You are on page 1of 2

HAGAHACILMI-BAARISTAGANAACSIGA

Qormada 2aaad

1.2 DABEECADAHA AMA ABUURTA IYO UJEEDADA CILMI-BAARISTA GANAACSIGA .


In kastoo cilmi-baarista ay udub-dhaxaad u tahay howlaha la xiriira ganaacsiga iyo akaadeemiga,
ma jirto marka aad dib u eegto qoraaladii hore ee laga qoray(Literature Review ) dhanka cilmi-
baarista qeexid guud oo leysku waafaqsanyahay sababta ugu wacan arrinkas waxaa weeye in cilmi-
baarista ay macnayaal kala duwan u sameeyso cilmi-baareyaasha kala duwan hasa ahaate qeexid
guud ee cilmi-baaris waxay tahay sidan “Cilmi-baaristu waa wa nidaam ama hannaan geedi-socod
ah kuna saleeysan baaritaan qoto dheer iyo u kuurgelid ama dhabbagal hoose si sare loogu qaado
aqoonta “. Marka aan ka eegno abuurta cilmibaarista , qeexida aan kor ku soo xusany waxay inoo
sheegeeysaa in cilmi-baarayasha u baahanyihiin in ay adeegsadaan nidaam ku habbboon soo
ururinta iyo lafa-gurida ama falanqeeynta(analysing) xogta cilmi-baariseed( research data) una
adeegsadaan si feejigan ama taxadar dheeri ah wehliyo.
Ujeedada guud ee cilmi-baarista akaadeemika ah waa in baaritaan(investigation) lagu sameeyaa
su’aasha cilmi-baarista(research question) si loo dhaliyo aqoon(knowledge). Su’aasha cilmi-baarista
waaa su’aal gaar ah ama mucayan ah taa oo lagu dhiso ama saleeyo cilmi-baarista si loo sameeyo
baaritaan (investigation) waxayna sidoo kale fududeeysaa in aad diirada saarto cilmi-
baaristaada.haddaba, aqristoow ha isku qaldin su’aalaha aad weeydiiso ka qeeybgalayaasha
(participant) cilmi-baarista taas oo ah su’aalo faah-faahsan oo loogu talagalay si loo soo ururiyo
xogta cilmi-baarista(research data).
Su’aasha cilmi-baarista( research question) waxay la xiriiirtaa mushkilad cilmi-baariseed(research
problem) ama arrimo aad ku soo bar qoonsatay (identified) mowduucaaga cilmi-baariseed(research
topic).
Haddii aad tahay arday ku jira heerka 1aad ee jaamacada(undergraduate) ama tahay heerarka
masterka ama Phd , mashruuca cilmi-baarista (research project) waxuu fursad kuu siinaya in aad
heeyb-aqoonnsato(identification)xulato mushkilada cilmi-baariseed(research problem)
islamarkaana aad sameeyso baaritaan madax bannaan iyada oo uu ku hagayo daadihiyahaaga
ama (supervisor)kaaga ,

1
Mashruuca cilmi-baarista waxuu sidoo kale fursad kuu siiyaa in aad adeegsato aragti(theory) ama
aad taxliiliso(analyse) muskilo ganaacsi oo dhab ahaan u jirto ama inaad si fudud u sahmiso una
falanqeeyso arrimo si guud ahaan u jira(general issues).
Mashruuca cimli-baariseed waxuu ku sahlayaa adeegsiga farsamoooyin(techniques)iyo habraacyo
kuu ifiya mushkilda jirta si aad faham buuxa uga hesho ama aad u dhaliso xalal aad loogu baahnaa.
Inta aad ku guda jirto masharuucaaga cilmi-baariseed waxaa horumarin doontaa xirfadahaaga
aqooneed kuwaa oo sare uu qaaday shaqo—gelinta ama helida shaqo (employability).
SOO KOOBID AHDAAFTA CILMI-BAARISEED
Ahdaafta cilmi-baariseed waxaan ku soo koobaya sidan soo socota:
• Dib u eegista iyo furfurida ama kala dhig-dhigida(synthesise) aqoonta jirta.
• Baaritaanka xaaladaha qaar ee taagan ama mushkilad jirto
• Xal u helida mashaakilad jirto
• Sahminta(explore) iyo falanqeeynta arrimaha guud ee jira
• Dhisida ama abuurida nidaam ama hannaan cusub.
• Sharraxida ifafaale cusub(new phenomenon)
• Dhalinta aqoon cusub( new knowledge)
• Kulminta ama jamcinta( combination) dhammaan inta aan kor ku soo xusnay.
Dhammaan arrimaha aan kor ku soo xusnay waxaad arki kareysaa in cilmi-baarista ujeedo ku
dhisantahay loona sameeyo si loo gaari natiijo .warbixinta cilmi-baariseed(research report)inta
badan waxa loogu yeera buuga qalin beddelashada ama teeso( Thesis or Dissertation) taas qeeyb
ka ah in ardago la siiyo shahaadada akaademiga (Academic degree) waxayna caddeysaa in ardaga
si qumaati ah u sameeyay mashuuriicisa cilmi-baariseed kana gudbay difaacida dood
cilmiyeedkiisa ku saleeysanaa cilmi-baariis aqooneed .
Waxaa sidoo kale cilmi-baarista akaademiga ah loo sameeya in la soo saaaro buug, jariirad
cilmiyyed am akaadeemik ah(academic journal),maqaal(article) iyo ujeedo talo-bixin(consultancy
purpose) guud ahaaneed.
Haddaba,waxaan si gaar ah diirada u saari doonaa baahiyaha ardayga fulinaya nooc cilmi-baaris
ganaacsiyeed qormooyinkena xiga.
La soco Qormada 3aad ee xigta haddi eebe idmo.

Qore : Cabdi Cali Xasan Raabuush( Qoraa, Cilmi-Baare Ganaacsi madax-banaan , La taliye dhanka
Istiraatjiyada ganaacsiga , Xisaabaadka iyo Maaliyada. Cabdi waxuu Shahaadada Labaad ee Cilmiga
Maareeynta Istiraatjiyada ka qaatay Jamacada University of Nairobi.)
Waxii talo soo jeedin ah igula wadaag emailkan : raabuush2000@gmail.com

You might also like