You are on page 1of 2

‘’Walaal markaad tahay qof aan lahayn xidhiidh wanaagsan oo rabigii uu la wadaago waxaa soo maara

dhib badan oo aanu ogayn in ay u keenayso xidhiidh xumada ka dhaxaysa isaga iyo khaliqiisa’’ waaa
odhaahdii u horaysay ee dhahaygu soo qabtaan ee ay tidhi iyadu wllhibaan ku dhaartee hadaad ogaan
lahayd codkeeda macaanida dhagahaad mudi layd in laguu culay ka darane qaabka ay hadalka iskula
helayso waxaabad moodaa mufti kuu marinaya xadiis iyadoo hadana hadalkii sii wadata ayay tidhi ‘’
anigu waxaan ahaa inan la nool hoyadeed iyo aabaheed oo haysta nolol ta ay ku hamiyaan dhamaan
habalaha wakhtigeenan nool waxaan lahaa aabo I jecel iyo hooyo jacaylkeeda ku darsatay kalcayl iyo
xanaano aan iga dhamaan ka hor inta aan fahmay nimcadaa aan waayay’’ waayay maxay uga jeedaa
tolow, waxaan bilaabay inaan naxo oo xiisiihii hadalkeeda aan u qabay is laba jibaaro ‘’walaal maxaa ku
dhacay waalidkaa?’’ ayay inani waydiisay ‘’ way yara aamustay kadibna tidhi ‘’ walaal shil gaadhi ayay ku
dhinteen’’ neeftu culusaa wadnuhuna said muxuu ugu garaacmayaa anoo ka xishoonaya in aan eego
wajigeeda inaan si toosa ah u eego Ayaan si xatooyo leh u dhiishay wajigeeda AAH quruxdani maxay u
wayday waalidkeedii jeclaa ‘’ hablo waxba ha nixina waa caadi geeridu qof walibana wuu dhimanayaa
ma lihin awood aynu ku joojino oo aan ka ahayn in aynu u diyaar garawno mooyee’’ hadalkeeday sii
wadataa ana waan kasoo jeestay waxayna ‘’ hablo dhacdadaasi waatii iga kicisay hurdo dheer oo aan
seexday waa hore, waa dhirbaaxo laygu dhuftay anoo qaraw ku jira oo aan indhaha ku kala qaaday,
hablo maan jeclayn in aan idinka nixiyo lakiin runtii habeenkaas waxaan dareemay dhaxan iiga soo
galaysa meel iga awdnayd waxaan dareemay mugdi ka badan kuu habeenkaasi watay maan garaynayn
qaab aan ku cabiro murugada I haysay habeenkaas lakiin waxaan xasuustaa in ay ilmadu iska socotay oo
aanan lahayn haba yaraatee awood aan ku hakiyo si ay indhahan baylku iga baxayaa ay u qaboobaan
laakiin bushaaro hadadan la joogo salaadii cishaayi waan u soo duceeyey iyaga waxaaanan filayaa in ay
dhoola cadeenayaan waayo waxaan ku suganahay hada siday ila jeclaayeen inaan ku sugnaado markay
ila joogeen’’ ‘’ walaal ilaahay ha u naxariisto waalidkaas nasiibka badan ee adiga ku dhalay runtii qof
wanaagsan ayaad u eegtahee’’ ayay gabadh kamida kuwii dhagaysanayay u tidhi qaab dabacsan oo ay
naxariisi ka muuqato, dhamaan dadkii oo dhami waxay bilaabeen in ay wada dhagaystaan inantaas qaar
eega iyo qaar dhagta tuurtaba ‘’ mahadsnid walaal runtii waalidkay ma nasiib badna ee waa aniga ta
nasiibka badani waayo waxay I bareen casharo badan waxayna I tuseen albaabi badan oo noloshu
leedahay oo wanaagsan lakiin xaqiiqdii iimay muuqan manaan arkayn albaabada mid kamida hadalada
cajiibka ah ee aan ku odhan jiray ee aan hada ka maqlo hablaha yare e halkaygii ku jira waxaa ka mida
[ islaantan baas] wallahi markaan xasuusto kalmadaa foosha xun ama aan maqlo xanuunka iyo
gubashada badan ee aan qalbiga ka dareemo maaha wax la qiyaasi karo runtii waxaan bartay cashar
cinwaankiisa lagu qoray far waawayn waxaanan jeclaan lahaa in aad ka faaidaysataan furasadaha
quruxda badan ee aad haysataan’’ hadalkaas markay tidhi waxaaban mooday in ay dhamaysay hadalkii
waan ka xumaaday oo waxaan hoos u lahaa walaal ha joojinin ee sii wada sii wad sii wad ilaa aan ka
maqlay codkii xariirta ahaa oo leh ‘’ noloshu waa imtixaan inbdanbaan maqlay aniguna idiinkaan idiin
sheegayaa markan noloshu waa imtixaan dadka qaar waxay fursad u helaan in ay aduunka guudkiisa
hadalkaa ku fahmaan wakhtiyo kala duwan ha ahaatee qaarkood ayaa iyagoo gaboobay fahma qaarkood
ayaa iyagoo dhalina fahma qaarba wakhti lakiin waxa ugu nasiib xun dadka fahma iyagoo aakhira jooga
oo ay aduunyadani ka mashquulisay in ay sahay u dhigtaan hoygooda dhabtaa iyo goobtooda
imtixaankoodii lagu saxayo, alxamdulillah anigu waxaan ka mid noqday in aan noqdo kuwa ALLE u
ogaaladay in aduunkan ay ku fahmaan waliba iyagoo dhlina mana jirto wax ka qurux badan marka aad
xisaabaad ka shaqeenaysay aad ugu danbayn hesho jawaabta saxdaa sidaa soo kale xasiluuli iyo
dagaanaaansho dhaba ayaad dareemi doonta markaad ogaato jawaabta imtixaankan aynu ku jirno’’
madaxaan qabsaday oo waliba waan lulay anoo la hadalkaas quruxda qaayaha iyo qumanaantaba leh ay
ka soo saartay garaadkaas mucjisada ah maankaas la moodo inuu ku jiro qof da’a ah waxaana igu soo
dhacday markiiba afaray yar oo ay maskaxdaydu soo toortay yaabka dabadii

o Dadku wuu qarsoon yahay


o Mana ogid dareenkiyo
o Maskaxdiisa kaa dadan
o Inta uu daboolee
o Afku daahan yahay wali

Waxaa xaqiiqo ah in gabadhaasi sheegtay hadal mid la odhan waa ka ugu qiimaha badan ee goob laga
sheego ka raxmaanka iyo nabigeena ka sokow, gabdhii oo waraysanaysa gabdhiihii kale ayaa
tidhi ‘’ walaal hablo magacyadiina ii sheega sawnigan hadal uun idinku bilaabay’’ waxayna sii
raacisay hadalkeedii ‘’ugu horayn magacaygu waa saynab idinna ii sheega kiina’’ kadib hablihiina
markay magacdoodii sheegeen waxay tidhi ‘’ waaw hablo sidiinoo kale ayay magacyadiinuna u
qurxoon’’ hadalkeedii fikirka igu abuuray wuxuu ahaa markay tidhi ‘’ kolay halkaan ku dagayay
waa la gaaray ee khayr badan ayaan idiin rajeeyey’’, waa sidee halkay u dagtay may iska
saarnaato walee kii hela gabadhani muxuu xasili doonaa waxaanan hubaa in aan ka heley ana
inantan hadaldeeda iyo waliba quruxduu rabi siiyay taasaa igu dhalisay fikir ah in aa nana ka
dago oo aan waydiisto gacan iyo xidhiidh maadaama oo aan ka heley ‘’ halkaa joog walaal’’ ayay
cod dabacsan u tidhi durdabdiiba wadnahaa I graacmay ismana ogi goor ana kacay oo aan ka
dagay baskii markay sidaa uga dagtay waxaanan ogaaday in la dhaafay xaafadaan daganaa
intaan dhgaysanayay hadaldeedii macaanka badnaa, waan daba socdaa hoosbaan iskula
hadalayaa anoo leh ‘’ caawa fursadani yay ku dhaafin ee la hadal intan’’ ‘’salaamu calayk walaal’’
Ayaa iga soo booday markiiba malaha imay maqal ee aan kor ugu qaado ‘’ salaamu calaykum’’
walaal wacalaykumu salaam’’ ayay si wacan iiga qaaday ‘’ raali iga noqo walaal intaan ku dhibay
waxaan kula saarnaa baska’’ ‘’dhib male walaal ee waa caadi ii sheeg walaalkayow maxaan kaa
caawiyaa’’ ayay hadana si wacan oo dhool cadayn la socoto ii tidhi , ana hadalkii dibaan u liqay
oo naxay wax aan ku idhaaba waan garan waayay ‘’ walaal waan ka heley’’ Ayaan si xishood leh
aan u idhi, intay dhoolaha cadaysay ayay si dabacsan ii tidhi ‘’ xoshoodku waa dhaqan uu nabi
muxamed lahaa N.N.K.H runtiina waa astaan wanaagsani sheegaysa , waana wax lagu farxo in ay
jiraan dad adoo kalaa oo waliba ay sugayaan gabdhihii ay guursan lahaayeen waayo walaal anu
marwaan ahay oo lay qabaa raalina iga ahaw walaal’’ ax xanuun badanaa ‘’ dhib male walaal
saynab’’ Ayaan iska idhi uun ‘’ oo waad I dhagaysanaysay shaw, magacaa walaal?’’ ayay I
waydiisay walaal ‘’ shaakir walaal’’ Ayaan ugu jawaabay waxayna si kaftan leh iigu tidhi ‘’
shakkirow dad in si qarssoni leh loo dhagaystaa ma fiicna’’ kadib way dhoola cadaysay igana
dhaqaaqday iyadoo leh ‘’ walaal waan ku salaaamay waan dagdagayee waxaanan kuu rajeeyey
in aad inan wanaasan hesho’’ wayna iga tagtay dibna iimay soo eegin ana kamaan jeedsan ilaa
intay iga libdhaysay.

You might also like