayeen ayey gargaraaceen, Islaan waayeel
ah oo keligeed guriga joogtey ayey u dhiibteen labadii boorso ee dharkii ku'jirey.
Habeenkii waxa' ay u hoydeen geed hoostii. Subaxii ayey meeshii ka boqooleen
(tageen). In badan markii ay socdeen ayaa carruurtii oohin iyo buuq isku dareen.
Geed qurac ah oo ku yaalley meel bacaad ah ayaa ay degeen. Aabbe waxa uu qaatay
laba caagadood si uu biyo u raadiyo, Hooyana waxa ay doontay xaabo wax lagu
karsado.
Markii uu Aabbe biyihii keenay, Hooyana in xaabo ah soo gurtay, ayaa uu Aabbe ku
yiri Hooyo; "Meeshani waa cidla, biyo iyo derisna midna ma leh. Markaas carruurta u

68
kaxeeyey meel deegaan fiican leh. Aniguna dukaankii ayaan ku noqonayaa si aan waxa
loo baahan yahay uga soo qaado.".
Hooyo ayaa tiri; " Anigu dhulka ma aqaanni, carruurtana qaar ayaa buka ee ha naga
tegin." Cabbaar markii ay doodeen ayaa Aabbihii tegey markii ugu dambeyntii ay
isku waafaqeen in uu baxo. Reerkiina habeenkii waxa ay seexdeen geedkii hoostiisa.
Subaxdii ayaa Hooyo aragtay carruurt oo qaarkood "qunfacayaan, qaarna shuban
bilaabeen. Hooyo waxa ay Guuleed ku tiri; "Hooyo, waxa aan raadinayaa meel biyo
leh ee carruurta iyo alaabta la sii joog." Carruurtii yaryarka ahayd ayaa hooyadood
ka daba ooyey. Waxa ay ku tiri; "Hooyo haddeer ayaan soo noqonayaa ee Guuleed la
siijooga."
Carruurtii waxa u yimid nin wanaagsan oo dadka baadiyaha ka mid ahaa waxa uuna
warsaday carruurtii meesha ay ka yimaadeen, cidda la joogto iyo waxa ay u baahan
yihiin, waxa uuna u keenay Raashiin iyo biyo. Hooyadii markii ay soo noqotay waxaa
ay u timid caruurtii oo wejigooda farxad ka muuqato waxa ayna u mahad celisay
ninkii. Tii Alle (SW) kadib. Markaas ayey reerkii u rartay meel biyo leh oo la deggan
yahay. Qoys meesha ay u qaxeen degganaa ayaa reerkii soo dhoweeyey oo siiyeen
kiish qamadi ah iyo aqal yar oo buul ah. Ogow gurigaaga oo laga qaxo waxa ay keeni
kartaa isbeddel xun ee ku dhacay nolosha qofka.

Su'aalaha Casharka

1. Maxaa keena Qaxa?


2. Wax ka sheeg dhibaatooyinka ka dhasha qaxa?

Curis: Qor curis ka sheekeynaya dhibaato dadka soomaaliyeed


ku dhacday markii ay ka tageen dalkooda hooyo.

69
Cutubka 20aad

Dardaaran Waalid (gabay)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo Gabayga
 Sheego dulucda gabaygu uu xambaarsan yahay
 Sharraxo ereyada iyo tuducyada gabayga qaar ka mid ah
Ismaaciii Mire isaga oo will uu dhalay oo Cali la oran jirey doonayey in uu nolosha u
carbiyo, ayaa uu gabaygan u tiriyey. Nasiibdarro, Cali waa uu shaqo tegey waxa uuna
isku-qoray askartii Talyaaniga halkaas oo uu dagaaikii ku dhintay. Ismaaciii waxa uu
yiri:

1. Caliyow xusuus kugu dullee, ubad xumaadaaye


2. Wax badan baan xagaagii wan weyn; xawda kuu jaraye
3. Wax badan baan sidkaha kuu xayiray, xaaswalwaallada e
4. Xiniin yoolihii kula sinnaa, waa ken xoogsadaye
5. Xadka qabada niman baa guboo, soo xantoobsadaye
6. Niman baa xeryaha deyrka dhiga, xanankii toommoode
7. «Liiraha» rag baa Xamar u tegey oo u xeeb maraye
8. Niman baa dayuurado ku xiran, xiima samadaase
9. Niman baa xijiga iibsadiyo, xabag dhunkaaleede
10. Niman baa xaraabadda gala oo xoolo saanyada e
11. Hablaha xuural-caynta ah rag baa xiiq ku guursade e
12. Niman baa xafaarka u guntadey, oo xabaal qoda e
13. Soddon baan ku xaasaamiyey iyo, weliba xaalxaale
14. Haddaan xiiqay sidaan kuu lahaa, xaaxiyohow toose
15. Xaawaley kolay tahay dad waa xagafsanaaye.
16. Xag uun labada daarood ka raac, hays xakaakum ne.

70
I. Sharraxa ereyada iyo tuducyada
Wax badan baan xilli kulul wan weyn kuu qalay oo hiiib kaa dherjiyey. Wax badan
baan isla markaas halo dhalay isugu kaa sidkay oo aad caanahooda sanka ka keentay.
Raggii kula gudboonaa oo dhammi waa shaqa tegey, adiguna waad iska fadhidaa oo
aniga uun baad weli i soo eegeysaa.

Waxaa jira rag facaaga ah oo inta ay hawdka galeen qabada soo gurta oo tacab ka
xantoobsada, ama gacanta ka.buuxsada. Rag baa xoolahooda jirta oo Hawd uga xero
dhiga. Rag baa Xamar u kacay oo u xoogsi tegey si ay lacag u soo shaqaystaan.

Dayuuradaha samada lalaya, rag baa saaran, oo ka xoogsanaya, naftooda si ay halabo


u helaan halis u geliyey. MIyaanad ka war hayn, in ay rag beeyada ka shaqaystaan oo
xabag dhunkaaleed xoolo kala soo baxaan? Gabadha quruxda badan leh hawi iyo
dhibaataa rag ku guursadaa, Ma og tahay in uu rag xabaalaha qodo oo ka xoogsado?

Soddon sannadood iyo dheeraad baan ku soo korinayey. Ilaa maantana waad i ag-
fadhidaa. Waan kugu daaley sidaan kuu lanaa wer meesna ka kac oo wax tacbo.
Dadkii rag iyo haweenba waa shaqaysanayaaye kac oo gees uun adduunyada ka raac,
ha kuududin uune.

II. Ereyada adag - Sharaxooda

1. Xawda kuu jaray = kuu qalay - kuu gawracay


2. Xaas walwaallada = xaas wadeennada - kuwa badiya
3. Xiniinyoolihii = Rag, niman
4. Xadka =Hawdka-Qabada=geed weelka caanaha iyo biyaha
laga sameeyo, xantoobsada = gacanta
buuxsada - gurta
5. Xanaanka = kulka, dhibaatada, toomaha - geed magacii
6. Liiraha = lacagta Talyaaniga
7. Xijiga beeraha = beeyada, fooxa,
8. Saanyada = qaybsada
9. Xafaar = xabaala qode
10. Ku xaasaamiyey = ku koriyey, xaaxaal dheeraad
11. Xaaxiyahow = Doqonyohow - liitayahow

71
12. Xagafsanaya = ordaya - roorayaa - shaqaynaya
13. Xakaakumin = hays hadoodiline - ha fadhiyin

Su'aalaha Casharka

Ka jawaab su'aalahaan

1. Yaa tiriyey gabayga dardaaran waalid?


2. Dulucda uu gabagu xambaarsan yahay maxaa ay tahay?
3. Sheeg oo qor Ismaaciil Mirewixii uu ka dareemay wiilkiisii?
4. Wax ka qor qaababka xun-xun ee qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed
ay ku nool yihiin.

72
Cutubka 21aad

Horumarka Ilbaxnimada (gabay)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo Gabayga
 Sheego dulucda gabayga uu xambaarsan yahay, sharraxaadna uu ka
bixiyo
Akhri gabaygan kana jawaab weydiimaha ka dambeeya

Maxamed ibraahim (Hadraawi} waxa uu ahaa nin aad loogu tixgeliyo murtida iyo
noolaynta suugaanta Soomaaliyeed, waxa uuna Ku xeel dheer yahay curinta
xikmadaha la xiriiro nolosha iyo dhaqanka wan wanaagsan, gabayada iyo murtida, ilaa
hadda waxa uu soo saaray ee dadka u soo bandhigayna, si la yaab leh ayaa loo
jecleystay, qaarkoodna dadku halheys baabu ka dhigtay. Maxamed oo
waxbarashadiisa dugsiga sare ku qaatay Cadan, dalka waxa uu Ku soo laabatay
1970kii, ilaa 1973kiina macallin Wasaaradda Waxbarashada ka tirsan ayaa uu ahaa.
Waxa uu ku dhashay miyiga magaalada Burco.

Qaybtan (gabayga) oo ka mid ah gabayadiisii: dheeraa ee uu kula sii talinayey,


Kooxdii ugu horreysay ee ka baxday Jaamacadda Ummadda Laanteeda
Waxbarashada 1973kii waxa uuna tiriyay gabay ku saabsan dadka adduunkan ku
dhaqani sidii ay ilbaxnimada u soo bilaabayeen, kolba heerka ay ka marayey iyo sidii
uu heerarkaa uga soo gudbayey iyo himilooyonkii uu hadba nolosha dunida ka lahaa,
ilaa aqoontiisu ay u suuro gelisay awood uu ku dego dayaxa -dushiisa meelo Ka sii
fogna uu haweysanaayo:

73
1. "Beri baa dadkuba qaawanaa, dibad ku noolaaye
2. Oy daaqayen cawska iyo darista geedahaye
3. Dareemada mar bay ugu koreen, duudkaa buuraha e
4. Dalanbaabbi iyo guuldarriyo, doogga cuniddiisa
5. Danbaa gelisay inay raadiyaan, nolo ka door roone
6. Dugsi iyo markii ay heleen, dab u iftiimaaya
7. Ugaartiyo markii ay dabteen, deero iyo cawsha
8. Duunyada markii ay dhaqdeen, bahalihii duurka
9. Beeraha markii ay degeen, orodkii may deynne
10. Dama baa hoggaanka u qabtoo, door labaad raraye
11. Daar iyo markii ay dhisteen, aqallo daah weyn leh
12. Markab aan degeyn iyo markii, doonyo lagu dhoofay
13. Sabareyn dabaashiyo markii, qalab la sii daayey
14. Nin waliba markuu daadsadee, kibir la daanshooday.
15. Yaa niman dalxiis ugu kaceen, meel dusheenna ahe
16. Sawaariikh dillaantiyo rag baa, guurka loo diraye
17. Duhur kaliiya bay sii socdeen, daalla may arage
18. Dayaxay habeenkoo bar tagey, degel fariisteene
19. Maantana dhul sii durugsan baa, dirir ka muuqdaaye
20.Daba gaabahaa lagu socdaa, awrka doobta lehe
21. Daalaa-dhac adigoo ah oo cudur ka soo doogey
22.Nin tunkiisa daayee ulbaalagu, dilaaxdhaaye
23.Libta looma daayee ulbaa lagu, dillaacshaaye
24.Innagiyo nin dahab sheegtayoo, qubaya doollaarka
25.in dagaalku labadeenna yahay, dib u xusuusnaad

74
Su'aalaha Casharka
Ka jawaab su'aalahan

1. Faallo kooban ka bixi waxa uu gabaygani ka hadlayo


2. Gabayadii hore kuu soo maray muxuu kaga duwan yahay gabayganu? ka hadal.
3. b)" Ujeeddada guud ee tuducyadaan sharrax:
4. Daalaa-dhac adigoo ah oo cudur ka soo degay nin tunkiisa daawaday hadduu
kuu dardaar weriyo, libta looma dayee ulbaa lagu dillacshaaye"
5. t) Sharax ereyada hoosta xariiqdu ka marsan tahay.

Curis: sharrax kooban ka bixi waxa gabyaagu ka hadlaayay

Maahmaahdaan koox-koox uga dooda

75
Cutubka 22aad
Maahmaah & Murti

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Kooxdiisa kala doodo maahmaahda iyo muritida

MAAHMAAH IYO MURTI


Waa maxay Mahmaah?
Maahmaah waa qeyb ka mid ah hadalka, waxayna ka tirsan tahay suugaanta, sida
maansada tix, tiraab, saar iyo sheekooyinka sida habaysan u qarani inta badan
maahmaayada qaafiyad bay leedahay xarafna wey ku socotaa.
Siyaabaha loo adeegsado maahmaahda, waa sidan soo socoto
- Garnaqsi
- Kaftamid
- Xod-Xodasho Dumar
- Fikrad Ka Dhaadhacin Qof Kale iyo Digniinba
Tusaale: Garnaqsi waa Allahayoow aqoon darro hanagu cadaabin eexna
hanooga tegin
maahmaahdan waxaa loo cuskadaa marka gar la naqayo

* Habar Fadhido Lagdin La Fudud


Maahmaahdan waxaa loo adeegsadaa marka qof wax uusan qaban karin layiraahdo
war sidaa yeel oo xooga ka qabo.

*La Jiifiyaana Bannaan La Joojiyaana Bannaan


Maahmaahdan waxaa loo cuskadaa qofka ka fekera dantiisa oo qura isla markaana
dib uga noqda go’aankiisa.

*Barashao Horteed Ha I Nicin


Maahmaahdan waxaa loo cuskadaa in aadan nicin qofna ilaa aad ka barato

76
* Xoog Hadaad Waydo Xeelad Ma Weyday
Maahmaahdan waxaa loo cuskadaa in aan xoog kaliya waxba tarin oo tab iyo xeel loo
baahan yahay mar walba.

koox koox uga doodo maahmaahda iyo murtida soo socota

1. Aan wada hadalno waa aan heshiino.


2. Adoo nabad u balowaa, beloy kalel looma yeerto.
3. Afxumo nabadna waa kaa kaxaysa, colna wax kagama tarto.
4. Arrin xumo abaar ka daran.
5. Colaad iyo nabadi meel ma wada joogaan.
6. Colaadi gurigaaga way kaa kaxeysaa ku kalana kuma geyso.
7. Col ninka soo arkay iyo kan looga warramay si uguma wada cararaan.
8. Gartaada inta aadan geedka tagin baa la naqsadaa.
9. Marka nabad la helaa nolol la helaa.
10. Tacbadaa ma tuugsado..
11. Waxaad sammaan ku weydo xummaan laguma helo.
12. Waxaan nabad iyo caano ahaynba waa la kala qaadaa.
13. Xalaal iftiin baa la qashaa.
14. Xumbo iyo xiiso waa dhacaan.
15. Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dilaacaa.
16. Nin miyir leh baa marti soora.
17. Nin hurdaa la kiciyaa.
18. Nin habaarani ma harsado.
19. Seddex weligaa ma gaartid.
b) Nin kaa faras fiican maalin ma gaartid.
t) Nin kaa beer fiican sannad ma gaartid.
j)Nin kaa xilo fiican, weligaa ma gaartid.
20.Ilaahow eexna ha noogaga tegin, aqoonla'aanna hanagu cadaabin.
21. Nin kula yaal baa, tabtaada yaqaan.
22.Hadal nin si u yiri ninna si u qaaday.
23.Naag kas ha lahaato, karitne ha lahaato.
24.Ayaan Alle (SW) sii aqal ma weydo.

77
25.Nin weyn wedkii wuu yaqaanaa
26.Labo xaajo waa is-xayeesiisaa.
27.Lidaayo is-mood moodaysa laabtay isku haysaa
28.Geedkii doon noqonaaya yaraantiisaa la kasaa
29.Mukulaal mininkeed joogto mici libaax ee leedahay
30.Maal ninkaasaa ka murgo meedna ninkiisa mara saarto
31. Canjeero sida ay u kala korreysaa loo kala qaadaa.
32.Ninkii sabraa sed leh
33.Wax la waayey looma waasho
34.Iimaan Allaa uur buuxsha
35.Markii libaax la arko waraabe ciddas noqonaa
36.Talaado ii baa kooyaase

Murti
Dani Waa Seeto: Muirtidaan waxaa loo cuskadaa in aad ku raalli ahaato waxaad ka
maarmi weydo
Afka Af Buu Eeday: murtidan waxaa loo cuskaadaa in marka qof uu dhib u geysto
qof kale laga jaseeynayo aduunka Aakhirana u dheer tahay.
Adigoo Harsan Waye Malaguu Soo Hargalay: murtidan waxaa loo cuskadaa marka
qof uusan waxba haysan qof kale u soo guri galo ee uu kaalmo weydiisto.
Dameeraley Dad Ku talo Ma Ahan: murtidan waxaa loo cuskadaa in dad aadan isku
dan ahayn inaad ku dayan oo aadan dantaada iyo watigaaga ku lumin.

Murti seddex lee ah

Dhammaystir qaybaha maqan.

1. Saddex baa waxa ay tiri:


Marag llaahey waxa aan ka nahay in aan macaanahay.
2. Saddex kalaa ka daba tiri:
Marag llaahey waxa aan ka nahay in aad macaantihiin.
3. Saddex kalaa ka daba tiri:
Marag llaahey waxa aan ka nahay/ macaan iyo qaraar waxa aad tihiin,
midna inaanaan aqoon.

78
1. Malab baa waxa uu yiri:
Marag llaahey waxa aan ka ahay in aan macaanahay.
2. Carrab baa ugu markhaati furay oo yiri:
Markhaati llaahey waxa aan ka ahay, malabow in aad macaan tahay.
3. Farta ayaa tiri marag llaahey waxa aan ka ahay, malabow macaan iyo kharaar
waxa aad tahay in aanan aqoon.
Qur'aan baa waxa uu yiri
1. Marag Ilaahey waxa aan ka ahay in aan macaanahay
2. Caalin bartay___________________________________:
3. Caami________________________________________
Gabar baa waxa ay tiri:___________________________
1. _____________________________________________
2. _____________________________________________
3. _____________________________________________

Su'aalaha Casharka
1. Waa maxay murti?
2. Maamhmaahdu ma suugaan baa mise waa hadal caadi ah?
3. Maxaa lagu kala gartaa murtida iyo maahmaahda?
4. Maahmaahdu ma leedahay qaafiyad?

79
Cutubka 23aad
NINKII DAWLAD KHIYAANOW (geeraar) Jimcaale Dhegataag.

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo geeraarka koox kooxna uga doodaan dulucdiisa
 Koox koox uga doodaan maahmaahda

Akhri geeraarka, koox koox uga dooda dulucda uu xambaarsan


yahay.

Dawladnimadu waa wax dadka ka wada dhexeeya ,qof kasta oo muwaadin ka ah


dawladaas,waxa uu xaq u leeyahay in uu dawlada u shaqeeyo haddii uusan dembi
qaranka ka gelin.

Maadaama aan Ilaahey dadka uusan simin oo qof kasta si gaar ah uu u abuuray ,waa
iska caadi ah in dadkii dawladda u shaqeynayey qaarkood uu damac ka galo in ay
xadaan ammaanadii qaranku uu u dhiibay,si haddaba uu ugu digo kuwa damaca xun
oo isku dayaaya in ay xadaan xoolaha dawladda ayuu laashinku waxa uu meeriyey
geeraarkaan soo socda, waxuuna yiri:

1. Ninkii dawlad qiyaanay.


2. Waa dambiila is mooge.
3. Door haduu wax kaa qaato.
4. Ee door kaleeto ka qaato
5. Kuma deeqdo intaane.
6. Ka doonoo is yiraahda.
7. Asigoo daldalaayoow.
8. Dabinkii ku dhacaa.
9. Dawlo duul cillan waayo.

80
10. Dabeyshaa wax u sheegta.
11. Amasee duulal habeene.
12. Digtoonaw weligaaba.
13. Oo daa,inkaaba ka yaab.

Su,aalha casharka.
I. Akhri geeraarkaan mar kale, kana jawaab su,aalaha soo socda:
1. Yaa xaq u leh in uu u shaqeeyo Dawladda ?
2. Yuu laashinku ula jeedaa duulka qarsoon oo dawladda u soo waramaaya?
3. Maxaa ay tahay sababta haddii uu qofku hal mar wax xado uu mar kale uu ugu
noqonaayo.?
4. Yaa dembi badan in la xado xoolo dawlad iyo in la xado xoolo qof gaar ah
leeyahay?
5. Haddii qof qaranka wax ka xaday uu soo celiyo wixii uu xaday yuu u
dhiibayaa?

II. Maahmaah

koox koox uga dooda maahmaahda iyo murtida

1. God khiyano ha qodin haddaad qodana ha dheereyn ku dhaceysaana lama


ogee.
2. Dawaco meeshey macaan ku baratey macluul ugu dhimataa.
3. Inta aadan falin ka fiirso.
4. Maska haba xuub siibtee waa uun mas
5. Cabsi iyo dabeecad waanaag waxaa kugu jeclaada Ilaaheyn (SW)

III. Curis: Ilaa 21 sadar ka qor sababta xoolaha ammaanada ah ee dawladda ee


loo dhiibay dadka qaar maxaa ay u xadaan. Isticmaal tusaalooyinkan soo socda
ee qaybaha marka aad curis qoraysid

81
Akhri qoraalkaan gaaban ee loo sameeyey qeybo oo mid waliba ay wadato
ujeeddo gaar ah. markii aad akhrido qoraalkaan dabadeed qoraal kale qaybo u
samee ee qor

1. Adeegga Magaalooyinka la siiyo


2. Qalabka ugu muhiimsan ee loogu adeego
3. Markii dadku arkaan dab

Adeegyada magaalooyinka la siiyo waxaa ka mid ah dab-damis. Kooxda dab damisku


waxa ay ka kooban yihiin kooxo dad ah oo si gaar ah loo tababaray oo loogu talagalay
in ay baqtiyaan dabka oo ay dadka kabad baadiyaan dabka. Dadkaasi waxaa loogu
yeeraa Dab - demiyayaal. Waxa ay kooxdaan wataan matoorro loogu tala galay oo
qalab wata si ay u caawiyaan Dadka.

Qalabka ugu muhiimsan waa tubbo dheer oo ay biyaha ku rushayn karto meel fog
iyad oo cadaadis weyn wadata. Qalabka dabka waxaa kale oo la socdo jaran jarooyin
dhaadheer oo loogu tiiriyo dhismayaasha dhaadheer si dadka meelaha ku xaniban
looga badbaadiyo.

Markii ay dadku arkaan Dab isla markiiba waxa ay taleefoon udiraan saldhiga deb-
demiska dabadeed kooxda deb-demiska waa in ay si dhaqso u damiyaan goobta uu
dabku wax ku gubaayo. Baabuurta dab-demisku waxaa lagu rinjiyeeyaa rinji gaduud
ah si ay u arkaan Darawallada kale oo ay ugu leexdaan jidka ama ay uga joogsadaan
inta ay dhaafayaan hoon iyo nalal sida baabuurta booliska oo kale biligbiliglaynaayo.

82
Cutubka 24aad
Odaygii daacadda ahaa (sheeko)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Sheego sheekadan murtida aay xambaarsan tahay
 ka jawabo su'aalaha marka uu sheekada akhriyo kadib
 sheego daacadnimada waxa ay tarto
 Qeexo sida daacadnimada shaqo loogu helo.

Hordhaca Casharka:

Waqti hore waxaa jiray nin duq ah oo la noolaa xaaskiisa 3 wiil iyo gabar uu dhalay.
Asaga waxaa uu ahaa sabool laakiin nin daacad ah ayuu ahaa. Waxaa uu lahaa dhul
yar uu ku beeran jiray khudaar. Wiilkiisa weyn waxaa la dhihi jiray Cali isana waxaa
uu ahaa wiil caqli badan. Markii u Cali dhamaystay waxbarashadii dugsiga sare waxaa
uu ku dadaalay sidii uu u heli lahaa waxbarasho ka sarreysa laakiin saboolnimadii uu
reerka ku ogaa awgeed wuu ka tola baxay fikradaas, Ka dib wuxuu go'aansaday in uu
shaqo galo sidaas darteed si uu u caawiyo duqa aabbihiis ah una daryeelo reerkooda.

Asaga waxa uu bilaabay in uu magaalada gudaheeda ka raadsado shaqo. Muddo badan


ayuu raadinayey shaqada laakiin ma uusan helin shaqo. Sidaas darteed aabbihiis
waxaa uu ku waaniyey asaga in uu ka raadsado shaqo magaalo kale, taasoo u jirtay
siedeed (8) km. Maalin walba waxaa uu ku aadi jiray lug goor hore, wuxuuna soo
laaban jiray goor danbe fiidkii. Sidaas darteed waxa uu raadinayey shaqo
saddex bilood in ka badan laakiin nasiib xumo ma uusan helin . shaqo. Maalin
maalmaha ka mid ah mar uu ku soo laabanayey guriga, ayaa waxa uu fariistay qeed
hoostiisa si uu u nasto. Waxa uu bilaabay in uu fakaro waxa uuna yiri; "waa maxay
nasiib xumadaani "? Waxa uu yiri, saddaxdii bilood ee ugu dambaysay waxa aan
raadinayey shaqo waana ku guul daraystay. Dhab ahaantii waxa aan ka

83
murugasanahay sida adag ee aabbahay ugu shaqeynayo reerka asagoo ah da'daas.
Oo Allow! Waxa aan kaa baryayaa in aad ii sahasho in aan helo shaqo si aan u
caawiyo, duq aabbahay ah iyo qoyskeenna.
Markii uu nastay wiilkii 10 - 15 daqiiqo waxaa uu bilaabay socod. Waxaa uu si dhaqso
ah u socday 1 km waqtigaas oo uu arkay boorso yar oo tiilay dhinaca jidka. Ka dib
markii uu xaqiiqsaday in uu dhinaciisa qofna joogin ayaa uu qaatay boorsadii waxa
uuna u qaatay dhinaca howdka si uu u arko wixii ku jiray. Markii u furay boorsadii,
waxaa uu, la yaabay lacagta isku xiran ee uu ka dhex helay iyo waraaqo kale ee ku
jiray. Waxaa uu bilaabay tirintii lacagta. Waxaa uu la yaabay lacagta uu helay oo
ahayd $5000 (doolar). lacagtaas badan aad ayuu ugu farxay. Lacagtii waxa uu ku
celiyey boorsadii, si dhaqso ahna wuu u socday.
Ka dib gaaritaankii guriga, waxaa uu aabbihiis u sheegay sida uu u helay boorsada iyo
wixii ku jiray. Waxaa uu wiilkii aabbihiis ku yiri waxa aan ku bilaabaynaa dukaan yar
lacagtaan. Waxaana ku noolaaneynaa nolol fiican. Markii uu aabbihiis ka maqlay
warkaas waxaa uu ku yiri, "wiilkeygii qaaliga ahaayo Cali, tani ma ahan lacagteennii,
xaqna uma lehin in an haysanno. Ma dareemi kartaa sida ninki lahaa uu uga xun yahay
Lacagta ka dhuntay, Cali waxa uu yiri, haa aabbe. Anigu waxa aan ka helay lacagtaan
jidka mana ka soo xadin qofna, tan kale majiro qof I arkaayey markii aan qaadayey
boorsada. Waana waayey cid aan ku celiyo lacagtaas. Markii uu maqlay aabbihiis, cod
gaaban waxaa uu ku yiri "wiilkaygiyoow, waxa aad leedahay qofna ima arkayn markii
aan qaadayey boorsada, laakiin ma hilmaantay in uu Alle (SW) ku arkaayey. Sidaas
darteed lacagtaan celi adiga oo aan daahin maadaama aad warqadaha lacagta la
socday aad ka heshay ninka leh cinwaankiisa " wiilkii waxa uu yiri; "waayahay Aabbe
waa aqbalay waana run in Alle (SW) arkayo waxa aan samaynayo."
Maalintii xigtay waxaa uu aaday wiilkii ninkii lahaa boosrada asagoo ku yiri,
boorsadaan Shalay ayaan helay fadlan tiri lacagtaada. Ninkii waxa uu aad u
jecleystay daacad-nimada Cali. Markaas waxa uu siiyey $500 oo abaal marin
ah. Cali wuu diiday in uu qaato lacagtaas laakiin waxa uu ku yiri; " waxa aan si xun
ugu baahanahay shaqo. Waxa aan aad ugu faraxi lahaa in aad i siiso shaqo taasoo iiga
fiican in aan qaato lacagtan. Ninka lacagta ka luntay waxa uu lahaa warshad weyn.
84
Waxa uu si dhaqso ah wiilkii ku siiyey shaqo mushaar fiican leh "Cali muddo badan
ayuu ka shaqeynaayey warshadaas waxa uuna ka helay dhaqaaale badan oo reerkii
iyo abbihiiba anfacday waxayna ku noolaayeen farxad iyo rayn rayn.

Dulucda casharka waa Odey daacad u ah qoyskiis

Dulucda casharka waa Odey daacad u ah qoyskiis

Su'aalaha Casharka

Ka Jawaab Su'aalahan

1. Maxaa ay inoo faa'idaynaysaa sheekadu?


2. Maxaad ku caddayn kartaa sida Cali uu ku helay shaqada mushaarka badan?
3. Maxaad ku xaqiijin kartaa in uu daacad ahaa duqu?

II. Curis; ka qor sheekada noocaan ka ag dhow.

85
Cutubka 25aad
Hees hawleed Geela iyo Lo’da.

Dhammaad cutubkaan ardaygu waxuu awoodaaya in uu garto:

 Waxa uu yahay hees hawleed.


 Xilliyada la qaado hees hawleedka.
 Ujeedada laga leeyahay suugaanta hees hawleedka.
 Qiimaha ay leedahay dhaqashada xoolaha,gaar ahaan geelka iyo lo,da.

Hees hawleedku waa heesaha la qaado xilliyada la haayo hawlaha


adag,sida :shubidda xoolaha,dhaanka warta,tumidda badarka,beera
falidda ,kebed sameynta iwm.
Waxaana sida badan heesaha loo qaadaa in ruuxa qaadaaya uu hawsha
dhibkeeda isku hilmaansiiyo ama uu dareensiiyo xoolaha uu u heesaayo
xiriirka kalgacal oo kala dhaxeeya,waxaanna heesahaas ka soo qaadan karna
heesaha soo socda:
-B- heesaha Geela.
Geelu waxuu leeyahay heesa loo qaado marka la shubaayo, marka la
aroorinaayo,marka la rakaadinaayo ,marka la dhayaayo iyo marka la
dhaaninaayo iwm,waxaanna u kala qaadeynaa heesaha geela laba qaybood oo
kala ah:

86
1- Heesaha shubidda geela.
waxaanna tusaale u soo qaadan karna heesaha shubidda geela tixaha soo
socda.
Haley heilddaa
Loo habeen lehe
Yaa ku heyn kara.

***
Goday geesigu
Geerida horteed
Gaadasheeyo
Geel la,aan diid.
***
Seben ari go,ay
Sacna weyl gebay
Suubey lagu sidig.
***
Madawgaagiyo
Naag magaalaba
Waa maqaafo
Waa ku meel gaar
May caskaagiyo
Wiilka muraqa leh
Waa maguuraan.
***

87
2- Salsaka awrta.

Sasalka awrtu waxuu ka mid yahay hees hawleedka la qaado xilliyada dhaanka

awrta ama safarta badarka lagu jiro,waxaana tusaala u soo qaadan karna

tixaha soo socda:

Bacadlaw yaa bun kuu duba

Bafta kuu garaariya

Bilcaan kugu nikaaxiya

Wan baruura kuu qala

Waan loo baranin mooye.

***

Awr geel waa agoon koris

Waa adduunya tiirkeed

Isha aadanaw daran

Iyo erayga naagood

Oo waa laga ilaalshaa.

***

Waryaqaan waraa yimid

Waki hore war soo dhaaf

Weerar gaalabaa yimid

Duulaan la war aqoon iyo

Waayeel qoloflabaa yimid.

***

88
T- Heesta lo,da.
Lo,du waxay leedahay heesa la qaado marka la shubaayo ama loo qaado marka
ay xerada ku jirto , waxaanna tusaale u soo qaadan karna tixaha soo socda:
Sidii duulkii
Diinka dhigan jiray
Daaman qalin laha
Waaba duunye
Diinka yaw dhigay
Oo dugsiga baray.
***
Geesa udubllaw
Maalin oon dhacay
Oo abaareed
Laysu oday sheeg
Lagaase abroon.
***
Hadduu duhurkii
Dibka dheer iyo
Dambeedada lulo
Waa dir baasoo
Raggaw dirrshaa
Oo dagaal gelin.
***

SU,AALAHA CASHARKA.
1-maxaa loola jeedaa hees hawleed?
2-goormee lagu heesaa hees hawleedka ?
3-waa maxay ujeedadda laga leeyahay hees hawleedka?
4-qor heesa kale oo loogu heeso geela ,ama lo,da .
5-sheeg hawla kale oo hees hawleedka loo qaado.
6-waxaad sheegtaa 4 maahmaah oo geela ku saabsan iyo 4 maahmaah oo lo,da
ku saabsan.

89
90
Koox koox uga dooda seddaxleydan

b. Seddex ayaad qofka ku barataa


1. In aad jid lamarto
2. In aad jadiin la cunto
3. In aad jabad la gasho

t. Seddax laguma daydo


1. Nin xaasid ah
2. Nin xanlow ah
3. Nin xaaraan cun ah

j. Seddax lalama saaxiibo


1. Rabbi ma yaqaan
2. Run ma yaqaan
3. Rag ma yaqaan

x. Seddax ruuxa muslimka ah waa u sharaf


1. Cafinta ruuxa dulmiya
2. Wax siinta ruuxa u adeega
3. Xiriirinta ruuxa cilaaqaadkiisa gooya

kh. Seddax seddaxaa laga hormariyaa


1. Geediga sahaydaa laga horumariyaa
2. Guri deriskaa laga horumariyaa
3. Dadka saaxiibkaa laga horumariyaa

d) Ilaahow seddex adaan kaa magan galay


1. Qalbi aan qushuuc laheyn.
2. Duco aan la aqbalayn.
3. Cilmi aan lagu intifaacayn.

91
b) HEESTA LO’DA

Hordhaca casharka:

Heestan waxay ka sheekaynaysaa xanaanada lo’da iyo manaafacada ay


leedahay.

Sanbaloo carab
Sanka biyo geli
Ka salaansuli
Siiga dheer kici
Sawir halo jira
Siiga ku hallee
Deeqo dacarreey
Hadduu doob shubo
Uu duq mayraco
Dooxadaan korto
Dooyo adag iyo
Dumaay ku ogtahay
Doodis walane

Sharax ereyadan

1- Sulaansulid :filig
2- Mayrac : daajin
3- Dumaay : cowska baxay sanadkii hore
4- Dooyo : caws
5- Doodis : orod

Su'aalaha Casharka
Ka jawaab su'aalaha

1. Hees kale oo lo’ada loogu heeso qor adigoo weydiinayo saaxiibadaa?


2. Imisa maalmood ayey lo’du oomanaan kartaa?
3. Qor wax yaabaha ay lo’du kaga duwan tahay geela

92
Cutubka 26aad

Qiimaha baraha

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Akhriyo gabyga qiimaha baraha kana jawaabo su'aalaha ka
dambeeya.
 Qoro Curiska ah hawlaha macallinku bulshada u haayo.
Akhri gabaygaanoo qiimaha bare kana jawaab weydiimaha ka
dambeeya.
Taariikhdu markay ahayd 8-3-1975kii ayaa uu Xaaji Aadan Axmed gabaygaan
macallmiinta ku saabsan curiyey. Waxa uu ku waaninayaa ardayda Soomaaliyeed, si
gaar ahna waxa uu tusaalaynayaa waxtarka qaayaha leh ee ay waxbarashadu ugu
leedahay wax-kataransiga nolosha deegaankooda iyo ta adduunka guud ahaanba.
Ardayda waxaa uu uga digayaa ciribxumada u kaydsan ardayga aan ku dadaalin
asluubta wanaagsan iyo dhega nuglaanta lama huraanka u ah hawlaha waxbarashada,
dugsiyada iyo nolosha guudba. isla markaana waxa uu u tilmaamayaa kaalinta laf-
dhabarta u ah horu kaca ummadda ee ay macallimiintu had iyo jeerba, sida
xilkasnimada leh ugu guntan yihiin dhismaha nolosha dadka Soomaaliyeed taasoo ay
ka unkamaan samaysana wejiyada hawlaha kala geddisan ee dalka.

1. Oday waayo aragaan ahoo, ayni weyn jiraye


2. Markaad ood-ka-bood tahay tashigu, waa in kaa maqane
3. Wixii dana abwaannaa gartee, Inammo waa mooge
4. inaan anigu idiin waaniyaa, waa ummuur xaq ehe
5. Ardayahay aqoonsada cilmiga, aafo waa jahale
6. Ijtihaada idinkaa horkici, aradka Soomaale

93
7. Akhlaaq xumo iska ogaada, waad ku ambanaysaane
8. Ma aflaxo ilmaha caasiyoo. edebta diidaaye
9. Haddii aanu arkin Macallinnimadu ku uursame
10. Waa niman ammaan loo xumaan, laga Haashaaye
11. Ixtiraam la'aan lagama helo, aayo iyo kheyre.
12. Waa kuu Hays meel mugdiya, aad ku aragtaaye
13. Waa kuu afkaad ku hadashiyo, oraahda liisaane
14. Waa ubaxa kii korinayoo, aamminka ahaaye
15. Waa amalka noloshaa dambaad ku istareexdaaye
16. Waa ilo biyo lehoo ninkii, oomay ka cabbaayey
17. Waa kii ixsaan kuu faloo, aadmi kaa dhiga e
18. Waa kii abaal kugu lehiyo, lama ilaawaane
19. Waa kii aqoontiyo cilmiga, kuugu asbba ahe
20.Sida Qarnarka oogada jiruu, kuu iftiimiyaaye
21. lyagaa abuuraye sancada, lama ogaadeene
22.Ihaanada ma dooniyo waxaan, laayiq u ahayne
23.Haddii aad asluub yeelato, dhowrto Amarkiisa
24.Asmac baraha liibaantu waa, inaad addeecdaaye.

Su'aalaha Casharka
1. Goormaa ayaa la curiyey gabaygaan
2. Maxaa uu ula jeeday gabyaagu gabaygaa?
3. Sidee doonayaa in xaaji uu ardaydu ula dhaqmo macallinka?
4. Ardayga akhlaaqda daran waa kee?
5. Odayga waayo araga ah waa kee?
6. Waanada iyo tilmaamaha gabyaagu ardayda Soomaaliyeed u soo jeediyey, sida
ay kuu saameeyaan? Faallo kooban ka bixi.

Curis;Wax ka qor (ilaa 25 sadar) hawsha macallinku bulshada u haayo.

94
Cutubka 27aad
Ninkii damaca waalnaa (sheeko)

Dhammaadka cutubkan ardaygu waxa uu awoodi doonaa in


uu:
 Sheego in uu damac badan uu xun yahay
 Sheego sadbursiga dhibka uu leeyahay
 Sharraxo macnaha ay sheekadu xambarsantahay

Sheekadan waxay ku saabsantahay nin damac dheer iyo wixii uu la kulmay.

Akhri sheekadaan kana jawaab su'aalaha ka dambeeya.

Beri baa waxaa jiray laba wiil oo walaalo ah oo geel wada raaci jirtay oo markii ay
geela shubayeen ayaa waxaa ceelka la gelin jiray midkood kan kalana geela ayuu
shubi jiray, waxaa damac xun galay labadii wiil mid ka mid ah oo damcay in uu dilo
walaalkiis si uu geela kaligii ugu haro markii uu dhammaaday shubitaankii geela oo ay
ahayd in uu walaakiis ceelka ka soo bixiyo ayuu uga tagay si uu ugu dhinto ceelka.
Markaa qofkii Ilaahay dilayo ayaa dhintee waxaa dhacday in ay dhurwaayo ku shiri
jireen sannadkii hal mar ceelka korkiisa oo uu ka halay ninkii ceelka ku jiray sir
qarsoonayd oo ahayd in uu dahab ka buuxay dudun ku taalay ceelka agtiisa oo ay ku
sheekaysanayeen dhurwaayada waxayna yiraahdeen haddii ay ogaan lahaayeen shan
faroodle waxa ku jira dudunta oo dahab iyo fidlo ah maal tiro badan ayey ka heli
lahaayeen. Ka dib markii la gaaray malintii danbe ayaa waxaa ceelkii yimid safaro
waxayna ceelkii ka soo saareen wiilkii ku jiray. Markii ay safarkii ka tageena wiilkii
waxa uu qoday duduntii waxa uuna ka helay dahab iyo fidlo badan halkaas oo uu ku
noqday hantiile caan ah.

Intaa ka dib waxaa dhacday abaar xun oo miyi iyo magaaloba saamaysay dadkiina
xoolihii ayaa ka dhammaaday magaalooyinkii ayaana lays kugu wada tagay. Ninkii
damaca waalnaa waxaa ka dhammaaday geelii waxa uuna soo galay magaaladii uu ku
noolaa walaalkiisii ceelka uu uga tagay oo ahaa markaas ninka magaalada ugu maalka

95
badan. Ka dib markii ay is aqoonsadeen labadii walaalaha ahaa ayaa ninkii damaca
waalnaa waxa uu walaalkiis weydiiyey sida uu ku helay maalkan faraha badan.
Markaas ayaa walaalkiis ugu jawaabay waxa aan maalkaan ka helay ceelkii aad iiga
soo tagtay ee waxa aad yeeshaa intaad ceelka gashid waxa aad dhegaysataa
sheekada dhurwaayada ceelka agtiisa ku shiri doona talada aad ka heshidna raac si
aad maal badan u heshid.

Markii xigtay ee uu yeelay sidii uu u sheegay walaalkiis ayaa waxaa dhacady in ay


dhurwaayadii isku yimaadeen isna weydiiyeen cidda la baxday dahabkii iyo fidladii
halkaan ku jiray. Qaar ka mid ah dhurwaayadii ayaa waxaa ay ku jawaabeen, waxaa
dhici karta in uu shan faroodle uu ku jiray ceelka markii aan sheegayne sannadkii
hore ee hadda hala fiiriyo. Haddii uu shan faroodle ku jiro hala duugo ceelka
halklaas ayuna ku dhintay ninki damaca waalnaa.

I. Su'aalaha Casharka
1. Waa maxay macnaha guud ee sheekadu xambaarsan tahay? Ka qor ugu yaraan
sagaal sadar.
2. Sideebaad u aragtaa adigu damaca noocaas oo kale ah?
3. Maxaa uu kala kulmay ninkii ceelka looga tagay?
4. Daacadnimmadu faa’iido ma leedahay? Jawaabtaadu haddii ay haa tahay qor
faa’iidooyinka ay leedahay?
II. Qeex ereyadan soo socda

 Faa’iido ____________________________
 Daacad ____________________________
 Damac xumo ____________________________
 Talo ____________________________
 Tiggaad ____________________________
 Toobin ____________________________

96

You might also like