You are on page 1of 52

Tusmada

KOORASKA

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


Soo Dhawoow
Marwo/Mudane,

Magacaygu waa Hamda Hussein ,waxaan ahay la


taliso iyo tababare-nololeed oo baratay aqoonta
kasmo- nafeedka (Psychology) iyo Shariicada
(Islaamka) tan micnaheedu waxa weeyaan talo
bixintaydu waxay ku qotontaa aqoonta nafta iyo
tixgalinta tiirka diineed ee qofka aan la talinayo laf
dhabarta u ah. Marka aad talo ama tababar iga soo
dalbato waxaan kuu fiidinayaa gogol nabadeed oo
aad nabdigaaga si nafis ah ugaga hadli kartid, ku
dareemi kartid xasillooni iyo inaad xaalkaaga qof
aamin ah la wadaagtay oo aanay xogtaadu
baylahayn.

La talintu waxay i bartay inaan ku baraarugo kala


duwanaanshiyaha dabeecadeed, kuwa dhaqan iyo
kuwa da’eed ee dadka aan la talinayaa leeyihiin,
tixgalinta kala duwnaanshiyahani wuxuu ii suurta
geliyaa inaan qof walba talo iyo tababar ku habboon
oo hankiisa u hiiliya ugu hagar baxa oo ka haqab tiro.

Waxkasta oo maankaaga gubaya ama aad u maaro


wayday oo muran kugu abuuray waxaan kuula
falkinayaa si fudud oo fahan dheeri ahi ku WAXA LA GAADHAY XILLIGII AAD DHAYMO
duuganyahay. NAFEED HELI LAHAYD!

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


Kooraskan 'Dhaymo-Nafeed' waa fursad kuu sahlaysa inaad


safar xiiso iyo lexa jeclo ku dhisan u gasho adduunyada
gudahaaga, kooraskani wuxuu wehel dhab ah u noqonayaa qof
kasta oo doonaya inuu:-

✓Naftiisa u dhawaado
✓ Tagtadiisii fahmo si uu taagantiisa u falkiyo
✓ Maamulo dareemadiisa
✓ Maareeyo falcelinihiisa
✓ U war hayo hab-dhaqankiisu waxa uu ku qotomo iyo meesha
uu kasoo unkamayo.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


Kooras naftaada dhayayaa inaad iibsato, oo aad qalinka iyo
warqadda isu dul saartid inaad naftaada fahantid, waa calaamad Xog kasta oo aad hesho, sharrax kasta oo aad
naf-jacayl. dhuuxdo, tilmaan kasta oo aad hesho,wadiiqo
kasta oo laguu jeexo midina manfac ma
Sida jacaylka dadyowga kale ee aynu xidhiidhada la leennahay yeelanayso illaa aad adigu dhaqan geliso oo
aynu wakhtiga, dedaalka, istiilka iyo isu diritaanka korriimadiisa u naftaada ku dabbaqdo.
gelinno si le'eg ayuu jacaylka iyo fahanka nafteennu inooga
baahanyahay inaynu intaaba u hurno.
Xaraf kasta iyo xagal kasta oo kooraskani leeyahay
Naf-la hadalka, u babac dhigga afkaarta iyo aaminadaaha aad waxaad natiijadooda arkaysaa keliya marka aad
qarniyo haysatay, masixidda iyo midab rogidda xasuuso aad in dhaqan gelisid ee noloshaada ku dabaqdid.
badan dugsatay ma noqonayaan kuwo sahlan oo saxar la'aan aad
ugu kicitami karto. Qeex yoolka aad ka leedahay
barnaamijkan
Marar badan loollan gudeed ayaa kugu dhalanaya, marar kale Qorshe dhigo adiga oo buugga shaqada tix
raaxo la'aan gudeed iyo garashada oo mugdi kaa gasha aya raacaya
dhacaysa, marar kalena ilmo iyo su'aalo aanay markaa
Ku shaqo gal xogta aad heshay
jawaabahoodu kuu muuqan ayaad la kulmaysaa.
Joogtee shaqada naftaada
Intuba ogoow inay hayaankan iyo safarkan naf-barasho qayb ka Waad gaadhaysaa Naf barasho ku raalli
yihIin , yay kaa reebin hiigsigaaga(goal) kaag ah inaad dhaymo gelisa bi'dniLaah.

h amd a
waara heshid, yay kugu dhalin inaad kooraskan hakad geliso oo
aanay qorshahaaga ah inaad dhammayso dhicis ka dhigin.

Natiijo kasta oo la mahadiyaa waxay ka dhalataa qabashada Hamda Hussein


shaqo adag oo aanay naftu jeclaysanyn. ogoow shaqadaa adagi Creator of hamdahussein.com
waa naftaada barashadeeda.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


COURSE Curriculum
MODULE 1 MODULE 2

Waa maxay Dhaym-Nafeed?


LESSON 1.1 LESSON 2.1 Raad-raac
Maxaynu'se ugu baahannahay?

LESSON 1.2 Waa maxay Dareemmo? LESSON 2.2 -Qeexid/-Qalin-qaadasho

LESSON 1.3 Awoodda Niyada. LESSON 2.3 -Micno siin

MODULE 3 MODULE 4

LESSON 3.1 Maaraynta Dareemaha LESSON 4.1 Ahaansiyo

LESSON 3.2 -Canaanta LESSON 4.2 Naf-la hadlka saxda ah

LESSON 3.3 Ceebaalka LESSON 4.3 Xirfadda nashashada


-Is-ciilkaambiga U dhibrinta nafta

MODULE 5 MODULE 6

LESSON 5.1 Doorasho Cusub LESSON 6.1 Qaacidooyinka Dhaymaha

LESSON 5.2 -Awoodda aaminaadda LESSON 6.2 Ogaal-dhisid

-Is-diyaarin
LESSON 5.3 -Aragti badelasho LESSON 6.3
-Feejignaan (cariyeyaal)
-Dhaqan gelin
- Ilaalo

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


BOGAADIN IYO
BAR-BILOW

Ugu mahadnaq Mowlaha inaad naftaada fahamkeeda


maalgashatay !

Inta badan marka aynu maqalno erayga maal-gashi waxa maankeenna


kusoo degdega ganacsi,safar,dhul iibsi caruuro korin iwm.

Waxa intaas oo dhan ka qiimo iyo qaayo badan miyaad garanaysaa?

Waa tallaabadan togan ee aad u qaadday inaad naftaada:-

-Dhaydo,
-Fahanto,
-U dhibriso,
-U dhego-nuglaato oo aad si lexajeclo ku dheehantahay gudaheeda ugu
noqotid isla markaana wixii dhibaya aad ka gacan qabatid.

“Jecloow naftaada, jacaylka naftu keliya maaha dusha iyo in


dhar quruxsan loo geliyo ee waa in gudaha laga soo bilo oo
laga shaqeeyo degnaanshiyaheeda iyo xasilloonideeda.”
Xamda Xuseen

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


QAAB-DHISMEEDKA
Kooraska
MODULE ONE

WaaMaxay
dhaymo-

MO
X

R
SI

Nafeed?
ah nk

DU
a
LE

a
ym oyi

LE
DU

TW
o
MO

-
d
ci

O
ha

ra
aa
D

a
Q

nta
c
ray
D

a ha
Ma ma
o

E
e e
o
MO

r
C

RE
Da
ra ub
u

TH
DU

s
sh
LE

LE
o

DU
FI
VE

MO

Ahaanshiyo

MODULE FOUR

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE 1
WAA MAXAY DHAYMO-NAFEED?

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MAXAAD KU BARANAYSAA
MODEL-KAN
Gudihiisa?
CASHARKA
#1
Waa maxay dhaymo-Nafeedku?
Maxaadse ugu baahantahay?

CASHARKA
#2
Waa maxay Dareemmo?

CASHARKA
#3
Awoodda Niyadda

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA KOOWAAD
Waa maxay Dhaymo-Nafeed?

waa inaad qeexitaan u heshid xanuun, xaalad ama dhacdo kasta oo si taban
noloshaada u taabatay, sidoo kalena aad fahmi kartid fikirka, aragtiyaha iyo
dareemmada isla dhacdadaa ka dhashay iyo sida ay kuugu xididaysteen, ugu
danbaynna falcelinaha iyo hab-dhaqannada aad dhaxashay ee noloshaada
qaybta ka noqday inaad maarayn kartid oo adigu maamuli kartid.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA LABAAD
Waa maxay Dareemmo?

Dareemaddu waa dumo (signposts) inagu xidha adduunka


gudaheenna waxa ka dhacaya, waxay u cartamaan si toos ah
ama si dadban, way ina dumin karaan waanay ina hagi
karaan , inaynu fahanno ayaa jaangoysa doorashadeenna iyo
nooca dareen ee sida joogtada ah inoogu lammaanaan kara.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA SADDEXAAD
Waa maxay Niyyad?

Niyadda waxa lagu qeexaa inay tahay go’aan qaadasho hor dhac ah
oo uu qofku u qaato si uu ugu sameeyo waxa uu rabo madaxiisa ka hor
inta aanuu ku rumayn adduunka dibaddiisa.

Waa fal/ficil dareen jidheed abuura, dareemada jidheed ee uu abuuro


waxaa ka mid ah xamaasadda, xasilloonida,cabsida(haddii shayga la
niyoonayaa qofka niyaysanaya uu la waynyahay ama la fogyahay
iwm.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE ONE
TALLAABOOYINKA MODELKAN

Iswaydii.
STEP 1
Hadda ma kuu caddahay sababta dhaymahaagu?

Fahan.
STEP 2
Makuu muuqataa dareemaha aad marar badan ku
wareertay waddada ay soo maraan?

Ficil.
STEP 3
Ma qortay oo si cad ma u niyaysatay natiijada aad ka rabtid
kooraskan inay naftaadu ka gaadho?

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE ONE Gebo-gebo.

Haddii su'aalahaa tallaabaysan aad si cad oo aan


mad-madow lahay aad uga jawaabtay diyaar
ayaad u tahay inaad u gudubtid Model-ka 2aad ee
kooraska.

Haddiise weli mad-madow kaaga jiro jawaabaha ,


qaata wakhtiga aad u baahantihiin adiga iyo
naftaadu oo su'aalahaa inaad iswaydiiso dabadeed
niyad cad oo aan caad kaa saarnayn aad guntato ku
dedaal.

Ogoow degdeg ma jiro, dhaymaha naftaada iyo


fahamkeedu waa dariiq iyo waddo adigu aad si kuu
gaar ah u marayso, cid ku riixaysaa majirto, raran
kuma taagnid, xawaaraha aad adigu ku raallida
tahay ku soco oo si deggen u dhaqan geli xog
dhaymeedka kooraskan.

Mahadsanid.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE 2
RAAD-RAAC

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MAXAAD KU BARANAYSAA
MODEL-KAN
Gudihiisa?
CASHARKA
#1
Maxay Muhiim u tahay inaan
yaraanteennii raad-raacno?

CASHARKA
#2
Awoodda Qeexidda

CASHARKA
#3
Qalin-qaadasho iyo Micno siin.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE TWO
RAAD- RAAC

Maxay Muhiim u tahay inaan yaraanteennii raad-raacno?

Qofka aad tahay maanta, qaabka aad u fikirto, adduunyo


araggaaga, dhaqamadaada qofeed iyo dabeecadaha aad leedahay
ama hab-dhaqankaaga la xidhiidha hadba xaaladda ku hortaalla
sidaad u maarayso ,waxay si toos ah ama dadban ula xidhiidhaan
qaabkii aad u soo kortay, meeshii aad kusoo kortay, ciddii kusoo
korisay iyo caadooyinkii ama daruufihii kugu xeernaa markii aad
koraysay.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA KOOWAAD

Fahamka Nooca Sidkanaanta

Fahamka nooca sidkanaan-eed iyo yaraantaadii qaabkii aad u kortay ee laguula dhaqmi jiray waxay
kaa caawinayaan inaad si fudud u raad-raaci kartid dhaqamadaada,dareemadaada, aaminaadahaaga
iyo adduunyo araggaaga, fahamkanina wuxuu kaa caawinayaa hagaajinta tayada noloshaada,
xidhiidhadaada iyo maaraynta hammiga iyo himilooyinka nololeed ee aad xaqiijintooda ku
hawllantahay

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA LABAAD
Qeexid iyo Qalin-qaadasho

Dib u qeexidda dhacdooyinkii noloshaada, kala doorashada dareemadii ka dhashay,kala hufidda


hadhaagii xasuuseed ee laga yaabo inuu kaasoo raacay waxay kaa caawinayaan inaad ogaal-
fududaatid oo aad iska kala dhigtid culaysyo laga yaabo inaanad u war hayn siditaankooda . Dib u
qeexidda dhacdooyinkii iyo marxaladihii nololeed ee aad soo maraty waa awood kuu fududaynaysa
inaad jabiso dabarro laga yaabo inay kugu xidhay tagtadaadii.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA SADDEXAAD
Micno-Siin

Waa run oo dhacdooyinka qaar ina weheliya wax ka baddelkooda iyo dib u habaynta waayahoodii ma
awoodno maadama oo aynaan wakhtigii ay dhaceen ku laaban karin. Ha hanjabin! Waxaynu
leennahay awood kale oo ah inaynu aragtideena ku aaddan isla dhacdooyinkaa badeli karno. Haddii
aragtidaadu badelanto waxaad dumisay daar wayn oo dib u dhacaaga iyo ku noolaanshiyaha tagtadii
kuu horseedi lahayd.
Badelidda aragtidaada ku saabsan dhacdooyinka qaar waxaad kale oo ka dhaxlaysaa awood aad
adigu micnaha aad rabto ku siin kartid isla dhacdadaa.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE TWO Gebo-gebo

Model-kan shaqada aad naftaada ka qabato iyo


guryo noqoshada aad gudahaaga ku samaysaa
waxay asaas iyo sees adag u noqonayaan
modellada soo socda dhaqan gelintooda, ujeedku
maaha inaad degdegto si aad ugu gudubto
modellada kale waase inaad wakhti alle wakhtiga
aad u baahantahay aad la qaadato naftaada, dib u
barato oo baadhitaan tagto , waa safar xiiso iyo
xagtimo badan, dareemmo iyo dayow badan, su'aal
kasta oo aad jawaabteeda waydo haku khasbin
maskaxda oo yay ku dabrin, u ogoloow maanku inuu
wakhtigiisa qaato, ha is dirqiyin ee isa sii dariiq ay
xasuusihii yaraantaadu si sahlan kusoo maraan.

Neefso oo nabdigaaga iyo naftaadaba u ogoloow


inay kaala qayb qaataan dhaymahaaga.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE 3
MAARAYNTA DAREEMAHA

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MAXAAD KU BARANAYSAA
MODELKAN

gudihiisa
CASHARKA
#1
Maaraynta Dareemaha

CASHARKA
#2
-Canaanta

CASHARKA
#3
Ceebaalka iyo
-Is-ciilkaambiga

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE THREE
MAARAYNTA DAREEMMADA

Hordhac

Maaraynta dareemuhu waxay kaa caawinayaan inaad noqoto qof


deggen oo aanay duulinin dabayl yar oo kasta oo noloshu xaggiisa u soo
riddo, xilliyada adag, xilliyada wareerka iyo walbahaarku kusoo
afsaaraan, xilliyada is-fahanwaaga iyo is-maandhaafku soo food saaran
xidhiidhadaada, xilliyada aad cadaadiska iyo ciirsi la'aanta ku dareento
goobtaada waxbarasho,shaqo ama deegaan haddii aanad ku
hubaysnayn xirafado iyo xeelado kuu sahlaya inaad maarayso
dareemahaaga way adkaanaysaa inaad loodisid culaysyada nolosha
ama inaad si fudud uga samata baxdid adiga oo aan burbur iyo dayac
gaadhsiin xidhiidhadaada iyo waxyaabaha aad qiimaysid.

Modelkan waxaad ku baranaysaa xeelado, xirfado iyo xog aad ku maarayn kartid
dareemahaaga kala duwan.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA KOOWAAD

Dareenka Canaanta

Waynaynta khaladdadaadu ma saxayaan khaladka, canaantu caymis kaa siin mayso


wixii dhacay , yaraysashada wanaagyadaadu kuguma hagayaan guulo iyo garasho
dheeraad ahi inay kuu kordhaan , sababahan aawadood ayaad u baahantahay inaad
canaanta ku badelato caado gudeed oo togan taas oo aan ku duminayne ku dhisaysa,ku
baraarugga luuqaddaada gudeed waxay kaa badbaadin kartaa baasaysi iyo rejo la'aan
aad adduunka dibaddaada ka dheehato.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA LABAAD
Dareenka Ceebta

Dareemada ceebaalku waa dareemada ugu xanuunka iyo xagashada ama xanafta badan
dareemada bani’aadamka kashiisu dareentu , inta badan waxaa keena dareen gudeed oo
ku aadan dadka kale ee inagu hareeraysan oo aynu ka filanayno in ay lumiyeen ixtiraamkii
, qadarintii ama qiimigii ay inoo hayeen kadib markii ay inaga soo fuleen ficillo ama hadallo
aan sax ku ahayn aaminaad wadareedka iyo hab-nololeedka bulshada ama dadka aynu
ku dhex noolnahay.
Fahanka dareemadan, falkinta meesha ay salka ku hayaan iyo ka faydidda aad kashaada
ka fayddaa waxay kaa xoraynysaa inaad kusii jirto jeel gudeed oo karaahiyo-nafeed in
badan kugu hayey.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA SADDEXAAD
-Is-ciilkaambiga

Ku noolaanshiyaha tagtadii iyo tamarta taban ee aad kala hadhay keliya kadeed kuma
dhalinayso gudahaaga'e waxay ku dareensiinaysaa dareemmo ba'an oo u badan awood
darro, daal, hungow iyo hareer maridda fursado qurux badan oo aad kaga faa'iidaysan kartid
taagantaada.

Fahanka dareenkan, falkintiisa iyo la fadhiisadkiisu waxay kaa caawinayaan inaad si sahlan
naftaada uga riddo culaysyo aad sanaddo sidday oo aan wax wanaag ah marna kuu kordhin.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE THREE
TALLAABOOYIN

Qeex
STEP 1
Waa laga yaabaa in qeexitaankoodu ku xagto balse ogow
shayga markaa aad magacowdo ayaad ogaan kartaa
maamulka uu gudahaaga ku leeyahay inta uu le'egyahay.

Ha qarsan
STEP 2
Markasta oo aad si fool ka fool ah u waajahdo wax ku
dhibayey waa markasta oo awoodda shayga wiiqdo

Ha u qiil samayn
STEP 3
Naftu yay kugu hodin hadal ah 'waad u qalantaa sii
haysashada dareemahan taban' . si kasta oo ay ku
dhasheen waa inaad dhigto oo aanay noloshaada kala
dhantaalin.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE THREE Gebo-gebo

Dareemahaaga oo aad fahanto, falkiso oo


furdaamiso ama kala doorataa waa awoodda ugu
wayn ee aad haysatid adduunyadan casriga ah ee
maanta la joogo.

Ahaanshiya qof dareenkiisa isagu maamula oo


maareeya waxay kaa caawinaysaa inaad garato
waxa aad doonayso iyo waxa aanad doonayn,
waxay kuu fududaynaysaa inaad
doonitaannadaadas si fudud ula wadaagi kartid
dadyowga aad nolosha wadaagtaan.

Fahanka dareemuhu wuxuu kuu sahlayaa inaad si


fudud ku maarayso khilaafyada, inaad kala xulato
xidhiidhada aad dadyowga kala duwan la
wadaagto iyo inaad si fudud u dhigto wax kasta oo
aan kuu adeegayn ama qayb ka ahayn horu
socodkaaga nololeed.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE 4
AHAANSHIYO

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MAXAAD KU BARANAYSAA
MODELKAN

gudihiisa
CASHARKA
#1
Ahaanshiyo

CASHARKA
#2
Naf-la hadalka Saxda ah

CASHARKA
#3
Xirfadaha Nasashada

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE FOUR
AHAANSHIYO

Hordhac

Dib eegistan aynu dib u eegayno hayaankeennii nololeed innaga oo rabna inaynu xagtimihii nafta soo
gaadhay dib uga xaalsiinaa wajigeeda hore waxay waajibsanaysaa inaynu galno xaalad la yidhaahdo
‘Presence” ama joogitaan.

Murqaha jidhka waa la dhisaa si ay awood u yeeshaan oo qofku ugu tamariyo uguna xarragoodo,
sidaa si le’eg muruq maskaxeedka ugu muhiimsan ee qofku dhisi karaa waa inuu ‘ahaado ama joogo
hadda ’ si ay ugu fududaato inuu si dhow ula socdo waxa gudihiisa ka socda , si uu ugu xidhiidhsamo
fidraddiisa oo aanuu ugu hafan hirdanka afkaarta ,dareemada iyo kaydka xasuuseed ee dhexdiisa
heehaabaya.

Inta badan dhacdooyinka hareerahaaga ka dhacaya maskaxdaadu markay qeexayso waxay ka


qiyaas qaadataa kayd hore oo ay hayso. Eraygaa hore ayaan u maqlay waa cay, kani hore ayuu sidaa
ii dareensiiyay waa wax xun iwm. Markasta oo muruq maskaxeedkaaga ahaanshiyeed dhisanyahay
ama aad ‘present’ tahay oo aanad ku noolayn ama ka qiyaas qaadanayn wax tagay ama aanad si
bajan u saadaalinayn waxanad maamulkiisa hayn waa markasta oo aad taaganta ku suganatahay.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA KOOWAAD
Muhiimadda ahaanshiyaha

Ku noollaanshiyaha 'imika iyo hadda' du waxay ina siinaysaa awood maamul oo


cajiib ah, taas oo ka dhigan maamulidda dareemaheenna, jaangoynta 'mood'
keenna ama xaaladdeena gudeed, waxay inaga badbaadinaysaa inaynu ka
laadlaadno wax tagay oo maamulkiisu faraheenna ka baxeen iyo ku callaqnaanta
wax aan iman oo mad-madow badani ku xeeranyahay, ku noollaanshiyaha hadda
iyo imikadu waxay toosisaa diiraddeenna, xasuusteenna waxay sidoo kale tayo u
yeeshaa wax qabadkeenna iyo guud ahaan hab-dhaqankeenna.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA LABAAD
Naf-la hadalka Saxda ah

Naf- la hadalkaagu waa wada sheekaysiga joogtada ah ee mar walba gudahaaga ka dhacaya,
doon ama ha doonin mar waliba maankaagu waa mashquul oo farriimo gudeed ayaa is dhaafaya,
ka warhaynta farriimaha gudahaagu waxay kaa badbaadinayaan inay kugu wareegaan wada
hadallo taban oo aan tayo lahayni, maskaxda qaybteeda dahsooni waxay kaydisaa wada
hadallada gudahaaga ka socda iyada oo aan u kala eegin kooda togana ama ka taban, kaydkaa
waxa ka samaysma aaminaado iyo adduunyo arag, bal kawaran haddii kaydkaagu taban
(negative) yahay? Sidee ayaad filaysaa in adduunka dibaddaadu u eekaado?

Waa sababta uu casharkani ugu kuur galayo 'Naf- la hadalka saxda ah'.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA SADDEXAAD
Xirfadaha Nasashada

Mas'uuliyadaha kala duwan ee nolosha, maraaxisheeda kala geddisan, hawlaheeda


joogtada ah iyo hayaankeeda maalinba meel ku hakanayaa waxay horseedeen in dad
badani la daalaa dhaceeyaan daal iyo diif aan ka ba'ayn si kasta oo ay dushooda u
bilaan.
Marna ma is tiri yaa maskaxda kaaga dhiga mishiin aad marka aad doonto bakhtiiso
markaad doontana siraado? miyay kuu suurta gashay?
ma ogtahay in sida xirfadaha kala geddisan ee nololeed loo barto si le'eg in aad u baran
kartid xirfado kala duwan oo nasasho.

Sababtan ayuu casharkani kaaga haqab tirayaa 'Xirfadaha Nasashada'.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE FOUR Gebo-gebo

Modelkan gudihiisa intii aad ku jirtay waan hubaa


inay ku hadheeyeen dareemmo kala duwan, inay
dusha yimaaddeen kuwo aanad ogayn inay
gudahaaga fadhiyeen, waa suurta gal inaad
dareentay raaxo darro kooban waxaas oo dhami
waa caadi oo was qayb ka mid ah dhaymo-
nafeedka.

Luuqad cusub marka aad baranayso dedaal, wakhti


iyo samir ayay u baahantahay sida caadiga ah,
sidaa si le'eg ayay luuqad togan (positive)ah inaad
kula hadasho naftaaduna kaaga baahantahay.

hadallada kakan ee aad naftaada kula hadli jirtay


wakhti iyo waayo dheer ayay qaateen inay soo
samaysmaan oo aad si joogto ah u adeegsato,
wakhtigaas iyo waayahaas oo togan ayaad imika
naftaadii dib ugu carbinaysaa.

Nasashadu marka aad daal gudeed oo joogtoa ah


lasoo qabsatay marar badan waxay kula
noqonaysaa wax qariib ah oo aan la samayn karin,
ogoloow inaad nasato oo dhaqan geli xirafadahan
cusub si aad dheelli tir nololeed u heshid.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE 5
DOORASHO CUSUB

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MAXAAD KU BARANAYSAA
MODELKAN
gudihiisa
CASHARKA
#1
Doorasho cusub

CASHARKA
#2
Awoodda Aaminaadda

CASHARKA
#3
Aragti badelesho

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE FIVE
DOORASHO CUSUB

Hordhac

Awoodaha cajiibka ah ee lagu gaar yeellay bani’aadamka goor iyo goob kasta
oo uu joogo , da’ iyo dedaal kasta oo uu leeyahay waxa ka mid awoodda
‘doorashada cusub’ wax iyo waayo kasta oo uu xilligaa ku dhex jiro ama la
dhaqmayo waxa uu awoodaa doorasho ka duwan taa hortaalla in uu sameeyo,
doorashada uu samaynayaa waxay saamayn ku yeelanaysaa natiijada iyo
waxa kasoo baxaya, natiijadaa dareenka ku wajahan iyo falcelinta mudan in
lagula dhaqmo ayaa iyaguna ah wax uu bani’aadamku dooran karo.

Miyaanay cajiib ahayn in aad ogaal dooran karto qaabka aad dareemayso,
indhaha aad dhacdooyinka ku eegayso iyo dhaqamadaada ku wajahan
dhacdooyinka noloshaada intaba inaad go'aaminayso? ma dareemi kartaa
baaxadda awoodeed ee aad haysato ?

Model kan waxaad ku baranaysaa qaabaynta iyo qorqoridda noloshaada , af


addin iyo erayba sida aad u doorasho noolaan karto bi'dniLaah.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA KOOWAAD

Doorasho Cusub
Erayga aad ku hadlaysid , arrinka aad galaysid, dadka aad isku
hareeraynaysid, tamarta aad bixinaysid, dulqaadka ama diga
rogashada aad ku falcelinaysid intuba waxay jaangoynayaan
qaabka ay noloshaadu u eekaanayso.

Casharkan waxaad ku baranaysaa doorashadaadu sida ay


noloshaada u qaabayso iyo waxa kaa caawin kara inaad
ujeeddo noolaatid.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA LABAAD

Awoodda aaminaadda

Ma ogtahay mishiinnada aad ku shaqayso ee ay go'aamadaada, gar


qaadashadaada, adduunyo araggaaga, dhiirashadaada iyo dib u dhacaaguba kasoo
unkamaan inay yihiin aaminaadahaaga, tayada iyo nooca aaminaadeed ee aad
haysataa waxay go'aaminayaan tayada noloshaada iyo xataa masiirka iyo meesha
aad ku danbaynayso.

Modelkan waxaynu si dhow u milicsan doonnaa noocyadaa aaminaadeed ee aynu


haysanno, halka ay inaga soo raaceen , tayadooda iyo tamarta ay inaga lumiyaan
ama inagu biiriyaan , inay inoo adeegayaan iyo inay inala hadhayaan intaba.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA SADDEXAAD
Aragti badelasho

Aragti badelsahdu waxay kaa caawinaysaa in aad


dhacdooyinkii noloshaada dhinac kale ka istaagto, inaad ka
baxdo maanka dhibbanaha ,isku dhererinta, dhalenteed ku
noolaanshiyaha iyo dhibaatada meel keli ah ama dhinac keli ah
in wax laga egaa leedahay.

Su'aalo ka duwan kuwii aad iswaydiin jirtay ee aad la


qabsatay ayaad iswaydiinaysaa doorkan.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE FIVE Gebo-gebo

Ujeedka Modelkani waa inaad adeegsato


awoodahaaga dahsoon, waa inaad qaddarkaaga
qaabayntiisa iyo noloshaada quruxdeeda kaga qayb
qaadato hab-fikir iyo hab-dhaqan ka duwan kii aad
hore u haysatay si ay kuugu suurto gasho nolol qiimi
iyo qaayo kuugu qotonta.

Ka shaqaynta hab-fikirkaagu waa shaqo ubaahan


dedaal maalin le ah, inaad qabanayso oo ay kaa
go'antahay waxaa markhaati ka ah inaad erayadan
akhriyayso oo aad modelkan soo gudubtay.

Mahadsanid

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE 6
QAACIDOOYINKA DHAYMAHA

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MAXAAD KU BARANAYSAA
MODELKAN

gudihiisa
CASHARKA
#1
Qaacidooyinka Dhaymaha

CASHARKA
#2
Ogaal-dhisid

CASHARKA
#3
-Is-diyaarin
-Feejignaan (cariyeyaal)
-Dhaqan gelin
- Ilaalo

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE SIX
QAACIDOOYINKA DHAYMAHA

Hordhac

Wax wal oo adduunka dul yaalla ama midhahooda iyo manfacooda la arkay
waxay leeyihiin qaacidooyin iyo qawaaniin ay soo maraan ama ku qotomaan si ay
nolosheenna u sameeyaan ama u bilaan oo micno iyo muuq ugu yeelaan .

Haddii uu qofku rabo inuu cilmi barto tallaabooyin uu qaado iyo maraaxil uu ka
gudbo ayaa jirta, haddii uu rabo inuu hanti sameeyo sidaa si le'g waddooyin iyo
wadiiqooyin uu maro ayaa jirta. Sidaa si le'eg Dhaymaha gudeed iyo bugsiinta
boogihii tagtadu tallaabooyin iyo qaacidooyin la raaco oo mudan in la dhaqan
geliyo ayay leeyihiin.

Modelkan waxaad ku baranaysaa qaacidooyinkaa, qaab raacistooda, ilaaladooda


iyo dhaqan gelintooda intaba.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA KOOWAAD

Qaacidooyinka Dhaymaha

Qaacdidada koowaad ee dhaymuhu waa inaad ku baraarugto inaanad qof ahaan kala qaybqaybsami
karin oo aad tahay abuur isku raran oo tarkiibadda iyo samayskiisa bani'aadannimo uu keensanayo in
waxkasta oo ku dhacayaa ay si dhammaystiran u samaaynayaan.
Tani waxay ka dhigantahay in heerarkaaga dhaymeed ay muhiim tahay inay ka qayb qaataan jidhkaaga,
maskaxdaada,dareenkaaga,dad iyo bulsho la dhaqankaaga iyo muctaqadkaaga intuba.

Casharkan waxaad ku baranaysaa waxa ay yihiin daaqado dareemeedkaaga iyo sida ay tahay inaad u
ilaaliso si ay dhaymahaaga u labnlaabaan.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA LABAAD
Ogaal-dhisid

Ogaal dhisiddu waa kasbashada awood uu ruuxu naftiisa hoos ugu warhayn karo, ugu
waraysan karo, wax isu waydiin karo isuguna warcelin karo, qeexi karo dareemihiisu
Meesha ay kasoo burqanayaan baahiyihiisu inta ay sii ridanyihiin iyo salka ay ku
fadhiyaan.

Gudahaagu waa kaydka dareemahahaaga, xasuusahaahaaga,


loollankaaga,lahashadaada iyo ladnaanashiyaahaaga intaba.

Dhisidda ogaalku waxa uu kaa caawinayaa inaad gudahaaga dib u quustid inta aad qalin
qaadatid, oo aad is waydiisid intee in le’eg ayaan ku suntanahay dhacdooyinka iyo
wajiyada nolosha ee siyayaabaha kala duwan ii taabtay/taabanaya.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


CASHARKA SADDEXAAD
- Is-diyaarin
- Feejignaan (cariyeyaal)
- Dhaqan gelin
- Ilaalo

Aqoon iyo ogaal kasta oo aad kasbato ama kuu abuurma waxay ka bilaabmaan inaad isu
diyaarisid dhaqan gelintooda, maadaama oo aad kasoo baxday weji hore oo aad gashay waji-
ogaal oo cusub waxaad la kulmaysaa carqalado cusub , ha ahaadaan kuwii hore noloshaada
qaybta uga ahaa ama kuwo cusub oo carcartooda wata.

Ka feejignaanta carqaladahaa , fahanka qaabka ay kuu carinayaan waxa kaa leexin kara
jidkan cusub ee aad ogaal jeexatay waxay kaaga baahanyihiin diyaar garów, dhaqan gelin,
soo jeeditaan ay ku ladhantahay Ilaalo joogta ahi.
Wax kasta oo qiimo iyo wanaag lihi waxay u baahanyihiin in la dhaqaaleeyo oo la ilaaliyo,
sidaa si le'eg ayaa ogaalka, kabashada iyo dhaymaha nafeed ee aad wakhtiga iyo fahamka
ku bixisayna u baahanyihiin inaad ilaalisid.

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


MODULE SIX Gebo -gebo

Waa Ilaahay mahaddii inaad soo afmeeraty safarkii


naf barashada ee aad uga gollahayd inaad naftaada
ku dhaydid, qof wal oo idinka mid ah si u gaar ah
ayuu u ahaa safarkani, safar aad nafihiinna ku
barateen, ku kaliyawdeen, ku raalli galiseen ,ku gar
qaadateen , ku tadabburteen oo kafadda dib u
saarteen dhacdooyin badan oo laga yaabo ina
maamulka ay noloshiinna sida dadban u
maamulayaan inaydaan hore uga warhayn.

Waxaan idin leeyahay Hambalyo! Awguuryo!

Ogaada markasta oo aad dad ka dhisan gudaha oo


dhaymahoodu joogto yahay aad noqotaan waa
markasta oo aad nolol tayo iyo qurux leh
noolaataan, xidhiidhadiinnu noqdaan kuwo
caafimaad qaba oo aad ku liibaantaan, wa markasta
oo aad dadka aad wax u dhigaysaan kuwaa
korinaysaan iyo kuwa idinku hareeraysanba aad
saamayn togan ku yeelataan.

Guulaysta oo Garab ha Waayina!

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


Eray iyo Awguuryo
Waa Ilaahay mahaddii inaad soo afmeeraty safarkii
naf barashada ee aad uga gollahayd inaad naftaada
ku dhaydid, qof wal oo idinka mid ah si u gaar ah
ayuu u ahaa safarkani, safar aad nafihiinna ku
barateen, ku kaliyawdeen, ku raalli galiseen ,ku gar
qaadateen , ku tadabburteen oo kafadda dib u
saarteen dhacdooyin badan oo laga yaabo ina
maamulka ay noloshiinna sida dadban u
maamulayeen inaydaan uba warhayn.

Waxaan idin leeyahay Hambalyo, Awguuryo.

Ogaada markasta oo aad dad ka dhisan gudaha oo


dhaymahoodu joogto yahay aad noqotaan waa
markasta oo aad nolol tayo iyo qurux leh
noolaataan, xidhiidhadiinuna noqdaan kuwo
caafimaad qaba oo aad ku liibaantaan, wa markasta
oo aad dadka aad saamaynta ku leedihiin, kuwaa
wax u dhigaysaan kuwaa korinaysaan iyo kuwa
idinku hareeraysanba aad saamayn togan ku
yeelataan.

Guulaysta oo Garab ha
Waayina!

HAMDAHUSSEIN.COM | © 2022 Hamda


ABOUT ME
MEET
YOUR
COACH
Hamda is Holistic Life Coach, Author & Podcaster
Her mission is to help and inspire individuals to create
a life full of contentment and self-healing by a
Hamda Hussein, Founder and
CEO of Machadka Hamda enabling them to explore how they can move forward
Hussein™, Host of The or adjust to what they are experiencing to be the
Kabasho Podcast and a
people they want to be and lead a happy fulfilling life.
Holistic Life coach.
.

IG.COM/HAMDA HUSSEIN FB.COM/HAMDA HUSSEIN HAMDAHUSSEIN.COM

You might also like