You are on page 1of 3

Ilxaadka iyo Mulxidiinta

Qormadii Labaad
Doodaha kooxaha Aaminsan Jiritaanka Abuure (Allah)
Qaybtii labaad

3. Cosmological Arguments (doodaha la xidhiidha adduunka )

Thomas Aquinas (1225-1274) oo ahaa wadaad diimeed kiristan ah ayaa la yimi koox doodo
ah si uu ugu cadeeyo jiritaanka abuure doodahaasi oo loo yaqaan cosmological arguments
maadaama uu badan kooda Aquines ka soo dhiraandhiriyey fahankiisii uu fahmey adduunka
(the cosmos ) iyo astaamaha uu leh yahay.

Haddaba waxa aynu soo qaadanaynaa mid ka mid ah doodahaas oo ka kooban afar hordhac
(premises) iyo hal natiiijo (conclusion) waxana ay utaallaa sidatan

1.wax kasta oo jiraa waxa ay ku jiraan dhaqaaq joogto ah

2.Wax kasta oo dhaqaaq ku jiraa waxa ka danbeeya cid dhaqaajinaysa kaas oo ay kasii
danbayso mid sii dhaqaajinaysa

3.Taxane midiba midka kale sii dhaqaajinayaa waa mid aan suurto gal ahayn

4.Asalka dhaqaaqu waa in uu yahay mid aan dhaqaaqin

5.Sidaa darteed asalkani waa inuu yahay abuure

Dooddani waxa ay ka mid tahay doodaha ku dhisan u fiirsashada (observation) gaar ahaan u
fiirsashada loo fiirsanayo adduunka waana dooda uu ku tiirsanayo Thomas Aquinas isaga oo
kasoo dhambalanaya fahankiisa uu fahmey in uu shay kasta uu ku jiro xaalad dhaqaaq oo
joogto ah (constant motion) waana arrin haddeer uu caddeeyey saynisku.
4.Kalam Cosmological Argument

Doodani waxa ay ka mid tahay doodahii hore laakiin waayahan dambe aad ka u soo
xoogsatay ,waxa ayna ku jirtaa ururka doodaha adduunka iyo bilowgiisa khuseeya .

Haddaba doodani waa dood islaami ah oo asalkeedu ka yimi cilmu kalaamkii ay muslimiintu
caanka ku ahaayeen waana cilmi ku wareegaya doodaha jiritaanka iyo astaamaha abuuraha
iyada oo la adeegsanayo Logic-ka iyo falsafada .

Haddaba waxa doodan si fiican ugu sharaxay kitaabkiisa Al –Iqtisaad Fil ICtiqaad sheekhii
iyo filosofkii weynaa ee Imaam Abu xaamid Al-Qasaali waxa uuna tilmaamay in doodani ay
ka kooban tahay labo hordhac (premises ) iyo hal natiijo(conclusion ) ,waxa ayna u taalaa
sidan

1.Wax kasta oo bilaabmay waxa uu leeyahay sabab bilowday

2.adduunku (the Universe ) waxa uu leeyahay bilow

3.sidaa darteed adduunku waa in uu leeyahay cid bilowday

Doodani inkasta oo ay kooban tahay tii hore haddana waa dood ka mid ah doodaha ugu
awooda badan , haddaba si aynu u fahano doodan waxa aynu marka hore soo qaadanaynaa
hordhaca kowaad ee leh " waxkasta oo bilaabmay waxa uu leh yahay sabab bilowday" waana
mid aan cadayn u baahnayn maadaama aysan suuratagal ahayn in uu shaygu is bilaabo ama is
dhaqaajiyo , waxana aynu tusaale uga dhigi karnaa koob aad meel cayiman ka dhigtay
qolkaaga kadibna aad ka baxday qolka balse markii aad ku soo noqotay qolka waxa aad ku
aragtay isaga oo yaal meel ka duwan meeshii aad ku ogayd waxana aad ogaanaysaa in
koobkii ay cidi dhaqaajisay maadaama aanu iskiis isku dhaqaajin Karin.

Haddii aynu u gudubno qodobka labaad oo ah " Adduunku waxa uu leeyahay bilow" waxa
aynu arki in arintani ay ka mid tahay arimaha uu saynisku cadeeyey isaga oo burburiyey
doodihii filosofadii Giriiga oo uu ka mid ahaa Aristotle iyo qaar ka mid ah kuwii musliimta
ahaa sida Ibnu Siina iyo Abu Nasar Al-firaabi ,doodaas oo ku dhisnayd aragti leh in
adduunkani uu weligii jirey oo uusan lahayn wax bilow ah . waxana doodan bedelay aragtida
loo yaqaan " The big bang theory " haddaba aragtidani waxa ay leedahay adduunkani waxa
uu ku bilaabmay qarax weyn oo dhacay 14 bilyan oo sano ka hor kaas oo ka dhex qarxay
waxa ay ku tilmaamaan culimada fiisigisku " the singularity " oo ka koobnaa afar awoodood
oo isku tegey waxana ay ahaayeen awooda cuf isjiidka (the gravitational force ) awooda
koronto-magnadka ah (electromagnetic force) iyo labada awoodood ee nuclearka ah ee weak
nuclear iyo strong nuclear, waxana intaa ka dib bilaabmay abuurkii xidigaha ka dibna waxa
ku xigay meerayashii ilaa aynu ka soo gaadhayno abuurkii aadamaha .

Haddaba waxa xusid mudan in ay jirto aayad ku jirta suuratul fusilad oo leh " maanay arkin
kuwii gaaloobey in ay samooyinka iyo dhulku ay isku ahaayeen hal shay oo isku dhagan ka
dibna aanu kala qaadnay " waxana fahanka aayadani si fiican u muuqday intii ka dambaysey
soo bixintaankii aragtida aynu kor ku xusnay ,ugu dambayntii cidii u baahan faahfaahin
dheeri ah oo la xidhiidha aragtidaas waxa uu ka helayaa buuggta physics-ka iyo kuwa
cosmology .

Salman Siciid Ibrahim ,MA

References

_______________

1.Manuel Valesqueaz .Philosophy a text from readings .Gencage Learning

2.Keith E.yandell.Philosophy of Religions .Routdage

3.William lane Craig .Natural Theology .Wiley

4. Flew. There is God . Wiley

5. ‫ﻋﺒﺪاﻟﺤﻠﯿﻢ ﻋﻄﯿﮫ اﻟﻔﻠﺴﻔﺔ اﻟﻌﺎﻣﺔ دارﻗﺒﺎء ﻟﻨﺸﺮ واﻟﺘﻮزﯾﻊ‬

6.Matta Roos .Introduction to Cosmology . fourth Edition. Wiley

You might also like